25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Walxo ololaya oo la aqoonsan oo lagu arkay hawada sare ee deegaanno dhaca xadka…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Walxo aan la aqoonsan haybtooda oo ololaya ayaa xalay fiidkii lagu arkay hawada degmada Mooyaale ee ku taalla xadka Kenya iyo Itoobiya.

Dadka deegaanka oo aan aqoonsan karin waxay yihiin walxahani ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ka duubeen, kuwaas oo muujinaya iyaga oo aad u holcaya.

Mid kamid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ay waxani yihiin walxo dhowr iyo toban ah oo hawada maraya, islamarkaana aan lahayn wax guux ah, “Wax fara badan oo aad mooddo gantaallo ayaa dhanka qorrax-dhaca kasoo baxay, kadibna magaalada ayuun bay u dhaafeen dhanka qorrax-dhaca,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ahaayeen (walxahani) ilaa dhowr iyo toban wax oo uu mid weyn ku jiro. Waxa ay yihiin ma sheegi karno, wax na maray ayuun baan aragnay, guuxna malah.”

Caalami Jaamac oo kamid ah dadka arkay walxahan ayaa isna sheegay in laga yaabo in ay yihiin satalayd bur-buray, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay.

“Wax loo malaynayo inuu yahay burburka satalayd baa caawa lagu arkayaa hawada magaalada Mooyaale iyo qaybo ka mid ah gobolka Oromiya,” ayuu yiri Jaamac.

Si kastaba,a marka laga imaado fallan-qaynta bulshada ku sugan deegaanada walxahan lagu arkay, ma jiraan illo rasmi ah oo xaqiijin kara waxa ay yihiin walxahan oo baqdin geliyay shacabka deegaanadaasi.

Sawirro: Musiibo dab oo aan taariikhda horey loo arag oo ku habsatay Mareykanka

Los Angeles (Caasimada Online) – Laba dab oo waaweyn oo gubay xaafado dhan, islamarkaana ku barakciyey kumannaan qof magaalada Los Angeles ee Mareykanka ayaa wali si buuxda aan loo xakameyn Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Dadka deegaanka oo weli naxdin ku jira ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan burburka guryahooda si ay uga baaraan wixii uga haray.

Goobo badan oo ka mid ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka ayaa u muuqday kuwo cidlo ah, iyadoo dadkii halkaas ku noolaa lagu amray inay ka barakacaan. Qiiq madow ayaa cirka qariyay, urtiisana waxay ku faaftay meelo badan oo magaalada ah.

Hawlgallo waaweyn oo dab-damis ah ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana taageerayey diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suurtagashay markii dabeylaha xoogga badnaa yaraadeen.

Iyadoo xaaladdu kacsan tahay, dhacdooyin boob ah ayaa soo baxay, waxaana ugu yaraan 20 qof loo xiray falalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dabka ugu weyn, oo ku faafay 6,900 hektar oo ka mid ah xaafadda Pacific Palisades oo ah meel ay dadka qaniga ah deggan yihiin, ayaa loo arkay “mid ka mid ah musiibooyinka ugu burburka badan taariikhda Los Angeles,” sida ay sheegtay madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley.

Dab kale oo ku baahay xaafadda Altadena, oo gubay 4,000 hektar islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, ayaa isna wali “aan la xakameynin,” inkasta oo dabkaasi uu yaraaday markii dabeylaha ay yaraadeen, sida uu sheegay madaxa dab-damiska gobolka, Anthony Marrone.

Kalen Astoor, oo ah haweeney 36-jir ah oo xafiis sharci ka shaqeysa, ayaa Khamiistii dib ugu soo laabatay xaafadihii ku burburay dabka si ay u aragto xaaladda. Guriga hooyadeed ayaa ka badbaaday dabka, inkastoo guryo badan oo ku dhowaa ay dhulka la galeen.

“Muuqaalku hadda wuxuu u egyahay dhimasho iyo burbur,” ayay tiri. “Ma hubo in dadku si sahlan ugu soo laaban karaan noloshoodii hore.”

Dabkaas ayaa sidoo kale dib uga kacay meel u dhow Mount Wilson, oo ah goob ay ku yaallaan xarumo taariikhi ah iyo qalab muhiim u ah isgaarsiinta magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray war wanaagsan oo ku saabsan Hollywood, oo ah hoyga taariikhiga ah ee wax soo-saarka filimada Mareykanka. Amaradii barakaca ee lagu soo rogay dadka ku noolaa meel u dhow dabka “Sunset Fire” ayaa la qaaday Arbacadii. Tani waxay keentay in dadka deegaanka halkaas ay dib ugu soo noqdaan.

Dabka ku faafaya dabeylo gaaraya ilaa 100 mayl (160 kiiloomitir) saacaddii tan iyo Talaadadii ayaa dhulka la simay in ka badan 2,000 dhisme oo ku yaalla magaalada Los Angeles, kuwaas oo u badan guryo qaali ah oo malaayiin doolar lagu qiimeeyay.

Sawirro laga qaaday dusha sare Khamiistii ayaa muujiyay xaafado dhan oo gubtay, iyadoo muuqaalladaas argagax ku abuurayeen malaayiin qof oo ku nool magaalada Los Angeles iyo daafaha dunida.

Madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley, ayaa sheegtay in qiyaas hordhac ah oo ku saabsan guryaha ku burburay xaafadda Pacific Palisades ay muujineyso kumanaan.

Ilaa 180,000 qof oo ku nool Los Angeles ayaa weli ku hoos jira amarro barakac oo degdeg ah.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday inay si adag ula dagaallami doonaan kooxaha boobaya guryaha looga guuray sababo la xiriira dabka iyo barakaca.

Xaafadda xeebeed ee Santa Monica waxaa lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya qorrax-dhaca ilaa waaberiga, kaas oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa goobaha barakaca.

Dhinaca Altadena, dadka deriska ah ayaa isu beddelayay ilaalinta guryahooda, iyagoo xaafadaha ka samaynaya roondo.

Sheriff-ka Gobolka Los Angeles, Robert Luna, ayaa sheegay in ilaa 20 qof loo xiray boob, iyadoo tiradaas la filayo inay kororto.

Warbixin ka soo baxday Xarunta Cimilada Qaranka ayaa sheegtay in “dababka ay u badan tahay inay sii ballaartaan,” iyadoo khataraha dab cusub la filayo ay jiraan illaa Jimcaha maanta ah.

Imaaraadka oo loo gacan geliyey wiilka Sheekh Qaradawi

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraatka Carabta ayaa xabsiga dhigay wiil uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi kadib markii laga soo gacan geliyey Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jimcaha maanta ah.

Abdul Rahman al-Qaradawi, oo lagu xiray Lubnaan ka dib markii uu dalka uga soo gudbay dhanka Suuriya December 28, ayaa wajahaya eedeymo ah “dhaq-dhaqaaqyo ujeedadoodu tahay in lagu kiciyo laguna waxyeeleeyo ammaanka dadweynaha”, wakaaladda wararka dalka ee WAM ayaa sidaas sheegtay.

Waxay intaas ku dartay in Qaradaawi xabsiga la dhigay.

Lubnaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay ogolaatay in ay masaafuriso Qaradaawi, oo sidoo kale laga baadi goobayo dalkiisa hooyo ee Masar.

“Imaaraadka waxa uu si aan gabasho lahayn ugu celinayaa mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah cid kasta oo bar-tilmaameedsata amnigeeda iyo xasiloonideeda, waxayna xaqiijinaysaa inay si hagar la’aan ah u baacsan doonto shaqsi kasta oo khatar ku ah amniga qaranka, ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah,” ayey tiri WAM.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay go’aansadeen in Qaradaawi loo gacan geliyo Imaaraadka.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii sheegtay in Qaradaawi uusan ku heli doonin maxkamad cadaalad ah gudaha Imaaraatka isla markaana “la jir dili karo” xabsiga halkaas.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah gabyaa, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Puntland iyo Galmudug oo go’aanno culus kasoo saaray…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shir u socday wasiirro ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaalkacyo waxaana laga soo saaray go’aanno lagu xallinayo colaad beeleed khasaare gaysatay oo ka aloosan galbeedka gobolka Mudug.

Wasiiradda ayaa go’aannada ay soo saareen ku sheegay in guddiyada nabadda ee ka soo jeeda beelaha dagaalku dhexmaray iyo guddiga farsamaduba ay labada maamul kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in colaaddu ay soo laabato.

Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyay wejiga hore ee gogosha nabadeynta in muddo toddoba maalin gudahood lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

Go’aannada kasoo baxay shirkaan ayaa waxay u dhigaaneyeen sidan;

1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac.

3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.

Go’aannada kasoo baxay wejiga hore ee gogosha nabadeynta ayaa xal u noqon kara colaad beeleedka ka taagan galbeedka gobolka Mudug, taas oo soo noq-noqotay, ayna ka dhasheen khasaare kala duwan.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka Soomaaliya ay uga qeyb-gashay Kampala?

0

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb-galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.

Shirka ayaa loogu diyaar garoobayaa shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco magaalada Kampala.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Xaadow iyo Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika tobanka sano ee soo socda (2026–2035).

Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay u tartamayso Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Midowga Afrika. Soomaaliya ayaa xubin fir-fircoon ka ah Midowga Afrika.

Soomaaliya iyo Masar oo wada-hadal cusub ka yeeshay howl-galka AUSSOM

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalmihii dambe howlo shaqo u joogay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Abdul Majeed Saqr.

Labada wasiir ayaa ka wada-hadlay sii adkeynta iskaashiga dhanka ciidanka iyo amaanka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, oo haatan leh iskaashi muhiim oo ugu horreeyo dhanka amniga.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada-hadlay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Soomaaliya ka bilowday 1-dii bishaan Janaayo, ayna qeyb ka tahay Masar oo ayadu horey u muujisay garab istaag buuxa, kadib xad-gudubkii ay Itoobiya kula kacday Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wada-hadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaas oo looga tashanayo qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, wada-hadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howl-gelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howl-galka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood milatari la timaado Geeska Afrika.

Heshiiska milatari ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daan-daansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna cel-celiyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda.

Mareykanka oo lagu eedeyay inuu raad tirayo gabood-fal ay ku kacday Israel

0

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee lagu magacaabo Amnesty International ayaa si weyn u cambaareysay tallaabada Kongareeska Mareykanka.

Tallaabadan ayuu Kongareeska ugu codeeyay in cuna-qabatayn lagu soo rogo xubnihii warqadda waaranka u jaray ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirkiisii hore gaashaandhigga.

Amnesty International ayaa sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid lagu raad baabi’inayo xasuuqa Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza oo ay ku dishay dad badan kuwaas oo u badan haween, carruur iyo dad da’ ah.

Waxa ay hay’addu xoojisay oo dhinac istaagtay qaraarkii maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC oo ahayd in lasoo qabto ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanhayu iyo wasiirkiisii hore ee wasaaradda gaashaandhigga.

Hay’addu waxa ay soo jeedisay in aan la raad duugin dhabbaha loo marayo caddaaladda maadaama maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay howsheedu tahay soo qabashada iyo ciqaabidda dadka xad-gudubka geystay.

Sababta uu Mareykanka uu u hor istaagayo amarka maxkamadda ICC waa in aanay xisaab dib ugu soo noqon sabab la xiriirta in hubka ay ku gumaaday dadkaas shacab ah ay bixisay xukuumadda Washington sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Koofur Afrika iyo dalal badan oo qaarkood reer Yurub ah ayaa kiiskaan u gudbiyay maxkamadda ICC oo dhageysi iyo dabagal kadib xaqiijisay in dacwadda lagu soo oogay ra’iisul wasaare Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga oo markii dambe warqad soo qabasho ah loo jaray.

Somaliland: Wasiirada cusub oo maanta la dhaariyay

Hargeysa (Caasimada Online) — Golaha Wasiirada ee xukuumada cusub ee Somaliland ayaa si rasmi ah loo dhaariyay, iyadoo fadhiga dhaarta dastuuriga ah uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha maxkamada sare.

Sida ku cad qodobka 94-aad ee dastuurka ee Somaliland farqadiisa 3-aad xubnaha golaha ee uu madaxweynuhu magacaabo waa in lagu dhaariyaaa 30 maalmood gudohood, marka ay golaha wakiiladda ay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirrada.

Haddaba, siiqada ay dhaarta dastuuriga ahi u dhacayso iyo ereyada ay xubnaha golaha wasiirradu ka daba odhanayaan gudoomiyaha maxkamada sare iyagoo gacanta saaraya kitaabka qur’aanka ah waxay u dhaceysa sida tan:

“WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINYTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”

Dhaarta kadib waxa hadalo dar-daaran ah ka jeediyey halkaasi madaxweynaha iyo madaxweyeyne ku-xigeenka Somaliland, kuwaas oo xubnaha xasuusiyay miisaanka dhaarta iyo xilka loo igmaday inay u gutaan si hufan.

“Dhaartaasi ma fududee wasiirow rag iyo dumarba labadayada annagaa ugu daran laakiinse ma kala sokaynee Ilaahay waxaan ka baryaa inuu ina waafajiyo tawfiiqda Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu ilhaameeyo jidka toosan Ummadana aan ugu shaqayno iyo Diinta Islaamka si caddaalada,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa la dardaarmay masuuliyiinta la dhaariyey waxaanu yidhi “aniga iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayaa idinku hor dhaaranay bishii December 12-keedii, maantana markii aad nidaamkii soo dhamaysateen ee golaha wakiilladu ugu dambeeyey waxa aynnu sida dastuurku tilmaamayo ku khatimaynaa dhaarta.”

“Maanta dhaartaa aynnu dhaarannay, culayskeeda iyo waxa aynu ku dhaaranay idinka iyo annaguba waa wax weyn. Waxaynu ku dhaarannay Diinta, dalka iyo dadka. Dadkuna maanta waxay inaga sugayaan ballanqaadyadeennii inaynu fulinno, ballan-qaadyadii ay dadka u qaadnay iyo adeegyadiina waa masuuliyad ina wada saaran, idinkana gaar idiin saaran.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aynnu doonaynaa in isbeddelkii aynnu ballantiisa soo qaadnay inuu inaga muuqdo oo shaqadeenna ka muuqdo oo xadiisyadeenna ka muuqdo oo uu caddaalladdeenna ka muuqdo, waxana aan Ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo dhammaanteen hawsha, idinkana idiin fududeeyo hawsha badankeeduna idinka ayey idinku dhacaysaa.”

Sawirro: Afweyne oo 11 sano u xirnaa burcad-badeednimo oo laga soo dejiyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo ahaa ganacsade loo heystay burcadnimo ayaa in ka badan 10 kadib maanta dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo.

Ninkaan iyo madaxweynihii hore ee maamulkii Xibin iyo Xeeb ee Cadaado ka dhisnaa waxaa qabatay oo xiratay dowladda Belgium, waxaana loo heystay inay ku lugyeesheen falal burcad-badeednimo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ganacsade Afhweyne wuxuu ka shaqeynayay howlo kalluumeysi markii la qabtay.

Siideyntiisa waxaa gacan ka geystay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Belgium & Midiwga Yurub, Ambassador Yoonis Yassin Hashi (Ooga-Adde).

Danjire Yoonis ayaa dib u furay kiiska, maadaama xukun tobanaan sano ah lagu riday, waxaana sanadihii dambe booqashooyin joogto ah loogu tagi jiray Maxamed Afweyne, goobta uu ku xirnaa in ka badan seddex sannadood.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu dambeyn la xaqiijiyay in Maxamed Afweyne uu yahay qof aan dambi lahayn.

11 sano ayuu ku jiray xabsiga, Afweyne ayaa maalin Sabti ah 2013-kii lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Saraakiil dharcad ah ayaa ka dambeeyay soo qabashadiisa, kadib markii ay ka dhaadhiciyeen in ay ka qeyb qaadanayaan barnaamij weyn laga sameeyey burcadbadeedka Soomaalida.

Maxkamad ayaa la hor geeyey dacawad oogayaashii xligaas ayaa sheegay in ay aaminsan yihiiin in uu ka dambeeyay Markab Belguim-ka laga leeyahay oo la qabsaday sanadkii 2009-kii.

Xukunkii lagu riday Afweyne ayaa ahaa 30 sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay burcad badeednimo, balse 11 sano kadib waxaa maanta laga soo dejiyey Muqdisho.

Kalluumeysato ku luntay badda Soomaaliya oo laga helay dal kale

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo bil ka badan lagu la’aa xeebaha Somaliland ayaa iyagoo bad-qaba hadda laga helay xeebaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ciidaanka ilaalada xeebaha dalka Djibouti oo ku guda jira howlahooda ilaalinta xeebaha ayaa soo samata-bixiyay saddex kalluumaysato oo bil ka hor ka soo shiraacday magaalada Berbera.

Kalluumaysatadaan ayaa sheegay in cilad weyn ay ku timid matoorka Doontii ay wateen, kadibna ay xakamey waayeen Doonta oo hadba dhinac la aadeysay.

Markii la wareystay waxay sheegeen in Beterigii uu ka dhacay, sidaasna ay muddo bil ka badan ku dul sabeynayeen badda.

Saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in ay hadda ka caawinayaan kalluumaysatadaan in ay ku laabtaan deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen ee gudaha Somaliland.

Saddexdaan nin ayaa sheegay in xaaladoodu ay fiican tahay, isla markaana ay ciidamadu si wanaagsan u soo dhaweeyeen oo u gacan siiyeen, haddana ay dib ugu laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen ee waqooyiga Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya oo inta badan aan ilaalo laheyn ayaa waxaa u kalluumeysi taga dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo la kulma cabado badan oo qaarkood ay ka soo daran yihiin waxa ku dhacay raggaan.

Jubaland oo DF ku eedeysay BOOB iyo cunaqabateyn “GorGor iyo Haramcad ayaa naloo adeegsaday”

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Jubbaland oo maanta ka shiray xaaladda uu maamulkaasi ku jiro ayaa war cusub ka soo saaray duulaanka ay dowladda federaalku ku heyso maamulkaas, iyagoo diiradda saaray afar qodob oo kala arrimaha amniga, gargaarka, mashaariica horumarineed iyo isku socodka dadwaymaha.

Hoos ka akhriso qodobada war-xaafadeedka ka soo baxay Jubbaland oo dhameystiran:

AMNIGA

  1. Amniga degaanada Jubaland waxaa masuul ka ah Hay’ addaha Amniga iyo
    Ciidamada Jubaland, waxayna masuuliyad ka saarantahay badqabka shacabka iyo difaaca deegaanada Jubaland.
  2. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa faragelinta ciidan iyo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday Jubaland, gaar ahaan deegaanada nabdoon ee Dowladda Jubaland, sida Raaskaambooni, Kulbiyow iyo Doolow.
  3. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa ku lug lahaanshaha dhacdooyinkii u danbeeyay Ciidamada Gorgor iyo Haramacad ee ay soo tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  4. Dhismaha Ciidamadaas waxaa Soomaaliya ka saaciday Turkiga, waxaana loo adeegsaday in lagu burburiyo Dowlada Jubaland, isla markaana lagu carqaladeeyo nabadgalyada deegaano xor ahaa in ka badan 13kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay nasiib darro tahay in ilaa hada ay ku howlan yihiin in deegaano hor leh oo Jubaland ah dagaalo ka ridaan.

GARGAARKA

1. Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxay sidoo kale cambaareynayaan is hortaga iyo siyaasadeynta lagu sameeyey Gargaargkii Bini’aadinimo ee

loogu talagalay shacabka reer Jubbaland, iyadoo si ulakac ah loo siyaasadeeyay gargarka iyo tageerada beesha calamka ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lacagaha gargaarka ee loogu talagalay loo weeciyay in lagu abaabulo dagaalo dhiig badan ku daato oo ka dhaca deegaanada Jubaland.

HAY’ADDA DUULISTA HAWADA

  1. Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxaa u cadaatay Hay’ ada Duulista Hawada ee Soomaaliya in ay siyaasadaysay dhamaan duulimaadyadii garoomada Jubbaland, iyadoo Dowladdu ay joojisay dhammaan duulimaadyadii ra’yidka ahaa ee garoomada Jubaland, kuna cadaadisay shirkadaha diyaaradaha in ayna u safri karin Magaalooyinka Jubaland.
  2. Dowladda Federaalka waxaa ay sidoo kale u isticmaashay diyaaradaha shacabka inay ku daabusho hub iyo ciidan, iyagoo geeyay deegaano kala duwan oo Jubaland kamid ah, si loo burburiyo maamulada sharciga ahaa ee deegaanadaas ka jiray.
  3. Waxaa nasiib darro ah in boqolaal shacabka reer Jubaland ah la dhibaatoonayaan xanibaada diyaaradaha, iyagoo u safri lahaa dalka gudahiisa iyo dibadaba.

MASHAARIICDA HORUMARINEED

  1. Dowladda Federaalka ah waxay hakisay qaar kamid ah mashariicda hormarineed ee ka socday deegaanada Jubaland, iyadoo taasi ay wiiqayso adeegyadii bulshada iyo dib usoo kabashada dalka.
  2. Dowladda Federaalku waxay u wareejisay meelo kale oo dalka kamid ah Mashariic ay lahayd Dowladda Jubaland, taas oo ay ka leedahay dano siyaasadeed.
  3. Waxaa Golaha Wasiirrada ay sidoo kale soo bandhigeen in qaar kamid ah mashaariicda Jubaland loo adeegsaday dano shaqsi ah, isla markaana lacagahii loogu talagalay ay la bexeen shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Xogta kulan ku saabsan maqaamka Muqdisho oo maanta dhacay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan labada masuul ayaa isbarasho kadib waxaa looga hadlay maqaamka Muqdisho, si ay dadka caasimadda u helaan metelaad dhab ah.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha uu kula dardaarmay duqa Muqdiaho inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahan yihiin.

Maamulka gobolka oo qoraal kasoo saaray kulankan ayaa waxaa lagu yiri “Kulanka ayaa waxaa looga hadlay meel-marinta maqaamka caasimadda iyo sidii bulshada gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.”

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay qorsheyaasha hortabinta u leh maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinka goleaasha deegaanka, isagoona ka codsaday sidii uu baarlamaanka u meel-marin lahaa cutubyada dastuurka ee ku xusan maqaamka caasimadda iyo matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.




Xaalad halis ah oo ka soo korortay degaano Somaliland ah

Berbera (Caasimada Online) – Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga ayaa walaac xooggan ka muujiyay khatar kaga imaaneysa abeesooyin, kuwaas oo kamid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah.

Dadka deegaannadaas ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxay ku haysaa cabsi xooggan, kadib markii qaar kamid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada abeesada.

Sidoo kale waxaa jira kuwo kale oo u naafoobay dhibaatada kasoo gaartay qaniinyada abeesadan, oo illaa haatan u jiifa.

Aadan Ciise oo kamid ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhibaatada ay abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo-guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil ay sii kordheyso.

Dhawaan, Aamina Maxamed Axmed AUN oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan degmada Xagal ee gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM.

Aadan Ciise oo ay marxuumadu xaaskiisa ahayd ayaa sheegay in habeenkii Jimcihii abbaare 10-kii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay abeeso yar, iyada oo habeenkii Sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay abeesada cuntay.

“Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday,” ayuu yiri Aadan Ciise.

Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay.

“Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”.

Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo.

Dokumentiyo muujinaya in Asma al-Assad ay basaas u aheyd sirdoonka MI5

London (Caasimada Online) – Dukumentiyo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in marwadii koowaad ee hore ee Suuriya Asma al-Assad ay basaas u ahayd sirdoonka Britain.

Dukumeentiyadii ugu horreeya oo uu Facebook soo dhigay weriye Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Nizar Nayouf, ayaa la sheegay inay ka yimaaddeen sirdoonka Suuriya. Waxaa ku xusan in sannadkii 1992-kii ay Bashaar al-Assad oo uu dhalay madaxweynihii wakhtigaas Xafiz al-Assad ay dul dhigeen kor joogteyn kadib markii uu Asma iyo sarkaal ka tirsaneyd MI5 Eliza Manningham-Buller kula kulmay hotel ku yaalla London.

Bashaar, oo madaxweyne noqday 2000 kadib geeridii aabihiis, waxa uu London ku qaadanayey tababar dhakhtarnimo indhaha ah.

Dokumentiyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulan labaad oo uu la yeeshay Manningham-Buller kaasi oo ka dhacay guriga Asma ee xaafadda Acton intii ay socotay xaflad, sidoo kale la tuhmayo inuu ka soo muuqday taliyihii hore ee saldhigga sirdoonka MI6 ee Moscow Raymond Asquith.

“Inkasta oo kulanku ahaa mid bulsho, martida Ingiriiska waxay waydiiyeen Dr Bashaar su’aalo siyaasadeed (oo la xiriira arrimaha gudaha Suuriya iyo xiriirka uu la leeyahay qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka dalka),” ayaa ku qoran dukumentiga.

“Waxay isku dayeen inay ogaadaan inuu wax xiriir ah la leeyahay iyo in kale.”

Dukumeentiga labaad, ee ku taariikhaysan 1998, waxa uu sheegay xiriir ay Asma la laheyd Oxford Analytica Foundation, oo uu aasaasay Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka, waxaana lagu sheegay in Asma ay si hoose ugu shaqaynaysay sirdoonka UK, iyadoo sidoo kale ka shaqaynaysay JP Morgan.

Labada dukumeenti ayaa lagu sheegay inay ka soo baxeen miiska General Ali Issa Douba, madaxa sirdoonka Suuriya ee xilligii Hafez al-Assad.

Asma Fawaz Akhras, oo 17 jir ahayd markii ay dhacayeen kulamada la tuhunsan yahay, waxay guursatay Bashaar al-Assad 2000 wax yar ka dib markii uu qabtay xilka madaxtinimada.

Si kastaba, warar ayaa sheegaya in dokumentiyada ay yihiin been abuur, ayada oo qof uu xusay in farta lagu qoray warqadda ee Carabiga oo ah nooca Kawkab Mono la hindisay un 2015-kii.

Kahor inta uusan billaaban dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011, waxaa isbedelay xiriirkii u dhaxeeyey dowladda Assad iyo Mareykanka iyo UK.

Horraantii 2000-aadkii, Assad iyo xaaskiisa oo haysata dhalashada UK, ayaa waxaa UK ku casuumay ra’iisul wasaarihii xilligaas Tony Blair, halkaas oo Assad uu kula kulmay boqorad Elizabeth.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11, Assad waxa uu ogolaaday in Syria loo isticmaalo goob lagu jirdilo dadka laga shakisan yahay ee ay afduubteen ciidamada sirdoonka Maraykanka.

Hase yeeshee, Assad waxa uu mar walba xiriir la lahaa dalka Maraykanka ay cadowga yihiin ee Iran, waxaana lagu eedeeyey inuu ogolaaday in dhulka Suuriya ay isticmaalaan Al-Qaacida iyo kooxaha kale ee hubaysan ee u socdaalaya Ciraaq si ay ula dagaallamaan Maraykanka.

Goorta la shaacinayo jadwalka doorashooyinka qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay in todobaad wax ka yar ay ku soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka.

Guddomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu guddigan madax-banaan yahay, ayna shaqadiisa tahay in uu dalkaan doorasho hufan oo qof iyo cod ah ka qabtaan.

Cabdikariin ayaa tilmaamay in sannadkii 1969-kii ay dalkaan ugu dambeysay doorasho loo dareero, wuxuuna xaqiijiyay in ujeedka guddigan yahay fududeynta in dadka Soomaaliyeed ay soo doortaan hoggaankooda.

Jadwalka uu todobaadka kusoo saarayo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa wuxuu iskugu jiraa kan doorashada, diiwaan-gelinta ururada iyo tan codbixiyayaasha.

“Waxaan idinla wadaagi doonnaa todobaad gudahood jadwalka weyn ee doorashada, marka uu billaabanayo diinwaan-gelinta ururada, codbixiyaasha. Waxaan bilaabi doonaa in aan asteyno goobaha doorashada,” ayuu yiri guddomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddigan oo muran badan ka taagan yahay ayaa waxaa la dhisay bishii November ee sannadkii tagay, waxaana ujeedkooda yahay inay dalka ku hagaan doorasho ku saleysan axsaab iyo qof iyo cod.

Guddigan ayaa horey u shaaciyay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan, halka bisha November ay qaban doonaa tan baarlamaanada maamul goboleedyada iyo madaxdooda, taas oo ku dhaceysa qof iyo cod

Dagaalka Puntland iyo DF oo weji cusub yeeshay iyo arrin kale oo la isku qabtay – xog

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeeshay waji cusub, iyada oo la’isla aaday dhinaca gargaarka bani’aadanimada, kadib markii la siyaasadeeyay.

Dowladda dhexe, gaar ahaan hay’adda SoDMA ayaa shalay shaacisay in shixnad gargaar ah u dirtay deegaanada Puntland, balse waxaa arrintaas ka horyimid maamulka Garoowe.

Wasiirka gargaarka Puntland, Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegtay in aanu jirin wax gargaar ah oo ay kala wareegeen dowladda dhexe, waxayna been abuur ku tilmaamtay sheegashada SoDMA.

Ubax ayaa ku eedeysay dowladda inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka, taasina ka fogtahay cadaaladda iyo bani’aadanimada.

“Haddii la siyaasadeeyay arrimaha bani’aadanimada cidda la aaday dhankaas iyada ayay ka haleysan tahay oo uu qorshuhu ka lunsan yahay kolley annaga nimankaas waxba naga soo gaaraan” ayay yiri Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Maya been abuurka ay qorayaan iyo Puntland waxbaan gaarsiinay waxba ma keenin, mana arkin deeqda ay halkan kusoo qoreen”

Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in ka maamul ahaan ay doonayaan in saamiooda gooni loo siiyo, isla markaana laga madax baneeyo dowladda federaalka.

“Annaga waxaan rabnaa in Puntland waxeeda gaar loo siiyo, maadaama aysan jirin cadaalad iyo siinaan la’aan aan uga jeedno dowladda Soomaaliya” ayay mar kale tiri.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu shalay yiri wasiirka beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay in Puntland ay gooni u siiyee lacag $16 milyan, iyada ooay dowladdu  tixigelineyso daruufaha ka jira maamulkaas oo ay ugu horreyso taageerida dadka beeraleyda ah.

Dagaalka kooxaha Suuriya oo kasii daray – Maxaa cusub?

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Dagaallada u dhexeeya kooxaha ay Turkey taageerto, oo ay taageerayaan duqaymo xagga cirka ah, iyo xoogagga Kurdiyiinta ayaa 37 qof ku dilay Khamiista maanta ah gobolka Manbij ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee la soo weriyey ayaa imanaya inkasta oo Mareykanka uu Arbacadii sheegay inuu ka shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa walaacyada Turkiga ee Suuriya si xulafada NATO ay uga dhaadhiciyaan in aysan kordhin weerarada ka dhanka ah dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Kooxda Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in “dagaalo ba’an ay ka dhaceen baadiyaha Manbij … saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo u dhexeeya Kurdida ay hogaaminayaan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya (SDF) iyo kooxaha Turkey ay taageerto ee Ciidamada Qaranka … oo dusha sare ay ka taageereyso Turkey.”

“Weerarada waxaa lagu dilay 37 qof, sida ku cad khasaaraha horudhaca ah, oo isugu jira dagaal-yahannada Turkey ay taageerto iyo kuwa SDF, iyo shan qof oo rayid ah,” ayey tiri kooxda kormeerka ee fadhiggeedu yahay Britain, taasi oo ilo-wareedyo kala duwan ku leh gudaha Suuriya.

Kooxda Kormeerka ayaa sheegtay in ugu yaraan 322 qof lagu dilay dagaalka ka socda baadiyaha Manbij tan iyo bishii hore.
Arbacadii, Mazloum Abdi, oo madax u ah kooxaha SDF ee uu Maraykanku taageero, ayaa sheegay in kooxdiisu ay taageereyso “midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya”.

War qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee AFP, ayuu ugu baaqay maamulka cusub ee Suuriya “in ay soo farageliyaan si ay xabbad-joojin uga dhacdo Suuriya oo dhan”.

Hadalka Abdi ayaa daba socday waxa uu ugu yeeray shir “wanaagsan” oo dhexmaray hogaamiyayaasha Kurdiyiinta iyo maamulka Dimishiq dabayaaqadii bishii hore.

Kooxaha uu Turkiga taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa dib u bilaabay dagaalka ay kula jiraan SDF, xilli ay kooxaha Islaamiyiinta ah ay bilaabeen 27-kii bishii November weerarkii ay ku afgambiyeen madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, ee qaatay kaliya 11 maalmood.

Kooxaha ay taageerto Ankara ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Manbij iyo Tal Rifaat oo dhacda waqooyiga Xalab, oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen, inkasta oo Mareykanku uu waday dadaallo xabbad-joojin looga sameynayo deegaanka Manbij.

Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markaas, iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha.

Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Turkigu uu “walaac sharci ah” ka qabo xagjiriinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku sugan gudaha Suuriya, wuxuuna ku baaqay in xal laga gaaro dalkaas oo ay ku jiraan ka bixitaanka “dagaalyahannada argagixisada shisheeye”.

“Taasi waa geeddi-socod qaadan doona waqti, inta ka horaysa, waxa aan dani ugu jirin wax kasta oo wanaagsan oo aan aragno oo ka dhacaya Suuriya, waxay noqon doontaa dagaal, waxaana aad ugu dadaali doonaa inaan hubinno in taasi aysan dhicin,” Blinken ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris.

Turkey ayaa Talaadadii ku hanjabtay hawlgal millatari oo ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya haddii aanay aqbalin shuruudaha Ankara ee ku aaddan isbeddel “dhiig la’aan” ah ka dib dhicitaankii Assad.

Kurdiyiinta Suuriya ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka qaniga ku ah saliidda ee waqooyi bari ee dalka, halkaas oo ay ku naaloonayeen is-maamul inta badan intii uu socda dagaalka sokeeye tan iyo 2011-kii.

Hase yeeshee Turkey ayaa ku eedaysa qaybta ugu weyn SDF ee YPG in ay xiriir la leeyihiin PKK, oo waday 40 sano kacdoon ka dhan ah qaranka Turkey.

PKK waxaa urur argagixiso u aqoonsan Turkey, Maraykanka, Midowga Yurub iyo inta badan xulafada reer galbeedka ee Turkey.

Turkey ayaa qaaday hawlgalo badan oo ka dhan ah SDF tan iyo 2016.

MUQDISHO oo gashay jawi cusub oo Shabaab la’aan ah iyo DF oo bilowday qorshe kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho, waxay ku jirtaa xaalad nabad galyo ah, halistii Khawaarijta ayaa hoos loo dhigay sanadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku qaaday dagaal militeri, mid dhaqaale iyo mid dhanka fikirka ah.

Degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ku tartamayaan dhismaha wadooyin laamiyo iyo interlock ah, Bangiyaduna waxay wadaan dhismaha xaafado cusub iyo maal-gashi dhinac kasta leh.

Dhismayaasha ka socda Muqdisho ayaa hadda u baxay banaanka, waxaana la deegaameynayaa dhul ka baxsan Xamar, waxayna caasimaddu ku sii fideysaa gobollada Shabeelooyinka.

Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqaatada ah ee ku nool qeybo kamid ah gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa markii ugu horreysay 17 sano kadib waxaa u curtay sanad aysan kooxdu baad ka qaadin, gaadiidkuna waxa uu isaga gudbayaa gobolladaas, iyadoo wadooyinka aysan Shabaab joogin, isbaarana oolin.

Khawaarijta Al-Shabaab, wali waxay joogaan dhul ku yaalla koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadda waxaa socda abaabulka sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgalka Militeri oo argagixisada looga xoreynayo dhulka ay joogaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dagaal cusub abaabulaya ayaa isku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan oo toddobaadkaan lagu aasay askari military ah oo loo dilay aano qabiil.

Janaraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa furimaha ugu dambeeya ee ciidamadu difaaca uga jiraan ku maraya kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda ciidanka iyo dib u bilaabidda dagaalka xoreynta dalka.

Maanta ciidanka xoogga dalka ee Hiiraan ku sugan waxay Shabaab ku bilaabeen howlgalka, waxaana laga xoreeyey ugu yaraan 5 deegaan oo muhiim ah oo ku yaalla Jiinka Wabiga, waxaana loo talaabayaa maalmaha soo socda galbeedka Wabiga, si gobolkaas looga xoreeyo kooxda.

Soomaaliya oo u tartameysa kursi muhiim ah oo yaalla M/A

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isku soo sharaxday u tartamidda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028, kadib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kursigaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonto tartanka iyo loolanka loogu jiro jagadaasi muhiimka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in kursigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana  ay door muuqdo  a qaadaneyso ajendaha nabadda iyo ammaanka ee guud ahaan qaaradda.Afrika, taas oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habaynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism.

Soomaaliya ayaa loolan adag la geli doono dowladaha dariska iyo kuwa Afrika ee quul dareynaya inay ku fariistaan kursiga AU PSC).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taas oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka-qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay ku guuleysatay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM, taas oo fursad wayn siineysa dowladda federaalka, iyada oo todobaadkan uun si weyn loogu dabaal degay guushaasi.

Soomaaliya sidoo kale waxa ay horay ugu biirtay dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC, kadib dadaallo ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Soomaaliya oo qorshe culus ka damacsan Beledweyne

0

Beledweyne(Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ka bilowday dowladda dhexe, oo wafdi sare u dirtay Hiiraan, si ay u fuliyaan qorshaha Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka kooban xildhibaanno, wasiirro, taliyaha NISA iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Beledweyne, kuwaas oo xambaarsan laba ujeedo oo kala ah xal u raadin xiisadda gobolka iyo fulinta qorshaha dowladda dhexe ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee laga qabanayo dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale toos ula wareegtay amniga Beledweyne oo ay markii hore gacanta ku hayeen ciidamo Macawiisley ah, waana tallaabada koowaad ee ay qaaday xukuumadda, si loogu dhaqaaqo qorshaha ay hormuudka u tahay Villa Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Shire oo kamid ah mas’uuliyiinta ay dirtay dowladda ayaa ka warbixiyay kulamada ka socda Beledweyne ee ay la yeehseen waxgaradka reer Hiiraan, waxaana ugu horreeyay arrinta amniga iyo doorashada.

Daahir Shire ayaa hoosta ka xariiqay in Beledweyne laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo shacabka ku booriyay inay u diyaar garoobaan inay codadkooda dhiibtaan.

“Waxaan muddo 90 cisho ah ka shaqeynayna nabadeynta gobolka Hiiraan, dowladda siyaasadeeda waa caddahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka jihaa la aaday, annagana waa in aynan ka harin oo aynu qabana doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri.

Arrinta kale ee sii xoojineyso qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan tegayo Beledweyne, si loo dhammeystiro heshiisyada haatan lala gaaray maamulkii la baxay Hiiraan State, loona xalliyo tabashada ay qabaan reer Hiiraan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dood xoogan oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan qaar kamid ah maamul goboleedyada, xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe oo iyadu rabto in la aado qof iyo cod.