Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalmihii dambe howlo shaqo u joogay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Abdul Majeed Saqr.
Labada wasiir ayaa ka wada-hadlay sii adkeynta iskaashiga dhanka ciidanka iyo amaanka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, oo haatan leh iskaashi muhiim oo ugu horreeyo dhanka amniga.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada-hadlay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Soomaaliya ka bilowday 1-dii bishaan Janaayo, ayna qeyb ka tahay Masar oo ayadu horey u muujisay garab istaag buuxa, kadib xad-gudubkii ay Itoobiya kula kacday Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wada-hadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaas oo looga tashanayo qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.
Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.
Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, wada-hadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howl-gelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howl-galka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.
Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood milatari la timaado Geeska Afrika.
Heshiiska milatari ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daan-daansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna cel-celiyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda.