Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb-galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.
Shirka ayaa loogu diyaar garoobayaa shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco magaalada Kampala.
Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Xaadow iyo Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.
Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika tobanka sano ee soo socda (2026–2035).
Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay u tartamayso Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Midowga Afrika. Soomaaliya ayaa xubin fir-fircoon ka ah Midowga Afrika.