Somaliland: Wasiirada cusub oo maanta la dhaariyay

Hargeysa (Caasimada Online) — Golaha Wasiirada ee xukuumada cusub ee Somaliland ayaa si rasmi ah loo dhaariyay, iyadoo fadhiga dhaarta dastuuriga ah uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha maxkamada sare.

Sida ku cad qodobka 94-aad ee dastuurka ee Somaliland farqadiisa 3-aad xubnaha golaha ee uu madaxweynuhu magacaabo waa in lagu dhaariyaaa 30 maalmood gudohood, marka ay golaha wakiiladda ay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirrada.

Haddaba, siiqada ay dhaarta dastuuriga ahi u dhacayso iyo ereyada ay xubnaha golaha wasiirradu ka daba odhanayaan gudoomiyaha maxkamada sare iyagoo gacanta saaraya kitaabka qur’aanka ah waxay u dhaceysa sida tan:

“WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINYTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”

Dhaarta kadib waxa hadalo dar-daaran ah ka jeediyey halkaasi madaxweynaha iyo madaxweyeyne ku-xigeenka Somaliland, kuwaas oo xubnaha xasuusiyay miisaanka dhaarta iyo xilka loo igmaday inay u gutaan si hufan.

“Dhaartaasi ma fududee wasiirow rag iyo dumarba labadayada annagaa ugu daran laakiinse ma kala sokaynee Ilaahay waxaan ka baryaa inuu ina waafajiyo tawfiiqda Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu ilhaameeyo jidka toosan Ummadana aan ugu shaqayno iyo Diinta Islaamka si caddaalada,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa la dardaarmay masuuliyiinta la dhaariyey waxaanu yidhi “aniga iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayaa idinku hor dhaaranay bishii December 12-keedii, maantana markii aad nidaamkii soo dhamaysateen ee golaha wakiilladu ugu dambeeyey waxa aynnu sida dastuurku tilmaamayo ku khatimaynaa dhaarta.”

“Maanta dhaartaa aynnu dhaarannay, culayskeeda iyo waxa aynu ku dhaaranay idinka iyo annaguba waa wax weyn. Waxaynu ku dhaarannay Diinta, dalka iyo dadka. Dadkuna maanta waxay inaga sugayaan ballanqaadyadeennii inaynu fulinno, ballan-qaadyadii ay dadka u qaadnay iyo adeegyadiina waa masuuliyad ina wada saaran, idinkana gaar idiin saaran.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aynnu doonaynaa in isbeddelkii aynnu ballantiisa soo qaadnay inuu inaga muuqdo oo shaqadeenna ka muuqdo oo xadiisyadeenna ka muuqdo oo uu caddaalladdeenna ka muuqdo, waxana aan Ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo dhammaanteen hawsha, idinkana idiin fududeeyo hawsha badankeeduna idinka ayey idinku dhacaysaa.”