25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Qorshe yaab leh oo lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Somalia oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Magalaada Muqdishu ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey waxaa ka socdey shirar looga hadlayo dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka qabyada ah ee Federalka Somalia kuwasoo uu wado wasiirka arimaha Dastuurka u qaabilsan dowlada Federaalka Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online

Caasimada Online, ayaa fahansan iney jiraan qorshayaal ku aadan qaababka codbixnta loogu sameynayo Dastuurka qabyada ah ee dowlada Federaalka Somalia, kasoo sida xogtaan sheegeyso si hoose uga wada shaqeynayaan gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Maxamad Cismaan Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Federaalka Somalia Cabdiraxman Xoosh Jibriil.

Wararka ayaa sheegaya in labadaan mas’uul ay ku gudo jireen bishii la soo dhaafey kulamo ay la qaadanayeen magalaada Nairobi xubno ka tirsan beesha calaamka  kuwasoo ay ka raadinyeen tageero dhaqaale iyo mid siyasadeed.

Barnaamijka ayaa diirada saaraya in Dastuurka KMG uusan u bahaneyn Afti guud ee loo qaado balse lagu saleeyo codbixin ay sameeyaan dad laga soo ururshey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwasoo lagu xereeyo goob kamid ah magaalada Muqdisho ama la geeyo codbixinaha qayb kamid ah magaalo madaxyada maamul goboleedyada iyadoo la raacayo nidaamkii doorasho ee 2016-kii.

Wasiirka Dastuurka dowlada Federalka Somalia  Cabdiraxman Xoosh Jibriil iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia Maxamad Cismaan Jawaari ayaa horey uga soo wada shaqeeyey barnaamjikii codbixnta kooban loogu sameeyey Dastuurka KMG Federaalka Somalia kaa soo khilaaf ka dhex abuurey maamulada dowlada  Federaalka ka tirsan iyo dowlada Federaalka ah.

“Barnamaijkaan hadii uu ku hirgalo sida  lagu wado taasoo ah in Dastuurka KMG ah ee Somalia lagu  ansaxiyo nidaamka aftida kooban halkii la filayey in afti guud ee dalka  ka dhacda sanadka 2020-2021 uu qayb ka noqdo ayaa noqoneysa balan furyo kale ee lagu sameeyo shacabka Somalia.” Sidaas waxaa Caasimada Online u sheegey qof xogogaal u ah  arimaha Federaalka Somalia.

Xafiiska QM u qaabilsan arimaha Somalia oo uu madaxda yahay Micheal Keating ayaa aad uga shaqeeyey sanadkii 2016 sidii shacabka Somalia xubnaha Barlamanada Federaalka u matali doona ku soo doortaan nidaamkii  4.5 kasoo QM balan qaadey in 2020 dadka Somalidu madaxdooda iyo Dastuurka ku soo dooran doonaan Hal cod Hal qof.

Dhinaca kale tan iyo intii la doortey xukuumada cusub waxaa socdey kulamo u dhexeeya wakiilada beesha caalamka ee dhaqaale ahaan tageera dowlada kuwasoo dabada ka riixaya in heshiisyo hordhac ah laga gaaro qaybsiga khayraadka dalka iyo dakhliga.

Wax qaybsiga hordhaca ah ayaa dib u dhac ku ah in dowlada Federaalka Somalia awoodeeda ugu sareysa saarto sidii dalka Somalia u heli lahaa Dastuur taaba gal ah kaasoo kal hagi doona  maamulada iyo dowlada kuwasoo ku wada shaqeyn doona nidaam ku dhisan Federaal.

Dastuurka Federaalka Somalia oo laga sugayo dowladda in ay afti dadweyne u qaado inta xafiiska ay joogto ayaa kala qeexi doona awoodaha dowlada Federalka ah iyo maamulada ka tirsan kuwasoo ay kamid noqon doonaan qodobo qeexa qaybsiga khayraadka dalka, dakhliga kasoo xeroodo dekadaha, garoomada iyo maqaamka magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Isbarbar yaaca DF: Yuusuf Garaad oo gebay howshiisa + Maxaa shalay dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u ambabaxay ilaa lix wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwaasi oo ujeedadoodu tahay sidii ay heshiisyo ula soo saxiixan lahaayeen dhiggooda Sacuudiga.

Safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay Riyadh ayaa qeyb ka ahaa heshiisyo iyo mashaariic ku baxaysa 4 bilyan oo dollar oo Sacuudiga ka hirgelinayo Soomaaliya.

Wafdiga wasiirada ah kama mid aha wasiirka arrimaha dibada Somalia, Yusuf Garaad Cumar oo muhiim aheyd inuu hoggaamiyo, hase ahaatee lama oga sababta ku kaliftay inuu ka mid noqon waayay.

Tallaabadaasi ayaa dad badan ay u arkaan mid sumcad sumo ku ah wasaaradda arrimaha dibada oo shaqadeedii gebtay iyo in laga yaabo ineysanba ku baraarugsaneyn howshaasi, inkastoo wafdigii madaxweynaha wasiirka arrimaha dibada uu ka mid ahaa ee booqday Riyadh.

Dhanka kale, shalay wasiirka warfaafinta uu shaaciyay in dowladda Ugandha uu kala hadlay howshii wasiirka arrimaha dibada u xil saarnaa oo aheyd in dowladda Ugandha shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha Soomaalida.

Howshaasi oo ay laheyd in ay qabato wasaaradda arrimaha dibada, hase ahaatee loo arko mid xadgudub ku ah wasiirka arrimaha dibada oo howshiisii wasiirka warfaafinta qabanaayo.

Dhanka kale, marka dhinac laga fiiriyo, waxay u muuqan kartaa isbarbar yaaca dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre, inkastoo markii lasoo magacaabay Kheyre uu balan qaadya in wasiir walba uu howshiisa lagu faragelin doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaad kala socotaa qorshaha qadka cagaaran looga sameynayo Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe cusub oo qad cagaaran looga sameynayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah qorshaha loogu magac daray xasilinta, sida ay ilo-wareedyo amni u sheegeen Caasimada Online.

Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay taliyaha nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaana la doonayaa in magaalada loogu qeybiyo laba qeyb.

Qeyb kooban oo magaalada ka mid ah oo ah qeybaha ay degan yihiin hay’adaha dowladda, ayaa waxaa loo sameyn doonaa ciidamo gaar ah iyo goobo gaar ah oo laga galo, ayada oo aad loo baari doono dadka galaya, lana xaqiijin doono inaan hub lala gelin.

Waxaa sidoo kale jira qorshe labaad oo isna ku saabsan magaalada oo idil, kaasi oo lagu xaqiijinayo in lagu maamulo dadka magaalada kasoo galaya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Ciidamo aya baari doono dadka soo galaya magaalada, waxaana la weydiin doono dad damiin ka ah oo magaalada ku sugan iyo ujeedka ay u socdaan, ka hor inta aan loo ogolaan.

Arrintan ayaa u ekaan doonto mid kala sooc loogu sameynayo dadka, oo dhibaato xooggan ay kala kulmi doonaan dadka soo usoo safraya Muqdisho.

Ma cadda sida ay ka hirgeli doonaan qorshayaashan cusub ee uu wado Sanbaloolshe, kaasi oo horey usoo hindisay qorshaha hubka looga dhigayo qaar ka mid ah beelaha dega Muqdisho, oo uu ku macneeyey kuwo halis ku ah dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo war cad ka soo saartay go’anka ay India ka gaartay maxaabiista Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ay Golaha Wasiirada Xukuumada India ku meelmariyeen heshiiska dhigaaya in Somalia iyo India ay is weydaarsadan Maxaabiista.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ”Eng. Yarisow”, ayaa sheegay in DFS ay ka mahadcelineyso go’aanka ay qaaten Golaha Wasiirada waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu kusoo beegmay xili muhiim ah.

“Dowlada Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowlada Inida oo ka dhabeeyey heshiiskii aan wada gaarnay isla markaasna xushmeeyey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda hooyo.

Yarisow, waxa uu sheegay in talaabada lagu meelmariyay Heshiiska labada dal ee suuragalinkara in leys weydaarsado Maxaabiista uu sii xoojinaayo xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Waxa uu sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda.

Dowladda Federaalkan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Golaha Wasiirada ay ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Inida ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CEEB: Xildhibaan ka tirsan BF oo arrin yaab leh looga dacweeyay maxkamad

Garoowe (Caasimada Online) – War nasoo gaaray ayaa sheegaya in Maxkamada sare ee Maamulka Puntland ay baadi-goobeyso Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaankani ayaa lagu soo oogay Dacwad ka dhan ah, waxaana la sheegay in Dacwada kadib uu isaga baxay deegaanada Puntland oo uu ku joogay Safar gaaban.

Xildhibaanka ay baadi-goobeyso Maxkamada ayaa la sheegay in lagu magacaabo Xil. Feysal Cabdullahi Guuleed oo ka tirsan baarlamanaka dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Maxkamada Magaalada Garoowe ay amartay in Xildhibaanka uu si dhaqsi ah kusoo gaaro Maxkamada horteeda, inkastoo ay dhamaatay mudadii loo qabtay.

Dacwada Xildhibaanka ayaa la xiriirta Guri uu ka kireystay magaalada Garoowe balse uu Magaalada ka soo tagay isagoo aan bixin lacagti lagu lahaa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Maxkamada.

Warqada Xildhibaanka lagu faray inuu ku hor imaado Maxkamada ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1aad ee Degmadda Gorowe Cabdi nuur Ow jaamac Xuseen, waxana Xildhibaanka la sheegay in weli uu u xiran yahay guriga.

Dhinaca kale, Xil. Feysal Cabdullahi Guuleed, ayaa iminka ku sugan Magaalada Muqdisho waxana la sugayaa in uu dhawan ka jawaabo eedeynta loo soo jeediyay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Farmaajo oo ku biiray xiisadda Sacuudiga iyo Qadar, balse muxuu yahay hadafkiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku biiray xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya wadamada Sacuudiga iyo Qadar.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriir dhanka Teleefoonka ah la sameeyay Amiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxa uuna ugu baaqay inuu u istaago xaliyaan Khilaafka kala dhexeeya dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qadar u sheegay in colaadaha kala dhexeeya Sacuudiga uu saameyn ku yeelankaro dhowr dal oo Islaam ah, sidaa darteed ayuu usoo jeediyay in xal degdeg ah laga gaaro.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir kaa lamida la sameeyay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis, waxa uuna ugu baaqay inuu qaboojiyo xiisada kala dhexeysa dalka Qadar.

Farmaajo waxa uu boqorka ugu baaqay in dalalka Khaliijka ay midowgoodi ahaadaan, oo khilaafka meel iska dhigaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Amiirka iyo Boqorka Sacuudiga u cadeeyay in mowqifkiisa uu yahay in laga gudbo xasarada ka dhex oogan, isagoo ballanqaaday inay muujin doonaan kaalintooda ku aadan qaboojinta xiisada.

Dowlada Somalia ayaa dhaqaale xoogan ku heysata wadamada uu khilaafka ka dhexeeyo, waxa ayna iska fogeysay inay dhinac la safato.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Liibiya iyo Yemen ay sheegen inay xiriirkii u jareen Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada India oo go’aan aan la fileyn ka gaaray maxaabiistii Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumada India ayaa si rasmi ah u ansixiyay sharci ogolaanaya in maxaabiista Soomaalida ee xabsiyada dalkaasi ku jira loo wareejin karo dalkooda.

Golaha Wasiirada oo sharcigaasi la horgeeyay bishii May ayaa iminka ku dhaqaaqay in dhammaan Maxaabiista Burcad-badeeda ee ku jira Xabsiyada India si toosa loogu wareejin karo Dowlada Somalia.

Golaha ayaa isku raacay in wareejinta Maxaabiista loo maro sharci hoosaadka dalka, waxa ayna tilmaamen in Maxaabiista laga doonaayo inay marka hore dhameystaan bilaha qabyada u ah.

Sharcigani ayaa waxaa ansixiyey Ra’isul wasaaraha India Narendra Modi oo sheegay in talaabadani ayaa fududeyneyso in dowlado badan ay dib u helaan Maxaabiistooda ku jira Xabsiyada India.

Narendra Modi, waxa uu sheegay inay jiraan dowlado dhowr ah oo usoo gudbiyay in loo fasaxo la wareegida Maxaabiistooda ku jira Xabsiyada, waxa uuna iminka qalinka ku duugay inay suuragal tahay in dowladahaasi loo fasaxo Maxaabiistooda.

Maxaabiista ugu badan ee ku jira Xabsiyada India ayaa ah Soomaali kuwaa oo kor u dhaafaya 180 oo lagu qabtay Burcad-badeednimo.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Somalia ay India ka dalbatay inay kusoo wareejiso Maxaabiista ku jirta Xabsiyadeeda kuwaa oo loo heysto danbiyo Burcadnimo.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu bixin doono Diyaarada lagu soo daad-gureynaayo Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma dhabaa in DF ay cirib tirtay musuq maasuqii a ka dhex jira xarumaha dowlada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa siyaabo kala duwan u shaacisay inay ciribtirtay Musuq-maasuqa ka dhex jira Xarumaha dowlada ee loo geysto xuquuqada ciidamada iyo shaqaalaha dowlada.

Dowladu waxa ay sheegtay in muddo kooban ay kusoo afmeertay Musuqa ka jiray dalka, gaar ahaan Xarumaha dowlada, waxaana soo ifbaxeysa inuu weli taagan yahay musuqa ay dowlada sheegtay inay la dagaalantay.

Musuqa ugu badan ayaa la rumeysan yahay inuu weli taagan yahay waxaana muddo Seddex bil ah aan mushaar lasiin qaar kamid ah shaqaalaha dowlada iyo ciidamada u taagan xoreynta dalka.

Mushaaradka shaqaalaha iyo ciidamada ayaa la xaqiijiyay in la biyay hal bil oo qura, halka Seddexdii bil ee hartay aan la bixin xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka.

Musuqa ugu badan ayaa ilaa iyo hadda ka dhex jira Xarumaha laga maamulo ciidamada iyo tirro wasaarado oo aan laga bixin dhaqaalaha loogu tallo galay in lasiiyo dadka u dhabar adeegaya howlaha Qaranka.

Xog uruurin aan ku sameynay ilaa dhowr xarumood oo ka tirsan dowlada ayaa waxaa laga soo warinayaa inaan laga bixin Xuquuqda shaqaalaha, sababo la xiriira Musuqa oo weli taagan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin in xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada ay kasoo baxday Wasaarada Maaliyada iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Sidee ayay noqon laheyd Afrika oo hal wadan ah, una xakumi laheyd dunida?

Afrika Waa Qaarad ka kooban 54 Wadan oo madax banaan, sidoo kale baaxad ahaan waa 70 boqolkiiba qaarada Asia oo kale, sidoo kale waxaa ay sedex mar ku jibaarantaa Qaarada Yurub.

Qaarada Afrika waxaa xiligan la sheegaa iney ku nool yihiin 1.2 Bilyan qof, taas oo ka dhigan iney aduunka ka yihiin 16 boqolkiiba, laakiin Afrika oo midowda waxaa ay dad ahaan ka yaraan lahaayeen Dalka India oo ah 1.31 Bilyan iyo China oo ah 1.37 Bilyan.

Laakiin, arinta xiisaha leh ayaa ah in dadka ku nool qaarada Afrika ay si weyn ukobcayeen, tusaale sanadkii 1990-kii Afrika oo dhan waxaa ku noolaa dad dhan 640 Milyan, halka haatan oo lagu jiro 2017-da ay dhan yihiin 1.2 Bilyan.

Sida la saadaalinayo Dadka Afrika ku nool ayaa sameyn doona kobac dhanka dadka ah,  sanadka 2022-ka,  waxaana ay gaari karaan 1.4 Bilyan, laakiin waxaa kasii badnaan doona India oo sanadka 2022-ka loo saadaalinayo dad dhan 1.39 Bilyan iyo China oo loo saadaalinayo 2022-ka 1.37 Bilyan.

Afrika oo hal wadan noqotaa, waxaa ay cabsi weyn ku abuuri laheyd aduunka oo dhan dhanka militeriga iyo dhaqaalaha, maxaa yeelay reer Galbeedka ayaa aamisan in dadka qaaradaas kasoo jeeda ay yihiin sooma jeestayaal hadii ay dagaalamaan guusha jecel.

Laakiin dhibaatada ugu badan ee Afrika oo midowda ayaa ah mideynta dhaqanka maadaama Muslim iyo gaalo badan ku nool yihiin, sidoo kale mideynta dhanka luuqada ayaa caqabad noqon laheyd.

Hadaba, Sidee ayay Noqon laheyd Afrika oo wadan ahaata? Sidee ayay Caalamka uqabsan laheyd? Tirada Luuqadaha looga hadli lahaa? Halka noqon laheyd Caasimadda Afrika United State? Halka noqon laheyd magaaladda ganacsiga? Dhamaan Su’aalahaas iyo xog Buuxda ka Daawo Warbixinta Hoose?

Hoos ka daawo Muuqaalka 

Abdullahi Ahmed Nur
Email: [email protected]

Xog: Dowladda Sacuudiga oo malaayiin dollar ugu deeqday DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa la xaqiijiyay in malaayiin dollar ay ugu deeqday dowlada Somalia, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Lacagtani malaayiinka ah ayaa waxaa bixiyay Boqortooyada Sacuudiga, taa oo loogu tallo galay in lagu kordhiyo miisaaniyadda xukuumadda ee sanadkan 2017.

Lacagtani ayaa cadadeeda lagu sheegay inay gaareyso 50 Milyan oo Dollar, waxa ayna timid kadib markii ay dalbatay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dalabka lacagtani ayaa waxa ay kasoo baxday Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhawaan laba safar ku bixiyay magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga.

Dalabka Madaxweynaha ee lagu bixiyay miisaaniyadani ayaa ahaa in la kabo miisaaniyadda Soomaaliya maadaama ay dowladu tahay mid aan heysan dhaqaale ku filan oo ay ku bixinkarto xuquuqda madaxda iyo shaqaalaha qeybahooda kala duwan.

Salmaan Bin C/casiis oo ah Boqorka Sacuudiga ayaa amray bixinta lacagtaasi oo dhan 50 milyan Dollar, taa oo dhawaan soo gali doonta gacanta DFS.

Waxaa suuragal ah in dib u dhac kooban ay ku imaado xiliga lacagtaasi loogu tallo galay inay soo gasho gacanta DF, sababo la xiriira kasoo saarida Bangida Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa dhinaca kale deeq balaayiin dollar ku kaceyso u balanqaaday Soomaaliya iyadoo wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya ay gaaren magaalada Riyadha ee Sacduudiga.

Si kastaba ha ahaatee, deeqda dowlada Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xili ay xasarad kala dhexeyso dowlada Qadar oo saaxiib dhow la ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho: Dagaal dhex maray ciidamada hub ka dhigista iyo ciidamo kale iyo askar laga dilay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hub ka dhigista ka wada magaalada Muqdisho iyo ciidamo kale oo hubeysan ayaa maanta dagaal isaga hor yimid isgoyska Carwo Itko ee degmada Howlwadaag, halkaasi oo khasaare nafaeed uu ka dhashay.

Iska hor-imaadka ayaa billaabmay kadib markii ciidamada dowladda ee hub ka dhigista wada ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin milatariga, kuwaasi oo rasaas kala hor-yimid.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo shacabka, waxaana la xaqiijiyey in laba askari laga dilay ciidamada dowladda, sidoo kalena qof shacab ah uu ku geeriyooday goobta.

Ciidamada hub ka dhigista ayaa dhowanaahan iska caabin kala kulmayey ciidamo kale oo u arka hub ka dhigista mid sharci darro ah oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka degan magaalada Muqdisho.

Qorshaha hub ka dhigista ayaa wxaaa horey u dhalillay qaar ka mid ah ah beelaha dega Muqdisho, oo ku qeexay mid si gaar ah loogu beegsanayo, waxaana jira xaafado ka mid ah magaalada oo ay xirteen kuwaasi oo dowladda aysan geli karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadii C/qaasim ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay Gaari nuuciisa uu yahay Hiluxe oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada.

Gaariga lala eegtay Qaraxa oo ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan BF ayaa maraayay wadada C/qaasim, waxaana la sheegay in khasaaro xoogan uu ka dhashay Qaraxa.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyay hal Askari, sidoo kale waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay wiil dhalinayaro ah oo halkaasi marayay.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa lala damacsanaa Xildhibaan ka tirsan BF oo deegaan ku ah hooy aan sidaa uga sii fogeyn Madaxtooyadii Cabdiqaasim.

Qaraxani ayaa noqonaaya kii 1aad oo ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo markii la galay Bisha Ramadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo ciidamo u diraya dalka Qadar, xilli xiisadda gacanka sii xoogeysatay

Ankara (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa maanta oo Arbaco ah la filayaa inay ansiixyaan sharci ogolaanayo in Ciidamado ka tirsan Turkiga loo daad gureeyo saldhigga Militari oo ay ku leedahay Qatar sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xisbiga talada hayo ee AK iyo kan mucaaradka ah ee Nationalist.

Tallaabadaan ayaa u muuqato mid uu Turkiga ku taageerayo dowladda Qatar oo culeys kala kulmeyso dowlado Carbeed oo xiriirka u jaray oo ay kamid yihiin  Saudi Arabia, Egypt, United Arab Emirates (UAE) iyo  Bahrain, kuwaas oo sidoo kalana hawadooda ka mamnuucay inay diyaaradaha Qatar Airways isticmaalaan.

Dowladda Qatar ayaa ka biyo diiday eedeyntii ay dowladhaas usoo jeediyeen oo ah inay taageerto Argagixisada, xiisadaana waxay noqotay middii ugu adkeyd oo dhex marto dowladaha Carabta qarniyadaan.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey falka cunaqabateynta lagu saaray dalka Qatar, wuxuuna tilmaamay in xiriirka oo loo jaro Qatar aysan xal u noqoneyn dhibaatada taagan, wuxuuna ballan qaaday inuu juhdi ku bixin doono sidii dhibaatadaan loo soo gabagabeyn lahaa.

Dalka Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda Qatar iyo dowladaha dariska la ah, waxayna si wadajir ah u garab istaageen Ururka Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar iyo kooxaha ku kacsan Madaxweynaha Syria  Bashar al-Assad.

Sharci Sameeyayaal ka tirsan Xisbiga Erdogan ee AK ayaa soo gudbiyey laba sharci oo ka hadlayo in Ciidamada Turki ah loo diro dalka Qatar iyo sidoo kale inay iska kaashadaan tababaro Militari sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xisbiga Talada hayo iyo kan mucaaradka ah.

Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe ansixiyo labadaan sharci, waxaana la sheegay in sharciyadaan howshooda la waday ka hor inta uusan dilaacin khilaafka dowladaha Carabta.

Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ka sameysatay dalka Qatar, wuxuuna noqday saldhigii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay Turkiga ka sameysato Bariga dhexe, waxayna arrintaas ku timaaday heshiis labada dhinac dhex maray sanadkii 2014.

Sanadkii 2016 Ra’isulwasaarihii hore ee Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa booqday saldhiga ay Turkiga Qatar ka sameysatay oo ay ku jiraan ilaa 150 askari oo ka tirsan Ciidamada Turkiga sida uu sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet ee laga leedahay Turkiga.

Sawirro qarsoodi lagu qaaday: 5 Wasiir oo ka tirsaan DF oo maanta u dhuuntay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan wasiir oo ka tirsan wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa maanta si qarsoodi ah ugu baxay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa si gaar ah u heshay sawirro wasiiradan looga qaaday diyaaraddii ay Muqdisho ka raaceen, kuwaas oo ay inoo soo direen ilo-wareedyo aan aad ugu kalsoonahay.

Waxaa wasiirada baxay ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka cirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac.

Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha wasiiradan ay u aadayaan Sacuudiga, hase yeeshee waxaa xubno ka mid ah dowladda ay sheegeen inay heshiisyo iyo mashaariic kala duwan lasoo saxiixanayaan dowladda dalkaas.

Waxaa sidoo kale la filayaa in inta ay joogaan dalkaas ay mas’uuliyiinta isla soo qaadaan xiisadda ka dhex oogan Sacuudiga iyo Qadar.

Socdaalka wasiiradan ee maanta ayaa imanaya ayada oo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay maanta soo saartay bayaan u muuqda inay meel dhex dhexaad ah uga istaagtay xiisaddan kuna baaqday in wada-hadal lagu dhameeyo.

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in lacag badan oo Sacuudiga u ballan-qaaday Soomaaliya ay ku xirnaan doonto inay raacdo dhanka Sacuudiga, xiriirkana u jarto Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Soomaaliya oo mowqif cad ka qaadatay khilaafka dowladaha Carabta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inay aad uga xun tahay khilaafka diblomaasiyadeed ka dhex dilaacay dowladaha Carabta.

War Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya kaga aadan Khilaafkaan ka dhex bilowday dowladaha Carabta kaasoo keenay in 4 dowladood ay xiriirka u jaraan Dowladda Qatar.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

Halkan hoose ka akhriso Wars saxaafadeedka:-

Tr. June 07, 2017
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Ragga Bidaarta leh oo la sheegay in madaxooda dahab ku jiro iyo ugaarsi ka bilowday dalka Mozambique

Zambezia (Caasimadda Online) – Sida ay qortay BBC Ragga Bidaarta leh ee  ku nool dalka Mozambique ayaa bar tilmaameed u noqday weeraro dhaqameed, waxayna booliska  digniin u direyn ragga bidaarta leh inay si weyn isku ilaaliyaan.

Waxaa dalka Mozambique lagu dilay ilaa seddex nin oo bidaar leh si loo qaato qeybo kamid ah madaxooda.

Waxaa Magaalada ku taal Bartamaha Mozambique ee lagu magacaabo Milange lagu xiray laba qof oo looga shakiyey inay kamid yihiin dadka dilalkaan sameeynayo, waxaana loo gudbiyey xabsiga si loo soo taago Maxkamad.

“ Waxay aaminsan yihiin kuwa ragga bidaarta leh dilayo inay bidaartooda ku jirto dahab” sidaas waxaa yiri Afonso Dias oo ah sarkaal ka tirsan booliska Gobolka Zambezia.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka ku nool dalkaas iyo kuwa caalamka, waxaana is waydiin mudan sababta keentay in dadka Bidaarta leh la sheego in madaxooda ay ku jirto dahab iyadoo xusid mudan in arrintaan ay farxad gelisay rag badan oo bidaarta la dhuuman jiray.

 

Sawirro: Kheyre oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ka dhacay xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera iyo wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday Amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska lagu gaaray magaalada London May 11, 2017.

Waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkan London looga hadlay.

Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre oo ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkii London uu ahaa mid guulo waa weyn uga soo hoyday DFS.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la fuliyo dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka, waxa uuna fulinta qodobadaasi hordhigay Wakiilada Beesha Caalamka ee ka howlgala Somalia.

Wakiilada qeybta ka ahaa kulanka ayaa mid mid u sheegay inay diyaar u yihiin in DFS ay kala shaqeeyan hirgalinta dhammaan qodobada kasoo baxay shirka London.

Caddeyn muujineyso in Dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jari doonto dowladda Qatar

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday adduun lacageed oo gaarayo ilaa 50 Malyan oo Dollar.

Lacagtaan ayaa timaaday kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka socday Sacuudiga inay kaabto miisaaniyadda dowladda ee Sanadkaan 2017, wuxuuna qorshaha ahaa in lacagtaas ay mar hore hesho Dowladda Soomaaliya.

Arrimo lagu sheegay xagga Bankiyada ayey u baaqatay lacagtaas, balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay lacagtaas kusoo dhacdo gacanta dowladda Soomaaliya.

Haddaba sida lagu aqoon jiray dowladda Sacuudiga, lacagtaan waxay ku dooneysaa inay Dowladda Soomaaliya xiriirka u jarto dowladda Qatar, maadaama lacagta iyo xiisadaan la isku soo aadiyey.

Dowladda Sacuudiga ayaa arrintaan camal horey ugu sameysay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud oo ay siisay lacag malaayiin ah isla markaasna waxay ka dalbatay inay xiriirka u jarto dowladda Iiraan.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isla maalintii lacagta Sacuudiga ay soo gaartay go’aansaday inuu xiriirka u jaro dowladda Iiraan oo ay is khilaafsanaayeen dowladda Sacuudiga, waxayna midaas kuu caddeeneysaa in Sacuudiga ay hadda lacagta ay Farmaajo siineyso uga gol leedahay inuu xiriirka u jaro dowladda Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga digay inay dhinac la safato dowladaha Carabta oo ay xiisada ka dhaxeyso, waxaana la rajeenayaa inay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqoto xiisadda taagan.

Lama ogo sida ay dowladda Soomaaliya u diidi doonto codsiga dowladda Sacuudiga, haddiiba gacanta loo geliyo 50 Malyan oo Dollar Mareekanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Goormee ayuu Eng. Yarisow isku bedelay wasiirka arrimaha dibadda Somalia (Arrin yaab leh oo uu sameeyey)

Kampala (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ka digay in Wasiirada qaar ay ku xadgudbaan howlaha khuseeya Wasaaradaha kale ayaa waxaa khaladkii ugu horeeyay ku dhacay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ”Eng. Yarisow”.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, ayaa kulan la qaatay Mr Obiga Kania oo ah ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha wasaarada.

Eng. Yarisow, ayaa Wasiirka kala hadlay howlaha loogu tallo tagal Wasaarada arrimaha dibadda, isagoo ka codsaday in Somalia loo fududeeyo sharciyada dal ku galka dalka Uganda.

Eng. Yarisow, waxa uu u sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia si fudud looga aqbalo fududeynta sharciyada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan dhibaatooyin badan.

Eng. Yarisow, waxa uu sidoo kale ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ka dalbaday in loo fududeeyo waxbarashada dhalinyarada kasoo qalin jabisa Iskuulada ku yaalla dalka ee Jaamacadaha u aada Ugandha.

Waxa uu Yariisow sheegay inay jiraan kumanaan arday qalin jabisay oo aan heysan dal ku galka dalka Ugandha, sababo la xiriira culeyska ka heysta helida Fiisaha.

Eng. Yarisow, oo magaalada Kampala u gaaray howlaha Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa uu mar qura isku bedelay Wasiirada arrimaha dibadda iyo Waxbarashada DFS.

Eng. Yarisow, ayaa marka la’eego ka gudbay xeendaabka howlaha Wasaaradiisa, maadaama uu Ugandha ku qaabilay howlo aan loo igman oo ka baxsan howlaha Wasaaradiisa.

Howlaha uu Eng. Yarisow, kala hadlay Ugandha ayaa waxa ay khuseeyan Wasiirada arrimaha dibadda iyo Waxbarashada, waxa ayna tani qeyb weyn ka noqoneysaa khaladaadka weli ka dhex jira Xukuumada.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Ra’isul wasaaraha dalka uu dhawaan shaaca ka qaaday in si adag ay ula xisaabtami doonaan Wasiirkii ka gudba xeendaabka howlaha loogu tallo galay Wasaaradiisa.

Eng Yariisow ayaa Xukuumada FS ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, waxa ayna su’aashu tahay mid aan jawaab loo heyn.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

Sawirro: Toogasho ka dhacday baarlamanka Iran iyo qabriga Khumeyni oo la qarxiyay

Majalada Daily Mail ayaa sheegtay  in 7 qof ay dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo lagu qaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka ee magaalada Tahran, iyadoo weliba ay jiraan dad la af duubtay

Qofk ka mid ah dadka  dhintay ayaa kamid ahaa ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta Baarlamaanka wadanka iiraan, warkan oo ah mid hordhac ah waxaa lagasoo xiganayaa warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha.

Toogasho ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhacday xarunta dhismaha baarlamaanka oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Dhinaca kale qarax weyn ayaa laga maqlay Qabriga  Alkhumeyni oo kuyaal Koonfurta wadanka iiraan, Afhayeen uhadlay xukuumadda Shiicada iiraan ayaa xaqiijiyay in weerar xooggan lagu qaaday Qabri ay ku aasanyihiin hoggaamiyaal shiico ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in sedax dagaalyahan oo naftood hurayaal ah ay weerareen qabriga kadibna waxaa lamaqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gudaha iyo banaanka baarlamaanka dalka Iran waxaana soo baxaya warar sheegaya in ugu yaraan saddex ruux oo hubeysan ay weerartay xarunta baarlamaanka.