27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro iyo xog cusub: Diyaaradii shirkadda Bancroft ee ku dhacday garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo ahayd kuwa yar yar ee loo yaqaan Jet.

Diyaaraddan ayaa la sheegay iney saarnaayeen saraakiil ajaaniib ah, waxaana ay kasoo kacday Ballidoogle, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaan ayaa waxaa iska leh shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM, waxaana shirkaddan leh shaqsiyaad Mareykan ah.

Diyaaraddan waxaa u bixi waayey lugaha, daqiiqado badan ayeeyna dul wareegeysa garoonka, laakiin ugu dambeyn waa ay dhacday, waxaana ka kacay dab, wallow ay si degdeg ah ku gaareen kooxaha damdamiska oo durba damiyey diyaaradda.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in diyaaraddan ay la socdeen Shan ruux oo ajaaniib ah, mana jito wax khasaare ah oo soo gaaray, marka laga reebo waxyeeladda diyaaradda soo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaari oo carro kala dul dhacay Xildhibaanada dhaliila dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee sida ba’an uga soo horjeeda dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Jawaari waxa uu sheegay in xiligaani ay u muuqan sabab looga soo horjeesto dowlada, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inaysan aqbali doonin in si maalaayacni ah looga soo horjeesto dowlada.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guda jirto bilihii ugu horeeyay sidaa darteedna uusan garan karin sababta ka danbeysa in laga soo horjeesto dowlada.

Waxa uu sheegay inay dhici karto in la mucaarado dowlada, balse loo baahan yahay in sababta lagu mucaaradaayo ay tahay mid cad oo lagu wada qancikaro.

”Maka soo horjeedno in la mucaarado dowlada, balse waxaan diidanahay in laga hor imaado dowlad ku guda jirta xasilinta dalka oo aan weli dhameysan 6da bil ee ugu horeysa”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , ayaa sheegay inay mudan tahay in lagu kalsoonaado dowlada Somalia, waxa uuna shaki galiyay in Somalia ay xiligaani u baahan tahay in dib loogu celsho xiligii ay kasoo gudubtay.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu ku baaqay in tabashooyinka Xildhibaanada ay noqdaan kuwo u dhexeeya Madaxda Qaranka iyo Xildhibaanada baarlamaanka, waxa uuna ka digay in waxa ka dhexeeya labada dhinac ay gaaran shacabka.

Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay wajaheyso mowjado Siyaasadeed oo aysan xamili karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xaaf: Farmaajo ha soo daayo maxaabiista anigana waxaan bixinayaa diyaarada

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka shaqeeyo badbaadinta boqolaalka Burcad-badeed ee ku jira gacanta dowlada India.

Xaaf waxa uu sheegay in isha lagu hayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Burcad-badeednimada ugu xiran India, waxa uuna ku baaqay in DFS ay arrintaasi kala hadasho dowlada India.

Xaaf waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka ballanqaaday inuu bixinaayo diyaarada lagu soo daad gureyn lahaa dhalinyaradaasi ku jira Xabsiyada India.

”Waxaan bixinayaa dhaqaalaha lagu kireynaayo diyaarada lagu soo qaadi lahaa dhalinyaradaasi, waxaan ka danqanayaa cadaabta iyo arxan darada heysata dhalinyaradaasi waan la socnaa in qaarkood ay ku dhinteen Xabsiyada qaarna ay ku naafoowen”

”DFS ayaa ka mas’uul ah badbaadinta dhalinyaradasi waxaan uga fadhinaa inay aqbasho soo furashada dhalinyaradas”

Xaaf ayaa sheegay in la helaayo Xabsiyo ay dhalinyaradasi uga badbaadi karaan dhibta hada ku heysata Xabsiyada India.

Xaaf waxa uu cadeeyay in si ula kac ah loo dilo maxaabiista burcadnimada loogu heysto dalka India.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaf ayaa Madaxweynaha ku wargaliyay in wixii wadahadal ah uu isaga khuseeyo, halka diyarada lagu soo qaadi lahaa uu isaga bixinaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Dagaal ka socdo Muqdisho iyo qorshihii hub ka dhigista oo laga hor-yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo degmadaasi Wadajir.

Ciidamo hubeysan iyo ciidamada loogu talo galay xasilinta amaanka caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan degmada Wadajir, waxaana ciidamada hubeysan ay kasoo horjeedaan hub ka dhigista dowladda sameyneyso.

Ciidamada ayaa inta badan waxay maalmahaan hubka ka dhigayeen ciidamada aan dowladda u diiwaan gashaneyn ee hubka ku dhex wata magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka bilowday Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxaana ciidamo halkaasi ku sugnaa ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan oo dowladda ay ku wareejiyaan.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda ay Warbaahinta la hadleen, iyaga oo cabasho ka muujiyay qorshaha hub ka dhigista ee lagu sameynaayo askarta dowladda.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah

Dhageyso: Ciidamo loo diyaariyey amniga Muqdisho iyo Keating oo farriin diray

Ciidmada booliska Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay si buuxda uga shaqeyn doonaan xaqiijinta amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan
Gen. Maxamed Cumar Madaale, oo ka ah saraakiisha ugu sarsareysa ciidamada booliska Soomaaliya lana hadlay barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in la diyaariyey ciidamo si heer sare ahu tababaran oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan amniga shacabka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadan.
Madaale, waxa uu sheegay in boooliska uu horumar ka sameeyey sugidda amniga magaalada, ayna u suuragashay in ay ka hortagaan weeraro badan oo la doonayey in lagu soo qaado shacabka Soomaaliyeed
Dhinaca kale Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Michael Keating, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyey munaasabadda bisha barakaeysan ee Ramadan
Keating waxa uu xusay in xilliga lagu jiro Bisha Ramadan loo baahan yahay in laga faa’iideysto sidii loo hirgalin lahaa cafinta iyo dib uheshiisiinta
Halkaan ka dhageyso barnaamijka Tubta Nabadda

10-Waxyaabood oo qaali ah balse aad ku heli karto 1,000 (kun) Shillin Soomaali (warbixin xiiso leh)

Dadka qoraalka u nugul ee Soomaalida inta badan diiradda ma saaraan in ay qoraan waxyaabaha ganacsiga, dhaqaallaha iyo hormarka quseeya ee dalka kajira, baddalka waxay isku mashquuliyaan oo ay qalinkooda galiyaan qoraallada siyaasadda iyo kuwa kale ee qof ka hadalka ah.

Caksiga waxaan faalladan ku qaadaa dhigi doonaa waxbadan oo kusaabsan nolosha maalin laha ah ee dadka Soomaalida, iyo waxyaabaha ugu waa wayn ee ay isticmaallaan.

Lacagtu waa sumadda Afaraad ee lagu garto qaran kasta oo dunida ah, marka laga soo tago dadka, dhulka iyo calanka, sidaa darteeda waxaad dareemi kartaa muhiimadda ay u leedahay lacagta waddan kasta oo dunida ah.

Marka aan joogno Soomaaliya, waxaan u baahannahay in aan tixgalino lacagtu in ay tahay mid kamid ah cunsurada ugu muhiimsan jiritaankeena ummadeed, maadaama aan soo sheegnay in ay kujirto waxyaabaha aan looga maarmin dawladnimada.

Bu’da sheekada ama ujeedka faalladan ma ahan in aan ka hadlo muhiimadda ay leedahay lacagta, balse waxaan ka damacsanahay in aan wax yar idin bidhaamiyo qiimaha ay leedahay, si aan iskula jaanqaadno.

Tan iyo burburkii dawladdii dhexe, Soomaaliya ma helin hay’ado badbaadiya dhaqaallaha dalka, baddalkeeda waxaa jiray ganacsato ka faa’iideystay burburka, taas oo ay ka dhalatay Jaantaa rogan iyo qof walba halkuu jadiinkiisa ka heli karo, waxaa halkaas ku burburay dhammaan kaabayaashii dhaqaallaha, waxyaabaha lumay sidoo kale waxaa kujiray lacagta oo aan maanta inta badan maqaalkan diiradda kusaari doono.

Lacago kala duwan ayuu dalka lahaa sida Kummi, Taanno, Shillin iyo wixii la hal maalla, balse markii ay dhacday dawladdii dhexe, waxaa soo baxay lacago kale oo shaqsiyaad iyo dawladihii kumeel gaarka ahaa ay lahaayeen sida lacagtii ‘N’ la oran jiray oo iyanna waqti yar shaqaysay.

Dhanka kale waxaa la isticmaalay 500-Shillin, ugu dambayn dawladdii C/qasim iyo wixii kadambeeyay waxaa la go’aansaday in la sameeyo loona guuro 1000-ka shillin oo ilaa maanta la isticmaallo.

Dadka qaar ee ku nool gudaha dalka waxay rumeysan yihiin in Kunk laftigiisa hadda la baddalo oo la keeno lacag cusub oo ay kamid tahay 5000- oo shillin, taas oo laftigeeda xaaladda dhaqaalle xume kusii kordhinaysa dalka.

Waxaan faalladan kusoo gudbin doona 10- waxyaabood oo muhiim qaali ah oo uu gooyo 1000-ka shillin, inkastoo dadka qaar ay quus ka taagan yihiin haddana waxaan aaminsanahay in wali uu qiimo leeyahay 1000-ka shillin Soomaaliga ah.

Waxa ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin waa:-

SADDAQO: inta badan waa shayga ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin, cid waliba ayaa awoodda in ay bixiso, miskiinkana ma awoodo in uu diido laftigeesa waa uu qaata, taas oo ka dhigaysa in ay tahay waxa ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin.

Caleenta Shaaha:- guri walba oo Soomaali daggan tahay lagama waayo Shaaha la cabo, waa mid kamid ah ashyaa’da muhiimka ah ee maalin laha ah, waxaadna ku heli karta 1000-shillin Soomaali haddii aad joogto Muqdisho.

Xanjada La Calaaliyo:– waxaan ku nool nahay dunida qaar kamid ah dadka ku nool ay lacag ku bixiyaan in ay helaan dharag, halka kuwa kalena ay lacag ku bixiyaan sidii ay dharagta iskaga dhigi lahaayeen, sidaa darteeda xanjada aan u isticmaalno dharag dhacsiga waxaad ku halaysaa 1000-Sh.So, xitaa laba xabbo iyo kabadan meelaha qaar.

Cusbada Ama Milixa Cuntada:- waa muhiim in aan helno maraq ama fuud wanaagsan, si loo helo waa in la helaa laftigeeda waxyaabihii aasaasiyaadka u ahaa, milixda ama cusbada waxay kujirtaa waxyaabaha udub dhaxaadka u ah macaanshiyaha maraqeena, ku darso sheekada Cusbada waxaad ku heli kartaa 1000-shillin.

Sakiinta aannu Ku Xiiranno:- inkastoo hadda qaabab kale oo casri ah la helay oo ay kamid tahay makiinadda yar ee dadka u xiirta, haddana wali waxaa jira dad aan ka tegen dhaqankii hore ee ahaa in Sakiin lagu jarto, qofkii doonaya in uu sakiin ku jarto wuxuu ku heli karaa 1000-shillin.

Kanniiniyada Xanuunka Loo Cuno:- 90%kiiba kaniiniyada magaalada laga helo waxaa la gadaa 1000-shillin iyo waxka yar, sidaa darteeda waa innoo muhiim kaniiniyada, balse waxaa lagu helaa qiimo aad u yar.

Cadiga Dabiiciga Ah:- inkastoo dadka qaar ay ka guureen dhaqankii ahaa in la isticmaalo caday ama rumay ka sameysan dhir aynna u guureen casri ah in la isticmaalo macjuum iyo daawo yar oo aan awoowayaasheena kasoo gaarin, haddana waxaa badan bulshada inta isticmaasha cadayga dabiiciga ah ee geedaha laga soo guro, balse xusuusnoow waxaa lagu heli karaa 1000-shillin isagoo ah wax muhiim ah mar waliba.

Dunta lagu tollo dharka:-meelaha qaar waxaa macquul ah in aan lagu helin qiimaha noocan oo kale, balse suuqyada waa wayn ee magaalada Muqdisho dunta waxaa lagu helaa kun shillin Soomaali, taas oo muujinaysa in muhiimad ay leedahay dunta haddana lacag yar lagu helo.

Masaamiirta:- muhiimad gooni ah uma laha inta badan bulshadeena masaamiirta iyo waxyaabaha la xiriira qiimaha ay joogaan, balse mar walba waxaa jirta in 1000 shillin iyo wax kayar lagu heli karo masaamiirta nambarada qaar gaar ahaan kuwa yar yar, oo ah kuwa ay ka siman yihiin dabaqadaha bulshada maadaama qofka hodanka ah uu u isticmaalo daaha iyo miisaska halka miskiinkana uu u isticmaalo ku kabashada goobaha danta u ah sida mehradaha yar yar, kabarada Jaadka iyo wixii lamid ah.

Jallaato::– sida cad waa ay kala qiima badan tahay Jalaatada laftigeed, balse tan ugu badan ee ay isticmaallaan dadka danyarta ah waa tan ugu raqiisan ee lagu heli karo 100-shillin iyo waxa kayar.

 

 

Way jiraan 10-kan iyo waxkabadan oo 1000-shillin Soomaali lagu heli karo, waxaana kamid ah Nac-naca caruurta, Aqlaamta qoriga kasameysan ee aan Biiraha ahayn, cabitaanada jidadka dhinacooda lagu gado, khudradda sida Liinta, Mooska, iyo IWM, balse intaas kore ayaan usoo qaatay 10-ka shay ee qaaliga ah haddana lagu heli karo lacagta raqiiska ah ee 1000-shillin.

Ma ahi dhaqaalleyahan, sidoo kale ma ahi qof aqoon u leh suuq yada magaalada, balse kaliya waxaan eegay waxa ugu xeersan ee aan u baahanahay islamarkaana aan ku heli karo lacag raqiis ah oo ah tan ugu yar ee dalka laga isticmaalo oo ah 1000-shillin.

F.G: waxaan ka cudur daaranayaa in kaliya qiimayntan ay tahay magaalada Muqdisho oo qudha, maadaama laga yaabo in magaalooyinka kale ee dalka ay ka jiraan xaalad ka baddalan noocan oo qiimaha aan ku sheegay ashyaa’dan ay kabadala naan karaan sida aan ku sheegay.

Waxaa Qalinka U Qaatay C/wahaab Axmed Cali

 

Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft oo ku bur burtay Garoonka Adan Adde

Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ayaa daqiiqado ka hor waxaa ku burburtay diyaarad qaabilsan la talinta Howlaha Amniga iyo Tababarka Ciidamada AMISOM.

Diyaaradaan ayaa waxaa iska leh shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada  AMISOM ayaa goor dhow ku bur burtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa lugaha la bixis weysay waxayna muddo saacado ah ku dul heehaabeysay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde taasoo markii dambe keentay inay diyaaradda burburto.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online diyaaradaha ayaa waxaa aarnaa sarakiil ajaanib ah, waxaana la xaqiijiyey inay ku burburtay wadada ay ku ordain diyaaradaha kasoo dago garoonka Aadan Cadde.

Waxaa la joojiyey diyaarado saak duuli lahaa, waxaana ka gebi ahaanba hakad galay duulimaadyadii ee garoonka Aadan Cadde, gawaarida dab damiska ee yaalla garoonka diyaaradaha ayaa durbaba ku baxay diyaaradan oo ku dhex bur burtay wadada Run-wayga ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Insha Allah.

 

Sawirro qurxoon: Arag naqshadda cusub ee xarunta BF loo dhisi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan lagu wadaa in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia, ee magaalada Xamar.

Dib u dhiska Xarunta ayaa waxaa sameyn doona dowlada Turkiga oo iyadu saxiixday ballanqaad dhigaaya inay dhiseyso Xarunta isla markaana qalabeyn doonto.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo dib u dhiska xarunta Baarlamaanka Somalia ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Turkiga ee Somalia Olgan Bekar, ayaa sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Guddoonka Sare ee BFS ku wargaliyay in gudaha sanadkan uu bilaabanayo mashruucii dib u dhiska Baarlamaanka Soomaaliya.

Ballanqaadka dhismaha Xarunta ayaa daba socda, ballanqaad uu 2012 sameeyay Wasiirkiii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Devatoglu sanadkii.

Odawaayow ma is eersatay?! (Maxaa sababay inuu ka baaqdo caleema saarka Xaaf?)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen (Odowaa), horana u soo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuu ku jira xildhibaannada metala Galmudug, ee Shalay ka maqana madasha Caleemosaarka MW Xaaf.

Xildhibaan Odowaa, ka sokow, in uu xildhibaan Galmudug metela yahay, intii uu wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa, wuxuu ku guulaystay, in uu yagleelo maamulka Galmudug, oo la kowsaday magacaabistiisa wasiirnimo.

Dhismaha Galmudug, Xildhibaan Odowaa wuxuu ku bixiyey ammin, itaal iyo aragti, kana tallaabsaday culayso, cuuryaamin iyo caqabado uga yimid xigto, daris iyo dadyaw kale, taa oo uu ku mutay ammaan iyo ilwaad badan.

Maanta oo labo gu’ ku dhawaad laga joogo maalintii uu dhismaha Galmudug ku guulaystay, noqotayna maalin sooyaalka Soomaalida, ee maamul dhisidda gashay ka gashay baal dahab ah, in uu Xildhibaan Odowaa ka maqnaado caleemosaarka madaxweynihii 2aad ee Galmudug yeelato waxay eheed ayaandarro!

Xildhibaan Odowaa maqnaashihiisu in uu gef siyaasadeed ahaa waa hubaale, maxaa sababay? Ma giriif siyaasadeed ayaa jira, oo uu ka biyadiidsan yahay MW Galmudug mudane Xaaf? Ma wuxuu dhibsanayey qaar ka mid ah madaxdii ka qaybgashay caleemosaarka?

Si walba, haddii hore loo yiri: “meel aad madaxeeda tahay, majaheeda la ma noqdo!” aniguna waxaan leeyahay; “meel aad hormuudkeeda tahay, haraageeda la ma noqdo!”

Odawaayoow, si kasta, oo ay xurguf kaa la dhaxayso madaxda cusub, si walba, oo ay u jirto ka la duwanaasho aragti siyaasadeed, haddana, ka maqnaashahaaga madasha caleemosaarka MW Xaaf waxay eheed aragti gaabni iyo aqoolximo, aan qiil loo yeeli karin.

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in aad ilaaliso, dhawrto, waliba koolkooliso ubadkaagii siyaasadeed, ee aad ayaamaha badan isaga dabalaralaabatay Dusmo reeb ibo Cadaado?

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in maqnaashaagu ahaa hungo iyo hanjab aad dad badan ku beertay, oo aad u eheed horseed iyo hormuud?.

Ma waxaad garan waysay Odawaayow, in madashaa ay eheed madal aadan ka maqnaa karin, maadaama ka sokow, inta aan soo sheegay, in Cadaado tahay magalaadada tolkaaga, haddana aad tahay xildhibaan metala dadka iyo degaanka Galmdudug?.

Dadka qaar ayaa ku qiiliya, in uu socod dibadda ah ku maqnaa karay. Taas maa dhib ma leh, diyaarad buubee, ku soo baad ahaa, ee Cadaado imow.

Mar kale, waxy ku qiiliyaan, in uusan casuumad helin ayaa laga yaabaa. Oo yuu casuumad ka sugayey, aan ka ahayn naftiisa iyo doonistiisa siyaasadeed? Saw isagu ma metelo dadka iyo degaanka Galmudug? “Meel aad maamuusmeeda leedahay, muquraaruf laga ma noqdo!”.

Odawaayow, dareenka dadkaaga ma tixgelin, duubka degaankaaga ma dhawrin, magaaladaadii Cadaado magaceedii ma tixgelin, mansabka siyaasadeed aad hayso, misana huwan tahay ma maamuusin, ee ma kuu maangaabnimaa, mise, waa kuu maahsanaan? Ma xilkasnimo ayey kaa tahay iyo, mise xin aan xeerin lahayn?.

Midbee, Odawaayow, tani dhacdaye, bal kuwa kale ha u dhugmo la’aan, haddii dhaqan iyo dhur jiro, haddii kale HA DHAQLAYSO!

Waa la MURRUGAY!
Waxaa Qoray
Bashiir M. Xersi
[email protected]
https://bilediraac.wordpress.com/

Madaxweyne Farmaajo shalay waa masayray, waana wax wanaagsan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay ka hadlayey magaalada Cadaado ayaa sheegay in khilaaf la’aanta iyo xasiloonida Djibouti ay keentay in uu furo dekad ay ku baxday 400 Milyan oo dollar oo ah dekadda 4 jeer ka weyn dekadda Muqdisho.

Hadalka Farmaajo ayaa u muuqaday inuu ka masayray horumarka Jabuuti, hase yeeshee wax wax wanaagsan marka hoggaamiye uu ka masayro horumarka dalalka kale.

Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu gartaa in dhibaatooyinka dalalka kale ay u noqdaan digniini, islamarkaana horumarkooda uu ka dhigto dhiir-gelin uu ku daydo, kuna hamiyo inuu sidaas oo kale gaaro.

Hadalkaii Farmaajo ee shalay, ma ahayn inuu ka xun yahay horumarka Jabuuti, hase yeeshee inuu dareemayo inuu jeclaan lahaa in Soomaaliya ay sidaas oo kale ama kasii wanaagsan ay noqoto.

Wuxuu isku barbardhigayey inay tahay wax aan la qaadan karin in Muqdisho oo laba mar ka dad badan guud ahaan dadka dalka Jabuuti, haddana in Jabuuti ay haystao deked afar mar ka weyn dekedda Muqdisho.

Marka sidaas qalbigiis ay ku taagan tahay waxaa durba kuu sawirmaya shaqsi ay ka go’an tahay wax qabad, jecelna inuu gaaro horumarka kuwa kale ay ku tallaabsadeen.

Inkasta oo Soomaaliya ay haystaan caqabado badan, haddana waxaa shaki ku jirin inay haysato hoggaamiye wanaagsan oo haddii shacabkiisa iyo madaxda kale la shaqeeyaan dalka gaarsiin kara horurmar wanaagsan.

Soomaaliya waxay ay haysataa fursad wanaagsan, oo haddii laga faa’iideysto aysan mar dambe dib u noqon doonin.

Madaxweyne Farmaajo, inkasta oo bani aadam yahay, haddana dhaliilahiisa yeelan karo, waxaa marnaba shaki ku jirin jaceylka dalkiisa uu u qabo iyo wadaniyadda ku jirta.

Labadaas arrinba waxay mar walba muhiim u yahay astaamaha hogaamiyaha wanaagsan, waana kuwa muujinaya hogaamiye ka maran musuq-maasuq iyo eex.

Hadalkii shalay Farmaajo ka sheegay Cadaado waxa uu I geliyey rajo ka badan tii aan marka hore ka qabay, waxaana ii muuqata sababtii Soomaalida ay ku jeclaadeen.

Waxaa walaalahayga Soomaaliyeed ugu baaqayaa in dowladooda garab istaagaan, oo ay ka faa’iideystaan fursadda Soomaaliya maanta ay haysato.

W/Q: Aadan Axmed Guuleed
Muqdisho, Soomaaliya 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise barwaaqo?

W/Q: Hassan Mudane

“Abeesadu waxa ay cuntaa ciida, laakiinse caqli badnaan iyo taxadar inta ay ka qabto, way u habeen seexataa si aysan oga dhammaan.”  Murti Soomaaliyeed

Horudhac

Maxay tahay casharada ay Soomaaliya ka baran karto musiibadii ku dhacday waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka? Maxay tahay sababta loo doonayo soo saarista shidaalka Soomaaliya? Yaa ka faa’ideysan doona? Waa saddexda su’aal oon doonayo in aan ku dhex falanqeeyo maqaalkan.

Waxaan ku bilaabi doonaa taariikhda Soomaaliya oo kooban (Qeybta koowaad), kadibna waxaan si kooban u eegi doonaa musiibada laga filan karo waa haddii dhaqaalaha dalka uu noqdo mid ku tiirsan dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka (Qeybta labaad), waxaa ku xigi doona sida looga baxsan karo dabinka ay dhigto isku haleynta ama ku tiirsanaanta dhoofinta shidaalka (Qeybta saddexaad), kadibna si kooban u eegi doonaa casharada laga baran karo (Qeybta afaraad), sidoo kale waxaan dulmar ku sameyn doonaa qasaaraha iyo faa’iidada la filan karo (Qeybta shanaad),  waxaan saadaalin doonaa kuwa ka

faa’ideysan kara soo saarista shidaalka Soomaaliya (Qeybta lixaad), ugu dambeyntiina, waxaan soo jeedin doonaa tallooyin ku saabsan sida looga hortagi karo musiibada ka imaan karta soo saarista shidaalka Soomaaliya (Qeybta todobaad).

Taariikhda Soomaaliya oo kooban

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada dhaca dhanka bari ee qaaradda Afrika. Waxa ay xoriyadeeda heshay sanadkii 1960. Intii u dhaxeysay 1969 ilaa 1990, waxaa soo maray maamul militari oo uu hoggaaminaayey Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Wixii ka dambeeyey sanadkii 1991 ilaa 2006, dalka waxaa ka jiray  ciyaar siyaasaddeed ku dhisan qabiil oo ay dhex maraysay hoggaamiyo kooxeedyo kala duwan. Sanadkii 2006, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxa ay gashay marxalad kala guur ah. Halgan siyaasaddeedkii ku dhisnaa qabiilka waxa ay isku beddashay mid ku dhisan diin.

Wixii ka dambeeyey sanadkaas, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxaa ku soo biiray koox diimeedyo kala duwan, mid walbana li’di ku ah dowladii timaada. Sanadkii 2012, waxaa dalka ka dhacay doorasho madaxtinimo oo ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiiq Shariif Shiiq Axmed iyo Xasan Shiiq Maxamuud. Afar sano kadib, waxaa dhacday doorasho labaad oo ay xilka ku kala wareegeen Madaxweynii hore Xasan Shiiq Maxamuud iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Si kastaba, taariikhdaas dheer ee aan soo koobay, Soomaaliya waxa ay aheyd dal aan marnaba khayraadkiisa la taaban oo aan dibadda loo soo saarin.

Bal aynu dib u yara milicsano taariikhda sahanka shidaalka Soomaaliya, oo ah mid soo billowday xilligii gumeysiga. Xilligii gumeystaha uu joogay dhulka Soomaalida ayaa waxaa jiray dhul-baarayaal Talyaani iyo Maraykan ah, waxa ay summadeeyeyn astaamaha shidaalka. (HIPS, 2014). Wixii ka dambeeyey kontomeeyadii, shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo Maraykanka ayaa ahaa kuwii billaabay in ay baaritaan ku sameeyaan shidaalka Soomaaliya. Shirkadda Eni (oo markii hore loo yiqiin Agip) iyo shirkadda Sinclai ayay ahaayeen kuwii baaritaanka ku sameeyey dhulka Soomaalida. Waxaa xigay baaritaano kale, oo ay sameeyeyn shirkaddaha kala ah: ConocoPhillips, Shell, Amoco, Total iyo Texaco. Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya, 1991. Waxaa joogsaday howlihii sahminta shidaalka Soomaaliya. (HIPS, 2014).

Haddaba, shidaalka ku kaydsan Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 110 bilyan oo fuusto, sidoo kalena xeebaha Soomaaliya waxaa dhex yaala shidaal badan oo aan weli la qiyaasin inta uu la’eg yahay. Taasi Soomaalida waxa ay marna u noqon kartaa filasho wanaagsan marna musiibo. Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamuli doono hantida ka soo xaroota khayraadkaas. Shan iyo labaatan sano kaddib, dagaalkii sokeeye ee Soomaaaliya, waxaa dib u soo noolaatay hankii ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ka mid noqoto waddamada dhoofiya shidaalka. Balse, su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, ma la joogaa xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda?

Musiibada Khayraadka

Waddamada dhaca qaaradda Afrika, heykal-dhaqaaleedkoodu inta badan waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, saliidda, macdanta qeybaheeda kala duwan, dheemanka, dahabka, maarta, iwm. Kaliya maahan waddamada dhaca qaaradda Afrika, waxaa kaloo jira waddamo badan oo ka mida dunida saddexaad oo dhaqaalahoodu weli ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Sida Michael (1999) uu tilmaamay, “Afar meelood saddex meel ka mida waddamada dhaca saxaraha Afrika, saddex meelood laba meel ka mida waddamada dhaca laatiin Ameerika, bariga dhexe,  waqooyiga Afrika waxa ay weli ku tiirsan yihiin dhoofinta khayraadka dabiiciga.”

Haddii waddan uu leeyahay khayraad dabiici ah sida shidaal, sidoo kalena uu dibadda u dhoofiyo khayraadkiisa dabiiciga, lacag badana ay ka soo gasho, sow maahan in dadkiisu ay ku noolaadan nolol ka baxsan xayndaabka saboolnimada. Sidaa cagsigeeda, inta badan dadka ku nool waddamada dhoofiya shidaalka waxa ay ku nool yihiin nolol saboolnimo iyo gaajo buuxisay. Sida Collier (2007) uu xusay, “Boqolkiiba 19%, dadka faqriga ah waxa ay ku nool yihiin waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay [dhoofinta] khayraadka dabiiciga.”

Bal isbarbardhig ku sameey heerka ay gaarsiisan tahay nolosha bulshada ku nool waddamada dhaqaalahooda uusan ku tiirsaneyn dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Koonfurta Kuuriya, Jabaan, Talyaani, Taylaan, Malaysiya, Singabuur. Iyo bulshada ku nool waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, sida dalka Nayjeeriya, Fenusweela, Jaad, Koonfurta Suudaan, Zaambiya, Koongo, Sira-liyoon, Angoola, iwm. Adiga oo ka fiirinaya inta ay la’egtahay heerka waxbarashada, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, boqolkiiba inta wax qori karta waxna akhrin karta, sanadkiiba lacagta uu qofka mushahar ahaan u helo.

Natiijada aad heli karto waxa ay ku dulwareeganaysaa farqiga weyn ee u dhaxeeyo nolosha labadaas bulsho. Sidoo kale, waxaad ogaanaysaa, sida ay wax noqon karaan haddii dal uu ku qanco in dhaqaalahiisa uu noqdo mid ku tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.

Waxaa jira waddamo fara-kutiris ah oo ka baxsaday dabinka ay dhigto ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga, waxaa ka mida: Sucuudiga, Kuweyt, Qadar,

Baxreyn, Noorwey, Jili, Induniisiya iyo Butuswaana. Inta badan lacagta soo gasho waddamadaas waxa ay ka soo gashaa dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka. Dadka ku nool waddamadaas, nolosha ay ku nool yihiin waa heer sare. Maxaa ka caawiyey in ay ka baxsadaan dabinka? Wax kale ma jiro oo aan ka aheyn sida wacan oo ay u maamuleyn lacagta ka soo xaroota dhoofinta khayraadkaas, iyo sida wanaagsan oo ay oga hortageyn musuqmaasuqa.

Sidoo kale, waxaa jira waddamo kale oo ayagana dhoofiya khayraadka dabiiciga sida shidaalka, balse bulshadoodu ay ku nooshahay nolol ku hareereysan faqri iyo gaajo. Haddaba maxaa u diiday in ay ku noolaadaan mid la mida tan ay ku nool yihiin bulshada waddamada khaliijka? Waxa kaliya ee sharxi kara arrinkaas waa musuq-maasuqa. Waxa biday in bulshadaasi ay ku hoos noolaato noloshaas faqriga ah waa musuq maasuqa baahsan oo ay sameeyeen madaxda hoggaamisa. Rejadii la filaayey oo aheyd, in noloshooda ay wax badan iska beddali doonto haddii ay soo saartaan shidaalka, balse rejadii waxa ay ku noqotay musiibo.

Shaki kuma jiro in haddii dal uu dibada u soo saaro khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, ay u badan tahay in uu ka mid noqdo waddamada ‘kireysta khayraadkooda dabiiciga,’ kana kireysta dowladaha lacagta leh ee reer galbeedka ama shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Dhoofinta uu dalkaasi dhoofinayo khayraadkaasiisa, waxa ay hilmaamisaa xoog saarida qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada, dalaga beeraha, tiknoolijiyada casirga, ganacsiga, iwm.

Haddii dal uu galo jawigaas ama xaaladaas waxaa inta badan ku dhaca ‘Cudurka Dhajka.’ Cudurkan waxa uu yimaada marka dal si kadis ah ku soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, kadibna dhoofinta shidaalkaas uu lacag badan ka sameeyo, taasi oo sababta in uu si fudud ku hilmaamo horumarinta qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha. Ugu dambeyntiina, dalkaas waxa uu noqdaa mid aan dhaqaalehiisu isku dhafneen, kuna tiirsan daqliga ka soo gala dhoofinta shidaalka.

Bulshada ku nool dal sidaas oo kale u dhisan yahay dhaqaalehiisa, inta badan waxa ay ka mid noqdaan bulshooyinka caajiska badan ee ku nool lacagta bilaashka ah ee dowlada ka soo gasho dhoofinta shidaalka. Tusaale, bulshada ku nool waddamada khaliijka sida sucuudiga, kuweyt, qadar, intooda badan waa bulsho ku nool lacagta dowlada, mana bixiyaan canshuur.

Sikastaba, haddii  Soomaaliya ay doonayso in ay cagta saarto waddadii gaarsiin laheyd ‘Musiibada Khayraadka’ iyada oo  ka mid noqonayso waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Nayjeeriya, Zaambiya, Fenusweena, Koonfurta Suudaan, Jaad, Gaana, Siraliyoon, Angoola, Koongo, Kaamiruun, iwm. Waa in ay diyaar u noqotaa sidii ay u wajahi laheyd Musiibada Khayraadka!

Musiibada uu ka digayo maqaalkan waxa ay imaan kartaa, markii ay Soomaaliya dibadda u soo saarato khayraadkeeda dabiiciga sida shidaalka ama macdanta yuuraaniyoomta, kaddibna ay heshiis kula gasho mid ka mida shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka sida shirkadan ‘Soma Oil and Gas’ (Sanadkii 2013, shirkaddan waxa ay heshiis ku saabsan sahminta shidaalka dhex yaalla xeebaha Soomaaliya la gashay dowladda federaalka

Soomaaliya), waana shirkadda xilligan lagu xanto sahminta shidaalka Soomaaliya.

Haddii mid ka mida qodobbada heshiiskaas uu noqdo mid tilmaamaya in shirkadda ay maamusho ama qeyb weyn ku yeelan karto faa’iidada ka soo xaroota khayraadkaas, dowladduna ay daawade ka noqoto, dhaqaalaha waddankana uu noqdo mid ku tiirsan, iskuna haleeya dhoofinta shidaalka, markaas ayay soo muuqan doontaa MUSIIBADA KHAYRAADKA!

Mid ka mida waxyaabaha sababta u ah in ay dhacdo musiibadaas waxaa ka mida, qiima dulsaaran dhoofinta khayraadka dabiiciga sida shidaalka waxa ay inta badan ku xiran tahay is bed-beddalka sicirka dunida, sicirka dunidana waxaa maamula reer galbeedka. Marka ay rabaan ayay hoos u dhigaan marka ay rabaana kor ayay u qaadaan. Marka sicirka hoos u dhaco waa marka ay billaabanayso gilgilashada dhaqaalaha dalka.

Haddaba, sidee looga hortagi karaa musiibadaas? Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamulo daqliga ka soo xarooda khayraadkaas, sidoo kalena in la abuuro dhaqaale isku dhafan oo aan kaliya la isku haleyn lacagta kirada ah ee ka imaanaysa dhoofinta shidaalka iyo helida dowladda xooggan oo ku dhisan maamul wanaag, taas oo ku timaada rabitaan shacab.

Musiibadaas waxa ay noqon kartaa mid muuqata oo la arki karo, waa marka ay isbiirsadaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq iyo marka dhoofinta khayraadkaas ay noqoto ilaha kaliya ee daqliga dowlada. Haddii shacabku uu ku fashilmo la socodka musuq-Maasuqa ku dhisan laaluushka oo ay inta badan sameeyaan madaxda dowladaha uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka, waxa ay noqon kartaa barta ay ka billaabanayso musiibada iyo maamul xumida ku’aadan sida loo mareyn karo lacagta ka soo xaroon doonta dhoofinta shidaalka Soomaaliya.

Halista ugu weyn waxa ay soo muuqan karta marka Siyaasiyiinta Soomaalida, Maamul Goboleedyada, qaar ka mida Qabiillada Soomaalida uu dhex maro tartan loo galayo xaraashka iyo heshiisyada shidaalka Soomaaliya, taas oo keeni karta in ay ku deg degaan heshiisyo ay la galaan shirkadaha shidaalka, iyada oo aan si fiican looga baaraan degin. Haddaba, habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo waa in la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is aamminaad dhex mara Qabiillada Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya, maxay ka beddali kartaa nolosha bulshada Soomaaliyeed? Waxaa jirta aragti suuqa ku dhex jirta oo ay inta badan ku doodaan dadka aaminsan in la joogo xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda. Aragtidaas waxa ay leedahay, haddii la soo saaro khayraadka Soomaaliya, waxa ay wax badan ka beddali doontaa nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxa ayna yareen kartaa khilaafka Soomaalida. Balse, taasi sida loo yiri mise sida ay wax noqon doonaan! Runtii aragtidaas waxaan u arkaa in ay tahay aragti lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka waxa ay sabab u noqon kartaa in dalka uu gaari waayo horumar dhanka warshadaha. Collier (2007) waxa uu ku doodday, “dhoofinta khayraadka dabiiciga, iska daa in ay wax ku kordhiyaan dhaqaalaha waddanka, waxa ay qeyb ka qaadan karaan caqabadaha ka hor istaagi kara dalka in uu xaqiijiyo horumar dhaqaale, sida hurinta colaadda.” Sanadkii 2013i, qoraal ka soo baxay wasaaradda horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriiska, waxa ay ka digtay, soo saarista shidaalka Soomaaliya in ay sii hurin karto musuq-maasuqa iyo khilaafka Soomaalida.

Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay u badan tahay in ay kiciso xiisad siyaasaddeed, taas oo horseed u noqon karta dib usoo cusboonaanshaha colaadda Soomaaliya. (HIPS, 2014).

Sidee looga baxsan karaa? 

Soomaaliya waxa ay ka mid yahay dalalka leh ifafaalo wanaagsan ee xagga tamarta, waana dal ay haysato caqabado badan oo la xiriira sahanka shidaalka. Waxaa jirta caqabado badan oo is hor istaagi kara rejada soo saarista shidaalka Soomaaliya, waxaa ka mida, farsamada, kaabayaasha iyo isku socodka, sidoo kalena maahan oo kaliya caqabadaas balse waxaa kaloo jira culeysyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin xiisad siyaasaddeed, amni darro, hey’ado nugul iyo mugdi baahsan oo ku saabsan xuquuqda lahaanshaha hantida. (HIPS, 2014).

Iyada oo intaasi caqabad jiraan, haddana aad bay u adag tahay in hal meel oo kaliya xalka laga helo, balse xalka ugu fiican waxa uu noqon karaa in la sameeyo ka hortag si aysan u dhicin musiibada. Xalka waxaa uu mar walba ku dulwareegtaa dal walba nooca ay tahay siyaasaddiisa, dhaqaalihiisa iyo arrimihiisa bulshada. (HIPS, 2014). Balse, mar walba waa muhiim in la feejignaado, sidoo kalena la isku diyaariyo sidii loo maareyn lahaa musiibada.

Haddaba, si looga hortago musiibada waa in loo sii maraa saddex waddo oo kala ah:

  • In la helo dowlad feejigan oo leh farsamo, aqoon iyo awood sharci oo ay kula gorgortami karto dhurwaayada doonaya in ay dhuuqaan khayraadka Soomaaliya.
  • In shacabku aysan marnaba u dulqaadan, una dhug-yeeshaan, kana hortagaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq.
  • In la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aamminaad, taas oo sahli karta isfaham dhex mara dowlada federalka, maamul goboleedyada, iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Haddii dibadda loo soo saaro shidaalka Soomaaliya, kadibna shacabku ay ku fashilmaan u dhug-yeelashada iyo la socodka musuq-maasuqa; musuqamaasuqaas waxa uu noqon doonaa sumad ama calaamad dusha kaga sawiran tahay siyaasi walba oo talada waddanka hayn doona, xaalkuna wuxuu noqonayaa

‘waraabe hilbo ku raro’

Casharada laga baran karo

Inkasta oo ay muhiim tahay horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta siyaasadda si looga hortago musiibada haddana waxaad arkaysaa in xiriir weyni aysan ka dhaxeyn jahwareerka siyaasaddeed iyo musiibada khayraadka, sida lagu arkay dalalka Butuswaana, jili iyo induniisiya. Taasi waxa ay muujinaysaa casharadii laga bartay dalalkaas in ay aheyd: Maamul iyo shaqaale leh xirfad iyo aqoon, si loo maareeyo dakhliga shidaalka, loona abuuro wax soosaar dhaqaale oo isku dhafan, kana duwan kan shidaalka (HIPS, 2014).

Haddaba, waxaa jira waddamo badan oo dibadda u soo saaray khayraadkooda dabiiciga sida shidaal, saliid, macdanta qeybaheeda kala duwan, sida dheeman, dahab, maar, iwm. Ma sidii ay filashadoodu aheyd (Ka hor inta aysan dibadda u soo saarin khayraadkooda) mise sida ay wax noqdeen. Wixii ay filayeen waxa ay ku noqotay musiibo khayraad! Waddamada aan isleeyahay Soomaaliya waxa ay ka baran kartaa casharo wanaagsan waxaa ka mida: Nayjeeriya, Zaambiya, jaad, Koonfurta Suudaan, Fenusweela, Sira-liyoon, Leybeeriya, Koongo, Angoola, iwm. Tusaale, 50kii sano ee la soo dhaafay, dalka Nayjeeriya lacagta ka soo gashay dhoofinta shidaal waxay ay kor u dhaaftay $800 bilyan oo dollar, haddana celcelis ahaan maalintii lacagta soo gasho shakhsiga waa hal doolar. (HIPS, 2014).

Si kastaba, aad bay u adag tahay in maanta Soomaaliya ay hesho dal ama shirkad u soo saarta khayraadkeeda dabiiciga, iyada oo aan weydiisan boqolkiiba inta ay ku yeelan karto khayraadkaas. Musiibada heysata dadka reer Gaana waxaa ka mida in boqolkiiba 90, shidaalka ay dhoofiyaan faa’iidada ka soo xaroota ay ku raaxeystaan shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka. Maanta bulshada reer Gaana waa  ay ka baahan yihiin khayraadkooda. Ma sidaas oo kale ayay Soomaaliya doonaysaa mise si ka duwan? Waa in Soomaaliya ay wax badan ka barataa waddadii ay mareen iyo sida ay ugu fashilmeyn waddamo badan oo horay u soo saaray shidaalkooda.

Tusaale kale oo aan isleeyahay

Soomaaliya cashar ayay u noqon kartaa, waxa ay ku saabsan tahay dhacdo ka dhacday dalka Zaambiya. Marka ay isbiirsadaan musuq-maasuq iyo dhoofinta khayraadka dabiiciga, natiijada soo bixi karta, waxa aynu tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa dalka Zaambiya oo ah waddan leh khayraad dabiici ah. Zaambiya waa dalka ugu badan ee dhoofiya macdanta maarta. Dhaqaalahiisuna waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadkaas. Inta badan godadka laga qodo martaas waxaa maamula mid ka mida shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Waxaa jira muuqaal ku saabsan dhacdo ay ku luglaheyd shirkadaas oo ka dhacday dalkaas.

Magaca muuqaalkaas waa bililiqaysiga Afrika (Stealing Africa).

Haddaad daawato muuqaalkaas waxaad ogaanayso musiibada ka dhalan karta isbiirsiga musuq-maasuqa iyo ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maamulkii hoggaaminaayey dalkaas, waxa ay ku fashilmeyn maareynta dhaqaalihii ka soo galay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maantana dad reer Zaambiya waxa ay ka mid yihiin dadka ugu faqrisan dunida.

Casharada ugu muhiimsan ee laga baran karo waxaa ka mida:

  • In bulshada aysan marnaba u dulqaadan oo ay ka hortagaan, lana socdaan, musuqa-maasuqa ay sameeyaan madaxda dowladda.
  • In dowladda ay xoogga saarto qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada iyo dalaga beeraha, horumarinta noocyada kala duwan ee ganacsiga.

Si looga badbaado ‘cudurka dhajka,’ loona helo dhaqaale isku dhafan.

  • Abuurista dhaqan siyaasaddeed ku dhisan maamul wanaag.

 Qasaaraha iyo Faa’iidada

Shaki kuma jiro soo saarista shidaalka Soomaaliya in uu qaasarahiisu wato. Qasaaraha la filan karo wax badan ayay noqon karaan, balse maqaalkan kaliya waxa uu tilmaamayaa saddex ka mida qasaaraha la filan karo, waxaana ka mida:

  • In musuq-maasuqa kordho.
  • In ay meesha ka baxdo nidaamka dimuqoraadiyada Soomaaliya.
  • Hurinta colaadda sokeeyo.

Kaliya maahan in loo fahmo, haddii dal uu soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal in ay ku noqonayso musiibo. Haddii si fiican loo maamulo, lagana dhowro musuq-maasuq, wax isdabamarin, tuugnimo, laaluush qaadasho; dakhliga ka soo xaroon doona dhoofinta shidaalka Soomaaliya. Waa suurtagal in ay soo saarto faa’iido badan, taas oo dalka ku hagta waddadii barwaaqada, Sidoo kalena ay wax badan ka beddasho noloshada bulshada Soomaaliyeed.

Yaa ka faa’ideysan doona?

Haddii ay dhacdo in Soomaaliya laga helo khayraad dabiici ah sida shidaal ama Yuuraaniyoom kaddibna dibada loo soo saaro. Waxaan ku dooddayaa, in khayraadkaasi ay afka u dhigan doonaan, oo ay ka faa’iideysan laba koox oo kala ah:

  • Siyaasiyiinta Soomaalida.
  • Shirkadaha shidaalka ee  reer galbeedka.

Sikastaba, soo saarista shidaalka Soomaaliya laba waddo mid un bay u jiheyn kartaa: Mid gaarsiin kartaa musiibo iyo dib u dhac iyo mid gaarsiin karta barwaaqo iyo horumar.

Tallooyin

Talooyinka aan doonayo in aan usoo jeediyo siyaasiyiinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay talada ka go’do waxaa ka mida:

  • In dowladda federaalka

Soomaaliya ay dib u eegis iyo dib u habeynba ku sameyso mugdiga dhanka sharciga ah ee ku’aadan sida loo qeybsan karo khayraadka Soomaaliya, yeey tahay cidda xaqa u leh in ay heshiis la gasho shirkaddaha shidaalka, sidoo kalena yaa looga fadhiyaa fullinta heshiiskaas.

  • In la sameeyo daraasad ku saabsan dalka Butuswaana oo ah dal lagu naanayso ‘Mucjisada Afrika’ sidii ay oga baxsadeyn dabinka musiibada (Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga), iyo sidii ay u maamuleyn dhaqaalahii kaga soo xarooday dhoofinta khayraadkaas.
  • In lagu dhaqmo xikmadii aheyd ‘Intaadan fallin ka fiirso,’ lana sameeyo qiimeyn ku’aadan sida ay mustaqbalka wax noqon karaan, ka hor soo saarista shidaalka Soomaaliya; inta aadan guurin ayaa sahan la dirsadaa.
  • In la dhiso lana xoojiyo hey’ad madax bannaan oo la dagaalanta, ka hortagta, lana socota musuqmaasuqa.
  • In la xoojiyo hey’adaha canshuur uruurinta si daqliga dowladda uu u noqdo mid ka soo xarooda canshuurta dadweynaha balse uusan noqon mid isku haleeya, kuna tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.
  • In dowladda  federaalka        

Soomaaliya ay furto dood cilmiyeedyo ku saabsan shidaalka  Soomaaliya, taas oo ay ka qeyb  

galayaan qeybaha kala duwan ee bulshda rayidka.    

  • In dowladda federaalka 

Soomaaliya ay abuurto heykaldhaqaale oo isku dhafan, balse  

aysan isku haleyn kaliya daqliga ka soo gali doona dhoofinta shidaalka.                

Tixraac

Paul Collier (2007). The Bottom Billion: Why poorest countries are failing and what can be done about it. Oxford University Press.

Michael L. Ross (1999). The political economy of the natural resource curse. World Politics, vol. 51, 297-322.

Heritage Institute for Policy Studies (2014). Oil in Somalia: Adding Fuel to the Fire. HIPS Policy Briefing Issue. HIPS: Mogadishu.

 Note

                                                         

i Source: Memo – Department for International Development, May 2013.

Farmaajo oo cadeeyay heerka uu gaarsiisan yahay kalsoonida kala dhexeysa Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay wada shaqeynta kala dhexeysa Ra’isul wasaaraha Xukuumada iyo Golihiisa wasiirada.

Farmaajo waxa uu sheegay inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya Kheyre waxa uuna sheegay in awood ahaan uu isaga u dhigmo.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in go’aanka uu gaaro Kheyre uu yahay mid aan ka hadal laheyn, waxa uuna cadeeyay inuu aqoonsan doono go’aankaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu cod dheer ku sheegay inay ka go’an tahay inuu sii wado xiriirka kala dhexeeya Kheyre waxa uuna carab dhabay inuusan aqbali doonin go’aan waliba oo looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in Somalia uu ragaadiyay muran iyo Khilaaf waxa uuna cadeeyay inaan loogu imaan doonin Khilaaf dhexmara isaga iyo Kheyre.

Waxa uu soo hadalqaaday wada shaqeynta kala dhexeysa Golaha Wasiirada, waxa uuna tilmaamay in wixii la xiriira shaqo ay la shaqeyn doonaan Ra’isul wasaaraha, halka wixii laga marmi waayana ay kawada shaqeyn doonaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay adkaan doonto inuu aqbalo Wasiir kasoo gudba Ra’isul wasaaraha, maadaama howlahaasi uu isaga qaabilsan yahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada ugu baaqay inay gutaan waajibaadkooda shaqo oo ay u hayaan Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo Muqdisho ku qabaneyso shirweyne xal u noqon kara shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qabaneyso shirweyne ay ka qeyb galayaan shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo ah mid dib u heshiisiin ah.

Shirweynahaasi waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku dhawaaqay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mr Cabdi Faarax Juxa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto Hormarinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka dhabeyn doonaan sidii Soomaalida ay si dhab ah u wada hadli lahaayeen.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay muhiim tahay in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka shaqeynayaan midnimada dadka, isagoo ka codsaday caalamka inay dowladda arintaasi ku taageeraan.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay in dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah maadaama dalka muddo uu colaad ku jiray, loona baahan yahay in dhabta la ogaado lagana gudbaa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xooga saareyso dib u heshiisiin dhab ah si dadka Soomaaliyeed isdhex galkooda uu u sahlanaado.

Maxay DF iyo beesha caalamka ka doonayaan madaxweynaha Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug oo lagu caleemo saaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa horyaalo howlo badan oo shacabka Galmudug ay ka sugayaan.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumada maamulkiisa, taasi oo ka shaqeyn doonto shaqooyinka adag ee horyaala.

Mr Xaaf waxaa uu dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta deegaanada Galmudug, dib u heshiisiinta iyo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ka doonaya madaxweynaha cusub ee Galmudug inuusan soo dhisin golahiisa wasiirada ilaa uu xal kaga helayo maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay inuu marka hore wadahadal dhab ah la furaa Ahlu sunna kadib marka heshiis la gaaraya uu soo dhisaa golaha wasiirada si markaasi awood qeybsiga ay qeyb kaga noqdaan.

Ahlu sunna ayaa horey u dooneysay iney qeyb ka ahaato doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado balse sharuudo ay soo bandhigtay ayaa noqon waayay kuwo socon waayay.

Madaxweyne Farmaajo oo difaacay mowqifka siyaasadeed ee dowladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Siyaasada DFS.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka mideysan tahay Siyaasada, Wada shaqeynta iyo Kala danbeynta.

Waxa uu sheegay inay adag tahay inuu la shaqeeyo xubno aan u hogaansaneyn awaamirta waxa uuna ku baaqay in mas’uuliyiinta aaminsan inaan la daraaseyneynin Siyaasadooda ay dib isugu laabtan.

”Qorshaheena waa inaan mideyno Siyaasada dalka waxa ay taa hirgaleysaa goortii aan ku midowno Siyaasad hal mowqif leh”

”Wey muuqataa waxa uu mowqifkeenu yahay waa inaan ku mideysanahay Siyaasada, Dagaalka, Dhaqaalaha iyo wax waliba oo laf dhabar u ah dalka”

Farmaajo waxa uu sheegay inay adkaan doonto in dowladiisa uu kasii mid noqdo shaqsi ka mowqif duwan, waxa uuna cadeeyay in dalka aan lagu dhisi karin mowqif aan mideysneen.

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili dowlada federaalka ay kusii badanayaan mas’uuliyiinta dhaliilaha ka muujiya qaabka ay u shaqeyso dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Mucjiso lagu arkay duleedka degmada Qardho ee Gobolka Bari

Garoowe (Caasimada Online)-Mucjisadani ayaa waxaa lagu arkay deegaan ka tirsan degmada Qardho ee Gobolka Bari, kadib markii dadka deegaankasi ay indhaha ku furteen jeexdin waaweyn oo ka jeexmay dhulka.

Dadka deeganka ayaa sheegay in jeexdin ay tahay mid ku cusub isla markaana aan horay loogu arag degmada iyo nawaaxigeeda.

Dhulka ayaayeeshay jeexdimo godad ah oo suuru galin kara inay lixdo gaadiidka iyo dadka.

Dadka ayaa kusoo xoomay jeexdinta waaweyn ee uu dhulka yeeshay waxa ayna mucjisadaani ka dhacday meel u dhow magaalada.

Dhulka ayaa kala qeybsamay waxa ayna dadka deegaanka sheegen inaanu la socon xiliga uu dhulka sidaa noqday, maadaama wax waliba ay horay u arki jireen.

Mucjisadani ayaa keentay cabsi weyn oo dadku degaankaasi gashay, waxaana la soo sheegayaa in qoysaska qaarkood ay deegaanka isaga baxeen.

Si dhaba looma oga sababta ka danbeysay in dhulka uu kala tago.

Maxay ballanqaaden Wakiilada Beesha Caalamka ee ka qeybgalay Caleemasaarka Xaaf (Akhriso)

Cadaado (Casimada Online)-Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka dhacay munaasabada caleemasaarka Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Caleemasaarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha DFS, Wasiiro, Xildhibaano, Hogaamiyayaasha maamulada Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Saraakiil ciidan iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Caleemasaarka Hogaamiyaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa waxaa ka hadlay Safiirro ka socda beesha caalamka sida Ambassador Madiira, Michel Keatin, Safiirka Itoobiya iyo Safiirka Djibouti.

Hadalka ayaa waxaa ku horeeyay Ambassador Madiira oo ka socday midowga Afrika waxa uuna u hambalyeeyay Hogaamiyaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Ambassador Madiira, ayaa inta uu ku guda jiray hadalkiisa sheegay inuu ballanqaadayo wada shaqeyn dhaw, isaga oo hadalkiisa ku soo afjaray ”Si wada jir ah ayaa soo celin karnaa midnimnada iyo xasiloonida Somalia”.

Ambassador Madiira, waxa uu shakiga ka saaray in ciidamada AMISOM ay dayici doonaan fursad, haddii ay dhacdo in looga baahdo ka howlgalka magaalada Cadaado.

Michel Keating, Waxaa sidoo kale, Caleemasaarka ka hadlay Ambassador Michel Keating oo ah ergeyga QM ee Somalia, waxa uuna sheegay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyn doonto Hogaamiye Xaaf.

Nuqul kamid ah hadalka Michel Keating ayaa ahaa ”Galmudug waa meel weyn, ariga ugu fiican adduunka halkan ayaa laga helaa, waxaa kale oo la ii sheegay in mustaqbalka laga heli karo Muus”

Jamaaludiin Mustafa oo ah safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia waxa uu u hambalyeeyay Hogaamiyaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Jamaaludiin, waxa uu xusuusiyay sida dhinacyada looga jiro Beri Ahlu Sunna, waqooyi Puntland, Koofur dowladda federal ah iyo galbeedka oo Itoobiya ah, waxaa uu ballan-qaaday in uu la shaqeyn doono.

Safiirka Djibouti oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in salaam uga sido madaxweynaha Djibuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa isna dhankooda ballan-qaaday wada shaqeyn.

Docda kale, Hogaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midnimada Shacabka Galmudug iyo Nabadeynta degaanadaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Sawirro: Isbarbar dhiga soo dhaweynta Farmaajo ee magaaloyinka Cadaado & Baydhabo (Keebaa saxan)

Muqdisho (Caasimada Online)-Soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ee magaalada Cadaado ayaa waxbadan ka duwan soo dhaweenadii loogu sameeyay gudaha dalka.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa wakhti badan qaadatay, waxaana xooga la saaray amniga iyo bartakoolka.

Inata uu Madaxweynaha ku sugnaa gudaha Garoonka Cadaado, waxaa laga ilaaliyay dhamaan ciidamada labisan iyo kuwa aan la bisneyn, iyadoo sidoo kale la adkeeyay bartakoolka.

Waxaa aad loo yareeyay mas’uuliyiinta soo dhaweyneysa Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dhanka Galmudug uu ka socday Hogaamiyaha maamulka Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Carabeey, halka liiska soo dhaweynta laga saaray xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka oo dalbaday inay wax kasoo dhaweeyan Madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa mudada lagu guda jiray soo dhaweynta Madaxweynaha Garoonka laga saaray Sawir qaadayaasha oo iyagu howshooda u igmaday hal ruux, kaa oo sii qeybinaayay Sawirada.

BAYDHABO: Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku aaday April 23, 2017, magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, waxaana soo dhaweyntiisa 1aad ee magaaladaasi ka muuqday isku dhexyaac iyo Bartakool xumo.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka dagay Garoonka Baydhabo waxaa ku yaacay dhammaan mas’uuliyiintii lagu diyaariyay Garoonka sida kuwa maamulka, Madaxdii kaga sii horeysay Baydhabo iyo Ciidamadii loo diyaariyay qaadashada Salaan Sharafka.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Baydhabo kala garan waayay Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna ku khasbanaaday inuu Salaan la dhexmaro.

Maamul Goboleedyada ayaa inta badan xadidin shaqsiyaadka qaabilsan soo dhaweynta Madaxweynaha, waxa ayna taa dhabar jabisaa nidaamka lagu qaabilo madaxda.

SOO DHAWEYNTA FARMAAJO EE MAGAALADA CADAADO

SOO DHAWEYNTA FARMAAJO EE MAGAALADA BAYDHABO

Farmaajo oo dekedda cusub ee Jabuuti usoo qaatay hal tusaale oo mhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey xafladda caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa u mahadceliyay baarlamaanka Galmudug sida saxda ah ee ay u doorteen Xaaf, waxaa kale uu u mahadceliyay dadkii uu ka guuleystay madaxweynaha la doortay oo natiijada aqbalay.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa uu ku sheegay nin magac ku leh ganacsiga oo hadda ku soo biiray siyaasadda, waxaa uu ku dhiirigeliyay in uu u adeego shacabka, xusuusiyana in mas’uuliyadda aaney wax sahlan aheyn.

Mudane Farmaajo waxaa uu Xaaf  kula taliyay in uu wax ka qabto ballan-qaadyadii uu umadda u sameeyay sida Waxbrashada, caafimaad-ka,  amniga, cadaaladda, horumarinta, dhaqaalaga iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu xusuusiyay in loo baahan yahay in uu wax ka qabto cadaaladda, dhismaha  xabsiyada si umadda u kala badbaado, waxaa uu jeediyay in laga fogaado khilaafka iyo nin jecleysiga.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay khilaafaad ka jira dowladda federaalka ah dhexdeeda, waxaa uu sheegay in khilaaf la’aanta iyo xasiloonida Djibouti ay keentay in uu furo dekad ku baxday 400 Milyan oo ah dekadda 4 jeer ka weyn dekadda Muqdisho.

Waxaa Farmaajo ka hadlay in uu khilaafka dartiis uu u xallin waayey Galmudug iyo Ahlu sunna, oo marka hore uu ka bilaabay heshiisiinta heerka 1aad iyaga oo heerka 2aad marayana ay doorashada dhacday o oo ka gaari waayeey.

Mudane Farmaajo waxaa uu madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug kula taliyay in ay ka shaqeeyaan nabadda, dib u heshiisiinta iyo khilaaf la’aan dowladda dhexdheeda ah, Waxaa uu si gaar ah Xaaf iyo Gaas kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan isu socodka gobolladaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in dalka Sacuudiga uu ballan-qaaday in Soomaaliya ka hirgelin doono Airport, dhismaha guryaha dowladda, jidad, goobo waxbarasho, caafimaad, amni iyo dhammaan baahiyada jira oo aan xad laheyn

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in 27 sano oo dhibaato ah kadib laga gudbay in xoog kursi lagu yimaado, waxaa uu intaa raaciyay in dalalka Carabta ay hadda Soomaaliya ugu daydaan dimoqoraadiyadda

“2 sano waa yar tahay, 4 sano waa yar tahay” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda loo adkeysto oo aan wax dumin iyo mooshin lagu boodin, waxaa  Farmaajo ku dooday in Umadda mooshin uma shaqeyno, gaajo iyo cudur uma shaqynaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan dowladda iyo in ay wada shaqeeyaan dowladda federaalka ah iyo dowlad gobleedyada oo taasi ay caalamka arkaan.

Farmaajo oo Xildhibaanada Galmudug uga digay inay arrintaan ku sameeyaan Madaxweyne Xaaf

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galay xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa baaq u diray Xildhibaanada Galmudug ee Xaaf u doortay inuu noqdo Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey in Xaaf si cadaalad ah loo doortay isla markaasna aysan jirin cid qasabtay Xildhibaanada Galmudug sidaas darteedna loo baahan yahay in la iska ilaaliyo dadka ka shaqeenayo mooshinka iyo danaha qabiilka.

“Ummada Soomaaliyeed, maanta qof xoog ku yimid ma jiro, waxaa ugu danbeeyay walaalkay Xaaf, adduunku wuxuu hadda marayaa Soomaaliya in dimoqraadiyadda looga daydo, taasina waxay ku timid waa biseylka shacabka oo diiday inay raacaan ninka qaloocan ee doonaya in qabiil lagu raaco, waxayna doorteen ninka u fiican iyagoo qabiil eegin” ayuu yiri Farmaajo.

Mooshinka ha la joojiyo, waa inaad taageertaan dowladda aad halkan ku doorateen.., waa dowlad shacab, anigana waxaa isoo doortay xildhibaano, xildhibaanaddana rabitaan shacab ayeey ku yimaadeen” ayuu hadalka kusoo gabagabeeyey.