Xog: Sirdoonka waddanka Holland oo dhageysta taleefonnada Soomaaliya
Amsterdam (Caasimada Online) – Hay’adda Adeegga Ammaanka (MIVD) iyo Sirdoonka Milliteriga dalka Holland ayaa la sheegay inay si sharci-darro ah u raad-raacaan Xogaha ama Daatooyinka Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dadka Soomaalida adeegsadaan.
Aqalka Wakiilladda ee Barlamaanka Holland, ayaa tilmaamay inay sharci-darro tahay in fasax la’aan la dhegeysto ama la dabagalo Telefoonadda iyo Xogaha ku kaydsan Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dalalka Shisheeye leeyihiin.
Wargeyska NRC Handelsblad ee ka soo baxa caasimadda dalka Holland ee Amesterdam ayaa lagu soo daabacay Labo Dukumenti oo cusub oo uu soo bandhigay Khabiir u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Edward Snowden, laguna qeexay inay Hay’adaha Sirdoonka Hollad si toos ah u dhegeystaan una turjuntaan Telefoonadda Soomaaliya.
Edward Snowden oo ahaan jirey Qandaraasle u shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA), haatan magangeliyo ahaan ugu nool dalka Raashiya ayaa qoraalladiisa ku soo bandhigay inay Hay’adaha Sirdoonka ee Holland iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadaan Xogaha ama Daatooyinka Shirkadaha Telefoonadda Somalia iyo in la turjumo wada-sheekeysiga dadka Soomaalida ee Holland ka soo hadla.
Wargeyska ayaa qoray in ay Hay’adda NSO ee Holland turjumaan Xogaha la dhegeysto, iyadoo Hay’addaasi isbahaysi la ah Labada Hay’addood oo Holland ugu qaabilsan Hawlaha Sirdoonka, kuwaasi oo Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka (AIVD) iyo Hay’adda Ammaanka Holland (MIVD).
Warbixinta uu Edward Snowden ku qoray Wargeyskaas ka soo baxa Holland, ayaa lagu inay Dowladda Holland u adeegsadaan Sirdoonka dhegeysiga Telefoonadda Somalia si ay ula socdaan Hawlgalladda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.
Warbixinta waxa kaloo lagu xusay inay suurto-gal tahay inay Maraykanka u urursadaan Xogaha Telefoonadda si ay Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka bar-tilmaameed uga dhigtaan Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.
Dhinaca kale, Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka dalka Holland (AIVD) ayaa la sheegay inay jabsadeen Website-yo ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Somalia, waxaana falkaasi lagu tilmaamay mid looga dan lahaa in lagu raad-raaco Xogaha ku kaydsanaa Website-yadaasi oo aan magacyadooda la shaacinin.
Xigasho: NRC Handelsblad
SAWIRRO: Shirweyne caalami oo looga hadlayo SOMALIA oo ka furmay Dubai
Dubai (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweyne caalami ah oo looga hadlaayo wax soo saarka Soomaaliya ee xagga beeraha, badda iyo xoolaha.
Shirka oo ka furmay xarunta ganacsiga ee Dubai. waxaa ka qaybgalay hey’addo caalami ah, mas’uuliyiin ka socda maamulada Soomaalida, diplomaasiyiin iyo ganacsato caalami ah oo doonaya in ay maalgashi ka sameestaan Soomaaliya.
Shirkan sidda ay sheegeen dadka soo qaban qaabiyay wuxuu socom doonaa muddo seddax cisho ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha ay Soomaalida u heli karaan in ay suuq geyn iyo maalgashi ballaaran ay u helaan wax yaabaha ay soo saaraan.
Waxaa shirka furmay wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya.
Waa shirkii ugu horeeyay ee la qabto tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Inta uu socdo waxaa kaloo lagu soo bandhigi doonaa Soomaalida wax yaabaha ay soo saaraan tusaale beeraha Muuska, badda Kalluunka iyo wixii la mid ah iyo xagga xoolaha oo Soomaalida ay tahay waddanka labaad ee dunidda ee dhoofiya xoolo.
In shirkan la qabto waxaa hadda keentay sidda ay lee yihiin qaban qaabiyaasha isbadal xagga nabadda ee ka jirta Soomaaliya iyo deegannada kale ay degto Soomaalida sidda Kenya iyo Ethiopia.
Xuquuqda Sawirrada waxaa leh BBC Somalia iyo Farxaan Maxamed Jimcaale
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka
Warbixin: Mungaab oo xilka ka qaaday afhayeenkii Gobalka Banaadir, Sabba?
Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Isniin ah xil ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii horre ee gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan, waxaana uu magacaabay afhayeen cusub.
Muungaab ayaa sheegay in uu doonayo maamulkiisa isbadal xooggan oo la rabo in laga dareemo degmooyinka gobalka Banaadir.
Afhayeenkii horre ee Maxamed Yuusuf ayaa akhriyay digreerto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir, oo lagu magacaabay Cabdi Baasid Maxamed Cabdiraxmaan oo noqonaya afhayeenka cusub ee gobalka Banaadir.
Maxamed Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in guddoomiyaha gobalka Banaadir Muungaab uu xilka ka qaado isla markaana uu u dhiibay qof ku haboon sidda uu yiri.
Afhayeenka cusub ee maamulka gobalka Banaadir, Cabdi Baasid Maxamed Cabdiraxmaan ayaa isna goobta ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka lagu wareejiyay, isla markaana uu soo dhaweenaayo afhayeenkii horre howsha uu qatay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay warbaahinta Muqdisho in ay la shaqeeyaan si loo sii wado howlaha lagu horrumarinaayo magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir, waxaa uu waday xil ka qaadis, isagoona intii badneed shaqaalihii horre ee maamulka gobalka Banaadir xilka uu ka qaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xog cusub: Eng. Yariisow oo shirqool lagu khaarajin lahaa ka badbaaday
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qarixii sabtidii ka dhacay Hotel Maka Al-mukarama lala maaganaa in lagu khaarijiyo Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, Engineer C/raxmaan Yariisow.
Engineer Yariisow, ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii lagu casuumay Xafladdii ka dhacday Hotelka Maka Al-mukarama, ee loogu dabaal-degayey sanadguurada mid ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala magaalladda Muqdisho.
Xogtan, ayaa waxay sheegayaan inay jireen nin iyo Haween oo u muuqday kuwii fulin lahaa hawlgalka lagu khaarijin lahaa Afhayeenka Madaxtooyadda ahna La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Labadaasi qof, ayaa la sheegay inay qaar ka mid ah dadkii joogay afaafka Hotelka Maka Al-mukarama weydiiyeen haddii uu ku Engineer Yariisow ku jiro gudaha iyo in kale, laakiinse weli heli waayeen xogta la xiriirtay inuu Mas’uulkaasi ku jiray gudaha Hotelka.
Mid ka mid ah Ilaaladda Hotelka, ayaa ugu dambeyntii weydiiyey Ninka iyo Haweeneyda laga shakisanaa qaabka ay ku soo galeen goobta ay dadka martida dhigtaan gaadiidkooda, waxayna u tilmaameen gaarigii ay wateen.
Wararku waxay sheegayaan in markii Labadaasi qof loo diiday inay gudaha u soo galaan Hotelka ay dib isaga laabteen.
Goobjoogayaal codsaday inaan la carabaabin, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkii iyo haweeneydii laga shakisanaa markii ay baxeen waxyar kadib inuu Qarax weyn ka dhacay qeybta gaadiidka la dhigto ee Hotelka Maka Al-mukarama.
Qaraxa kadib, ayaa Engineer Yariisow lagu wargeliyey Mu’aamaraddii lala maaganaa, waxayna Ilaaladiisa si degdeg ah ugu kaxeeyeen gaari nooca aysan xabbadaha ka dusi Karin.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay xaqiijiyeen inay Ciiddanka Nabadsugidda gacanta ku dhigeen Nin Dhallinyarro ah oo lagu xiriirnayo Falkaasi, iyadoo mid kale uu baxsaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Xog: Xubnihii qarxiyey Hotel-ka Makka Al-Mukarama oo ay qabatay kaamiro
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan yahay, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online inay Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka iyo Maamulka Gobalka Banaadir la wareegeen cajaladaha ku duuban Filimkii ay qaadeen Kaamerooyinka wax lagu ilaaleeyo ee CCTV.
Muuqaalladda dadkii ka dambeeyey qaraxaasi, xilligii ay soo galeen goobta gaadiidka la dhigto, nooca uu yahay gaari loo adeegsaday qaraxaasi iyo faahfaahino kale ayaa laga helay Muuqaalladdii ay sida qarsoodiga u duubeen Kaamerooyinka CCTV-ga.
Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa inay Hay’addaha Ammaanka haatan u fududahay sidii ay dabagal ugu samayn lahaayeen dadkii soo maleegay qarixii sabtidii ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama.
Waxaa si gaar ah muuqaallada ay u qabteen nin iyo haweeney si gaar ah looga shakisan yahay.
Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed, ayaa sabtidii ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan nin la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa Kooxihii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama, gaar ahaan qeybta la dhigto gaadiidka.
Gawaaridda ku gubay goobtaasi waxaa ka mid ahaa gaari uu lahaa Tifaftiraha Wargeyska Xogdoon, Maxamed Axmed Siyaad.
Tifaftiraha ayaa inoo xaqiijiyey inuu gaarigiisa ka mid ahaa gawaaridii sabtidii ku gubtay Hoteelkaasi, wuxuuna tilmaamay inuu nooca gaarigiisu ahaa Toyoto Ipsum, oo midabkeedu caddaan ahaa, Modelkeeduna ahaa 2011.
Si kastaba ha ahaatee, Kameerooyinka loo yaqaano CCTV ee inta badan lagu rakibo Dhismooyinka muhiimka sida Hoteelladda, Xafiisyadda, Bangiyadda iyo goobaha kale ee ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaa waxaa si joogto ah lagala socon karaa dhaqdhaqaaqyadda ka socda hareeraha Dhismayaashaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
MUUNGAAB oo diiday degmada KAXDA
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah, ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir Muungaab uu kulankiisii ugu horeeeeyay ee uu laqaatay gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir uu ka saaray gudoomiyaha Degmada Kaxda .
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ayaa Sheegay in Dowlada cusub ee isaga u magacowday inuu noqdo gudoomiyaha aysan Kaxda u aqoonsaneen Dagmo, sidaas dharteed uu gudoomiyaha Kaxda uu ka bixiyay kulankii uu la lahaaa gudoomiyayaasha degmooyinka .
Dowlada uu hogaaaamiyo Xasan Sh Maxamuud, ayaa waddo qorsho ah in ay laasho, wareegtadii uu madaxweynihii hore ee Somalia Sh Shariif Sh Axmed uu degmo ugu magacaaway Kaxda, iyaddo ka#xda ka dhigtay degmooyinka gobolka banaadir 17 Degmo.
Beesha dhegta Degmada Kaxda ayaa waddo kulamo is Daba joog ah oo kusaabsan arintan, iyaddo la ogyahay in Kaxda ay hormar aad u weyn ay sameeysay muddadii yareeed oo ay degmada ahayd.
Mar aan laxiriirnay gudoomiyaha Degmada Kaxda, waxa uu Sheegay in intii Kaxda ay ka tirsaneyd degmooyinka gobolka Banaadir aysan wax taakuleen ah aysan ka helin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaqdir, isagoo Sheegay in beesha iyo dadka Degan Degmada ay ku rajo weynaayen sidii ay u dhisan lahaayen xarunta Degmada iyo waliba Xarunta Booliska, isagoo Sheegay in intaasba ay socdaaan sidii loo dhisi lahaa .
Mar aaan wax ka weydiinay Arimaha la xiriira in banaanka looga saaray shirkii ay gudoomiyayaasha degmooyinka la qaateen gudoomiyaha cusub, ayuu sheeegay in ay jirto arintaaas Laaakin uu wax faah-faahin hadda ka bixin Karin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Ehellada nin Amisom ay Muqdisho ku dileen oo DF Soomaaliya eedeeyay
Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa shir weyn ku qabtay qoyska uu ka soo jeedo nin rayid ah oo dhawaan ciidanka AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa waxaa jiiray mid ka mid ah baabuurta AMISOM, waxaana uu xilligaas marayay waddada Makkah Al-Mukarramaha ee magaalada Muqdisho.
Suldaan Dhiire Muxumad Nuuriyoow, oo ehel la ah marxuumka geeriyooday,ayaa sheegay in arrintooda muddo dheer ay ka wareegtay siddii loo dhahay waxbaa la idiin qabanaa laakin ilaa hadda cid ka soo jawaabtay ma lahan.
Wuxuu kaloo sheegay in cabashadooda ay markii horre ku wareejiyeen taliska ciidamada ilaalada waddooyinka, balse ay ka soo wareegtay oo la hor geeyay golaha wasiirada Soomaaliya sidda uu sheegay.
Wuxuu Suldaanka ka sheekeeyay xaalada ay ku sugan yihiin qoyska uu ka geeriyooday marxuumka ay dileen AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay meel khatar marayso isagoo tilmaamay in aaney heesan wax noloshooda ay ku maareeyaan.
Ugu dambeyn wuxuu golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabtaan kiiska lagu wareejiyay, maadama AMISOM ay si bareer ah u dileen wiilkooda.
Akhriste halkan ka daawo sawirrada qoyska uu ka dhintay marxuumka.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Baale lagu qarxiyey Muqdisho, Sabab?
Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa saakay lagu qarxiyay mid ka mid baalayaasha nalalka cadceeda ku shaqeeya ee halkaas lagu xiray.
Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegay in baalaha la qarxiyay uu ku yaallo waddada Makkah Al-Mukarramah, oo ka mid waddooyinka ugu muhiimsan caasimada isla markaana si weyn loo adkeeyo ammaankeeda, waayo waxaa adeegsada madaxda dowladda.
Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo xiray waddooyinka qaar ee soo gala goobta lagu qarxiyay baalaha ku shaqeya cadceeda.
Ma ahan markii ugu horreysay oo la qarxiyo baalayaasha ku shaqeeya cadceeda, dhowr jeer oo horre ayaa sidda loo qarxiyay mana jirto cid loo soo qabto.
Dadka qaar waxaaba ay lee yihiin waxaa qarxiya ciidamada ka agdhow goobaha ay ku yaalaan baalayaasha kuwaasoo lacago la siiyo ama carruurta darbi jiifka ah iyo kooxaha burcadka ah ee doonaya in wax dhacaan.
Siddii baalayaasha ku shaqeeya cadceeda loogu dhajiyay inta badan waddooyinka Muqdisho, waxaa soo noqday bilicdii magaalada oo habeenkii magaalo kale ayey u keetaa caasimada.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Daawo Guuxa dadweynaha Muqdisho
Shacabka ku nool Magaalo Madaxda Muqdisho ayaa aad u hadal haya dhacdooyinka ka dhacaya Magaalada Muqdisho & Siyaasada Dowlada Somalia oo ay u arkaan mid sidii la rabay anan u socon.
Arimaha ugu badan ay shacabka ku shaaxeeyaan ayaa ah Qaladaadka iyo amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho & Dabacsanaanta ka muuqaneysa Hey’addaha Amaanka iyo Ugu dambeyntii isbadalka cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
Dubai: Shir looga hadlaayo wax soo saarka Somalia iyo sida loo beec geyo
Dubai (Caasimada Online)-Magaalada Dubai waxaa saaka ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlayo wax soosaarka Soomaaliya iyo sida loo soo bandhigi lahaa waxyaabaha Soomaalidu ay dunida u beec geyso. Kuwaasi oo laga soo saaro badda, barriga iyo xoolahaba.
Shirkan oo socona doona muddo seddax cisho waxaa lagu soo bandhigi doonaa sidda ugu wanaagsan ee la isugu xiri karo Soomaalida wax ka saarta dalka iyo ganacsiga ka jirra dunidda.
Waxaa soo qaban qaabiyay shirka hey’addo caalami ah oo ay ka mid tahay barnaamijka cunta adduunka ee FAO, waxaana la filayaa shirka in la isku weedaarsado xog ku saabsan sidda loo kobcin karo wax soo saarka Soomaalida iyo sidda loogu xiri karo dunidda.
Shirka oo ka dhici doona xarunta ganacsiga ee Dubai, ayaa waxaa ka qaybgali doona hey’ado caalami iyo madax ka socota maamulada Soomaalida.
Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa tan iyo markii ay burburtay Soomaaliya sannadkii 1991-dii, waxaana hadda keenay in waxoogaa daganaansho ay ka jirto Soomaaliya, taasoo ay dheertahay Somaliland iyo Puntland oo ka mid ah meelaha xasilloon.
Soomaaliya waxa ay caan ku ahayd wax soo saarka, sidda beeraha, xoolaha iyo badda oo laga soo saari jiray kalluun faro badan, balse nasiib daro ma jirto cid ka faa’ideesatay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka
DF Somalia oo loolan xoogganaa kaga adkaatay maamulka Somaliland (1-0)
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federalka ee uu Caalamku aqoonsan yahay iyo Maamulka ka arrimiya Goballadda W/galbeed ee Jamhuuriyadda Somalia ee la magac baxay Somaliland ayaa waxa maalmahan ka dhexeeyey Loolan hoose oo ku aadan Qaabka loo aasi lahaa Allaha U Naxariistee Fannaanka weynaa ee Maxamed Sulaymaan Tube coo maanta lagu aasay magaalladda Muqdisho.
Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland oo uu u socday Wada-xaajood Siyaasadeed, ayaa waxay isku maandhaafeen cidda mas’uulka ka ahaa inay qabanqaabiso Aaska Fannaankaasi magaca iyo maamuska ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Federalka waxay dhawaan magacaabeen Guddi Khaas ah oo uu madax ka yahay Wasiirka Warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, kuwaasi oo loo xil-saraay Qabanqaabadda Aaska Qaran ee loo dhigayo Fannaanka geeriyoodfay.
Sidoo kale, Maamulka Somaliland ayaa ku soo baraarugay Guddiga ay Dowladda Federalka u qoondeysay Aaska Fannaankaasi, wuxuuna Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan Zeylici ku dhawaaqay Guddi ka kooban 12-qof oo loo xil-saaray Qabanqaabadda iyo Aaska Fannaanka Maxamed Sulaymaan.
Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa uu arrinkaasi ka dhex dhaliyey Loolan adag, iyadoo ugu dambeyntii Dowladda Federalka ku guuleysatay Loolankaasi, kadib, markii ay dadaal xooggan u gashay si Fannaankaasi loogu aaso Heer Qaran, ayada oo dowladda Jarmalka ay sheegtay in meydka Tubeec ay u dhiibeyso Dowladdda Somalia, oo aanay aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland.
Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay inay Dowladda Federalka ku bixisay in ka badan 60,000 oo Dollar miisaaniyadda loogu talagalay in maydka Marxuumka looga soo qaado dalka Jarmalka, looguna aaso si maamuus heer Qaran leh.
Diyaarad Khaas ah ayaa loo soo kireeyey si maydka Marxuumka loo keeno magaalladda Muqdisho, iyadoo barqanimaddii maanta maydka laga soo dejiyey Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka ku guuleysatay loolanka hoose eek ala dhexeeyey Maamulka Somaliland oo iyagu 100% ku kalsoonaa in ay iyagu awoodi karaan sidii Marxuumka lagu aasi lahaa magaalladda Berbera.
Laakiinse, Madaxda Somaliland wey ku hungoobeen hamigaasi, maadaama loolan dheer kadib uu Rabbi qadaray in Marxuumka iilkiisa noqdo magaalladda Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Puntland: Waan argagaxnay markii aan maqalnay Siilaanyo oo jooga Lasqoray
Garoowe (Caasimada Online)- Magaalada Goowe waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle(Indho-guran), wuxuuna ka hadlay socdaalkii madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku tagay maanta magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag.
Wuxuu ku tilmaamay socdaalkaas mid muujinaya colaad ka qaraxda degmada Laasqoray, wuxuu kaloo sheegay Laasqoray in ayka tirsan tahay Puntland.
Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in ay aad uga naxayen markii ay maqleen Axmed Siilaanyo in uu joogo Laasqoray.

“Waxay nagu noqotay arrin argagax ah, waayo marna lama filaynin in Siilaanyo uu joogo Laasqoray oo u dhow Boosaaso kana tirsan Puntland” ayuu yiri wasiir Indho-garuun).
Wasiirka waxaa kaloo uu xusay in ciidamo ay u direen Laasqoray markii markii ay maqleen in uu Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay halkaas ku sugan yihiin balse nasiib daro aaney isku soo gaarin.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay qadariyaan madax banaanidooda oo aaney soo gudbin xadka u dhexeya labada maamul.
Si kastaba, hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta oo Axad ah uu tagay degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo.
Wafdiga madaxweynaha ayaa booqday Isbitaalka weyn iyo dekedda Laasqoray, waxaana ay u ballan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska iyo horrumarka Laasqoray.
Madaxweynaha Siilaanyo iyo wafdiga la socday ayaa ku laabtay degmada Maydh oo markii horre ay ka yimaadeen halkasoo qado sharraf loogu sameeyay, waxaa kaloo la sheegay in madaxweynaha u sii ambabixi doono Ceerigaabo.
Degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag waxaa isku heesta maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana mid kasta uu lee yahay “Anniga ayaa maamula”
Taarikhda waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Somaliland uu booqdo Laasqoray.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe
Beel sheegtay in AXMED MADOOBE uu xasuuqayo oo go’aanno soo saartay
Belgium (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Jaalliyada Beesha SADE ee dalka Belgium ee GalJuba ayaa lagu sheegay in beesha SADE aysan u dulqaadan karin xasuuqa iyo tacadiyada bareerka ah ee lagu hayo hal beel ah oo degta gobolada Jubbooyinka.
Kulan ballaaran oo shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 15ka bisha Maarso lagu qabtay magaalada Gent ee wadankan Belgiumka ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaalliyada beesha SADE oo isugu jiro odayaal , dhalinyaro , aqoonyahano iyo siyaasiyiin.
Fadhiga oo daba socday kulamo gaar gaar ah oo ay beeshu ku lafagureysay arrimaha Jubbooyinka ayaa waxaa kulankaas ballaaran lagu falanqeeyay in waxa ka socda magaalada Kismaayo ay yihiin dabargoynta beel kaliyah lagu hayo, taas oo ay sheegeen inaysan u dhicin si qarsoon balse maalin walba gudaha magaalada Kismaayo lagu dilo dad beesha SADE u dhashay, qaar kale hantidooda lagu boobo halka kuwa kalana lagu loogu cagajugleeyo dhulkooda taana ay tusaale muuqda u tahay in koox Raas kaambooni ay duulaan nafsadeed iyo mid hantiba ay ku soo qaadaan beeshaan.
Jaalliyada GALJUBA ayaa sheegtay in hadalkooda uusan iska imaan balse ay daraasaad gudaha iyo xogo ay isdhaafsadeen dadka ka soo jeeda beeshaan ee wadamo badan oo Yurup ah ay u arkeen in meel uga soo wada jeestaan isir-tirtirka ee ka socda Kismaayo.
“Fikirkaas waa mid ay wada arkeen jaalliyadaha iyo umada SADE ee 11 dal oo qaaradan Yurup ah ku nool iyo daafaha dunida, mana aqbali karno in nin duulaan ah oo dhulka dool ku yimid uu fidno qabiil oo dheeraata uu dabada ka riixo”. Sidaas waxaa yiri siyaasiga Aadan Cali Joogtaan oo ah afhayeenka Jaalliyada SADE ee Galjuba.
Aadan Cali Joogtaan oo ah afhayeenka Jaalliyada SADE ee Galjuba oo sii hadlaya ayaa yiri “Arrintaan waxaa masuul ka noqonaya dadka beesha SADE ee u fududeynaya kooxda Axmed Madoobe xasuuqa uu beeshaan ku hayo”.
Wakiilka ugaaska Beesha SADE Maxamud Sh Daahir Cali Ciye ee Belgium ayaa waxa uu isna sheegay in jaalliyada SADE ee dalkaan Belgium ay fariin cad u dirayso kooxda Axmed Madoobe, isagoo sheegay in dad uu laynayo maalin aan fogeyn maxkmad lagu soo taagayo.
Jaalliyada ayaa waxaa sidoo kale kulankooda ay ku soo qaadeen arrimaha horumarinta, waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo amniga deegaanada beelweynta SADE ee Galjuba, iyagoo bulshada beesha SADE meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan walaaleynta iyo amniga.
Jaalliyada Beesha Sade ee dalkan ayaa waxaa ay baaq u direen dowlada Federalka oo ay sheegeen inay leedahay mas’uuliyada dalka, ayna beel ahaan taageereen waxqabadka iyo nadaamka ay Soomaalidu wada dhisteen balse ay ku tilmaameen dawlada inay ka gaabisay waxa ka socda Jubbooyinka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo.
Jaalliyada waxa ay amaan u soo jeediyeen hayadaha xuquuqul insaanka oo iyagu diwaangeliya dhacdooyinka ay gaystaan kooxda Axmed Madoobe balse waxa ay ka codsadeen Beesha Caalamka in ay go’doomiyaan maamulka Axmed Madoobe oo ay sheegeen in lacagaha loogu deeqo lagu xasuuqo hal beel ah.
Odayaasha iyo waxgaradka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland ay beesha SADE ku taamaysay in magaciisa lagu walaaleeyo beelaha dhamaantood ee dega dhulkaas balse sida ay sheegeen waxa ay ugu yeereen maamulka dhiciska ah ee Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed (Madoobe) in uu cagta saaray wixii ay ka filayeen markii dhismihiisa ay faramarooqsadeen koox yar oo dana gaar ah wadata.
Mudadii uu kulanka soconayay ayaa dadkii goobta ka hadlay ay si care leh uga hadleen ninka sheegta madaxweyne kuxigeenka Axmed Madoobe Cabdulahi Fartaag oo ay sheegeen in damiirkiisa uusan ka danqin dhiiga dadkiisa ee beel ahaanta lagu daadinayo.
Hoos ka aqriso qodobo kasoo baxay shirka Jaalliyada SADE ee Belgium
1. Waxaanu ugu baaqaynaa in waxgaradka Beelweynta Sade meel walba oo ay caalamka ka joogaan ay si gooni gooni ah isaga arkaan waxa ka soconaya magaalada Kismaayo maadaama ay beeshaanu nabad iyo walaaltinimo kula soo noolayd beelaha kale ee gobolada Jubbooyinka waxa ay beeshu u baahantahay in ay go’aan ka qaadato mustaqbalkeeda Jubbooyinka maadaama handaada iyo dilka joogtada ah ee lagu hayo uu yahay mid aanu u aragno in la doonayo in lagu tirtiro jiritaanka beeshaan ee Jubbooyinka.
- Kooxda Axmed Madoobe waxaanu ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aysan dalka ku joogi Karin Taangi islamar ahaantaasna ay joojiyaan dilka iyo boobka lagu hayo beesha SADE.
- Jaalliyadu waxay codkeeda ku biirinaysaa cuqaasha iyo waxgaradka Beelweynta SADE ee horey ugu baaqay nabadda, waxaana muhiimad u aragnaa dib u heshiisiin guud oo dhex marta dadka walaalaha ee degan deegaanada Jubbooyinka.
- Beeshu waxay aad uga xuntahay in Dawlada Soomaaliya ay heshiis aana laga soo qeybgelin dhinacyadii Kismaayo ku dagaalamay la gasho Axmed Madoobe, iyadoo aanu wada ognahay in xaqdarada aysan meel gaarin, oo Axmed Madoobe uu DF uga baxay heshiiskaas.
- Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoopiya ee dhulkaas ku sii socda waxaanu ugu baaqaynaa in dadka Kismaayo ay ka dulqaadaan dulmiga Taangiga Kenya iyo kooxda Axmed Madoobe oo si barer ah u abaabusha barakicin, xasuuq la bartilmaansado qabaa’il gooni ah.
Wariye Abdixakiin Yaasiin Maxamuud
Antwerpen, Belgium
Email: [email protected]
Daawo: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee laga soo duubo MUQDISHO (Video)
Muuqaal laga soo duubay Bilicda Magaalada Muqdisho ilaa Jowhar inta u dhaxeysa iyo sida ay tahay Bilicda Magaalooyinkaasi iyo Wadooyinka isku xira ee loogu safro Muqdisho ilaa Jowhar.
Aqristoow Muuqaalkani waxaad ka dhex arkeysa sida ay tahay Muqdisho iyo Bilicda qurxoon ee ka muuqaneyso Wadooyinkeeda iyo dib u dhiska ka her galay ilaa wadooyinka ka baxa ee aada Gobolada dariska ah ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
Sawirro & Xog: Maxay Cumar C/rashiid & Prof. Gandi ka sameynayaan Finland
Helsinki (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd Cumar Cabdi Rashiid iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Prof. Gaandi, ayaa booqasho ku jooga dalka Finland.
Booqashadan, ayaa waxaa suurta geliyey jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee halkaasi, oo labada mas’uul halkaas geeyey, si ay uga shaqeeyaan danaha labada maamul.
Wafti ay labadna nin hoggaaminayaan, ayaa jimcihii magaalada Helsinki kula kulmay Baarlamaanka waddanka Finland iyo hay’adaha gar gaara wasdamada soo koraya ee wadanka Finland ka jira.
Siyaasiyiinta iyo ha’adaha waddanka Finland, ayaa warbixin ballaaran oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Jubaland iyo Puntland iyo sida ay suurtogal u tahay in waddanaka Finland ku caawin karo waxaa siiyey Cumar Cabdi Rashiid Prof. Gaandi.
Wafdig, ayaa waxay mahad u celiyeen wadanka Finland oo marti geliyey, waxbarasho iyo baasaboorana siiyey kumanaan Soomaaliyeed oo waddanka degen, waxayna ugu baaqeen Soomaalida Finland inay ka faa-iideystaan aqoonta iyo wanaaga wadanka, dabadeedna ay dib ugu celiyaan wanaagaas waddankii ay ka yimaadeen, si waddanku uu uga baxo dhibka hadda uu ku jiro.
Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa u sheegay Finland in dalka Soomaaliya uu hadda marayo meeshii ugu fiicnayd, waxayna xuseen in ciidamada AMISOM dhisayaan maamul goboleedyo, sida ay ayaga u arkaanna ay taasi tahay arrin wanaagsan.
Waxaa iyaguna goobta ka hadlay hay’ado iyo ganacsato reer Finland ah oo aad u danaynayey inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya iyo inay dhisaan warshado kalluumaysi, waxna ka qabtaan beeraha iyo xoolahaba.
Gebogebadii shirka waxaa laysla qaatay inay lagama maarmaan tahay in Finland iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee waddankan ku nool iyagoo is kaashanaya ay ka qayb qaataan horumarinta iyo xirfad in la baro dhalinta Soomaaliyeed, si aan loo duufsan shaqo la’aanta haysa awgeed.
Sawirrada kullanka










Caasimada Online
Xafiiska Helisink
[email protected]
SIILAANYO oo taarikh iyo yaab dhigay
Laasqoray (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maantay booqday degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag.
Taarikhda waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Somaliland uu boqdo Laasqoray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.
Waxaa Laasqoray isku heesta maamulada Somaliland iyo Puntland, mid kastana wuxuu sheegaa in uu isaga maamulo.
Waxaa la socday madaxweyne Siilaanyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan.
Waxa ay booqdeen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada waxaana ka mid ah Isbitaalka Laasqoray oo hadda xiran, waxaana wasiirka caafimaadka oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha uu ballan qaaday in Isbitaalka uu u soo diri doono qalab iyo baabuur Ambalas ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmahan socdaalo ku marayay dhul badan oo ku yaalla xeebaha Somaliland isagoona horrey u soo maray Berbera iyo Saylac, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa
Doorashada maamulka 3-da gobal oo beri ka dhaceysa magaalada Beydhaba
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Beydhabo waxaa maalinta beeri ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada maamulka seddaxda gobal loogu dhisaayo.
Magaalada waxaa tan iyo shaley ku soo qulqulaayay xildhibaanno, siyaasyiin iyo dadweyne doonaya in ay ka qayb qalaan doorashada.
Doorashada ayaa ka dhici doonta Hotel Bakiin oo ku yaalla duleedka Beydhabo, waxaana ka qaybgalay siyaasiyiin iyo xildhibaanno.
Waxaa la adkeeyay ammaanka Hotelka Bakiin waxaa la keenay ciidao fara badan kuwaasoo sugi doona ammaanka inta ay doorashada socoto sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.
Doorashada berri waxaa maamul loogu dhisayaa seddax gobal oo ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waa doorashadii labaad oo ka dhacda Beydhabo bishii horre ayaa maamul ka kooban lix gobal lagu dootay xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Beydhabo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Sawirro: Tubeec oo lagu aasay Xamar
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa dugsiga tababbarka booliiska ee Gen Kaahiye lagu aasay meydka fannaanka weyn Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.
Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed,iyo fannaaniin.
Waxaa kaloo aaska ka soo qaybgalay ehellada fannaanka oo ay ku jirto hooyadiis oo la sheegay in 90-jir ay tahay.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay goobta lagu aasay, ayaa sheegay fannaanka in uu kamid ahaa dadkii doorka ka soo qaatay gobanimada Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in uu ahaa qof jecel Soomaalinimada.
Si kastaba, meydka marxuumka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay keentay diyaaradda Turkish Airline.
Waxaa la xiray intii meydka laga soo dajinaayay garoonka qaar ka mid waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaradaha.








Haddaba markale waxa ay maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online ay lee yihiin marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec illaah jannada ha galiyo dadkii uu ka baxayna samir iimaan allaha ka siiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
DF Somalia oo lagu wareejiyay beer uu lee yahay amiirka waddanka Kuwait
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay beer uu ku lee yahay amiirka Kuwait magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Beertan ayaa waxaa 23-kii sanno ee la soo dhaafay gacanta ku hayay muwaadiniin Soomaaliya.
Xafladda lagu wareejinaayay beerta waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha ammaanka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gen Gaafow, saraakiil ciidan iyo maamulka gobalka Shabeellaha Hoose.
Amiirka Kuwait, Sheekh Sabaax Axmed Al Sabaax ayaa la sheegay in uu codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo wakiishay wasiirka amniga oo lagu wareejiyay beerta.
Nin u hadlay dadkii hayay beerta amiirka ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah ay ku wareejinayaan beerta oo hayeen muddo 23-sanno, isagoona caddeeyay in ay ku wareejiyeen wariiska amniga oo wakiil ka ah madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn uga mahad celiyay muwaadiinta Soomaaliyeed ee gacanta ku hayay beerta Amiirka Kuwait, waxaana uu sheegay in laga abaalmarin doono muddada ay beerta hayeen.
Wasiir Cabdikariin ayaa xusay in amiirka oo shakhsi ahaan u leh beerta in uu soo codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho





