Xog cusub: Eng. Yariisow oo shirqool lagu khaarajin lahaa ka badbaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qarixii sabtidii ka dhacay Hotel Maka Al-mukarama lala maaganaa in lagu khaarijiyo Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, Engineer C/raxmaan Yariisow.

Engineer Yariisow, ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii lagu casuumay Xafladdii ka dhacday Hotelka Maka Al-mukarama, ee loogu dabaal-degayey sanadguurada mid ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala magaalladda Muqdisho.

Xogtan, ayaa waxay sheegayaan inay jireen nin iyo Haween oo u muuqday kuwii fulin lahaa hawlgalka lagu khaarijin lahaa Afhayeenka Madaxtooyadda ahna La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labadaasi qof, ayaa la sheegay inay qaar ka mid ah dadkii joogay afaafka Hotelka Maka Al-mukarama weydiiyeen haddii uu ku Engineer Yariisow ku jiro gudaha iyo in kale, laakiinse weli heli waayeen xogta la xiriirtay inuu Mas’uulkaasi ku jiray gudaha Hotelka.

Mid ka mid ah Ilaaladda Hotelka, ayaa ugu dambeyntii weydiiyey Ninka iyo Haweeneyda laga shakisanaa qaabka ay ku soo galeen goobta ay dadka martida dhigtaan gaadiidkooda, waxayna u tilmaameen gaarigii ay wateen.

Wararku waxay sheegayaan in markii Labadaasi qof loo diiday inay gudaha u soo galaan Hotelka ay dib isaga laabteen.

Goobjoogayaal codsaday inaan la carabaabin, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkii iyo haweeneydii laga shakisanaa markii ay baxeen waxyar kadib inuu Qarax weyn ka dhacay qeybta gaadiidka la dhigto ee Hotelka Maka Al-mukarama.

Qaraxa kadib, ayaa Engineer Yariisow lagu wargeliyey Mu’aamaraddii lala maaganaa, waxayna Ilaaladiisa si degdeg ah ugu kaxeeyeen gaari nooca aysan xabbadaha ka dusi Karin.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay xaqiijiyeen inay Ciiddanka Nabadsugidda gacanta ku dhigeen Nin Dhallinyarro ah oo lagu xiriirnayo Falkaasi, iyadoo mid kale uu baxsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com