Xog: Xubnihii qarxiyey Hotel-ka Makka Al-Mukarama oo ay qabatay kaamiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaameradaha ku rakiban dacalladda, gudaha iyo dibedda Hotelka Maka Al-mukarama, ayaa laga helay muuqaalladda guud ee dadkii sabtidii ka soo qeyb galay munaasbaddii lagu qabtay Hotelkaasi, ee qaraxa lala beegsaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan yahay, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online inay Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka iyo Maamulka Gobalka Banaadir la wareegeen cajaladaha ku duuban Filimkii ay qaadeen Kaamerooyinka wax lagu ilaaleeyo ee CCTV.

Muuqaalladda dadkii ka dambeeyey qaraxaasi, xilligii ay soo galeen goobta gaadiidka la dhigto, nooca uu yahay gaari loo adeegsaday qaraxaasi iyo faahfaahino kale ayaa laga helay Muuqaalladdii ay sida qarsoodiga u duubeen Kaamerooyinka CCTV-ga.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa inay Hay’addaha Ammaanka haatan u fududahay sidii ay dabagal ugu samayn lahaayeen dadkii soo maleegay qarixii sabtidii ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama.

Waxaa si gaar ah muuqaallada ay u qabteen nin iyo haweeney si gaar ah looga shakisan yahay.

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed, ayaa sabtidii ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan nin la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa Kooxihii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama, gaar ahaan qeybta la dhigto gaadiidka.

Gawaaridda ku gubay goobtaasi waxaa ka mid ahaa gaari uu lahaa Tifaftiraha Wargeyska Xogdoon, Maxamed Axmed Siyaad.

Tifaftiraha ayaa inoo xaqiijiyey inuu gaarigiisa ka mid ahaa gawaaridii sabtidii ku gubtay Hoteelkaasi, wuxuuna tilmaamay inuu nooca gaarigiisu ahaa Toyoto Ipsum, oo midabkeedu caddaan ahaa, Modelkeeduna ahaa 2011.

Si kastaba ha ahaatee, Kameerooyinka loo yaqaano CCTV ee inta badan lagu rakibo Dhismooyinka muhiimka sida Hoteelladda, Xafiisyadda, Bangiyadda iyo goobaha kale ee ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaa waxaa si joogto ah lagala socon karaa dhaqdhaqaaqyadda ka socda hareeraha Dhismayaashaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com