MUUNGAAB oo diiday degmada KAXDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah, ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir Muungaab uu kulankiisii ugu horeeeeyay ee uu laqaatay gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir uu ka saaray gudoomiyaha Degmada Kaxda .

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ayaa Sheegay in Dowlada cusub ee isaga u magacowday inuu noqdo gudoomiyaha aysan Kaxda u aqoonsaneen Dagmo, sidaas dharteed uu gudoomiyaha Kaxda uu ka bixiyay kulankii uu la lahaaa gudoomiyayaasha degmooyinka .

Dowlada uu hogaaaamiyo Xasan Sh Maxamuud, ayaa waddo qorsho ah in ay laasho, wareegtadii uu madaxweynihii hore ee Somalia Sh Shariif Sh Axmed uu degmo ugu magacaaway Kaxda, iyaddo ka#xda ka dhigtay degmooyinka gobolka banaadir 17 Degmo.

Beesha dhegta Degmada Kaxda ayaa waddo kulamo is Daba joog ah oo kusaabsan arintan, iyaddo la ogyahay in Kaxda ay hormar aad u weyn ay sameeysay muddadii yareeed oo ay degmada ahayd.

Mar aan laxiriirnay gudoomiyaha Degmada Kaxda, waxa uu Sheegay in intii Kaxda ay ka tirsaneyd degmooyinka gobolka Banaadir aysan wax taakuleen ah aysan ka helin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaqdir, isagoo Sheegay in beesha iyo dadka Degan Degmada ay ku rajo weynaayen sidii ay u dhisan lahaayen xarunta Degmada iyo waliba Xarunta Booliska, isagoo Sheegay in intaasba ay socdaaan sidii loo dhisi lahaa .

Mar aaan wax ka weydiinay Arimaha la xiriira in banaanka looga saaray shirkii ay gudoomiyayaasha degmooyinka la qaateen gudoomiyaha cusub, ayuu sheeegay in ay jirto arintaaas Laaakin uu wax faah-faahin hadda ka bixin Karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com