26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Kheyre oo 6 arrin uga digay wakiilada beesha caalamka ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan khaasa la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho.

Kheyre waxa uu sheegay in wakiilada laga doonayo inay yareeyan dhammaan shirarka ay ku qabtaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo xarumaha kale.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in DFS ay ka dhabeyso mas’uuliyada ka saaran la socodkooda, waxa uuna cadeeyay inaan lala socon karin haddii la wayo isla xisaabtan.

”Waxaan go’aansanay inaan yareyno dhaqdhaqaaqyada wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho, waxaan ka dhabeyneynaa mas’uuliyada naga saaran ilaalinta iyo la socodka shisheeyaha martida noo ah”

”Waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo aan ka mamnuucnay, waxaan rajeynaynaa inay aqbali doonaan waxyaabaha aan ka reebnay”

Waxa uu Kheyre sheegay in DFS aysan raali ka noqon doonin in wakiilada Beesha Caalamka ay dalka ka sameystaan sida ay doonaan.

Waxyaabaha laga mamnuucay ayaa waxaa kamid ah:

1-Yareynta xiriirada tooska ah ee u dhexeeya wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka.

2-Yareynta kulamada wakiilada iyo Siyaasiyiinta aan xilalka ka heyn DFS.

3-In waxyaabaha khuseeya caalamka iyo DFS aan lagala hadli karin cid aan aheyn Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo cida ay wakiishan.

4-Wax ka bedelka xiliyada ay isticmaalan waddooyinka mashquulka badan.

5-In Hay’adaha amaanka DFS laga diiwaan galiyo ilaalada Soomaalida ah iyo Hubka ay isticmaalan.

6-Inaan maamul Goboleedyada lasiin karin deeq aysan la socon DFS.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay inaanu jirin nidaam kala xadeynaaya cida ay khuseyso wadahadalka arrimaha Somalia iyo Beesha Caalamka.

Kheyre waxa uu rajo ka muujiyay in wakiilada ay aqbali doonaan isla xisaabtanka waxa uuna arrin muqadas ah ku sheegay isla xisaabtanka bilowday.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowladihii hore ay dayaceen nidaamyada lagu xakameeyo shisheeyaha ku sugan dlka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo tagaya Cadaado iyo ammaanka oo la adkeeyay

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacaya xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan lagu doortay magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago magaalada Cadaado isaga oo ka qeyb galaya xaflada caleemo saarka ah ee ka dhaceyso maanta magaalada Cadaado.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa  maanta aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada la geeyay ciidamo badan oo loo qorsheeyay inay amaanka xaqiijiyaan.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ku sugan magaalada Cadaado wuxuuna maanta ka qeyb galayaa munaasabada ka dhaceyso magaalada Cadaado ee Xaaf lagu caleemo saarayo.

Madaxda maamul goboleedyada oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo C/Welli Gaas ayaa la filayaa inay ka qeyb galayaan xaflada Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug, Mr Xaaf.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

7 waxyaabood oo ay tahay inaad ku dhaqanto inta lagu guda jiro bisha ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waqtiga la gudanayo waajibaadka Eebbe ee ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhibaato ama ka eed sheegasho Dadka qaarkiis, iyagoo sheega inay caafimaad xumo u keenaan cuntooyinka qaar, haddaba waxaa jira 7 arrimood oo caafimaadkaaga kor u qaadi kara inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxayna kala yihiin:-

1. ku dadaal cunidda Saxuurta; Saxuurta waa fiican tahay in la cuno xilli dambe, waana wada ogsoon nahay waxtarka ay leedahay, iyo waliba inay Sunno tahay cuniddeeda, Caafimaadkaana muhiim ayay u tahay, waxaase muhiim ah inaad xilligaasi cuntid cunno fudud.

2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan xilliga Afurka iyo cashada, balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan raashinka ama cuntada dufanku ku badan yahay.

3. Raac talada Nabiga (NNKH) –ee ahayd in aad Calooshaada u qeybiso 3 qeybood oo kala noqonaya qeyb cunto ah, qeybna biyo iyo qeybta ugu dambeysa oo ahqeyb hawo ah, waxaana loola jeedaa in aadan iska buuxin Raashin badan oo aadan noqon dibbira weyne.

4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay Khudaarta, waa in aad badsataa Khudaarta sida karootada, Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.

5. Soco Afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, kuna soo wareeg Xaafadda ama u lugee Masaajidka, si uu raashinkii aad cuntay u shiidmo.

6. Tuko Salaadda Taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay qeyb ka tahay oo waxay kor u qaadaa Caafimaadkaaga, waa jimicsi aad ajar ka heleyso.

7. Wax yar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah, iyadoo Hurdada galabtii ah ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeeddo oo aad cibaadada badsato.

Todobadaasi waxyaabood haddaad ku dhaqaaqdo oo aad sameyso waxaa la hubaa inuu caafimaadkaagu aad u fiicnaan doono, balse haddii aad 7-daasi wax ka soo horjeeda sameysid waxaad khatar u tahay caafimaad darro aad adigu is galisay, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa shantaada waxay ku galisay Shan Shiikhna kaama saarto.

Qallinka: C/llaahi Ruush

Sawirro: Waa sidee diyaar garowga ka socda Hoolka Caleemasaarka Hogaamiyaha Galmudug

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ay ka dhacdo xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku qulqulaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS, Maamul Goboleedka iyo Xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Waxaa wafdiga kamid noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isaga ka qeybqaadan doona munaasabada caleemasaarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Cadaado waxaana waddooyinka magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo xaqiijinaya ammaanka.

Ciidamo kala duwan oo Galmudug ka tirsan ayaa gaaf wareegaya gudaha iyo hareeraha magaalada Cadaado kuwaasoo xaqiijinaya amniga magaalada.

Xaaf oo amar siiyay wasiiradii C/kariin Guuleed la shaqeynayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wasiiradii la shaqeynayay madaxweynahii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Mr Geele, wuxuu sheegay in wasiiradaasi uu ku amrayo inay si dhaqso ah ugu laabtaan xafiisyadooda magaalada Cadaado ayna qabtaan shaqooyinka loo xilsaaray, isaga oo sheegay inay shaqeyn doonaan inta wasiiro cusub laga soo dhisayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in wasiiradaasi ay qaban doonaan dhamaan shaqooyinka ay u xilsaaran yihiin, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay si dhaqso ah ugu laabtaan magaalada Cadaado.

Wasiiradii uu soo dhisay madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intooda badan waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, maadaama ay dhaliilsanaayeen waxqabadka madaxweynahooda.

Mr Geele ayaa maanta la filayaa in lagu caleemo saaro magaalada Cadaado, waxaana ka qeyb galaya madax kala duwan, iyadoo kadib la sugaya soo dhisida xukuumada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Weerar lagu toogtay dhowr qof oo ka dhacay dalka Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar uu geystay Nin hubeysan oo madow ah.

Weerarka oo goordhow dhacay ayaa waxaa lagu toogtay inkabadan Todobo ruux oo uu ku jiro Sargaal ka tirsan Booliska gobolka Mississippi.

Sargaalka toogashada lagu dilay ayaa kamid ahaa ciidamada ku baxay weerarka waxaana ku dhacday dhowr rasaas oo ay is weydaarsanayeen ciidamada iyo ninka madowga ah ee weerarka qaaday.

Saraakiisha Hay’ada amaanka Booliska gobolka Mississippi, ayaa sheegay in ninkani madowga ah uu ku hubeysnaa qori isla markaana toogasho ku dila todoba qof.

Ninkaani ayaa weerarka ku qaaday sadex guri oo labo ka mid ah ku yaaleen xaafada Brook-haven halka guriga 3aad uu ku yaalla xaafada Bogue Chitto.

Caasho Xaaji Cilmi oo si cajiib ag uga hadashay go’aanka maxkamada sare ee lagu laalay 8 Kursi

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo un ka hor Maxkamada sare ee dalka ay shaacisay in dib loogu celinaayo 8 kamid ah Kuraasta Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa arrintaasi maanta kulan ka yeeshay Xildhibaanadii cabashada u gudbiyay Maxkamada sare.

Kulanka oo ahaa mid lagu taageerayay go’aanka Maxkamada sare ay ku diiday 8da kursi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanadii hore ee laga musuqay kuraasta.

Xildhibaanadani hore ee laga musuqay kuraasta ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay 8da kursi ee la musuqay.

Waxa ay sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in Tartan lagu wada qanacsan yahay oo cadaalad ah loogu laabto kuraasta 8 ah ee muranka uu ka taagnaa.

Xildhibaanadii hore ee goobta isugu imaaday ayaa waxaa kamid ahaa Ex Xildhibaan Khaalid Cumar Cali iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi oo aad usoo dhaweeyay go’aanka.

Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay inuu ku qanci doono haddii uu guuleysto ama laga guuleysto, waxa uuna cadeeyay keliya inay doonayaan in wax waliba lagu saleeyo cadaalada.

Marwo Caasho Xaaji Cilmi, ayaa iyana sheegtay inay ku faraxsan tahay in dib loogu laabto doorashada, waxa ayna cadeysay inay ku qanci doonto wixii nasiibkeeda uu noqdo.

Waxa ay si wada jira u sheegen in go’aanka Maxkamada Sare uu yahay mid Cadaalad ah islamarkaana ah mid ay xaq u leeyihiin inay dhibanayaasha difaacdo.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Maxkamada Sare ee dalka ay ku dhawaaqday in dib loogu laabanaayo 8da kursi ee muranka dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo magacaabay taliyihii 3-aad ee Mudug muddo ka yar laba sano

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay Cornel Aadan Nuur Qaal oo noqon doona Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Mudug, oo xilkaas kusime ka ahaa tan iyo markii xilka laga qaaday taliyihii qeybta booliska gobolka Mudug Cornel Cismaan Xasan Cowke.

Cornel Aadan Nuur Qaal, ayaa noqonaaya Taliyihii 3aad oo xilkaasi loo magacaabo muddo ka yar Laba sanno.

Si kastaba ha ahaatee, C/wali Gaas ayaa Taliyaha cusub kula dardaarmay in howlihiisa shaqo uu u guto si waafaqsan sharciga, waxa uuna kaga digay in xilka uu u isticmaalo si khaldan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro: Kheyre oo beesha caalamka ku wargeliyey inay diyaar u noqdaan isla xisaabtan dhab ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyey horumarka ay dawladu ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka inay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo. Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dawladda Federaalka.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Dawlada Federaalka ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqankooda bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha Dawlada iyo inay mashaariic horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan sida dhismaha wadooyinka, buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Akhriso: Dastuurka Jubaland muxuu ka qabaa xil ka qaadistii lagu sameeyey labada xildhibaan?

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilalka looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan maamulka.

Xildhibaanada laga qaaday xilalka ayaa waxa ay kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo Mooshin ka diyaarinaayay Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada xilalka ay ka qaadeen Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu kala Magacaabaa C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf .

Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Sababta Xilka looga qaaday Xildhibaanadaan ay yihiin Qaran Dumis islamarkaana uu Sharcigu uu xilka ka qaaday.

Haddaba marka loo fiiriyo dastuurka Jubbland waxaa muuqato in xil ka qaadistii ay tahay sharci darro, isla markaasna aanan xildhibaanada lagu soo eedeeyn mid kamid ah waxyaabaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada ku weyn karaan xilkooda.

Marka laga hadlayo dambiyada ay galaan Xildhibaanada, waxaa shuruud dastuuri ah inay maxkamad xukunto isla markaasna lagu xukumo muddo shan sano ah, markaas ayuu Xildhibaanka weyn doonaa Xilkiisa.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waxyaabaha uu Xildhibaanka Jubbland ku weyn karo xilkiisa:

Warbixin: Saacadaha guud ee muslimiintu soomayaan dunida (Dalkee ugu badan?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Malaayiin qof muslimiin ah oo ku nool caalamka daafihiisa kala duwan ayaa Shalay bilaabay cibaadada Soonka kadib markii xalay ay bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Muslimiinta ugu badan ee sooman waxay ku noolyihiin Qaaradda Asia waxaana kusoo xigta qaaradda Afrika oo malaayiin muslimiin ah ku noolyihin.

Sanadkan waxaa aad ukala duwan inta saacadood ee laga soomayo caalamka islaamka iyo wadamada reergalbeedka, wadamada qaar ayay muslimiintu soomayaan 21 saacadood halka wadamada qaar ay dadku soomayaan 10 saac illaa 11 saac.

Wadamada ugu saacadaha yar ee muslimiintu Soomayaan waxaa kamid ah wadamada dhacda mandiqadda Laatiin America waxaana wadamadadaasi kamid ah Arjantiin iyo Chile oo dadku ay soomayaan 10 saacadood xiriir ah.

Wadamada ku xiga ee muslimiintu waqti yar soomayaan waxaa kamid ah  Koonfur Afrika, Australia, iyo Newsland oo lasoomayo min 11 Saacadood.
Wadamo ay kamid yihiin Angola,Namibiya, Bustuswana iyo Barzil waxay muslimiintu soomayaan 12 saacadood oo xiriir ah.Waxaa jira waddamo katirsan caalamka islaamka oo muslimiintu ay soo mayaan 14 saacadood xiriir ah waxayna wadamadaasu kala yihiin Soomaaliya, sacuudig, Ereteria, Yemen, Jabuuti, Kenya, itoobiya iyo Tanzaaniya.

Wadamada dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika iyo galbeedkeeda ayaa laga soomayaan 13 saacadood xiriir ah waxaana wadamadaasi kamid ah: aljazaa’ir, Marocco, Muritaaniya, Maali, Neyjar, Liibiya iyo Tuunis.

Malaayiin muslimiin ah oo kunool wadamada dhaca waqooyiga America ayaa iyana soomaya 16 saacadood xiriir ah waxaana wadamadaasi kamid ah Meksiko, Mareykanka iyo Canada.

Arrintaas ka duwan waxay kajirtaa wadamada Qaaradda Yurub oo muslimiintu ay soomayaan wax kabadan 21 saacadood xiriir ah sida wadamada Iskaandaneefiyaanka oo kamid yihiin Filland, Norway,Denmark iyo Sweedan muslimiintu af haysanayaan 19 illaa 20 saac Jazeeradda Iceland iyana waxay muslimiintu soomayaan 21 saacodood.

Sidoo kale Malaayiin qof muslimiin ah oo kunool wadanka Ruushka ayaa sanadkan soomaaya maalin walba 20 saacadood xiriir ah.
Ugu dambeyn muslimiinta kunool wadamada Dhacay Koonfur Bari Qaaradda Asia waxay soomayaan 14 saacadood illaa 16- saacadood waxaana wadamadaas kamid ah wadanka Indonesia oo ay kunool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso saacadaha laga soomo wadamada Islaamka

Nuuk, Greenland: 21 hours of fasting, from 2:16am to sunset at 11:14pm in the evening

– Oslo, Norway: 20 hours, from 2:24am to 10:15pm

– Helsinki, Finland: 20 hours, from 2:26am to 10:24pm

– Stockholm, Sweden: 19,5 hours, from 1:57am to 9:39pm

– Moscow, Russia: 19 hours, from 1:49am to 8:56pm

– Copenhagen, Denmark: 19 hours, from 2:29am to 9:36pm

– Berlin, Germany: 19 hours, from 2:41am to 9:34pm

– Calgary, Canada: 18,5 hours, from 3:05am to 9:39pm

– Warsaw, Poland: 18,5 hours, from 2:03am to 8:42pm

– London, UK: 18,5 hours, from 2:29am to 9:03pm

– Astana, Kazakhstan: 18,5 hours, from 2:43am to 9:15pm

– Brussels, Belgium: 18,5 hours, from 3:12am to 9:41pm

– Zurich, Switzerland: 18 hours, from 2:58am to 9:10pm

– Paris, France: 18 hours, from 3:23am to 9:41pm

– Bucharest, Romania: 17,5 hours, from 3:19am to 8:50pm

– Rome, Italy: 17 hours, from 3:36am to 8:35pm

– Madrid, Spain: 16,5 hours, from 4:51am to 9:36pm

– Lisbon, Portugal: 16,5 hours, from 4:22am to 8:53pm

– Athens, Greece: 16,5 hours, from 4:15am to 8:40pm

– Beijing, China: 16,5 hours, from 2:55am to 7:33pm

– New York, US: 16,5 hours, from 3:54am to 8:17pm

– Pyongyang, North Korea: 16,5 hours, from 2:51am to 7:24pm

– Ankara, Turkey: 16,5 hours, from 3:27am to 8:09pm

– Tokyo, Japan: 16 hours, from 2:44am to 6:49pm

– Kabul, Afghanistan: 16 hours, from 3:02am to 6:58pm

– Rabat, Morocco: 16 hours, from 3:38am to 7:31pm

– Islamabad, Pakistan: 16 hours, from 3:20am to 7:11pm

– Tehran, Iran: 16 hours, from 4:06am to 8:13pm

– Baghdad, Iraq: 16 hours, from 3:16am to 7:05pm

– Beirut, Lebanon: 16 hours, from 3:49am to 7:42pm

– Aleppo, Syria: 16 hours, from 3:31am to 7:41pm

– Cairo, Egypt: 15,5 hours, from 3:13am to 6:49pm

– Jerusalem, Israel: 15,5 hours, from 3:59am to 7:38pm

– Kuwait City, Kuwait: 15,5 hours, from 3:17am to 6:42pm

– Gaza, Palestine: 15,5 hours, from 4:03am to 7:40pm

– New Delhi, India: 15 hours, from 3:54am to 7:12pm

– Kowloon, Hong Kong: 15 hours, from 4:16am to 7:01pm

– Dhaka, Bangladesh: 15 hours, from 3:47am to 6:40pm

– Muscat, Oman: 15 hours, from 3:52am to 6:47pm

– Riyadh, Saudi Arabia: 15 hours, from 3:36am to 6:36pm

– Doha, Qatar: 15 hours, from 3:15am to 6:18pm

– Dubai, UAE: 15 hours, from 4:02am to 7:04pm

– Khartoum, Sudan: 14,5 hours, from 4:52am to 7:16pm

– Aden, Yemen: 14 hours, from 4:13am to 6:22pm

– Dessye, Ethiopia: 14 hours, from 4:35am to 6:28pm

– Colombo, Sri Lanka: 14 hours, from 4:38am to 6:23pm

– Bangkok, Thailand: 14 hours, from 4:32am to 6:42pm

– Kuala Lumpur, Malaysia: 13,5 hours, from 5:39am to 7:19pm

– Novena, Singapore: 13,5 hours, from 5:43am to 7:08pm

– Luanda, Angola: 13 hours, from 5:01am to 5:54pm

– Sao Paulo, Brazil: 13 hours, from 4:19am to 5:11pm

– Jakarta, Indonesia: 13 hours, from 4:34am to 5:44pm

– Nairobi, Kenya: 13 hours, 5:15am to 6:32pm

– Harare, Zimbabwe: 12,5 hours, from 5:02am to 5:28pm

– Pretoria, South Africa: 12 hours, from 5:23am to 5:26pm

– Auckland, New Zealand: 11,5 hours, from 5:52am to 5:14pm

– Mendoza, Argentina: 11,5 hours, from 7:01am to 6:38pm

– Cape Town, South Africa: 11,5 hours, from 6:12am to 5:47pm

– Canberra, Australia: 11,5 hours, from 5:31am to 5:02pm

– Punta Arenas, Chile: 10 hours, from 6:34am to 4:41pm

W/D; Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Aqriso: Magacyada iyo gobolada ay kasoo kala jeedaan 6 Daacish ah oo ay xabsiga kasii deysay Puntland

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland gaar ahaan Maxkamadda Ciidamada ayaa xabsiga kasii deysay 6 nin oo ka tirsanaa ururka Khilaafada Islaamiga ee Daacish kuwaas oo dhawaan isi soo dhiibay.

Lixdaan nin ayaa dhawaan isku dhiibay ciidamada Maamulka Puntland, waxaaa la geeyey Magaalada Boosaaso oo ay ku xirnaayeen muddo, waxayna saarnaayeen oo ay dacwad uga socotay Maxkamad halkaas ku taal.

Haddaba Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Col. C/fitaax Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay cafis iyo sii deeynta maxkamadda oo uu sheegay inay ku qanci weyday eedaymaha ay soo jeedisay xeer Ilaalinta Puntland midaasna ay keentay inay xaq u yeeshaan in laga sii daayo xabsiga.

Lixda Nin ee cafiska loo fidiyey ayaa dhammaantood kasoo jeedo Govolada Woqooyiga ee Maamulka Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sharciga u yaal Puntland ayaa ah in cid kasta oo isi soo dhiibto ay xaq u leedahay in la siiyoo cafis, waana midda maanta keentay in xabsiga laga sii daayo lixdaan nin ee ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada lixdaan nine ee maanta xoriyadooda dib loo siiyey:

  1. FEysal Idiris cilmi 28 jir ah ku dhashay Boorama
  2. Maxamuud Axmed Shaamir, ku dhashay Hargaysa
  3. C/salaam Axmed Xaaji Siyaad 17 jir, Ku dhashay Kuwait
  4. Isaaq xuseen Cabdi Ku dhashay Baydhabo.
  5. Siciid Cali Bare 31 jir ah Ku dhashay Muqdisho.
  6. C/xakiim Xuseen Xasan 25 jir, ku dhashay Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo magacaabay la taliye cusub (Magaca iyo shaqada uu qaban doono)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliye cusub oo uu yeelan doono.

Amiin Axmed Sheekh Cabdiraxmaan  ayuu madaxweyne Farmaajo u magacaabay la taliyaha Arrimaha dhaqaalaha iyo Maamulka oo lagu tilmaamay inuu yahay boos muhiim ah.

Amin ayaa waxaa lagu magacaabay wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo wuxuuna qeyb ka noqon doonaa la taliyayaasha tirada badan ee uu Madaxweynaha leeyahay.

Amiin Axmed Sheekh ayaa ah shaqsi ku cusub saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, waxaana durba loo dhiibay xil muhiim ah, waxana midaan qeyb ka tahay magacaabista iyo xil ka qaadista ay ku caan baxday dowladda Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrin cusub: Baarlamanka Jubaland oo xilka ka qaaday laba xildhibaan (Magacyada)

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilalka looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan maamulka.

Xildhibaanada laga qaaday xilalka ayaa waxa ay kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo Mooshin ka diyaarinaayay Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada xilalka ay ka qaadeen Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu kala Magacaabaa C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf .

Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Sababta Xilka looga qaaday Xildhibaanadaan ay yihiin Qaran Dumis islamarkaana uu Sharcigu uu xilka ka qaaday.

Xildhibaanada xilalka laga qaaday ayaa xiligaasi goobta ka maqnaa waxaana xil ka qaadistooda dhaliil ka keenay odayaasha beelahooda.

Docda kale, mid kamid ah Xildhibaanada xilalka laga qaaday oo lagu magacaabo C/qaadir Ibraahim Cali ayaa Go’aanka Baarlamaanka ku tilmaamay mid qalad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Sawirro: Dhismaha waddada soddonka iyo Dhagax dhigii Kheyre iyo Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Wadadaasi ayaa aheyd wadada kaliya ee harsan marka laga reebo Jidka warshadaha oo u baahan dayactir aan badneyn, waxaana wadadaasi ay xiriirisaa degmooyin dhowr ah oo gobolka ku yaala.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay inay muhiim aheyd dhagax dhiga maanta ay sameeyeen, waxaana uu sheegay in dalka uu dhismayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono dib usoo celinta bilicdii ay laheyd magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay isku kalsoonaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayey Turkish Airlines 3 maalin kadib uga caga dhigatay garoonka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde, kadib markii 3 cisho ee la soo dhaafay ay u suurageli weyday inay ka soo dagto Garoonka.

Kabtanka waday diyaarada ayaa sheegay in sababta ugu weyn oo ay kaga soo dagi waayen Garoonka Xamar ay aheyd dabeylo xoogan oo u suuragalin waayay Diyaarada inay soo dagto.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxaa mamnuuc ka ah inay degto, iyadoo dabeylo badan jiraan, waxaana ay ku degtaa cabir ku saabsan dhanka dabeysha.

Diyaarada maanta soo caga dhigatay ayaa waxaa la socday Rakaabkii Saddexda maalin ay la laabatay.

Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa diyaarada maalin kasta ay imaaneysay Muqdisho, iyadoo sida rakaab laga keenay dalka Turkiga, balse uma suuragelin inay soo dagto oo Rakaabkii dib ayeey ula laabatay.

Hey’adda Maareynta Hawada ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay door ku aadan dhanka saadaasha hawada ka qaadatay, sidii diyaarada Turkish Airlines ay u soo caga dhigato garoonka.

Garoonka ayaa waxaa si kala gaar ah uga soo degtay ilaa 4 diyaaradood oo Turkish Airlines kuwaasoo waday rakaabkii dib u dhaca ku yimid afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay tahay sababta keentay in maanta la xirayo jidadka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Saakay la xiray dhammaan jidadka ugu muhiimsana Magaalada Muqdisho kadib markii lasoo dhigay ciidamo aad u badan oo diiday dadka iyo gaadiidka inay isticmaalaan.

Jidadka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha iyo qeyb kamid ah Makka Al-Mukarama ayaa la xiray saakay.

Sababta keentay in jidadkaas la xiro ayaa lagu sheegay in madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ay maanta ka qeyb geli doonaan dhagax dhig loo sameyn doono jidka Sodonka lagu bilaabo doono dhismo iyo Laami.

Jidkaan ayaa waxaa dhisayo ganacsato Soomaaliya, wuxuuna kamid ah jidadka sida weyn u burburay oo ay ku dhib qabaan gaadiidk.

Baabuurta iyo dadweynaha ayaa loo diidayaa inay saakay isticmaalana wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho, waxaana la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo jidkaas.

wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Haddii Puntland ay Jubaland dhistay HirShabeelle Banaadir State ayuu dhisayaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay dhisayaan maamulka Banaadir State.

Wuxuu sheegay in Nidaamka federaalka uusan aheyn wax Soomaali isku raacday, islamarkaana Soomaalida aysan ka baaraan dagin, taasi oo la micno ah inuu dhibaato ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

“Xaqiiqdu waxay tahay labo gobol iyo wixii ka badan intaan la dhihin, ummad waxay wax usameysata siday isku raaci karto, qaab aysan isu raaci karin mahan in la dhaho nidaamka federaalka qaabkaasi buu ahaanaaya idinkuna ma buuxin kartaan shuruudaasi ee idinka sidaasi baa la idiin maamulaya”ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool dad ka badan saddex milyan oo qof , dad ka badan dadka gobolada oo la isku dardaray ayaa ku nool , suuragalna mahan in la dhaho dowladda dhexe cod kuma lahaanayaan”

“Dulmi ma wadno, Gobolka Banaadir waa State waana la dhisaya state-kaasi, weliba waxaan idiin sheegaya haday Puntland ay jubaland dhistay, Hirshabelle ayaad dhisaysa Gobolka Banaadir, weliba waxan idiin sheegay gogoshu waa balcad”ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay madaxweynaha HirShabelle.

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen beelaha daga gobolka Banaadir kuwaasi  oo doonaya inay dhisaan maamul goboleedka Banaadir State.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Markab laga leeyahay Imaaraatka oo kusoo xirtay dekadda Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa markabkii ugu horeeyay oo sida shixnad gargaar ah usoo dirtay Somaliland, waxaana markabkaasi uu kusoo xirtay dekada magaalada Berbera.

Markab siday sahay gar gaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa waxa uu gaaray dekadda magaalada Berbara ee maamulka Somaliland Sida ay shaacisay dowladda dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana  loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan  deegaanada maamulka Somaliland, balse gargaarka ayaa kusoo aadaya iyadoo roobab xoogan ay ka da’een deegaanada Soomaalida.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay qeybiyaan guddi kasocda dowladdda Imaaraadka Carabta, sida madaxda UAE ay sheegeen.

Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhig Ciidan ka dhisanaysa Magaalada Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala leedahay maamulka iskiis isku aqoonsaday ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wiilka Osama Bin Laden oo la wareegay hoggaanka Al-Qacida, farriin yaab lehna soo diray

Qahira (Caasimada Online) – Wiilka Osama Bin Laden oo lagu magacaabo Xamza Bin Laden, ayaa soo shaac baxay, wuxuuna isku dayayaa inuu buuxiyo booskii aabihiis, hoggaankana u qabto ururka Al-Qacida.

Muddo laba asbuuc ah ayaa waxaa shabakadaha kooxaha Islaamiga ah dhex wareegaya cajalad uu soo duubay Xamza oo hadda 28 jir ah, waxaana dadkii dhageystay badankood ay sheegeen inay moodeen in Osama Bin Laden oo soo noolaaday uu la hadlayo.

“Isku diyaariya inaad jug culus gaarsiisaan kuwa allah beeniyey. Waxaad raacdaan waddadii shuhadada idin ka horeysay” ayuu Xamza ku yiri fariin la baahiyey 13-kii bishan May.

Dad badan ayaa aaminsan in Xamza uu yahay ninka aabihiis ka dhaxlay hoggaanka boqortooyada Al-Qacida.

Waxaa fariintiisa ku jira amar ah in weerar lagu qaado magaalooyin waa weyn oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America, ayada oo loogu aargudayo caruurta dalka Syria ee lagu dilo duqeymah diyaaradeed.

“Qasab maaha inaad weerarka u adeegsato qalab milatari. Haddii aad hub heli karto waa wanaagsan tahay, hadii aadan helin karinna waxaa furan habab badan” ayuu ku yiri fariinta.

Dadka fallanqeeya arrimaha argagixsada ayaa aaminsan in farriintan ay caddeyn u tahay isbeddelo weyn oo ka dhex socda kooxda Al-Qacida, oo sanadihii ugu dambeeyey u muuqatay mid nuxuustay oo tabar beeshay.

U diyaarinta Xamza Bin Laden ee hoggaanka Al-Qacida ayaa socotay tan iyo sanadii 2015, markaasi oo cajalad muuqaal ah oo uu soo duubay Ayman Al-Zawahiri uu dagaalyahanada islaamiga ah ku baray wiilkan da’da yar, isaga oo ku magacaabay “Libaax ka yimid diinta”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]