25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawiro xasaasi ah: Guriga uu Jawaari ka dhistay Baydhaba afartii sano ee uu ahaa guddoomiyaha BF

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa guri qurux badan oo qarash badan ku baxay ka dhistay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa gurigaan dhistay afartii sano ee dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo uu musuq maasuqay lacago badan, sida xildhibaano badana ay u sheegeen Caasimada Online.

Caasimadda Online ayey u suurta gashay inay sawiro kasoo qaado gurigaas oo ku yaal bartamaha Magaalada Baydhabo, wuxuuna markasta ka kireeyaa Hey’adaha ka shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Haddaba Halkaan hoose ka daawo qaar kamid ah sawiradii ay Caasimadda Online kasoo qaaday guriga Jawaari:

Daacishkii ugu badnaa oo isku dhiibay Puntland (Tirada)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camay, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay isku soo dhiibeen maleeshiyaad ka tirsan Daacishta Somalia ee gobolka Bari.

Hogaamiye ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ay isa soo dhiibeen maleeshiyaadkii ugu badnaa, waxa uuna tilmaamay inay geeyen xarumo ay ku nastaan.

Cameey waxa uu sheegay in maleeshiyaadka isa soo dhiibay ay gaarayaan 20 kuwaa oo ay ku jiraan Horjoogayaal sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in dhalinyaradaasi ay go’aansadeen in ay ka baxeen Kooxda ,islamarkaana markii ay kasoo tageen ay soo daba galeen ayna ka dileen 5 ka mid ah.

Cameey waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadkani aysan soo qaban, balse ay iskooda uga soo goosteen Daacishta Gobolka Bari, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, Cameey ayaa qiray inay aad u adkaan doonto in laga guuleysto Daacishta Gobolka Bari ee ku sugan deegaanada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro: Japan oo gaadiid iyo mootooyin casri ah ku wareejisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Gaadiid iyo Mootooyin casri ah oo loogu talo galay inay isticmaalan ciidamada Booliska.

Gaadiidka lagu wareejiyay dowlada, gaar ahaan Taliska Booliska ayaa loogu talo galay in lagu daabulo ciidamada Booliska.

Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa ciidanka Booliska ugu deeqay dowladda Japan oo ka mid ah dowladaha taageera Somalia.

Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada Booliska oo gaaray Garoonka Aadan Cadde oo aheyd halka lagu dajiyay deeqda, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Somalia.

Taliye Saacid wuxuu tilmaamay Booliska inuu yahay illaaliyaha nafta Bini’aadamka iyo sidoo kale dhawraha xuquuqda aadanaha, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliska ay ku sii dadaali doonaan shaqada Qaranka ay u hayaan.

Milkiilaha ‘The Village’ oo dacwad deg deg ah u gudbiyey QM

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Jaamac oo ah Milkiilaha  Maqaayadda The Village ee Magaalada Muqdisho ayaa dacwad deg deg ah u gudbiyey Qaramada Midoobay, gaar ahaa wakiilkeeda Soomaaliya Micheal Keating

Axmed Jaamac oo ay Maqaayadiisa xanibaad saartay Qaramada Midoobay ayaa dacwad isugu jirtay cabasho iyo walbahaar u diray Qaramada Midoobay kadib markii laga joojiyey shaqaalaha UN-ka inay ka cunteeyaan maqaayadiisa oo ku taal Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International.

Go’aanka Qaramada Midoobay ayuu Milkiilaha ku tilmaamay inuu yahay mid laga naxo, wuxuuna ka dalbaday inay si deg deg ah go’aankaas uga noqdaan kaasoo dhibaato weyn ku ah ganacsigiisa.

Wuxuu tilmaamay in tan iyo markii digniintaas lasoo saaray ay maqaayadiisa la kulmeyso hoos u dhac weyn oo xagga Macaamiisha iyo ganacsiga ah, isagoo qaramada Midoobay ka dalbaday inay baaritaan rasmi ah ku sameyso sababta keentay in maqaayadiisa si gaar ah loo bartilmaameedsado.

Waraaqdaa uu Milkiilaha The Village u diray Xafiiska Qaramada Midoobay wuxuu sidoo kale la wadaagay Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqdaas oo ku qoran luuqadda Ingiriiska

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Muqdisho ku dhexmaray Kheyre iyo beesha Habargidir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan khaas ah oo magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo xubno kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Nabadoono iyo Odayaal dhaqmeed.

Kulanka ayaa isugu jiray taageerid iyo tabashooyin, waxa ayna Beeshu Ra’isul wasaaraha Xukuumada u sheegtay in wali ay jiraan tabashooyin dhankooda ah.

Beeshu waxa ay Kheyre u sheegtay in lagu tiigsaday marka la eego dhanka xilalka iyo awood qeybsiga waxa ayna ka dalbadeen in DFS ay ila gaara ku fiiriso tabashooyinkooda.

Xubnaha Beeshu waxa ay sheegen in caqabadaha heysta ay kamid yihiin inaan loo ogoleyn inay la kulmaan shaqsi ahaantiisa waxa ayna cadeeyen in la kulankiisa ay sababto isku dhac iyaga iyo ilaaladiisa.

Waxa ay sheegen in la kulankiisa ay ka horeeyan in laga gudbo jidadka Isbaarooyinku yaalan, in aysan awood u lahayn in ay Ra’isul wasaaraha la kulmi karaan, ama geli karaan madaxtooyada, gelitaanka Wasaaradaha oo lagu xujeeyo kaarka aqoonsiga, iyo weliba baaritaanada ka socda Muqdisho.

Waxa ay Kheyre ka dalbadeen in uu qaado Isbaarooyinka oo ay ugu horeyso tan taala jidka Taleex.

Kheyre ayaa wacad ku marey in jidadka la furaayo, waxaana uu shardi ka dhigey in nabad la helo, taasna la doonaayo in shacabka kala shaqeeyaan.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu mas’uul u yahay Umadda Soomaaliyeed isla markaana aanu jirin cid is hortaagi karta la kulankiisa.

Kheyre waxa uu tilmaamay inuu qaadi doono talaabo cad oo uu wax uga qabanaayo cabashooyinkooda waxa uuna sheegay inuu la socdo inay jiraan duruufyo kala duwan oo dhibkeeda leh.

Waxa uu kulanka kusoo beegmayaa xili maalmihii danbe ay jirtey guux ka imaanayey xubno kamid ah beesha kulankan soo qaban qaabisey.

Xog: Imisa gudoomiye degmo ayaa heysta baasabooro ajnabi ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa habeenimadii xalay magacaabay Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyayaasha cusub ayaa waxaa ku jira sida aan horayba u sheegnay haweenkii ugu badnaa oo xil ka qabta degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Haweenka xilalka ka helay degmooyinka ayaa tirro ahaan gaaraya 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in 8 ka mid ah Guddoomiyeyaasha cusub ay yihiin qurbojoog, kuwaasoo heysta baasabooro ajnabi.

Sideeda Guddoomiye ee aan sheegnay ayaa badi heysta baasaboorada Britain, Mareykan iyo Holland.

6 Guddoomiye oo kamid ah Guddoomiyayaasha cusub ayaa la sheegay inay heystaan baasaboorka Britain, kuwaa oo ay saaxiibo dhow ahaayen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Taabid.

Guddoomiyayaasha heysta baasaboorada ajnabiga ah ayaa waxaa loo kala magacaabay degmooyinka Wadajir, Hodan, Yaaqshiid, Howlwadaag, C/casiis, Waaberi, Shibis iyo Xamar Jajab.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya baahida keentay in degmooyinka Gobolka loo magacaabo 5 Haween iyo 8 Guddoomiye oo heysta dhalasho kale.

Waxaa horay u jiray Koox reer Sudan ah, waxaana iminka muuqaneysa inay bedeleen koox Qurbo Joog ah oo Yurub iyo America ka timid.

Dowlada uu hogaamiyo Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa xilalka ugu badan ka haya dhalinyaro heysata baasabooro reer galbeed ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Koox aan la fileyn oo sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Boosaaso

Bosaso (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Acmaaq oo ay leeyihiin Kooxda ISIS ayaa sheegtay in mid ka mid ah ciidamadooda uu fuliyay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Bosaso.

Waxa ay sheegtay in bartilmaameedka uu ahaa bar Kontorool oo ay ku kulmaan Ciidamadda Puntland ee loo kala daabulo deegaanada ay ka dhacaan howlgalada.

Weerarkaas oo ka dhacay wadada Mashquulka badan ee dhex-marta bartamaha magaalada Boosaaso, ayaa lala eegtay barkontarool oo ay dhigteen ciidanka ammaanka.

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegatay Weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan waxaa ku dhintay 5 qof oo uu ku jiro qofkii Isqarxiyay, askari iyo saddex qof oo shacab ah oo goobta marayay xiliga uu qaruxu uu dhacay, waxaa kaloo ku dhaawacmay ilaa 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.

Weerarkaani ayaa noqonaaya ismiidaamintii ugu horeysay oo Daacish ay ka fuliso deegaanada maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

Taabit Cabdi iyo gabood falkii xalay ku dhacay reer Muqdisho

Musuq maasuqa ma ahan kaliya in lacag la xado ama wax la is daba mariyo. Macnaha dhabta ah ee ereyga musuq-maasuq ayaa ah “Ficili daacad darro ah, ama qiyaano ah oo ay ku kacaan kuwa awoodda ama xukunka haysta, inta badanna waxaa ku lug leh laaluush”.

Qeexitaankaas waa kan xalay uu ku kacay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, markii uu xilka ka qaaday guddoomiyeyaasha 15 degmo oo ka mid ah kuwa gobolka Banaadir, kuna beddelay 15 kale, oo saaxiibadiisa ah.

Adduunka kama dhicin tiro xilal ah oo intaas la eg oo mar qura isbeddel lagu sameeyey. Haba lagu sameeyo maba xumee, haddana lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qaado, kuwa lagu beddelayna ay ku muteysteen.

Marka ay saas dhacdo, waxaa meesha ka muuqata kaliya hal arrin, oo ah in kuwa xilka cusub loo dhiibay ay ku yimaadeen saaxiibtinimo iyo laaluush ama wax u dhigma. Waxaa sidoo kale jiri kara waxyaabo kale oo intaas aan ahayn, haddii kuwa xilalka abaal-mariyey iyo kuwa lagu abaal mariyey kala yihiin laba jinsi, sida lab iyo dhidig.

Xitaa haddii ay dhacdo in Taabit qiil u heli karo xilalkii uu ka qaaday 15-ka guddoomiye ee gobolka Banaadir, waxaa qof walba is-weydiin karaan ‘suurta gal ma tahay in 15 guddoomiye wada xumaadaan, oo ay noqdaan kuwa aan howshooda gudan karin?, haddii ay jirtana muddada kooban ee Taabit uu xilka hayo ma lagu ogaan karaa?’.

Dhibaatada Soomaalida haysata iyo madaxda hadda jirta ayaa ah in xilalka noqdeen wax lagu bixiyo saaxiibtinimo ama lagu qaado. Marka guddoomiye meel yimaado wuxuu wataa saaxiibadiisa gaarka ah oo xil wada raba. Xitaa haddii kuwa xilka haya yihiin kuwa umaddu mahdisay, waxa ay xilkooda ku waynayaan qancinta saaxiibada kale.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in sideed ka mid ah gudoomiyeyaashha uu Taabit magacaabay ay yihiin qurbe-joog ka yimid Yurub iyo America, oo aan waxba kala socon degmada ay maamulayaan, weligood arag, ku noolaan, oo xitaa aan ka aqoon hal qof. Kaaga sii daran’e laba ka mid ah ayaa ay hal magaalo ku wada noolaayeen Taabit Cabdi, magaalada Bristol ee UK.

Waxaa meeshan kaaga cad inaan la dooneyn in xal la helo, laakiin ujeedka ugu weyn ay tahay in saaxiibada la qanciyo. Waa cayaar aan dhammaan oo lagu dul hayo kuwa aan damiirka iyo dadnimada lahayn ee Muqdisho ku nool, oo wax walba oo lagu sameeyeo u dul-qaata.

Wixii lagu dul dheelaba waxaa hadda dusha looga soo gamay guddoomiye magaalada ka maqnaa sanado badan iyo saaxiibadiisa, oo aan waxba kala socon magaalada.

Heerka musuq-maasuq wuxuu hadda gaaray xitaa heer musuq-maasuqa yiraahdo “Waxan musuq maasuq ka weyn ee erey bixin kale ha loo sameeyo”.

Waa ku takrifal awoodeed oo aan horey u dhicin. Waa xad gudub lagu sameynayo nolosha shacabka masaakiinta ah ee Muqdisgho. Waa ficilo dhalin doono wax qabad la’aan horseedda inay sii kordhaan dilalka iyo qaraxyada magaalada. Waa ficil uu qaaday shaqsi aan karti, dadnimo iyo garaad midna lahayn, oo horseedi doona in nolosha dad badan ay magaalada ku baxdo.

Dadka Muqdishow kaca, ama suga marka la idiin soo magacaabo Kenyati ama Ethiopian. Waddadaas koleyba waad haysaan.

W/Q: Cabdiqani Cabdullaahi Muudey
Muqdisho, Somaaliya

“Tallaabadii uu xalay qaaday Taabit waxay horseedi doontaa dhimasho badan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka digay in tallaabada lagu bedelay 15 guddoomiye ay horseedi karto amni darrada magaalada oo sii xumaata, dad badanna ay ku naf waayaan.

Aqoonyahanadan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha la magacaabay aysan magaalada u dhalan, waxbana ka aqoon, sidaas darteedna ay adkaan doonto inay sugaan amniga degmada ay maamulaan.

“Wallaahi xalay wax yaab leh ayaa dhacay, nolosheyda ma arag qof xil loogu dhiibay meel uusan weligiis degin, aqoon dadka ku nool. Meel aadanba weligey ku noolaan side u maamuli kartaa amnigeedana u sigi kartaa?” Waxaa sidaas yiri Prof. Xasan Saalax, oo Muqdisho kula hadlay Caasimada Online.

“Wixii dhacay ma ahan xilal la isku beddelay, waa cayaar lagu dul sameynayo nolosha dadka Muqdisho, lama yaabi doono hadii amni darrada magaalada kororto, oo go’aanka Taabit uu qaaday uu sabab u noqdo dhimashada boqolaal qof” ayuu yiri.

Dhinaca kale, aqoonyahan Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in halis amni ay ka iman karto in dhammaan gudoomiyeyaasha maamulka degmooyinka la wada beddelo mar qura.

“Marka mar qura 15 qof oo cusub ay xil wada qabtaan, waxaa dhaca waqti ayey qaadataa inta ay kula qabsanayaan, taasna waxaa ka faa’iideysta nabad diidka, xaqiiqdii waa ficil ay nolosha dad badan oo reer Muqdisho ay sababsan doonto” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay Caasimada Online.

Dadka uu guddoomiye Taabit xilka u wada magacaabay ayaa dhammaantood la sheegay inay yihiin saaxiibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo u hanjabay shaqisyaad hub waa weyn ku dhex haysta Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgalada lagu uruurinaayo Hubka waaweyn ee la isticmaalo xiliyada colaada.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay si cad uga soo horjeedo in gudaha magaalada Muqdisho lagu isticmaalo Hubka waaweyn oo ay wataan madaxda qaar iyo ciidamada dowlada.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay ogol yihiin keliya Hubka uu ugu weyn yahay AK47, wixii ka weyna ay ka qaadi doonaan shaqsiyaadka ku dhex wata magaalada.

”Ma ogolin in magaalada lagu dhexwato ciidamo farabadan iyo Hubka waaweyn ee mamnuuca ka ah in lagu dhex isticmaalo magaalada”

”Hubka waaweyn waxaa loogu tallo galay furumaha dagaalka, magaalada Muqdisho ma joogo cadow muuqda oo loo isticmaalayo Hubka sida dabajeexa iyo dhashiikaha”

”Mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha wata Hubka waaweyn waa inay xareeyan, kuwa aan xilalka ka heyn dowlada waxaan ka dalbaneynaa inta aan looga dhex qaadin wadada inay ku wareejiyaan hay’adaha amniga dowlada”

”Hay’adaha amniga iyo ciidamadu waxa ay amar u qabaan inay hubka waaweyn ka dhigaan cid waliba oo wadata mudadii aan u qabanay wey dhamaatay waa in la qadariyaa dalabka dowlada”

Waxa uu Kheyre sheegay in Hay’adaha amaanka ay hal hal uga xisaabin doonaan Hubka laga qaado mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha kale.

Geesta kale, waxa uu shaqsiyaadka wali heysta Hubka waaweyn ugu baaqay inay ku wareejiyaan Hay’adaha amniga ka hor inta aan laga qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir ee la magacaabay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa magacaabay 15 Guddoomiye Degmo markii xilka laga qaaday kuwii hore.

Haddaba Halkaan hoose ka aqriso liiska Guddoomiyayaasha Degmooyinka ee la magacaabay iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan:

1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis – Sharmaarke Maxamed Ladane, Majeerteen

2- Gudoomiyaha  Degmada Kaaraan – C/fataax Nuur Cali Yaanyo, Abgaal, Reer Mataan

3- Gudoomiyaha  Degmada Shibis – Safiyo Sheekh Cali Jimcaale, Xawaadle

4-  Gudoomiyaha  Degmada Yaaqshiid – Axmed Xasan Maxamuud, Abgaal, Harti-Abgaal

5- Gudoomiyaha  Degmada Howlwadaag – Cabdikariin Cali Kaar, Murusade

6- Gudoomiyaha  Degmada Hodan – Maxamed Cantoobo, Habargidir, Cayr

7- Gudoomiyaha  Degmada Dayniile – C/Wali Nuur Faarax, Murusade

8- Gudoomiyaha  Degmada Wadajir – Cumer C/llahi Xassan, Abgaal, Daa’uud

9- Gudoomiyaha  Degmada Dharkeynley – C/raxmaan Siid Cali, Dir

10- Gudoomiyaha  Degmada Shangaani – Basmo Cumer Axmed, Reer Xamar.

11- Gudoomiyaha  Degmada Xamerweyne – Cumer Shariif Maye, Reer Xamar.

12- Gudoomiyaha  Degmada Xamerjajab C/Wali C/llahi Maxamed, Abgaal, Harti-Abgaal

13- Gudoomiyaha  Degmada Waabari – Rowdo C/llahi, Habargidir, Saleymaan

14- Gudoomiyaha  Degmada Boondheere – Zainab Yuusuf Wehliye, Abgaal, Waceysle

15- Gudoomiyaha  Degmada Warta Nabada – Zainab Maxamuud Warasame, Habargidir, Sacad

Waxaa xusid mudan in la dhaafay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Huriwaa oo uu hayo nin kasoo jeedo Beesha Duduble iyo Guddoomiyaha Degmad Kaxda oo ay maamulaan Shiikhaal, waana labada guddoomiye ee aan xilkooda la taaban.

Jubbaland oo qaaday talaabo dhowr sano qaadatay hirgalinteeda

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dhul baaxad leh lasiinaayo qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab iyo barakacayaash magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay in dhulka lasiin doono qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab uu ku yaalo duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay in dhulkaani ay dhagax dhigeen isla markaana uu gaar u noqon doono keliya qaxootiga kasoo laabanaaya Xerada dhadhaab iyo kuwa iminka ku sugan magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in dhulkaasi lagu dhisi doono muddo gaaban isla markaana ay ku nafcin doonaan qaxootiga.

Dhulkaani oo baaxad leh ayaa waxaa laga dhisi doonaa 205 guri iyo 65 muqulood, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin maamulka ka tirsan.

Kaalinta ugu weyn ee dhismaha xerada ayaa waxaa qaadan doona Hay’ada UNHCR oo inta badan dhaqaalaha bixisay.

Sidoo kale, waxaa kaalin mug leh ka qaadan doona maamulka Jubbaland oo Hay’adda ka saacidi doonta dhinacyada amniga iyo la socodka xaalada qaxootiga.

Dhinaca kale, waxaa amniga xerada loo xilsaaray Taliska Booliska Jubbaland oo la socon doona xaalada qaxootiga la dajin doono xerada.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ka caga jiidayay soo dhaweynta qaxootiga, waxaase hadda muuqaneysa in ugu danbeyntii ay garwaaqsatay inay hirgaliso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Daawo Sawirada Guddoomiyayaasha cusub ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo xilka looga qaaday illaa 15 guddoomiyeyaal degmo oo xilalka hayay tan iyo sanadkii 2014.

Labo Guddoomiye degmo ayaa la dhaafay, kuwaasoo kala ah degmooyinka Huriwaa iyo Kaxda, halka Guddoomiyihii Dharkeenley C/fataax Yaanyo loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.

Magacyada Iyo Qabiilada ay kasoo kala jeedaan horey ayaan idinla wadaagnay balse markaan hoos ka daawo sawiradooda:

 

Sawirro: Khasaaro ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan bar kontorool oo Ciidamada Booliska ay gawaarida ku baaraan.

Ismiidaaminta ayaa dhacday xilli ciidamada amaanka ay ku guda jireen baaritaanada gaadiidka isticmaalayay bartaasi koontarool.

Ruuxa ismiidaamiyay oo watay Gaari ayaa la sheegay inuu xirnaa jaakadda ka samaysan walxaha qarxa waxa uuna beegsaday askarta.

Hay’adaha amaanka maamulka ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen ilaa 5 qof oo uu ku jiro ruuxii naftii haliga ah ee weerarka fuliyay.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.

Kontoroolka la weeraray, ayaa ku dhow Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Akhriso: Magacyada Guddoomiyayaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo xilka looga qaaday illaa 15 guddoomiyeyaal degmo oo xilalka hayay tan iyo sanadkii 2014.

Labo Guddoomiye degmo ayaa la dhaafay, kuwaasoo kala ah degmooyinka Huriwaa iyo Kaxda, halka Guddoomiyihii Dharkeenley C/fataax Yaanyo loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.

Hoos ka Akhri Liiska Gudoomiyaasha G.Banaadir

1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane

2- Gudoomiyaha  Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo

3- Gudoomiyaha  Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale

4= Gudoomiyaha  Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud

5- Gudoomiyaha  Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar

6- Gudoomiyaha  Degmada Hodan Maxamed Cantoobo

7- Gudoomiyaha  Degmada Dayniile C/wali Nuur Faarax

8- Gudoomiyaha  Degmada Wadajir Cumer C/llahi Xassan

9- Gudoomiyaha  Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid Cali

10- Gudoomiyaha  Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed

11- Gudoomiyaha  Degmada xamerweyne Cumer Shariif Maye

12- Gudoomiyaha  Degmada Xamerjajab C/wali C/llahi Maxamed

13- Gudoomiyaha  Degmada waabari Rowdo C/llahi

14- Gudoomiyaha  Degmada Boondheere Zainab Yuusuf Wehliye

15- Gudoomiyaha  Degmada Warta Nabada Zainab Maxamuud Warasame

Taliye ku xigeenkii NISA ee is-casilay oo xog badan iyo sir shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku bixiyay xog badan oo ku aadan iscasilaadiisa iyo arimo kale.

Cabsi Salaan Yuusuf Guuleed, oo muddo badan xilkaan soo hayay ayaa shaaciyay waxyaabaha keenay inuu iscasilo iyo dhibaatooyinka ku xeeran ciidamada amaanka oo madaxda ay kula dhaqanto.

Wuxuu Cabdisalaan sheegay in Musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed uu ka dhex jiro hay’addaha amaanka ee dalka, taasi oo sababtay inuusan xilkaasi sii heyn.

Wuxuu sidoo kale sheegay inlaga gaabiyay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi iyo in isbadal dhab ah lagu sameeyo saraakiisha hay’addaha amaanka ee dhibaatada geysanaya.

Cabdisalaan ayaa sheegay in muddo afar sano ah uu hayay xilkaan, balse ay jiraan dhibaatooyin badan oo soo wajahay oo sababay ka tagista xilka uu hayay, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu dhibaato kale ku tilmaamau mushaar la’aanta joogtada ee heysata ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo dhigo waddooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Gobolka Banaadir oo saacado kadib loo qeybsan doono 4.5 iyo beelo cusub oo kasoo muuqan doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo isbadal ku sameeyo guddoomiyayaasha degmooyink Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu  xilal cusub u magacaabo shaqsiyaad u badan qurbo-joog iyadoo sidoo kale haweynka la siin doono degmooyin badan.

Arrinta ugu xiisaha badan ayaa ah in markii ugu horeysay Gobolka Banaadir loo qeybsan doono qaabka loo yaqaan 4.5 ee loo qeybsaday dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo laga yaabo inay xamaasad cusub ka dhex dhaliso beelaha qaar iyo dowladda dhexe.

Beelaha qaar ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqan doono xilalka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo ku dhawaaqo isbadalkaan cusub, waana idinla wadaagi doonaan Inshaa Allah

Kheyre oo hub ka dhigis ku dhawaaqay iyo mas’uuliyiin laga qaaday hubka waa weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaga dhawaaqay howlgal lagu uruurinayo Hubka waaweyn.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay maanta bilaabayaan Hub uruurinta, waxa uuna cadeeyay in Hubka la uruurinaayo ay yihiin kuwa waaweyn.

Ku dhawaaqida Kheyre kadib ayaa waxaa Hub ka dhigis lagu sameeyay mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya dowlada kuwaa oo isticmaalayay Hubka waaweyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay wateen Gawaari ay saaran yihiin qoryo waaweyn ayaa lagu bilaabay Hub ka qaadista.

Mas’uuliyiinta Hub ka dhigista lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira Taliyayaal ciidan oo xilal waaweyn ka haya DFS, sida uu sheegay Kheyre.

Howlgalada uruurinta Hubka waaweyn ayaa sidoo kale ka socda qeybo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in maalin waliba hal Degmo lagu sameynaayo uruurinta Hubka.

Dhawaan ayay aheyd goortii Golaha Wasiirada ay shaaciyeen in magaalada Muqdisho laga mamnuucay Hubka ka waaweyn AK47.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shariif oo Muqdisho soo gaaray isagoo aqbalay xil uu dhawaan u magacaabi rabo Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho oo ka tagay dhawaan markaas oo uu ka qeyb galay doorashadii ka dhacay Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay doorashadii uu Farmaajo ku guuleystay ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabao xil aad u weyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayo inuu dardargeliyo howlaha dib u heshiisiinta qaranka ayaa Sheekh Shariif ku qanciyey inuu qabto xilka Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee dib u heshiisiinta.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyey xilka uu u gartay Farmaajo oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana la filayaa in dhawaan xilkaas loo magacaabo isla markaasna ay ansixiyeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilkaan ayaa waxaa horey u haayey Ismaaciil Macalin Muuse oo xilkaas loo dhiibay xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana muuqato inuusan guddigaas shaqo gal aheyn.

Dowladda Farmaajo ayaa dooneyso inay guul weyn ka gaarto dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna arrintaas jeclaatay inay u marto  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aqoon buuxda u leh qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

 

“Mareykanku waa yimaadeen aniga ayeyna ii socdaan, adiga kuma rabaan” Xaaska Bin Laden oo ka sheekeysay wixii dhacay habeenkii la dilay

(Caasimadda Online)- waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan xaaska Obama Bin ladon oo ka sheekeysay qaabkii odaygeeda loo dilay, waxaana soo turjunay warbixin dheer oo uu ka diyaariyey wargeyska Daily Mail ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.

QODOBADA UGU MUHIIMSAN SHEEKADA

Maskaxdii Argagixisada Osama bin Laden ayaa wuxuu habeenkaas la joogay xaaskiisa ugu yar Amal bin Laden iyo caruurtooda, waxayna joogeen guri ku yaalla dalka Pakistan.

Bin Laden waxaa la dilay 2011kii, waxaana dilay Ciidanka Mareykanka ah ee SEAL, iyagoo ku dilay qol ay xaaskiisu kula jirtay.

Amal ayaa sharraxaad ka bixisay sida iyada iyo wiilkeeda yar Hussein ay u arkayeen seygeeda oo la dilayo.

Qoyska Osama bin Laden ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii ay Millateriga USA u geysteen aasaasihii Uruka al-Qaeda, kaasoo sidoo kale ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii 11kii September 2001dii, inta badan waxay ka sheekeeyeen waxa ay dareemeen markii ay arkeen iyadoo la tooganayo Osama bin Laden.

Amal bin Laden, oo aheyd xaaska afaraad ahna gabadha ugu yar ee dhaxday ninkaan ugu sarreeyey liiska dadka ay raadinayeen Sirdoonka Mareykanku muddo tobaneeyo sanno ah, ayaa waxay si gaar ah uga sheekeysay xusuusta ay ka heysato habeenkaas uu seygeedii ku dhintay gacmaha ciidanka SEAL Special Forces.

(From left) Fatima, Abdullah and Hamza, three of Osama bin Laden's grandchildren; and Hussein, Zainab and Ibrahim, three of the five children he had while on the run with Amal, his fourth and youngest wife. Hussein was in the room when his father was shot dead

Osama bin Laden, Amal bin Laden iyo lixdooda caruurta ah ayaa waxay ku noolaayeen guri amni ah, cidna aysan ka warqabin inay halkaas ku nool yihiin, oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, markii la dilayey bin Ladin 2dii bishii May sanandkii 2011kii.

Gabadhaan lagu magacaabo Amal bin Laden ayaana wax walba oo dhacay habeenkaas uga sheekeysay buugga loogu magac daray The Exile: The Flight of Osama bin Laden, kaasoo ay qoreen Cathy Scott-Clarke iyo Adrian Levy isla markaana lagu daabaco majaladda Sunday Times UK.

Si la mid ah Amal bin Laden iyo caruurteeda, waxaa gurigaas kula noolaa xaaska labaad ee bin Laden gabadha lagu magacaabo Khairiah, xaaskiisa seddaxaad Seham iyo wiilkiisa 22 sanno jirka ah Khalid.

Xaaskiisii ugu horreeyey Najwa oo guursatay iyadoo dhallinyaro ah una dhashay 11 caruur ah, ayaa ka tagtay seygeeda ka hor inta uusan weerarkaani dhicin.

Saacaddu waxay ku beegneyd shan saac (11pm) oo habeennimo, casho iyo salad ka dib, bin Laden wuxuu u jiiftay si dhaqsi ah, xaaskiisa afaraad Amal bin Laden ayaana hareer jiiftay.

Bannaanka guriga ayaa mugdi ahaa, waxaana u sabab aheyd koronto la’aan, waana arrin caan ka ah magaalada Abbottabad, laakiin Amal waxay daaha ka qaaday inay habeenkaas walwal gaar ah dareentay mugdiga awgiis.

Amal bin Laden ayaa daaha ka qaaday inay maqashay shanqarta kobaha ciidanka, ka dibna ay eegtay daaqadda markaasoo ay dhaqdhaqaaqa dareentay.

Wixii intaas ka dambeeyey Bin Laden ayaa jiifka kasoo kacay, wuxuuna arkay Ciidanka SEAL Special Forces oo isku hareer kasta ka taagan guriga.

Bin Laden wuxuu yiri, sida laga soo xigtay xaaskiisa afaraad Amal bin Laden: “Ciidanka Mareykanka ayaa soo socda”. – Waxay aheyd baaq uu u dirayo qoyska oo dhan, ka dibna Ciidanka SEAL Special Forces ayaa dhankasta isaga yeertay iyadoo rasaas guriga lagu furay.

Markii ay rasaastu bilaabatay, labadooda ayaa gacanta isqabsaday waxayna raadsadeen meel ay ku gambadaan. Amal oo xusuusaneysa wixii markaas dhacay waxay tiri: “Wuxuu ahaa habeen gudcur ah, waxaana nagu adkaatay inaan wax aragno”.

Children from left to right: Fatima, Saad, Omar, Mohammed, Osman and Abdul Rahman

Laba diyaarad oo kuwa qumaatiga u duula ah iyo 24 askari oo si gaar ah u tababaran ayaa habeenkaas oo weeraray guriga Bin Laden. Sida ay sheegtay xaaskiisa labaadna waxaa biyaanada labaad ee gurigaan ku jiray Seham iyo Khalid kuwaasoo arki karay weerarka ay Ciidanka Mareykanku kusoo qaadeen Bin Laden.

Bin Laden ayaa u yeeray wiilkiisa si uu ugu yimaado, kaasoo xirnaa bijaano ama dharka lagu jiifto wuxuuna Khalid usoo qaaday aabihiis qori nuuca AK-47 ah, inkastoo ay Amal ka warqabtay in uusan wiilkaani xabad ridin tan iyo 13 sanno jirkiisii.

Amal iyo Seham ayaa ka dib aaday dhanka caruurtooda si ay u aamusiyaan maadaama ay barooranayeen. Waxayna waxayna xambaareen intii itaalka yareyd halka kuwa kale ay gacanta qabteen si ay meel badbaado ah guriga uga raadsadaan.

Markii ay maqleen sida ay Ciidanka USA ee sida gaarka ah u tababaran usoo jebiyeen albaabka guriga, ka dib waxaa xiggay qeylada bin Laden kaasoo ku yiri qoyskiisa: “Aniga ayey i doonayaan ma ahan adinka.” – Sababta uu baaqaas ugu dirayo ayaana aheyd inay hoos u degaan.

Laakiin gabdhihiisa waa weyn Miriam iyo Sumaiya ayaa saarnaa dabaqa sarre halka Seham iyo wiilkiisa Khalid ay hoos u degayeen. Amal waxay daaha ka qaaday inay aaminsan tahay inuu qof ka mid ah qoyskooda khiyaamay isla markaana uu wax walba kala soo shaqeeyey Ciidanka USA.

Mid ka mid ah Ciidanka SEAL Special Forces, oo ku hadla Afka Carabiga ayaa wuxuu toogtay Khalid Bin Laden, maadaama uu u fahmay sida shaqsi u yeeray oo kale, sida ay daaha ka qaaday Amal. Iyadoo gabadhaha Sumaiya iyo Miriam ayaa isku deyey inay goobta ka baxsadaan laakiin waxaa isku horgooyey isla ninkii ku hadlayey Afka Carabiga.

Robert O’Neill oo ahaa hogaamiyaha Ciidanka SEAL ayaa wuxuu aaday qolkii uu ku jiray Bin Laden, iyadoo Amal ay hor istaagtay si ay ninkeeda u difaacdo, laakiin shaqsi kale ayaa rasaas kusoo riday, iyadoo sidaas SEAL ay qolka ku galeen. Amal oo xaaladdaas xusuusaneysa ayaana sheegtay inay xanuun badan dareentay oo dhanka lugaha u badan ka hor inta aysan sariirta ku dhicin.

O’Neill oo ahaa shaqsigii toogtay Bin Laden, oo dhacdadaas ka hadlaya ayaana yiri: “Markii aan ku dhuftay xabadda hore ayaan dareemay inuu dhimanayo”.

Amal oo habeenkaas dhaawacantay ayaana tilmaantay inay niyadda gashatay inay dhiman doonto sidaas darteed ay indhaha xiratay iyadoo isku deyeysa in aysan neefsan si aysan ciidanka SEAL u dhammeystirin.

Markii hore gabadha Bin Laden ee Miriam ayaa magaca qaldan sheegtay, laakiin Sumaiya ayaa ku dhahday: “U sheeg runta, kuwaani ma ahan ciidan Pakistan ah”. Ka dibna Miriam ayaa ku qeylisay: “Kani waa aabaheey, waana Osama bin Laden”.

Hussein bin Laden oo ah wiilka ugu yar ee uu dhalay oo habeenkaas arkayey aabihiis oo la dilayo, ka dibna Meydkiisa ay qaadanayaan Ciidanka SEAL ayaa wacad inuu ka aarsan doono Mareykanka.