Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay dowladda Khaliijka inay u adeegsanayso maalgelinteeda balaayiinta doollar ah ee Afrika si ay ugu daboolato qorshayaasheeda ballaarinta awoodda militari.
Wareysi uu dhawaan siiyay idaacadda Radio France International ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in maalgashiga Imaaraadka ee Afrika, oo gaaraya $110 bilyan, uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo lagu fidinayo awoodda militari, balse loo ekeysiinayo mashaariic horumarineed oo dhaqaale.
“Imaaraadku waa mid si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo ka shakisan ujeedada dhabta ah ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kan lagu sameynayo kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, saadka iyo isgaarsiinta.
“Maalgelintan ma aha mashruucyo dhaqaale oo keliya,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle, isagoo raaciyay, “waxaa si toos ah ugu xiran ujeedooyin militari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo xasilloonida wadamada Afrika.”
Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horey u diidday codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsanaa in saldhig militari laga sameeyo gudaha Jabuuti.
Wuxuu sheegay in Imaaraadku kadib diidmadaasi ay dadaalkooda u weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelo muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku yaalla marinada muhiimka ah ee badda.
Jabuuti, oo ku taalla marinka laga soo galo Badda Cas, ayaa martigelisa saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal badan sida Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.
Maamulka Madaxweyne Geelle ayaa muddo dheer siyaasaddiisa ku dhisay isku dheellitirka xiriirka militari ee wadamada shisheeye, waxaana hadalladiisa laga dheehan karaa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan tartanka gobolka, gaar ahaan marka horumarka dhaqaalaha lagu dhex milo ujeedooyinka difaaca.
“Isku milanka maalgashiga dhaqaale iyo ujeedooyinka militari ee wadamada shisheeye waa khatar weyn oo ku soo wajahan nabadda gobolka,” ayuu ka digay Madaxweyne Geelle.
“Waxaan u baahan nahay inaan si taxadar leh u wajahnno iskaashiga noocan ah, si aan loo dhaawicin madax-bannaanideenna.”
Imaaraadka Carabta wali kama uusan jawaabin eedeymaha Madaxweynaha Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa hore u sheegay in maalgashiyadooda Afrika ay ujeedadoodu tahay taageeridda kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta amniga gobolka.
Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli ay kordheen walaaca iyo baaritaanada ku saabsan fara-gelinta wadamada Khaliijka ee Afrika, halkaas oo ballanqaadyada dhaqaale badanaa lala socodsiiyo heshiisyo dhanka kaabayaasha istiraatiijiga ah iyo iskaashi militari ah.