Riyadh (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u xoojiyay iskaashigooda istaraatijiyadeed kaddib ansixinta heshiis amni oo cusub oo xoogga saaraya la dagaallanka argagixisada iyo wadaagga sirdoonka.
Heshiiskan, oo si rasmi ah uu u ansixiyay Golaha Wasiirrada Sacuudiga 21-kii May 2025, wuxuu calaamad u yahay horumar weyn oo xiriirka labada dal ah, wuxuuna qeyb ka yahay hindisaha fog ee Vision 2030, oo Sacuudi Carabiya ku dooneyso inay ku ballaariso saameynta gobolka iyo xoojinta xasilloonida Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Heshiiska oo markii hore lagu kala saxiixday magaalada Jeddah bishii Febraayo 2024, ayaa dhigaya hannaan rasmi ah oo iskaashi oo dhex mara Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) iyo Hay’adda Amniga Boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu muujinayaa ballanqaad labada dhinac ah oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo joojinta maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.
“Heshiiskani wuxuu saldhig u noqonayaa dagaalka aan kula jirno Khawaarijta iyo dambiyada la xiriira maalgelinta argagixisada,” ayuu yiri Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isagoo si gaar ah u xusay kooxda al-Shabaab. Heshiiska ayaa la filayaa inuu kor u qaado awoodda Soomaaliya ee la socodka hanjabaadaha, burburinta unugyada argagixisada iyo isku-duwidda hawlgallada amniga oo lala sameeyo Sacuudiga.
Qayb ka mid ah aragtida fog ee Vision 2030
Heshiiska waxaa mar kale la xaqiijiyay intii lagu guda jiray kulan dhowaan ku dhex maray Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid. Labada masuul ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza e ayaa u mahadceliyay dowladda Riyadh taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan meelaha dib-u-dhiska u baahan. Dhankiisa, Safiir Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyay in Boqortooyadu ay ka go’an tahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya — arrin la jaanqaadaysa aragtida Vision 2030 ee diiradda saareysa iskaashi goboleed iyo kala-duwanaanta ilaha dhaqaalaha.
Marka laga soo tago dhinaca amniga, xiriirka labada dal ayaa ku fidaya dhinacyada shaqo-abuurka iyo wada-shaqaynta maaliyadeed. Dhammaadkii 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis shaqo oo fududeynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay shaqo ka helaan gudaha Sacuudi Carabiya.
Boqortooyadu sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartay dadaalladii keenay cafinta daynta Soomaaliya, iyadoo bishii Juun 2024 la gaaray heshiis lagu fududeeyay Sanduuqa OPEC, taas oo si weyn u taageertay dhaqaalaha Soomaaliya xilli uu wajahayay culaysyo xagga miisaaniyadda ah.
Arrimahan ayaa muujinaya xiriir laba geesood ah oo sii qotomaaya, kuna dhisan dan guud iyo aragti la wadaago oo ku wajahan xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo hoos u dhacay
Xilli xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu sii xoogeysanayo, waxaa si lamid ah u liicaya xiriirkii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta. Xasaradahaasi waxay cirka isku shareen kaddib weerarkii dhimashada sababay ee bishii Febraayo 2024 lagu qaaday saldhigga ciidamada Imaaraadka ee General Gordan ee Muqdisho, halkaas oo lagu dilay afar sarkaal oo sare oo Imaaraadi ah.
Inkasta oo Imaaraadku weerarka ku tilmaamay “musiibo murugo leh,” haddana wuxuu si degdeg ah u hakiyay dhammaan taageeradii ciidan iyo dhaqaale ee uu siinayay Soomaaliya. Tallaabadan waxaa loo arkay in ay calaamad u tahay hoos u dhac rasmi ah oo ku yimid xiriirka labada dhinac, inkasta oo ay sanad ka hor – Janaayo 2023 – kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkasta oo ay muujisay tacsiyo rasmi ah isla markaana ay beddeshay mas’uuliyiin sare, haddana waxay diiday dalabyo dheeraad ah oo Imaaraadku la yimid — kuwaas oo warar rasmi ah sheegeen inay ku jireen in xilka laga qaado:
- Agaasimihii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale
- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre
- Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir
Inkasta oo qaar ka mid ah mas’uuliyiintan la beddelay, haddana Villa Somalia waxay diiday in ay si buuxda uga dhabeyso dalabyada Imaaraadka, iyadoo arrinta u aragtay faragelin ku ah madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in Imaaraadku joojiyo taageerada uu siiyo madaxda maamul goboleedyada sida Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Saciid Deni (Puntland), kuwaas oo dowladda dhexe u aragto in loo adeegsanayo saameynta siyaasadeed ee Imaaraadka.
Ilo sirdoon ayaa sheegay in Imaaraadku uu tan iyo markaas beddelay xeeladdiisa, isagoo si hoose u maalgelinaya mucaaradka Muqdisho, si uu cadaadis ugu saaro dowladda federaalka kahor doorashooyinka soo socda. Warbixino la helay ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in la xoojiyo isbahaysi mucaarad ah si loo wiiqo awoodda dowladda talada haysa.
Meelmarinta heshiiska amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa muujinaysa in Muqdisho ay si cad ugu leexatay dhanka Riyadh, xilli loollanka siyaasadeed ee gobolka uu sare u kacayo. Inkasta oo Imaaraadku weli raadinayo saameyn siyaasadeed oo kale, haddana qaabka Sacuudiga ee ku saleysan hay’adaha rasmiga ah, maalgelinta tooska ah, iyo iskaashi waara ayaa u muuqda mid si weyn uga helaya garab iyo taageero gudaha Soomaaliya.