25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

DF Somalia oo bilaabeysa qorshe cusub oo la xiriira ciidamada Macawiisleyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda qorsheyneyso in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo hadda garab siiya ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu dhiso hannaan rasmi ah oo lagu mideynayo kaalinta ciidamadaasi, si ay u noqdaan cudud rasmi ah oo ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin dagaalka socda, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay khibradda dowladda Ciraaq, oo guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al-Qaacida, iyadoo kaashaneysa ciidamo deegaan oo la mid ah Macawiisleyda. Sidaas darteed, ayuu yiri wasiirka, waxaa la doonayaa in Soomaaliya ay qaadato hab la mid ah si loo xaqiijiyo guul waarta.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dadka deegaanka ee isu abaabulay Macawiisleyda aysan ahayn kaliya xoog dagaal, balse ay yihiin dad leh dhiiranaan iyo waddaniyad, taas oo lagu dhisi karo ciidan leh kalsoonida shacabka. Sidaas darteed, ayuu carabka ku adkeeyay in la dejiyo nidaam rasmi ah oo lagu horumarinayo tayadooda, laguna darayo adeegyada ciidanimo ee dowladda.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in ciidamada Macawiisleyda ay mudan yihiin daryeel iyo in loo helo agab iyo adeegyo dhameystiran si ay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in laga jawaabo baahiyahooda si aysan u dareemin in laga faa’iideysanayo iyaga oo aan wax damaanad ah haysan.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda gobollo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah. Waxaa la og yahay in ay door muuqda ka ciyaareen horumarka laga gaaray furimaha dagaalka.

Dowladda ayaa qorsheyneysa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya bulshada deegaanka si loo adkeeyo ammaanka, isla markaana loo yareeyo awoodda Al-Shabaab ay ku leedahay deegaanadaas. Macawiisleyda ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin xubin muhiim ah oo lagu xaqiijin karo guulahaasi.

Si kastaba, dib u habeynta ciidamada Macawiisleyda waxay noqon doontaa tallaabo istiraatiiji ah oo dhanka ammaanka ah, taas oo lagu doonayo in lagu mideeyo awoodda shacabka iyo dowladda, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo ku saleysan wada-shaqeyn dhab ah.

Howl-galka AUSSOM ee Soomaaliya wajahaya xaalad adag – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo suuragalnimada in uu baaqdo shir heer sare ah oo lagu waday in lagu qabto magaalada Doha dhammaadka bisha May.

Shirka ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu helo maalgelin cusub oo lagu xoojinayo howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si uu u sii wado dadaallada nabad ilaalinta ee ka socda dalka.

Shirkan ayaa markii hore la qorsheeyay inuu dhaco dhammaadkii bisha April, hase yeeshee dib ayaa loo dhigay, iyadoo weli aan la shaacin taariikh rasmi ah. Taasi waxay keentay shaki weyn oo ku saabsan in shirku dhab ahaantii qabsoomi doono, taasoo la micno ah in fursaddii ugu muhiimsaneyd ee lagu heli lahaa taageero dhaqaale ay lumin karto.

Wararka ka imaanaya ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya hubanti la’aan weyn oo ku saabsan qabsoomidda shirka. Xitaa haddii uu dhaco, waxaa jira cabsi ah in uusan keenin natiijooyin dhaqaale oo ku filan oo lagu sii wadi karo howl-galka AUSSOM, taasoo khatar ku ah joogtaynta nabadda iyo hawl-galka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa la daala dhacaya culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

Waxaa intaa dheer, isqab-qabsiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa noqday caqabad weyn oo hor istaagaysa horumar siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kalenwaxaa arrintansii murjiyay guuldaradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kala kulmay isku daygii uu ku doonayay in uu ku ansixiyo qaraar cusub oo taageera AUSSOM. Dib u dhacaas ayaa mugdi weyn ku sii reebay mustaqbalka howl-galka, iyadoo xaalad amni darro iyo dhaqaale xumo weli ka jirto gudaha dalka.

Hanaanka doorasho ee Puntland ay u guurayso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya isbeddel ballaaran oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka si kor loogu qaado hufnaanta siyaasadeed ee gobolka.

Ujeeddadu waa in la tirtiro nidaamka doorashada qarsoodiga ah ee horey loogu dooran jiray xubnaha golayaasha deegaanka iyo kuwa baarlamaanka. Tallaabadani waxay ka dhalatay dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo musuq-maasuqa iyo eedeymaha la xiriira laaluushka ee marar badan hareeyay doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) ayaa haatan ku mashquulsan dib u eegista xeerka maamulka dowladaha hoose, taas oo qayb ka ah qorshaha cusub. Guddigu waxa uu taageeray in doorashooyinka soo socda lagu qabto si aan qarsoodi ahayn, iyadoo la adeegsanayo cod gacan-taag ah halkii laga isticmaali lahaa habka qarsoodiga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in habkan cusub uu si weyn u yareyn karo lacagaha lagu kala iibsado codadka. Sida uu tilmaamay, codbixinta gacan-taagga ah waxay sare u qaadaysaa daahfurnaanta, waxayna bulshada siinaysaa kalsooni dheeraad ah oo ku saabsan natiijooyinka doorashada.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland, oo ay ku jiraan qaar kamid ah wasiirrada, ayaa si buuxda u taageeray qorshahan. Waxay sheegeen in aysan sharaf u ahayn xildhibaan doorasho dadweyne ku yimid in uu si qarsoodi ah wax ku doorto. Sidaa darteed, waxay u arkeen in hannaanka gacan-taagga ah uu ka turjumayo mas’uuliyadda iyo daacadnimada laga rabo wakiillada shacabka.

Masuuliyiintan ayaa waxay sidoo kale ku booriyeen Guddiga Doorashooyinka in ay arrintan si rasmi ah ugu daraan habraaca doorashooyinka mustaqbalka.

Dhinaca kale, dib-u-habaynta doorashooyinka waxaa ka mid ah in la dhimay tirada xildhibaanada golayaasha deegaanka, taasoo hadda laga dhigay 15 xubnood degmada ugu horumarsan, halka degmooyinka kale ay heli doonaan tiro ka yar.

Isbedelkan ayaa ah mid la doonayo in lagu hagaajiyo waxtarka golayaasha iyo in laga fogaado khaladaadkii horey ugu yimid doorashooyinkii hore, kuwaas oo sababay khilaafyo saameeyay howl-galka iyo wada-shaqeynta hay’adaha deegaanka.

Xiisadda Puntland iyo PSF ee Gaalkacyo oo ka sii dartay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), oo shalay hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo, ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dilalkii qorsheysnaa iyo madax-jebiskii laga raystay ee ka dhici jiray Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal Jifo-jabsade, oo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedeyntan culus, ayaa sheegay in tan iyo maalintii shaqada laga joojiyay ciidanka PSF uusan ka dhicin magaalada Gaalkacyo dil ama madax-jebis dambe, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF inaysan weligood soo qaban qof loo haysto dilalkii ka dhici jiray Gaalkacyo, isaga oo intaas ku daray in PSF ay ka daba tagi jireen qofkii lagu qabto madax-jebis si ay xabsiga uga sii daayaan, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay fasir.

“Maalintii shaqada laga joojiyay ciidamada uu madaxda ka yahay Ina-Diyaano, wixii ka dambeeyay Gaalkacyo qofna laguma dilin, midna madaxa laguma jebin. Weligoodna hal qof oo madax-jebis ah ma ay soo qaban, kuwii la soo qabtayna iyaga (PSF) ayaa daba socday. Arrintaas fasir bay u baahan tahay,” ayuu yiri Jifo-jabsade.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan PSF oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in eedeyntaas ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu xusay in PSF mar walba u taagan tahay difaaca, midnimada iyo amniga Puntland, isla markaana aysan marnaba ka shaqeyn wax u horseedi kara xasillooni-darro.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo shacabka u gudbiya warar khaldan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay PSF ka dhigayaan cadowga shacabka magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan shacabka leenahay: niyad sami ku joogga. Yaan la idin marin habaabin. PSF waa ciidankii difaacayey Puntland, waa kuwii u dhintay, u dhaawacmay, uguna adeega daacadnimo,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade, ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF inay u adeegaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo si gaar ah loogu talagalay abuurista isku dhacyo ciidan iyo fowdo, taasoo lagu carqaladeynayo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.

Buugga Adkaysi: Gorfeyn ay weheliso ayidaad iyo naqdin

Waxaan akhriyey Buugga Adkeysi ee uu qoray siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame haatanna ah Xildhibaan ka tirsan BJFS, horayna usoo noqday Wasiirka Qorsheynta Qaranka.

Buuggan oo ah taariikh nololeed iyo xusuus-qor arrimo badan taabanaya waxaan isku dayi doonaa inaan sida ugu dhib yar uguna macquulsan usoo koobo, gorfeyna ku sameeyo anigoo ugu dambeyn caddaynaya wixii aan ku ayidsanahay iyo wixii aan ku naqdinayo. Waxa uu ka kooban yahay 318 safxo.

Ugu horreyn waxa uu qoraagu si qoto-dheer uga warramayaa bilowga noloshiisii sida dhalashadiisii, waxbarashadiisii iyo korriimadii uu soo maray, isagoo si fiican u sharraxaya deegaankii uu ku dhashay kuna koray ee magaalada Buula-burde. Waxa uu si wanaagsan u dul istaagayaa sidii ay waalidkiis usoo koriyeen iyo kaalintii ay ugu jireen, wuxuuna ku taagtaagsanayaa jacaylkii waalidkiis gaar ahaan hooyadiis oo naf iyo maalba u hurtay sidii isaga iyo walaalihiisba meel ugasoo bixi lahaayeen. Waa dareen waalidnimo oo aan la suureyn karin, laxaw iyo rajana ku galinaya, muujinayana qiimaha waalidka Soomaaliyeed gaar ahaan hooyooyinka.  

Waxaan meesha ka maqnayn geeridii waalidkiis oo uu si fiican uga hadlay, gaar ahaan xilligii hore sidii dadku isugu xidhnaayeen oo ay bulshadu dareennada kala duwan sida geerida isula qaybsan jirtey una jirey dareen bulsho (Community sense), iyo sida ay arrintaasi hadda meesha uga baxday.

Markii uu Dugsiga Sare ka baxay wuxuu galay gurmadkii Qaranka oo uu markii hore macallin ka noqday Dugsiga Sare ee degmada Jalalaqsi, markii dambana tababar ciidan galay kadib amar ay dawladdu soo rogtay.

Wuxuu si faahfaahsan uga warramayaa ku-biiristiisii ururradii Islaamiga ahaa ee kasoo ifbaxay Soomaaliya, laba walaalihiis ahna ku biireen, xaafaddooduna xarun u ahayd dhaqdhaqaaqyada baraaruga Akhwaanul-muslimiinka oo idil. Muddo dheer oo Cabdirixmaan laga dhaadhicinayay wuxuu ku qancay inuu ku biiro ururkii Itixaadka Islaamka oo uu Sheekh Cali Warsame guddoomiyaha ka ahaa. Islaamiyiintu waxay taakulo weyn ka haysteen Sucuudiga oo isagu dabada ka riixayay fikirkii Wahaabiga. Wuxuu caddaynayaa in markii dambe ee Muqdisho laga furay xeryaha mucaskarka, mucaskar ay furteen ururka Al-islaax ay isaga iyo dhalinyaro kale ku tababaran jireen. Markii 1992-dii dagaalkii Itixaad iyo SSDF dhex maray looga adkaaday Al-itixaad, dhalinyaro badan oo ururka ahna halkaas ku dhinteen ayaan go’aasaday ayuu leeyahay inaan ururka ka baxo, waxaanan ku biiray ururka Islaax oo isagu qunyar-socod ahaa, aqoonta iyo reer-magaalnimaduna la waynayd, nabad in wax lagu raadiyana mabda’oodu ahaa. 

Intaas kadib, wuxuu si faahfaahsan uga warramayaa safarro waxbarasho oo uu ku kala tagay dalal dhowr ah. Tusaale ahaan, wuxuu markii ugu horreysey waxbarasho jaamacadeed ugu ambabaxay dalka Sudan 1994. Malaysia ayuu sidoo kale waxbarashada heerka labaad u aaday. Waxaa waxbarashada garab socday shaqooyin uu la shaqeeyey hay’ado samafal. Wuxuu sidoo kale si tafsiil ah uga warramayaa sida uu ugu saamoobay waddamadaas, thaqaafadii kala duwanayd iyo wixii uu kala kulmay. 

Markii dambe Cabdirixmaan waxa uu u wareegay waddanka UK oo waqti fiican uu ku qaatay. Imaanshihiisii UK, noloshiisii halkaas, xilal uu qabtay iyo waayihii Ingiriiska ee uu waaya-aragnimada badan ka dhaxlay ayuu si wanaagsan ugu taagtaagsanayaa. 

Bilowgiisii siyaasadda ayuu si fiican u sharraxayaa. Aasaasidda ururro ay ka sameeyeen UK, iyo abaabulka shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Intaas kadib wuxuu ku taagtaagsanayaa asaasidii Maxkamadaha Islaamiga ah, taageeradii uu u hayay iyo doorkii uu ku lahaa. Markii dambe wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay Isabahasyigii dib-u-xoraynta oo isugu jirey Maxaakiimtii, qayb kamid ah Barlamankii, qurbajoog iyo bulshada rayidka, waxaana ururkaas lagu dhisay magaalada Asmara ee Eritrea. Cabdirixmaan wuxuu ahaa foolaadkii dhismaha Isbahaysiga. 

Wuxuu si faahfaahsan uga warramayaa kulamadii Isbahaysiga, qaab-dhismeedkiisii iyo sidii xilalka loo qaybsaday, shirarkii iyo doodihii ay galeen, mawaaqiftii lakala qabay, iyo go’aannada mar kasta soo baxayay. Doorkii beesha caalamka sida safiirrada waddamada kala duwan, ergeygii QM ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla iyo dad kale oo saamiley (stakeholders) ahaa ayuu si wanaagsan u sharraxayaa. Markii dambe waxa uu noqday xubin kamid ah Guddigii wada-hadalladii lala galayay TFG-da ee isbahaysiga ku matalayay, waxayna tageen Jabuuti oo iyadu wada-hadalladaas martigelisey, doorkii dawladaha sida Jabuuti oo uu hagaaminayo Ismaaciil Cumar Geelle iyo wixii dhex maray ayuu xusayaa. Kulankii Golaha Ammaanka ayuu sidoo kale ka warramayaa, kulankaas oo Goluhu ku imaanayay Jabuuti ayna khudbad iyo doodo ka jeedinayeen isbahaysiga oo uu Sheekh Shariif hoggaaminayo iyo Cabdullaahi Yuusuf oo dawladda KM hoggaaminaya. Kulankii iyo dooddii Sheekh Shariif iyo safiirkii Golaha Ammaanka John Sawers oo markii dambe noqday Agaasimaha Sirdoonka Ingiriiska dhex maray xilligaas ayuu sidoo kale ka sheekeynayaa.  

Doorkii Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ee shirarkaas ayaan meesha ka marnayn iyagoo ahaa ciyaaryahannada ugu mugga weyn. Waxaa sidoo kale buugga ku xusan dhowr jeer oo khilaaf soo kala dhex galay isbahaysiga dhexdiisa.

Bixitaankii ciidamada Itoobiya oo heshiiska ay ku baxayeen dhanka isbahaysiga uu isagu u saxiixay ayuu xusayaa. Is-casilaaddii Cabdullaahi Yuusuf ayuu sidoo kale ka warramayaa iyo doorkii Aadan Madoobe oo uu sheegayo inuu caqabad ku hayay wada-hadalladii dib u heshiisiinta, inkastoo markii dambe heshiis ay Aadan Madoobe la galeen oo ahaa inaan xilkiisa lagula tartamayn uu aqbalay, shirkii Jabuutina kasoo qayb galay. Waxaa sidaas lagu doortay Sheekh Shariif. Doorashada Shariif waxaa olole xooggan u galay Cabdirixmaan iyo Shariif Xasan, waxayna isbahaysigu isku raaceen inaan cidi la tartamin. Magaabistii Raysal-Wasaaraha, dhinacyadii iyo raggii raadiyey, doodihii kala duwanaa ee la qabay iyo ugu dambeyntii sida ay ku timid magaabista Cumar Cabdirashiid ayuu si tafsiil ah u kala dhigdhigayaa. 

Intaas kadib, waxa uu qoraagu ka warramayaa magacaabistii loo magacaabey Wasiirka Qorsheynta, caqabadihii dawladda qabsaday oo ay ugu horreyso dhaqaale xumo. Loollankii Shariif Xasan oo Wasiirka Maaliyadda ahaa iyo Aadan Madoobe oo Guddoomiyaha Barlamaanka ahaa, isku saami-qaybsina ahaayeen. Ugu dambeyn wuxuu ka warramayaa ridistii Aadan Madoobe iyo soo bixiddii Shariif Xasan, doorkii Madaxweyne Shariif iyo is-casilaadii RW Cumar Cabdirashiid. Kahor is-casilaadda Cumar, waxaa is casilay Cabdirixmaan Cabdishakuur (oo ahaa Wasiirka Qorsheynta), wuxuuna sheegayaa sababaha shaqo-ka-tegistiisa, wuxuu si fiican u caddaynayaa in Madaxweyne Shariif oo ay saaxiibo ahaayeen dawladdana soo wada dhisteen uu hareer maray, taladii marooqsaday, go’aannadana uusan waxba ka siin oo keligiis iska qaadanayay, soona dhoweystey Ahlu-sunna oo gorgortanka siyaasadda aan horay ugu jirin. Kadib markii uu ku qanci waayayna isaga tagay xilkii, sidoo kalana isbahaysigii burburay sidii marba qof iyo koox looga tagayay ama ay uga baxayeen.

Intaas kadib wuxuu ka hadlayaa magacaabistii Maxamad Farmaajo ee Raysal-sawaaranimada iyo inuu rag uu isagu ku jiro ay hor istaageen ansixintiisa kana ololeeyeen, inkastoo markii dambe uu ka laabtay loollankaas kadib markii ay gogol u dhigteen beesha Marreexaan. Ansixintii Xukuummadda uu Farmaajo soo dhisay oo iyadana caqabado ka horyimaadeen iyo sidii Barlamaanka lagu mariyey ayuu ka hadlayaa.

Waxa uu qoraagu ku xijinayaa, si tafsiil ah oo cid runtii sidaas oo kale horay uga hadashayna aanan arag arrinta kiiskii badda iyo is-afgaradkii (MOU) Kenya lala galay. Cabdirixmaan madaama uu isagu saxiixay, xog-ogaalna u ahaa oo aysan cidna uga xog-rooneyn, waxa uu ka warramay dhammaan wixii la xidhiidhay kiiskaas iyo heerarka uu soo maray. Waana bidhaamin fiican oo faham kaa siinaysa arrintan muranka weyn dhalisay. 

Kadib, waxa uu qoraagu ku xijinayaa oo si fiican u lafa-gurayaa loollan iyo khilaaf dhex maray labada Shariif (Madaxweynaha & Guddoomiyaha Barlamaanka) iyo sidii lagu xalliyey, muddo kororsigii, doorkii Musevani & Mahiga ee shirarkii kampala la isla aaday oo ugu dambayn uu ka dhashay heshiiskii caanka ahaa ee Kampala Accord ee uu ku baxay Raysal-wasaarihii xilligaas Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.  

Intaas kadib waxa uu si kooban u taabanayaa shirweyne xilligaas ka dhacay UK uuna soo qabanqaabiyey RW David Cameroon ayna kasoo qaybgaleen dalal iyo ururro badan oo arrimaha Soomaaliya daneeya. Wuxuuna shirkaasi gogol-xaar u noqday hannaankii kala-guurka ahaa ee xilligaas iyo dhismaha dawlad cusub. Wuxuu taas ku xidhayaa dawladdii cusbayd ee dhalatay ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud. 

Galka Jubbaland iyo khilaafkii kala dhexeeyey dawladda Federaalka ayuu wax ka taabanayaa. Wuxuu kamid ahaa wafdigii wada-hadallada labada dhinac ee markii dambe isla tagay Addisababa halkaasna khilaafkooda lagu dhex galay, ugu dambeyna heshiiska laga gaadhay.

Wuxuu ka hadlayaa sidoo kale fursad la dayacay oo soo martay dawladdii Xasan Sheekh taasoo ay dawladda Ingiriisku ka shaqaynaysay sidii wada-hadal nabadeed u dhex mari lahaa dawladda iyo kooxda Al-shabaab, balse markii dawladda Soomaaliya laga waayay mowqif iyo ajande cad ay arrintii halkaas ku saqiirtay.  

Intaas kadib wuxuu ka hadlayaa bixintii Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidii uu ku tagay, raggii miiska lasoo saaray si ay u beddelaan iyo ugu dambeyn magacaabistii Raysal-wasaarihii xigay ee Cabdiweli Sheekh Axmed. Is-qabadkii Xasan iyo isla Cabdiweli iyo halka ay iskala qaadeen, iyo mooshin Xasan ka dhan ahaa ayuu sidoo kale taabanayaa. 

Waxaa sidoo kale buugga ku jira mawduuc uu cinwaan uga dhigey ‘ceeb iyo yaxyax’, waxa uu taabanayaa sida dadka Soomaalida gaar ahaan siyaasiyiintoodu u dulleysan yihiin markay timaaddo ajnabiga, ayna u kala tartamaan sidii ay isugu dacweyn lahaayeen. Wuxuu sidoo kale kaga hadlayaa iimaan darrida ruuxa siyaasiga ah ee Soomaaliga ah, isagoo soo qaadanaya tusaalayaal noolnool oo ku aaddan sida ay dheef kooban iyo xoogaa dhaqaale ah uga doorbidaan waxyaabo faa’iido weyn dadka iyo dalkaba u lahaan lahaa. Waa mawduuc muhiima oo aan aad u jeclaan lahaa in qoraagu aad usii ballaariyo, isagoo waaya-aragnimadiisa la kaashanayana uu dadka u tilmaamo maadaama aan mawduucaas laga hadlin oo indhaha laga dato. 

Waxaa xiga oo uu qoraagu ka hadlayaa isku-dayo dil oo uu tiro dhowr jeer ah ka badbaaday, kuwaas oo ay la beegsadeen kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab. Waxay weerarradaasu ka dhaceen goobo kala duwan, dhammaantoodna waa uu ka badbaaday. Waxaa la odhan karaa waa mid kamid ah adkaysiyada Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa xiga oo uu qoraagu si heer sare ah u sharraxayaa, kala dhigdhigayaana tartankii Madaxweynanimo, hankiisii iyo raadintii kursiga ugu sarreeya dalka oo uu isu sharraxay 2017 iyo isu-guurguurkii siyaasadeed ee xilligaas jirey. Wuxuu taabanayaa Musharixiintii xilligaas tartamaysay, dawlado saamiley (stakeholders) ahaa iyo doodo badan oo doorashada la xidhiidhay. Ugu dambeyn waxaa la doortay Farmaajo, wuxuu Cabdirixmaan ka warramayaa kulan dhex maray isaga & Madaxweynaha cusub iyo inuu raadiyey kursiga Raysal-wasaaraha. Magacaabistii Kheyre ayuu sidoo kale taabanayaa iyo sidii ay ku timid.  

Wuxuu intaas kadib si kooban usheegayaa Doodihii hordhaca u ahaa weerarkii isaga lagu qaaday. Dhiibistii Qalbi-dhagax ayuu sidoo kale wax ka taabanayaa, wuxuuna sheegayaa inuu ahaa siyaasigii ugu horreeyey oo si calan ah uga hor yimid arrintaas.

Waxaa xiga oo uu si heer-sare ah, cid sidaas uga warrantayna aanay jirin uga warramayaa xogta ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17 Dec 2017. Xog kasta oo la xidhiidha weerarkaas iyo cid kasta oo qayb ka ahayd si tafsiil ah ayuu Cabdirixmaan uga warramay. 

Wuxuu ku xijinayaa gaalaysiin lagu gabaday; Waa gaalaysiin qoraaga lagaga saaray xerada Islaamka. Wuxuu ka warramayaa xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysey in diinta laga saaro, isagoo ku tilmaamaya inaysan ahayn diin daafac ee ay ahayd arrin siyaasadeed oo lasoo maleegay, culimada intooda badanina ay u arkayeen fursad ay ku weerari karaan. Waxaa culimada gaalaysiisay ee uu xusay kamid ah Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo uu sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay ‘Eey’. Waa qodob xiiso leh oo buugga ku jira. 

Waxaa xiga oo halkaas ka bilaabanaya qoraal taxane ah oo arrimo kala duwan oo siyaasadeed ah. Wuxuu qoraagu ka warramayaa dhismihii isbahaysiga mucaaradka, sidii uu ku yimid iyo meelihii uu soo maray. Ridistii Xasan Cali Kheyre iyo keenistii Rooble ayuu sidoo kale taabanayaa. Wuxuu sidoo kale ka sheekeynayaa kulan markii ugu horreysey dhex maray isaga iyo Rooble oo markaas toddobaad xafiiska jooga.

Golihii Midowga Musharixiinta iyo shirarkii ay galeen ayuu ka hadlay. Wuxuu si fiican uga warramayaa weerarkii lagu qaaday bannaanbaxayaasha ee ay mucaaradku dhigayeen 19 Feb 2021, go’aankii taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John iyo isu-guurguurkii ciidan ee magaalada Muqdisho ka bilowday kaasoo u dhexeeyey dawladda iyo kooxdii mucaaradka ee Badbaado Qaran. Waa arrin sababi gaartay in dalku dib ugu laabto meeshii uu ka yimid, ayna mar kale Muqdisho martigeliso wixii ka dhacay 1991. Wuxuu muujinayaa in culeyskaas la saaray dawladda iyo cududdaas ciidan ay ku khasbeen in Farmaajo uu ka noqdo muddo-kororsigii Barlamaanku u sameeyey 12 April 2021. 

Ugu dambeyn waxa uu qoraa Cabdiraxman Cabdishakur buugga kusoo gabagabaynayaa ka-warranka raadintii uu raadiyey xubin Baarlamaan uuna ku guuleystey, sidii ay ugu dhalatay inuu raadiyo iyo caqabadihii kala duwanaa ee ka qabsaday. Wuxuu sidoo kale faahfaahinayaa geeddi-socodkii doorashooyinka, hardankii lagu jirey, olohihii kala duwanaa ee socday iyo aaraahdii la kala qabay. Waxaa magacyada ku jira ee soo noqnoqonaya kamid ah Cabdiraxmaan laftiisa, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, Siciid Deni iyo Rooble oo iyagu ahaa ragga saamaynta iyo ololaha laf-dhabarta u ahaa. Waa doorashadii is-jiijiid iyo buuq badan kadib ugu dambeyn loo muddeeyey inay qabsoonto May 15, 2022, halkaasoo lagu doortay inuu afarta sano ee soo socota dalka hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

AYIDAAD: MAXAAN KU RAACSANAHAY QORAAGA:

1. Wuxuu naqdinayaa go’aankii dawladda Soomaaliya ku qaadatay in ardeydu wax ku bartaan Afka Soomaaliga. Waxaan qabaa arrintaasu inay ahayd gaf laga galay ardeyda maadaama lagu khasbay inay wax ku bartaan luuqad aysan aqoonta adduunku ku qornayn, marka laga reebo buugta macallimiintu ka dhigayaan Iskuullada. Haddii aad maktabadda gasho culuumta kala duwan waxay ku qoran yihiin afafka qalaad sida Ingiriisiga, sidaas darteed qof aan Ingiriisi soo baran oo Afsoomaali wax kusoo dhigtay aad ayay ugu adag tahay inuu la jaanqaado aqoontaas mugga wayn. Maadaama aqoonta adduunku Ingiriisi ku qoran tahay, waa in ardeyda wax lagu baraa afka Ingiriisiga, luuqadooda Soomaaligana si gaar ahaaneed loo baraa.

2. Wuxuu qirayaa in markii rajiimkii mucangaga ahaa la riday, ay dhaceen gaboodfallo ay gaysteen reerkii Muqdisho ku adkaaday. Wuxuu odhanayaa: “Ma dareemi karin xanuunka, jabka iyo bahdilka ay la kulmeen dadkaas qabiilkooda la baacsaday, hablahooda la kufsaday, hantidooda la dhacay, dadkoodana la laayay.” Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay waxay USC ka geysatay Muqdisho kuna bartilmaameedsatay dad gooni ah gaar ahaan qabiilka Daaroodka waxay ahayd foolxumo naadir ah inay dunida ka dhacdo, oo waxaan odhan karaa waa xasuuq taariikhda ku xusan.

3. Wuxuu si aan gabasho lahayn u caddeeyey sida uu uga xun yahay tallaabadii gefka ahayd ee dawladdii kacaanku ku weerartay gobollada Waqooyi Galbeed, dad rayid ah oo aan waxba galabsanna ku laysay. Wuxuu isku xidhayaa dhacdadaas loo gaystay walaalaha Somaliland iyo isla dhacdadii oo ay iyaguna 30 sano kadib ka geysteen Laascaanood. Waxa uu leeyahay: “Waxaa la odhan karaa awoodda ciidan ee rajiimkii kacaanka iyo maamulka Somaliland ayaa kala yarayd, laakiin maquuninta iyo awood sheegadka waxay ahaayeen isku mid.”

4. Waxa uu qoraagu caddaynayaa mawqifkiisa ku aaddan dhiibistii halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), si wanaagsan ayuuna uga hadlayaa. Waxaan ku raacsanahay qoraaga in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd khayaano qaran (National Treason) oo ay ku kacday dawladdii xilligaas jirtey. Waxay meel uga dhacday sharafta iyo cirdiga qofka Soomaaliga, waxayna iyagoo nafis raadinaya go’aan xukuumadeed ku soo saareen in ONLF ay tahay argagixiso, waxayna ahayd gaf kale oo ay galeen. Waa ma-hadho meel kaga qoran sooyaalka Soomaalida.

5. Cabdirxmaan waxaa lagu sameeyey sumcad-dil (Character assassination) iyo beegsi tiro badan. Waxaa ugu weyn weerarkii lagu qaaday 17 Dec 2017, laguna dhaawacay isaga, 5 kamid ah ilaaladiisana lagu diley, wuxuu ahaa weerar bahalnimo ah iyo is-miidaamin aan laga fiirsan. Qofka muwaadinka ah waxa uu leeyahay xuquuq tiro badan oo lama taabtaan ah oo uu siinayo dastuurku, haddii qofka lasoo eedeeyo oo wax lagu tuhmana waxaa loo maraa hannaan caddaaladeed oo sharcigu jideeyey. Balse in habeen madow qof gurigiisa loogusoo dhaco oo lagala baxo waa dhaqan aan fiicnayn oo waddanku ka daalay, keligii-taliskuna isticmaali jirey. Waxay ahayd dhacdo bar-madow ku ah raggii hawshaas ka shaqeeyey oo iyagu aan ahayn hal qof balse ahaa koox isku xidhan oo hawlgalkaas wada fuliyey, magacyadooda xiiso badan looma qabo oo waa la wada yaqaan, buuggana waa ku xusan yihiin.  

6. 19 Feb 2021, waxaa xabbad loo adeegsaday koox bannaanbaxayaal ah oo mucaarad ah kuwaasoo ahaa horweynta siyaasadda Muqdisho ayna ku jireen dad madax dalka kasoo noqday, kuwaasoo doonayay inay qabtaan mudaharaad loogasoo horjeedo muddo-kororsigii ay dawladdu samaysatay. Dawladdu waxay adeegsatay rasaas nool-nool waxayna khatar gelisey amniga muwaadiniin Soomaaliyeed oo keliya un ka aragti duwanaa. Waxay ahayd qar-iska-xoornimo iyo tallaabo laga baaqsan karay in dad rayid ah loo adeegsado ciidankii Qaranka, waxayna muujinaysay qayb kamid ah mas’uuliyad darradii Madaxweyne Farmaajo iyo sida ciidanka loogu adeegsanayay arrimo siyaasadeed iyo in dadka lagu muquuniyo. Mudaharaadka, isu-imaatinka, xorriyatul-qowlka iyo cabirka ra’yigu waxay ka mid yihiin xuquuqaha asaasiga ee muwaadinka, waxaana dammaanad qaadaya dastuurka KMG ee Somaaliya.

Waxaa isoo jiitay sadaro kamid ah buugga oo uu qoraagu arrimahaas kaga faalloonayo. Waxa uu leeyahay: “Intii aan siyaasadda ku jiray waa markii iigu horraysay ee aan arko irdaha taliska xukunka haya iyo kuwa mucaaradka oo kala xiran. Siyaasadda Soomaaliya si kasta oo loo kala ra’yi duwan yahay albaabbadu way isu furnaayeen oo waa la wada hadli jiray, laakiin kooxdii Farmaajo waxay la keli ahaayeen in ay taladu laba qof oo keli ku koobnayd oo dadkii intiisii kale oo idilna irdaha ka ooteen.” 

NAQDIN: MAXAAN UGASOO HORJEEDAA QORAAGA: 

1. Si lamid ah qorayaal badan oo taariikhda Soomaalida wax ka qora oo caan ku ah inay qoraalladoodu dhinac ka raran yihiin, waxaa muuqata in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu wuxuun dariiqaas kamid ah raacay. Wuxuu kala xigsanayaa dawladihii qaarkood, tusaale ahaan wuxuu si aad iyo aad ah u xaqirayaa dawladdii Cabdulaahi Yuusuf ee lagusoo dhisay Mbagathi, wuxuuna ku tilmaamayaa ‘Dawlad-ku-sheeg lasoo dhoodhoobay.’ Taas beddelkeeda, wuxuusan waxba ka sheegayn dawladihii lamidka ahaa ee ay kamid tahay tii Carta lagu dhisay ee Cabdiqaasim.

Waxaa markaan halkan marayay igusoo dhacday Aayad ku jirta Suuradda Maa’ida (5:8) oo uu Alle kaga hadlayo caddaaladda:

(وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى)

(Yaanay idinku xambaarin naca iyo cadhada aad qoom u haysaan inaydnaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhow cabsida iyo dhowrsashada, e)

[Haddii aad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato waxa uu ka aaminsanaa dawladdii Cabdullaahi, waxaad akhrisaa war-saxaafadeedyadii saddexda shir ee qurbajoogta oo runtii u muuqday kuwa lagu gaboodfalay. Waxay sheegayaan inaysan aqoonsanayn dawladda ayna tahay in dawlad kale la dhiso, dhinaca kale beesha Caalamka waxay ugu baaqayaan inaan wax taageero dhaqaale ah la siin dawladdaas].

2. Cabdirixmaan waxa uu qoraalkiisu u dhacayaa lagana fahmi karaa in Ethiopia oo si weyn u taageereysey dawladdii TFG-da ee Cabdullaahi Yuusuf inay ahayd cadawga ugu weyn ee Soomaaliya, halka dawladda Eritrea oo martigalisay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii looga soo horjeeday TFG-da ee lagu asaasay Isbahaysiga, ay tahay dawlad Soomaaliya hormarkeeda ka shaqaynaysay. Dabcan Eritrea Soomaaliya kheyr uma hayn wax wanaagsana weligeed uma qaban, balse waxay ka faa’iidaysanaysay is-haynta ay Ethiopia is hayaan oo cadawga isku yihiin. Waa gaf kale oo lagu khaldayo ra’yul caamka.

3. Marka laga soo tago Maxamad Siyaad iyo xukunkiisii oo arrin lagu muransan yahay (Controversial) ah, Cabdirixmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u durayaa Maslax Maxamad Siyaad oo la tartamay uuna xilka madaxtinimo uga guuleystey Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna leeyahay ‘wuxuu helay codadka dad caraysan’. Wuxuu isweydiinayaa su’aal ah sidee nin caynkaas ah, aabihiisna 21 sano waddanka ka talinayay, masraxa ugusoo noqon karaa una sigi karaa kursiga ugu sarreeya ee dalka. Waa dood aan odhan karo dhinac bay ka raran tahay oo waa lagu gaboodfalay. Maxlax miyaanu ahayn muwaadin Soomaaliyeed xaqna u lahayn in la doorto? waxaa kaloo is weydiin leh sidee dambi ama eedo qof laga tabanayo dusha looga saari karaa qof kale. Qur’aanka meelo kala duwan ayuu Alle ku sheegay inaanay nafna xambaarayn dambiga naf kale. Runtii waxaan odhan karaa oo qalinka qoraaga laga dhadhansan karaa sida uu u janjeero (biased), una iishay.

4. Sida Cabdirixmaan sheegay, markii Shariif la doortay dadkii kursiga Raysal-Wasaaraha raadiyey waxaa kamid aha Siciid Deni oo iminka Puntland Madaxweyne ka ah oo ay taageerayaan Jabuuti iyo Faroole oo Madaxweyne Puntland ka ahaa xilligaas. Qoraagu wuxuu sheegay inay Deni iyo isagu saaxiibo ahaayeen oo is yaqaaneen, marna waddanka Malaysia ay wada joogeen; Siciid Deni oo raadinaya kursiga Raysal-Wasaaraha ayaa u yimid wuxuuna ka codsaday inuu dhiso oo kursiga la raadiyo. Cabdirixmaan way isla qaateen, mar uu Shariif Xasan weydiiyey cidda uu dhisayo wuxuu u sheegay inuu yahay Siciid Deni. Balse Cabdirixmaan ballantii waa uu uga baxay Siciid Deni, waxaana mawqifkiisa aad u saameeyey sida qoraalkiisa laga fahmi karo Shariif Xasan. Markii dambe Shariif Xasan iyo Cabdirixmaan oo wada socda waxay ergo ahaan ugu tageen Madaxweyne Sheekh Shariif iyagoo ku riixaya inuu magacaabo Cumar Cabdirashiid. Cabdirixmaan si cad uma sheegayo inuu ballantii Siciid Deni ka baxay, waxa ku kallifay iyo wuxuu ku beddeshay, balse si fudud ayuu isku baddalay. Ku darso, oo, anigu taageero iyo ku- siyaasad midna ma ahi Siciid Deni, balse waxaan ka eegay dhinaca heshiiskii ay wada galeen iyo ballan-ka-buxu meeshuu Muslimka ka taagan yahay, inkastoo siyaasaddu wajiyo iyo isbedbeddel badan oo aan macne weyn ku dhisnayn leedahay.  

5. Inta aanay isku dhicin Cabdirixmaan Cabdishakuur iyo Farmaajo kahor, waxa uu Cabdirximaan dagaal siyaasadeed oo indho la’aan ah la galay Farmaajo. Markaan sidaas leeyahay maaha ta’wiilkayga ee waxa ay ku qoran tahay buugga. Markii RW loo magacaabayay Farmaajo, Cabdirixmaan waxa uu sheegayaa inuu si weyn uga horyimid oo u diiday ilaa markii dambe ay la fariisteen oo gogol u dhigteen odayaal beesha Mareexaan ah. Waxa uu qoraagu arrintaas sabab uga dhigayaa in Farmaajo uu dalka ka maqnaa muddo 20 sano ah oo uusan waddanka joogin. Dabcan dooddaasi waxay ila noqotey dood raqiis ah oo aan mug lahayn lana daliishan karin, sababtoo ah dadka waddanka xilalka ka qabtaa maanta waxaa ugu badan waa dad qurbaha ka yimid oo baasabooro ajnabiya wata, qoraaga laftiisa ayaa sharci Ingiriis ah wata. Waxaa ila qummanayd in qoraagu keeno qodob muhiima oo uu ku diiddan yahay Farmaajo. Markii dambe ee ay madaxtinimada u wada tartameen labadooduba 2017, waxa uu Farmaajo u durayaa si ka duwan sida uu u abaarayo musharixiinta kale. Wuxuu odhanayaa waa nin 6 bilood keliya RW ahaa, dalkana aan waxba horay ugusoo qaban oo markaas dadka ugu horreysey, waxaana lagu shaabadeeyey waddani dal jecel, halka aniga, hebel iyo hebel oo wax soo qabanay, halgana soo galnay naloo arkayay dad aan wanaagsanayn.

Anigu wax qarsoon oo labada nin u dhexeeya ma ogi, balse sida daahirka ka muuqata ee aan arki karnaa waxay tahay in Cabdirixmaan dagaal gaamuray oo soo jireen ah kala dhexeeyo Farmaajo (dabcan beegsigii iyo weeraradii lagu qaaday Cabdirixmaan ee lagu beegsaday, waxaas oo dhacdooyin ah oo dhan waa ay ka dambeeyeen oo iskuma xidhna, qormadan dhexdeeda ayaana ku sharraxay inaanan raali ka ahayn iyo waxa ay ka dhignayd intaba).    

GEBOGEBO:

Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu kamid yahay dadka ugu aqoonta badan ee ku jira siyaasadda Soomaalida haatan, shaqsiyan wuxuu kamid yahay dadka aan teegeerada weyn u hayo. In qofka siyaasiga ahi uu qoro buug uu kaga hadlayo taariikhdiisa iyo waaya-aragnimadiisa siyaasadeed waa wax ku yar ama ugub ku ah Soomaalida dhexdeeda oo bogaadin mudan, waana dariiq cusub oo Cabdirixmaan u jeexay waaya-aragga siyaasadeed. Waxaan rajaynayaa inay kaga daydaan siyaasiyiinta kale oo iyaguna ay bulshada wax u reebaan. Madaxda caalamka sida kuwa reer Galbeedka, waxay hoggaamiyayaashu qoraan xusuus-qorro ay kaga warramayaan waaya-aragnimadoodii iyo wixii ay la kulmeen intii ay xafiiska joogeen, waxayna taasi iba-fur u noqotaa cid kasta oo rabta inay cilmi baaris samayso sida bahda akadeemiyada, ardeyda, jaamacadaha, xarumaha cilmi-baadhista IWM. Dhinaca kale waxaa badbaadda taariikh si fudud u dhumi lahayd oo la keydin karo, waana mid kamid ah faa’iidooyinka ugu weyn ee qoraalka laga dhaxlo.

Qofka qoraaga ahi, ra’yigiisa, sida uu wax u dhigayo, waxa uu jecel yahay iyo waxa uu neceb yahay waa wax isaga u gaar ah, waana in lagu ixtiraamo fikirkiisa; balse wixii uu dadka u qoray waa in la akhriyo, ciddii markaas wax ka qabtana si hufan oo caqliyeysan u naqdiso. Si gaar ah dadkeena Soomalidu ma gaadhin heer ay qofka ra’yigiisa ku tixgeliyaan, inta badanna ma aqbalno qof naga ra’yi duwan oo waan weerarnaa.

Ugu dambeyn, waxaan qof kasta oo siyaasadda iyo sooyaalka dawladnimo ee Soomaaliya daneeya kula talinayaa inuu akhriyo buuggan oo runtii xambaarsan xog tiro badan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa. Waa buug si kala duwan kuu tusaya intii u dhaxaysay

W/Q: Sharmarke Caydaruus Cismaan
May-2025, Garowe-Puntland-Somalia
© Sharmarke A. Osman
BA, LLB, MA
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Guuleed oo shan arrin oo xasaasi ah kala hadlay Xasan Sheekh – Dhambaal furan

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray ‘dhanbaal furan’ oo ku wajahan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo taabanaya guud ahaan xaalka dalka, gaar ahaanna dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashada, midnimada iyo wadajirka bulshada.

Dhambaalkaan oo labo bog ah ayaa ka kooban shanta qodob ee kor ku xusan, Hoos ka akhriso isagoo dhameystiran:

Mudane madaxweyne iga guddoon dhambaal isugu jira salaan, talo saaxiibtinimo, talo odayeed iyo mid Soomaalinimo, oo taabanaya guud ahaan dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashada, midnimada lyo wadajirka bulshada.

Anigoo ka mid ah saaxiibada kuugu aqoonta badan dadka siyaasadda ku jira maanta, wax badana xeerinaya. hadana zaalka uu maanta dalku ku jiro fasax iima sinayo inaan indhaha ka gabsado, oo aan sugo inta ay wax walba ka baxayan gacanta Soomaalida.

Mudane madaxweyne markii dib laguu doortay bishii May 2022, waxaad nogotay burburkii kadib madaxweynihii ugu horeeyay ee hela taageerada dhammaan hormuudka siyaasadda, kalsoonida saaxiibada Caalamka iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed. Waxaad dhaxashay citdan ilaa xad dhisan, waxaad heshay gabaa il diyaar u ah iney argagixisada kula jabiyaan, waxaad kusoo aadday marxalad uu dhaqaalaha dalku ficanyahay, dadkuna ay Dowladnimada u bislaadeen.

Shanta maamul gobolleed waxay dhammaan aqballeen iney si buuda kuula shaqeeyaan, waxaana nasib u heshay in xildhibaannada labada Agal ee Baarlamaanku heeggan kuu ahaayeen, kuna garab istaageen, laakiin waxaas oo fursad ah maanta waxba kama heysid, qaarkoodna gacantaada iyo go aannada aan ka firsiga laheyn ayey ku baxeen Kuna burbureen.

Haddaba anigoo ka duulaya arimaha kor ku xusan waxaan mudane kuusoo jeedinaya dhowkaan arrimood ee hoos ku xusan, anigoo wali wax kuu hambeynaya:

1. Amniga.

Marka la eego tirada cidanka u diwaangashan Dowladda Federaalka ah, ma’aheyn in loo baahdo ciidan qabiil.

Ku dhawaad 70 kun 00 askari oo dawladdu mushaar siiso waa ku filantahay iney ka adkaato argagixisada, oo ay dalka xasilyan, lana wareeggan amniga guud, oo laga maarmo cidamo shiisheeye. Laakiin maamul xumada ciidanka, fara-galinta joogtada ah, musuqa iyo daryeel xumada heysata ciidankeena ayaa keentay iney dagaalami waayaan, oo ay argagixisaddu dib u gabsato deegaano badan oo muhim ah.

Waxaan kugula talinayaa mudane madaxweyne si mudada yar ee kuu hartay loo gaaro guullo amni, inaad aaminto ciidanka Qaranka, oo aad iyaga galiso wagti, tayeyn, kalsooni dhisid iyo inaad hoggaanka ciidanka u madaxbaneyso shagadooda.

2. Doorashada

Tan iyo shirkii Carta ee sanadkii 2000, dalka kama dhicin doorasho aan heshiis lagu aheyn, waana lagu wada qancay dhammaan natijooyinkii ka dhashay doorashooyinkaas.

Dariiga aad hada kuwado doorashada ee ku saleysan loo joojin maayada ma tago ceel nabaddeed, mana ku hanan kartid xukun iyo sumcad toona.

Doorashadii aad gabatay sanadkii 2017 waxay kuu goysay sumcad iyo inaad xukunka mar labaad kusoo laabato, laakiin doorashada halka dhinac ah ee aad haatan ku mashquulsantahay waxay dalka galin doonta fowdo amni, firaaq maamul iyo in ummaddu sii kala foggaato, taladuna ay ka baxdo gacanta Soomaalida.

Waaan kugula talinayaa mudane madaxweyne inaad waaqica usoo labato, doorashada dheda soo dhigto,

hormuudka siyaasadda kaalintooda siisid, nooca doorashada iyo wagtiga laga heshiiyo, adigana hadii un damac kugu haray aad nasiibkaaga tijaabiso. Sidoo kale waa inaad fasaxaa doorashada Dowlad-gobolleedyada ee aad hor istaagtay.

3. Siyaasadda.

Xasilooni-darada siyaasadda ee maanta ka jirta dalka waxay awood cusub siisay argagixisada, waxayna halis galineysaa jiritaanka Dowladnimadii lagu mideysnaa. Damac shaqsi ah in loo dumiyo dal iyo Dowlad-dhisan lama aqbali karo.

Hanaanka loo badalay dastuurkii dalka wuxuu dhaliyay xasilooni daro siyaasaddeed iyo maquaanshaha Puntland iyo Jubbaland.

Qaabka sharci-darada ah ee loo xaraashayo dhulka danta-guud waxay kala fogeeysay Dowladdii iyo shacabkii. Habka loo maareeyay heshiisyada kheyraadka waxaa ka dhashay kala shaki siyaasaddeed iyo mid bulshoqq.

Baarlamaankii waa la macno tiray, xukuumadii waa la daciifiyay, mucaaradkii madaniga ahaana waxaa laga dhigay dambilayaal Qaran.

Mudane madaxweyne ma tihid gofkii laga filaayay inuu sidaan u dhaqmo. Si loo helo awood mideysan oo siyaasaddeed, bulsho Dowladda raacsan, iyo cudud u babac dhigi karta argagixisada waa inaad madaxweyne deg deg u damisaa dabka aad ku shiday siyaasadda, oo aad abuurto jawi xasiloon oo siyaasaddeed.

4. Midnimada.

13kii sano ee lasoo dhaafay waxaan ku mashquulsaneyn sidii loo daaweyn lahaa walaallaheen reer Somaliland loona dhayi lahaa boogihii hore, dibna loogu soo celin lahaa midnimadii dalka, laakiin maanta ma joogto Waqooyi iyo Koonfur ee waxaa halis ku jirta midnimada intii horey u wada joogtay.

Dhinaca Somaliland mudadii sanad iyo barka aheed ee lasoo dhaafay waa lasii foggeeyay, laakiin inta laga helaayo nidaam Dowladdeed oo karti uleh inuu tabashada reer Somaliland xaliyo, waxaa nala gudboon in aan ilaalino midnimada inta kale.

Mudane madaxweyne midnimada dalku waa mugadas, mana u muuqdo nidaamkaagu mid taas mudnaan siinaya, sidaa darteed waxaan kaa codsanaya inaad ilaaliso midnimada Koonfurta oo aad la heshiiso maamullada khilaafku kaala dhaxeeyo, si ugu yaraan loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka inta haatan is ogol

5. Dhibaatada Shacabka.

Dalku wuxuu maanta marayaa dhaqaale ahaan halkii ugu adkeyd mudo toban sano ah. Shacabkii waxaa ku dhacay rajo beel, lacagtiina waray gashay gacmo kooban, mashaariicdiina waxaa si musuq ah ku qaatay dad Doivladda ka tirsan.

Sida ii munqata nidaamkaagu wax aragti ah kama lahan dayaca dhaqaale, midka ammiga iyo rajo beelka shacabka, laakiin waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo, mar walba oo ay dadku gaajoodan waxaa ka faa’iideysata argagixisada, oo qiimo jaban ciidan uga dhigataan dhalin iyo carur badan oo Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne waxaan kuusoo jeedinayaa in waqtiga yar ee kuu dhiman inaad shacabka dhuunta u goyso, xubnaha Dowladdaada ganacsiga ka saartid, mashaariicdana aad tartan furan galisid.

Waxaan kuu rajeynaya inaad baraaruggi doontid, talooyinka dhageysan doontid, talada dalka dhulka dhigi doontid, dalka iyo dadkana u turi doontid.

Mahadsanid

Abdikariin Xuseen Guuleed.

Madasweynihii hore ee Galmudug.

Daawo: Fiqi oo farriin adag u diray Sheekh Shariif “Kaalay Afarta Tuulo Shabaab ka xoreyso”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa toos u weeraray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, isagoo ugu baaqay in dagaalka uu soo galo oo Afarta Tuulo uu Shabaab ka xoreysto.

“Adeer deegaankaagii ayaa la heystaa ee safka hore soo istaag, Xildhibaan ayaa tahay ee kaalay dagaalka soo gal, dadkaagii ayey Khawaarij ka qoraneysaa ciidan u dagaalama, siyaasigii iyo xildhibaankii deegaanka waa adiga, hadii aadan dagaalka soo gelin oo bulshadii deegaanka aadan la hadlin oo ciidanka iyo dowladda aadan horkicin, sidee deegaankaagii loo xoreynayaa?” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Sidoo kale, Fiqi oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay ogyihiin siyaasiyiin qandaraas ka soo qaatay dalal shisheeye, kuwaas oo oa soo horjeeda dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaa siyaasiyiinta qaar ka halaabay habdhaqanka siyaasadda, qaarkood inay ciidanka caayaan oo dhahaan ma dagaalami karaan iyo waa burburay ciidankii ayey u maleeyaan inay Xasan Sheekh caynayaan,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi oo aad u amaanay ciidamada macawiisleyda ah ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ku eedeeyey inay cumaaradnimo ka dhex raadinayaan sida dowladda federaalka ay garab iyo muhiimad gaar ah u siineyso Macawiisleyda.

“Qofkii naga xishoo waaya oo banaanka iskeena waan feydeynaa anaga, waana sheegeynaa waxa uu ku dhaqmayo,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa Xildhibaanada ugu baaqay in hadii ay adeegyo bulsho gaarsii waayaan deeganaada laga soo doortay aysan dadkooda ku fiirsan Al-Shabaab oo ay ka xoreeyaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh maanta ku soo arkay wasaaradda Gaashaandhigga?

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka, gaar ahaan xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.

Xogta kulan xasaasi ah oo Jabuuti ku dhex-maray Somaliland, France iyo Ethiopia

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogay dalka Djibouti ayaa waxa uu kulan xasaasi ah la yeeshay Safiirrada dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd is xog-warrysi guud oo la xiriira xaaladda gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay. Madaxweyne Cirro waxa uu Danjirayaasha Waddamada Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska si gaar ah ugala hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:

Ka wada-shaqaynta arrimaha amniga gobolka iyo xoojinta iskaashiga xasiloonida Geeska Afrika iyo xallinta khilaafaadka ka jira gobolka, isaga oo sheegay in ay Somaliland door muhiim ah ku leedahay arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu saddexda Danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, iyo kobcinta mashaariicda kaabayaasha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.

Mudane Cirro waxa uu Danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xiriirka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Somaliland, gaar ahaan waddammada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu wakiilo ku leh Somaliland.

Ugu dambeyntiina wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku boorriyey dowladda Faransiiskana in ay Somaliland ka furtaan xafiis/safaarad.

Sanbaloolshe oo kulan xasaasi ah la yeeshay saraakiisha ku sugan furinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xaq-u-Dirirka deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta amniga iyo howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb-galay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in si isku duuban looga hortago Shabaab, lagana xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojineyso dagaalka Al-Shabaab, si loo dardar-galiyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda. Taliyaha NISA ayaa haatan dadaal badan ku bixinaya howl-gallada socda.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo dagaallo qaraar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ciribtiro kooxda.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maalin kahor ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Fariinta cajiibka ah ee Wasiir Mukhtaar ROOBOW u diray wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa farriin cajiib ah u direy saaxiibadiisa Golaha Wasiirrada.

Farriintan ayaa kusoo beegantay kadib markii si rasmi ah loo furay dhismaha cusub ee wasaaradda, kaas oo lagu dhisay dadaal dadweyne, iyada oo aan la sugin wax taageero caalami ah.

Munaasabadda furitaanka dhismahan cusub ayaa dhacday 20-ka May, 2025, waxaana xariga ka jaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhismahan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee si buuxda ay dadweynaha iyo maamulka wasaaraddu iskood u dhistaan tan iyo burburkii dalka, taasoo muujinaysa horumar muuqda oo la taaban karo.

Dhismuhu waxa uu bilowday dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxaana uu noqday mowduuc si weyn uga dhex muuqday hadal haynta bulshada. Dadweynuhu waxay si gaar ah ugu bogeen talaabada ay qaadeen madaxda wasaaradda, iyaga oo ku dhiirrigeliyay in hey’adaha kale ee dowliga ah ay ku daydaan oo aysan sugin taageero dibadeed oo had iyo jeer la’eg.

Wasiir Roobow oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka ayaa si cad u muujiyay in xitaa marka dhaqaalaha la haysto uu yar yahay ay suuragal tahay in wax la qabto haddii la helo hufnaan, aqoon iyo niyad wanaag. Wuxuu u diray fariin toos ah wasiirrada kale ee Xukuumadda, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay ku daydaan nidaamka shaqo ee ay hirgeliyeen.

“Waxaan hubnaa haddii dhaqaalo yaraantayna dhaqaalayn lagu daro in aan wax badan xaqiijin karno,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo muujinaya in dadaalka, kartida, iyo ujeeddo wanaagga ay ka muhiimsan yihiin sugitaanka kheyraadka dibadda.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Wasaaradda Awqaafta dadaalka ay muujiyeen, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay calaamad muujinaysa isku-tashiga shacabka iyo dowladda. Wuxuu sheegay in horumarka noocan ah uu lagama maarmaan u yahay dhisidda dowlad tayo leh oo bixisa adeegyo bulsho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale faray wasaaradaha kale in ay ka qaataan tusaale fiican Wasaaradda Awqaafta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xilligan aysan jirin cid dibadda ah oo u dhisaysa, balse looga baahan yahay in ay iyagu naftooda wax qabsadaan.

Tallaabadan muhiimka ah ayaa loo arkaa mid albaab u fureysa kobaca isku-tashiga guud ee ummadda, xilli ay yaraadeen deeqihii dhaqaalaha ee beesha caalamka ay siin jireen dalalka soo koraya, taas oo sabab looga dhigay musuq-maasuqa iyo hufnaan darrada hay’adaha ka shaqeeya horumarinta. Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid qaadaysa tallaabo cusub oo ku saleysan kartideeda gudaha.

Xogta Shabaab-kii u badnaa oo lagu laayay saddex gobol + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysay gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gal qorsheysan oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ayay ku soo bandhigeen hub tiro badan oo ay ka furteen cadowga, taasoo muujineysa kartida iyo xirfadda sare ee ciidamada Kumaandoosja u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Saraakiisha horkacaysay hawl-galkan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Shabaab, taas oo qeyb ka ah illaa 120 xubnood oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dagaalka ka socda saddex gobol.

Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen qaar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay sawirro caddeynaya khasaaraha ay gaarsiiyeen cadowga, kuwaas oo ay ka mid yihiin meydadkii la dilay iyo godadkii ay ku dhuumaaleysan jireen oo gebi ahaanba la burburiyey.

Ciidanka Danab ayaa weli sii wada hawl-gallada lagu baacsanayo firxadka kooxda Khawaarijta, iyagoo si buuxda ula wareegay deegaano muhiim ah oo horey gacanta ugu jiray argagixisada. Goobahaas ayaa hadda ah meelo nabdoon oo ay si buuxda u sugan yihiin ciidamada qaranka, taasoo astaan u ah horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ciribtirayso kooxaha Khawaarijta, waxaana lagu guuleystay in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilo in ka badan 120 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka kooxda.

Si kastaba, Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si buuxda isugu duuban sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga, loogana dhigi lahaa meel ammaan iyo xasillooni leh.

QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda Soomaaliya – Maxaa soo kordhay?

0

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa mar kale soo saartay digniin culus oo ku socota Soomaaliya, taas oo ka dhalatay xaaladaha haatan soo kordhigay.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka argagixisada, Ben Saul ayaa soo jeediyay digniintan cusub, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay beesha caalamka.

Ben Saul ayaa si adag uga digay in caalamka uu joojiyo amaba yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, xilli ay wajaheyso xaalad amni oo cakiran iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in taageerada beesha caalamka oo isugu jirto mid dhaqaale, tababar ciidan iyo garab siyaasadeed ay weli muhiim usii u tahay Soomaaliya, si ay usii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha amniga dalka.

Khabiirka sare ee u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dhaq-dhaqaaqa gudaha ee ay waddo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in weli ay muuqato awoodda kooxdan oo dagaal kula jirto ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in si aad ah looga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo ee la doonayo in lagu yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, isaga oo carabka ku goday inay khatar gelin karto guulihii horay laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu sii laba kacleeyay dagaalka Al-Shabaab, kaas oo marxalad cusub galay, kadib markii ay kooxdu qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda wadda abaabul culus oo looga hortagayo Al-Shabaab, sida uu ku dhowaaqay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

“Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso, Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan – deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab + Sawirro

0

Moqokori (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa xalay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle kulan gaar ah kula yeeshay degmada Moqokori, isaga oo kala hadlay xoojinta halganka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sidoo kale agaasimaha NISA ayaa odayaasha u la kulmay uga mahadceliyay sida ay door muuqda uga qaateen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta.

Waxaa kale oo uu ka ballan-qaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh, si uu usii socda dagaalka, loona soo afjaro argagixisada.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa agaasime Sanbaloolshe uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Al-Shabaab, kana difaacday deegaankooda.

Odayaasha ayaa sidoo kale si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo dagaallo qaraar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maalin kahor ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Trump iyo Netanyahu oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib toogashadii loo gaystay…

Washington (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho goordhow lamaane Israa’iiliyiin ahaa loogu gaystay banaanka madxafka Israa’iil ee Washington, waxayna kala yihiin Yaron Lischinsky iyo Sarah Milgram..

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo jawaab deg-deg ah soo saaray ayaa sheegay in uu “aad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ku saleysan”, waa sida uu hadalka u dhigay, xili uu ka hadlayay dilka labada qof ee Israa’iiliyiinta ah loogu geystay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu dhanka kale farriin tacsi ah u diray qoyska dhibbanayaasha toogashada lagu dilay xili ay ka soo baxayeen madxafka Israa’iil oo ku yaala Washington.

“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Netanyahu.

Safiirka Israa’iil ee Mareykanka, leiter, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku wargeliyay in mamulkiisa ay sameyn doonaan wax kasta oo lagula dagaallamayo yahuud naceybka.

Dhinaca kale, Booliiska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Elias Rodriguez, oo ka soo jeeda magaalada Chicago, kaas oo ay sheegeen inuu yahay qofka keliya looga shakisanyahay toogashada inuu geystay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay uu “qirtay in uu dembiga geystay” isla markaana uu ku dhawaaqayay ereyo ah “Falastiin oo xor ah”, isagoo xabsiga ku jira.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cambaareeyay dilka, isagoo barta uu aasaasay ee Social truth soo dhigay qoraal uu dhacdadan ugu tilmaamay mid “ku saleysan yahuud naceybka”

Sidoo kale wuxuu sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.

“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay. Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas.

Isha: BBC

Daawo: Mucaaradka Hawiye oo ku heshiiyay taageerada hal musharax + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in mucaaradka Hawiye ay ku heshiiyeen hal arrin oo xasaasi ah, lana xiriirta doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee mucaaradka, wuxuuna sheegay inay gaareen heshiis la xiriira awood qaybsiga dalka, si ay ugu galaan doorashada 2026.

Sheekh Cismaan Barre ayaa shaaca ka qaaday in weli dalka wax lagu qabsado nidaamka 4.5, isla-markaana heshiiska lagu saleeyay hab beeleed ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkan waa qabiil, waana 4.5 madaxtinimada kursigaas laba beelood ayaa inta badan, walow ay dastuuri ahayn isku bed-bedasho, haddii aan afka ku dhufto waa nimanka la yiraahdo hawiye iyo daarood” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska cusub ee mucaaradka hawiye gaareen uu yahay inay dhisaan musharrax beesha Daarood ah, kadibna iyaga ay qaataan xilka ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan waxa uu tilmaamay inay keentay rajo xumo ay ka qaadeen tartanka iyo doorashada soo socota, ayna hadda ay qorsheeyeen in halkaas musharrax ay dhistaan.

“Hadda mucaaradka hawiye go’aan ayay gaareen waa xisaabtameen waxa ay is yiraahdeen Soomaali wayn idin ma dooranmeyso, sidoo kale ma jiro baarlamaan aan cod ka heleysaan hadda waxay u xuubsiibteen inay mukulaal madow dad ka noqdaan oo ay yiraahdaan aniga ra’iisul wasaare iga dhig” ayuu mar kale yiri Sheekh Cismaan Barre.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay xubnaha mucaaradka inay gacan saar la leeyihiin dalal shisheeye, ayna mar kasta u gefaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobollada.

“Qodobka xiga niman shisheeye oo dalal Carbeed u badan ayay u shaqeeyaan, maalin walba waxaa lasoo faraa inay caayaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada”. ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka 2026, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod weli diidan maamul-goboleedyada Jubaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka dalka.

HINDIYA oo ka walaacsan qorshe Turkiga uu ka wado gudaha Soomaaliya – Warbixin

New Delhi (Caasimada Online) – Warbixin dhowaan lagu daabacay India.com ayaa ka digtay hamiga sii kordhaya ee Turkiga ee Geeska Afrika, gaar ahaan qorshihiisa lagu dhisayo saldhig hawada sare ah (spaceport) gudaha Soomaaliya.

Horumarkan ayaa si dhow loola socdaa gudaha Hindiya, halkaas oo ay ka jirto cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan saameynta sii kordheysa ee Ankara ku yeelaneyso Badweynta Hindiya—gaar ahaan marka la eego xiriirka dhow ee ay la leedahay Pakistan.

Walaacyadaas waxay ka dhasheen taageeradii dhawaan Turkigu u muujiyay Islamabad xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Hindiya iyo Pakistan. Taageeradaas ayaa keentay cambaareyn ballaaran oo ka timid gudaha Hindiya.

Haatan, Turkigu wuxuu u muuqdaa mid wajigiisa u jeediyay dhinaca Badweynta Hindiya, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu soo warramay in uu horumarinayo qorshe lagu dhisayo xarun daahfurka dayax-gacmeedyada iyo tijaabooyinka gantaallada fog gudaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga ayaa wadahadallo toos ah la leh dowladda Soomaaliya si uu saldhiggaasi uga hirgeliyo xeebaha bari ee dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo uu Ankara ku doonayo inuu ku xoojiyo joogitaankiisa teknoolojiyadeed iyo milateri ee gobolka.

Juqraafi ahaan, Soomaaliya waxay leedahay meel istiraatiiji ah—iyadoo u dhow khadka dhul-baraha (equator) isla markaana si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya—taasoo ka dhigaysa goob ku habboon saldhig noocan ah. Meelaha u dhow dhul-baraha waxay leeyihiin faa’iido xagga xawaaraha wareegga dhulka, taasoo yareyneysa isticmaalka shidaalka waxayna suurta-gelisaa in dayax-gacmeedyo si nabad ah ugu baxaan biyo aan dad degganeyn.

Turkiga ayaa shaaciyay qorshe maalgashi oo gaaraya $1 bilyan, iyadoo la doonayo in la gaaro daahfurka dayax-gacmeed si tartiib ah u dega (soft landing mission) sannadka 2028. Qiyaastii $350 milyan ayaa lagu bixin doonaa dhismaha iyo dayactirka muddada fog.

Madaxweyne Erdogan ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay hindisahan sannadkii 2021, isaga oo qeyb ka ah dadaallada Turkiga ee ku wajahan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo gantaallada casriga ah.

In kasta oo mashruucan aanu halis toos ah ku ahayn Hindiya waqtigan la joogo, haddana xeel-dheerayaal amni oo fadhigoodu yahay New Delhi ayaa muujinaya taxaddar. Taageerada joogtada ah ee Turkigu u hayo Pakistan, iyo kobaca degdegga ah ee uu ku samaynayo dhoofinta hubka ee ku wajahan dalalka dariska la ah Hindiya iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika, ayaa loo arkaa khatar istiraatiiji ah oo muddada fog ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Pakistan ay mustaqbalka iskaashi la samayn karto Turkiga dhanka barnaamijyada gantaallada ama hawada sare—taasoo suurta-galin karta saameyn amni oo toos ah oo ka dhan ah Hindiya.

Dhinaca kale, goobta uu mashruucu ka socdo ayaa aad ugu dhow danaha istiraatiijiga ah ee Hindiya, sida saldhiggeeda milateri ee Andaman and Nicobar Command, jasiiradaha Maldives, iyo guud ahaan howlgalada badda ee ay Hindiya ka fuliso gobolka.

Haddii xarun joogto ah oo ay Turkigu leeyihiin laga hirgeliyo Soomaaliya—ha ahaato mid hawada sare ah ama mid difaac—waxay si weyn u beddeli kartaa is-dheellitirka awoodda gobolka galbeedka Badweynta Hindiya.

Warbixintu sidoo kale waxay xustay khatar juqraafiyeed oo isa soo taraysa. Iyadoo Shiinuhu horeyba ugu leeyahay saldhig ciidan dalka Jabuuti, dhismaha xarunta Turkiga ee Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay fure u noqoto isbahaysi saddex geesood ah oo u dhexeeya Shiinaha, Pakistan, iyo Turkiga.

Arintan ayaa waxa ay qaar ka mid ah dadka falanqeeya amniga ee Hindiya ku tilmaameen “khatar saddex-geesood ah” oo kaga imanaysa Shiinaha waqooyi, Pakistan galbeed, iyo Turkiga koonfur-galbeed kaga imanaya saldhiggiisa Soomaaliya.

Ugu dambayn, in kasta oo qorshaha saldhigga hawada sare ee Turkigu uu u muuqdo mid cilmiyeed iyo teknoolojiyadeed, falanqeeyayaasha Hindiya waxay u arkaan in uu ka tarjumayo ujeeddooyin istiraatiiji ah oo qoto dheer.

Mashruucu wuxuu muujinayaa doonista Ankara ee ah in ay awooddeeda ku fidiso xuduudaheeda ka baxsan—waxaana, marka laga eego xag Hindiya, lagu tilmaamayaa arrin khatar ku ah jawiga amni ee horeyba uga cakirnaa gobolka.

Puntland oo DF ka ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha caafimaadka iyo tamarta, kuwaas oo laga fulinayo magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee dowlad-goboleedka Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Sida lagu sheegay dukumentiyo la helay, mashaariicdan waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka, waxaana si rasmi ah loogu saxiixay heshiisyadooda magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa sii socoshada taageerada caalamiga ah ee loo marayo hay’adaha federaalka.

Garoowe gudaheeda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Federaalka ayaa ku dhawaaqday mashruuc weyn oo dhanka tamarta qoraxda ah, kaasoo ay qeyb ka tahay dhismaha xarun cusub oo koronto-qoraxeed ah si loo hagaajiyo helitaanka tamar joogto ah oo lagu kalsoonaan karo ee caasimadda gobolka.

Dhanka Boosaaso, waxaa la ansixiyay ballaarinta isbitaalka guud ee magaalada, iyadoo mashruuca ayu kormeerayso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka. Hirgelinta mashruucan waxaa loo xil saaray shirkadda Afrah Construction Company Limited oo fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo laga xushay habraaca Qaramada Midoobay ee UNPOS. Hay’addan ayaa sidoo kale mas’uul ka ah naqshadeynta, maamulka iyo kormeerka dhismaha.

Horumaradan ayaa loo arkaa isbeddel muhiim ah, maadaama Puntland horey u diidday in lagu fuliyo mashaariic ka yimaada dowladda dhexe, sida mashruuca dhismaha waddada Galkacyo–Harfo. Iskaashiga haatan muuqda ayaa laga yaabaa inuu muujinayo furfurnaan cusub oo Puntland ka muujisay la shaqeynta dowladda federaalka, inkastoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed oo salka ku haya kalsooni-darro taariikhi ah.

Si kastaba ha ahaatee, ilo siyaasadeed oo ku sugan Puntland ayaa sheegaya in xiisadihii siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dhinac ay weli jiraan. Mashaariicda ay waddo dowladda federaalka ayaa inta badan si dhaliil leh loogu eedeeyaa in loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni lagu eedeeyo inuu siyaasadeynayo horumarinta lana xiriirinayo ololeyaashiisa siyaasadeed.

Falanqeeyayaasha arrimaha gudaha ayaa sheegaya in inkasta oo hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumayso horumar dhinaca adeegyada bulshada ah, haddana khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Garoowe iyo Muqdisho weli xal rasmi ah looma helin, taasoo caqabad ku ah in la helo iskaashi waara oo dhaxal gal ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Kheyre oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku aas-aasay xisbiga cusub ee cadaaladda iyo midnimada (Justice and Solidarity Party – JSP), isagoo ka digay in tallaabadan ay carqaladeyn karto xasilloonida dalka, xilli ay Soomaaliya u diyaar garowdo doorashadii ugu horreysay ee hal qof, hal cod ah.

Khayre, oo horey ula shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan in dhismaha xisbigan uu dhaawici karo dadaallada lagu xoojinayo midnimada qaranka, ayna halis gelin karto is-afgaradka siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah hannaanka kala guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Madaxweynaha waxaa laga filayay inuu mideeyo madaxda heer federaal, dowlad-goboleedyo iyo mucaarad, si si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada loona xalliyo khilaafaadka siyaasadeed — ma ahayn in uu abuuro il cusub oo khilaaf ah,” ayuu Khayre u sheegay The Africa Report.

“Soomaaliya waxay joogtaa marxalad xasaasi ah. Tani waa xilli u baahan hoggaan is-dhexgal ah, ma aha istaraatiijiyado siyaasadeed oo dhinac keli ah,” ayuu raaciyay.

Falcelin isa soo taraysa oo ka dhalatay JSP

Khayre wuxuu ku biiray tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo dhaliilay waqtiga iyo ujeeddada abuurista xisbiga cusub. Madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa iyaguna ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka laabto qorshaha, iyagoo sheegay in tallaabadu ay khatar ku tahay horumarka laga gaaray wadahadallada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in xisbiga JSP uu si aad ah ugu egyahay xisbiga SRSP ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, kaasoo xukumayay dalka muddo ka badan labaatan sano.

Dadka dhaliilaya xisbiga waxay ku doodayaan in abuuristiisu aysan ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in la hareer maro Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), oo ah madal ay ku kulmaan dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Walaaca ayaa sii kordhaya iyadoo uu muuqdo in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo inta badan golaha wasiirrada ay si buuxda ula safan yihiin xisbiga JSP, taasoo keentay cabsi laga qabo in awood siyaasadeed la isugu geeyo gacmo yar, kahor doorashada tooska ah ee la filayo — taasoo noqon doonta tii ugu horreysay ee noocaas ah tan iyo 1969.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay abuurista xisbiga, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in la dhameystiro dastuurka ku-meel-gaarka ah isla markaana la dhiso hannaan dimuqraadi ah oo ku saleysan caddaalad.

“Mudnaanta ugu weyn waxay tahay in la xaqiijiyo hal qof, hal cod — si codka muwaadin walba uu miisaan dhab ah u yeesho,” ayuu yiri mar uu ka hadlayay xafladda furitaanka xisbiga.

“Siyaasadda ma ahan tiro keliya. Cidda abaabulan ayaa heli doonta saameynta.”

Hase yeeshee, Khayre iyo siyaasiyiin kale ayaa si adag uga shaki qaba, iyagoo ku eedeynaya madaxweynaha in uu isku dayayo in uu saameyn ku yeesho hannaanka doorashada si ay uga faa’iideyso siyaasaddiisa.

“Waa in la dhisaa is-afgarad siyaasadeed oo lagu ilaaliyo hufnaanta doorashada — ma ahan in la sii fogeeyo kala qeybsanaanta siyaasadeed,” ayuu yiri Khayre.

Walaac gudaha iyo mid caalami ah

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sidoo kale ka digay in isbeddellada dastuuriga ah ee ay waddo xukuumadda Xasan Sheekh ay noqon karaan kuwo khatar ah haddii aan loo marin hannaan furan oo lagu wado wadatashi.

“Dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed waa inay helaan fursad ay ku dhiibtaan ra’yigooda ku aaddan isbeddelka nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Go’aannada aan ku saleysneyn taageero ballaaran waxay lumin doonaan sharciyadda waxayna carqaladeyn doonaan dadaallada amniga.”

Falanqeeyayaal Soomaaliyeed ayaa iyaguna walaac la wadaagay. Maxamed Cilmi Afrax, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa sheegay in xisbiga JSP laga yaabo in loogu talagalay in lagu saameeyo hab-dhiska doorashooyinka iyadoo la adeegsanayo magaca hal qof, hal cod.

“Ujeeddada xisbiga waxay u muuqataa mid lagu doonayo in la kala diro Golaha Wadatashiga Qaran loona rogo nidaamka siyaasadeed,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Istaraatiijiga ee Geeska Afrika, ayaa uga digay in siyaasadda sare-loogu-xukumo ay horseedi karto xasillooni darro hor leh.

“Haddii aan la helin guddiga doorashooyinka oo si dhab ah u madax-bannaan, doorasho kasta waxay wajaheysaa shaki iyo qalalaase,” ayuu yiri.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ka digaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku socdo dariiqii Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo si weyn loogu dhaliilay inuu isku dayay muddo kororsi — taasoo dalka gelisay xaalad u dhow dagaal sokeeye.

“Madaxweynuhu wuxuu halis ugu jiraa inuu dib u dhaxal siiyo dalka khilaaf siyaasadeed oo hor leh,” ayuu yiri Khayre. “Soomaaliya ma awooddo inay dib ugu laabato khaladaadkii hore. Waa inuu dhegeystaa baaqyada wadahadalka, midnimada, iyo doorasho la isku raacsan yahay.”

Ayada oo ay Soomaaliya ku sii dhowaanayso doorasho muhiim ah, su’aasha taagan waxay tahay: Madaxweyne Xasan Sheekh u leexan doonaa wadahadal iyo wadar oggol, mise wuxuu sii wadi doonaa xeelad siyaasadeed oo laga yaabo inay wiiqdo horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka?

Jubaland oo qabatay xubno Shabaab ah iyo hub + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo qaraar oo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Buulo Xaaji.

Sarkaal sare oo u hadlay Jubaland, laguna magacaabo Deeq Cabdbinuur oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgallada ay qaadeen, iyaga iyo ciidamada kumaandooska Danab, wuxuuna sheegay inay kusoo afjareen Al-Shabaab, ayna nolosha ku qabteen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

Deeq ayaa sidoo kale xusay in dhimasho iyo dhaawac badan ay gaarsiiyeen Al-Shabaabka ay shalay kula dagaalameen duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

“Dagaalladu waxa ay ka dhaceen galbeedka Kismaayo waxaana lagu soo afjaray kooxaha Khawaarijta dhimasho iyo dhaawacna way leeyihiin” ayuu yii Deeq Cabdinuur.

Sidoo kale, ciidamada isbaheysanaya ayaa sidoo kale hub iyo gaadiid dagaal gacanta ku dhigay, sida uu xaqiijiyeen sarkaalka u hadlay ciidanka Daraawiishta Jubaland.

“Dad waxaa jiro nolol lagu qabtay iyo hub badan ayaa gacanta ku dhignay, waxaana howgalladan wadajir u fuliyay ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubaland” ayuu raaciyay.

Dhankeeda dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 40 Shabaab ah, sidoo kale waxa ay so bandhigtay hubka lasoo furtay Khawaarijta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay dhaq-dhaqaaqyo kasii wadaan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ayaa jab culus lagu gaarsiiyay, waxaana kamid ah meelaha guulaha laga soo hooyay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan guluf culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo shalay warbixin soo saartay waxa ay ku dhowaaqday in dalka uu galay marxalad culus, islmarkaana dagaalka uu sii xoogeystay, si dalka looga saaro kooxaha argagixisada.