25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xiisadda Puntland iyo PSF ee Gaalkacyo oo ka sii dartay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), oo shalay hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo, ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dilalkii qorsheysnaa iyo madax-jebiskii laga raystay ee ka dhici jiray Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal Jifo-jabsade, oo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedeyntan culus, ayaa sheegay in tan iyo maalintii shaqada laga joojiyay ciidanka PSF uusan ka dhicin magaalada Gaalkacyo dil ama madax-jebis dambe, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF inaysan weligood soo qaban qof loo haysto dilalkii ka dhici jiray Gaalkacyo, isaga oo intaas ku daray in PSF ay ka daba tagi jireen qofkii lagu qabto madax-jebis si ay xabsiga uga sii daayaan, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay fasir.

“Maalintii shaqada laga joojiyay ciidamada uu madaxda ka yahay Ina-Diyaano, wixii ka dambeeyay Gaalkacyo qofna laguma dilin, midna madaxa laguma jebin. Weligoodna hal qof oo madax-jebis ah ma ay soo qaban, kuwii la soo qabtayna iyaga (PSF) ayaa daba socday. Arrintaas fasir bay u baahan tahay,” ayuu yiri Jifo-jabsade.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan PSF oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in eedeyntaas ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu xusay in PSF mar walba u taagan tahay difaaca, midnimada iyo amniga Puntland, isla markaana aysan marnaba ka shaqeyn wax u horseedi kara xasillooni-darro.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo shacabka u gudbiya warar khaldan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay PSF ka dhigayaan cadowga shacabka magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan shacabka leenahay: niyad sami ku joogga. Yaan la idin marin habaabin. PSF waa ciidankii difaacayey Puntland, waa kuwii u dhintay, u dhaawacmay, uguna adeega daacadnimo,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade, ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF inay u adeegaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo si gaar ah loogu talagalay abuurista isku dhacyo ciidan iyo fowdo, taasoo lagu carqaladeynayo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.

- Advertisement -

Read more

Local News