Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo qaraar oo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Buulo Xaaji.
Sarkaal sare oo u hadlay Jubaland, laguna magacaabo Deeq Cabdbinuur oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgallada ay qaadeen, iyaga iyo ciidamada kumaandooska Danab, wuxuuna sheegay inay kusoo afjareen Al-Shabaab, ayna nolosha ku qabteen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.
Deeq ayaa sidoo kale xusay in dhimasho iyo dhaawac badan ay gaarsiiyeen Al-Shabaabka ay shalay kula dagaalameen duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
“Dagaalladu waxa ay ka dhaceen galbeedka Kismaayo waxaana lagu soo afjaray kooxaha Khawaarijta dhimasho iyo dhaawacna way leeyihiin” ayuu yii Deeq Cabdinuur.
Sidoo kale, ciidamada isbaheysanaya ayaa sidoo kale hub iyo gaadiid dagaal gacanta ku dhigay, sida uu xaqiijiyeen sarkaalka u hadlay ciidanka Daraawiishta Jubaland.
“Dad waxaa jiro nolol lagu qabtay iyo hub badan ayaa gacanta ku dhignay, waxaana howgalladan wadajir u fuliyay ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubaland” ayuu raaciyay.
Dhankeeda dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 40 Shabaab ah, sidoo kale waxa ay so bandhigtay hubka lasoo furtay Khawaarijta.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay dhaq-dhaqaaqyo kasii wadaan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ayaa jab culus lagu gaarsiiyay, waxaana kamid ah meelaha guulaha laga soo hooyay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan guluf culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo shalay warbixin soo saartay waxa ay ku dhowaaqday in dalka uu galay marxalad culus, islmarkaana dagaalka uu sii xoogeystay, si dalka looga saaro kooxaha argagixisada.