25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xog: Al-Shabaab oo odayaal badan ka afduubtay Sh/Dhexe iyo xaalad adag oo taagan

Bookmark
Bookmarked

Share

Mahadaay (Caasimada Online) – In ka badan 40 oday dhaqameed ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaaday ka afduubatay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulow, kadib markii ay fuli waayeen amaro culus oo la dul dhigay.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay galabta dhanka Mahadaay kala gudbeen odayaasha, iyagoo galbeed ugala talaabay wabiga Shabeelle.

Kooxda Al-Shabaab oo toddobaadyadii lasoo dhaafay cadaadis ku heysay odayaasha iyo dhamaan shacabka deegaanadaas ayaa ka weysay waxyaabihii ay ka dalbadeen oo noqday kuwo la fuli waayey.

Kooxda ayaa dalbaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la keeno dhallinyaro ay askareeyaan oo u dagaalanta, inay gabdho siiyaan, kuwaas oo loo guurinayo horjoogayaashooda iyo in haweenka la qabo habeenkii loo soo diro goobo ay wax ku barayaan macalimiin Al-Shabaab ah.

Waxaas oo dhan markii ay suurta geli waayeen oo odayaasha deegaanka ay iska diideen waxaa loo furay siminaarro lagu barayo ajendayaasha kooxda, kuwaas oo ‘maskax dhaqid’ ay ku sheegeen, ujeedkuna yahay in ugu dambeyn odayaasha deegaanka ay qaataan fikirka kooxda.

Maalmo kooban oo koorsooyinkaasi ay ka socdeen Ceelbaraf iyo Miirtaqwo kadib, waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo ay ka baqeen in odayaasha u xareysan laga furto, kadibna waxay maanta qaadeen tallaabo deg deg ah.

Waxay gaadiid Noohooyin ah saareen dhamaan odayaashii, waxayna kala talaabeen wabiga, iyagoo la aaday dhulka howdka ah ee galbeedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciqaab daran ku bilowday dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay dib u qabsadeen ee gobolka Sh/Dhexe, canshuur ayey ku soo rogeen beeraha, xoolaha suuqyada loo iib keeno, gaadiidka iyo ceelasha biyaha.

Intaas waxaa ka sii daran in sharafta dadkaas muslimiinta ah ay meel uga dhacayaan, iyagoo ku cadaadinaya inay siiyaan gabdho ay xoog ku guursadaan, carruur ay askareeyaan iyo odayaal dhaqan oo ku shaqeeya amarradooda, una dhaxeeya bulshada deegaanka iyo ayaga oo saacad kasta amarro cusub soo rogi kara.

- Advertisement -

Read more

Local News