25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Daawo Sawirrada: Magcaabistii ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacabaay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Qaali oo ah nin ka soo jeeda gobalada koofur galbeed ee dalka gaar ahaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna reer ahaan u dhashay beesha Mareexaan.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa sawirrada munaasabadda magacaabista

cabdiweli 1cabdiweli 2cabdiweli 3cabdiweli 4cabdiweli 5cabdiweli 6cabdiweli 7cabdiweli 8cabdiweli 9cabdiweli 10cabdiweli 11cabdiweli 12cabdiweli 13cabdiweli 14cabdiweli 15cabdiweli 16cabdiweli 17cabdiweli 18

DEG DEG: Ra’iisul Wasaare cusub oo loo magacaabay dalka + Taariikhdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacabaay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Qaali oo ah nin ka soo jeeda gobalada koofur galbeed ee dalka gaar ahaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna reer ahaan u dhashay beesha Mareexaan.

Cabdi Weli Sheekh Axmed
Ra’iisul wasaaraha la magacaabay Somalia, Cabdi Weli Sheekh Axmed 

Cabdiwali ayaa badalaya Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhowaan ay kalsoonida kala laabteen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa laga sugayaa Raysal wasaaraha cusub ee wadanka inuu soo dhiso xukuumad ka balaaran midii ka horaysay, maadaama ay jiraan dhaliilo badan oo dowlada loogu jeediyay inaysan ku guuleesan mudadii ay jirtay wixii ay horay u balan qaaday.

Cabdiweli ayaa ka soo shaqeeyay Baanka Horrumarinta Islaamka, waa aqoon yahan ka la soo shaqeyay hey’addo badan oo caalami ah, sida ay noo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Cabdiweli ayaa sidoo kale la soo shaqeeyay IGAD, wuxuu ku noolaa dalka Canada, ma ahan shakhsi dhinaca siyaasadda ka muuqday.

Waxa uu dhashay 1959-kii, wuxuuna sidoo kale heystaa dhalashada dalka Canada

Si kastaba Cabdi Weli ayaa ah oo kaliya ra’iisul wasaaraha la magacaabay, wuxuuna si rasmi ah u noqon doonaa ra’iisul wasaare marka uu ansixiyo baarlamanka Somalia.

Halkan ka aqri taariikhda mudane Cabdi Weli iyo shaqooyinkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Minneapolis: Somali rental-hall owner dies from gunshot wound

A 31-year-old Minneapolis businessman was shot in south Minneapolis early Wednesday and died about 12 hours later at Hennepin County Medical Center, police and a relative said.

Police responded at 12:50 a.m. to a “shots fired” call in the 2600 block of Pleasant Avenue S. where officers found a man lying in the street with a gunshot wound.

Authorities were not releasing the man’s name, but relatives identified him as Fuad Ali, a married Somali father of two boys younger than 4, with another child expected soon.

A relative said that he owned two halls along Lake Street that he rented out for weddings and community events. The newest acquisition, in the area of the Karmel Mall, was not far from the shooting scene, said a cousin, Hinda Ali of Minneapolis.

No arrests had been made as of Wednesday evening.

The Minneapolis Police Homicide Unit is investigating, and police said they don’t yet have any information on a suspect.

Cyndi Barrington, a police spokeswoman, said it is too early yet for investigators to have determined a motive.

“We have no idea what happened,” Hinda Ali said from Hennepin County Medical Center, where she was Wednesday evening with family members, including Fuad Ali’s father.

She said Fuad Ali had immigrated about a decade ago from Somali and loved being in America. He went to the University of Minnesota and was well known in the community for hosting events and helping charities, Hinda Ali said.

“He was a businessman and created jobs in this city. He was living the American dream. He was a college graduate from the University of Minnesota. He opened his own businesses and was making a great living,” she said.

“For somebody who leaves their own country and is starting up somewhere new, that is an immigrant’s dream. He did all of that, and his life got taken away from him, just like that. He’s stripped away from his little boys and all that.”

Fuad Ali and his wife were excited about their third child, as well as the opening of their second rental hall a couple of months ago, Hinda Ali said. He had licensed his first restaurant and rental hall, Lakeview Hall at 417 Lake St., in April, city records show.

Ali had agreed at that time to provide security when more than 50 guests were at the hall.

Police ask that anyone with information about the slaying call 911 or text tips to 847 411, enter MPD and any information. Tipsters can remain anonymous.

Source: Star Triune

QM oo shaacisay war naxdin leh oo ku aadan is-casilaadii YUSSUR ABRAAR iyo xafiiska u baneenayo R/W SAACID

New York (Caasimada Online) Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka ay aad uga naxeen shaqada ay iska casishay guddoomiyihii Bangiga dhexe Yusra Abraar oo muddo toddobaad wax kadan xilkaas loo dhiibay iyo xafiiska uu baneenayo raysal wasaaraha kalsoonida ka waayay baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Danjire Kay oo ka hadlaayay shir uu lahaa Golaha loo dhan yahay ayaa sheegay in is-casilaaddii Yusur Abraar ay dhaawacday kalsoonidii ay deeq-bixiyeesha caalamka ay ku qabeen dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in go’aankii ay baarlamaanka kalsoonida kala labteen xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid iyo shaqo ka tagistii madixii hay’ada xagga lacagta ugu sarreysa Soomaaliya ay caqabad ku kala noqdeen hawlihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo lacago fara badan ku shubi jiray khasnadda dowladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ku celceliyay in labadaas xaaladood ay keeneen su’aallo waaweyn oo beesha caalamka ilaa hadda ay u la’dahay jawaabo waafi sida uu yiri.

Dajiraha ayaa tallaabo geesinimo ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu durba u magacaabo xilka guddoomiyaha baanka dhexe si KMG ah nin arrimahaas ku xeel dheer oo ah Bashiir Ciise Cali.

Hadalka danjire Key ayaa muujinaya in weli beesha caalamka ay ka naxsadan tahay labada arrin ee isku dhawaa ee ka dhacay Muqdisho.

1- Waa ta horre waxaa ilaa hadda jawaab aan lagu qancin laga bixin sababta keentay in ay is casisho haweeneydii ugu horreysay ee loo dhiibo xilka guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya.

2- Arrinta labaad ee ilaa hadda laga yaaban yahay ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ay is qabteen madaxweynaha in baarlamaanka ay ka diddaan in uu ka jawaabo eedeedoo loo soo jeediyay xukuumadiisa deetana isagii xilka laga qaaday.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in arrintan ay dowladda Soomaaliya oo hadda uun wax yer ku darsatay muddadii sannadka ku noqon doonto dharbaaxo culus, waxaa kaloo soo baxaya  in beesha caalamku ay weli cabsi ka qabaan arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Paris

[email protected]

C/raxmaan Faroole oo ugu dambeyntii oggolaaday arrin uu muddo diidanaa

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in uu oggolaaday ka qaybgalka shirka ka dhacaya Garoowe oo ay ku baaqeen qaar ka mid ah musharixiinta Puntland.

Madaxweynaya ayaa shegay in uu diyaar u yahay in uu la kumo musharixiinta ay isku hayaan doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe, wuxuuna sheegay in uu oggolaan doono haddii looga guuleesto doorashadaas.

‘’Waxaan diyaar u ahay marka ay soo dhameestaan booqashadooda Garoowe, in aan halkan Madaxtoyada aan kula kulmo si ay u arkaan dhismahan oo ay u sii dhiirigeliso inay u tartamaan xafiiskan” Ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale ammaanay ciidank ammaanka Puntland oo uu sheegay in ay wax badan qabteen intii uu xilka hayay, wuxuu ka codsaday in ay ammaanka sii adkeeyaan maalamaha doorashadda ay socoto.

Madaxweye Faroole, ayaa ku celcliyay inaanu wax dhibaato ah u horseedi doonin dadka reer Puntland, haddii la xaqiijiyo in looga guuleystay tartanka Doorashada, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu noqon doonin nin maleeshiyo beeleedyo uruursada, oo dagaal sokeeyana ka dhex abuura deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Hadalka  Faroole ayaa jawaab u ah shir jaraa’id oo shaley Garoowe ku qabteen seddax ka mid ah musharixiinta Puntland kuwaasoo ku baaqay in madaxweyne Faroole iyo musharixiinta kale ay ka soo qabgalaan shirka dhacay Sabtida soo socota magaalada Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

KASHIFAAD: DF oo warqad dalab adag lagu qoray u dirtay QM + Document

New York (Caasimada Online) – Xog ay heshay warbaahinta ayaa muujineysa warqad ay Dawlada Federaalka Soomaaliya kaga dalbatay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in shaqada laga joojiyo madaxa ugu sarreeya kooxda la socodka Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “UN Monitoring Group”.

Kooxdan ayaa warbixinadeeda ay soo saarto sanad kasta waxay kaga hadashaa musuqmaasuqa iyo xadgudubyada dhanka maamulka ee sy galaan madaxda dawlada Soomaaliya, iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee sanadan 2013 ay kooxdu soo saartay ku muujisay lacago si sharci darro ah looga qaatay Bangiga Dhexe ee dalka, taasoo Dawlada Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si weyn uga caroota ayna beenisay.

Haddaba warbaahinta Innercity Press oo ka hawlgasha gudaha xarunta Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay codsi ka yimid Dawlada Federaalka Soomaaliya kaasoo Golaha Amaanka ay dawladu ku weydiisaneyso inay shaqada ka joojiso ninka ugu sarreeya kooxda “Monitoring Group” ninkaasi oo lagu magacaabo Jarat Chopra.

YAA DIRAY WARQADDA?

Warqad ka kooban labo bog oo ay ku saxiixan tahay wasiirka arrimaha dibadda ahna raysal wasaare ku xigeenka Dawlada Soomaaliya Fawsiya Yuusuf X. Aadam ayaa looga codsaday Golaha Amaanka in heshiiska shaqada (contract) ee Golaha Amaanka ku wakiishay ninka ugu sarreeya Monitoring Group ee la yiraahdo Jarat Chopra laga joojiyo, iyadoo Dawlada Soomaaliya ninkaasi ku eedeeysay inuu masuul ka ahaa warbixintii u dambeysay ee kooxdu soo bandhigtay ee lagu ceebeeyay Bangiga Dhexe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka.

Warqaddan oo ku taariikheysan 24, Oktoobar 2013, ayaa waxay wasiir Fawsiya ku dalbatay in Golaha Amaanku ay din u eegaan warbixintii u dambeysay ee Kooxda La Socodka Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea ay soo saareen, gaar ahaan qeybta ay kaga hadleen “si xun u adeegsiga hantida dawlada” ee lagu shaaciyey warbixintaasi.

“Waxaan ka codsaneynaa xubnaha Golaha Amaanka inay dib u eegaan kana jawaabceliyaan waxyaabaha ay Soomaaliya ka cabatay iyo in goluhu jawaabcelintiisa u diro dhinacyadii ay kooxdu horey ugu dirtay warbixinteeda.”. ayaa lagu yiri warqaddan.

Wasiir Fawsiya ayaa dukumintigan waxay kaloo ku caddeysay warbixin jawaab u ahayd eedeynta Kooxda Monitoring Group soo jeediyeen taasoo ay diyaarisay shirkad Mareykan ah oo ay Dawlada Federaalka kireysatay si ay isaga difaacdo eedeymaha Kooxda Monitoring Group.

Waxay wasiirada warqaddan ugu sheegtay Golaha Amaanka inay wixii tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan warbixinta isdifaaca ah kala xiriiraan labo nin oo lagu kala magacaabo Jeremy Schulman iyo Jacob Frankel oo labaduba ka mid ah shirkadda Shulman Rogers.

Laakiin dhinaca kale waxay su’aal ka dhalatay waqtiga la shaaciey warqaddan oo ahayd usbuuc ka dib markii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay rideen xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon taasoo wasiir Fawsiyana ay ka tirsan tahay.

HALKAN KA ARAG WARQADDA

Isha: RBC

Video: Xeebta Jazeera oo ay ka socoto arrin ku cusub shacabka Muqdisho

0

Caasimada Online: Xeebta Quruxda Badan ee Jazeera oo ku taalo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa aka biloowday arin ku cusub Shacabka Muqdisho taa oo dad badani ay ka heleyn qaarna ay la yaabeyn.

Hadaba arinkani ayaa ah mid xiiso badan u leh shacab fara badan oo aadayo Xeebta jazeero si ay u soo arkaan arinkani ay tabinayaa Tv-yada & IDaacadaha Muqdisho ee nala arag misa aamineysaa waa mid hadaad aragto aad ka heli doonto aqristoow.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

 

DHAGEYSO: BARRE Hiiraale oo qorshe cusub ka damacsan maamulkiisa J/L

Kismaayo (Caasimada Online) – Golihii wasiirada maamulka Jubba ee uu dhowaan ku dhowaaqay Axmed Madoobe, ayaa ka careysiiyey madaxweynayaal hore u sheegtay maamulka Jubbaland, oo kal hore heshiis aqbalay.

Waxaa madaxweynayaashaas ka mid ah Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, oo isaga iyo ciidamo uu wato weli ku sugan duleedka Kismaayo, kaasi oo iminka qorsheynaya dhismaha gole wasiire, oo isaga u gaar ah.

Waxaa arrintan shaaca ka qaaday afhayeenka Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale Xasan Qaasim Warsame, oo sidoo kale shaaca ka qaaday waqtiga ay ku dhowaaqayaan golahooda wasiirada.

Xasan Qaasim, ayaa shaaca ka qaaday in Magacaabista golohooda aysan lid ku aheyn Magacaabistii Axmed Madoobe ee golaha wasiirada Maamulka Jubba hayeeshee qorshahan uu ahaa mid ka horeeyay oo mudo soo socday.

Halkan hooseka dhageyso hadalka afhayeenka Barre.

afhayeenka-xasan-qaasim-warsame-2

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

PUNTLAND: 2 guddi, 2 Baarlamaan, 2 doorasho & ugu dambeyn 2 Xukuumad

Waxaa maalinimadii shalay (Arbaca) shir jaraa’iid markii ugu horeysay ku qabtay magaalada Garowe guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxwyenaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ee Xalinta Khilaafaadka  iyo Diiwaangelinta Golaha Wakiilada ee Puntland.

Guddigan oo ay gebi ahaan diideen Murashaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u taagan, ayaa ah mid u badan xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha kana mid ahaa Xisbigii uu aasaasay ee Horsed, waxayna hadda heleen xafiis dowlada uga furtay magaalada Garowe.

Guddigan ayaa sheegaya in maanta oo ah Khamiis 12ka December inay bilaabi doonaan qabashada Xildhibaanada ay sheegeen inay soo xuleen Beelaha deegaanada Puntland.

Afhayeenka gudigaasi Eng.Maxamud Axmed Xasan ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano lasoo magacaabay oo hadda Garowe ku sugan, wallow xildhibaanadan horey loo sheegay inay in badan kamid yihiin kuwii hore ee kamid ahaa isla xisbigii Horsed, isla markaana saxiixyada ay wataan la isku heysto.

Arrintan ayaa keentay in qaar badan oo kamid ah beelaha gobalada Puntland ku kala dhaqan ay ka gaabsadaan inay shaaciyaan xildhibaanada ay soo magacaabeen, isla markaana diidaan gebi ahaan inay xildhibaanadooda usoo diraan magaalada Garowe.

Isimada Gobalka Mudug, Bari, Sanaag iyo Sool ayaa iyagu weli diidan inay soo gudbiyaan Xildhibaanadooda maadaama la isku heysto Guddiga Xalinta khilaafaadka oo ay hadad jiraan labo guddi oo ay kala magacaabeen Madaxweynaha iyo Murashaxiinta, taas oo ay dheertahay in si weyn loo saluugey Guddiga Madaxweynaha oo aan u muuqan kuwo dhex-dhexaad ah marka la eego ka tirsanaantoodi Ururkii Madaxweynaha ee Horsed.

Afhayeenka gudigaasi Madaxweyne Faroole magacaabay oo wax laga weydiiyey sida ay u abaari doonaan kuraasta xildhibaanada ee gobalka Sool oo ay Isimada inta badan ayba sheegeen inaysan sanadakan cidna usoo dirsan doonin Baarlamaanka Puntland, ayuu wuxuu yiri Eng Max’ud Axmed Xasan “….inta badan xildhibaanadii Gobalka Sool waa lasoo magacaabay, inta hartayna dedaal baan ugu jirnaa…”

Arrintan ayaa markale xaqiijineysa ololaha ay ku jiraan xubnaha xiriirka laleh Madaxweyne Faroole oo qaarkood kamid ahaa Baarlamaankii hore inay doonayaan inay markale ku fariistaan kuraasta beelaha maqan sida gobalka Sool oo ay Isimadiisa diideen inay soo saxiixaan Xildhibaanada, marka laga reebo Garaad Saleebaan.

Dhinaca kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxay xubno iyagu sheeganaya Isimo balse aan ahayn kuwii soo jireenka ahaa oo sheegaya inay saxiixyo siin doonaan xubnaha Xildhibaanada u doodaya, iyadoo guddigii arrimahan kala saari lahaa la isku heysto oo ay labo guddi hada jiraan.

Dhinaca kale Guddiga ay dhawaan ku dhawaaqeen Murashaxiinta ayaa sheegay inay bilaabayaan isla todobaadkan qabashada qoraalada Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay beelaha soo magacaabeen.

Sida xaalada hada ku socoto ayaa ah labo guddi, Labo Baarlamaan iyo labo doorasho oo kala socota. Arrintan ayaa ah mid walaac weyn laga muujinayo.

8da Janaayo  2014 kadib

Waxaa durbaba soo baxaya wadatashiyo ay wadaan murashaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan iyadoo ay qaarkood ka dhawaajiyeen wixii ka danbeeya 8da Janaayo ay gebi ahaan wakhtigeedii dhamaanayo Xukuumada hada jirta, isla markaana Madaxweyne Faroole uu dhuminayo awooda Madaxweyne sidoo kale golaha Wasiiraduna ay awood beelayaan, haddaan la helin nidaam cad oo doorasho lagu galo.

Waxaan la aqoon wax beddali doona maadaama uusan jirin weli Baarlamaan, hadii ayse yimaadaan labo Baarlamaan oo is feersocda waxaa macquul ah inay dhashaan labo xukuumadooda oo is feersocda taasi oo burbur ku keeni karta midnimadii Puntland, isla markaana ka dhigeysa Puntland markii u horeysey oo la isku qabsado doorasho tan iyo sanadkii 2004.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa ku dhaliilaya Xukuumadda Faroole inay iridda u furtay loolan siyaasadeed oo burbur dalka ku keeni kara, iyadoo ay hadda socdaan wadahadalo hoose oo la sheegayo inay yeelanyaan qaar kamid ah beelaha Puntland ee dega Gobolada ku bahoobey maamulka, taas oo keeni karta in maamulku kala furmo haddii aan la helin waddo cad oo loo maro doorasho xalaal ah.

Arrimhan ayaa habka kaliya ee lagu xakameyn karo ay tahay iyadoo Xukuumada iyo Madaxweyne Faroole ay ka shaqeeyaan midnimada oo xiligan lagu badbaadin karo oo kaliya doorasho xalaal ah oo dhacda iyadoo loo marayo guddi lagu wada qanacsan yahay iyo Baarlamaan si xalaal ah ku yimid  isla amrkaana Ururka Horsed ee madaxweynuhu ka daayo farogelinta uu ku hayo qaar kamid ah beelaha.

W/Q: Cabdirisaaq Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Somali woman denied visa for surgery on bullet shattered face

Scott Morrison told to reconsider visa refusal for Ayaan Mohamed, 25, who was injured as a child in Somalia’s civil war

Federal Labor has called on the minister for immigration, Scott Morrison, to reconsider a decision to deny a Somali woman a short-term visa that would allow her to undergo surgery for gunshot wounds.

Ayaan Mohamed, 25, had her face shattered by a bullet as her family tried to flee violence in Somalia’s brutal civil war. She was two years old at the time.

Ayaan Mohamed, 25, had her face shattered by a bullet as her family tried to flee violence in Somalia’s brutal civil war.
Ayaan Mohamed, 25, had her face shattered by a bullet as her family tried to flee violence in Somalia’s brutal civil war.

Because the complicated facial reconstruction surgery she requires is not available in her homeland, Brisbane’s Wesley Hospital and Rotary had offered to bring her to Australia.

But the government has refused to grant Ayaan a short-term medical visa.

Opposition immigration spokesman, Richard Marles, said the Australian identity was one characterised by compassion.

“Mr Morrison, this decision makes no sense,” he said.

“It appears profoundly unfair and needs to be reconsidered.”

Source: The Guardian

France to lead operation against piracy off coast of Somalia

France has assumed the leadership of the European Union operation against piracy off the coast of Somalia, EU NAVFOR-ATLANTA, succeeding the Netherlands.

Herve Blejean from the French Navy will now be the commander of the European Union navy, which is involved in efforts to fight against maritime piracy.

On the occasion to take over the leadership of the EU navy, Blejean affirmed he will keep the pressure against pirate activities.

“Pirate attacks have significantly reduced in the last four months. We shall closely work with other forces involved in the war against piracy to ensure there is no safe haven for pirates operating in the sea,” he said.

However, Blejean noted that the piracy threat will not be completely eliminated until the situation in Somalia is sufficiently addressed.

EU warships are currently providing protection to ships of the World Food Program (WFP), providing logistical support for AMISOM forces and reinforcing surveillance of fishing activities on the regional maritime waters.

 

Dagaallo khasaaro geestay oo weli ka socda duleedka Baledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya beelo ku dhaqan deeganka Kabxanley oo duleedka ka ah Beledweyne.

Dagaalka oo ka dhashay dhul daaqsiin la isku heesto ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhexgaleen ciidamada New Police ee dowlad deeganka Itoobiya iyo kuwa maamulka Gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo saakay markale ka qarxay deegankan waxaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen toddobo qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay sidoo kale dhaawac ayaa jirra.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in lagu gubay guryo badan oo ku yaalay deeganka sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Waxaa kaloo dagaalka uu sababay barakac xooggan waxaana dadka dhaawaca la sheegay in loo soo qaaday magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid ilaa hadda kala dhex gashay maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deeganka Kabxanley, waxaana xilli kasta la fillan karaa dagaalka in uu qarxo.

Faah-faahin kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

Muxuu PROF. CABDI WELI GAAS ka yiri weerarkii kaga yimid FAROOLE?

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya haatanna ah musharax u taagan xilka Madaxweynenimada maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab ka bixiyey hadal doraad ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo weerar ku qaaday Gaas,.

Cabdi Weli Gaas in adeerkiis Faroole uusan mudneyn sida uu yiri in loo jawaabo, wuxuuna dhinaca kale sheegay in Puntland ay u baahantaahy samata bixin.

“Adeerkey Cabdiraxman doraad waa uu khudbeeyey hadalkii u yiri aniga ka Jawaabi maayo laakin Baran iyo Puntland ayaa ka jawaabi doonto 8 Janaayo 2014” ayuu yiri C/weli Gaas.

“Puntland waxay u baahantahay isbedel, isbedel nabad ah isbedel wax ka bedela nolasha dadka Puntland, waxay u bahantahay isbedel amni, waxay u baahantahay isbedel siyasadeed, waxay u baahantahay isbedel dhaqaale, baran uma bahna buur in la fuulo baran waxay u baahantahay in la soo booqdo, baran waxay u bahantahay in loo yimadoo baahideeda la ogaado” ayuu yiri Gaas.

Musharax Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay xaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jeclaa oo maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen.

Musharax gaas ayaa sidoo kale ka hadlay xaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jecla oo Maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen.
Musharaxa ayaa shegay in Puntland ay u bahantahay Cadaalad Shaqsi kasta oo Puntland ah Ama ha noqoto Wiil Madaxweyne ama ha noqoto Qof Caadi ah in loo sinnaado dhanka Cadaladda, dhanka Dhaqaalaha iyo adeegyada Bulshada, isagoo cadaladda ka sii hadlaayo ayuu shegay in loo baahanyahay Puntland aan ku ekaan dhanka Laamiga ee ka degta laamiga gaartana Deeganada kale ee ka baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Maraykanka oo ka xumaaday go’aankii ka dhacay magaalada Muqdisho

Wanshinton DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku xuntahay xukunkii ku dhacay gabar wariya ah oo sheegtay in ay kufsadeen shaqaale ka tirsan Radiyaha dowladda iyo Maxamed Bashiir Xaasho oo ah wariyihii wareyestay iyo mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan laanta Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.

Will Stefan oo ah afhayeenka u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dhowrto dastuurka ay sameesatay isla markaana aysan u hiilin koox geestay tacadiyo ka dhan ah jinsiga isla markaana aan la xirin wariyaasha ku dhiirada in ay soo tebiyaan wararka la xiriirka kufsiga.

War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arimaha Africa, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka oo la yirahdo Will Stevens ayaa sheegay in xukunkan uu saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aadan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.

Warkan kooban ee ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somalia inay difaacaan difaacaan dumarka la sheego in kufsi loo geysto ayna cadaaladda la tiigasadaan kuwa kufsiga geysta, lana marsiiyo sida sharcigu qabo.

Waxaa sidoo kale dowladda Somaliya ku boorineynaa ayaa warbixinta lagu yiri inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis cadaalad ah iyo saxaafad xur ah.

Warbixinta ayaa lagu yiri xarig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacadiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qodobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey fariin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad jebineysaa, in lagu dhiirado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah.

Sagaalkii bishan December ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay xukunno kala gedisan ku riday gabadha sheegtay in la kufsaday, oo lagu xukumay lix bilood oo xabsi guri ah, wariyihii wareystay ayaa lagu xukumay lix bilood oo xariga ah oo uu gadan karo, halka milkilaha idacadda shabeele ay ku xukuntay hal sano oo xarig ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wanshinton DC
[email protected]

Ganacsade Soomaali ah oo caan ahaa oo Maraykanka lagu dilay (Warbixin)

Minneapolis (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Fu’aad Axmed Cali Mirre, wuxuu ku dhintay rasaas ay ku fureen kooxo dabley ah.

Dilka marxuumkan oo ka dhacay xaafad ku taalla magaalada Minneapolis waxaana ka naxay dadka Soomaalida ee ku nool magaalada.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu udhintay dhaawacii soo gaaray. Waxaana da’diisa lagu sheegay 35 jir waa aqoon yahan ah ka baxay Jaamacada University of Minnesota. Wuxuu magaalada Minneapolis ku lahaa dhowr ganacsi oo kala duwan.

Allaah ha u naxariisto marxuum Fu’ad wuxuu ifka uga tagay sadex carruur ah iyo xaaskiisa oo uur leh.

Marxuumka waxaa la aasayaa maalinta Jimcaha. Waxaa lagu aasayaa qabuuraha Burnsville oo ay ku aasanyihiin Soomaali badan.

Ma ahan dilkii ugu horreeyay ugu horreeyay ee ka dhacay Minneapolis, waxaana la sheegayaa in falalka noocan oo kale ay ku soo bateen magaalada.

Minnapulis waa magaalada ay ku badan tahay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Video: Fanaanad sheegtay inay rafaad u martay aragtida Sheekh Shariif

Mid ka mid ah Fanaaniinta da’da yar ee Muqdisho laguna magacaabo Ummi shariif ayaa ka sheekeysay sheeko cajiib ah oo nolosheeda soo martay, xili ay uur laheyd oo ay jamatay ama ku walacday iney aragto Madaxweynihii hore Sheekh Shariif xiligii uu xilka haayay.

Umi Shariif ayaa sheegtay in ay rafaad badan u martay aragtida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, iyadoo u ooysay sidii ay u arki laheyd SHeekh Shariif, nasiib wanaag ay ku guuleuysatay maalin maalmaha ka mid ah in ay aragto, hadaba iyadoo ka sheekeyneysa dhacdadaasi halkan ka daawo arintani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

XOG iyo GORFEYN: 3 nin midkee baa noqon doona ra’iisul wasaraha cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan ku mashquulsanaa siduu u heli lahaa Raisul wasaare shaqsi uu u magacaabo, qabtayna araaji badan oo codsi ah oo ka yimid siyaasiyiin doonaya in loo magacaabo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ilaa haatan go,aan qaadan la’yahay  sababaha madaxweynuhu go’aanka u qaadan la’ yahay ayaa lagu sheegay inay yihiin:-

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir ayaa kulamo la qaatay musharixiintii ay labada hogaamiye isla arkeen inay mudan tahay inay la kulmaan su’aalana ka weydiiyaan qorshahooda haddiiba ay dhacdo in loo magacaabo RW Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa haatan isugu soo haray in midkood lagu dhawaaaqo ayaa la sheegayaa inay kala yihiin Xuseen Cabdi Xalane ama Cabdi Waaxid CCilmi Goonjeex, musharixiintaan yaa kala wato, maxaase laga filan karaa. 

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la sheegayaa in madaxweynuhu uu aad ula dhacsan yahay, Goonjeex ayaa mudo gaaban noqday kusimaha Raisul wasaare xiligii RW Cumar Abdirashid uu is casilay kadib markii ay is qilaafeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Omar Abdirashid ayaa is casilay kadib markii la siiyey lacag Malaayiin Doolar ah, Goonjeex ayaa muujiyey hawl karnimo xiligii yaraa ee uu ahaa ku simaha Raisul wasaaraha Soomaaliya inta aan la magacaabin Raisul Wasaare Farmaajo.

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la shaagayaa inuu taageero badan ku leeyahay Baarlamaanka, sidoo kalana uu yahay nin xaalada soomaaliya fahansan, lagana filan karo in Madaxweynaha wada shaqeyn karaan, Goonjeex ma ahan nin ku xiran dalal shisheeye ama go’aanadiisa laga hagayo dibada.

Waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin wadani ah, jecelna in dalka Soomaaliya ka hirgasho dawlad shaqeynaysa oo cagaheeda ku taagan, Balse waxaa aad u diidan Hogaamiyaha Damu jadiid iyo Dawladaha deriska. Mr Goonjeex ayaa siyaasada Soomaaliya ku jiray ilaa xiligii dawladii Carta, xiligaas oo uu noqday Wasiirkii Beeraha, Xukuumadii Dawladii Cumar Cabdirashiid ayuu ka noqday Raisul wasaare ku xigeen. Goonjeex waxaa lagu sheegaa nin aad dadka u dhagaysta, muddo badan wuxuu kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Goonjeex wuxuu kasoo jeedaa Gobolka Gedo. 

Xuseen Cabdi Xalane waxaa la sheegayaa inuu aad ula dhacsan yahay Hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir, Mr Xalane wuxuu horay u noqday wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo, waxaa lagu sheegaa inuu ahaa wasiir ku fiicnaa shaqadiisa, Mr Xalane wuxuu muddo dheer u shaqeynayey Hay’adda Save the Children Gaar ahaan xafiiska Geeska Afrika, Xalane wuxuu ka soo jeedaa Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool. Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ahaa siyaasi aad ugu ololeeyay dhisitaankii Maamulkii Jubaland ee madaxweynaha loogu doortay Ahmed Madoobe, Maamulkaa oo DF Soomaaliya diidaneyd.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu qeyb weyn ka ahaa heshiiskii Dawladda Federaalka iyo Maamulka KMG laga dhigay oo Jubba loo bixiyey, Xuseen Cabdi Xalane waa nin aad ugu xiran Dawladaha Deriska taageero weyna ka haysta wadamada IGAD. Faarax Cabdulqaadir ayaa aad ula dhacay xiligii shirkii Heshiisiinta Dawladda Federaalka soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Juba, Heshiiska labada nin ayaa la sheegayaa inuu dhacay xiligaa, iyaga oo ku heshiiyey in RW Saacid xilka laga qaado, laguna bedelo Mr Xuseen Cabdi Xalane.

Maxaa laga filan karaa labadaan nin Midkii la magacaababa? 

Mr Goonjeex, waxaa laga fili karaa inay muddo washaqeeyaan Madaxweynaha, ma ahan nin siyaasadiisa laga hagayo banaanka, laakiin hadii madaxweynuhu u dhaqmo sidii uu RW Saacid xukuumadiisa u maamulanayey ayaa la filayaa waqtigeey qaadataba inay isku dhacaan Madaxweynaha, maadaama hadii fashil yimaado uu markasta madaxweynuhu ku qasban yahay qofkii loo saarin lahaa, qofkaas oo uun noqon kara Raisul wasaaraha.

Mr Xalane,  waxaa laga filan karaa in madaxweynaha muddo wada shaqeeyaan, waxaa lagu sheegaa inuu yahay aqoonyahan karti badan, wuxuu aad u cabsan yahay Maamulka KMG ah ee Juba oo dhisitaankiisii hore uu lug weyn ku lahaa, siyaasigaan wuxuu taageero weyn ka heystaa wadamada deriska ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa la filayaa inuusan waqti gaaban ka bacdi ka aqbali doonin Madaxweynaha inuu Xukuumada uu hogaamiyo uu u maamusho sida xukuumaddii Saacid, arintaas oo la sheegayo inay keeni doonto inay is qabtaan Madaxweynaha.

Mr Xalane oo hadii ay is qabtaan Madaxweynaha gacan ka heli doona Wadamada IGAD iyo Caalamka ayaa la filayaa in madaxweynaha u suurta geli doonin inuu Xukuumad Labaad rido xili caalamku usoo jeedo Soomaaliya dib u dhiskeeda, taas oo uun ku dhamaan doonta in Madaxweynaha oo jooga Caalamka, AMISOM iyo IGAD ba la shaqeeyaan RW Xalane, arintaas oo ku dhamaan doonta qaabkii Xukuumadii Nuur Cade iyo Madaxweyne Abdullahi Yusuf isu qabteen oo caalamka iyo IGAD la shaqeeyeen RW Nuur Cade markaa kadibna Madaxweyne Col Abdullahi Yusuf lagu qasbay inuu is casilo, waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweyne Xasan uu diido inuu is casilo balse uu iska joogo madaxtooyada iyada oo aan wax badan laga weydiineyn qorshe hawleedka dawladda Soomaaliya.

DHEERI: War goor dambe nasoo gaaray ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu tartanka iminka u horkacayo Cadbi Weli Sheekh Maxamed nin lagu magacaabo.

FG: Waxaa macquul ah in wax is-beddelaan oo la magacaabo shaqsi aan kuwan midkoodna ahayn

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Villa Somalia oo la isugu tagay iyo R/W oo loo magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow lagu wado in madaxweynaha Somalia uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Weriyayaal dhowr ah oo uu ku jiro weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa looga yeeray madaxtooyada, ayada oo loo sheegay inuu shir jaraa’id qabanayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale  iyana loo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay goob joog uga noqdaan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia

Dhinaca kale Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa saddex xubnood isugu soo hareen qabashada xilkaas, kuwaasoo marba marka ka dambeysay ay soo baxayeen warar sheegayay inay u dhow yihiin xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa ay kale yihiin;-

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex

Cabdi Weli Sheekh Axmed

Xuseen Cabdi Xalane

Si kastaba waxaa lagu warramayaa inay u badan tahay in la magacaabo Cabdi Weli Sheekh Maxamed

Wixii arrintan kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah

Maxaa sabab u ah in Xasan Sh. uu ka baaqdo safar uu ku aadi lahaa Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay madaxweynaha Soomaaliya,in uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga iyo xubno uu hoggaaminaayo lagu waday in ay ka qaybgalaan xuska 50-sanno guurada ka soo wareegatay Kenya markii ay xorriyadda ka qaatay Ingiriiska.

Madaxweynaha oo lagu waday in uu galabta ka ambabaxo magaalada Muqdisho, ayaa safarkaas ka baaqday waxaana booskiisa uu u ku bedalay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo caawa gaaray Nairobi sida ay noo sheegeen ilo ku sugan garoonka Joma Kenyatta ee Nairobi.

Maxaa sabab u ah madaxweynaha in uu ka baaqdo xafladda oo lagu casuumay?

Qorshuhu wuxuu ahaa Xasan Sheekh in uu ka qaybgalo xuska sannad guuradii ka soo wareegtay markii xoriyadda ay qaadatay Kenya, balse waxaa dib u dhigay iyadoo madaxweynaha uu ku howlan yahay soo magacaabista raysal wasaaraha cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu la kulmay ku dhawaad 20 qof oo doonayay in ay buuxiyaan booska uu baneenayo raysal wasaare Saacid., balse waxaa hadda isugu soo haray booskaas seddax musharax oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii KMG ah ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida muddo dheerna ku noolaa dalka Maraykanka.

Si kastaba, warka weyn oo Soomaalidu sugaysaa waa in ay maqlaan magaca qofka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiiibo xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

AMISOM oo u digniin u dirtay SHARIIF Xasan Sheekh iyo siyaasiiyin kale

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay kulan labo geesood ah oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM  iyo Xildhibaanno iyo siyaasiyiin Baydhabo ku sugan.

Ilo xog ogaal oo Baydhabo ku sugan, ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan ay ka qaybgaleen xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan , Shiikh Aadan  Madoobe, Maxamed Ibraahim  Xaabsade iyo guddoomiyihii horre gobalka Baay Cabdi-Fataax Maxamed Ibraahim Geesay.

Waxaa lagu eedeeyay siyaasiyiintan in ay abuurayaan falal ammaanka wax u dhibaya,magaaladana ay ka abuureen jahwareer iyo kulamo gooni gooni ah.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa u sheegay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta in ay magaalada isaga baxaan haddii aysan ka qayb qaadan karin ammaanka magaalada maadama ay dhaceen dilal iyo falal ammaanka qalqal gallin kara.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay magaalada yimaadeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay kala hoggaaminayaan Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan in magaalad ay ka dhaceen dilal qorsheesan oo qaarkood la xiriir arrimo siyaasadeeed.

Waxaa kaloo loo sheegay raggan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada isugu jirra in aan loo dul qaadan doonin falalka ammaan darida ee magaalada ku soo kordhay waxaana lagu wargaliyay in wixii ka dhacay ay mas’uul ka noqon doonaan.

Si kastaba, waa digniintii ugu cusleed ee loo jeediyo xildhibaannada ku sugan Baydhabo oo kor u dhaafaya 40 mudane, waayo magaalada waxaa la sheegay in ay ka billaabeen kulamo gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]