PUNTLAND: 2 guddi, 2 Baarlamaan, 2 doorasho & ugu dambeyn 2 Xukuumad

Waxaa maalinimadii shalay (Arbaca) shir jaraa’iid markii ugu horeysay ku qabtay magaalada Garowe guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxwyenaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ee Xalinta Khilaafaadka  iyo Diiwaangelinta Golaha Wakiilada ee Puntland.

Guddigan oo ay gebi ahaan diideen Murashaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u taagan, ayaa ah mid u badan xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha kana mid ahaa Xisbigii uu aasaasay ee Horsed, waxayna hadda heleen xafiis dowlada uga furtay magaalada Garowe.

Guddigan ayaa sheegaya in maanta oo ah Khamiis 12ka December inay bilaabi doonaan qabashada Xildhibaanada ay sheegeen inay soo xuleen Beelaha deegaanada Puntland.

Afhayeenka gudigaasi Eng.Maxamud Axmed Xasan ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano lasoo magacaabay oo hadda Garowe ku sugan, wallow xildhibaanadan horey loo sheegay inay in badan kamid yihiin kuwii hore ee kamid ahaa isla xisbigii Horsed, isla markaana saxiixyada ay wataan la isku heysto.

Arrintan ayaa keentay in qaar badan oo kamid ah beelaha gobalada Puntland ku kala dhaqan ay ka gaabsadaan inay shaaciyaan xildhibaanada ay soo magacaabeen, isla markaana diidaan gebi ahaan inay xildhibaanadooda usoo diraan magaalada Garowe.

Isimada Gobalka Mudug, Bari, Sanaag iyo Sool ayaa iyagu weli diidan inay soo gudbiyaan Xildhibaanadooda maadaama la isku heysto Guddiga Xalinta khilaafaadka oo ay hadad jiraan labo guddi oo ay kala magacaabeen Madaxweynaha iyo Murashaxiinta, taas oo ay dheertahay in si weyn loo saluugey Guddiga Madaxweynaha oo aan u muuqan kuwo dhex-dhexaad ah marka la eego ka tirsanaantoodi Ururkii Madaxweynaha ee Horsed.

Afhayeenka gudigaasi Madaxweyne Faroole magacaabay oo wax laga weydiiyey sida ay u abaari doonaan kuraasta xildhibaanada ee gobalka Sool oo ay Isimada inta badan ayba sheegeen inaysan sanadakan cidna usoo dirsan doonin Baarlamaanka Puntland, ayuu wuxuu yiri Eng Max’ud Axmed Xasan “….inta badan xildhibaanadii Gobalka Sool waa lasoo magacaabay, inta hartayna dedaal baan ugu jirnaa…”

Arrintan ayaa markale xaqiijineysa ololaha ay ku jiraan xubnaha xiriirka laleh Madaxweyne Faroole oo qaarkood kamid ahaa Baarlamaankii hore inay doonayaan inay markale ku fariistaan kuraasta beelaha maqan sida gobalka Sool oo ay Isimadiisa diideen inay soo saxiixaan Xildhibaanada, marka laga reebo Garaad Saleebaan.

Dhinaca kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxay xubno iyagu sheeganaya Isimo balse aan ahayn kuwii soo jireenka ahaa oo sheegaya inay saxiixyo siin doonaan xubnaha Xildhibaanada u doodaya, iyadoo guddigii arrimahan kala saari lahaa la isku heysto oo ay labo guddi hada jiraan.

Dhinaca kale Guddiga ay dhawaan ku dhawaaqeen Murashaxiinta ayaa sheegay inay bilaabayaan isla todobaadkan qabashada qoraalada Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay beelaha soo magacaabeen.

Sida xaalada hada ku socoto ayaa ah labo guddi, Labo Baarlamaan iyo labo doorasho oo kala socota. Arrintan ayaa ah mid walaac weyn laga muujinayo.

8da Janaayo  2014 kadib

Waxaa durbaba soo baxaya wadatashiyo ay wadaan murashaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan iyadoo ay qaarkood ka dhawaajiyeen wixii ka danbeeya 8da Janaayo ay gebi ahaan wakhtigeedii dhamaanayo Xukuumada hada jirta, isla markaana Madaxweyne Faroole uu dhuminayo awooda Madaxweyne sidoo kale golaha Wasiiraduna ay awood beelayaan, haddaan la helin nidaam cad oo doorasho lagu galo.

Waxaan la aqoon wax beddali doona maadaama uusan jirin weli Baarlamaan, hadii ayse yimaadaan labo Baarlamaan oo is feersocda waxaa macquul ah inay dhashaan labo xukuumadooda oo is feersocda taasi oo burbur ku keeni karta midnimadii Puntland, isla markaana ka dhigeysa Puntland markii u horeysey oo la isku qabsado doorasho tan iyo sanadkii 2004.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa ku dhaliilaya Xukuumadda Faroole inay iridda u furtay loolan siyaasadeed oo burbur dalka ku keeni kara, iyadoo ay hadda socdaan wadahadalo hoose oo la sheegayo inay yeelanyaan qaar kamid ah beelaha Puntland ee dega Gobolada ku bahoobey maamulka, taas oo keeni karta in maamulku kala furmo haddii aan la helin waddo cad oo loo maro doorasho xalaal ah.

Arrimhan ayaa habka kaliya ee lagu xakameyn karo ay tahay iyadoo Xukuumada iyo Madaxweyne Faroole ay ka shaqeeyaan midnimada oo xiligan lagu badbaadin karo oo kaliya doorasho xalaal ah oo dhacda iyadoo loo marayo guddi lagu wada qanacsan yahay iyo Baarlamaan si xalaal ah ku yimid  isla amrkaana Ururka Horsed ee madaxweynuhu ka daayo farogelinta uu ku hayo qaar kamid ah beelaha.

W/Q: Cabdirisaaq Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online