“Waddamo shisheeye ayaa ku lug laha kalsooni kala noqoshadii SAACID”

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay arrin aad looga xumaado Go’aankii ay Xidhibaanada DF kalsoonida ugu diideen Xukuumada Saacid, iyadoo dadka ka hadlay arintan qaarkood ay sheegeen in dalku uu galay xaalad la mid ah kuwii Meel-ku-gaarnimada.

Dadweynaha ka hadlay Arintan oo qaybaha Bulshada isugu jiray ayaa Caasimada Online, u sheegay in go’aankaas uu yahay mid ay dabada ka riixayeen dalal Ajnabi ah iyagoo sheegay in Madaxweynaha arintan lagu qalday.

“Go’aankan wuxuu ahaa mid uu dabada ka riixayay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo gacan ka helaya dalal Shisheeye ah oo qarsoon, waana Nasiib-daro ku dhacday Somalia” ayuu yiri Cumar Salaad oo Aqoonyahan ah, isagoo sheegay in Baarlamaanku uu ku dag-dagay go’aankan.

Aqoonyahankan oo Muqdisho kula hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in arintan dhowr dhinac marka laga eego ay u muuqanayso in Somalia aan lala doonayn wax horumar ah, maadaama mas’uulkii waxqabad la yimaada xilka laga qaadayo.

Sidoo kale Waxaa isla arintan ka hadlay Faarax Nuur oo ka mid ah Dhalinta Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa wax ku soo bartay isagoo ku tilmaamay in ay ahayd arin Qorsheysan oo lagu maja-xaabinayo Xukuumada Maadaama ay la timid Wax-qabad muuqda.

“Xildhibaanadii Mooshinka soo diyaariyay waxay sheegeen in Xukuumadu ay ku fashilntay howlihii loo xil saaray inay kasoo baxdo, balse taasi waa been la doonayo in Shacabka lagu qaldo, runtuna waxay tahay in Somalia aan lala doonayn horumar” ayuu yiri Faarax Nuur.

Sacdiyo Suleymaan oo iyaduna ka hadashay arintan ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay, iyadoo sheegtay inay maleynayeen mar hadii uu dalku KMG-kii ka baxay laga gudbay is-qabasi iyo muran siyaasadeed laakiinse ay tani cadeyn u tahay in weli Soomaalidu aysan ahayn dad bisil.

“Dalkan wuxuu dhibaato kusoo jiray 22-sano, dowlado KMG ah ayaana soo maray, markii la dhisay dowladan waxaan filaynay in taas laga gudbay oo dhinaca horumarka loo jeestay, balse dib ayaa meeshii hore iyo fowdadii dhinaca siyaasada ahayd loogu soo laabtay” ayay tiri Sacdiyo.

Gabadhan oo ka mid ah aqoonyahanada wax kusoo bartay dibada dalka oo sii hadashay ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Baarlamaankaba ay ku dhaceen god madow, ayna cadahay in dalku uu fowdo siyaasadeed dib u galay.

Dhanka kale waxaa jira dad iyaguna taageersan go’aankan oo sheegay inay tahay sax in Xukuumada la eryo hadii ay wax qaban wayday, balse waxay ku taliyeen in Ra’iisul Wasaare kale oo la mid ah Saacid lasoo magacaabo.

Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud ayaa go’aanka Baarlamaanku uu kalasoonida kala laabtay Xukuumada Saacid ku tilmaamay mid sharci ah oo uu soo dhaweynayo, isagoo sheegay inuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

Ra’iisul Wasaaraha waayay kalsoonida Baarlamaanka oo isaguna hadlay intii aan xilka laga qaadin ayaa sheegay inuu aqbalayo go’aanka Baarlamaanka isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com