Muwaadin Soomaaliyeed oo Caalamka tusiyay Horumarka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee Maanta ka soconaya & Doorka ay ka qaateyn Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu noqonaya.
Aqristoow Muwaadinimadaada heerkaan ma gaartay maanta in aad adigoo ka qeyb galaya Barnaamij caalami ah oo lagu soo bandhigaya horumarka Wadamada Caalamka adigoo ku faanaya Horumarka wadankaada sida uu sameynayo Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee nala daawo.
Boosaaso (Caasimada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa ku eedeeyay ammaan darida ka taagan magaaladan in uu mas’uul ka yahay maamulka uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole.
Isagoo la hadlaayay habeenkii xaley dadweyne ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ayuu sheegay in ciidamada ammaanka ee Boosaaso ku sugan aan la siin dhowr bilood wax mushaar ah.
Cabdiweli Gaas oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidan aan wax mushaar an la siin dhowr bilood in ay adag tahay sidda ay ammaanka u sugu karaan.
Wuxuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono haddii uu ku guuleesto xilka madaxweynaha maamulka Puntland arrimaha ammaanka sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka musharrax Cabdiweli ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan magaalada Boosaaso uu ka dhacay qarax ismiidaamiin ah, kaasoo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 20 tir kale oo badan ay ku dhaawacantay.
Washington (Caasimada Online) Idaacadda VOA ayaa wareysigii ugu horreyay la yeelatay guddoomiyaha cusub ee KMG ah ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali.
Bashiir oo horrey oo la soo shaqeeyay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Kacaanka iyo sidoo kale dowladihii KMG ah ee dalka soo maray 20-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ku jirto waxa uu ka ogyahay shaqada in ay ka tagto Yusra Abraar oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas loo magacaabo.
Mr. Bashiir ayaa ka hadlay qorshaha uu lee yahay ee ku aadan shaqada dhawaan loo magacaabay iyo arrimaha la xiriira musuq-maasuqa oo lagu eedeeyay guddoomiyii horre Cabdisalaan Hadliye.
Haddii aan wax yer dib u laabanao Bashiir wuxuu ku biiray saraakiisha sarsare ee Bangiga Dhexe sanadkii 1962-dii wuxuu intaa ka dib soo noqday gudoomiyaha laamaha uu Bangigu ku lahaa degmooyinka, Qardho, Boosaaso, Hargaysa, Kismaayo, iyo Marko, waxaa sidoo kale uu soo noqday Agaasimihii guud ee Bangiga dhexe, iyo Gudoomiye ku xigeen.
Guddoomiyaha waxaa wareystay Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ka tirsan VOA-da.
Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa caddeeyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qayb ka yihiim ammaan darida ka jirta halkaas.
Isagoo u warramayay Idaacadda VOA ayuu sheegay in habeenkii la dhaco dadka rayidka, waxaana sidaas sameeya ayuu yiri ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan Afgooye.
Mahdi Xasan Axmed guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Afgooye ayaa tilmaamay in ciidamado badan ay ku sugan yihiin degmada kuwaasoo ay jirin cid ay ka amar qaataan.
“Runta aan isku sheegno maanta ma jirto ciidan ka amar qaata saraakiishooda, qaar kood iyaga ayaa ka warqaba, maalinta cad ayaa dadka lagu dhacaa Afgooye, maalin kasta dad ayaa lagu dilaa” ayuu yiri Mahdi Xasan Axmed.
Dhinaca kale, mar uu ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenka ammaanka ee degmada Afgooye lacagihii canshuuraha oo ay joojiyeen markii la dilay askarta canshuuraha.
“Muddo shan bil canshuurtii degmada waan joojinay, waayo canshuurta waxaa lagu qaadaa qori caaradii, waxaa lagu qaadaa Bac waxaa lagu bixiyaa bac, dadka ayaa taas ka qalqalay, marka annaga sidaas ayaaba noo roon wasaaradda arrimaha gudaha waan u sheegnay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Afgooye.
Jigjiga (Caasimada Online) Sida uu goordhow noo soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo Jigjiga ku sugan waxaa halkaas lagu soo gabagabeyay xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Xuskan oo sannadkan markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.
Wariyaha ayaa soo sheegay in magaalada ay buux dhaafiyeen dadweyne fara badan iyo madax ka socota gobalka oo ka qaybgalay xafladda xuska.
Ammaanka magaalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaa la fasaxay ardayda waxaa xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Shabakadda Caasimada Online oo ka ma id tiro wariyaal ah oo lagu casuumay sannadkan xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya.
Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar oo xaley ka hadlaayay xaflad casho sharraf ah oo loo sameeyay madaxda ka kala socota ku dhowaad 20 waddan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay martigaliyaan sannadkan xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya
Madaxda ka qaybgalaysa xuskan waxaa ka mid ah wafdi dowladda Soomaaliya ka socda, kuwa ka kala socda Puntland, Somaliland iyo Maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalgn,oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in markii ay ka walwalsanaayeen magaalada Jigjiga in ay martigallin karto dad sidan u badan balse wuxuu xaqiijiyay magaalada Jigjiga in ay ka dhabeesay arrintaas.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo isna ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyay in dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ay muujisay doorka ay ku lee dahay qowmiyadaha ka dhisan dalka Ethiopia.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay carruur xiran dharka hidaha ee dalka Itoobiya waxaana lagu soo bandhigay dhammaan dhaqanka ay lee yihiin in ka badan 30 qowmiyadood oo Itoobiya ku nool.
Xafladda waxaa joogay dad aad u badan iyo in ka badan 140 diplomaasi oo ka socday caalamka.
Waa markii siddeedeed oo la qabto xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya waana markii ugu horreysay oo magaalada Jigjiga lagu qabtay.
Xafladda ayaa si weyn looga dareemay magaalada oo dhan, waxaana soo dhaweeyay madaxa ka qaybagashay.
Beledweyne (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ay maanta ka guureen saldhigga Bileyska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ma cadda ilaa hadda sababtay keentay ciidanka Jabuuti ee ku sugnaa saldhigga Booliska ay maanta halkaas isaga baxaan, balse warar aan helnay ayaa sheegay in uu jirro khilaaf soo kala dhexgalay ciidanka iyo maamulka Gobalka Hiiraan.
Khilaafka ayaa yimid markii dhawaan uu qof isku soo xiray wax yaabaha qaraxa uu isku qarxiyay saldhigga, waxaana halkaas ku dhintay askar ka tirsan kuwa AMISOM ee Jabuuti kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Jabuuti ayaa muddo sannad iyo ber ku sugnaa magaalada Beledweyne, waxaana xarunta ugu weyn u ahayd saldhigga booliska ee magaalada.
Ma jirto cid ka hadashay sababta ciidanka Jabuuti ay uga guureen saldhigga magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Maamulka Gobolka Banaadir howlaha uu ka wado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ama 17 degmo ee uu ka kooban yahay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa lagu bixiyay Mashruuc lacageed oo badan.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa ka hadlaya wax yaabo badan oo qarsoon oo badan oo uu sharxayo howlaha ka socda Magaalada iyo qaabka ay ku hirgashay Magaalada Bilicdeda ee daawo wax badan oo aadan ogeyn oo soo baxay.
Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu taagan xilka raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay markii uu wadatashiyo la sameeyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo dad asxaabo ay yihiin in uu isku arkay in uu qaban karo xilkaas oo uu ka tagayo hadda Cabdi Faraax Shirdoon oo dhawaan ay codka kalsoonida kala laabteen xildhibaannada baarlamaanka.
Xildhibaan Muuse oo horre ula soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan sida wakaalada Reuters ayaa sheegay in uu warqadiisa codsiga xilkaas uu ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Muuse Sheekh Cumar waa xildhibaan ka soo jeeda Gobalka Gedo, wuxuu qayb ka ahaa xildhibaanno u ololeenayay in la rido raysal wasaare Saacid.
Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa magaalada ka socda kulamo ballaaran oo looga hadlaayo cidda noqon doonta raysal wasaaraha cusub, waxaana soo badanaya ragga isku soo taagaya xilkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada wadatashiyo ku aadan shakhsiga uu u magacaabayo raysal wasaaraha cusub.
Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa shegeaya in goordhow lagu dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha fullinta maamulka KMG ah ee Jubba.
Wariye Kismaayo ku suganoo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in siddeed xubnood la magacaabay kuwaasoo ah golaha wasiiradda maamulka KMG ah ee Jubba.
Afhayenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa akhriyay digreeto ka soo baxday Axmed Madoobe.
Wuxuuna sheegay in madaxweynuhu uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkiisa, waxaana loo magacaabay Suldaan Cabduqaadir Maxame “Luga dheere”
Wasiiradda la magacaabay ayaa kala ah:
1- Madaxweyne ku Xigeenka 2aad Jubba-land – Suldaan C/qadir Maxamed’’Lugadheere(Hawiye/Shiikhaal).
Wafdiga oo la socday diyaarad gaar ah oo ka keentay magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas ku sugaayay xildhibaanno,mas’uuliyiinta ka maamulka gobolka iyo dadweyn kale.
Shariif Xasan oo saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa ujeeddada safarkooda ku tilmaamay inay tahay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.
Wafdiga waxaa la dejiyay hoteelka Bakiin, waxaan ammaankooda sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Magaalada waxaa horrey u joogay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kuwaasoo ka qaybgalaya shir ka socda xarunta ADC-da, kaasoo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala yimid gobalada maamulka loo sameenaayo.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda.
Kismaayo (Caasimada Online) Barre Aadan Shire oo ka mid ahaa raggii sheegtay madaxweynaha maamulka Jubba ayaa ka hadlay wasiiro sidddeed ah oo uu magacaabay Axmed Madoobe saakay aroortii.
Barre Hiiraalela oo la hadlay Idaacad Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in ka soo horjeedo wasiiradaas wuxuuna ku goodiyay in uu isna magacaabi doono golle wasiiro ah oo gaaraya ilaa 18-wasiir.
Wuxuu ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu ka baxay ballan ay horrey u kala galeen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas ku daray in uusan aqbali doonin xubnaha wasiirada ee uu magacaabay Axmed Madoobe.
Si kastaba, ma cadda sida ay uga jawaabi doonaan maamulka Axmed Madoobe eedaha uga timid Barre Hiiraale oo ka mid ah rag sheegtay madaxweynaha Jubbaland oo xoog loo saaray magaalada.
Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii uu akhriyay digreeto ka soo baxday Axmed Madoobe oo uu ku magacaabay siddeeda wasiir wuxuu sheegay in ay wax badan kala yareen doono khilaafka la sheegay in uu ka dhexeeyo beelaha deggan Jubbooyinka iyo shaki maalmahan ka dhex jiray Magaalada oo ku aadan soo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Caasimada Online: Hadaad mudo badan qurbaha ku maqneyd oo aa dib ugu soo noqotay Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Waxaa kuu muuqanaayo horumar dhinac kasta marka laga fiiriyo amaan iyo horumar deg deg ah oo Muqdisho ay ku tallaabsatay.
Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga soo duubay Muqdisho ayaa muujinayaa horumarka ka socda iyo dib u dhiska dhinac walbo, gaar ahaan wadooyinka oo Dowladda Turkiga xil weyn iska saartay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd dunida maanta.
Somali lawmaker Mohamed “Feisal” was killed Friday (December 6th) when a bomb detonated in his vehicle near Villa Somalia, fellow lawmakers said.
The bomb was attached to the seat of Warsame’s car, lawmaker Tahlil Abdi Mohamed told Sabahi. He was rushed to Madina Hospital where he was pronounced dead.
Former lawmaker Amina Mohamed Mursal was in the car with Warsame and was injured in the attack. She is receiving treatment at Madina Hospital.
The bomb exploded outside the heavily fortified walls of a government building in one of the most secure areas in Mogadishu.
Warsame, who was very active in the parliament, was the chairman of the parliamentary committee on social affairs. He previously worked for the World Health Organisation before entering politics.
President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Abdi Farah Shirdon sent condolences to Warsame’s family and colleagues.
Baydhabo (Caasimada Online) Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya xubno uu ku jirro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh ay maanta oo Sabti ah u ambabixi doonaan magaalada Bayddhabo ee xarunta gobalka Baay.
Wafdiga ku sii jeeda Baydhabo waxaa ku jirra wasiiro horrey iyo siyaasiyiin kuwaasoo la sheegay in ay wadaan olole ku saabsan siddii loo dhisi lahaa maamul cusub oo loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla koonfuf galbeed ee dalka.
Magaalada waxaa hadda ku sugan siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda, waxaana ka mid ah guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”
Magaalada waxaa hadda soo gaaraya siyaasiyiin iyo ergooyin kale oo ku howlan dhismaha maamulka cusub oo lagu wado in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.
Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo waxaa la wareegay ciidamo AMISOM.
Gobalada maamulkan cusub loo sameenaayo waxaa ka mid ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, kuwaaso hadda leh maamul kumeel gaar ah oo madax uu yahay Axmed Madoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe.
Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah wadooyinka muhiimka ee ku yaalla Muqdisho ay saakay xiran yihiin.
Laga billaabo wadadda aada xarunta Villa Somalia, ilaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa xiran waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo heegan ku jirra sida uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqdisho.
Wariyaha oo ka mid ahaa dad ku soo lugeeyay wadooyinka xiran ayaa sheegay in uu arkay dad badan oo arday iyo shaqaale isugu jirra oo lugtooda maalaya oo lugeenaya.
Ma cadda ilaa hadda wsababaha loo xiray wadooyinkan oo ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.
Jigjiga (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia ayaa ku soo warramaya in magaalada ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee loogu jirro sheegaya xuska qowmiyadaha dalka Ethiopia.
Wariyaha ayaa soo sheegaya in magaalada ay ku soo qulqulayaan madax ka socota caalamka, kuwaasoo doonaya in ay ka qaybgalaan xuska maalintan oo 9-ka bishan ka billaabanaya magaalada Jigjiga.
Madaxda ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya ku simaha wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdulaahi Cimooge Xirsi, madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo hoggaamiyha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ayaa sidoo kale soo sheegay in madax Afrikaan ah ay ka qayb-gali doonaan xuska.
Amniga magaalada uu xuska ka dhacayo ee Jigjiga oo ah xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay.
Magaalada Jigjiga ayaa markii ugu horreysay marti-galinaysa 9-ka Maamul ee Ethiopia, taasoo maalinta berrito ah ka furmaya xaflad loogu dabaaldegayo qowmiyadaha Ethiopia oo sanad walba gobol gaar ah lagu qabto.
Office of the Ambassador and Special Delegate of the Italian Government to the Somali Republic
PRESS RELEASE
ITALY CONDEMNS TERRORIST ATTACK IN BOSASO AND STANDS NEXT TO THE PEOPLE OF PUNTLAND IN THEIR STRUGGLE AGAINST TERRORISM.
Italian Ambassador and Special Delegate to Somalia, Andrea Mazzella, condemns in the strongest terms yesterday’s terrorist attack in Bosaso against Puntland security forces, that killed seven and injured dozens.
“Such coward and heinous attack will neither weaken the people and Government of Puntland in their firm stance against terrorism and in favour of peace and stability, nor will manage to divert the regular electoral process in Puntland from taking place”, said
Ambassador Andrea Mazzella. “The International Community, repeated times, showed its determination to support Puntland authorities in achieving peaceful, credible, transparent and democratic elections and will keep offering all the necessary support to the local authorities to achieve this fundamental goal”.
Ambassador Mazzella expresses Italy’s condolences to the families of the victims and wishes quick and full recovery to those injured. At the same time, Ambassador Mazzella reiterates how “Italy stands next to the people of Puntlandin their efforts to achieve full respect of their political and human rights”.