25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

QM oo si deg deg uga hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) War qoraal ah oo goordhow ka soo baxay xafiiska danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maanta codka kalsoonida kala noqday raysal wasaare Saacid iyo xukuumadiisa.

Kay ayaa yiri: “Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”, ayuu yiri.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jagada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”

Danjire Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor intuusan soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.” ayuu markale yiri Kay.

Ugu dambeyn warka qoraalka ee ka soo baxay xafiiska danjire Key ayaa sidoo kale lagu guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay tallaabada Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa soo dhaweeyay go’aankii maanta ay qaateen baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo codka kal soonida kala laabtay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu shirka jaraa’id ku amaanay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna sheegay in isaga iyo xukuumadiisa ay sii shaqeen doonaan ilaa inta uu ka soo magacaabaayo raysal wasaare cusub.

Madaxweynaha ka dhawaajiyay in wax khilaaf ah uusan kala dhexeynin raysal wasaaraha xafiiska ka tagay, wuxuna caddeeyay in marnaba uusan dhihin xilka ayaan kaa qaadayaa sida uu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo uu xusay in wixii maanta dhacay uu ahaa arrin dastuur ah, isagoona ka dhawaajiyay in khilaafaadka dowladda lagu xallin doono gudaha dalka oo aan loo qaadi doonin waddamada dibedda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celcliyay shacabka Soomaaliyeed in ay ku kal soonaadaan dowladiisa.

Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha

100328_004

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Baarlamanka Somalia oo kalsoonida kala noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare SAACID (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay codbixin loo qaaday mooshinka raysal wasaaraha Soomaaliya kaasoo ay hadda codka u qaadanayaan xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoona sheegay in 184-mudane ay codka kalsoonida ay kala laabteen raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wuxuu sheegay inay  u codeeyeen 249-mudane , waxaana mooshinka ka soo horjeestay ka mid ah 65-mudane

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda raysal wasaaraha ay weysay kalsoonida, baarlamaanka, wuxuuna sheegay ilaa inta laga soo dhisaayo xukuumad cusub ay sii shaqeen doonaan raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Jawaari ayaa sido kale tilmaamay in natiijada ka soo baxday kulanka maanta ay u gudbin doonaan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Guddoomiyaha waxaa kaloo u sheegay in uu shir jaraa’id ku qaban doono xarunta uuna ku faah-faahin doono wax yaabaha maanta ka dhacay fadhigga baarlamaanka.

Faah-faahin goodhow la soco.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii SAACID ka keenay mooshinka oo ka laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaanno horrey u taageersanaa mooshinka raysal wasaaraha ayaa maanta ka laabtay go’aankooda iyagoona tilmaamay in mooshinka uu yahay mid qalad ah.

Xildhibaannada hadlay waxa ay muujiyeen in mooshinka hor yaalla baarlamaanka uu yahay mid uu ka dhexeeyo madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Dhinaca kale, waxaa guddoomiyaha golaha baarlamaanka oo shir guddoominaya fadhigga uu sheegay in maanta la soo afjari doono dodda mooshinka dabadeedna loo dhaqaaqi doono siddii cod loogu qaadi lahaa mooshinka.

Ilaa hadda xildhibaannada ka hadlay madasha maanta waxa ay u badan yihiin kuwa ka soo horjeeda mooshinka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ka soo baxyaa kulanka maanta, waxaana wariyaasha ay sheegayaan in fadhigga ay ku sugan yihiin xubno ka socda xafiisyada ra’iisal wasaaraha iyo kan madaxweynaha.

Si kastaba, xitaa in kasta oo ay qaar ka laabteen mooshinka, haddana waxaa loo badinayaa in Saacid aanu heli doonin codka kalsoonida, maadaama ay diidan yihiin in ku dhow saddex meelood laba meel xildhibaanada baarlamanka.

Wixii ku soo kordha la soco Shabakadda Caasimada Online, oo wariyaal badan loo oggolaaday in ay uga soo warramaan fadhigga.

DEG DEG AH: Jawaari oo goor dhow ku dhowaaqay go’aan la xiriira mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cimaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in maanta codka kalsoonida loo qaadi doono ra’iisul wasaare Cabdi Faaraxa Shirdoon Saacid.

Jawaari ayaa hadalkan sheegay ka hor inta aanay xildhibaanada u bixin salaadda duhur, waxaana uu caddeeyey in maanta lagu kala bixi doono arrinta Saacid.

Jawarai ayaa tibaaxay in la dhameyn doono maanta dhammaan doodaha xildhibaanada ee harsan, kadibna la guda geli doono qaadista codka kalsoonida, sida uu ku rajo weyn yahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ay u badan tahay inuu weyn doono codka kalsoonida, maadaama 170 xildhibaan ay horey u saxiixeen mooshinka ka yaalla baarlamanka.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu baaqday codka, sababo la xiriira xildhibaano badan oo weli aan hadlin, mana cadda haddii sidaas oo kale maanta ay dhici doonto iyo in kale.

Wixii soo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Saacid oo war sir sheegay & in caqabad lagu hayo xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday shir jaraa’id oo uu Raiisal Wasare Cabdi Farax Sacid ku qabtay xafiiskiisa, isagoona uga warbixiyay arrimo badan.

Raysal wasaaraha ayaa  ka hadlay mudaddii uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadii uu la kulamay, waxuuna maanta daaha ka qaday in ay jirto koox yar oo damac gaar ah leh khatarna ku ah jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.

“Baarlamaankii iyo Qaar ka mid ah golahayga wasiirada waa layga afduubtay, wax kasta oo dhacaana waxaan u joogayaa danaha dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri raysal wasaare Saacid.

” Waxaan u tagay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan u sheegay in aan khudbad u jeediyo baarlamaanka, si aan u difaaco xukuumadeeda oo la soo eedeeyay, wax jawaab ah kama helin markii dambana waxaan naloo sheegay fariin ah in aan imaan karo” ayuu yiri.

Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in uu ku qanacsan yahay go’aanka ay qaataan xildhibaannada baarlamaanka oo maalintii labaad ka dooddaya mooshinka laga keenay.

Raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in ay jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa kuwaasoo ugu goodiyay in uu meesha ka bixi doono iyagana ay soo laaban doonaan.

Wuxuu sheegay in uu xaq u lee yahay kuwa ka soo horjeeda in uu shaqada ka ceyriyo, wuxuu ku celceliyay in uu awood u lee yahay in dhammaan uu ceyriyo balse wuxuu tilmaamay in arrintaas uu yeelayo siddii loo badbaadin lahaa masiirka dalka.

Raysal wasaaraha ayaa soo bandhigay khudbadii shaley loo diidday in ka jeediyo fadhigga baarlamaanka, wuxuuna sheegay in baarlamaanka looga fadhiyo siddii ay u badbaadin lahaayen masiirka dalka.

Ugu dambeyn, raysal wasaarha wuxuu caddeeyay in aysan jirin wax khilaaf oo kala dhexeeya madaxweynaha, balse wuxuu tilmaamay in ay isku hayaan arrin dastuur.

Sacid-Shir-Jaraaid

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Fadhigga Baarlamaanka ee mooshinka oo furmay iyo xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayaan wariyaasha Shabakadda Caasimada Online ee ku sugan xarunta golaha baarlamaanka, waxaa goordhow halkaas ka billowday fadhigga baarlamanka oo maalintii labaad laga dooddayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Fadhigga waxaa ilaa hadda soo xaadiray in ka badan 200 oo mudane, balse waxaa la filayaa in ay soo kordhaan maadama uu hadda furmay uun.

Si kastaba, shirka oo guddoominaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa meesha laga sii wadayaa dooddo ay soo jeedinayaan 83-mudane kuwaasoo isku qoray in ka hadlaan mooshinka ka yaalla raysal wasaaraha.

Xildhibaan kasta waxaa loo oggol yahay in uu hadlo seddax daqiiqo, waxaa shaley hadlay 33-mudane sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka.

Ma cadda sida ay wax noqon karaan, wixii ku soo kordha isha ku hay Caasimada Online

Xildhibaannada oo markii 2-aad diiday in uu hor yimaado R/Wasaare Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamanka Somalia ayaa maanta mar kale waxa ay diideen in uu hor yimaado ra’iisal wasaaraha si uu isku difaaco.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaaanada ay cod aqlabiyad leh ku doodeen in Saacid uu la hadlo, xilli ay ka doodayaan mooshin uu xilkiisa ku weyn karo.

Waxa ay xildhibaanada maanta sheegeen inuu jiro xeer diidaya in Ra’iisul wasaaraha horyimaado, mar haddii laga keeno mooshin.

Dodda xildhibaannada ayaa weli socota, waxaana xildhibaannada qaar ee hadlay ilaa hadda ay sheegeen in ay qalad tahay in mooshin xilligan laga keeno xukuumadda.

Waxaa la filayaa in xildhibaannada ay maanta soo gabagabeeyaan doodda ay ka lee yihiin mooshinka raysal wasaaraha kaddibna cod loo qaado.

Wixii warar ah oo soo kordha isha ku hay Shabakadda Caasimada Online

Mahadsanidiin

DHAGEYSO: Maxamed Cabi Yuusuf oo kashifay sir uu ku qarsaday Xasan Sh.

“Madaxweynaha beel beel ayuu inoogu yeeray isaga oo inaga dalbanayey in xukuumadan mooshin laga keeno”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo shalay ka hadlay fadhiggii baarlamanka ee mooshinka, ayaa ku tilmaamay mooshinka laga keenay Madaxweynaha in laga soo abaabulay Madaxtooyada, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Xildhibaanada Baarlamaanka inay noqdaan kuwo shaqaale ah.

Isagoo ka hadlayay doodii kululeyd ee Xildhibaanada Baarlamaanka ka yeesheen mooshinka laga soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay noqdaan kuwo ilaaliya xushmada iyo nidaamka Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in mooshinkan uu yahay mid laga soo abaabulay madaxtooyada waxaana uu si gaar ah u sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ka danbeeyo mooshinkan oo isaga laftiisa goobjoog u ahaa madashii uu xildhibaanada arrintaasi kala hadlayey madaxweynaha.

“Madaxweynaha ayaa inoo yeeray inoo beelo ah iyo anagoo koox koox ah waxaana uu inaga dalbaday in aan mooshin ka keeno Ra’iisul Wasaaraha oo ay isqabteen isaga shaqsiyan. Waxaana cadeynayaa in qaarkeen fikirkaasi qaateen oo ay mooshinkan soo gudbiyeen ” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abdi Yusuf.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in mooshin la keeno uusan danbi aheyn balse  ay waajib tahay inuu dhexdooda ka yimaado oo aysan qolo kale ku shaqeysaneen. Isagoona tusaale usoo qaatay mooshinkii kan ka horeeyey oo uu sheegay inuu ahaa mid saxan oo  ay baarlamaanka xaq u lahaayeen balse waagaasi ay madaxtooyada ka kala daadisay.

” Mooshinkan kii ka horeyeey ayaa sax ahaa sababtoo ah rabitaanka baarlamaanka dhexdooda ayuu ku yimid balse waxaa maalintaasi kala daadiyey madaxtooyada oo haddana u muuqata inay dan ay leedahay mooshinkan u adeegsaneyso xildhibaano” ayuu yiri Maxamed Abdi Yusuf.

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyey inuu si sharciga baalmarsan uga dalbaday Ra’iisul wasaaraha iscasilo taasi oo markii danbe isu badelay madaxweynaha uu abaabulo mooshinkan, sidaasi darteedna  aan baarlamanka loo ga fadhiyin inay shaqaale u noqdaan madaxtooyada.

” Baarlamaan waxaa laga doonayaa inaysan noqon shaqaale cid gaar ah u shaqeysa ee waa inay noqdaan kuwa cidkasta ay ka baqdo oo si xalal ah ku shaqeysa.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abdi Yusuf.

Inta uu hadalka waday ayaa waxaa socday buuq iyo sawaxan looga soo horjeeday hadalkiisa ku aadan Madaxweynaha inuu mooshinkan ka danbeeyey. Waxaase hadalka dhexdhexaadinayey Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

Dhinaca kale Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tallaabadii Xildhibaanada ku diideen inuu hor yimaado Baarlamaanka, isla markaana uu isu difaaco, waxaana uu sheegay in wax aan waligeed la arkin ay tahay.

Mooshinka hor yaala Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu khilaaf soo kala dhex galay, waxaana la rumeysan yahay in abaabulka mooshinkan uu ka yimid Madaxtooyada, isla markaana dhaqaale fara badan lagu bixiyay.

Halkan hoose ka dhageyso Maxamed Cabdi

Maxamed-Cabdi-Yuusuf

Isha: K24

Dhageyso: Axmed Madoobe oo go’aan qaatay iyo hadal culus oo uu jeediyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Magaalada Kismaayo kula hadlaye Odayaashii soo doortay Axmed Madoobe, ayaa wuxuu sheegay in xilligan aysan jirin wax hortaagan dhameystirka Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo.

Sheekh Axmed Madoobe, ayaa Odayaasha usheegay inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka ee maamulka kamid noqonaya, isaga oo qeexay inuu sii magacaabayo Golaha Wasiirada maamulkiisa si shaqada loosii bilaabo.Axmed Madoobe oo intii uu hadlaye soo hadal qaaday shirka ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay oo lix Gobal oo Koonfurta Soomaaliya maamul loogu sameynayo, ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo dhisanaysa maamul wixii ay ku caawin karaana ay lagarab taagan yihiin.

Ugu dambeyn Sheekh Axmed Madoobe, wuxuu cadeeyay inaysan jirin cid ay la dagaashan yihiin hadii ay yihiin maamulka Jubba, ayna doonayaan kuwada noolaashaha nabada.

Kismaayo ayaa hada laga dareemayaa qaban qaabada ku aadan soo dhisitaanka Maamulka Jubba, iyadoo qurbajoog badan oo Jubbooyinka kasoo jeeda ay dib ugu noqdeen Kismaayo, kuwaasi oo doonaya inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada ama Xildhibaanada Maamulka Jubba.

Halkan ka dhageyso Axmed Madoobe

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Yusuf Garaad: R/W Saacid ha is-casilo

Nairobi (Caasimada Online) – Suxufiga iyo siyaasiga Soomaaliyeed ee Yuuruf Garaad Cumar, ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu xilka iska casilo, sababo jira awgood.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa Yuusuf Garaad oo ka tusaale qaadanaya dhacdooyinkii shalay ka dhacay xarunta baarlamanka Somalia, waxa uu ku sheegay in iminka xalka uu ku jiro in Saacid xilka isaga tago.

Qoraalka Yuusuf Garaad, ayaa waxaan ka qaadnay screen shot, waxaana uu ahaa sidan:-

garad face

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Baabuur AMISOM ay leedahay oo ku xayiran degmada Cadaado

Cadaaddo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Cadaaddo ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb lagu arkay kolonyo oo ay lee yihiin AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Wariye ku sugan Cadaaddo ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada ay halmar ku soo tooseen gaadid badan oo u raran AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo magaalada ku sugan.

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in aysan ka war heynin ciidamo AMISOM oo la keenaayo deegannadooda, waxaana ay ku tilmaameen arrin xad gudub oo aan lagu soo wargalin.

Si kastaba, baabuurta u raran AMISOM ayaa la sheegay in ay hadda ku xayiran yihiin xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb, mana jirto cid ilaa hadda faah-faahin ka bixiyay gaadiidkan iyo cida ay u kireesan yihiin.

Waxaa horrey loo sheegay in ciidamo AMISOM ah gaar ahaa kuwa Jabuuti ee ku sugan gobalka Hiiraan in la geyn doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wixii warar ah ee ku soo kordhan warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online

Imisa dal ayaa ka dhex jirta waddanka Soomaaliya, hal dal mise ka badan?‏

Waxaan waayadan ku wareeray waxa ay Soomaaliya tahay, Ma hal dalbaa mise dalal badan oo mid isku ah?. ka dib markii aan dhegeystay Siyaasiyiinta reer Soomaaliland iyo xitaa kuwa kale reer Koonfureedka ah  oo marka ay hadlayaan ka dhigaya Soomaaliya sida dalal dhowr ah,waxaa iyagana wadadaasi maray Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.

Inkasta oo dalka Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeyo hadana waxaa uu Caalamku u aqoonsanaa dal ka mid ah dalalka Caalamka, Waxaana tusaale u ahaa sida uu Calanka Soomaaliya uu uga babanayey Maxaafisha dowliga ah.Hadda oo ay ka jirto dowlad rasmi ahna wali waxa loo aqoonsan yahay dal mid ah walibana xor ah.

Maadaama ay Soomaaliya ka tirsaneyd Ururo Caalami iyo kuwa Goboleedba marna ma banaanaanin Korsigeedii xitaa intii aan la dhisin dowladihii Ku-meelgaarka ahaa,Waxaa Iyadana xusid mudan in ay shaqeynayeen Safaaradihii ay ku lahayd Caalamka taas oo muujineysey in ay wali tahay dal xor ah oo jira.

Markii ay dhacday Dowladdii dhexe  waxaa laga dhisay Wadanka  Maamulo qaar sheegay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale sida kan la magac baxay Soomaaliland kaas oo ilaa Maanta aan cidana aqoonsan,iyo kuwa kale sida kan Puntland,Galmudug,Jubaland iyo kuwa kale oo soo socda.

Maadaama uu Caalamku ku dhaqmo Xeerar iyo Qawaanin Caalami ah waxa ay aqoonsan yihiin in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo dadka Soomaaliyeed Waxaana tusaale u ah Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qeyb gasho Iyadoo matalayso dadka Soomaaliyeed.

Waxaa tusaale labaad u ah in ay Iyadu ku fadhiso dhamaan kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd Ururdadi iyo Hay’adihii ay ka tirsaneyd sida Qaramada Midoobay,Midowga Africa,Jaamacadda Carabta,Ururka Islaamka iyo Ururka Goboleedka Igad.

Waxaa tusaale Sedexaad u ah in Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ay Safaaradahooda ka furteen Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xarunta ay degan tahay Dowladda Federaalka.

Dhamaan astaamihii aan soo sheegay waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay dal mid ah oo aan kala go’in hadana Xor ah,Xuduudyadeedii ay sidoodii yihiin ayna ka jirto hal dowlad ah,Waxa Iyada ka soo harayna ay yihiin Maamulo ka jira gudaha Wadanka magac kastaaba hala baxeene waana sida uu Caalamku aqoonsan yahay.

Hadaba maxaan qoonsaday?

Sida aan soo sheegay maadaama uu Caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya dal mid ah,Dowladda Federaalkuna tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo Dadka Soomaaliyeeda.Hadaba ma xaqbaa in loola dhaqmo Dalka sida dal ay ka jirto Sedex dowladood ama Sedex wadan.

Marka aad dhegeysoto Siyaasiyiinta Soomaalida ama xitaa qaar ka mida Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga sida BBC-da iyo VOA-da waxaa aad maqleysaa Iyaga oo dhahayo “Soomaaliland,Puntland iyo Soomaaliya” ama Soomaaliland iyo Soomaaliya”.Ma aqoondaraa jirta mise waxani  waa iska yeel yeel.waxa ay ahayd in sidan loo dhigno ” Soomaaliya iyo Maamulka la magac baxay Soomaaliland ee sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya. 

Puntland iyo Maamulada kale ee jira maadaama aysan Iyagu sheegin in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale waa in loodhiga sidatan marka laga hadlayo “Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya”.Ogaadana haddii macaawino si toos ah laguu siiyey macnaheeda ma ahan in lagu aqoonsaday ama aad tahay dal madax banaan.

Gabab gabadii waxa aan leeyahay Dalkan kama jirto dhowr dowladood kamana koobno dhowr dal oo mid isku ah sida dadka qaar u dhigayaan. Soomaaliland ma’ahan dal ka madax banana Soomaaliya ama dowlad la’aqoonsan yahay marka waxa aan ku talin lahaa in wax la saxo Dalkana laga dhaafo hagardaamada waa haddii Soomaalinimadu dhab naga tahay.

Talooyin ku socda Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.

1-In Wariyayaasha si fiican loo tababaro si looga fogaado khaladaadka dhacayo Maalin kasta.

2-In aad xulataan ereyada ku haboon warbixinta aad ka hadlaysaan lana timaadaan erey bixin fiican marka aad fasireysaan luuqadaha aan Soomaaliga ahayn.

3-In aad ilaalisaan Madax banaanida Wadanka Soomaliya si aan la idinkaga qaadin Sharciga aad ku shaqeysaneysaan.

4-In aad si fiican u fasirtaan ereyada khalaad (aan Soomaliga ahayn) ee ku jira Warbixinada aad soo gudbineysaan si ay u fahmaan dadweynaha idin dhegeysanayo.

5-In aad Mujtamaca ka ilaalisaan waxyaabaha diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan fiicneyn ee Maalin kasta aan ku aragno Idaacadaha,Tv-yada iyo waliba Website-yada sida sawirada dumarka qaaqaawan.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Faroole oo hadal la yaab leh soo diray iyo qorshe uu leeyahay oo uu sheegay

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay in uu ka mid yahay musharrixiinta u taagan doorashadda maamulka Puntland.

Faroole oo saxaafadda uu warramaay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay qorshaha uu damacsan yahay haddii mar labaad uu xafiiska qabto.

Wuxuu isku sifeeyay qof aan xukunka jeceleyn balse markii uu arkay arrimo badan uu go’aansaday in uu mar labaad isku soo taago doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Wuxuu yiri “Waxaan go’aansaday in aan mar labaad isu soo taago doorashada madaxtinimada Puntland, Dastuurku wuxuu qorayaa in qofku madaxweyne isu taagi karo labo jeer…”

Ballaan qaad uu sameeyay haddii uu ku guuleesto doorashadda

Wuxuu balanqaaday inuu uga faa’iideyn doono khibradiisa maamul & Waayo aragnimadiisa shaqo dadkiisa & dalkiisa isla markaana uu ku haminayo inuu hawl gab noqdo iyadoo umada Soomaaliyeed mid ah soona ceshatay sharaftii & karaamadii ay ku lahayd aduunka.

“… Waxaan ku haminayaa in aan ku hawl gabo Soomaaliya oo mid ah, is jecel oo nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalku uu dhamaystirmo oo meel walba state ka dhismo danaha deegaankooda & horumarkoodana hanta …” Ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Faroole ayaa soo hadal qaaday mashaariic uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in uu qabtay wax yaabo fara badan oo ah xagga horrumrka , wuxuu tusaale u soo qaatay dhismaha garoomo diyaarad sida Gaalkacyo, Garoowe,Boosaaso iyo wadooyin ay dhiseen.

Wuxuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in siyaasada Soomaaliya ay gashay weji cusub iyadoo loo gudbay dowlada rasmi ah waxaana hada dadaal & dagaal siyaasadeed u baahan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka loona meel marin lahaa Dastuur rasmi ayuu yiri.

Dhoola tuska uu sameeyay Faroole ayaa ku soo aadaya iyadoo ay soo kordheen musharrixiinta isku soo taagay doorashadda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: S/Land & DF oo ishaysta

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Soomaliya ayaa wali isku khilaafsan hannaanka socdaalka, taasoo hakad gelisay rakaab badan oo labada dhinac isaga socdaali jiray.

Khilaafkan labada dhinac u dhexeeya ayaa salka ku haya muranka ka taagan baasaboorka dawladda Soomaaliya iyo sida ay ula macaamisho Somaliland.

Haddaba Barnaamijkeena wicitaanka dhageystaha ee VOA-da ayaa todobaadkan arrintaasi ku saabsan waxaana marti ku ah wasiirka wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi.

Wasiirka ayaa waxaa la weydiiyay khilaafkaas iyo sida uu saameeyay dad weynaha isaga kala goosha labada dhinac.

Waxaa kaloo wasiirka ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Taliyaha hogaanka socdaaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo sheegay in la mamnuucay baasaboorkii horre.

Barnaamijka oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.

Video: Dood kulul oo wax badan lagu kashifay oo uu qabtay Universal TV

Caasimada Online:  Suxufiin Rugcadaayaal,  Siyaasiyiin Iyo Culuma’udiin Caan ah oo lagu casuumay Dood kulul oo looga hadlayay Warbaahinta Maanta gaar ahaan dhanka Tv-yada tirada badan ee Soomaalida ayaa waxeey gaartay heer laga hadlo arimo badan oo qarsoonaa oo banaanka la soo dhigay.

Aqristoow ma ogtahay in Tabarucaadyada Tv-yada Soomaalida in ay yihiin kuwa ganacsi ah oo laga sameeyo lacag waxaana ka hadlaya arimahaasi Culuma Soomaaliyeed oo caan ah waxaana sidoo kale ka hadlaya eedeymaha Tv-yada Milkiilaha Tv-ga Universal ee nala daawo doodaan fadeexada ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DEG DEG: Qaadista codka kalsoonida ee mooshinka Saacid oo billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay soo sheegeen wariyaasha Shabakadda Caasimada Online, ee ku sugan xarunta baarlamaanka waxaa la soo gabagabeeyay doodda xildhibaannada baarlamaanka, waxaana billaabatay in cod loo qaado mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

In ka badan 40-xildhibaan ayaa maanta ka hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ay u badnaayeen kuwa ka soo horjeeda mooshinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka guddoominaya, ayaa hadda akhrinaya magacyada xildhibaannada fadhigga jooga  iyo kuwa maqan.

Jawaari ayaa sheegay in cod qaadista ay noqon doonto mid gacan taag, wuxuuna sheegay in codka kal soonida ay noqon doonto seddex qayb oo kala ah, Haa, Maya iyo in laga Aamuso.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in uusan isaga codeen doonin ilaa inta codadka ay ka noqanayaan mid barbardhac ah.

Wuxuu kaloo Jawaari uu tilmaamay in codka kalsoonida ay noqon doonto mid saf saf ah.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa hadda si toos u billaabay codeynta mooshinka kala noqoshada raysal wasaaraha waxaana fadhigga ku sugan 250-mudane.

Faah-faahinta kala soco Shabakadda Caasimada Online

Fadhiga BF ee mooshinka oo furmaya goor dhow iyo warkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uu ka billowdo kulankii xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo looga dooddayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waa maalintii seddaxaad oo kulankan uu qabsoomo, maalintii shaley waxaa mooshinka raysal wasaaraha ka hadlay oo fikirkooda ka dhiibtay 31-mudane, kuwaasoo isugu jiray kuwa taageersan raysal wasaaraha iyo kuwa ka soo horjeeda.

Fadhigga shaley aad u xasaasi u ahaa, waxaana la isku weedaarsaday dooddo kulul, kuwaasoo mararka qaar guddoonka baarlamaanka ka tan weynaa.

Si kastaba, waxaa maanta la filayaa in la dhammeestiro dooddoa mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha, waxaana la guda galin doonaa in cod loo qaado.

Ma cadd sida ay wax noqon karaan, waxaana wax kasta ay ku xiran yihiin mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo hadda uu hor yaallo labo qiyaar oo culus.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad u hadal haya doodda xildhibaannada, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada gaar ahaan xarunta golaha shacabka.

Wixii ku soo kordha kala socda shabakadda Caasimada Online oo wariyaal dhowr ah ay ka joogaan xarunta baarlamanka.

Mahadsanidiin

DHAGEYSO: Cali Khaliif Galayr: Wax iga yaabiyey ayaan maanta ku arkay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka tirsan baarlamaanka intooda difaaceysa Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad ayaa waxa uu sheegay mid aan la aqbali karin in baarlamaanka diideen codsigii Saacid Farax.

Cali Khaliif ayaa waxaa uu sheegay in marna aan loo fadhiyin inay baarlamaanka Soomaaliyeed xukuumad ay eedeyn usoo jeediyeen hadana u diidaan inay is difaacdo taasi oo uu ku sheegay mid ka maran siyaasada dunida.

” Walikeed lama maqal xukuumad la leeyahay waa eedeyneynaa haddana madaxii xukuumadaasi la eedeynayo  loo diido inuu is difaaco” ayuu yiri Galeyr.

Dhinaca waxaa uu sheegay inay beesha caalamka il gaar ah ku eegayaan waxa ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya iyo go’aanka ay maanta qaateen, waxaana u sheegay inay shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankaba ay eedi doonaan go’aankaasi.

” Caalamka waxa uu inaga doonayaa maamul wanaag, waxaana la eedi doonaa go’aanka maanta baarlamaanka ku diiday inay xukuumada is difaacdo. Waana la eedi doonaa arrintaasi la sameeyey” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku diiday inuu Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad horyimaado baarlamaanka oo uu iska difaaco eedeynta loo soo jeediyey.

Halkan ka dhageyso codka Cali Khaliif

Galeyr

Isha: K24

RW Saacid oo la hadlay xildhibaanada mooshinka ka keenay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku gacan seyray eedaha uga yimid mudanayaasha baarlamaanka ee ku aadan in xukuumadiisa ay ku fashilantay wax yaabaha loo idmay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha, oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay mooshinka hor yaalla baarlamaanka in uu yahay mid aan xaqiiqo ahayn oo aan loo heynin wax cad ah.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah. haddaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba ” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Wuu sii hadlay “Waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda. Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.” ayuu markale yiri raysal wasaaaraha.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale baarlamaanka weydiistay in la siiyo fursad ay xukuumaddu isku difaacdo, wuxuuna intaas ku daray in go’aan kasta oo baarlamaanka ka soo baxa iyadoo xukuumaddu ka maqan tahay uu yahay mid mala awaal ah.

Hadalka raysul wasaaraha ayaa ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Muqdisho uu maalintii labaad ka socdo mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha, iyadoo maanta xildhibaannadu ay diideen in raysul wasaaraha uu fadhiga ka soo qeyb-galo si uu isku difaaco.

Ma cadda sida ay wax noqon karaan, waxaana dadka ku dhaqan Muqdisho ay indhaha ku hayaan halka uu ku dambeyn doono mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]