25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Taliyaha ugu sareeyo Howlgalka Amisom oo booqday Hiiraan.

Jen. Andrew Gutti oo ah Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan.

Socdaalka Taliyaha ayaa waxaa ku wehliyay Saraakiil katirsan Ciidamada Amisom waxaana ay ku tageen masuuliyiintan Beledweyne Diyaarad Helicopter ah oo ka qaaday Muqdisho.

Intaa kadib Taliyaha waxaa uu la kulmay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ka qayb ah howgalka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.

Jen. Andrew Gutti ayaa ku wareejiyay Ciidamada Amisom ee Jabuuti qalabka Miino baarista ah kadib markii uu booqday xeryihii ay ku sugnaayeen.

Taliyaha ayaa waxaa uu kula dar daarmay Ciidamada Dowlada iyo Amisom sugida amaanka Magaalada Beledwayne,isagoo dhawaana sheegay in howlgalka sal balaarsiga ay qaadayaan….

DEG DEG: Madaxwayne Xasan Sheikh oo ka dhoofay Muqdisho.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow waxaa uu ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cade waxaana Socdaal shaqo uu u aaday dalalka Dariska la ah Soomaaliya.

Sida aynu ku helayno wararka Madaxwaynaha ayaa socdaalkiisa koowaad waxaa uu ku tagayaa dalka Jabuuti waxaana uu la kulmayaa Madaxwayne Geele.

Prof.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cismaaciil Cumar geele ayaa waxaa ay ka hadlayaa Xiriirka labada dal ka dhaxeeyo iyo sidii loo xoojin lahaa.

Jabuuti kadib Madaxwaynaha waxaa uu tagi doonta dalka Eithopia waxaana uu halkaas uu kula shirayaaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ee ay ciidamadiisa ka joogaan dalka Somaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale wuxuu ku qotama inuu ku gaaray dalka Kenya oo ay isku arki doonaan Madaxweynaha dalkaasi Kenya Mwai Kibai oo ciidankiisa ay hada joogaan dalka Soomaaliya si gaar ahna ay ugu suigan yihiin Magaalada Kismayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasna Shekh Maxamuud wuxuu sidoo kale tagi doonaa sida ilo wareedyo aan ku kalsoonahay ay inoo shegeen uu sii tagi doonaan dalka Turkiga oo madaxda dalkaasi lakulmi doonaa.

Safarkaan ayaa noqonayaa kii labaad ee Madaxwaynaha uu ku tago dalka dibadiisa.

Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye oo soo dhoweeyay is-beddelka dalka.

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow Duubka dhaqanka Xamar iyo Xamar Daye ayaa waxa uu shir jaraâ’d uu uga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka marayo kuqabtay aqalka uu kadegan yahay magaalada Muqdisho.

Malaaqa ayaa ugu  horeyn hambalyeeyay madaxda dowlada cusub ee Soomaliya kuwaasi oo tilmaamay iney nasiib uyeesheen iney daadihiyaan hogaanka dalka xili 20-Sano kadib ee Soomaaliya ka gudubtay Kumeel gaar una gudubta dowlada Taam ah.

“Isbadalka uu dalka galay waa mid na farxad galinayo , madaxda dowlada aan kumeelgaarka aheyna waxa leeyahay hadii aanu nahay duubka dhaqanka Xamar iyo Xamar Daye eebe ha idinku guuleeyo Rajada ee Shacabka idinka sugayaan”.

Malaaq Cali Malaaq Showri ayaa dhanka kale waxa uu fariin udiray madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud oo malaaqu ka dalbaday inuu cadaalo falo isla markaana uu ka taxadiro talaabo walba oo xaga qaladka loo qaaday xiliga dowladi isaga ka horeesay.

“Madaxweynaha ladoortay mudane Xasan Sheekh Waxanu leenahay mudane soo dhawoow waxana aamisanahay inaa tahay hogaamiye xalaal ah isla markaana wax badan baraarugsan waxana kuleenahay hadii aanu nahay duubka dhaqanka Xamar iyo Xamar Daye inaa fiiro gaar ah uyeelato hanaanka maamul usameenta uu Gobolka  yeelanayo “.

Malaaqa ayaa sidoo kale ka dalbaday madaxweynaha inuu kutixgaliyo maamul usameenta gobolka dadka ehelka u ah sida uu ugu tixgaliyay dadka deegaanka iney soo xushaan maamulada iminka kajira gobolada Bay/Bakool, Hiiraan iyo Jubbooyinka.

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow duubka Xamar iyo Xamar-daye  ayaa sidoo kale baaq guud udiray dhamaan jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda deegaanada Xamar iyo Xamar Daye isagoo malaaqa ugu baaqay iney u istaagaan dibu dhiska dalka gaar ahaan deegaanada ee ku abtirsadaan.

Hadalka Malaaqa ayaa waxa uu kusoo aadaya xili madaxda cusub ee dowlada Soomaaliya ku howlan tahay maamul usameenta qaar kamid ah gobolada dalka iyadoo maamulada qaarkoodna qeylo dhaan adag kajirto hanaanka loo soo xulayo wallow madaxda dowlada dhexe ee si degan uwadaan howshaasi.

Maxaa maanta kala qabsaday xulalka Somalia iyo Burundi?

Xulka Qaranka Soomaaliya ee loo yaqaan (Xidigaha Badweynta) ayaa maanta iyad jab iyo murugo kala soo dareeray garoonka kubbadda cagta Mandela National Stadium oo ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda kadib markii cayaar ka tirsan Cecafa Cup 2012 ay la yeesheen dhigooda dalka Burundi.

Kulankan oo ahaa kii afaraad oo ay isaga horyiomaadaan laada tan iyo sanadkii 2000, iyadoo saddexdii kulan ee hore Soomaliya looga kala badiyey 3-0, 2-0 iyo 4-1 wuxuuna kulanka manta noqonayaa kii ugu xumaa ee xulka Soomaliya kala kulmaan xulka dalka Burundi.

Xulka Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagula durdiyey 5-1, waxaana goolasha xulka Brundi u dhaliyey labada cayaaryaan ee kala ah Christopher Udrmoragira oo dhaliyey goolkii ugu horreeyay daqiiqaddii 34aad iyo goolkii afaraad oo uu dhaliyey daiiqaddii 84aad, halka Suleimane Ndukuma uu dhaliyey saddex gool daqiiqadihii 41, 78 iyo 88.

Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo goolka qura ee ay dhaliyeen uu ahaa Rigoore ayaa waxaa daqiiqaddii 51aad u dhaliyey cayaaryahan Jabriil Xasan.

Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ay ka muuqato tabar-yari iyo adkaysi la’aan ayaa u baahan in si degdeg ah loogu sameeyay tababaro dheeraad ah iyo inay helaan xero oo ay waqti badan ku jiraan si ay u diyaargaroobaan tartamada kale ee ku soo fool leh, waxaana la yaab leh in marka uu tartan dhacayo oo kaliya la isku soo aruuriyo cayaartoyda Soomaaliyeed iyagoo aan diyaargarow iyo wax tababar ah qabin.

Xulka Brundi ee maanta ay wada cayaareen xulka Soomaaliya ayaa iyagu tababar ku soo qaatay dalka Jarmalka, halka xulka Soomaliya la isku soo aruuriyey markii uu soo dhawaaday tartanka, waxayse muddo usbuuc ah ku taabar qaateen dalka Uganda oo ay yimaadeen 9-kii bishan Novembar.

Madaxwaynaha oo qabtay shir deg deg ah oo loogu digayo Ciidanka DF.

(Mogadishu, Somalia,November,25,2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhamaan Taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha sar-sare.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) , Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/Xakiim Fiqi, iyo Wasiirka Arimmaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdi Xakiim Xuseen Guleed.

Ugu horeyntii Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diray dhamaan wiilashii iyo gabdhihii ka geeriyooday Ciidamada Qalabka sida una dhintay dalkooda iyo dadkooda. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay kuwa habeen iyo maalin u taagan in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Kadib markaas ayaa laga hadlay ujeeddada kulankaan oo aheyd in la saxo qaladaad dhaco taasna ay muhiim u tahay isbedelka cusub ee Dowladnimo.” Dowlanimo waa kalsooni, wanaag, iyo sharaf.Askariga dadka halaga illaaliyo hana lagu illaaliyo”.Waxeey taarikhdu xustay in qoladda ay shacabka la jiraan ay ku guuleystaan dagaalka saas darteedna layska qabto kuwa fara kutiriska ah ee xun ee ciidamada ku dhex jira.

“Qofkii qof dilaa waa dil.Kufsigana waa dil” shareecada islaamka ayaa saas qaabto Qanuunkana waa dhaqan gelinaynaa meeshaas ayey naga joogta ayuu Madaxweynaha qudbadiisa ku sheegay.Xanuunka meel xun uu gaaray gabdhaheena waa sharafteena, cidii kufstana waa dil uma dul qaadaneyno.

Ugu danbeyntii ayaa wuxuu sheegay in isbaaro ama jidgooyo la sameyn karin oo cida kaliya oo lacag aruurin karto ay tahay Wasaaradda Maaliyada. Halkaasna ciidamada Qalabka sida waxey ku balan qadeen in ay la dagaalamayaan cid walbo oo sharafta qaranka, umadda iyo amniga ku xad gudubto.

Atlas College oo Arday badan oo Soomaaliyeed shahaado siiyay.

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen dad Weyne aad u badan Madax siyaasiyiin uu ka mid ah Xildhibaan yuusuf Xasan oo laga soo doorto Degmada kamakuji iyo marti sharaf kale.

Dad Weyne gaaraya Boqolaal oo u badnaa ardaydii Qalin jabinaysay ayaa halkaas waxay ka soo Jeediyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay maanta Qalin Jabiyaan, waxayna sheegeen in maamulka Machadaka Atlas Collage uu wax badan u soo qabtay.

Cabdi Xasan Caymoow oo ka mid ah maamulka Machadaka Atlas Collage ayaa ugu horayn halkaas ka hadlay, waxa uuna sheegay in ardayda qalin Jabinaysa ay yihiin kuwa aad u badan, waxa uuna sheegay in ay iskugu jiraan dhowr qeybood.

“ waxaan u Qabanay Xafladan maanta arday badan uu u gudbaysa Kals 8, iyo kuwa kale oo qalin jabiyay iyo kuwa imtixaan u fadhiisan doona, dhamaantood waxaan ugu tala galnay in aan ku dhiirino waxbarashada”ayuu yiri Cabdi xasan Caymoow oo ka mid ah maamulka iskuulka oo halkaas ka hadlay.

Xasan Maxamed farax oo ka mid ahaa Waalidiinta kuna hadlay magaca waalidiinta dhigata aMachadka atlas Colage ayaa halkaas ka hadalay, waxa uuna amaan u soo jeediyay arkarda dhigata halkaas iyo macalimiinta oo uu ku sheegay kuwa ardarada wax baraan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ahaa Madaxdii halkaas timid, waxa uuna amaan u soo jeediyay maamulka Atlas Collage iyo macalimiinta, waxa uuna sheegay in ay xaafada islii ay ku soo kor dhiyeen wax badan.

“ Maamulka Atlas Colage waxaan oran karaa Degmada kamakuji gaar ahaan xaafad islii wax badan ayay ku soo kor dhiyeeb maxaa Yeelay waa iskuul Waxbarasho oo aad loola dhacay, wax badana u qabtay dhalinyarada daan xaafada islii”ayuu Yiri Xildhibaan Yusuf xasan.

“ waxan dhalinyarada Hooyooyinka iyo dadka dagan xaafada islii u sheegayaa waxaa socota Doorasho in ay qaataan sharci, oo ay is diiwaan galiyaan si ay u doortaan qofka ay rabaan, anigana Musharax ayaan ahay”ayuu yiri Yusuf Xasan.

Waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Guud atlas Collage Ustaad Cabdi Casiis axmed Kurbiye, waxa uuna sheegay in atlas Colage uu ka duwan yahay kuwa kale, waxa uuna sheegay in ay wax badan qabteen intii ay jireen.

“ Ardayda atlas Colage waa arday ka duwan kuwa kale, waxaa ka qalin jabiyay arday gaaraysa 120- ayaa qalin jabinaysa kuwa kale Sanadka horaantiisa ayay Qalin jabinayaan, waana farxad sidaad aragtaan waxaa iskugu Yimid halkaan Waalidiinta dhalay caruurta”ayuu yiri Ustaad Cabdi Casiis axmed Kurbiye.

“ Atlas Colage waxaa la aas aasay 1998-dii, Waa collage kii ugu horeeyay oo laga furo xaafada islii,Umada wax badan ayay naga sugaysaa, Waxaan dhignaa Qeyb Colage ah aan ku dhingno Luqadaha, Maamulka qibrad ayuu leeyahay mar hore ayaana ka furamy,Waana Hormuudka waxbarasshada ee xaafada islii”ayuu markale yiri Ustaad Cabdi Casiis axmed Kurbiye oo aha maamulaha Atlas Colage.

“ Ilaa 4 Qeybood ayuu ku leeyahay Gaar ahaan xaafada islii, waxaan tagay xataa magaalada hargaysa oo aan xarun ka Furnay Xarun, , Muqdisho waan ka Furaynaa, Dad kana waan soo dhawaynaynaa, Kuwa aan haysan dhaqaale ee Jooga islii waxaan ugu dhigaynaa si free ah”ayuu markale yiri Ustaad Cabdi Casiis axmed Kurbiye .

Ugu danbayntii Xafladaas ayaa ku soo idlaatay Jawi Wanaagsan waxaana halkaas arday gaaray 100 lagu Gudoon siiyay shaqaahoodin iskugu jira luqadaha, kuwa dugsi Sare iyo kuwa kale.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

[email protected]

Tel-+254711830393
sidaan sii maahan
waan yeelay sidaad yeel i tiri
kaabo

Qarax ka dhacay degmada Marka.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax bambaano oo  lagu qaaday Ciidamada Dowlada ee degmada Marka ee xarunta Sh/hoose.

Qaraxan oo ahaa Bambaanada gacanta lagu tuuro ayaa waxaa ay kooxo hubaysan ku qaadeen Saldhiga Degmada Marka kaas oo waxyeelo uu ka soo gaaray ciidamada Dowlada.

Kooxihi Weerarka fuliyay ayaa goobta ka cararay waxaana ku dhintay weerarkaas labo Askari oo ciidamada dowlada Mid kala dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ay ku sugnaayeen Saldhiga la weeraray.

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Cukaash ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse wuxuu daboolay inuu jiro khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Saldhiga aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray qaraxaasi balse sida uu sheegay uu ku dhaawacmay kaliya qof shacaba ah oo ka agdhawaa saldhiga Degmada.

Waxbarasho aan nooceeda horey loo arag oo laga hir geliyay Muqdisho.

Soomaalida aan awoodin in ay tagaan iskuulada caadiga ah ayaa hadda awoodi kara in ay bartaan akhriska iyo qoraalka iyaga oo dhagaysanaya barnaamijta waxbarsho ee ay bixiso Raadiyo Iftiin, oo ah xarun baahinta ka bilwaday dhawr bilood ka hor magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gasha 94.5 FM.

Raadiyo Iftiin ayaa ah xaruntii idaacaddeed ee wadanka ugu horaysay oo bixisa arrimo waxbarasho oo kali ah, kaas oo ka faaiidaysanaya ardada aan caadiga ahayn, sida xubnaha shacabka saboolka ah, dad wadanka gudihiisa ku bara kacay iyo kuwa dagan meelaha baadiyaha ah.

Waxaa kaliya ee ay ardaydu u baahan yihiin waa buug ay xarfaha alifbeetada ku qoran tahay si ay ula socdaan xilliga uu socdo barnaamjika waxbarasho ee idaacada.

Daadihiyayaasha idaacada ayaa duruusta ku bilaaba in ay alifbeetada qabyo u kala googooyaan, iyaga oo baraya dhagaystayaasha sidii xaraf walba loogu dhawaaqi lahaa, kadibna loo higaadin lahaa looguna dhawaaqi lahaa xarfaha aasaasiga ah. Xilliga uu barnaamijku socdo, ayaa lagu boorinayaa waalidka in ay ka qayb qaataan ayna u shaqeeyaan sidii kalkaaliyayaal oo kale si ay uga kaalmeeyaan caruurtooda in ay qoraalka bartaan.

Xaruntan ayaa maalin walba bixisa barnaamjiyo waxbarasho oo ah Islaamka, waxbarashada dadka waawayn, waxbarashada bulshada, iyo barnaamijyo usbuuc walba ah oo u dhaxeeya arrimaha taariikhda Soomaaliya, dhaqanka, iyo sooyaalka, illaa iyo xallinta khilaafaadka iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Barnaamijta inteeda badan ayaa ku wajahan caruurta iyo dhalinyarada, sida ku qoran bogga Internetka ee Raadiyo Iftiin.

“Xarumaha kale ee maxalliga ah ee Soomaaliya waxay xoogga saaraan oo kaliya arrimaha siyaasadda, laakiin Raadiyo Ifiin ayaa ka shaqeeya arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, xuquuqda banii’aadamka iyo waxbaridda bulshooyinka reer baadiyaha ah sidii ay u badbaadin lahaayeen bay’adda,” Maxamed Axmed oo ah madax ka tirsan Raadiyo Iftiin ayaa sidaas sheegay.

“Shacabka Soomaaliya waa dad aad u istcimaala wararka, sidaas darteed ayaa barnaamijteenu ay door aad u wayn uga ciyaaraysaa kor u qaadista akhriska iyo qoraalka iyo dhiiri galinta waxbarshada,” ayuu yiri. “Raadiyo Iftiin ayaa ka shaqayn doona kor u qaadida wacyiga ahmiyada ay leedahay in iskuul loo diro loo diro caruurta gaadhay da’da iskuulka.

Wuxuu sheegay xaataa in dadka aan akhriska iyo qoraalka ka baranin barnaamijkan ay noqon doonaan xubno shacabka ah oo xog ogaal ah.

In kasta oo si khaas ah loo leeyahay ayaa ayaa xarumaha maxalliga ah ee idaacaduhu ay aad ugu bateen Soomaaliya, iyada oo in ka badan 23 xarumo idaacadeed ay ka shaqeeyaan caasimada kaliya, Raadiyo Iftiin ayaa ah xarunta kaliya ee xaga waxbrashada u go’day.

Horumarinta waxbarashada Soomaaliya

Xuseen Cabdi, oo madax waxbarasho kana shaqeeya Hay’adda Gargaarka Afrika, taas oo dhawr iskuul oo khaas ah ka wadda Soomaaliya, ayaa sheegay in furitaanka xarun waxbarsho ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta waxbarashada wadanka.

“Samaynta xaruntan waxbarasho ayaa ah mid faa’iido badan, kumanaan dad ah, gaar ahaa kuwa aan waligood fursad u helin in ay waxbarasho helaan–sida kuwa ka soo jeeda bulshooyinka saboolka ah ama dadka wadanka gudihiisa ku bara kacay–ayaa ka faaiidaysan doona barnaamijta waxbarsho ee xarunta idaacadu ay bixiso,” ayuu sheegay. “Warbaahinta ayaa ciyaari kara kaalin muhiim ah ee dhinaca waxbaridda iyo hagidda, xarunta ayaa ah adeeg wayn oo gaadhi karta dhagaystayaal badan.”

“Barnaamijta laga sii daayo xaruntan waxay ka qayb qaadanayaan sidii qoris iyo akhris la’aanta looga cidhib tiri lahaa Soomaalida dhexdeeda, sababta oo ah waxay siinayaan fursado waxbarsho qaybo badan oo shacabka ah kuwaas oo aan caruurtooda u diri karin iskuul,” Cabdi ayaa sidaas sheegay.

Sababo la xidhiidha labaatameeyo sano oo xasilooni daro ah, ayaa qoris iyo akhris la’aanta iyo xadka is qorida iskuulada ee Soomaaliya ay hoosaysaa, gaar ahaan kuwa dagan meelaha baadiyaha iyo kuwa wadanka gudihiisa ku bara kacay.

“Waaxda waxbarashada ayaa ahayd mid aad ugu baahan xarun waxbarasho, waxaan rajaynaynaa in xaruntan ay yoolalkeeda waxbarasho xaqiijin doonto,” Cumar Maxamed, oo macalin ka ah Dugsiga sare ee Nuur kuna takhasusay habka waxbaridda ayaa sidaas yiri.

“Waddan Soomaaliya oo kale ah, oo xadka wax qorid iyo akhris la’aan ay sarayso, una dheer yihiin dhibaatooyin xagga ammaanka ah taasoo hor istaagaysa in ardaydu ay iskuul tagaan, ayaa siinta caruurta fursad ah in ay waxbartaan iyaga oo aan fasalo fadhiyin ay tahay mid aad muhiim ah,” ayuu yiri.

Ayan Axmed, oo ah hooyo 38 jir ah afar caruur ahna leh, deganna xerada Saybiyaano ee dadka guri la’aanta ah ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Raadiyo Muqdisho uu caruurteeda siiyay fursad ay ku bartaan sidii ay wax u akhrin lahaayeen una qori lahaayeen.

“Caruurtaydu iskuul ma aysan aadin, sababta oo ah ma aan awoodin inaan bixiyo lacagta iskuulka,” ayay tiri. “Caruurtaydu waxay wajihi lahaayeen mustaqbal madaw haddii aysan jiri lahayn barnaamijta waxbarsho ee ay xaruntan bixiso.”

“Waxaan doonaynayaa in aan si khaas ah ugu mahad celino qof walba oo ka qayb qaatay bilawga xaruntan, waxaan rajaynaynaa in Raadiyo Iftiin uu qof walba siin doono barnaamij tayo leh oo naajix ah,” ayay sheegtay.

Waxaa qoray Majiid Axmed oo Muqdisho jooga

Isha: Sabahi Online.

Faallo: Alla Soomaalidu doqonsanaa!

Subax walba markii aan tooso wararka ayaan akhristaa aniga oo niyada ka jecel in wax fiican aan ka maqlo arimaha Soomaallida. Laakiin taas badalkeeda waxaa iisii kordha, naxdin, walwal, rajo beel iyo qoomamayn.

Soomaallidu waa dad uu ilaahay siiyay dhul baaxad weyn, oo leh khayraad iyo stratigiyad muhiima laakiinse, kudhwaad qarniga ay xoryada haysteen waxay ku dhamaysteen gaajo iyo dagaal iyo waji ceebeed. Qofkasta oo Soomaalli ah wuxuu si fudud u awoodaa in uu ku noolaado, guri qasri ah, in uu helo waxbarasho, caafimaad iyo nolol fiican, laakiin meeshii aan waxaas ku mashquuli lahayn waxaa dadkii lagu mashquuliyay in qofwalba uu ka xumaado kano soo horjeesto nasiibka walallkiis.

Qofkii xoogaa wax soosaara sameeya waa labaadayaa, kii xoogaa wax barta waa la dilayaa, kii xoogaa dadkiisa abaabula waxaa ka agshidaya midbaasoo laf dhuunta gashay ku noqda . Hadaad maanta meel cidla ah oo duura aad xaar xaaratu midbaasoo qori wata ayaa kugu qabsanaya hada oo ay banana tahayna in ay jirtaba ma oga. Waa dad insha wixii ay ka arkaan mooyaane aan fakar kale lahayn maanta hadii aad dukaan furato oo aad keento dacas midkale oo islakii ah ayaa bari lagaasoo hor furi, haba furtee meel xoogaa kuu jirta xataa kafuri maayo, ee hortaada ayuu kafuri sidaas ayaad labadiinuba khasaaraysaan.

Meel aan wax ka nahay lama arko aduunka oo dhan, kuwii u dhoofay yurub iyo america, sadaqada dawlada mooyaane in ay shaqaystaan ma arkasid, waxaad arkaysaa nin wadan joogay 20 sano oo aan luuqadaba aqoonin. Kenya gobolka ugu weyn waa gobolka soomalida wax ay meeshaas ka yihiin lama arko, suuqa haday marayaan waa baad, maalinwaba waxaa lagu jarjaraa baangado iyo budad, qaar xabsigay ka buuxaan wax dambiya oo ay galeen lamama arko? Waa been dambiga ay galeen waa in ay askarta booliska iyo saraakiisha dawlada oo dhan bareen laaluush meeshii ay u halgami lahaayeen xuquudooda, siyaasdeed, awoodeed ee ayku leeyihiin wadanka. Siday ku helyaan taas dad aan is arkiba karin oo kala dhuumanaya oo cadawgooda isu adeegsanaya.

Adiga oo Soomaalliya hadaad la hadasho wax ka xiniinyo weyn ma arkasid, dadka kalena waa u adoomo iyo gun. Hogaamiya ku sheegyada Soomaalida ee kenya iyo itoobiya waa magic u yaalo aan waxba galin waxna gudin, waxaadna ku ogaanaysaa qowmiyadaha kale ee dalalkaas wax taabn kara, laaluush ka qaadi kara ama xasuuqi karta majirto. Soomaallidu se waa loomo ooyaan, wasiirka gaashaandhiga kenya waxaa ku magacaaban, nin Soomaalli ah. Wixii Soomaallida ku dhacay hadii ay ku dhici lahaayeen dadkale shaqadaaa laga cayrin lahaa, sidii lagu dhigay kii booliska ku macawnaan jiray. Markii dadkiisii laxasuuqay wuxuu ku jawaabay “amarkaas anigu ma bixinin” hadii aadan bixinin maxaad ka tahay wasiirka gaashaan dhiga?, hadiiba ay saraakiil hoose dambigaas galeen maad soo xirxirtid mise waxaad ka baqaysaa in adiga lagu baangadeeyo? Hadii aat tahay maqaarsaar dadka loomuujiyo maad iskaga tagtid meesha dadku ha ogaadaan in aysan dawlada wax awooda kulahayne. Waxaad arkaysaa faraax macalin oo saacado badan ka hadlaya Soomaalia, marka ay gabdhaha walaalihiisa askarta aydhiska qabta, gaarisa iyo nayroobi ku kufsanayso maxaa hadalka u diiday? Mise wuxuu ka baqayaa in awoodiisa latuso oo xabsiga lagu tuuro. Soomaalida reer kenya way ogyihiin sidii looxasuuqay lixdamaadkii oo ilaa hada aan xitaa raaligalin laga bixinin, ilaa xiligaas waxaa loola dhaqmayay sidii dad ajanabiya oo aan wadanka waxba kulahayn marka maxaa ka dhexeeya in ay xuquuq buuxda ku yeeshaan wadanka ama ay dhulkooda ka goostaan ayna samaystaan wadan madaxbanaan?

Waa su’aale meelkasta oo ay joogto maxaa Soomaallida ka dhigay dad daciifa oo aan waxba ka ahayn meesha ay joogaan. Maxaa u diiday qofka Soomaalliga ah in uu qadariyo walaalkiis oo u ah awood iyo iskuduubnaan meeshii uu dad ajanibiya oo neceb laaluush iyo dulinimo kula joogi lahaa?

Hogaamiyayaasha Soomaalida ninkii hal xaafad gudoomiye looga dhigo wuxuu ku badalayaa kibir iyo islaweyni uu dadka ku kala qaybiyo. Ninkiii safaarad loodhiibo wuxuu bilaabaa in uu sirta dalka ka ganacsado, dadkii masaakinta ahaa ee loogu talo galay in uu u shaqeeyana ay kala kulmaan, qabyaalad iyo aflagaado. Kii wax yar oo awooda isbida meeshii uu ka shaqayn lahaa cadaalada shan ilma adeerdiisa ayuu inta qol kulshiro ku taliyaa sidii ay wax u boobi lahaayeen.

Maxay tahay inkaarta nagu dhacday? Maxaa looga waayay Soomaalida hal hogaamiye oo cadaaladu ay dhab ka tahay.

Waxaad maqlaysaa maamulbaa lasameynayaa ama dawladbaa ladhisayaa, dooda kaliya ee miiska saarana waa anaa qaadanaya, mayee anaa qaadanaya, magaalada anaa iskaleh, mayee anaa iskaleh, anaa kaa xoog badan car wakaase itaabo iyo wan kugu tuman doonaa, hal qof oo ajanabiya markay arkaana xaflad aad aroos moodo ayaa loosameeyaa, loo kala dheereeyaa, oo ay bilaabaan in ay kala laaluushaan. Nin ajanabiya oo bartay lacag uu cuno iyo qadarin uusan istaahilin miyaa raba in mashruucu ka dhamaado? War dadoow sidanu si mahan.

Markaad fiiriso meesha dhulkeenu kaga yaalo africa, iyo sida ay reer africa u yihiin, jaahiliin dahab, shidaal iyo khayraad iska barkan waxaad arkaysaa aa in iskadaa labo ama sadex wadane africa oo dhan aanu maamuli karno dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba, yaa inaga hortaagan, maxaa inoo diidan africadan aduunyada oo dhan ay boobayso inaga oo african ah in aan ka faa’iidaysano?

Caqligaasi aaway maantoo dhan waxaa loodhimanayaa hal doolar wax kayar. Inta wiil naga dhimatay, hanti iyo wakhtiga naga khasaaray ka warama hadii aan ku bixin lahayn inagoo midaysan in aan wax qabsano oo aan xaqa aan aduunka ku leenahay, iyo kuu naga galayba soo dhacsano, xagee ayaan maanta joogi lahayn.

W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

R. Kelly oo ku socda xabsi si la mid ah Wesley Snipes. (Warbixin)

Documents cusub ayaa shaaca ka qaaday in heesaaga caanka ah ee R. Kelly lagu lee yahay 5 milyan oo dollar oo ah canshuur uusan bixin.

Wargeyska Chicago Sun-Times ayaa ku warramay in documents-ka oo ay buuxisay waaxda daqli uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) uu muujinayo in xiddigaas R&B lagu lee yahay canshuuro uusan bixin tan iyo sanaddii 2005.

45 jirkaasi heesaaga ah ayaa waxaa sanadki tagay qasab ku noqotay inuu iibiyo qasrigisii magaalada Chicago, kadib markii uu noqday mowduuca ficilo sharciyeed oo ku saabsan lacag aan la bixin oo weli guriga lagu lee yahay (Mortgage payments).

Sanaddii 2011 R. Kelly ayaa waxaa lagu sameeyay qalin dhinaca cunaha ah. Waxa uu sii daayay album-kiisii 11-aad dhammaadkii sanadkaas.

Sida ay ku warramayaan waraaqo canshuuro oo ay aragtay Chicago Sun-Times, Kelly ayaa bixiyay sanaddii 2008 2.6 milyan oo dollar oo qeyb ka ah canshuurta lagu lahaa.

Si kastaba, inkasta oo uu bixiyay hal milyan oo kale oo dheeri sanadii tagtay, haddana waxaa weli lagu lee yahay 4.8 milyan oo dollar.
Kelly wax war ah kama soo saarin arrintan.

Xiddigaasi oo ku guuleystay 3 goor abaal marinta Grammy Awards oo ah tan ugu wanaagsan xagga music, waxa uu iibiyay 50 milyan oo album dunida dacaladeeda.

Horaantii sanadkan Billboards ayaa u magacowday R. Kelly heesaaga ugu guusha badnaa R&B, 25 sano ee tagay.

Dhibaatooyinka dhinaca canshuuraha ayaa R.Kelly u hogaamin kara xabsi, ayada oo si taas la mid ah uu laba sano ku dhow arrintan oo kale xabsi ugu galay actor-ka caanka ah ee Wesley Snipes, welina ku jira.

Maxaa kala heysta Soomaalida ku cusub Uganda iyo Mootooyinka?

Mootada oo ka mid ah gaadiidka dadku u adeegsado safarada gaab gaaban ayaa waxa caan ay ka tahay magaalooyinka wadanka Uganda oo sida gaadiidka caadiga ah oo kale looga isticmaalo, waana wadanka ugu badan afrika ee mootadu ka shaqeyso,waxaana dadka ku sugan wadankan ay u yaqaanan mootada boodha boodha, taas oo ay ku shaqeystan dadka ugandheyska ah iyo sidoo kale tiro aan badnayn oo soomaalida ka mid ah.

Waxad arkeysaa daqiiqad kasta mootooyin isaga kala gooshaya laamiyada waa weyn iyo kuwa jid cadayaasha ah ee gala xaafadaha kuwaas oo ka badan gaadiidka kale iyada oo aanay kuu suurtagalayn in aad si dhaqsa ah ku goyso wadada aad dhinaceeda kale taagantahay cariiriga ay dhaliyen mootooyinka oo is kolanyaysta had iyo jeer awgood waxana waqti badan ay kugu qaadaneysaa in wadooyin badan isaga kalagudubto.

Somalida ku cusub wadanka ugandha ayaa la jahwareersan mootooyinka halkan ka shaqeeya oo si weyn isku dhaaf dhaafaya ahna dhaqan ay somalidi ka horeysay la qabsadeen waxaana arkaysaa ruux soo galay wadanka malmo ka hor oo in moda ah ku xayirma laamiga geeskiisa kale si uu ugu soo gudbo dhinaciisa kale halka kuwana iyaga oo gacmaha laga hayo si dhaqse ah looga soo dhaafiyo mootada horteeda si aanay u soo gaarin.

Mootada ayaa tusaale ahan marka ay kaa qaado xafada hus lagu magacabo ee magaalada kanbala kuna geenayso xafada maango ee isla kanbaala waxa ay kugu qaadeysaa 2000 oo shilin ahna lacagta wadankan una dhiganta 15kun oo shilin somali ah.

Muuqaalka wadankan ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqata mootada ama boodha boodhada waxana somalidu ay yihiin kuwa si weyn u raaca waxaana arinta ugu yaab badan ay tahay dadka ugandhada ee iska leh mootada marka ay arkaan soomaalida ay kula hadlayaan hadal jab jabsi ah sida xagee rabtaa, kaalay waryaa,labo kun keen iyo erayo kale.

W/Q: Wariye Mahad Cabdi Maxamed Shaakir.
Kala soo xiriir. [email protected]

Xaamud “Amisom waxbay ka qaban dhoofinta dhuxusha Kismaayo”

Afahyeenka ciidamada AMISOM Korneyl Cali Aden oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay AMISOM ka go’antahay wax ka qabashada dhoofinta dhuxusha Kismayo.

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in AMISOM ay raali ka tahay, soona dhaweynayso guddiga ay dowladda Soomaaliya u saartay  arrimaha Jubbooyinka.

Dhinaca kalene Korneyl Cali Aadan, waxa uu sheegay in AMISOM ay ku howlantahay sidii ay u furi lahaayeen waddooyinka isku xira magaalada Muqdisho iyo goobaha ka baxsan caasimadda ee ay gacanta ku hayso AMISOM.

Warbixinta shirka Jaraaid oo uu Muqdisho ka soo diray Xassan Kaafi Qoyste oo ka tirsan VOA-da halka hoose ka dhagayso. Warbixinta Afhayeenka AMISOM

Inter Milan & Chalsea: oo 10 sano gudahood ceyriyay 20 Tababare.

Inkastoo ay ka kala dhisanyihiin Laba Horyaal oo weliba kala gedisan balse Kooxaha Inter Milan iyo Chalsea ayaa Xeel dheerayaasha Kubada Cagta waxa ay ku Tilmaameen in ay Wadaagaan Dabeecada Dhowr ah oo ku suleysan Hab la dhaqanka Ciyaaryahanada iyo Macalimiinta.

Kooxaha Inter Milan (Nerrazuri) iyo Naadiga Chalsea (The Blue) waxa ay ka kala dhisanyihiin Horyaalka Talyaaniga ee Loo Yaqaan Lega Calcio ama Serie -da iyo Horyaalka Primier League-ga, Inter iyo Chalsea ayaa la sheegay in ay si isku dhow ula dhaqmaan Ciyaaryhaanada iyo Macalimiintooda .

Dabeecada La sheegayi in ay Isaga Mid yihiin Kooxda ka dhisan Magaalada Milano ee Inter iyo Kooxda ka dhisan Magaalada London ee Chalsea Waxa ay yihiin 3-Dabeecadooda.

1-Tan Kowaad ayaa ah in ay Inta badan Baadi Goobaan Xidigo iyo Macaliin Caan ah Waxeyna ku Qarash Gareeyaan Malaayiin Doolar.
2-Tan Labaad ayaa waxa ay Tahay in uu Aad u yaryahay Dulqaadka ay u Hayaan Ciyaaryahanada iyo Macaliimtooda xiliyada uu Kooxda ay Gasho Xaalad adag.

3. Tan Sedaxaad ayaa waxa ay tahay iyadoo Labadaan Naadi ay inta Badan Isku Dayaan in ay Faraha la galaan Howl Maalmeedka Macalinka Kooxda Joogo.

Arinta ugu Yaabka Badan ayaa waxa ay noqotay in Marka la isku daro Labadaan Naadi mudo ka yar 10 sano ay Shaqada ka Ceyriyeen in ka badan 20 Macalin oo K/cagta Caalamka ka ahaa Kuwa Magac iyo Maamuus ku leh oo weliba ku soo Guuleestay Koobab.

Hadii Aan ku horeyno Kooxda Inter Milan Waxaa Iskaleh Maalqabeen u dhashay Dalka Talyaaniga oo lagu Magacaabo Massimo Morati Inter waxaa La Aasaasay sanadkii 1908-dii Waxuuna Tan iyo Sanadkii 2002-da Shaqada Tababare nimo ka Ruqseeyay in ka badan  10 Macalin ama tababare:-

Macalimiinta ay Inter Shaqada ka ruqseesay waxaa ku jiray Roberto Mancini oo Kooxda Inter u qaaday in ka badan 7 koob oo 3 ka mid ah ay ahaayeen Horyaalka Talyaaniga ee Scudeto loo yaqaan Balse ilaa iyo Haatan aan la Ogeyn Sababta Rasmiga ah ee Shaqada loogu Ceyriyay.
Inkastoo Jose Morinho oo u dhashay Dalka Portugal uu Kooxda Inter Isaga tegay 2010-kii kuna biiray Real Madrid Markii uu ku wada Guuleystay Horyaalka Talyaaniga iyo Koobka Champions League-ga.
Macalimiintii ay Inter Milan Shaqada ka Ceyrisay Inta u Dhaxeysay 2002-2012

1- Marco Tardelli Waxa uu Inter Macalin u ahaa Intii u Dhaxeysay 2000–2001-dii

2- Héctor Cúper Waxa uu Inter Milan kaga soo biiray Dhanka iyo Kooxda Valencia Wuxuuna u dhashay Dalka Argantina Shaqada Inter Waxa uu soo hayay Intii u Dhaxeysay 2001–2003-dii.

3- Corrado Verdelli Wuxuu Kursiga Keydka Internazionale Fadhiyay Xili Ciyaareedkii 2003 –

4-Alberto Zaccheroni oo u dhashay Talyaaniga ayaa Kooxda Inter Macaln u ahaa Hal ili Ciyaareed oo kaliya waana Xili Ciyaareedkii 2003–2004.

5-Roberto Mancini ayaa Noqday Macalinkii ugu xiliga dheeraa ee Inter qabto Isagoo Kooxdaas Maamulayay in ka badan sedax Xili Ciyaareed 2004–2008.

6-José Mourinho Waxa uu Ka mid yahay Macalimiinta ugu Guulaha Badan ee soo Mara Kooxda Inter wuxuuna Kursiga Keydka Inter Fadhiyay intii u dhaxysay 2008–2010-ka

7-Rafael Benítez Waxa uu u dhashay Dalka Spain wuxuuna Inter leyliyay 6 Bilood oo qura Janaayo 2010-dii ayaa Boorsooyinkiisa Banaanka Loo dhigay.

8-Leonardo Waxa uu dhashay Dalka Brazil Go’aankii uu Inter ugu soo biirayne waxa uu ahaa mid geesanimo ah markii uu ka soo dhaqaaqay Kooxda Ac Milan , balse xili ciyaareedkii 2010–2011-dii kadib shaqada waa Laga ceyriyay.

9-Gian Piero Gasperini oo u dhashay Dalka Talyaaniga waxa uu ahaa Macalinkii ugu waqtiga Gaabnaa ee Inter soo Mara abid wuxuuna Kooxda Leyliyay 5 Kulan oo qura kadib ne waa la ceyriyay Bartamihii 2011-ka

10-Claudio Ranieri waa Macalin Qabiir ah oo Mudo K/Cagta Ku soo dhex Jiray Kaalinta 6aad oo uu Inter fadhiisyay ne waxaa dhamaadkii Xili Ciyaareedkii 2011–2012 Logu Abaal Mariyay in Gurigiisa Loo diro.

Kooxda Chalsea

Horaantii Sanadkii 2001-da ayay Eheed Markii Kacaankii uu horkacyay Roman Abrahamovic oo ah Maalqabeen u dhashay Dalka Russia uu Iibsaday Kooxda ka dhisan Garoonka Stan For Bridge ee Magaalada London.

Durba waxa uu Bilaabay in uu Kooxda u soo iibiyo Ciyaaryahano Qaali ah, Suuqiina Waxa lagu Eedeeyay in uu ku riday Sicir Barar.

Abrahamovic waxa uu Durba Bilaabay in uu Kala shaandheyn ku sameeyo  Ciyaaryhaanada Kooxdaas ku sugnaa,  Hab la dhaqanka iyo Dulqaad La’aanta uu u hayo Macalimiinta ayaa noqday Mid dad Badan ka yaabiyay.

Macalimiin Badan ayaa Haatan Taxadir ka muujiyo in ay ku Biiraan Kooxda Chalsea.

Aqriso Macalimiinta ay Kooxda Chalsea Shaqada ka Ceyrisay Tan iyo sanadkii 2001-da

Claudio Ranieri (September 2000 to May 2004)
José Mourinho (June 2004 to September 2007)
Avram Grant (September 2007 to May 2008)
Luiz Felipe Scolari (July 2008 to February 2009)
Guus Hiddink (February 2009 to May 2009)
Carlo Ancelotti (June 2009 to May 2011)
André Villas-Boas (June 2011 to March 2012).

Roberto Di Matteo oo Shaqada laga ceyriyay Todobaadkan un Markii uu xili Aan Wanaasaneyn ugu Bilowday Xili Ciyaaredkan Balse Ceyrinta Di Matteo ayaa noqotay mid ay la yaabeen Dad badan oo ay ku jiraan Taageerayaasha Kooxda Chalse Maxaa yeelay Macalinkaan u dhashay Dalka Talyaaniga ee 42 jir ka ah waxa  wax ka yar 6 Bilood oo uu ku sugnaa Naadiga Chalsea u soo Hoyay Koobka Horyaalada Yurub iyo Kan FA Cup-ka.

Ugu Danbeyntii Waxaa Haatan Kooxda si Kumeel Gaar ah ugu sugan Macalinkii hore ee Kooxaha Liverpool , Inter iyo Valencia waa Macalin Rafeal Benitez, iyadoo Dhowaana la filayo in uu Kooxda Chalsea soo gaaro Macalinka Reer Spain Pep Gardiola.

Waxaa Diyaariyay
Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Bern-Switzerland

Ethiopia oo Kenya qoorta u surtay mas’uuliyada jabhada Raskambooni.

Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa kullan dhowaan magaalada Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Inkasta oo warbixinadii horey aan uga qornay kullankaas ay sheegayeen in inta badan looga hadlay sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabad kusoo dabaalida Somalia, ayaa haddana warar kale oo aan helnay waxa ay muujinayaa in kullanka uu intaas ka kululaa.

Ilo-diblomaasiyeed oo jooga Nairobi ayaa Caasimada Online u sheegay in Dowladda Ethiopia ay si cad ugu sheegtay Kenya inaysan marnaba ku qanacsaneyn waxa ka socda Nairobi, halkaasi oo lagu dhisayo maamul goboleedka Jubbaland State.

Sida la ogyahay waxaa dhismaha maamulkaasi hormuud u ah Jabhadda Raaskambooni, waxaana la filayaa in madsaxda maamulkaas kuwa ugu sareeyaa ay ka yimaadaan kooxdaas.

“Ethiopia waxa ay Kenya u sheegtay inay ka cabsi qabto inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Raaskambooni iyo ONLF, islamarkaana maamul halkaasi ka hana qaaday uu suurta gelin karo in ONLF iska abaabusho halkaasi” ayuu yiri Cabdi Guuleed Xasan oo ah Diblomaasi Soomaaliyeed oo jooga Nairobi.

Hase yeeshee Dowladda Kenya ayaa ku dooday in dadka deegaanka ay dhisanayaan maamul aan wax caqabad ah ku heyn Ethiopia, dalalka kale ee deriska ah iyo sidoo kale Soomaalida kale.

Waxa kale oo ay Kenya ballan qaaday in maamulka halkaasi uusan ku koobnaan doonin kaliya Raaskambooni, balse laga qeyb eglin doono dhinacyo kale oo badan.

Si kastaba sida uu yiri Cabdi, Ethiopia waxa ay Kenya qoorta u surtay mas’uuliyadda wax kasta oo ka yimaada maamulka halkaasi ay ka dhiseyso, islamarkaana u sheegtay in Ethiopia ay fara-gelin sameyn doonto, haddii ay usoo muuqato qatar deg deg ah.

Maxaa R/W Saaciid loogu diiday la kullanka wufuuda caalamiga ah?

Waxaa laga yaabaa inaysan dad badan ku baraarugsaneyn, hase yeeshee waxaa aad iyo aad u yar, haddiiba aysan jirin in ra’iisul wasaare Saacid uu ka qeyb galo kullamada Dowladda ay la yeelneyso madaxda iyo wufuuda caalamiga ah ee booqata Muqdisho.

Muqdisho waxaa toddobaad kasta booqda 3 illaa 5 wafti oo heerarkoodu kala sareeyo, waxaana gebigood la kulma madaxweyne Xasan Sheikh iyo lataliyeyaashiisa.

Inkasta oo Xasan Sheikh yahay madaxweynaha dalka, haddana waxaa siyaasadda dalka gacanta ku haya ra’iisul wasaaraha, maadama uu isaga hogaamiyo xukuumadda, waxaana ay ahayd inuu la socdo waxa dalka ka dhacaya.

Ma cadda sababta aanu ra’iisul wasaaraha kaga qeyb gelin kullamada madaxda iyo wufuuda caalamiga ah, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa inay qeyb ka tahay qorshe saameyntiisa lagu yareynayo.

Madaxweynaha iyo koxodiisa Damul Jadiid ayaa la rumeysan yahay inay si adag gacanta ugu dhigeen hogaanka Dowladda, ayna yareeyeen dhaq dhaqaaqyada ra’iisul wasaaraha, si ay si buuxda gacanta ugu hayaan siyaasadda dalka.

Dhinaca kale farshaxamiistaha caanka ah Amiin Caamir ayaa sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay arrintan.

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (6)!

Qeybtii 6-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad
Akhristahaygoow Ostan waa ka barmoosay fasalkii 8aad ee Dugsiga dhexe, Dugsiyaddiina waa la xiray.
Ostan waxaa xanuunsatay Hooyadiis markaas wuxuu noqday in uu Guriga u soo adeego, Subaxdii wuxuu saf u gali jiray Sonkorta iyo saliida oo laga bixin jiray Laanta Xaafadiisa .
Halkaas Ostan waxay isku barteen Gabar ayaduna daganeyd guryaha Bangaariyada oo saarnaa JIdka Airpor-ka  !!! Gabdhaas Ostan wey jeclaatay sida uu gadaal ka ogaan doono se asagu lama hadlo mana salaamo.
Subaxda hore koonbooyin ayaa safka la dhigtaa mar mar ayada ayaa  Ostan boos u sii celisa.
Ostan wuxuu kaloo farsameeyey in uu cuntada ku kululeysto feynuustooda oo intuu dheereeyo si farsamo leh u saara jalamadda ama digsi yar oo uu wax ku kululeystaa ,Arrinkaas oo Hooyadiis la yaabtay sida uu u farsameeyo !!!!
Ostan waxaa caadi u aheyd in uusan Habeenka khamiista gurigooda ka soo bixin, maxaa yeelay Aabihiis ayaa ku yiri Habeenka Khamiista Guriga ku Akhri Quraan ,markaas wuxuu ku akhrin jiray Suuratul Yaasiin & suuratu Tabaarak ( Al-mulki ) Hooyadiisna waxay u karin jirtay Casho fiican .
Caadadaas xataa waxaa bartay Saaxiibadiis siiba Hunboow oo haddii uu Ostan Habeen Khamiis ah arko wuxuu ku dhihi jiray caawa waa khamiis ma hilmaamtay .
Ostan saaxiibadiis waxay bilaabeen in ay habeenka jimcaha ay aadaan Jasira Night Club oo ku yaalay agagaarka Isbataalka Banaadir isgoyska jidka aada Digfeer .
waxay aadi jireen habeenkii lix saac kadib taas oo ostan ka biyo diiday, maxaa yeelay Hooyadiis oo xanuunsaneyd iyo asagoon rabin in uu gurigooda Habeen ka soo dhaxo.
Ostan saaxiibadiis wey ku guulaysan waayeen in ay hal habeen ku qanciyaan in ay Baar jasiira geeyaan ooy waagaas ka tumi jireen Kooxda Shareero iyo Fannaankooda Jerry.
Jasiira Night Club waxaa albaabada loo balaqi jiray sagaal saac habeenimo markaas ayey Ostan saaxiibadiis ka faa’ideysan jireen ooy shuut ku gali jireen sida Hunboow & mohamud.
Waxaa dhici jirtay in ay habeenkii markay ka soo baxaan Shaneemada sida Ekwatoore oo ay Darbiga soo cadeeyaan ,ayey Ostan Gurigiisa u sii dhaweyn jireen ilaa ay ka geeyaan Baalo quartiro oo aheyd meel u dhaw  Warshadda Saabuunta Bayl, ayaguna markaas kadib ay aadi jireen Baar Jasiira.
Ostan wuxuu goostay in uu galo Tababarnimo Macallimeed ( P.P ) oo laga wado Primary Program oo ahaa macallinimo Dugsiga dhexe/Hoose  loo Tababaraayo.
Ostan waxaa Macallinimadaas ay wada qorteen asaga  & saaxiibkiis Kaaji oo markaan isku xaafad ahaayeen. waxaana lala yeeshay Muqaabalo ( interview ) lagu qabtay Dugsiga dhexe ee Hodan oo u dhawaa Shaneemo Hodan, weyna ku barmooseen labadooduba waxayna galeen Dugsiga Tababarka Xalane oo Xaafadooda u dhawaa, meel u dhaw Baddii Maayo Moorto.
Ostan iyo saaxiibo badan uu la haa sida kaaji & guray waxay ka mid noqdeen Macallimiintii P.P ee Xalane ,1976.
Tababarku wuxuu iskugu jiray mid Macallimeed oo ay soo Diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo mid ciidan oo uu soo diyaariyey Dugsiga Ciidamada Xoogga Dalka  ee Xalane.
Markiiba Ostan iyo saaxiibadiis waxay ka mid noqdeen Ururka 3aad oo uu xukumay Oday la oran jiray Caarshe Allaah ha u naxariisto in uu dhintay ayaan filaya, waxaana ka mid ahaa Macallimiintooda, Cabdi guray,cabdi Qaalib iyo Macallin loo baxshay  DR . CP .
Waxay aheyd Nolol Askarinimo oo adag Ostan ma jecleyn Tababarkaas Ciidanimo wuxuu ahaa mid markasta kala daadsan oo Rigada ( safka ) ka soo daaha, Tolow ma Jaceylka ayaa ugu wacan !!!
Ostan se waxay ugu bixi jirtay Dhanka Tababarka Waxbarashada oo markii hore loo sameeyey Teendhooyin waaweyn oo kuraas iyo miisado la dhigay inta laga dhameynaayey Fasallo Cusub oo Sar ah .
Subaxddii Salaada ka hor rigo ayaa la galaa PT ayaa la soo ordayaa kadib waa la quraacanayaa, kadib Duigsiyada ayaa la aadayaa ilaa Duhurkii.
Ostan wuxuu ka mid Noqday Fasal la oran jiray T12 waa Fasal xul ahaa , midkan oo kale ma soo marin Ostan tolow ma gaashaan qaadkaa mise aan si kale u iraahdo ma mas’uuliyadnimada miyaa !!!! Wuxuu ahaa Fasalkii ugu fiicnaa fasalladii uu Ostan soo dhigan jiray ee magacoodu ugu danbeeyey 6c. 7c. 8c iwm.
Ostan waxay isku fasal noqdeen Wiilal iyo Gabdho halaasi ah oo ka wada yimid Soomaaliya oo dhan, Gobolada ma Gedaa, Jubba hoose, Tog dheer, Nugaal , Xamar , Baydhabo Iwm.
Ostan Markiiba Fasalkii waa laga jeclaaday Tolow miyuu Qurux badnaa, wuxuu la saaxiibay wiil la yiraahdo Saciid oo markii danbe Macallinkii Cabdi Guray u Baxshay Saciid indho Guluus.
Waxay noqdeen far iyo Faraanti xataa Ostan wuxuu watay Sanduuq Alwaax ah oo uu kala soo noqday OHRM kaas ooy ka dhigteen mid ay Cuntada ku kaysadaan sida saliida macasarada, sonkorta ,saabuunta qabeyska,salliida Timaha ,shaanbada iwm. Saciidna wuxuu haystay Sanduuq weyn oo Bir ah kan Sacuudiga laga keeno kaasna waxay gashteen Dharkoodii iyo Buugaagtoodii iwm.
Ostan waxay markiiba is barteen Gabdho aad u quruxsanaa sida Safiyo oo reer Gaalkacyo ah, gabar dheer oo cas oo Suuro badan, sahro gaabey oo reer xamar ah af madoow iyo kuwa kale  oonan halakaan ku soo koobi karin, Sida Sureer oo reer Baardheere aheyd.
Akhristoow Fasalkaan waxaa ka mid ahaa oo aad weydiin kartaan Axmed C/nuur Wariyaha BBC-da ee Caanka ah oo ahaa Nin dheer oo cas oo caato ah oo xifaalo badan.
Waxaa kaloo ku jiray wiil Dacar la yiraahdo oo Abwaan ahaa oo gabya oona maad badan.
Ostan fasalkii & gabdhihii ayuu dhex mushaaxaa jaceyl ma dhisin se Dhibaatada Tababarka Askarinimada ayuu kaga nafisaa, fasalkaan oo uu Shaw off ka yahay.
Dugsiga Xalane Ostan waa ku raystay Cunno aad u fara badan oo uu mar marka qaarkood biiso  iyo waxbarasho & gabdho uu la sheekaysto ayuu ka helay iyo Kubad uu galabtii Ciyaaro.
Ostan aad buu u Qurux badnaaday casaan uusan laheyn baa ka soo baxay, se wali Jaceylkiisii Maryan ma hilmaamin, Khamiis kasta uu soo baxo waa u caadi in uu Habeenkii Shaneemo Soomaaliya uu Maryan & wallaasheed ka baaro, maalinnimada jimcahana wuu Xaafadooda soo hor maro, waliba wuxuu la saaxiibay wiil ay isku fasal ahaayeen oo reer Kuwaarto ah oo la yiraahdo C/llaahi oo uu jimco kasta u tago si ay Filimka u soo wada aadaan, Maryanna uu u soo Jaleeco Iwm. C/llaahi iyo Ostan Saaxiibkiis Hunboow  ayagu waxay sii wateen Dugsigoodii Sare oo laga furay isla iskuulkii 21 Oktoobar se loo baxshay Dugsiga Macallin Jaamac walow mar danbe magacaas laga badalay oo loo baxshay dugsiga Sare ee 21 Oktoobar , Dugsiga macallin jaamac sare na loo baxshay midka ku dhaganaa Shaneemo Banaadir ee Degmada Xamar weyne.
Akhristoow Ostan sidii caadada aheyd waxbarshada aad buu ugu fiican yahay se Tababarka Askarinimada aad buu ugu liitaa , Rigada galabtii wuu gooyaa oo banooni ayuu soo ciyaaraa , mar kasta wuu soo daahaa ,dharkiisu ma feeraysna suunka waa laalaadinayaa waa ( Lazy) !!!
Ostan Saaxiibkiis Saciid waa Arday aad ugu fiican waxbarashada oo Akhris badan iyo waliba faham badan mana la siku helo  labadaas sifo, Se Ostan waa faham badan yahay se ma Akhris badna waa ciyaar badan yahay ( show off ) siiba  Arrimaha Gabdhaha .
Saciid maalin buu ogaaday in uu Ostan faham badan yahay waxay ku jireen Xiso Juqraafi ah waxay dhiganayeen ( longtitude & latitude) ama dhigaha !!! Sharaxii Ardaydu waa fahmi waayeen macallinkii se Ostan wuu  fahmay hadhaw buu arkay saciid iyo wiilal kale oo arrinkii isku haysta markaas buu u sharxay markaas bay fahmeen oo Ostan la yaabeen Ciyaartiisa & fahamkiisa faraha badan.
Waxaa la soo gaaray  ( Mid Term ) kii Imtixaan baa la qaaday Maadadii Xisaabta Ostan baa buundo ka badan saaxiibkiis saciid helay, saciid waa xanaaqay waad iska ciyaareysaa waxna ma Akhrisatid  haddana waad iga buundo badan tahay, see ku dhacday buu is weydiiyey ???
Ostan Ciyaartiisii Badneyd iyo goosmadiisii qaar ka mid ah Rigada dhib bay u soo jiideen, waxaa Amar ka soo baxay Wasaaraddii Waxbarashada oo lagu amray Ardayda Akhlaaqda daran ee Waxbarasshadana ku xun in laga eryo Tababarka .
Ostan nasiib daro waxaa lagu daray Ardaydii Liiskii ay soo gudbiyeen Askartu in uu sagsaag yahay aan macallin noqon karin ??? kadib Ardeydaas oo dhanba Maxkamad ayaa la saaray ay ka soo wada qeyb galayaan Askartii iyo wasaaradii waxbarashada.
Maxkamada waxaa lagu qaaday Dugsiga xalane dhexdiisa ururkii 3aad waxaa kaga jira Ostan,Bayruut, geel qaad oo reer Baydhabo ahaa iyo wiil kale oo Askarigii  DR. CP aabahaa was ku yiri.
Ostan Arrinkaan waa u hoog Reer fiican uu ku noqdo ma haysto mana ka bixi karo  afar sano oo hor leh oo Dugsi Sare ah, mana yaqaano ruux Askari ah oo uu Arrinkaan kula dugaalo.
Maalintii Maxkamada ayaa timid Qof qof ayaa loo galay hool weyn ( Hall ) oo ay fadhiyaan madaxii dugsiga tababarka macallimiinta ee Xalane iyo Agaasimihii Qeybta tababaradda Macallimiinta  iyo Askartii soo dacweysay ardayda Maxkamadda la saaraayo iyo mid kastaba file-kiisa waxbarasho iyo Imtixaankii ugu danbeeyey iyo file-kiisa Askarinimo.
Markii Ostan la soo gaaray baa magaciisa lagu dhawaaqay kadib Hoolkii buu  soo galay, markii uu galay ayaa madaxii waxbarashada oo ahaa Nin xoog weynaa oo shaati cad qabay ,waxaan u maleynaayaa in Xoog weyne lagu naaneysi jiray iyo agaasimihiiba ayaa mar qura wada yiri :
( oo oo kan waa ciyaal ) Miskiin Ostan isma oga in uu sidaan u yar yahay oo waaba Nin Shukaansi Gabdhihii ku dhameeyey oo is dhisaaya se haddana waa Nin ka mid ah Ardeyda Machadka soo gashay kuwooda ugu yar yar, Akhristoow ma la yaabtay Jaceylkiisii Dugsiga Dhexe oo uu ku bilaabay 13 jir !!!!!
Maxaa lagu eedeynayaa ???waxaa ku markhaati furay Macallin  DR. CP oo yiri Rigada buu u gooyaa siiba tan casarkii ??? Ostan baa la weydiiyey waxa uu u gooyo ???wuxuu ku jawaabay Waan tukadaa marka salaadda Casar baan ku soo daahaa ??? Taas ayaan u maleynayaa in ay Ostan Badbaadisay iyo waliba Maadaii Xisaabta uu Fasalkooda ugu Sareeyey iyo Guud ahaan ba Fasallada oo uusan ka maqnaanin ,  xataa hal xiso intii la bilaabay ma goynin iyo waxbarashadiisa oo fiicneyd,Guud ahaan ba .
Ostan waa la cafiyey waxaana lagula dardaarmay in uu Goosmada dhaafo, se waxaa la eryey wiilkii Macallin  DR. CP caayey iyo geel Qaad oo Waxbarashada ku xumaaday, Bayruud asagana waa la cafiyey sida Ostan.
Ardeydii oo dhan baa u hambalyeysay Ostan in aan Tababarka laga burin siiba Saaxiibkiis Saciid oo wallaalo oo kale ahaayeen baa neef ka soo booday, aadna ugu farxay cafiskiisa.
Sitimaankaas Ostan markuu baxay khamiistii lagama qashqashaadin in uu sidii caadada aheyd soo siyaarto meelihii uu ku maleynaayey Maryantiisii ileen wax kale oo uu qabto ma lahee.
Ostan iyo Saaxiibkiis kaaji waa isku koox ka ciyaara maalinta jimcaha xaafadda Quracleey oo sharad ciyaara ,ostan waa weerar  yahan kaajina waa difaac aad u adag.
Ostan wuxuu waayahaas bartay two nine oo ah goosmo banooniga labadaada lugood laga dhex bixinaayo aad buuna taas khatar ugu ahaa waana loo sabcin jiray marka uu difaaca taas ku maro, se boolo ayey ahaayeen oo mar kasta waa laga rayn jiray !!! Ostan maalin buu gool la fishay cunay taas oo looga badiyey ,sharadkiina laga helay.
Kaaji Inaabtidiis ayaa maalintii danbe u sheegtay in Ostan ay jeceshahay gabadhii Deganeyd Guryaha Bangaariyada, taas oo uu Ostan ka helay se aan ka baabi’in Jaceylkiisii Maryaneey.
Ostan wali Rigadii waa googoos habeen sabti ah oo la soo noqonaayey ayuu soo daahay markaas baa intii soo daahday lagu xiray xabsi kaadi ka buuxdo oo aan la fariisan karin.
Ostan waxay halkaas isku barteen Sanka oo asaguna habeenkaas lala soo xiray, ooy haatan mareykanka isla joogaan oo uu mar mar soo xasuusiyo habeenkii Xalane lagu xiray .
Ostan waxaa kaloo maalin khamiis ah loo diiday in uu baxo Goos goosnimadiisa darteed sidaan buu Macallin CP yiri : Bayruud bayruud horu soco markaas baa la yiri ma joogo, Cabdiyoow horu soco ,markaas baa la yiri ma joogo ??? Ostan na ???? markaas baa la yiri waa kan kadib waxaa loo sheegay in uusan maanta fasax laheyn oo uu joogaayo Xeradda.
Waagaas waxaa soo baxday Heestii ( waa Duulisteenii ee dayaxaa aanu aadnee) oo ay isla qaadaan Xasan Aadan Samatar iyo Saado Cali !!! waxay aheyd mid uu Ostan ku Luqeeyo asagoo Maryan ka wada Ruuxa ay Duulista isla aadayaan.
Waxaa gabo gabo u soo dhawaaday in uu dhamaado Tababarkii kadib waxaa la bilaabay Tababar loo tagaayo dugsiyadda Muqdisho oo Macallimiinta cusub ay Ardaydaas wax u dhigayaan, Ostan waxaa lagu qoray Dugsiga Hoose ee ( African Village) siiba Fasalka Seddexaad in uu week macalllin ka noqdo, habeenkii waa in uu soo diyaariyaa cashar xisaab ah si uu maalintii Ardeydaas ugu dhigo, waxay aheyd Khibrad adag Ostan & Saaxiibkiis Axmed waxay u aheyd kuwo cabsanaaya Maalintii ugu horeysay ay Ardey soo hor istaagaan !!!!  .
Dugsigii Xalane waa soo gabagaboobay dhamaadkii Bishii Oktoobar, 1976  markay halkaas ku jireen 10 bilood kadib, waxaa la isku diyaariyey in Ardeydii loo kala badalo Gobollada iyo Banaadir !!! Ruux kasta Sedddex meelood qoro ayaa la yiri Ostan wuxuu qortay Banaadir,Banaadir iyo Banaadir.
Ostan Nasiib kiisa waxaa lagu qoray Gobolka Banaadir Dugsiga Hoose/Dhexe ee Barbaarinta  Agoonta Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd Kuleejo lagu xanaaneeyo Agoonta Xoogga, oo ku yaalay ka soo horjeedka Xerrada Damaanyo iyo dhanka bari ee Kulyadda Jaalle siyaad , ama aan si kale u iraahdo Agagaarka warshadda caanaha ama Isbitaalka weyn ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ostan saaxiibkiis Saciid waxaa lagu qoray jubbada Hoose siiba Tuullada Khudaa & juulo Jawaay waa meel Jasiirad ah oo Dooni lagu tago, Kaaji waxaa laga tuuray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Guray waxaa lagu qoray Degmada Qoryooleey ( liibaantii Qoryooleey) !!!.
Maryan Ayadu waxay gashay Imtixaankii Dugsiga Dhexe ee 8aad weyna ku barmoostay , Akhristoow ma is tiri Maryan haatan waxbarashada wey ku dadaashaa sidey Fasal;kii lixaad ugu dhacday !!! Tolow maxaa riday ma Ostan bay jecleyd ii sheeg aan kuu sheegee !!!!.
Markuu Ostan uu dhawr bilood shaqeynaayey ee uu Sariir iyo Dhar fiican uu gatay ayuu ka fakaray in uu arrinkii Maryan uu u soo jeesto oo uu qorsho cusub bilaabo !!!
Waase qorshe uu ku khasaari doono waa inoo qeybta 7aad iyo Sheekadii Xiisaha & Qiimaha Badneyd ama jaceylkii Nadiifta ahaa ee JACEYLKII DUGSIGA DHEXE !!!!
 F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .

Maxaa beri kala heysta Xulalka Somalia iyo Burundi? (CECAFA)

Waxaa maalinta axada oo taariikhdu tahay 25-ka bisha November ka dhici doonta garoonka kubada cagta ee Kampala stadium cayaar ka mid ah cayaaraha tartanka kubada cagta bariga iyo bartamaha afrika oo sanadkan ay martigalinayso Uganda.

Waxaa socanaya diyaar garow xoogan oo kooxaha cayaaraya ay isugu mindiyo afaysanayaan cayaarahaas.

Kooxaha ugu horeeya ee cayaarta lagu furayo ayaa kala ah xulula kubada cagta Somalia iyo Burundi.

Soomaalida ku dhaqan magaala Kampala ee wadanka Uganda ayaa wada qaban qaabo xoog leh oo ay ku doonayan ka qayb qaadashada cayaarta ugu horeysa, waxaana ay ku ballameen dhuhurnimada Axadda ah in ay isugu yimaadaan xaafada Kesenya si halkaa basas dhaa dheer uga raacaan iyaga oo gacmaha ku sita calanka Soomaliyed si ay u buuxiyan garoonka una muujiyan wadaniyadnimadooda iyo taageerada ay u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa laga wardhowrayaa kooxda badin doonta cayaarta dhexmareysa Somalia iyo Burundi.

W/Q: Weriye Mahad Cabdi Maxamed Shaakir.
Kala soo xiriir [email protected]

Muqdisho: Tallaabo ay qaaday DF oo kumanaan qof hoy la’aan dhigtay.

Kadib 20 sano oo rabshado ah, Dowladda Somalia ayaa dooneyso inay dib u dhisto magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

Dowladda ayaa dib uga billowday magaalada hanan horey u bilowday horaantii sanadkan, oo dhismooyinka Dowladeed iyo Iskuulada looga saarayo dadka hoyga ka dhigtay.

Natiijada ka dhalatay tallaabadaas ayaa noqotay in dad badan ay ku bara kacan gudaha magaalada, ayaga oo aan heysan meel ay degaan

Dad gaaraya qiyaastii illaa 80 kun oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan dhismooyin dowladeed, wasaarado ama iskuulo ku yaalla magaalada, waxaana dhammaantood ay wajahayaan guryo la’aan, marka qorshaha dowladda uu soo geba geboobo.

Waxa ay culees kusii noqo doonaan kumanaanka qof ee horeu ugu dhex bara kacsanaa gudaha magaalada.

Haddaad caruur leedahay iyo haddii kaleba aqri qormadan (fadlan)

Seexinta carruurta qadada ka dib, faa’iido ma u leedahay?

Hurdada duhurkii waa la isku waafaqsan yahay in ay faaido u leedahay qof walba oo jiifto ha ahaado caruur ama qof weynba.

Diinteenana waa na fartay in aan jiifsano duhurtii maadaama uusan shaydaanka jiifanin.

Cilmibaarista la sameeyay waxaa lagu ogaaday duhurta oo la jiifto in laga faaidayso dhowr arrimood oo ay ka mid tahay;

1- Waxay kordhisaa feejignaanta: baaritaan ay samaysan NASA waxaa lagu ogaaday hadduu qofka jiifsado 40 daqiiqo in ay ku filan tahay in feejignaantiisa ay gaarto 100$, tamarne uu ka helayo.

2- Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqaa maskaxda, qofka markuu jiifsado, xasuustiisa way siyaadaa sida la arkay.

3- Waxay isku habaysaa warbixinnada maskaxda lagu keydiyo, qofkane wuxuu soo kacaa isagoo nastay, awoodne u leh in uu warbixin cusub ku keydiyo maskaxdiisa, hilmaankane wuu ka yaraadaa.

4- Qofka waxaa ka yaraado diiqada iyo wewelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan, xifdin la’aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaco.

Faaidooyinka ay leedahay duhurta oo la jiifto mid la soo koobi karo maahan ee akhristow haddii aadan jiifanin duhurtii faaido badan ayaa kaa maqan, haddii aad arday tahay oo aad rabtid in aad waxbarashdaada ku saro martid, duhurtii jiifo, kadibna wax akhris u fadhiiso, waad ku guuleysan doontaa.

Baaritaan lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo ingiriiska, waxaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan xagga dhinac kasto ardadyda aanan jiifanin.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Deeqaha Kuwait Somalia & dadaalka Danjire C/Qadir Amiin Sh. + Sawirro.

Dowlada Kuwait oo ka mid ah Dowladaha ugu Qanisan Dalalka khaliijka ayaa waxay dalka Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay siisay  Deeqo kala duwan tan iyo Wixii ka danbeeyay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Boqortooyada Kuwait gaar ahaan Xafiiska Zakaadka ee Dowlada Kuwait ayaa si Rasmi ah shaaca uga qaadey in ay jiraan dad badan oo dhibaateysan kuwaasi oo ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxayna shaaca ka qaadey in ay si dhaqso ah u tegi doonaan dhulkaasi.

Kuwait waxay ay diyaarisey lacag boqolaal kun oo Diinaar ah taasi oo la doonayo in Raashin iyo weliba qalab kale loogu iibiyo dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan koonfurta dalka, kuwaasi oo aan haysan cunto ku filan, sida ay Qorayeen Warbaahinta Kuwait maalmihii la soo dhaafay.

Dowlada dalkaasi ayaa Diyaarisay lacag dhan  506 Kun oo Diinaar, waxayna sheegay in loogu tala galay  badbaadinta iyo u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee aan wax haysan intooda joogta koonfurta iyo Bartamaha dalkaas.

Sidoo kale Kal hore Dowlada Kuwait waxaa ay ahayd Dowladihii sida weyn uga dhex muuqdey badbaadinta iyo u gargaarida dadka Soomaaliyeed aan wax haysan kuwaasi oo ku nool gudaha dalka, waxaana jirey lacago iyo weliba maraakiib gargaar ah oo ay dalka keeneen wakhtigaasi.

Safaarada Soomaaliya ee Liibiya ee uu safiirka ka yahay Danjire C/qaadir amiin sheikh ayaa waxaa la dhihi karaa waxay qaaday mas’uuliyada dadaalkan ee  Dowlada iyo Boqortooyada Kuwait Xili walba ku Xasuusanayso dadka Soomaaliyeed.

Danjire C/qaadir amiin sheikh ayaa waxa uu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed kaas oo u soo bareeray in Dowlada Kuwait ee uu Safiirka ka yahay, ay la garab istaagto gargaar iskugu jira Raashin Daawo iyo agabyo kale.

Safaarada dalkaas ayaa waxau tahay safaarad si toos ah ula shaqyso dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo si toos ah ula Xiriiro safarada xiriir toos ahna la leh safaarada Somaliya ee uu safiirka ka yahay Danjire C/qaadir amiin sheikh.

Danjire C/qaadir amiin sheekh ayaa waxa uu yahay safiir Somalida dagan Kuwait Mideeyay, taasi oo mas’uuliyadaas ay tahay mid aysan haysan safaaradaha Somalida ee ka Jira Caalamka, taasi oo muujinaysa in safaarada Somaliya ee Kuwait ay tahay mid isku keentay Somalida kala aragtida Duwan ee ku Nool dalkaas.

“ Waxaan wax ka dhigtaa Jaamacada Kuwait City waxaan daganahay Kuwait safaarada Soomaaliya waxay Noogu shaysaa sida in aan Nahay dad Qaran aan ka bur bursanayn 20-sano, waxaan dhihi karaa safiirka iyo safaarada wax badan ayay qabteen”ayuu yiri Maxamed afrax oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Kuwait oo u Waramayay Bogan shalay.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kuwait C/qaadir amiin sheikh ayaa maalmo ka hor waxa uu sheegay in safaarada Soomaaliya iyo Jaaliyada ay ka Go’antahay in ay Xukuumada Soomaaliya garab istaagaan Xili uu ka hadlayay kulan lagu Taageerayay Xukuumada Cusub ee uu Hogaamiyo Raisal Wasaare saacid oo ka dhacday halkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

[email protected]

[email protected]

Tell+254-711830393