JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (Q.3aad)

Qeybti 3-aad, halkan ka aqriso qeybihii hore Qeybti 1-aad,  Qeybti 2-aad.

Sannad Dugsiyeedkaas markii Dugsigii la xiray, waxaa la bilaabay Sanadkaas Mahrajaan oo ah ciyaaro iskuuladu ka qeyb qaadanayaan oo lagu muujinaayo wax qabadka kacaanka 21 oktoobar.

Ostan markii ugu horeeysay wuxuu ka qeyb noqday qeybta ciyaaraha oo lagu qaadanaayey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hodan se markii la is xulaayey waa laga reebay, se haddana wuxuu ka qeyb noqday koox yar yar oo loo xulay Sawiradda oo loo yaqaanay ( looxaatul khalfiyah) oo macnaheedu yahay Qeybta Gadaale ee sawiradda, wuxuuna Tababarkaas ku qaatay Dugsiga Dhexe ee Raage Ugaas oo ku yaalay Xaafadda Xamar Jab jab.

Maalin kasta waxay buugaag waaweyn ku dhejin jireen waraaqo midab leh ayagoo isticmaalaaya koolo laga sameeyey bur la qasay.

Markay Buugaagtii dhameeyeen ayaa loo wareejiyey Isbartiibada Istaadyo Koonis oo Mahrejaanka lagu qabanaayey, ruux kastana waxaa la siiyey buug iyo meel uu fadhiisto oo u gaar ah.Buugaagta marka calanhayaha dusha saaran uu kuu sheego bogga la furaayo ayaa hal mar lawada furayaa markaas ayaa waxaa ka soo baxaaya sawirka Madaxweynaha ama golaha sare ama Beero Cagaaran ama warshado qiiq ka baxaayo ama Asakar gaardineysa ama hooyooyin Durbaan tumaaya oo madaxda soo dhaweynaaya iwm.

Looxaatul khalfiyah waxay ku fiicnaayeen kooxaha ciyaaraya oo dhan wey fiirsan jireen iyo muusika loo tumaayo , waxay aad u jeclaayeen ciyaarta seylici oo aheyd ciyaar aad dadka u soo jiidata oo arday isku wada dhar xiran oo hal mar ciyaarta isla helaaya. Kooxaha Ardeyda ah ee ciyaaraaya waxaa laga siman uniform iyo kabo isku mid ah, se looxaatul khalfiyah waxaa laga siman min hal shaati oo kaliyah maadama ayagu fadhiyaan oo aysan surwaal iyo kabo u baahneyn.

Ostan sanad dugsiyeedkii markii uu furmay Shaatigiisii oo cadaa ayuu intuu gacmo gaab ka dhigtay sacfaraan jaalle ah ku shaqlay ayuu ka dhigtay mid uu iskuulka ku aado , kaas oo maalin kasta oo jimco ah hooyadiis sacfaraan kale ugu maydhi jiray kadib uu feereysan jiray sidaasna uu iskuulka ku tagi jiray asagoo sanadkkas surwaal kaaki ah loo iibshay oo uu toobal caaradii ka reystay.

Fasalkiisii wuxuu noqday 7C isla ardeydii ay ka soo wada gudbeen 6C ayey isku fasal ahaayeen iyo qaar kale oo cusub oo lagu soo daray.
Sanadkaas sidaan horayba ku soo sheegnay Maryan waxay ku noqotay Fasalkii 6aad oo ah isla safkii danbe ee markii hore ku dhiganeysay laakiin fasal cusub ee fasalka 6 A oo geeska ugu jira.

Ostan fasalkiisu wuxuu markaan u dhaw yahay fiishada ama ( office) ka soo horjeedka meesha subaxdii Calanka lagu salaamo ,waana 7 C.
Maryan waxay isku galaas noqdeen Ostan saaxiibkiis ooy isku xaafad yihiin oo la yiraa Mohamed, laakiin ostan uma sheegin in uu Maryan jecel yahay se saaxiibtinimadiisii ayuu sii adkeeyey si uu ula socdo xaalka maryan ama uu u soo raadsho saaxiibkiis waqtiga fusxada ama ( break time) ka lagu jiro,asagoo iska dhigaaya in uu mohamed booqanaayo ayuu haddana arrinkiisu ahaa bal mar uun Maryan soo jeedaali , mar uun indhaha ka soo buuxso tii aad jecleyd.

Ostan fasalkiisa cusub gabdho kalama saaxiibin lamana fara ka ciyaarin se tuu jeclaa fasal kale ayey fadhisaa oo kiisa ka danbeeya.
Ostan sidii caadadiisa aheyd kama uusan suulin in uu maqrib kasta markuu banooniga ka yimaado uu qabeysto asagoo maskaxda ku haya in uu u boqoolo ama u gudo aan dhahee Gurigii Maryan ee xaafadda hodan si uu hortiisa labo ama seddex jeer u hor maro haddiiba nasiibkiisu habeenkaas maryan tuso.

Maryan oo aheyd baxdoow mar kasta fasalkeeda ka dhex muuqata ayaa ardey badan caashaqeen ooy jecel yihiin la sheekeysigeeda haba ka mid ahaado ostan saaxiibkiis mohamed oo markasta asaguna afka ku haya maryan.

Akhristoow saan horayba kuugu sheegay maryan ma ahan gabar dheer oo jalaqsan se way gaaban tahay, se waji qurxoon iyo dhabano curdin ah iyo midab casaan ah ayey dadka ku soo jiidataa, ma buurna mana caateysna ee waa dhex dhexaad si fiican u labisata, waxay kaloo leedahay qosol soo jiidasho leh, waa taas meesha Ostan laga raacay maba u haysto gabar ifka ka qurux badan baa adduunka dushiisa ku nool,
Sidoo kale Ostan wuxuu Maryan ka qooraansadaa Habeenka jimcaha oo ay caadi u tahay in ayada iyo wallaasheed ay isku soo raacaan Shaneemo Soomaaliya .

Habeenkaas oo Ostan ku qasban yahay Filim kasta oo ka socda in uu Camiro shaneemo Soomaaliya si uu indhaha uga soo qaado tii uu jeclaa.

Sannad dugsiyeedkii termkiisii dhexe ayaa la galay, fasalka waxaa dhigta Ardey xagga da’da Ostan iyo Saaxiibadiis ka waaweyn oo ayagu waxbarashada aad u daneeya kuna xisaabtama darajada 100 laga keeno.

Ardeydaas qaar bay Ostan isku fasal yihiin qaar kalena waxay dhigtaan fasalo kale, waxaa kaloo fasalka Ostan dhigata gabar fasalka 7 ku dhacday oo markaan aad u dadaal badan oo tartan wiilashaas kula jirta.

Gabadhaas oo canab la daho maryan ayey isku xaafad yihiin walo guryahoodu aysan isku dhaweyn,Ostan gabadhaas wallalkeed ayuu yaqanaa oo asaguna ay Ostan isku Dugsi quraan ahaayeen waagii uu daganaa Kuwaarto.

Markii Natiijadii imtixaanka la soo celiyey ayuu Ostan wuxuu maqlay ayadoo ardeydii waaweyneyd ay isku bandhigayaan ninba inta uu keenay iyo dadka fasalka ka horreya, waxaa hadalkoodii ka mid ahaa hebel waa laga tagay xataa gabadhii baa ka hor martay.

Ostan oo asagoon tartan ku jirin ayaa haddana fasalka 10 ka ugu horeeya ayuu ku jira oo haystaa 390 se asaxaabta kale waxay ka shaxayaan ilaa 450 .

Qiso la yaab leh oo Ostan ku dhacday waa fursad uu Maryan ku hanan karay se ka fakatay, waxaa dhacday maalin goor galab ah ayaa Jardiino ku taal lambar afar Agibka hoteel Naaso hablood agteeda oo loo aqoon jiray saabiyo rooso ,ooy Ardeydu wax ku Akhristaan ayaa waxaa isla socday Ostan iyo saaxiibkiis oo isku fasal ahaayeen Xuseen, kadib ayey si lama filaan ah ula kulmeyn wiil ay Maryan isku fasal yihiin oo reer Waqooyi ah kuwaan u naqaanay ( Qaldaan) oo Maryan laga celcelinaayo oo rabo in uu dilo.

Ostan afkaa taagmay asagii oo isku haaya aleelahe maanta yaan hortaada lagu dilin jaceylkaaga se aan dhaqso ficil sameynin, ayaa waxaa kala ceshay wiil ay Maryan isku xaafad ahaayeen oo walaalkeedna saaxiib ahaayeen oo la dhihi jiray Abukar oo ayadii gacanta qabtay oo waday .
Maalintaas Ostan fursad uu isku xoreeya ayaa soo martay kamase faa,ideysan se wuxuu Ostan hubay in aysan dhici laheyn in Maryan hortiisa loogu gacan qaado.

Akhristoow ugu danbeyntii waxaa la soo gaaray xiritaankii Dugsiga halkaas oo Ostan mar kale fasalkii 7 ka gudbay, maryanna ay ayaduna fasalkii 6 ka gudubtay.

Ostan waxaa kaloo uu rajo ka leeyahay in uu Maryan mar uun gaarsiiyo warqad Jaceyl uu u qoray, Buug dhan ayuu Ostan siduu maalinba warqad uga goynaayey uu ku idleeyey, wuxuu waraaqihiisa Cinwaan uga dhigi jiray ( caweyska dhalinyaradda ee Jubba ) !!!.

Maalintii danbe wuxuu sawiray nin iyo gabadh isku dhagan oo aad u qurux badan , markaas buu jaceylkiisii iyo dhibaatada uu qabo Maryan u muujiyey, se sida kuwii hore oo kale kuma guuleysan in uu u dhiibo Maryan ooy Akhrisato.

Laakiin wuxuu ku Guuleystay in uu warqadaan xifdiyo oo aysan marna ka lumin in badan ayuuna haayey oo bilooyin faro badan ah.

la soco qeybta 4 aad ee sheekada jaceylkii dugsiga dhexe Insha Allah.

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.

ostan_gacamay@hotmail.com