25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Safaarada Somalia ee Malaysia oo albaabada la isugu dhufanayo!

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in albaabada la isugu dhufan doono safaarada ay Dowlada Somalia ku lahayd dalka Malaysia.

Safiirka safaarada Somalia ee dalka Malaysia Salaad Cali Ibraahim Catoosh oo aan xiriir la samenayay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta keentay in safaarada la xiro, ayada oo wararku sheegayaan in bisha december lasoo geba gebeyn doono jiritaankeeda.

Hase yeeshee, Ilo lagu kalsoon yahay oo ayaa sheegaya in sababta safaarada loo xirayo ay tahay amar ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Somalia, halka warar kalena ay sheegayaan in deymo aad u badan safarada lagu yeeshay xilli ay ku howl galaysay guryo ay dad shacab ka kireysteen deeganka Kalang-jaya ee caasimada dalka Malaysia.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho oo aan xiriir la sameynay xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda, ayay ku diideen inay xaqiijiyeen ama beeniyeen warkan.

Dhowaan ayay wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yusuf Xaji Adan sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono siyaasadda arrimaha dibedda Somalia, lamana garanayo in taasi ay saameysay safaaradda iyo in kale.

Sida aan xog ku helnay dalal badan oo ku yaala Asia-da fog ayaa laga soo reebi doonaa kaliya safaarada Somalia ee China.

Dhanka kale, doorasho ay sanad walba qabsan jireen midowga ardayda dalka Malaysia ayaa u muuqata mid aan qabsoomi karin sanadkaan sababo ay qaar ka mid ah ardayda ku sheegeen musuq masuq iyo gacmo shisheeya oo arimaha ardayda soo fara galiyay.

Gudoomiyaha xiligaan ee midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Mowliid Isbandhays ayaa wararku sheegayaan in uu laalush ku bixiyay in waqti kale loogu daro, xilli aan loga baran ardayda in ay mudo kordhin sameystaan.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay ardayda u kala jabeen labo urur halkii ay markii hore ka ahaayen urur qura iyagoo u kala baxay labo garab oo garab u hogaaminayo Mowliid Isbandhays garabna ka hilaya xafiiska safaarada Somaliyeed ee dalka Malaysia iyo garab uu hogaminayo Mohamd Abdi Haameey oo ay inta badan ardayda Somaliyeed raacsan tahay.

By: Hassan ahmed Ruumani
UUM-Kedah
[email protected]

Meydka Yaasir Carafat oo dib loo soo faagayo kadib sir la ogaaday.

Meydka hogaamiyihii hore ee Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat ayaa lagu wadaa in dib loo soo faago maalinta talaadada ah, waxaa sidaas sheegay saraakiisha Falastiin.

Meydka Carafaat ayaa waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan la xiriira in dhimashadiisii magaalada Paris ee sanaddii 2004 ay timid kadib markii la sumeeyay iyo in kale.

Warbixinada caafimaad ee Carafaat ayaa sheegaya inuu u geeriyooday cudurka Faaligga (Stroke), oo isku dhex yaac ku keenay habka shaqeynta dhiigiisa.

Hase yeeshee France ayaa bishii August billowday baaritaan la xiriira in la dilay Carafaat, kadib markii khuburo u dhashay dalka Switzerland, oo la shaqeynaya koox sheeko ka sameyneysa nolosha Carafaat ay waxyaabihii uu lahaa ay ka heleen shucaaca (radioactive) loo yaqaan polonium-210, oo ah nooc ka mid ah waxyaabaha dadka si fudud loogu dilo.

Marka meydka lasoo saaro talaadada ayaa saynisyahano ka socda dalalka France, Switzerland iyo Russia waxa ay dhammaantood ka qaadi doonan tijaabo, sida uu sheegay madaxii hore ee sirdoonka Falastiin Tawfik Tirawi.

Haddii ay caddaato in Carafaat la sumeeyay, tuhunka ugu horeeya waxa uu noqon doonaa Israel.

Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee UK oo soo dhoweysay hadalkii Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye.

Jaaliyadda Beesha Mataan Cabdulle ee ku nool dalka UK, ayaa si buuxda u taageertay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow ee ku aadanaa maamul u samaynta Banadirland (Ex-Banaadir).

Bayaan ay jaaliyadda soo saartay oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Malaaq Cali waxa uu farta ku fiiqay inay lagam maarmaan tahay in Dowladda ay kala tashato maamul u sameynta Ex-Banaadir dadka ka soo jeeda ama ku abtirsada Banadirland, arrintaasna waa xaq, waxaana loo baahan yahay in Dowladda Federaalka Somalia ay tixgeliso taas, si looga fogaado qulqulatooyin siyaasadeed”.

Bayaanka Jaaliyadda ayaa Malaaq Cali Malaaq Showri ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka u ololeeya ama u dooda Caddaalada iyo Midnimada Soomaliyeed.

Waxa ay Jaaliyadda xustay tallaabadii uu Malaaqa qaaday Axaddii ee uu soo dhoweyn, boogaadin iyo hambalyo ugu diray dowladda tirada yar, balse tayada badan, isaga oo sidoo kalena ka codsaday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamud inuu ku dadaalo Cadaaladda si loo helo midnimo Soomaaliyed.

“Malaaq Cali waxa uu si hagar la’aan ah u soo dhoweeyay isbeddelka siyaasadeed, dhaqan dhaqaale ee ka hanaqaaday dalka Somalia” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale xubnaha Beesha Mataan Cabdulle ee bayaanka soo saaray, ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay xilligan ku mashquulsan tahay maamul u samaynta qaar ka mid ah goballada dalka Somalia, halka qaar kalena ay iska illowday, taasi oo ay Jaaliyadda ka digtay inay abuuri karto kacdoon siyaasadeed, waxayna jaaliyadda ayidday talladii Duubka dhaqanka ee Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Showri uu kusoo jeediyay in arrintaas wax laga qabto.

“Dadka uu kasoo jeedo Duubka ee dega Xamar iyo Labada Shabelle, si buxuda ayay ugu raacsan yihiin taladiisa, si looga bad baado dhibaato hor leh” ayaa lagu yiri bayaanka Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee Wacbuudhan Abgaal.
Waxa ay ugu dambeyn sheegtay Jaaliyadda in Dowladda Federaalka Somalia looga fadhiyo mas’uuliyad, hogaan wanaagsan iyo caddaalad, taasi oo ah tan kala heysa ummadda, haddii la waayana ay iman karaan isku dhacyo.

Wesley Sneijder oo ka gadoodsan mushaarkiisa Inter Milan.

Ciyaaryahanka Manchester United diirada u saaran Wesley Sneijder ayey  kooxdiisu u sheegtay  inuusan u ciyaari doonin mar kale hadii uusan dhimin mushaarkiisa 200 kun oo ginni isbuucii, sida uu qoray wargesyka Daily Mail.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee dalka Holland ayaa diiday inuu aqbalo heshiis cusub ka dib sabababo mushaarkiisa Inter ah, wuxuuna agaasime Marco Branca ciyaaryahanku si cad ugu sheegay in kooxda Talyaaniga aysan aqbali Karin qandaraas cusub oo uu mushaarkaan kaga qaadanaayo.

Sneijder, oo kooxdii Inter ee tababare Jose Mourinho ku hugaamiyey guushoodii taariikhiga aheyd ee Champions League iyo Serie A, waxaana aad u doonayey kooxo badan, marka lagu daro United intii lagu jiray xagaaga, laakiin tababare Sir Alex Ferguson ayaa xidigaan heshiis la gaari waayey sababtoo ah mushaarkiisa sare.

Laakiin hada waxay u muuqataa in ciyaaryahanka reer Holland janaayo suuqa la geyn doono hadii xal loo waayo in laga saxiixo qandaraas cusub oo ku heynaya Milan, mushaarkiisana la dhimi waayo.

28 jirkaan ayaa kooxdiisa u saxiixay heshiis shan sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 200 kun oo ginni waana 2010kii.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Sababta Madaxwaynaha uu ugu ambabaxay dibada oo la sheegay.

Kadib markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu maanta u amba  baxay dalka dibadiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxame Cusmaan Jawaari ayaa faahfaahin ka bixiyay safarka Madaxweynaha .

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu tagayo dalal kala duwan oo Soomaaliya deris la’ah Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in safarka madaxweynaha uu marka hore ku tagayo Dalka jabuuti islamarkaana uu halkaasi kulan kula qaadan doono Madaxaweynaha dalka Jabuuti.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa wuxuu usii ambabaxi doonaa dalkaEthiopiahalkaasi oo uu kula kulmi doono Masuuliyiinta dalkaasi.

Jawaari ayaa Ujeedada safarkaa ku sheegay inay tahay mid sare loogu qaadayo xiriirka dalka Soomaaliya iyo wadamadaasi ka dhexeeya Madaxweynaha ay suura gal tahay in muddo 7-aad ah uu maqanaaado.

DF oo ballan qaad ka sameysay dilkii Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha.

 Warka ka soo baxay Masuuliyiinta maamulka Gobalka banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku hanjabay inay gacanta kusoo dhigi doonaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay Gudoomiyihii Gudiga ganacsatada suuqa bajkaaraha.

Warsame Maxamed Xasan Joodax oo Gudoomiye ah ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Gobalka Banaadir la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameynayaan baaritaano xoogan oo ku aadan hanaanka ammaanka dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka hari dooni dhagarqabayaasha geestay dilka Gudoomiyaha gudiga ganacsatada suuqa bakaarah ee saaka la dilay.

“Laamaha ammaanka Dowladda marnabakamahari doonaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha weey naga go’an tahay inaan ammaanka xaqiijino”

Saakay ayay ahayd markii Gudoomiyihii Suuqa Bakaaraha lagu dilay Isla Suuqa.

Mario Gomez: Bayern Munich waa inay ku guuleysataa Bundesliga.

Mario Gomez ayaa u sheegay kooxdiisa Bayern Munich inay qasab ku tahay inay sanadkaan qaado horyaalka Bundesliga Jarmalka ka dib markii ay laba sano oo isku xigta ay ku weysay gacmaha Borussia Dortmund.

Bavarians ayaan koob weyn qaadin tan iyo guushoodii 2010, Gomez ayaana u sheegay in kooxdu ay sidaan ku socoto si ay mar kale ugu guuleysato koob sanadkaan.

“Sheyga muhimka ah waa kaas waa inaan sidaan kusii soconaa ilaa Christmas-ka aanan hoos u dhicin,” ayuu Gomez saxaafada u sheegay ka dib markii ay FC Hollywood 5-0 ku xaaqday Hannover.

“Laba sano waxba kuma aanan guuleysan, sidaas darteed waa inaan horyaalka ku guuleysanaa. Wadada ayaana u saaranahay, waa inaan sidaan kusii soconaa.

“Sidoo kale sanadii hore sidaan ayaan ku soconay, laakiin hal mar ayaan dhul dhacnay. Waa inaysan sanadkaan dhicin mar kale.”

Bayern ayaa hugaanka u heysa Bundesliga iyadoo sagaal dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxda kaalinta labaad ee Borussia Dortmund.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Benitez: Fursado badan waa in loo abuuraa Fernando Torres.

Tababaraha cusub ee ku meel gaarka ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaa rumeysan inay tahay in ciyaartoyda Chelsea ay fursado badan abuuraan si uu Fernando Torres goolal u dhaliyo uguna soo laabto sidii uu ahaan jiray.

Benitez ayaa ahaa tababarihii Fernando keenay Premier League markaasoo uu kala soo saxiixday Atletico Madrid 20 milyan oo ginni sanadii 2007. Wuxuuna El Nino dhaliyey 72 gool 116 kulan oo uu tababarahaan kaga hoos shaqeynayey Liverpool.

“Waad arki kareysay inuu aad isugu dayayey inuu si adag u shaqeeyo,” ayuu Benitez saxaafada u sheegay ka dib kulankii ay barbaraha gool la’aanta ah la dhaafi waayeen Manchester City axadii.

“Balse waxaan filayaa hadii ay ciyaartoydu caawiyaan Torres ayna abuuraan fursado badan, inuu goolal dhalin doono. Kama maleysan kartid weeraryahan inuu isagu shaqeysto, sidaas darteed waa inaan fursado abuurnaa weliba fursado fiican isaga u abuurnaa ciyaartoyda aan heysano ayaana sidaas laga rabaa.

“Sida cad, kuma faraxsani hal shuut oo goolka ku aaday, laakiin waxa maskaxdeyda ku jira ayaa ah inaan fursado abuurno oo aan goolka u dhowaano.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Madaxwaynaha oo jooga Djibouti.

Wafdi uu hogaaminayay Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya xasan sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee dalkaas.

Prof. Xasan sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha dalkaas ku soo dhaweeyay Dhigiisa dalka Jabuuti Cismaaciil Cumar geele.

Intaa kadib Markii labada madaxwayne ay isku xabad saareen garoonka diyaaraha ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Dowlada Jabuuti.

Saacadaha soo aadan ayaa Madaxwaynaha waxaa uu la shiri doonaa Cismaaciil Cumar geele iyagoo ka hadli doona Arimaga xiriirka labada dalka waxaana ka dib uu socdaal ku tagi doonaa dalal kale oo kuwa Africa.

Gerard Pique: Real Madrid weli kama bixin tartanka La Liga.

Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa rumeysan inay weli ka fogtahay inay Real Madrid ka quusato hanashada Horyaalka Primera Division.

Kooxda difaacaneysa Horyaalka ayaa 11 dhibcood aragta inay ka sareyso Barca marka loo fiirsho guul darradii kasoo gaartay Betis dhamaadkii isbuuca, laakiin Pique ayaa maanka ku haya inay weli xilli ciyaareedkaan la halgami karaan Blaugrana.

“Waxaan ku bilaabanay si fiican waxayna taasi noo ogolaatay inaan ugu sara marno horyaalka,” ayuu u sheegay saxaafada ka dib markii ay dubteen kooxda Levante.

“Farqiga noo dhexeeya Madrid xaqiiqdii ma ahan mid kama dambeys ah, xittaa ma dhihi kartid Real Madrid waa ka baxday tartanka horyaalka.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Tobankii saxiix ee 2012 ugu fiicnaa Barclays Premier League.

Iyadoo aan qormadaan ku eegeyno ciyaartoydii ay kooxaha Barclays Premier League sanadkaan lasoo saxiixdeen, kuwoodii ugu fiicnaa, waxaan ka cudur daaraneynaa inaanan inagu diyaarin qormadaan balse aan soo turjunay oo keliya.

Hadii uu ka maqnaado ciyaaryahan ay sanadkaan koox lasoo wareegtay , misna kasoo baxay booskiisa, balse aanan soo qaadan qormadaan ma ahan inaan kas uga soo tagnay.

Si kastaba, aan dib u fiirino tobankii ciyaaryahan ee sanadkaan ugu fiicnaa oo ay lasoo saxiixdeen kooxaha Premier League.

Aan ku bilowno.

1. Robin Van Persie: Arsenal ayuu ka tegay wuxuu ku biiray Man Utd (24 milyan oo ginni)

Ninka reer Holland ayaa had iyo jeer goolal ku hugaamiyey weerarka Man United tan iyo markii uu Robin Van Persie kasoo hayaamay Gunners. Wax tarka aan joogsiga laheyn ee xidigaan ayaana keentay in tababare Sir Alex Ferguson uu door dhexe ka ciyaarsiiyo Wayne Rooney oo awal ahaan jiray weerarka ay ku tiirsan tahay kooxdiisu.

Horaan ayuu dhaliyey 11 gool 14 kulan oo uu xirnaa funaanada Man United.

2. Eden Hazard: Lille ayuu kasoo tegay wuxuu yimid Chelsea (32 milyan oo ginni)

Eden Hazard ayaa mar u ahaa Chelsea kubad sameeye marna ay ka ciyaarsiisaa doorka garbaha wuxuuna wax tarkiisa inta badan kusoo saaraa kubad qaabeeyaha, si kastaba waa xidig si aad ah kooxdiisa uga dhex muuqday xilli ciyaareedkaan, isagoo Blues intii uu la joogay todobo gool caawiye ka ahaa halka uu afar kale isagu dhaliyey.

3. Nikica Jelavic: Rangers ayuu kasoo tegay Eveton wuxuu kula biiray (5.5 milyan oo ginni)

Shaki badan ayaa tayadiisa weerarka ku jiray intii uu ka ciyaarayey Scotish Premier League laakiin tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay Everton Jelavic ayaa sameeyey wax ka yaabiyey taageerayaasha. Ciyaaryahanka ayaa sodoo kale hugaamiye ka ahaa weerarka kooxda David Moyes. Wuxuuna Toffees ka caawiyey inay horyaalka sanadkaan ku bilowdaan si wanaagsan.

16 gool ayuu dhaliyey 25 kulan oo uu kusoo bilowday 2012.

4. Oscar: Internacional ayuu kasoo hayaamay Chelsea ayaana kula soo wareegtay (25 milyan oo ginni)

Xidig yaraha reer Brazil ayey waayo badan indhaha ku heysay Chelsea. Waxaana looga fadhiyaa inuu yahay xidig hal abuur badan xawaareeya misna leh gooysmo fiican.

Sida muuqata wuxuu qadka dhexe ee Blues ka noqday lama taabtaan waana xidig ay si fiican iskula jaanqaadeen Eden Hazard iyo Juan Mata.

5. Santi Cazorla: Malaga ayuu ka hayaamay wuxuuna ku biiray Arsenal (15 milyan oo ginni)

Xidiga reer Spain ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu tababare Arsene Wenger lasoo saxiixdo intii uu suuqu furnaa. Inkastoo ay si hoose ku bilowdeen horyaalka sanadkaan xidigaan ayaa si fiican geesi ugu noqday kooxda Emirates Stadium.

Waxaa loogu tiirsanaadaa xidigaan shuut xoogan oo labada lug ah, si la mid ah wuxuu ku fiican yahay gambiyada gaaban iyo is fahamka.

6. Gary Cahill: Bolton ayuu kasoo tegay wuxuuna ku biiray Chelsea (7 milyan oo ginni)

Daafac wanaagsan oo aan qalad laheyn ayaa loogu tiirsanaadaa xidigaan waxaana lagu sheegaa bedelka John Terry, xidigaan ayaa Janaayo kooxda galbeedka London uga soo biiray Bolton.

Sidoo kale waxaa xidigaan loogu yeeraa “Kabtanka Mustaqbalka Blues”

7. Papiss Cisse: Freiburg ayuu kasoo tegay wuxuuna yimid Newcastle United (9 milyan oo ginni)

Wuxuu ahaa xidig aad u sareeya ka dib markii uu qeybtii labaad ee Horyaalka kusoo biiray Magpies, xidiga heerka caalami ee dalka Senegal ayaa sanadii hore dhaliyey 13 gool 13 kulan oo uu ciyaaray.

Waxaa laga yaabaa inuu mar kale sidiisii hore kusoo laabto hadii uu tababare Alan Pardew go’aansado inuu iska iibiyo Demba Ba.

8. Michu: Rayo Vallecano ayuu kasoo dhaqaaqay wuxuuna ku biiray Swansea City (1.6 milyan oo ginni)

Wax aan la iska  qarin Karin ayey aheyd inuu xidiga reer Spain sanadii hore Rayo Vallecano u ahaa gool dhaliyey weyn. Tababare Michael Laudrup ayaana u arkay inuu ugu sara mari karo gool dhaliyeyyaasha Horyaalka Ingiriiska, waxayna u muuqataa inuu sidaas sameeyey.

Todobo gool ayuu shabaqa soo taabsiiyey 12 kulan oo uu ciyaaray sanadkaan.

9. Steven Fletcher: Wolves ayuu ka hayaamay Sunderland ayuuna kula biiray (12 milyan)

Inkastoo la dhaliilaayey lacagta faraha badan ee uu tababare Martin O’Neill u huray xidigaan. Fletcher ayaa 50% dhaliyey goolasha Black Cats ee Premier League, waxayna u muuqatay hadii aysan kooxda Stadium of Light heli laheyn xidiga reer Scotland inaysan sanadkaan meelna gaarteen.

10. Dimitar Berbatov: Man United to Fulham

Shan gool iyo sideed kulan oo uu kusoo bilowday waxaa loo arkaayey inuu yahay weeraryahan tayo badan. Xidiga reer Bulgaria ayaa ka dhaqaaqay Old Trafford xilli looga gacan haatinaayey kooxdiisii hore ee Tottenham balse Martin Jol ayaa afduubtay xidigaan isagoo isaga dhisay dhanka weerarka.

Inuu si wanaagsan ula qabsaday asxaabta ay isku kooxda yihiin Bryan Ruiz iyo da’yarka Alex Kacaniklic ayaana ah shey kale oo lagu amaano.

Sideed u aragtaa Tobankaan ciyaaryahan ee aan kusoo qaadanay qormadaan yaa ka maqan ayaad is leedahay? Inoogu sheeg Fikirkaaga adigoo ku qoraya qeybta hoose ee Comment-ga.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Qorshe cusub oo amniga la xiriira oo ka billowday magaalada Muqdisho.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa wadajir u billaabay qorshe cusub oo hannaankiisa uu la xiriirro isbaddel amni,  waxeyna fikir mideysan ka qaateen halka uu ku jiro xalka nabad-galyada meel ay ugu horeyso caasimadda dalka ee Muqdisho, iyadoo uu socday iminka dadaal xoog badan oo wax looga baddelayo xaaladda amni ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in dhawaan saraakiisha ciidammada Qalabka Sida ay wadatashi ka yeesheen wijiga cusub ee lagu wajahayo sugidda ammaanka, isagoo rajeeyey in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo bixi doonaan.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa   farta ku fiiqay in ciidammada Qalabka Sida ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran dhowridda iyo ilaalinta nabad-galyada dalka.

C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga-badan ayaa dhankiisa tusaale ka bixiyay qaabka lagu heli karo amniga caasimadda, isagoo carrabka ku adkeeyey in caqabada qaarkooda ay ka billaabmaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hey’ado madax banaan oo uu xusay in ciidammada ay u adeegsadaan qarashaad ay uga marin habaabinayaan jiritaankooda ciidannimo.

Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda Qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa xusaya qorsha uga aaddan muddooyinka soo socda sugidda amniga, isagoo hoosta ka xariiqay in wax walba sixid loo heli karo, isla markaana aan la isku dhex qarin karin ciidammada dowladda Soomaaliyeed.

Shalay ayeey aheyd markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya uu isugu yeeray dhammaan taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidammada Qalabka sida si xal kama dambeys ah loogu helo xaqiijinta amniga iyo dib u habeynta guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana muuqaneysa ifa faallo  wanaagsan oo la xiriirta hanaanka hirgalin nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

Isha: RM

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa iyo Xanta

Everton ayaa talaabo u qaaday inay raadsato goolhaye cusub ka dib markii uu tababare David Moyes daaha ka qaaday inuu tartan la rabo 33 jirka goolka u qabta Tim Howard (Daily Mail)

Liverpool iyo Stoke City ayaa janjalka isku heysta weeraryahanka kooxda Lazio Mauro Zarate, 25 jirkaan, reer Argentina sidoo kale waxaa xiiseynaya Malaga iyo Spartak Moscow (Metro)

Madaxweynaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka saxaafadu ay ku sheegayaan inay weeraryahankooda Alexandre Pato, oo 23 jir ah, ay ku doorsanayaan weeraryahanka 22 jirka ah, ee u ciyaara kooxda Man City Mario Balotelli (skysports.com)

Halyeeyga daafaca bidix uga ciyaara kooxda Reading Ian Harte, oo 35 jir ah, ayaa ku biiri kara kooxda horyaalka labaad ee Millwall marka uu suuqu dib u furmo (Daily Mirror)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Andrey Arshavin, oo 31 jir ah, ayaa bisha Janaayo ku laaban kara kooxdiisii hore ee Zenit St Petersburg, waxayna ku rabtaa 3 milyan oo ginni (Metro)

                          Wararka Xanta ah ee ka baxsan suuqa.

Daafaca kooxda Stoke City Ryan Shawcross, oo 25 jir ah, ayaa kooxdiisu ka dalbneysaa qandaraas lix sano ah oo uu kula sii joogayo Potters, wuxuuna isbuucii kooxda ka qaadan doonaa 45 kun oo ginni. Hadii uu xidiga heerka caalami ee dalka England heshiiska saxiixo, waxay noqon doontaa qandaraaskii ugu qaalisanaa ee kooxda abid soo mara (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Aston Villa Paul Lambert ayaa u sheegay 28 jirka, weerarka ka ciyaara Darren Bent inuu aqbalo in ciyaartoyda kooxda lagu soo daro, xidiga heerka caalami ee dalka England ayuuna sidoo kale u sheegay inuu xirfadiisa kusoo gunaanado Villa Park (Daily Mirror)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Zico: Mano Menezes uma qalmin in shaqada Brazil laga ceyriyo.

Zico ayaa rumeysan inuusan tababare Mano Menezes u qalmin in laga ceyriyo shaqada xulka qaranka Brazil.

Halyeeygii hore ee xulka Brazil, kaasoo haatan tababare u ah xulka Iraq, ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad inay bedelaan shaqada tababarenimo ee Selecao,ka dib markii jimcadii laga ceriyey Mano.

“Wuxuu tegay waqti qalad ah,”ayuu Zico u sheegay saxaafada.

“Inta badan, tababare aasaaskiisu waa inuu shaqeeyaa, laakiin Mano wuxuu shaqo bilaabay xilli aysan waxba meesha ool wuxuuna soo qabtay shaqo fiican taasoo muhim u aheyd Koobka aduunka, ma aheyn ciyaaro saaxiibtinimo oo keliya.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Paris Saint-Germain oo dalab 123 milyan ah u direysa Ronaldo.

Paris Saint-Germain ayaa quud dareyneysa inay 100 milyan oo ginni oo u dhiganta (123 milyan oo euro) ku dalbato weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Maalqabeenada iska leh kooxda ka dhisan Faransiiska ayaa rumeysan inay gacanta kusoo dhigi karaan kabtanka xulka Portugal, si ay ugu soo dhaqaajiyaan Parc des Princes xaagaga soo aadan, iyagoo sidoo kale isha ku haya xidiga ay isku kooxda yihiin ee dalka France Raphael Varane.
Madrid ayaa iska caabin doonta dalab walba oo u yimaada 27 jirkaan iyagoo ka doonaya nay qandaraas cusub la galaab, PSG ayaana diyaar u ah inay xidigaan lacag Rikoor ah ku qaadato kaasoo Los Blancos ay xidigaan 80 milyan oo ginni 2009kii kala soo wareegtay Manchester United.
Waxaa laga yaabaa sidoo kale in kooxda France ay Ronaldo isbuucii mushaar ahaan u siiso 400 kun oo ginni oo u dhiganta (510 kun oo euro) hadii ay dhameystiraan heshiiska uu ugu wareegayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Kabtanka Chelsea John Terry oo tababarka kusoo laabtay.

Taageerayaasha Chelsea ayaa maqlay war ka qosliyey ka dib markii loo sheegay in Kabtankooda John Terry uu kusoo laabtay tababarka Stamford Bridge.

Terry ayaa kazoo kabsanaayey dhaawac jilibka ah ka dib markii ay isku dheceen weeraryahanka Liverpool Luis Suarez intii lagu jiray ciyaar 1-1 ku dhamaatay 11kii November.

Daafaca Halobowlaha dhexe ayaa kulankaas kusoo laabtay kooxdiisa ka dib markii la ganaaxay afar kulan cunsurayadi uu kula kacay Anton Ferdinand, waxaana loo qoondeeyey inuu garoomada ka maqnaado sedax isbuuc.

Blues ayaa ku dhibaatooneydsay waayadaan guul ay gaarto waxayna sided kulan dheshemisay hal guul oo keliya.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo lagu dilay Muqdisho.

Gudoomiyihii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa goordhow waxaa lagu dilay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxo hubaysan oo aan la garanaynin ayaa dilay gudoomiyaha kuwaa oo dad indhaha saaray waqtiga la dilayay  ay sheegeen inay ahaayeen dhowr qof.

Marxuumka geeriyooday ayaa dhalinyaradan oo labo ahaa waxaa ay  la dhaceen  risaas badan waxaana xiliga la dilayay uu joogay meel aan ka fogayn gurigiisa.

Kooxaha dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana gaaray halka dilka uu ka dhacay Ciidamada Ilaalada Suuqa Bakaaraha Cidna gacanta kuma aysan dhigin.

Guddoomiyaha ayaa dhawaan gaarigiisa waxaa lagu xiray waxyaabaha qarxa inkastoo uusan isaga saarneyn gaariga hadana waxaa la qarxiyay gaariga oo meel cidlo ah yaala.

Xilka Gudoomiyenimo ee Suuqa Bakaaraha waxaa uu haayay mudo kooban.

Madaxweynaha oo qaaday tallaabo ka dhan ah Isbaarooyinka Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xalay qaaday tallaabadiii ugu horeysay oo wax looga qabanayo isbaarooyinka daadsan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa isbaarooyin badan oo gaadiidka lacag looga qaado, waxa ay u yaalaan degmooyin ay ka mid yihiin Xamar Weyne, Wadajir iyo Dharkenley.

Madaxweynaha ayaa xalay Villa Somalia kula kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Wadajir iyo Dherkenley Axmed Daaci iyo Macalin Cabdulle, si uu arrintaasi ugala hadlo.

Waxa uu madaxweynaha labada guddoomiye siiyay amar cad oo ugu sheegay in laga billaabo subaxan Isniinta ah, uusan maqli karin isbaarooyin u yaala ciidan dowladeed.

Labada guddoomiye ayaa si buuxda u aqbaly amarka madaxweynaha, waxayna ballan qaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadi doonaan Jidgooyooyinkaas.

Waa tallaabo kale oo madaxweynaha uu u qaaday wax ka qabashada dhibaatooyinka ciidamada ay ku hayaan shacabka, ayada oo sidoo kalena uu shalay sheegay in la dili doono askarigii dhacaa shacabka ama ku dhaqaaqa waxyaabo ay ka mid yihiin kufsiga.

Safarkeeygii Hargeysa, iyo sirtii aan soo heley! + Sawirro.

“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii  hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee loo yaqaanoSomaliland.

Inkastoo aan dano kaloo gaar ah u tagay, hadana aad ayaan u xiiseeynayey in aan indhaheeyga kusoo arko, sifiicanna bal usoo indha indheeyo, si aan u kala saaro xaqiiqda iyo wixii kasoo hara. Nasiib wanaag! Waxaan kala soo noqdey in badan oo badashey fikradii aan markii hore ka heystey, badalina doonta tan eey dadbadani ka heystaan, waxaana jecleeystey in aan aqristayaasha la wadaago, waana tan ee kusoo dhowaada.

Aan ku bilaabo’e, maadaama Airport-ga Hargeeysa uu dhismo ku socdey markii aan gobollada waqooyi tagayey, waxaan ka dagay Airport-ga Barbara, oo xaqiiqdii kuleylkeeda heerka uu gaarsiisanyahay uu ii dhinnaaba. Mid saaxiibkeey ah oo ila socdey ayaa wuxuu iiga qosliyey maanlintaa, anigoo kuleyl dartii la yaaban, wuxuu igu yiri, “War Cabdiboqorow maxaa la inoo yiri  Cilmi Boodhari jaceylbaa diley, war waa nin uu kuleyl dilaye kawaran!”.

Waxyaabaha aan horey usii maqley, Airport-ga Berberana aan kula kulmey waxaa ka mid ahaa, in eey ka jiraan laba saf. Midka muwaadiniinta iyokanAjaanibta. Hadii aad wadato Passport-gii Soomaaliyeed ee hore, ee cagaarnaa, waxaad galeeysaa safka “Muwadiniinta”, waxaana galida Somaliland iyo ka bixideedaba lagaa kala qaadayaa min $10/=  oo canshuur ah,  ama Gobollada Waqooyi u dhalo ama Koonfur ka imoow, waa isku mid. Hadiise aad wadato Passport-ga cusub ee E-Passport-ga, balse Gobollada Waqooyi looga yaqaano “Passport-gii C/llaahi Yuusuf”, waxaad galeeysaa safka “Ajaanibta”, oo waxaad isku saftihiin kuwa wata passport-yada dowladaha kalee shisheeye. lacagtana wey kugu kordheeysaa, oo waxaa lagaa qaadayaa, min $40+ marka aad galeyso iyo marka aad ka baxeysoSomalilandintaba, meeshii aad rabtaba u dhalo’e. Sababta arintan marka aan xuuraansadeyna, waxaa la igu yiri, Passport-ga cagaaran wuu “Inaga dhaxeeyaa”, Midkanse dowladii C/llaahi Yuusuf baa keensadey. Su’aashu waxeey tahay, yaa bixinaya marka-Waa inta dantu kasoo gashee- lacag $90/= ku dhow, isagoo heli kara in uu $20/= bixiyo? Waxaana arintan sii fududeeyey, oo dadkuna eey  sameeyaan, in  Airport-ga caalamiga ah ee Aadan Cade, horey usoo maraan, ayey lacag $15/= ahna kusoo sameeystaan passport-kii cagaarnaa, kaasoo inta aad taagantahayba laguu kala tuurayo, hadiiba sawirada iyo lacagtu kaa diyaar yihiin. Wareerba haku daayo!

Waxyaabaha igu cusbaa waxaa ka mid ah, marka Airport-ga Barbara aad banaanka uga soo baxdo, waxaa boorsooyinkaada kala dafaya Xamaaliyaal, mana ka kartid war boorsada ii daa, Baska aad hoosta ka taagantahay ayuu dushiisa ku tuurayaa, kadiba horey ayuu kaa leeyahay, “War iinoo  dhiib kuu xamaalnaye!” Oo anigaaba saarankaraye inteed ula ordeysey, subxaankee, War cusub!

Marka aan soo dhaqaajinney, waxaan soo marney wadada Dheer ee Barbara iyo Hargeeysa isku xirta, tasoo ah -Inta aan arkey-wadada kaliya ee si wanaagsan u dhisan. Nasiib darro! Inta aad ku socoto, waxaad ka argagaxeeysaa tirada baaburta ah ee ku gadoontey/qalibmatey, ee wadada dhinacyadeeda isku wada buusbuusmey, sababtuna waa darawallada oo Maan-Dooriyaha Qaadka aad isaga badiya, gawaaridana God, Tog iyo Dalcad toona aanan ka qabaneeynin darteed, waloow dadka qaarna leeyihiin wadadaa ayaa Jinniyo iyo wax la mid ah laguba xantaa.

Waxaad Buuraleey iyo dhul geedo gaagaaban leh soo dhexmartabe, marka aad Hargeeysa kusoo dhawaato ayaa cimillada hawada isbadalayaan, oo kulleeylkii aadka u darnaa ee Barbara ka baxeeysaa. Nasiib darrose! Hargeeysana waa meel aan dhaxanta kula yaabey. Dadka weey iskala qabsadeen, balse aniga oo ku cusbaa intii aan is lahaa Xarakoo, oo Shaar isku taag, ayaan Burunkiito ka qaadi gaarey, waloow dhaxantu aaney xad kabax u aheyn sidii Kuleeylkii Barbara, hadana waa xoogaa Nin dhalinyara ah oo Xaniintiisu qac leedahay, uu dareemayo, odeyna warkiisa daa.

Waxyaabaha igu cusbaa, oo aan sida gaarka ah ula yaabey, waxaa ka mid ahaa, in Magaalada Hargeeysa loo kala daganyahay Reer-Reer ama lookala badanyahay, oo reerbaa ku tilmaaman meelkasta. Waxaad maqleeysaa “Daanta Reer hebel iyo Daanta reer hebel”, marka laga reebo xabad-xabad iska Dool ah, ama Gobollada kale ee Soomaaliya ka yimi, iskana dhexdaga meelkasta.

Waxyaabaha Hargeeysa eey caanka ku tahay, balse aniga igu cusbaa ayaa sidoo kale waxeey ahaayeen, in dhulkeeda oo dhami wada Dhagax yahay, waxaaba looga yaqaanaa Hargeeysa “Miskiin kalkaale”, micnaha hadii dagaal uu meel kugu qabsado, waad haabaneeysaa oo kaliya. Dhibkiisa ayaase wuxuu yahay, waa kan isdagaalka Xaafadaha siina fududeeya. Waxaa iska caadi ah in dhagax meel uu ka yimid aadan garaneyn, uu guriga kuugu soo galo ama dusha uga soo dhoco, gaar ahaan habeenkii, hadii qof reerka ka mid ah uu ku daqramana waa yeelkii.

Waxyaabaha sida gaarka ah iiga yaabiyey, oo aanan ka filaneyn Hargeeysa, oo caasimdii Somaliland ah, waliba mudana 20+Sano nabad heysatey, ayaa ah in wadooyinkeeda oo dhami aad u burbursanyihiin, xitaa tan hormarta Madaxtooyada oo magaalada gudaheeda ku taala. Dhamaan waa bohollo, iyo karakeeyshan. Roobka marka uu da’ana waxaad soo xasuusaneeysaa, Suuqa Bakaaraha oo uu Roob ku da’ay. Dhiiqada, Dacda ureeysa ee wadada dhex ceeygaagta darteed. Maxaa loo dhisi waayey ayaan dadka weydiiyey, maadaama mudo Somaliland nabad aheyd, waxeey dadka kudhahayaan, Musuqmaasuq maamulka ragaadiyey iyo Qaad ama Qayilaad darteed, ayaan cidiba dhiseyn. Waxeey kuugu sii darayaan, Musuqmaasuqa marka laga soo tago, waqti yar ayaa xafiisyada dowlada laga shaqeeyaa, inta badanna Qayilaad ayaa loo fadhiyaaa, ummadana waa iska wada fuqaro, oo ninnkii meel loo dhiibaba inta aan laga qaadin ayuu is leeyahay, war xoogaa aad kusii noolaato meesha kala hadh, Maxaa wax la dhisaa marka! Waxeey dadku isweydiinkaraan maxeey tahay sababta kooxda la yirhaado “The UN’s Somalia Monitoring Group oo uu badaxda u yahay ninka la yiraahdo “Matthew Bryden” eey warbixino la mid ah tan eey Madaxda Xamar joogtaahi sida joogtada ah uga qorta, eey uga qori weysey? Waxaadse ogaataa in madaxa hey’adaasi uu madax u yahay Matthew Bryden oo ah nin aaminsan kala goyngoynta dalka Soomaaliya, waa ninka ku faana in uu sito passport Somaliland ah, waa nin Xaakiisuna oo dhowr cunug u heysaahi eey kasoo jeeda  gobollada waqooyi-Somaliland ee Soomaalida. Ninkani wuxuu ka tirsanyahay koox la yiraahdo “ The Somaliland International Recognition Group”, oo ah koox dacallada caalamka si joogta ah uga ololeeysa in Somaliland laga jaro Soomaaliya! Nadiib darro! Madaxda Soomaliya wali uma eeysan tilaaboqaadin sidii isaga iyo kuwa la midka ahba eey meel cad ummada uga saaro laheyd. Fadlan si aad wax uga ogaato ninkan madaxda ka ah hey’adaa muhiimka gaarka ah u leh Soomaaliya, lifaaqyada hoose kasii aqri (2 & 3).

Dhinaca kale waxaad si aad ah ula dhaceeysaa hantida gaarka loo leeyahay, iyo  sida eey u kobacdey, oo bilicda magaaladana eey u hormarisey, gaar ahaan dhismayaasha Hotellada oo eey ugu caansanyihiin Hotel Mansoor, iyo Hotel Ambassador, dabcan hotella kaloo aad u waanaagsanna weey jiraan. Marka aad tagto ma maleyn kareeysid Cadaanka dhooban iyo kuwa soo dagaya. Qaar hey’ado ayaan u shaqeeynaa ayey leeyihiin. Qaar suxufiyiin ayaan nahay ayey leeyihiin. Waa hubaal in inbadan oo Jawaasiis caalami ahi ama waxyaabo kale u yimidna eey ka buuxaan. Waxa bilicda magaalada sii biley waxaa ka mid ah: Dhismayaasha Shirkadaha gaar ahaan sida: kuwa Isgaarsiinta iyo Baararka. Magaalada oo Dadka u dhashey aad ugu soo laabanayaan darteed, ayaa waxaa kasii sameysmaya Xaafado cusub, gaar ahaan  kuwo eey dagaan dadka dhaqaalaha leh ama ganacasto ha ahaadeen, ama Dad mudo Qurbo-Joog soo ahaa. Xaafadahaas oo aad ka garankarto naqshadaha guryaha iyo nuucyada gawaarida intaba. Waxeey sidoo kale magaaladu leedahay goobo dhowr ah, oo ah nuucyada kala duwan ee waxbarasho. Jaamacadaha ka furwan waxaa ugu caansan: Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Hargeeysa, dabcan kuwo kalana weey jiraan oo isku soo wada xigxiga.

Xaafadaha magaalada Hargeeysa waxaa dhexmara, Togag Biyo-Mareeno ah, oo marka uu roob da’o magaalada biyaha ku wada fataha. Baabuurtana aad ugu rafaado marka eey wadooyinka xaafadaha qaarkood goynayaan, Waxaa ku filnaan laheyd Buundo yaroo aad u gaaban, oo meelaha togaga magaalada dhex maraahi lasaaro, ama siyaabo kaloo uga haboon loo xalliyo, mase jirto cid howshaa u kacdey illaa iyo hada.  Nasiib darro! Wixii eey dowladi qaban laheyd ayaa magaalada ugu liita, Marka laga reebo dhinaca nabada.

Waxyaabaha kaloo igu cusbaa, ayaa ahaa Goobaha tirada badan ee ganacsi ee Ethiopian-ku ku leeyihiin gudaha Hargeeysa, oo waliba calanka Ethiopia ku sawiranyahay ama ka babanayo. Waxaa sidoo kale la iigu waramey in guryaha badanaaba iyaga eey ka shaqeeyaan iyo gooba badanoo  ganacsi sida: Hotellada. Waa hubaal in Dowlada Ethiopia wax badan ka warqabto.

Waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, sida magaalada eey u daadsanyihiin ciidamada BS-ta ee Sirdoonka. Ethiopian-kuna dabcan qeybta ugu weyn ayey ku leeyihiin, oo waxaa uga furan meesha wax eey safaarad ku sheegaan-Ileyn ma aqoonsana Somaliland’e-. Waxaa odayaal ii sheegeen in Saraakiin waaweyn eey ka howlgalaan gudaha Hargeeyga, shabakadana u daadsanyihiin dhamaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxaan la yaabey markii saaxiibkey igu waaniyey in aanan kaligey Hotel iska dagin, oo aan Guri family ah dago,  sababta oo ah buu yiri, “Ma rabo in eey kugu dhacaan wixii aniga igu dhahay, oo aheyd in hotelkii anigoo indha ka duuban la igala baxay, nasiib wanaagse! Nimanka shirkada aan la shaqeeynayey, ayey arintii gaartey, oo isoo samatabixiyey”.

Magaalada waxeey leedahay Goobo badan oo caafimaadeed, waxaase ugu roon isbitaalka weyn ee Adna (Edna Adan Maternity Hospital), oo dhinaca Dhaliinka haweenka si gaar ah loogu Ammaano, Adna waa Xaaskii uu ka geeriyoodey (Allaha u naxariistee) Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Nasiib darro! Marwo Adna aad ayey Xagjir ugu tahay, xaqiiqdiina ugu talax tagtey, uguna dhardhigatey xumaan isaga sheegida Ummada walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koofur, oo hade waxkastoo xun ku sheegta guud ahaanba walaalaha Koonfureed, iyadoo waxyaabaha qaarkoodna aaney afkaba ku habooneyn Akhlaaqiyan iyo dadnimo ahaan intaba. Waxaa kawada marqaati kacay Indheer-Garadkii daawadey Qudbadii eey ka jeedisey Shirkii Biljam, ee nasiibdarrada aheyd (lifaaqa 1-aad ee hoose ka daawo Video-ga qudbadaa). Xaqiiqdiina mararka qaar ayaan is iraahdaa, waxaaba dhaama, Feeysal Cali Waraabe oo Xagjirnimo dhinaca kala goywnta dalka iyo naceyb abuurka lagu sheego.

Marka laga hadlayo dhinaca Qadiyada Gooni isutaaga Somaliland –Ama kala Jarida dalka-Dadka waqooyi joogaahi, waxeey ugu kala qeybsanyihiin laba qeeybood- waa dadka aan siyaasiyiinta aheeyne- A-Da’yarta soo koreeysa. iyo  B-Dadka waaweyn. A-Dhinaca dadka da’yarta ah, guud ahaan kuwa Qurbaha laga soo celiyey, gaar ahaan kuwa Ciyaal-Casiirka ah, aad ayey ula xamaasadeeysanyihiin Gooni isutaaga Somaliland. Programing joogta ah oo siyaasiyiinta eey ku hayaan darteed. Waxaana ka dhaadhacsan Reer Koofur oo dhan: Rag iyo Dumar, Caamo iyo Culimo, Sheikh iyo Shaab waxba isma dhaamaan, oo waa Umulo-Dooxyo, Marras iyo Maato leys ah. Waa kuwii ina xasuuqey oo waa wada Cadow. Kuwa Gooni-isutaaga kasoo horjeedana, waxeey raali ka yihiin dhibkii ina gaarey. B-Balse dhinaca kale; Dadka waaweyn waxeey ku leeyihiin, dhibka waxaa geystey Regime-kii Maxamed Siyaad Barre, oo Soomaali oo dhami ka wada tirsaneyd, oo waliba ragii ugu sareeyey qaar ka mid ah eey Waqooyiga kasoo jeedeen. Ragaasi waxaa ka mid ahaa: Sareege Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, waxaa sidoo kale ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Gudigii siyaasada ee Golihii dhere ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo waliba geeridiisi kadid lagu aasey Hargeeysa kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre, waliba isagoo “Geesi Qaran ah!”. Xaqiiqduna waxeey tahay, wuxuu regime-kaa ahaadaba Ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa la dagaashey, Koofur iyo Waqooyiba. Nasiibdarro! Kadibna iyadii dhexdeedaa is leeysey. Waxeey ila tahay in kala goynta dalka eey ka fududahay in Ummadu is cafiso, wixii xukun dowladeed ahna si cadaaladi ku jirto loogu wada heshiiso, Xaqiiqdiina waa waxa caalamku ina lahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafey. Wax aaney Waqooyi Koofur uga baahneyna, Koofur ugama baahna waqooyi, iyadoo la wada ogyahay in Koofuri tahay meesha Wabiyada dalku wada maraan, tahayna meesha dalku ugu kheeyraadka badanyahay. Waxaase maragmadoonto ah in shacab dhan oo walaalo ah aanu mudneyn in Jiil dhan loo cuqdadeeyo, oo dhaqaale, waqti iyo Juhdi intaa la egi la galiyo, ee ilaahoow Xamar nabad inooga dhig, iyadaa Hantideenii  maguurtada aheydi taallaaye, waxkastaahina meeshaan waa qaali, marka loo eego Muqdisho’e.

Gabagabo/Gunaanad

Nasiib wanaag! Dadka Koofureed guud ahaan sida Dadka waaweyn ee walaalaha waqooyiba aaminsanyihiin, waxeey ka xunyihiin wixii ku dhacay walaalahooda Waqooyi. Waxeey ka tiiraanyoodaan dhibkii eey gaarsiisey Dowladii Milateriga walaalihii waqooyi ee Midnimadi Ummadeena salka u ahaa, ee iyagoo Dal gooni ah noqonkara, ka doorbidey in eey walaalahood la midoobaan, hal dalna wada dhistaan. Marka eey walaalaha Koofureed diidanyihiin kala Goynta dalkana, ma aha in eey Xasuuq shacab ogolyihiine, eey tahay oo kaliya garashada in dadku walaalo wadayihiin dantooduna ku wada jirto midnimadooda iyo isku duubnidooda, ileyn horaa waxaa loo yiri, “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaane”. Wixii Dulmi Kursi ama Kheyraad ah ee dhacayna, walaaluhu weey isaga garaabikaraan, isna xaqsoori karaan, waase in sidaa la isula fahmo, inta cadowgu midba gaar u didsanlahaa, oo uu yuubanlahaa. Marka aadse aragto Siyaasiyiin markii hore Qadiyada Gooni isutaaga meelkasta la taagnaa, oo inta Muqdisho iska xaadiriya xilal kasoo qabta, ee hadana Hargeysa xilal kale ka qabanaya, sida: Mudane: Maxamuud Cabdullahi Jaamac, “Sifir”, iyo Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyo kuwo kaloo la mid ahaaba, waxaad dareemeeysaa nuxurka meesha Ummaduba dhab ahaan kala joogto, siyaasiyiinta ayaa dano jago/Kursi u waalaya maahane.

“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”

 W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
[email protected]

Lifaaq

1-Shirkii Belgium iyo Qudbadii Adna:http://www.youtube.com/watch?v=SihG_cQCZg4

2-http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden

3-http://dissidentnation.com/who-is-matt-bryden/

 

Haweeney bixinta $7.45 ka doorbiday 60 maalmood oo xabsi ah.

FORT PIERCE, Fla. – Haweeney, ayaa go’aan ku gaartay inay doorbiddo inay xabsi gasho intii ay bixin lahayd lacag biil ahayd oo ay ku lahayd maqaayadda Waffle House restaurant oo ku taala magaalada Fort Peirce, Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka.

Guud ahaan lacagta ay haweeneydaasi ka door bidday xabsiga ayaa waxay ahayd $7.45.

Sida ay ku warrameyso warbixin booliska uu soo saaray Maryanne O’Neill, oo 66 jir ah ayaa waxa ay dalbatay Coffee iyo Rooti ismaris ah, hase yeeshee markii ay cuntay ayay diiday inay bixiso lacagtii oo ahayd $7.45.

Warbixinta ayaa sheegeysa in sarkaal uu weydiiyay haweeneydaas inay lacagta iska bixiso ama ay u raacdo xabsiga ayna dooratay xabsiga.

Haweeneydaasi oo goor dambe xabsiga laga sii daayay, ayaa waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana hadii dambigaasi lagu cadeeyo ay wajihi doontaa 60 maalmood oo xabsi ah iyo $500 oo ganaax ah.