Tobankii saxiix ee 2012 ugu fiicnaa Barclays Premier League.

Iyadoo aan qormadaan ku eegeyno ciyaartoydii ay kooxaha Barclays Premier League sanadkaan lasoo saxiixdeen, kuwoodii ugu fiicnaa, waxaan ka cudur daaraneynaa inaanan inagu diyaarin qormadaan balse aan soo turjunay oo keliya.

Hadii uu ka maqnaado ciyaaryahan ay sanadkaan koox lasoo wareegtay , misna kasoo baxay booskiisa, balse aanan soo qaadan qormadaan ma ahan inaan kas uga soo tagnay.

Si kastaba, aan dib u fiirino tobankii ciyaaryahan ee sanadkaan ugu fiicnaa oo ay lasoo saxiixdeen kooxaha Premier League.

Aan ku bilowno.

1. Robin Van Persie: Arsenal ayuu ka tegay wuxuu ku biiray Man Utd (24 milyan oo ginni)

Ninka reer Holland ayaa had iyo jeer goolal ku hugaamiyey weerarka Man United tan iyo markii uu Robin Van Persie kasoo hayaamay Gunners. Wax tarka aan joogsiga laheyn ee xidigaan ayaana keentay in tababare Sir Alex Ferguson uu door dhexe ka ciyaarsiiyo Wayne Rooney oo awal ahaan jiray weerarka ay ku tiirsan tahay kooxdiisu.

Horaan ayuu dhaliyey 11 gool 14 kulan oo uu xirnaa funaanada Man United.

2. Eden Hazard: Lille ayuu kasoo tegay wuxuu yimid Chelsea (32 milyan oo ginni)

Eden Hazard ayaa mar u ahaa Chelsea kubad sameeye marna ay ka ciyaarsiisaa doorka garbaha wuxuuna wax tarkiisa inta badan kusoo saaraa kubad qaabeeyaha, si kastaba waa xidig si aad ah kooxdiisa uga dhex muuqday xilli ciyaareedkaan, isagoo Blues intii uu la joogay todobo gool caawiye ka ahaa halka uu afar kale isagu dhaliyey.

3. Nikica Jelavic: Rangers ayuu kasoo tegay Eveton wuxuu kula biiray (5.5 milyan oo ginni)

Shaki badan ayaa tayadiisa weerarka ku jiray intii uu ka ciyaarayey Scotish Premier League laakiin tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay Everton Jelavic ayaa sameeyey wax ka yaabiyey taageerayaasha. Ciyaaryahanka ayaa sodoo kale hugaamiye ka ahaa weerarka kooxda David Moyes. Wuxuuna Toffees ka caawiyey inay horyaalka sanadkaan ku bilowdaan si wanaagsan.

16 gool ayuu dhaliyey 25 kulan oo uu kusoo bilowday 2012.

4. Oscar: Internacional ayuu kasoo hayaamay Chelsea ayaana kula soo wareegtay (25 milyan oo ginni)

Xidig yaraha reer Brazil ayey waayo badan indhaha ku heysay Chelsea. Waxaana looga fadhiyaa inuu yahay xidig hal abuur badan xawaareeya misna leh gooysmo fiican.

Sida muuqata wuxuu qadka dhexe ee Blues ka noqday lama taabtaan waana xidig ay si fiican iskula jaanqaadeen Eden Hazard iyo Juan Mata.

5. Santi Cazorla: Malaga ayuu ka hayaamay wuxuuna ku biiray Arsenal (15 milyan oo ginni)

Xidiga reer Spain ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu tababare Arsene Wenger lasoo saxiixdo intii uu suuqu furnaa. Inkastoo ay si hoose ku bilowdeen horyaalka sanadkaan xidigaan ayaa si fiican geesi ugu noqday kooxda Emirates Stadium.

Waxaa loogu tiirsanaadaa xidigaan shuut xoogan oo labada lug ah, si la mid ah wuxuu ku fiican yahay gambiyada gaaban iyo is fahamka.

6. Gary Cahill: Bolton ayuu kasoo tegay wuxuuna ku biiray Chelsea (7 milyan oo ginni)

Daafac wanaagsan oo aan qalad laheyn ayaa loogu tiirsanaadaa xidigaan waxaana lagu sheegaa bedelka John Terry, xidigaan ayaa Janaayo kooxda galbeedka London uga soo biiray Bolton.

Sidoo kale waxaa xidigaan loogu yeeraa “Kabtanka Mustaqbalka Blues”

7. Papiss Cisse: Freiburg ayuu kasoo tegay wuxuuna yimid Newcastle United (9 milyan oo ginni)

Wuxuu ahaa xidig aad u sareeya ka dib markii uu qeybtii labaad ee Horyaalka kusoo biiray Magpies, xidiga heerka caalami ee dalka Senegal ayaa sanadii hore dhaliyey 13 gool 13 kulan oo uu ciyaaray.

Waxaa laga yaabaa inuu mar kale sidiisii hore kusoo laabto hadii uu tababare Alan Pardew go’aansado inuu iska iibiyo Demba Ba.

8. Michu: Rayo Vallecano ayuu kasoo dhaqaaqay wuxuuna ku biiray Swansea City (1.6 milyan oo ginni)

Wax aan la iska  qarin Karin ayey aheyd inuu xidiga reer Spain sanadii hore Rayo Vallecano u ahaa gool dhaliyey weyn. Tababare Michael Laudrup ayaana u arkay inuu ugu sara mari karo gool dhaliyeyyaasha Horyaalka Ingiriiska, waxayna u muuqataa inuu sidaas sameeyey.

Todobo gool ayuu shabaqa soo taabsiiyey 12 kulan oo uu ciyaaray sanadkaan.

9. Steven Fletcher: Wolves ayuu ka hayaamay Sunderland ayuuna kula biiray (12 milyan)

Inkastoo la dhaliilaayey lacagta faraha badan ee uu tababare Martin O’Neill u huray xidigaan. Fletcher ayaa 50% dhaliyey goolasha Black Cats ee Premier League, waxayna u muuqatay hadii aysan kooxda Stadium of Light heli laheyn xidiga reer Scotland inaysan sanadkaan meelna gaarteen.

10. Dimitar Berbatov: Man United to Fulham

Shan gool iyo sideed kulan oo uu kusoo bilowday waxaa loo arkaayey inuu yahay weeraryahan tayo badan. Xidiga reer Bulgaria ayaa ka dhaqaaqay Old Trafford xilli looga gacan haatinaayey kooxdiisii hore ee Tottenham balse Martin Jol ayaa afduubtay xidigaan isagoo isaga dhisay dhanka weerarka.

Inuu si wanaagsan ula qabsaday asxaabta ay isku kooxda yihiin Bryan Ruiz iyo da’yarka Alex Kacaniklic ayaana ah shey kale oo lagu amaano.

Sideed u aragtaa Tobankaan ciyaaryahan ee aan kusoo qaadanay qormadaan yaa ka maqan ayaad is leedahay? Inoogu sheeg Fikirkaaga adigoo ku qoraya qeybta hoose ee Comment-ga.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.