Qorshe cusub oo amniga la xiriira oo ka billowday magaalada Muqdisho.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa wadajir u billaabay qorshe cusub oo hannaankiisa uu la xiriirro isbaddel amni,  waxeyna fikir mideysan ka qaateen halka uu ku jiro xalka nabad-galyada meel ay ugu horeyso caasimadda dalka ee Muqdisho, iyadoo uu socday iminka dadaal xoog badan oo wax looga baddelayo xaaladda amni ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in dhawaan saraakiisha ciidammada Qalabka Sida ay wadatashi ka yeesheen wijiga cusub ee lagu wajahayo sugidda ammaanka, isagoo rajeeyey in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo bixi doonaan.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa   farta ku fiiqay in ciidammada Qalabka Sida ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran dhowridda iyo ilaalinta nabad-galyada dalka.

C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga-badan ayaa dhankiisa tusaale ka bixiyay qaabka lagu heli karo amniga caasimadda, isagoo carrabka ku adkeeyey in caqabada qaarkooda ay ka billaabmaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hey’ado madax banaan oo uu xusay in ciidammada ay u adeegsadaan qarashaad ay uga marin habaabinayaan jiritaankooda ciidannimo.

Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda Qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa xusaya qorsha uga aaddan muddooyinka soo socda sugidda amniga, isagoo hoosta ka xariiqay in wax walba sixid loo heli karo, isla markaana aan la isku dhex qarin karin ciidammada dowladda Soomaaliyeed.

Shalay ayeey aheyd markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya uu isugu yeeray dhammaan taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidammada Qalabka sida si xal kama dambeys ah loogu helo xaqiijinta amniga iyo dib u habeynta guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana muuqaneysa ifa faallo  wanaagsan oo la xiriirta hanaanka hirgalin nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

Isha: RM