25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Di Matteo oo doonaya in Chelse ay heysato Lampard iyo Cole.

Roberto Di Matteo ayaa doonaya inuu arko Frank Lampard oo xirfadiisa kusoo afjaraya Chelsea. Wuxuuna tababaraha Blues sidoo kale ku qalqaalinayaa Ashley Cole inuu joogo Stamford Bridge.

Labada ciyaaryahan ee heerka caalami ee dalka England ayuu waxaa xagaaga ka dhacaaya qandaraaskooda kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Daafaca dambeedka bidix, waa 31 jir, wuxuuna diirada u saaran yahay tababarihiisii hore Carlo Ancelotti oo haatan leyliya Paris Saint-Germain, inkastoo ay Chelsea ka dalbatay hal sano oo qandaraaska loogu kordhinaayo.

Laakiin Lamps, waa 34 jir, welina lagama dalban wax heshiis ah, wuxuuna Super Frank sheegay inuu ka welwelaayo arinka.

Kooxda Shiinaha ka dhisan ee Guizhou Renhe ayaa wadahadal la furtay Lampard, kaasoo Chelsea kula guuleystay sedax horyaal oo Premier League ah. Afar FA Cup, afar League Cup iyo Uefa Champions League intii lagu jiray 12kii sano ee uu la joogay Blues.

“Wey ogyihiin inaan anigu jeclahay inay sii joogaan. Waa ciyaaryahano cajiib ah kuwaas oo mar walba noogu ciyaara heerka ugu sareysa,” ayuu yiri Di Matteo.

“Waan sameynayaa wax walba oo aan halkaan kula sii ilaashan karo.

“Waxaa jira had iyo jeer warar ku saabsan Frank. Wararka xanta ahi waxay sheegayeen inuu u socdo sidoo kale MLS [Horyaalka Mareykanka].

“Waxaan ku rajo weynahay inaan qandaraas cusub ka dalbano. Laakiin midaasi waxay ka dhexeyneysaa kooxda iyo ciyaaryahanka inay isku raacaan.

“Laakiin kuma qanacsani sida ay wadahadaladu u socdaan laakiin hadii ay labada dhincac is afgartaan, Frank wuu nala sii joogi doonaa.

“Wuxuu Chelsea u ahaa horjooge mudo 10 sano ah, marka waxaan jeclaan lahaa inuu halkaan kusoo afjaro xirfadiisa ciyaareed.

“Sidoo kale Ashley, kuma qanacsani inuu la hadlo kooxda Faransiis ah, sidaas darteed ma hubo inuu u dhaqaaqo Paris!”
W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Cristiano Ronaldo: Waan u xiisay Tababare Sir Alex Ferguson.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inuu u xiisay tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson, 70 jirkaan ayuuna ku sheegay aabihiisa kubada cagta.

27 jirkaan ayaa hada ka hoos ciyaara tababare Jose Mourinho oo maamula Santiago Bernabeu ka dib markii uu lacag rikoor ah Old Trafford uga dhaqaaqay 2009kii oo gaareysa 100 milyan oo euro.

Inkastoo uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay La Liga ku hugaamiyey los Blancos uuna 46 gool u dhaliyey 38 kulan oo horyaalka ah, kabtanka xulka Portugal ayaa sheegay inuu aad ugu xiisay Alex, ka dib markii uu sedax sano ka hor isaga tegay Manchester.

“Ferguson wuxuu ii yahay qof Fantastic ah. Waana qof bini’adam ahaan fiican. Wuxuu I baray wax badan,” ayuu Ronaldo u sheegay The Sun.

“Sidii aan hada ka hor iri, wuxuu iila mid yahay aabaheyga kubada cagta. Run ahaantii waan u xiisay xiriir fiican ayaana igala dhexeeya.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Falcao oo amaanay kooxda aadka u dooneysa ee Chelsea.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa ka hadlay dareenkiisa ku wajahan Chelsea, isagoo sheegay in kooxda heysata Champions League ay awoodo wax waliba.

Goal.com ayaa isbuucaan ogaatay in Chelsea ay wadahadalo heshiis ay kula saxiixaneyso oo 60 milyan ah Janaayo kusoo qaadaneyso weeraryahanka reer Colombia, wuxuuna amaan kala dul dhacay kooxda ka dhisan Stamford Bridge, isagoo sheegay in halyeeygii Blues Gianfranco Zola uu yahay ninka uu ku daydo.

“Kama walwalayo ciyaarta xooga ku dhisan ee horyaalka Premier League” ayuu Falcao u sheegay Daily Mail.

“Waxaan goolal kasoo dhaliyay Argentina, Portugal iyo haatan Spain. Kalsooni ayaan ku qabaa inaan la qabsan karo horyaal kasta. Waan soo dhaweyn lahaa inaan ku tartamo Premier League.

“Waxaan daawanayay Premier League waqti dheer. Waxaa yaal tayo badan, waana horyaal xiiso leh. Dabcan waa iska fiican tahay inaan ku fekero inaan ka ciyaari karo.

“Chelsea waa horyaalka yurub, wax ka badan oo la dhihi karo ma jirto. Xitaa ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League waxa ay la soo wareegeen ciyaartoyda ugu tayada fiican. Hamigooda waa cad yahay.

“Sidoo kale waxaan taageero weyn u ahaa weeraryahankii hore ee Chelsea Gianfranco Zola markii aan soo korayey.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (5)!

Qeybtii 5-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad

Akhristahaygoow waxaa la soo gaaray Horaantii sannadkii 1975 oo laga soo noqday OHRM,markiiba waxaa horay laga furay Dugsiyaddii Bishii Marso,1975 horaanteedii.

Ostan wuxuu u soo gudbay Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe waa kan ugu danbeeya Dugsiga Dhexe ,wuxuuna leeyahay Imtixaan Guud oo Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarintu soo diyaarineyso ama Imtixaanaadka la yiraahdo ( centralized) !!!!.

Maryan ayadu waxay u soo gudubtay Fasalka 7aad ayadu ma laha Imtixaan Dhexe ee macallimiinteeda ayaa u saxaaya oo Natiijada siinaaye ,se Ostan Wasaaradda ayaa soo saxaysa soona dhajineysa Natiijada , markuu Sannad dugsiyeedku dhamaado.

Ostan Fasalkiisu waa 8C sidii caadada aheyd se Sannadkaan waxaa dhacay arrin cusub, fasalkiiba waxaa la isla fariisinayaa wiil & gabar.

Ostan waxaa lala fariisiyey gabar la yiraahdo Safiyo ooy horayna isku yaqaaneen oo Maryan isku xaafad yihiin, Xaafadda Kuwaarto ama Hodan.

Ostan tiisaaba haysata Jaceylkii waa ku sii siyaaday, rajadiisuna ma fiicna, laakiin sidii caadada aheyd maalintiina meel uu isha uga xado Maryan buu jaleecaa, Habeenkiina sidii caadadiisa aheyd xaafadoodii ayuu Qooraansadaa, bal mar uun in uu isha ku dhufto Maryantiisii.

Sidoo kale Jimacahana waa ballantii Shaneemo Soomaaliya oo uu ka daydayo Maryan & wallaasheedii weyneyd ay soo raaci jirtay.

Waagaas waxaa soo baxay Buug Jaceyl ah oo Af Soomaali ku qoran oo la dhihi jiray : ( Aqoondarro waa u Nacab Jaceyl ) oo uu Qoray qoraa la yiraahdo Cawl ,waa sheeko Jaceyl oo dhacday Xilligii Daraawiishtii Sayid Mohamed Cabdulle Xasan.

Nin Darwiish ah oo la oran jiray Cali Maax ayaa waxaa jeclaatay Haweeney la Oran jiray Cawrala.

Ninkaas oo Xaas lahaa bay haddana haweeneydaasi Jeclaatay, markay sidii Ostan u Caal weysay Jaceylkeedii , bay isku dayday in ay Waraaq u qorto, weyna sameysay oo waxay u qortay warqad Jaceyl ah ooy ugu dhiibtay Nin asaguna Darwiish ahaa.

Markii Warqaddii loo geeyey Cali Maax asagoo la fadhiya Sodogii iyo Seedigii baa warqaddii loo dhiibay oo lagu yiri adigeey kugu socotaa !!!!.

Cali Maax oon waxba Akhrin Aqoonin ayaa warqaddii hal haleel ugu dhiibay Sodogiis oo ii Akhri yiri Sodogii baa yaabay oo Afka kala qaaday. markii dhiiladii la weydiiyayna wiilkiisii buu u dhiibay ,wiilkiina markuu Akhriyey Afkii buu kala qaaday ???? Markaas buu Cali Maax Naxay oo is yiri Tolow ma xaaskaagii baa dhimatay ??? se Markii uu Hadalkii ku celceliyey ayaa Nuxurkii warqadda iyo Ruuxa u soo diray loo sheegay ???? markaas buu asagiina Naxay ??? Sida uu hal mar Sodogiis & seedigiis ugu hor ceeboobay.

Sheekadii waxay ku dhamaatay gabadhii oo jaceylkii u dhimatay iyo Cali Maax oo Qabrigeedii Baroor Diiq u yimid .
Ostan Sheekadaasi aad bay u saameysay wuxuuna is yiri tolow adiguna armaad kan ku haaya u dhimataa sida Cawrala, maxaayeelay Xanuunkiisa Qalbiga ayuu ka dareemaayey.

Waxaa kaloo Ostan Sheekadaas uga daran markii Xisadii Af Soomaaliga loogu dhigay Taariikhdii Cilmi Boodhari iyo Hodan iyo Qeyb ka mid ah Gabayadii calaacalka ahaa ee Cilmi Boodhari Sida Gabaygiisii uu yiri Cilmi Boodhari :

[ Sida aad go’aygii tahay ama macawistaan goostay
ama aad godkii Akhiriyo Geeri iga baajin
Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey
Caashaqa haween horaa caadil soo rogaye
Sayidkii cirshiga Nuuriyey iyo Cali ba soo gaarye
Soomaalidaa Caado xume iguma ceydeene.
Cilmi iyo daawoba doontayoo waayey Cilinkiiye
Ileen Caashaq lama meyri karo kugu cirooloobay ] .

Akhristoow Ostan Gabaygaas oo uu waagaas Xifdiyey wali ma hilmaamin oo caawa intaas kor buu ka qoray, Qaar kaloo fara badan na waa uu xasuustaa.

Wax yaabahaas oo dhami waxay noloshii Ostan galiyeen Khatar Jaceyl oo hor leh, sidii uu horayba u soo sheegay, wuxxu noqday mid Gabayada Jaceylka & Heesahaba jecel.

Waxaa Bilowday Sannadkii Seddexaad ee uu Ostan wali jecel yahay Maryan se uusan u sheegin lana wadaagin xanuunka jaceylka ee haysta.

Wax kastuu isku dayey ma uusan helin jid uu jaceylkiisa ku furdaamiyo oo calal aqal Maryan ugu sheego, wuuna ka baqayaa in Dad kale ogaadaan siiba Saaxiibadiis.

Ostan Gabdho qurux badan Fasalka waa la dhigtaan sida Gabar carab ah oo reer waqooyi ah oo timo jilicsan oo dheer leh oo dhuuban, Sidoo kale Fowzio oo Baxdoow ah oo ka soo noqotay fasax ay ku tagtay Nairoobi,kiinya aad na ugu soo Qurxoonaatay, Ismahaan oo Reer Ceerigaabo ah oo aad u cas ilko dabar leh na leh, se waxaas oo dhami uma cuntamayaan Ostan Xaalkiisu waa kii Cilmi boodharei oo kale, Markii loo keenay Gabdho aad u Qurxoon oo waliba Qeyb ka mid ah Quruxdooda u muujiyey , si uu Hodan iskaga daayo.

[ Haddii qurux aduun kol uun aadmi ku qancaayo
Anniguba Khadraan oo arkiyo qaararkii Hodan
Hablayahow halkii qoomaneyd baad i qabateene
Qosolkaa yar yare waa waxaad nagu qaldeysaane
In aan Eebahay idin qatalin Qariya Laabtiina !!!! ] .

Ostan xaaladiisa dugsiga aad bay u fiican tahay, macallimiintiisu waa Ardaydii Dugsiyadda Sare soo Dhameysay oo Shaqo Qaran ah !!!

Waxaa loo keenay macallimiin Gabdho u badan oona aad u qurxoon sida zahra oo xisaab u dhigi jiray, Caasho oo Taariikh u dhigi jirta oo aad u far qurxoonayd iyo Macallimad English u dhigi jirtay oo ayaduna reer Kuwaarto aheyd oo Ostan wallaalkeed is yaqaaneyn ama sidii caadad aheyd isku dugsi Quraan ahaan jireen.

Macallimiintaas qaar baa Ardeydu Jeclaadeen siiba Cumar oo ahaa Ostan Saaxiibkiis ayaa jeclaaday macallimadii u dhigi jirtay English-ka se Ostan waxaas ka dhaga la’, Akhristoow ma garaneysaa meesha Qalbigiisu jiro bal ii sheeg aan kuu sheegee !!!.

Maalin jimco ah ayaa Ostan iyo saaxiibadiis ku dheelaayeen Carro madowda goor subaxnimo ah, markaas baa C/llaahi oo Banooniga iska lahaa intuu qaatay ku yiri C/siis Na keen sow kumaanan balamin in aan Badda aadno ??? Badee Maayo Moorto Badda ka danbeysa Airport-ga Shibile oo ah kan aad haatan u Taqaano Airport-ga Aadan cadde.

C/siis baa yiri na wadi hee , Asaxaabeey ruuxii banooni raba Badda ayaan ku soo ciyaareynaa ee ha na soo raaco.
Ostan iyo saaxiibadiis bay qasab ku noqotay in ay Badda Maayo Moorto u soo lugeeyaan ayagoo ka dhex baxaaya Airpor-ka dhexdiisa meel shabaqu ka daloolo , Markay laamiga diyaaradaha sii gudbaayeen bay la yaabeen weynaantiisa markaas bay tallabadoodii ku tirsheen tolow ma 60 talaabaa mise 45 haatan ma xasuusto.

Markii Baddii la tagay ayaa Ostan iyo koox kale banaanka Banoonigoodii ku camirteen, Qaar kalena Baddii hal haleen u galeen, ileen Xiis baa jira !!!! Baddu maalintaas gadaal bay u caarineysaa markiiba Ciyaalkii waa la jiitay ???? qeylo ayaa yeertay Ostan baa Banoonigii badda kaga dhacay soo qabo markuu yiri Mohamed baa qeylinaaya Ostanoow iqabo baddii baa i qaaday ??? Markii Ostanuu fiirshayba wuu haftay oo Biyo ayuu Cabayaa, Ostan baa intuu dharkii halhaleel iska bixiyey Baddii isku tuuray oo intii uu dabaashay gadaal ka soo maray Mohamed oo wali qeylinaaya , kadiib na gadaal buu jug ka soo siiyey , jugtaas buuna ku soo waday ilaa labadoodii oo daalan ay Banaanka yimaadaan.

Ostan qeylo kale ayuu maqlay markaan waxay Baddii Qaaday C/siis oo ahaa Wiil Akhiyaar ah oo Xaafadda loogu jaceyl badan yahay.

Ostan haddana halhaleel buu baddii iskugu tuuray wuu dabaalanayaa, C/siis wuu u jeedaa se wali xoogaa buu u jiraa ilaa ay Badweyntii ay galeen !!!! C/siis baddii ayaa sii wadato asaguna wuu qeylinayaa, Ostanna wali ma gaari karo se wuu Dabaalanayaa, mar kaliya ayuu Ostan Dhankiisa midig ka arkay labo wiil oo qori saaran, markaas buu is yiri wiilashaan u soo sheeg si aad C/siis Qoriga u soo saartaan.

Ostan markuu wiilashii u tagay oo u sheegay in C/siis Baddu qaaday ayey soo wada baxeen si ay u soo badbaadiyaan se wey waayeen C/siis !!! halkaas buuna ku dhintay.

Ostan kadib soo bax ayuu is yiri aad buu u daalan yahay haddana marba Hir weyn baa ku soo Rogmanaaya oo qasaaya ilaa uu daalay oo si yaa Allaah ah uga soo baxay baddii !!!!

Ciyaalkii isma sugin wey kala carareen ileen Saaxiibkood C/siis bay Baddu qaaday !!!!.

Xaafaddii bay markiiba Dhiiladii gaartay waxaanna markiiba la ogeysiiyey Booliska Xaafadda Wadajir ama madiino oo ah meesha ay ka tirsan tahay Badda Maayo Moorto oo macnaheedu yahay ( baddii Dhimashada) !!! weyna aheyd oo reer Waaberi C/siis bay ku waayeen.

Subaxdii Sabtida Dugsigii 21 Oktoobar waxaa yimid Askar Booliis ah markiiba sidey ku garteen lama yaqaano se waxay kaxeysteen Ostan & Saalax oo ahaa labadii ugu danbeysay ee C/siis arkay in ay Baddu Qaaday.

Ostan & saalax waxaa la saaray Baabuurkii Booliska ( LG) ama madoobe Dheere Siday ay Soomaalidu u taqaanay, waxaanna la geeyey Saldhigga Booliska ee Wadajir oo u Dhaw Suuqa wadajir.

Tolow maxaa xigi Ostan iyo saalax oo xoogaa ka weynaa waxaa mid mid u wareystay Askari Dhar cad ah oo loo xilsaaray in uu baaro wixii shalay ka dhacay Maayo moorto.

Ostan & saalax waxay isku af garteen in ay wixii dhacay inta ay ka og yihiin sheegaan, sidii bayna u dhacday, Dugsigii baa lagu soo celiyey ayagoo wali Dharkii Iskuulka Qabo.

Baaritaanka Dhimashadii C/siis Dhawr mar baa Ostan iyo Saalxa lagu wareystay Saldhigga Wadajir oo mar kastana Dugsiga laga kaxeynaayey se Ostan & saalax wax Danbi ah oo ah in ay ka danbeeyeen Dhimashadii saaxiibkood lagama helin.

Ostan waalidkiis uma sheegin waxa dhacay iyo Booliiska ku lug leh sababtoo ah in la ciqaabo ma uusan dooneynin, se waa danbe oo Baaritaankii Dhamaaday Ostan & saalaxna ay caadi Noqdeen , Baa arrinkii waxaa maqashay Ostan Ayeydiis una sheegtay Ostan Hooyadiis se waxay aheyd mar Xeero & fandhaal kala dhaceen oo bilo ka soo wareegtay,
Akhristoow ma is tiri Ostan Barshadii Dabaasha wuu ka aflaxay haddiiba uu Mohamed na soo badbaadshay asaguna isa soo badbaadshay se Ostan waxaan Xasuus ku Reebtay Saaxiibkiis C/siis oo uu gaari wayey asagoo wali u jeeda !!!!.

Waxaa la soo gaaray Qeybtii dhexe ee Sannad dugsiyeedka ama ( mid Term) kii Imtixaano ayaa la galay, Ostan aad & aad buu ugu fiicnaa meel uusan fasalka ka gali jirin ayuu ka galay.

Maadada Xisaabta ah oo lagu kala haro Ostan & iidle waxay keeneen 94% midkiiba waxayna galeen kaalinta labaad waxaa ka sareeyey caluula oo keenay 100 %.

Guud ahaan Ostan wuxuu fasalka ka galay lambar lix taas oo aheyd fursad fiican.

Dugsiyaddii waxaa la fasaxay 15 maalmood, Ostan & saaxiibkiis Hunboow waxay fasax ku aadeen Magaallada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30 km si ay maalintaas iskaga soo Baashaalaan, Afgooye waa magaalo quruxsan oo dhoobay ah oo uu maro Wabiga Shabeelle.

Markii ay baabuurkii ka dageen oo la oran jiray ( siteey ma noogto) ayuu Hunboow wuxuu arkay meel Mooto sheelaro & Bushkuleeti laga ijaaraayo , aad buuna u jeclaa markaas ayuu Mooto ka soo ijaartay Ostan buu gadaal soo saaray markay cabaar socdeen oo ka soo fogaadeen meeshii lagu ijaaraayey baa Hunboow wuxuu Ostan ku yiri isku tijaabi mootada adigu wad.

Ostan oo asagu yaraantiisii Bushkuleeti aan baranin sababtoo ah waqti kuma dhumin sida uu Dabaal barashada ugu lumiyey , ayaa mootadii fuulay kadib wad buu is yiri waa la gadoontay !!! Hunboow qosol xataa dhulkii waa ka kici waayey mootadiina gadaashiisa ayey ka guuxaysaa , ilaa Hunboow ka qaaday meeshii oo uu waday.

Markii la gaaray Dhamaadkii Dugsiga dhexe ee bishii Oktoobar ayaa Ostan Qowskoodii u guureen xaafad la yiraahdo Buulo xuubeey ama Ceel qalaw oo ka tirsan Xaafadda Wadajir.

waxaana aada jidka Airport-ka sidoo kale waxay loo yaqaanay Quracleey, maadaama ay laheyd Geedo Qurac ah siiba meesha uu ku yaalay Suuqa Quracleey.

Waxaa la soo gaaray Isku diyaarintii Imtixaanki Dugsiga dhexe waxaa ardaydii oo dhanba loo diray in ay keenaan Sawiro Afar ah si loogu sameeyo teesaro la yiraahdo ( Roll Number) oo ah Lamabar ardey kasta oo ka qeyb galaaya Imtixaanka la siinaayo si loo hubsado in uu asaga yahay, isla markaasna ay u sahlanaato Xafiiska imtixaanaadka in ay Ardeyda ku Aqoonsado marka Imtixaanka la saxaayo si Magaca Ardeygu uu sir u noqdo oo ( Roll Number) kaliya la Isticmaalo.

Ostan Sawir Qurux badan ayuu iska soo Sawiray Photo Caalamiga oo ku dhaganeyd Farmishiyihii Caalamiga ee ku yaalay ( Ultimo baalo ) oo ahaa meel Baska ku istaagi jiray Lixdameeyadii Baskii ka soo bixi jiray Carwadii u dhaweyd Tiyaatarka ( the theater Somalo) !!!

Ostan markaas gar yar oo xaad ah buu lahaa, kadib mid ka mid ah ayaa loogu dhajiyey Teesarihii ( Roll Number) waxaana la siiyey lambar (1583 ) oo ilaa maanta uu Ostan xasuusto .

Ostan Imtixaanadii oo idil wuu galay wuuna ku fiicnaa, wuuna ka Barmoosay fasalkii 8aad darajo dhan 326, meesha saaxiibkiis Hunboow uu ku barmoosay 294 se wuxuu ku yiri Ostanoow Buundadeyda markaad dadka u sheegeyso waxaad dhahdaa Hunboow wuxuu keenay 300 oo Afar dhiman intaad ka dhihi laheyd 294 , waa Arrin uu is jeclaysiiyey Ostanna ka yeelay, maadaama uu saaxiibkiisa koowaad yahay.

Maryan ayaduna wey ku Barmoostay Fasalkii 7aad waxayna u soo gudubtay fasalka 8aad.

Maalmihii Dugsiga la xiray ayaa waxaa dhacday Arrin la yaab leh oo aheyd Fursadii ugu danbeysay uu Ostan ku hanan karay Maryan, sidaan baan wax u dhaceen.

Akhristoow Farmashiyihii Caalamiga ee mar dhaweyd kuu sharxay wuxuu u dhaxeeyaa lambar Afar iyo Guriga Shaqaalaha wuxuuna saaran yahay Dhanka Xaafadda Hodan, waxaa dhiniciisa ka daadaga jid aada Xaafadda Maryan ilaa Degmada Hodan ( Oryateeshinka ) .

Maalin Barqo ah asagoo Ostan taagan yahay ka soo horjeedka farmashiyaha Caalamiga dhanka xaafadiisii Waaberi ayaa waxaa jiiraddii Caalamiga ka soo baxday Maryan oo aad u Labisan waxay qabtay Goono waagas lagu daatay oo markay gaarto jilbaha balaaraneysa, macnaa jilbaha hoosteeda ayaa laga balaarin jiray inta kore wey ka yar tahay.

Ostan markuu arkay asagoo ka soo horjeedkeeda taagan siiba Dawaarle meesha ku yaalay hortiisa ayuu Darbigii dhabarka saaray si uu isha uga bogto Maryan, waa kaligeed wax dhaxaa Ostan uusan arkin Maryan oo kaligeed socota, waa Fursad uu Goal fiican ku dhalin karay.

Maryan sida ay u soo socotay jidkii Maka Mukaramah ayey soo gudubtay waxayna istaagtay dhankii Ostan Hortiisa si ay Baabuur Caasi ah ugu Raacdo shabeelle .

Ostan waa hiin raagayaa se waa is canaananayaa la hadal oo salaam oo Arrinkaaga u sheeg buu leeyahay ??? Furasdaan oo kale ma heleysid se wali kuma dhiiran karo !!!!

Ostan wadnihiisu waa bood boodayaa si uu meel dheer ka soo oraday se ma awoodi karo in uu Maryan agteeda tago, waxaa kaloo taas la yaab leh darbigii ayuu Dhabarkiisa xoog u dhajinayaa si Ruux ka baqaaya wax soo hajuumaaya oo meel uu uga cararo haysan.

Maryan Wali wey taagan tahay Caasigii waa soo daahay weysa sii jeedaa Ostanna gadaasheeda ayuu rafanayaa oo is leeyahay mar kasta waar u tag, waar u sheeg inta aysan baabuurka kaa raacin !!! Ostan Damiirkiisa ayaa dagaal hoose ka dhaxeeyaa se wali kuma uusan guuleysan waxa uu sameyn lahaa !!!! Se Nasiib daro Baabuurkii Caasigu wuu yimid maryanna waa raacday !!! Tolow Ostan aaway waa inoo Qeybta 6aad iyo Sheekadii Runta & Xiisaha iyo Qiimaha laheyd ee Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .
[email protected]

Walaacyo laga muujiyay qorshe Dowladda Sacuudiga ka damacsan tahay Mesjidka Nebiga NNKH.

Saddex ka mid majsidyada ugu da’da weyn caalamka ayaa lagu wadaa in la bur buriyo, ayada oo Saudi Arabia ay balaayin dollar dib u habeyn ugu sameyneyso goobta labaad ee ugu barakeysan islaamka.

Howsha laga qabanayo Masjidu an-Nabawi ee magaalada Medina, halkaasi oo uu ku aasan yahay sharaf badne Nebiyullahi Muxammed NNKH, ayaa lagu wadaa inay billaabato dhammaadka bisha soo socota.

Marka howsha lasoo geba gebeeyo ayaa Masjidka waxa uu noqon doonaa dhismaha ugu ballaaran caalamka, oo qaadi kara 1.6 milyan oo qof.

Si kastaba, walaacyo xoogan ayaa laga muujiyay in horumarka lagu sameynayo masjidka uu horseedi doono in goobo taariikhi ah oo ka tirsan Masjidka la bur buriyo.

Inta badan ballaarinta masjidka ayaa ka dhici doonta dhinaca galbeed ee masjidka, oo ay ku yaalaan khubuuraha Nuurkii Islaamka Nabiyullahi Muxammed NNKH iyo asxaabu Rasulillahi Abu Bakar Sadiiq (RC) iyo Cumar Bin Khadab (RC).

Meel dibedda ka ah dhinacan Galbeed, waxaa sidoo kale ku yaalla Masjidyo loo hibeeyay Abu Bakar iyo Cumar iyo sidoo kale Masjidka Qamama, oo laga dhisay goobtii Kor ahaayee Nabi Muxammed NNKH uu ku dujiyay ciidii ugu horeysay.

Dowladda Sucuudiga weli ma aysan shaacin qorshaheeda iyo in Masjidyadaasi ay meel kale u rari doonto ama halkooda lagu dhaafi doono.

“Cidna Ma diidana in Masjidka Madina uu u baahan yahay ballaarin, hase yeehsee habka dowladda ay arrinta u wajaheyso ayaa walaac ah” ayuu yiri Dr. Ifran Al-Calawi oo ka tirsan hay’adda Islamic Heritage Research Foundation.

“Waxaa jira habab kale oo oo looga fogaan karo in la bur buriyo goobaha taariikhiga ah, intii dhammanatood dhulka lala simi lahaa” ayuu yiri Calawi.

Masjidyada Mekka iyo Medina ayaa la xarbinaya inay qaadaan muslimiinta tirada badan ee sanad kasta imaneysa. Sanadkan waxaa booqatay 12 Milyan oo qof, wxaaana la filayaa in tiradaas ay gaarto 17 Milyan sanadda 2025, haddii eebe nagu simo.

Boqortooyada Saudi Arabia waxa ay aaminsan tahay inay mas’uul ka tahay arrintan, sidaa darteedna waxa ay sheegtay inay sameyn doonto wax kasta oo macquul si loo ballaariyo labada masjid.

Dadka u doodaya in la ilaaliyo goobaha taariikhiga ah ee ku dhex yaallla Mekka iyo Medina ayaa sheegaya in mar kasta oo dib u ballaarin lagu sameynayo labada masjid ay meesha ka baxaan meelo badan oo taariikhi ah.

Waxaa la rumeysan yahay in 95% goobihii asalka iyo taariikhiga ahaa ee labada Masjid la bur buriyay, 20-kii sano ee lasoo dhaafay, markaasi oo ballaarin badan lagu sameeyay labada Masjid ee barakeysan.

Tusaale goobihii lagu bur buriyay Mekka waxaa ka mid ah bartii uu ku dhashay Suubane Nebiyullahi Muxammed NNKH oo laga dhigay maktabad iyo gurigii ay lahaan jirtay xaaskiisa Hooyada mu’miniinta Khadiijah oo loo beddelay meelo lagu weysaqaato, sida ay sheegeen dadka u doodaya in la ilaaliyo goobaha taariikhiga ah.

Dowladda waxa ay difaacday tallaabooyinkeeda, sababtoo ah bay tiri “Waa lagama maarmaan si dadka tirada badan loo qaadsiiyo Masjidyada”.

W/Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online

www.facebook.com/alaxmed     

Mas’uul caan ah oo loo aqoonsaday Wadaniga iyo diblomasiga Sanadka.

Safiirka Somalia u fadhiya Kenya Mohamed Ali Amerika ayaa loo aqoonsaday Wadaniga iyo Diblomaasiga Sanadka ee Somalida kadib markii uu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleeystay difaacida iyo waxqabashada Somalida ku nool Kenya ,sida Ganacsatada iyo qaxootiga.

Ganacsatada Somalida Kenya iyo Jaaliyadda ayaa si wadajira xaflad ay ku taageerayaan Safiirka waxay ugu qabteen Nairobi taas oo lagu baahiyay Internet-ka.

Sababaha kor u qaaday sumcada Safiir Amerika waxaa ugu weyn :-

1-Sida uu mar walba uga warqaba qaxootiga Somalida ee ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya iyo kuwa jooga Islii Nairobi.

2- Sida uu mar walba u difaaco Ganacsatada Somalida ee Kenya ku nool.

3- Safiirka oo noqday diblomaasigii ugu horeeyay guud ahaan Somalida wax uga qabto hab ka fog qabyaalada taas oo qasabtay in beesha uu ka dhashay ee Hawiye ku eedeeyaan inuu dadka u dhashay beesha Daarood mar walba difaaco.

4- Safiir Amerika wuxuu si cad uga soo horjeestay qorshaha Kenya ku dooneyso inay ku dhaawacdo madax banaanida Somalia, ayada oo maamul ay wadato u dhiseysa Gobollada Jubbooyinka, kana tallaabsaneysa Dowladda Somalia.

Inkastoo Mohamed Ali Amerika noqday Diblomaasiga iyo Wadaniga Somalida ee sanadka hadana waxaa bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in qofka sida Amerika u dadaalo la garab istaago si dhiirigelin loo siiya maxaa yeelay waxaa hubaala in Safiir ka hoowlgala Kenya ka hadli kari lahayn xaalada Kismayo iyo danaha Kenya ka leedahay Jubooyinka.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Farah Macalin ayaa si cad wuxuu u caayay uguna hanjabay Safiir Amerika, mar uu Wareysi siinayay Radio Ogaal ee Magaalada Toronto.

Kelya adeega Wadaniyadeed ee Ali Amerika markii Dowladaha shisheeye loodin waayeen waxay ugu dambeyn ku kiciyeen kuwa Somalinimada kala weyn tahay sandareero la siiyay iyo qabyaalad.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo Muqdisho khudbad ka jeediyay ayaa si maldahan ula hadlay Cadawga Somalia ee Kenya hada ugu horeeysa wuxuuna ku yiri ” Cadawgiina u sheega inaad aheyn 10 Milyan balse aad tihiin 10+75 Milyan oo Turkisha, mar walbana ogaadana in Somalia tahay dalkeyga labaad idinkuna Turkiga idiin yahay dalkiina labaad”

Si kastaba ha ahaatee, Qofkasta oo Somali dhaba waa inuu adeegsado halku dhiga caan baxay ee SOMALIA SOMALI BAA LEH”.

Ciyaartoy ka tagtay W. Ameerika oo ku biirtay xulka Somalia.

Waxaa  Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka amba baxay ciyaartooy ka mid noqday  xulka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku sii jeeda Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay uga  qeybgeli doonaan tartanka  bariga iyo bartamaha Africa ee ka furmaya Magaalada Kampala.

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed ayaa la rajeynayaa in uu natiijo wax ku ool ah ka soo hooyo tartankan bacdamaa ay xulka qaranka lagu soo daray ciyaartoy leh xirfad sare oo dhinaca Kubadda Cagta ah.

Qabanqaabiyaha ciyaartooydan u amba baxday ka qeybgalka tartanka bariga iyo bartamaha Afrika Macallin Cabdi Shukri ayaa sheegay inay hawl adag aheyd in ay diyaariyaan ciyaartoy u ciyaarta xulka qaranka Soomaaliya, kuwaasi oo dalka dibaddiisa ku koray, wuxuuse sheegay in ay taasi nasiib wanaag ku guuleysteen.

“Ugu horreyntii waxaan u mahad celinayaa  macallinka ciyaartooydan Mohamed Ahmed (Carab) oo waqti badan galiyey iyo xiriirka kubadda cagta Somalia gaar ahaan Abdiqani Saciid Carab iyo Macalin Geelle” ayuu yiri Macallin Cabdi Shurki.

Macallin Shukri oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in howshan uu qabtay ay gacan ka siiyeen rag Isboorti oo ay ka mid yihiin Cabdicasiis Mahdi,  J. Blue iyo dhammaanba Bahda Isboortiga ee had iyojeer  jecel horumarinta Isboortiga Soomaaliya eek u sugan Waqooyiga Ameerika, kuwaasi oo uu sidoo kale ka xusay Khalif Riiko, Dr. Ahmed Wali Hilowle, Macallin Mahdi Cawaale iyo Guddoomiye Bashiir Geelle, Xuseen Cawaale, Inj. Yusuf Shaqaaq, Abdulkadir Madaxeey, Nuune Mohamud Ciise, Macalim Cabdulkadir Sheekha iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay DHAWAC.DALAB .Guled (guush) Xawaaladda Bakaal ULTIMATE TRAVEL  iyo dhammaan maamulka kooxda TC  iyo Macalinkooda Tababare Arab. oo dhammaantood kala jooga Washington, Minneapolis, Toronto, Columbus iyo Mogadishu.

Isha: Hiiraan Online

Kulan Maanta dhexmaray Wasiiradii hore iyo Wasiirada haatan.

Kulan wayn oo ay maanta isugu yimaadeen Xukuumadii hore iyo Tan cusub ee hada ayaa maanta waxaaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ahaa mid isbarasho.

Waxaa Si fool ka fool ah maanta isaga horyimid Wasiirada Xukuumadii hore ee Cabdi wali Gaas ee KMG ahayd iyo Wasiirada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu soo xushay.

Wasiiradii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya.

Kulanka Waxaa ka hadlay Masuuliyiin badan oo uu kamid ahaa wasiirkii hore ee  Warfaafinta Cabduqaadir Maxamad Xuseen Jahwayn oo sheegay inay diyaar uyihiin garab istaaga Wasiirada Cusub.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ee hada Cabdulaahi Cilmooge oo isagana madasha ka hadlay ayaa amaanay Wasiiradii hore waxaana uu dhanka kale uu qeexay inay hormar la iman doonaan.

American isu dal dalay Obama dartiis.

Sida ay qortay wakaalada wararka UPI ee kasoo baxda dalka mareykanka, muwaadin udhashay dalkaas ayaa is daldalay kadib markii uu ka carooday dib udoorashada madaxweyne Brack Obama, muwadinkaan is dilay ayaa waxa uu ahaa taageeraha musharaxa Mitt Romney.

Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Florida ayaa sheegay in booliska magaalada Khamiistii lasoo dhaafay heleen meydka Henry Hamilton oo 64 sano jir ah kaasoo naftiisa daldalay isbuucii lasoo dhaafay.

Aana oo ah madaxa booliska magaalada Florida ayaa warbaahinta usheegtay ineey ninkan is daldalay dhinaciisa ka heleen dhalooyin faaruq ah iyo cirbado uu isku duray kuwaasoo u muuqday sun ineey kujireen, sidookale waxaa ninkaan inta uusan dhiman kahor uu darbiga ku qoray caay ama aflagaado uu ugeeysanayo madaxweyne Obama, taasoo muujineeysa in geeridiisa ama is daldalaadiisa ays abab u tahay doorashada Obama.

Saaxiibka ninkaan is daldalay ayaa warbaahinta usheegay in saaxiibkiis uu ahaa mid aad uga walwalsan mustaqbalka hantidiisa oo ku xirnayd doorashada mareeykanka, waxaa kaluu sheegay in ninkan in habeenkii lagu dhawaaqayay natiijada kama danbeysta ee doorashada ay ahayd markii ugu danbeysay uu arko.

Waxaa kaluu Hamilton saaxiibkiis usheegay in hadii Obama la doorto uu mar danbe sii arki doonin.

Madaxwayne Xasan Sheikh: “Waa la iga been abuurtay.”

Warsaxafadeed ka soo baxaya xafiska Madaxweynaha Soomaaliya prof Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa gaashaanka loogu daruuray amaba waxba kama jiraan lagu tilmaamay war ay qortay wakaalada wararka ee Reuters oo ku aadanaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu fasaxay in la dhoofiyo dhuxusha Soomaaliya oo haray cunu qabateyn loo saaray.

Warsxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uusan iska badalin mowqifkiisii ku aadanaan in gabi ahaanba la joojiyo dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta isagoo markaasi tixraacaya qaraar ka soo baxay qaramada midowbay oo lagu joojinayo dhoofinta dhuxusha Kismaayo ka socoto.

Dowlada waxa ay wadaa wadadii xal loogu raadin lahaa arinkaan dhoofinta dhuxusha,Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu doonayaa in uu xalbuuxa uu gaaro arintaan dhoofinta dhuxusha ee dhawaan cunaqabateynta lagu soo rogay,sidaasi warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay.

Prof Xasan Shiiq Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa shaaca ka qaaday in dowlada wadanka Soomaaliya wali aysan baalmarin go’aankii ka soo baxay Golaha amaanka ee qaramada midowbay islamarkaana go’aankaasi si ay adag ay u ilaalineyso kuna dhaqmeyso,waxa uuna sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya meel cad ka istaagay wararka ay qortay wakaalada wararka ee Reurters ee lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ogalaaday in la dhoofiyo dhuxusha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya,iyadoo shirjiraa’id uu qabtay madaxweynaha Soomaaliya uu ku sheegay in si ka badalan sidii uu sheegay u dhigtay Reuters taasina uu ku tilmaamay in tahay mid ka hor imaaneysa sharciga saxaafada iyo mas’uuliyad daro oo ay dusha saarteen dadka warkaasi qoray.

Soomaalida Switzerland oo war aan Wanaagsaneyn loo sheegay. (Video)

Dowlada Dalka Switezrland ayaa waxa ay adkeysay Safaradii  ay sameyn jireen dadka sida Kumeel Gaar ah loo siiyay Deganaashada Dalka Switzerland ee heysta Sharciga F-ta loo yaqaan (Vorläufig aufgenommene).
Aqalka Sare ee Dalka Switzerland ayaa Maalintii shalay eheed waxa uu meel mariyay  Mooshin ay horkeeneen Xisbiyada SVP, FDP und CVP oo  lagula Macaamilo Doono Dadkaasi heysta Deganaashaha aan rasmiga eheen ee ku Nool Dalka Switzerland.
Qaraarkaan dhanka Safarka ah oo ay shalay gaartay Dowlada Switzerland ayaa si aad ah waxa uu u saameyn doonaa Qaxootiga Soomaalida ee ku noool Dalkan Switzerland, Maxaa yeelay Soomaalida ayaa ah Qowmiyada ugu badan oo heysata Sharciga Haatan la Adkeeyay ee F-ta loo Yaqaan.
Balse Dowlada Switzerland ayaa go’aan Rasmi ah waxa ay ku Gaartay in Marka la gaaro 1-da Bisha December oo ay Laba Todobaad Inaga Xigaan uu dhaqan gali doono Go’aanka lagu Xakameynayo Socdaalka ay sameen jireen dadka Qaxootiga ah ee  Heysta Sharciga F-ta ee  (Vorläufig aufgenommene) oo ay Tiradooda Gaareyso 23’000 qof.
Marka la Gaaro 1-da Bisha December Waaxda Socdaalka ee Dalkan Switzerland ayaa bilaabi doono in ay su’aalo weydiiyaan qofka heysta Sharciga Vorläufiga ama F-ta si loo ogaado Sabata iyo Halka uu Socdaalayo.
Dowlada waxa ay sheegtay in qofka heysta sharciga F-ta ee Doonayo in uu ka baxo Dalkan Switzerland uu la yimaado sababo Macquul ah oo loogu ogolaan doono in uu Safro.
Maxey yihiin Sababaha Laga Rabo Qofka Heysta Sharciga F-ta ee Doonayo in uu ka baxo Gudaha Dalka Switzerland.
1- Hadii qofka Joogo Dalkan Switzerland uu Qoyskiisa Geeri Gasho  Lana yimaado cadeymo Muujinayo Geeridaasi Waa uu Bixi karaa.
2. Hadii uu Jiro Xanuun la soo Gudboonaaday xubin ka tisan qoyskiisa lana yimaado Cadeyn Rasmi ah sidoo kale isna Waa uu Safri karaa.
3. Qodobka 3aad ayaa ah in qofka Heysta F-ta ee  (Vorläufig aufgenommene)Dalkan Switzerland loo ogolyahay Sanadkii in uu 1 mar Safro oo weliba Waajibaadkiisa  ku soo dhameystaa Mudo 30 Maalmood ah.
Dadka Heysta Sharciga F-ta  (Vorläufig aufgenommene) Mudo 3 Sano ah Switzerland ku noola hadii ay Sameeyeen Isdhax Gal Bulsho waxa ayagu sidoo kale  Mari doonaan Sharuudahaasi kor ku xusan  Balse waxaa u sii dheer in ay Eheladooda Booqdaan hadii ay joogaan meel ka baxsan Dalka Switzerland.

Maarso sanadkii  2010-ka ayay eheed Markii ay Dowlada Switzerland  Bilaawday in ay Sharci socdaal siiso Dadka Heysta Sharciga F-ta loo yaqaan , inkastoo Dowlada Switzerland ay horey ugu eedeeysay dadka heysta sharciga F-ta ee la siiyay sharciga socdaal in ay qaab dalxiis ahaan ay dib ugu Laabteen wadamadii ay ka yimaadeen, halka qaar kale iyagana lagu eedeeyay in  ayba ku xadgudbeen isticmaalka sharcigaasi taasi ayaana dhalisay in haatan arintaasi laga fadhiisto oo go’aam Rasmi ah laga gaaro
Qaar ka tirsan Soomaalida Switzerland ayaa sheegay in Go’aankaan Shalay ka soo baxay Dowlada Switzerland uu yahay Mid ay  Aad ugu xumaadeen kana Codsanayaan Dowlada Switzerland in ay Dib ugu laabato.
Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Switzerland 

Amisom oo gabar afar jir ahayd ku dishay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dad ka ak dhawaa goobta shilka uu ka dhacay  gaari nuuca dagaalka ah ay ciidamada Amisom leeyihiin uu ku jiiray gabar da’yar degmada Warta Nabada ee muqdisho.

Goob jooge ayaa waxa uu sheegay in gabadhan oo $ jir ahayd oo wadada inay goyso rabtay uu gaariga ku yimid islamarkaana uu dul maray maskaxdeedana halkaasi ay ku daatay.

Falkan oo dhacay duhurnimadii markii salaada Khudbada jimco la geli rabay ayaa dadka deegaanka waxay meydka ka qaadeen goobta iyadoo gaadiidka Amisom hore socdaalkoodii usii wateen.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ee maamulka Dawlada Hoose Deeqo Cabduqaadir oo xiriir aan la sameynay ayaa noo xaqiijisay arintaan inkastoo ay ka gaabsatay ka hadalka arintaas.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom gaadiidkooda marsiiyaan dadka muqdisho ku dhaqan iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale muqdisho dad badan ugu geeriyoodeen gawaari amisom leeyihiin oo dul maray.

Maxamad Dheere oo si heer qaran lagu iil dhigay Muqdisho.

Alaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad dheere oo maalintii shalay Muqdisho ku geeriyooday.

Aaska Maxamad dheere ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Warta Nabada waxaana lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi.

Masuuliyiin Dowlada katirsan iyo Shacab ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ee maanta lagula tuktay Masaajidka Isbahaysiga waxaana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada Cusub Cabdi kariin Xuseen guuleed oo halkaas ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada uu ku dhintay marxuumka.

Maxamuud Axmad Nuur Tarsan oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo halkaas xaadir ku ahaa ayaa waxaa uu sheegay in Maxamad dheere uu ahaa qof aad u wanaagsan in kastoo uu sheegay inuu cafinayo Maxamad Dheere maadama  dhawaanahan ay isku dhacsanayeen kadib markii Maxamad dheere qaraxii madaxwaynaha lagu weeraray uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Salaad Cali jeele oo isagana ka qaybgalay Aaska Marxuumka ayaa sheegay in Qof walba uu mari doono halkii uu maray Maxamad dheere,geeridana ay xaq tahay.

Rio Ferdinand: Inaan koob ku guuleysto lacag waan ka jeclahay.

Rio Ferdinand ayaa qirtay inuu guulihiisa koobabka wax badan ka jecelyahy inuu helo lacag kaash ah. Daafacaan intii uu u ciyaarayey Manchester United ayaa ciyaartoy badani lacag baadi goobteen.

Laakiin wuxuu sheegay in markii uu ka fariisto kubada cagta, uu dib u milicsan doono guulaha uuna ku raaxeysan doono wixii uu ka sameeyey kubada cagta, bedelkii ay lacag ugu jiri laheyd akoonkiisa Bank-ga.

Ferdy ayaa ku guuleystay shan horyaal oo Premier League, Champions League iyo laba League Cup intii uu u ciyaarayey United.

Wuxuuna qiray inaysan maskaxdiisa ka go’in doonin guulaha uu ka gaaray Old Trafford marka ay da’du liiciso uuna soo xasuusan doono koobabkii uu kusoo xareeyey qolka kooxdu dhigato koobabka.

“Dadku waxay ka hadlayaan lacag dhamaan ciyaartoydii kubada cagta beeso ayey raadsanayaan laakiin anigu sidaas ma ihin, guulo u joog ayaan ahay. Maba ka fakaro meeqo lacag ah ayaad heysataa,” ayuu yiri Ferdinand sida uu qoray wargeyska The Sun.

“Marka aad soo afjarto xirfadaada kubada cagta, waxaad rodolka saari doontaa xirfadaadii aad soo dhameysay.

“Hadii aad koobab kusoo guuleysatay aadna koox weyn lasoo qaadatay guulo, waa wax aad ka hadli doonto.

“Marka aan fariisto kama hadlaayo meeqo lacag ah ayaan heystaa. Waxaan ka hadli doonaa wax badan oo fiican oo aan soo qabtay iyo xiliyadeydii ugu fiicnaa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Ban Ki Moon: “Lix arrin ayaan ka dooneynaa madaxda dalka Somalia”

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa Ban Ki Moon, ayaa soo dhoweeyay ansixintii golaha wasiirada Dowladda Somalia.

“Waa tallaabo kale oo muhim ah, oo Somalia ay u qaaday xasilooni kusoo dabaalidda dalka ku yaalla Geeska Africa” ayuu yiri Ban Ki Moon.

Ban ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somalia iyo Dowladda cusuba kala shaqeyn doono sidii ay ugu guuleysan lahaayeen siyaasad uu sheegay inay ku dhisan tahay lix tiir oo muhim, oo Qaramada ay ka dooneyso Somalia.

Waxa uu lixdaas tiir ee muhimka uu Mr. Ban ku sheegay.

1. Sare u qaadidda xasiloondia dalka
2. Dib usoo kabasho dhaqaale
3. Dhismaha nabad waarta
4. U adeegidda Shacabka.
5. Xirii Caalami ah (La macaamilka dunida)
6. Iyo Midnimada.

Waxa uu ugu dambeyn u rajeeyay Soomaalida iyo madaxdoodaba ku guuleystaan dhammaan arrimahaas.

AC Milan oo sedax ciyaaryahan Janaayo ka rabta Real Madrid.

Saxaafada dalka Spain ayaa soo jeedinaya in madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani, uu wadahal kula jiro kooxda Real Madrid kaasoo ku aadan sidii uu kaga soo qaadan lahaa Ricardo Carvalho, Raul Albiol iyo Kaka.

Rossoneri ayaa si xun  ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan horyaalka Serie A, tababare Massimiliano Allegri ayaana ka fikiraaya inuu Janaayo kooxda xoojiyo.

Sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa dalka Spain ee AS, Galliani ayaa u duulay Madrid si uu ula wada-xaajoodo Real Madrid.

Carvalho ayuu horay tababare Jose Mourinho ugu sheegay inaan looga baahneyn Bernabeu, waxaana loo raadinaayey in lagu baxsho heshiis amaah ah.

Albiol ayaa ah qorshe kale oo ay daafaca dambe isaga dhiseyso Milan, sidoo kale wararka xanta ah ayaa sheegaya in Galliani uuba qorshihiisu yahay Kaka.

Kubad qaabeeyaha reer Brazil ayaan qarsan sida uu u jecel yahay inuu dib ugu laabto San Siro, laakiin Real Madrid ayaa diiday inay si amaah ah ku siiso iyo mushaarkiisa faraha badan oo mashaqo ku noqday Rossoneri.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Patrice Evra: Man City weligeed ma gaari doono hooska Man Utd.

Patrice Evra ayaa cadeeyey  inaysan Manchester City weligeedna gaari doonin kooxda ay xafiiltamaan ee Machester United.

Wiilasha Roberto Mancini ayey Red Devils gacmahooda ku weysay Premier League maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay

Waxaana uu daafaca United Evra meesha ka saaray inay mar uun Sky Blue soo gaarto xittaa hooska United xilli ay labada koox qoorta isku gelayaan bisha soo aadan isagoo yiri: “Ma jiro xafiiltan run ah oo ka dhexeeya labada koox, United had iyo jeer wey ka wanaagsaneyd City.

“Had iyo jeer waxaan nahay kooxdii koowaad oo Manchester aheyd.

“Xaqiiqda ayaa midaas ah horyaalkii ay ku guuleysteen sanadii hore waxba kama bedelyaayo arinka.”

Kooxaha ka dhisan gobolka Manchester ayaa Etihad Stadium ku kulmi doona 9ka December.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Taliyeyaal loo xiray qaraxii ka dhacay Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa afar taliye waxaa ay u xirtay qaraxii gaariga ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka oo Baarlamanka ay ku shiraan.

Taliska Booliska Dowlada ayaa maalmahan waxaa ay ku howlanaayeen baaritaano ku aadan sida uu ku yimid qaraxa,waxaana baaritaankaas ka soo baxaya faah faahino badan.

Jen.Axmada Xasan Maalin oo ah Taliyaha dambi baarista Dowlada soomaaliya ayaa sheegaya in baaritaankaas uu maal fiican  u marayo yna u xireen ilaa afar Taliye.

Xiritaan Taliyaashaan ayaa waxaa uu Jen. Axmad Xasan Maalin  uu sheegayaa inuu soo maray gaaariga qarxay isgoysyo Baabuurta lagu baaro oo iyaga ay masuul ka ahaayeen.

Afarta Taliye ee loo xiray qaraxaas ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne, Xamar Jajab, Waabari iyo Wardhiigley, kuwaa oo dhamaantood tuhun laga qabo kulug lahaanshaha qaraxa.

Brendan Rodgers oo Man City ku yiri: Luis Suarez iib maahan.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa qirtay in weeraryahan Luis Suarez uu baaqi kusii ahaan doono Anfield, inkastoo lala xiriirinaayey inuu kooxda ka dhaqaaqayo Janaayo.

Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Manchester City ay 40 milyan oo ginni ku dalbaneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay marka uu suuqu dib u furmo.

Laakiin taas bedelkeeda 25 jirkaani wuxuu lasii joogi doonaa kooxdiisa sida uu sheegay tababre Rodgers, iyo Luis oo aan qarsan jaceylka uu u qabo Reds.

“Ma jirto cid ku dagaalami doonta saxiixiisa. Waxaa uu sii joogi doonaa halkaan,” ayuu yiri tababare Rodgers.

“Hadii aan weyno Luis markaas ma heysano gooldhaliye. Ma qabo inaan awoodno inaan weyno isaga.

“Hubaashii ma ahan qof aan dooneyno inaan iibino. Waxa uu yahay ciyaaryahan cajiib ah oo lala shaqeyn karo, waxaan dooneynaa inaan kooxdeena ciyaaryahano ku soo kordhino ee ma dooneyno inaan iska iibino gaar ahaan xidig sidiis oo kale ah.”

Luis Suarez ayaa isna ka halday arinka wuxuuna yiri: “Hada halkaan ayaan joogaa, wax walba nafsadeyda ayaa ku qanacsan waxaana isku dedeyayaa inaan  halkaan sii joogo sanado badan hadii aan awoodo, sababtoo ah waxaan joogaa koox aan ku farax sanahay, reerkeygu halkaan ayey ku farax san yihiin, waxaan halkaan ka helay koox Fantastik ah iyo tababare aan wax badan ka bartay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Tarsan oo kasii hordhacay go’aanka madaxweynaha? (Muxuu yiri?)

Maxamuud Axmad Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka sii hordhacay Go’aanka Madaxwaynaha uu qorshaynayo cida loo dhiibi doona Gudoomiyaha gobolka banaadir.

Tarsan ayaa waxaa uu waayadan dambe uu ka warhayay xanta Suuqa ugu jirta oo ah in Gudoomiyaha la badali doona maadaama Dowlada Cusub ay u baahantahay madax Cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu ka dagi doono Xilkiisa dhawaan kadib markii uu ka hadlay Dibad bax 15-kii bishaan ee maalintii shalay ahaa lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka hadlay kana cadeeyay inuu diyaar u yahay in xilka uu iska wareejiyo.

Waxaa uu sheegay  Maxamuud Axmad Nuur Tarsan inuu soo dhawaynayo cidkasta oo isaga lagu badalayo waqti xaadirkaan.

Gudoomiye Tarsan waxaa toddobaadkan uu waayey kursigii xildhibaanimo oo ay beeshiisu horey u siisay, kaasoo maalintii Talaadada loo dhaariyey Dr, Cusmaan Dufle oo ay isku beel yihiin gudoomiyaha kadib markii uu dhamaaday waqti hal bil ahaa oo horey gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu ugu qabtay gudoomiye Tarsan inuu ama baarlamaanka xubin ka noqdo ama ka tanaasulo.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa waxaa uu Imaanayaa iyadoo Madaxwayne Xasan uu u fadhiyo arinta badalitaanka Maamulka Gobolka Banaadir