27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Kooxo hubaysan oo Ganacsade ku dilay Magaalada Gaarisa.

Booliska Magaalada Magaalada Gaarisa ayaa saakay howlgal waxaa ay kula jarmaadeeen qaybaha ay ka koobantahay degmadaas kaas oo ay ku beegsanayaan koooxo Nin ganacsade Xalay dilay.

Ciidamada Kenya ayaa howlgalkan waxaa ay ka wadaan goobaha ay dadka Soomaalida ay u badan yihiin waxaana xeran goobaha ganacsiga sababa ku aadan in dadka leh goobahaas la tuhmo.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Jaamac Aadan ayaa la sheegay in goobta risaasta lagula dhacay ay isaga baxsadeen kooxaha falkaasi geystay iyadoo dhaawac ahaan looga soo qaaday halkaasi kadibna uu ku geeriyooday isbitaalka Magaalada Gaarisa.

Dilka ruuxani ganacsadaha ah ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotelada Ceynul Qamar, iyo Al-waqaf ee Bartamaha Magaalada Gaarisa.

Baarlamanka oo kulan Xasaasi ah Muqdisho ku yeelanaya maanta.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta markale ay yeesheen fadhigoodii maalmihii u dambeeyay ay ku yeelanayeen magaalada Muqdisho.

Kal fadhiga Baarlamanka ayaa waxaa looga doodi doonaa arinta xeer hoosaadka oo wali aan xal waara  laga gaarin iyadoo qadobo badan ay ku laalayaan Baarlamanka.

Waxaa kale oo looga hadli doonaa Amaanka Xildhibaanada kadib markii maalintii shalay uu qarax ka dhacay meel udhow xarunta golaha shacabka oo ku shirayeen.

Kulankaan inuu dhacayo ayaa waxaa Caasimada waxaa  u sheegay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Nuur Faarax.

Waxaa uu sheegay Xildhibaankan mar la waydiyay in maalin walba laysugu yimaada arimaha xeer hoosaadka ayaa waxaa uu ku jawaabay in la soo dhamaystirayo waqti dhow.

Maalintii Shalay ayay Baarlamanka ka doodeen gunada ay qaadanayaan iyo Xildhibaanka waxa lagu ciqaabayo hadii uu dambi galo.

Madaxwaynaha Somalia oo ka hadlay dib u soo noqoshada Obama.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay in dib loo doorto dhigiisa dalka Mareykanka Brack Obama.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya oo soo gaaray Shabakada Caasimada ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay madaxwayne Obama guusha uu gaaray Markii Ninka la tartamayay uu ka adkaaday.

Xasan Sheekh ayaa carabaabay inay ula dabaalgayaan Madaxwaynaha iyo shacabka Mareykanka doorashadii markale Aqalka Cad uu ugu soo noqday.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayuu sheegay Xasan Sheekh inuu wanaagsanaa intii uu Madaxwayne Obama maamula mareykanka uu hayay.

Obama ayaa qudhiisa waxaa uu sheegay in siyaasadiisa Cusub markale uu ku wajahayo dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto.

R/W: Saacid oo la marsiin waayay Faarax C/Qaadir. “XOG”

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu golahahiisa Wasiirada ka saaray Farax Cabdiqadir oo ka mid ahaa Xisbiga nabada ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh, ahna hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid.

Sida dad badani la socdeen xulista golaha wasiirada ayaa waxa ay qaadatay waqtigi ugu dheera ee lagu soo xulo gole wasiiro oo ay yeelato Somalia.

Dib u dhaca ku imanayay markasta Magacaabida golaha wasiirada ayaa waxaa u sabab ahaa kala fikir duwanansho dhex taalay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Somalia.

Waxyaabaha ugu badan ee labadaasi Masuul ay isku haysteen ayaa waxaay ahayeen 3 qodob oo si weyn logu kala fogaa waxaayna kala ahayeen sidan.

1-Madaxweynaha oo rabay in Wasiirka waxbarashada laga dhigo saaxibkiisa qaliga ah Farax Cabdiqadir Farax Sakiin iyo R/wasaaraha oo la soo marsiin wayay in uu Wasiirada ku dar Farax Cabdiqaadir.

2 Qabiilka la siinaayo mid ka mid ah Labada Wasiir ee ay heshay beesha hawiye Madaxweynaha ayaa qabay in la siiyo Beesha Xawaadle halka R/wasaaraha uu qabay in la siiyo beesha Murursade.

3 Madaxweynaha oo qabay in golaha Wasiirada lo qaybsado Xisbiga Rajo Forum ee u hogaanka u yahay R/wasaare Saciid iyo Xisbiga Nabada ee uu hogaanka u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo R/wasaare Saacid oo arinkaas ka soo horjeeday.

Sadexdaas qodob ayaa ugu muhiimsana waxyabaha markasta dib u dhigayay so magacaabida golaha wasiirada cusub ee Somalia .

Dood dheer iyo falanqayn mudo qadatay waxay labada masuul isla garteen in qof kasta meeshisi ka soo dago oo islamarkan meel dhexe la iskugu yimaado.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa qasab ku noqotay in uu ka tago Saxiibkis qaliga aha ee Farax Cabdiqadir waxana uu siistay Abtigiis oo ka soo jeeda beesha Xawaadle in lagu daro golaha wasiirada.

R/wasaare Saacid ayaa asagana ku qasbanaaday in uu ka soo fuuqo beeshi uu la rabay in ay noqoto Wasiirka labaad ee ay beesha hawiye heshay waxana uu ogoladay in beesha Xawaadle la siiyo Wasiirki la isku haystay mar hadi Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka tagay Saxiibkiisa qali ah.

Dhanka kale R/wasaare Saacid ayaa waxaa uu ku adkaystay in Golaha Wasiirada ay qaybsadaan 3 Xisbi 1 -Xisbiga Nabada 2 -Xisbiga Tayo- 3 Xisbiga Rajo Forum.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxa uu aqbalay in golaha wasiirada lo qaybsaday 3 xisbi waxa hadana dood badan ka dhalatay qaabka 3 xisbi ay u qaybsanayaan 10 ka Wasiiir dood dheer ka dib waxaa la isla gartay in 4 Wasiir la siiyo Xisbiga Rajo Forum 4 Wasiirna la siiyo Xisbiga Nabad 2 Wasiirna la siiyo Xisbiga Tayo oo lagu tala galay in lagu qanciyo Shacabka Somaliyeed oo aad u taagera Xisbigaas.

Qaabkan marki lo qaybsaday ayaa waxaa R/wasaaraha uu shurud ka dhigay in Madaxweynaha usan faraha la soo galidoonin Wasiir kuxigeenada Wasiiru dowleyaasha iyo iyo Wakaalado Awooda badan oo la magacaabi doono dhawan Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu balan qaday in usan ku farogalin doonin qaybaha dhimaan ee Xukumada R.wasaare Saacid.

R/wasaare Abdi Farah Shirdoon ayaa intaan la magacaabin ka hor waxaa uu balanqaaday in uu Madaxweynaha qayb lixaad leh ka siin doono Xukumada u soo dhisayo balse marki la magacaabay ayaa waxa uu la soo baxay miciyo dhaadher waxaana uu in badan ka dulbooday balanqaadyadi horay uu ula galay Madaxweyne Xasan Sheikh.

Xubno ku sugaan Villa Somalia ayaa waxaay ino shegeen in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku kaadsoomay Magacaabisti Xilka R/wasaaraha uu u magacaabay Cabdi Farax Shirdoon waxaayna shegeen in Dr.Saacid uu ka ad adag yahay sida in badan oo Somali ah ay u malaynayaan.

Shirdoon ayaa hada waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheikh uga dheereyay Xiriirka Wamada Dariska ah iyo waliba Calamka waxaana la aminsan yahay in Dr Saacid u kaliyah sugaayo in Barlamanka Somalia ay kalsoonida siyaan golaha cusub ee Wasiirada.

Wax yaabaha Xusida mudan ayaa waxaa ugu weyn in Amar ka soo baxay Xubnaha beesha Calamka kaas oo ahaa in golaha wasiirada laga dhigo 9 Wasiir Madaxweyne Xasan sheikh na uu ogoladay uu R.wasaare Saacid jabiyay waxaa taasi ka sii daraan in qodob ka mid ah Dastuurka Somalia u Dr. Saacid si toos ah uga tilaabsaday marki uu jabiyay qodobka qaylada badan dhaliyay ee 4.5

Dr. Saacid ayaa waxa uu shegay in beesha shanaad ay aqoon ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba ay ka horeyso beelaha 4ta ah ee qaata inta badan saami qaybisiga siyaasada Somalia waxaana uu shegay in manta wixi ka danbeya beelaha somaliyeed ay isku xaquuq noqonayaan.

Madaxweynaha Xasan sheikh ayaa arinkaasi si taxadar leh u soo dhaweyay waxaana uu shegay in arinkaasi yahay mid meesha ku jira lakiin ku xadgudubka dastuurkana uu yahay danbi laga galayo wadanka,

Xogtaan oo aan in badan soo aruurinay isla markana aan la kaashanay howlwadeeno ka kala tirsan Xafisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxaay walaac ka muujinaysa wadashaqaynta dhexmari karta Madaxweyne Xasan Sheikh iyo R.wasaare Saaciid oo ah nin mowqiif adag islamarkana aan jeclayn in la soo faragaliyo arimaha Xafiiskisa.

Arinta kale ee la yaabka leh ayaa waxaay tahay R.wasaare Saacid waxaa uu si toos ah u diiday in uu qaabilo wufuud isdaba joog ahayd oo dhawaanahan ku soo qulqulayay Magaalada muqdisho waxana uu shegay in usan u hayn waqti uu kula kulmo balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in uu Saacid sugaayo inta Barlamanka Somalia ka ansixinaayo Xukumada u soo magacaabay ka dib na uu howlahiisa bilaabo asago leh awood u kaga hortago farogalin kasta oo xafiskiisa lagu sameeyo.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhow Xafiiska R.wasaare Saacid ayaa waxaa uu ino shegay in Dr.Saacid u sugaayo in mar un la ansixiyo golaha wasiirada ee uu soo magacabay ka dib na lo tagi doono wajiga rasmiga ah ee R.wasaare Saacid.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhankiisa u muqda Shaqsi qabweyn oo isi siiyay Awooda aan Dastuurka cusub ee Somalia ku qornayn dastuurka cusub ayaa waxaa uu awooda siinaya R.wasaaraha wana meesha labada masuul ay isku qaban doonan .

Dhanka kale Madaxweynaha iyo R.wasaaraha ayaa si weyn ugu kala fog arimaha ku sabsan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo dooda badan oo arinkaas ku sabsan oo ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo R.wasaaraha ayaa lagu kala boday balse wali ma cada qodobka rasmiga ah ee ay isku fahmi wayeen labada masuul .

Ugu danbeyn dad badan ayaa waxaay qaban in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku dag dagay magacaabida uu R.wasaare Saacid u magacaabay xilka Wasiirka kowaad ee Somalia waxana lagu macnaynaya in Saacid u yahay shaqsi ad adag oo aan la jaan qaadi karin Madaxweyne Xasan Sheikh

Uganda oo shaacisay waqtiga ay ka baxeyso dalka Somalia.

Uganda ayaa waqti 10 maalmood ah oo shalay ka billaabatay u qabatay QM inay kaga soo jawaabto eedeymaha ay u jeedisay xukuumaddaasi, ee ah inay hubeyso mucaaradka Dr Congo.

Kampala waxa ay tiri “Haddii QM aysan 10 maalmood gudahood jawaab ku keenin, askari ka tirsan ciidankeena masii joogi doono Somalia”.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda ayaa u sheegay TV-ga Press TV ee dalka Iran in kadib marka ay wada tashi la yeelato saaxiibadeeda oo uu ku jiro ururka Midowga Africa, ay Uganda ciidankeeda kasoo qaadan doonto Somalia, Central African Republic iyo DR Congo.

Waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ee jooga saddexdaas dal ay ku jiraan heegan ayna sugayaan kaliya amarka ay kusoo baxayaan, kaasi oo uu sheegay inuu dhici doono hadii QM aysan jawaab bixin.

1o-ka maalmood ayaa ku eg 15-ka bishan.

Si kastaba dimlomaasiyiin badan ayaa aaminsan in Uganda aysan ciidankeeda kala bixi doonin Somalia, islamarkaana hanjabaadaheeda ay yihiin kaliya kuwa ay QM kaga raadineyso inay kaga laabato eedyenteeda.

Windows Live Messenger oo la joojinayo, maxaa lagu badalayaa?

Warkan ayaa soo baxay 18 bilood ka dib markii Shirkadda Microsoft ay ku dhawaaqday in ay ku bixineyso $8.5 Bilyan barnaamijkeeda horumarinta softwareka isgaarsiinta.

Microsoft ayaa sheegtay in Windows Live Messenger (WLM) laga joojin doono isticmaalkiisa bisha March sanadka 2013 adduunka oo dhan, marka laga reebo wadanka China oo uu ka sii shaqeyn doono. Shirkadda ayaa baddalkaasi xoogga isugu geyn doonto barta loo yaqaano Skype.

Windows Live Messenger ayaa la howlgeliyey sanadkii 1999, xilligaasi oo loo yaqaanay MSN Messenger, ayadoo marar badan wax laga baddalay laguna kordhiyey is wicd muuqaal ah (Video Call) iyo sidoo kale in lagu ciyaaro Games.

Sanadkii 2009kii ayaa shirkadda Microsoft waxay sheegtay in dadka isticmaala Windows Live Messenger ay gaareen 330 Milyan oo adeegsadayaal nool ama waxa ay u yaqaanaan (Active Users).

Baaritaan ay sameysay shirkadda qaabilsan sahaminta iyo barista isticmaalka ee lagu magacaabo Comscore ayaa shaaca ka qaadday in Windows Live Messenger uu wali laba laba lab ka dad badan yahay xagga isticmaalka aaladda Skype bilowgii sanadkan. Windows Live Messenger waa aaladda labaad ee ku soo xigta Yahoo marka loo eego xagga email chatting ama wada hadalka tooska ah ee emailka laysu mariyo.

Laakiin warbixntaas ay soo saartay Comscore ayaa muujisay in dadka isticmaala ee Ameerikaanka ah ay hoos u dhacaan sanadba sanadka ka danbeeye tiro lagu qiyaasay 48%, liddigeedana tirade Ameerikaanka isticmaalaya Skypeka ay sii kordhayaan xilliba xilliga ka danbeeya.

“Adeegyada sare ee uu qabto Skype ayaa fursad u ah in lacag ka sameeyaa lagana kasbado dadka isticmaalaya, Micrrosoftina waxay ayaduna raadineysaa fursadahaas oo kale” sidaa waxaa yiri Brian Blau.

“Messengerku uma sameysna qaab ay shirkadaha iyo TVyada isticmaali karaan laakin Skype isagu waa uu yahay qaabkaas” ayuu sii raaciyey Brian Blau.

Waxuu xusay in shirkaddu, waa Microsoft e, ay bilowday in ay Skpye ku biiriso Softwarekeda cusub ee telifoonada ee Windows 8 ku shaqeeya.

Si loo fududeeyo guuritaankaasi, Microsoft waxey qorsheyneysaa iney keento qiddad loo wareejin karo contatctskii ama asxaabtii kugu jirtay Windows Liveka loogu wareejiyo Skypeka.

Qatarta ayaa ah in ay guuritaankani sababto ama dhiirigeliso dadkii ku xirnaa WLM in ay u wareegan aaladaha kale sida WhatsApp Messenger, Google Talk ama AIM.

Laakiin Microsoft waxaa qeyb ahaa xoojinaya xiriirkii sanadkii hore ay la wadaagtay shabakadda Facebook. Isticmaalka muuqaal ku hadalka ee Skype (Skype Video Calling) ayaa aad uga badan qoraal ku wada hadalka manta.

WD: Yusuf Shuqale Hassan

[email protected]

Saraakiisha Amisom iyo M/weynaha oo kulan deg deg ah yeeshay.

War goordhow aan ka helnay aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu dhex maray Madaxda Dowlada iyo Saraakiisha Amisom.

Madaxda Sare ee Taliska AMisom ayaaa gaaray Hoyga madaxwaynaha waxaana ay la shireen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale oo ka socota ciidamada AMISOM ayaa Madaxwaynaha la joogay iyadoo  lagu  gorfaynaya sida aan wararka ku helayno dhacdadii maanta Wafdiga Dowlada iyo Amisom  loogu diiday kismaayo.

Maanta ayaa waxaa Ciidanka Taageerada Siiya Dowlada ee raaskambooni  ay Kismaayo galitaankeeda u diideen wafdi Amisom iyo dowlada.

 

DEG DEG: Wafdi DF iyo Amisom ah oo laga Celiyay inay Kismaayo galaan.

Wararka Magaalada Kismaayo ka imaanaya ayaa waxaa ay sheegayaa in ishor istaag lagu sameeyay Wafdi kasocday Dowlada iyo Amisom oo gali lahaa Kismaayo.

Masuuliyiin Isugu jira dowlada iyo Amisom oo diyaarad qaas ah kaga dagay garoonka Kismaayo ayaa waxaa lagu amray inaysan gudaha ugali karin magaalada.

Ciidamada Raaskabooni ayaa is hortaagay Wafdigan Dowlada  ee ay ku jireen Taliyaha Gaaska Labaad ee ciidamada Dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Cali Caanood iyo Abaanduuulaha ciidamada AMISOM .

Sababta Raaskambooni wafdigan ay ugu diideen Kismaayo ayaa waxaa ay tahay qilaaf  ka dhaxeeya Dowlada iyo Maamulka dowlada ee kismaayo.

Maamulka Dowlada ee magaalada Kismaayo ayaa jibiyay Awaamir ay dowlada iyo Qaramada Midoobay ay ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha.

Baarlamanka Soomaaliya oo Arimo muhim ah maanta ka hadlay.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii sadaxaad waxaa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaas oo ay kaga doodeen qodobo badan.

Kulanka maanta waxyaabaha lagu gorfeeyay waxaa kamid ahaa arimaha xeersoodka Baarlamanka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay soconayay.

Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa uu ahaa qaadashada Gunada ama Mushaarka Baarlamanka inta uu noqonayo iyo Xiliga si kama dambays ay u helayaan.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo sheeg qaaday Xaquuqada uu leeyahay Mudanaha Baarlamanka iyo Waliba hadii uu faldambiyeed galo waxa lagu xukminayo.

Kulanka Maanta Baarlamanka ay yeesheen waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Proff.Maxamad cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen balse inta ay shirka ku jireen ayaa waxaa ay la kulmeen dhawaqa qarax wayn oo ka dhacay Afaafka Xarunta ay ku shirayeen

Ciidanka Amisom ayaa Si gaar ah ula wareegay amaanka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.B

Spain oo fadhisa booska 1aad, Argetina oo gashay sedaxaad qiimeynta bilaha ah ee Fifa.

Xulka Spain ayaa weli fadhiya kaalinta koowaad ee qiimeynta bilaha ah ee Fifa. Wiilasha Vicente Del Bosque ayaa barbaro 1-1 ah la dhaafi waayey France, halka Argentina ay booska sedaxaad ku hugaamineyso Portugal oo isna galay kaalinta afaraad.

Germany ayaan weli ka bixin kaalintiisa labaad inkatoo xulkii ka reebay koobka Qaramada Yurub ee Italy uu fadhiyo booska shanaad. England ayaa degtay booska lixaad halka uu xulka Netherlands darajo ka dambeeyo.

Brazil, oo marti gelineysa Koobka aduunka ee 2014, ayaa fadhisa booska 13aad ka dib guulahoodii kulamadii saxiibtinimo ay ka gaareen Japan iyo Iraq.

Cote d’Ivoire, oo ah xulka ugu darajo sareeya Africa ayaa degay booska 15aad halka Japan oo ah xulka Matalaya Qaarada Asia uu ku jiro booska 24aad.

Kala sareynta qiimeynta bilaha ah ee Fifa 20ka xul ee ugu sareeya waa sidaan:-

1 Spain

2 Germany

3 Argentina

4 Portugal

5 Italy

6 England

7 Netherlands

8 Colombia

9 Russia

10 Croatia

11 Uruguay

12 Greece

13 Brazil

14 Mexico

15 Côte d’Ivoire

16 Switzerland

17 Ecuador

18 France

19 Algeria

20 Belgium

Xulka Dalkeena Somalia ayaa ku jira kaalinta 193aad wuxuuna ka sareeyaa xulal ay ka mid yihiin South Sudan, Andorra iyo San Marino.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Qarax ka dhacay Goob ay ku shirayeen Baarlamanka Soomaaliya.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhow waxaa uu ku qarxay goob ay ku shirayeen Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Madasha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay ku taalaa afaafka hore ee Xarunta Golaha Shacabka oo Baarlamanka ay kulan kulahaayeen.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo rabay in gudaha uu  u galo halka Shirka uu ka socday laakiin amaanka oo adkaa ayaa waxaa  la sheegay inuu banaanka ku qarxay.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa yaalay gawaari ay wateen Baarlamanka Soomaaliya.

Lama Oga ilaa iyo hada qasaaraha uu gaystay qaraxa laakiin waxaa la xaqiijinayaa in Xildhibaanada ay bad qabaan.

AC Milan oo dafirtay inay la kulmeen Pep Guardiola si ay ugu bedelaan Massimiliano Allegri.

AC Milan ayaa dafirtay inay kulan la yeesheen Pep Guardiola si ay ugu bedelaan tababare Massimiliano Allegri oo waayadaan cadaadis ku saarnaa Rossoneri.

Wararkii ugu waa weynaa horaantii isbuucan ayaa soo jeedinaayey in madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani uu la kulmay tababarihii hore ee Barcelona iyo wakiilkiisa si ay uga wadahadlaan inuu usoo dhaqaaqo San Siro, laakiin kooxdii ku guuleysatay 2011kii Horyaalka Serie A ayaa si dhaqso ah u beenisay wararkaas xanta ah.

“AC Milan waxay beenineysaa wararkii dhowaan ay saxaafadu sheegayeen kuwaas oo ahaa inuu kulan dhex maray kooxda Milan, Adriano Galliani iyo Mr. Guardiola ama wakiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixin lasoo dhigay Website-kooda rasmiga.

Allegri ayaa waayadaan saaxiib u ahaa cadaadis ka dib markii ay Milan si hoose ku bilaabatay sanadkaan Horyaalka, waxaana lasoo sheegayey inay Guardiola u arkaan bedelka saxda ah.

41 jirkaan ayaa dhamaadkii 2011-12 ka tegay Barcelona si uu u qaato hal sano oo nasasho ah, wuxuuna hada ku noolyahay magaalada New York ee dalka Mareykanka xilli lala xiriirinaayo inuu sanada dambe kusoo laabto xilka tababarenimo ee Kubada Cagta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

FA-ga oo go’aan ka gaari doona markii uu Garsoore Clattenburg faquuqay John Mikel Obi.

Xiriirka Kubada Cagta ayaa rajo laga qabaa inay dhameystiraan baaritaankooda ku aadan dacwada jinsi faquuqa ah ee uu garoore Mark Clattenburg ku aflagaadeeyey John Mikel Obi, waxaana la filayaa in lasoo afjaro ka hor dhamaadka isbuuca.

Ciyaartoyda Chelsea, marka lagu daro Mikel iyo Ramires ayaa isniinta u marqaati furi doona Jenni Kennedy, oo ah madaxa qolyaha wax u baaraya FA-ga. Waxayna hada dareenkeeda u weecisay dhanka garsoore Clattenburg. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Madaxda FA-ga, ayaa cadaadis saaran yahay si ay u gaaraan go’aan dhaqso ah, waxaana macquul ah inay xaqiijiyaan eedeyntooda ka hor dhamaadka ibuucan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Liverpool oo dooneysa inay dhibaatada weerarka ka heysata ku xaliso Jackson Martinez.

Liverpool ayaa qarka u saaran inay xiiseheeda u weeciso weeraryahanka FC Porto Jackson Martinez. Sida uu qoray wargeyska Talksport.

Martinez oo 26 ayaa si adag loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo Anfield intii lagu jiray xagaaga laakiin wuxuu go’aansaday inuu ku biiro kooxda reer Portugal.

Weeraryahanka reer Colombia ayaa sii wata waayihiisa la yaabka uu dhigayo ee gool dhalinta, wuxuuna xilli ciyaareedkaan dhaliyey 10 gool 11 kulan oo uu saftay.

Ilo Talyaani ah ayaa laga soo xigtay in tababaraha Liverpool Brendan Rodgers uu sii wato waayihiisa uu diirada ku saarayo weeraryahan wuxuuna aalaaba la kulmay qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Iyadoo uu Andy Carroll si amaah ah ugu biiray West Ham, Liverpool ayaa ku dhibaatooneysay kubadaha ay weerarka ku hesho xilli uu Luis Suarez yahay keliya weerarkooda ay ku tiirsan yihiin.

Porto ayaa ka welweli doonta inay Martinez sii heystaan, laakiin waxay ku qasbanaan doonaan inay Liverpool ka iibiyaan weeraryahanka hadii ay ka helaan qiimaha ay ku rabaan in lagu burburiyo qandaraaskiisa taasoo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay 18.5 milyan oo ginni.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Wararkii ugu dambeeyay Tahriibayaal Dooni ay la qalibmatay.

Faah faaho horleh ayaa ka soo baxaya dad Tahriibayaal oo bada ku dhintay iyo Kuwaa la bad baadiyay oo maraakiibta bada ee Taliyaaniga ay usoo gurmadeen.

Jaziirada Malta ayaa la soo warinayaa in la gaarsiiyay dad badan oo Tahriibayaal ah halka Kuwa kalana loo qaaday jaziirada kale ee lambaduusa.

Dadka Tahriibayaalka ee Jaziiradahaa la geeyay ayaa waxaa ay ahayeen kuwi ka bad baaday dooni ku bur burtay bada dhexdeeda,Tiradoodana waxaa lagu qiyaasay 70 ruux.

Marka laga soo tago dadka la bad baadiyay waxaa jira tiro intaas ka badan oo ilaa iyo hada Nolal iyo geeri midna lagu xisaabin karin oo bada ku dhex maqan.

Soomaaliya oo inta badan Tahriibayaalka u badan yihiin ayaa waalidiinta dadka la la’yahay ay aad u murugaysanyihiin ,waxaana ay yihiin dareen  ku joog hadii dhimasho iyo Nolal dadkooda ay lagu tilmaami karin.

Steven Gerrard: Luis Suarez waa weeraryahankii ugu fiicnaa ee aan abid la ciyaaro.

Steven Gerrard ayaa cadeeyey in ciyaaryahanka ay iskala ciyaaraan Liverpool Luis Suarez uu yahay weeraryahankii ugu wanaagsanaa ee uu abid la ciyaaro.

Kabtanka xulka England, ayaa lasoo ciyaaray weeraryahano badan sida Robbie Fowler, Michael Owen, Fernando Torres iyo Wayne Rooney, wuxuuna ugu sara mariyey weeraryahanka reer Uruguay intii lagu jiray Su’aalo uu kaga jawaabayey akoonkiisa Twitter-ka.

Markii la weydiiyey waa kee weeraryahankii ugu weynaa ee aad abid lasoo ciyaarto 32 jirkaan ayaa ku jawaabay: “Luis Suarez.”

Kabtanka Reds ayaa sidoo kale daaha qadaay inuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Xabi Alonso, kaasoo ay Liverpool 2009kii ka iibisay Real Madrid, isagoona ku daray inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu soo celiyo Anfield.

“Xabi Alonso waa ciyaaryahankii qadka dhexe ugu fiicnaa ee aan lasoo ciyaaray, waan u xiisay inaan la ciyaaro,” ayuu ki daray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Cristiano Ronaldo: Waan ku caajisay in la ila barbar dhigo Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ka caajisay is barbar dhiga lagula sameeyo xidiga Barcelona Lionel Messi.

Labada ciyaarayahan ee u ciyaara kooxaha xafiiltama Real Madrid iyo Barcelona ayaa mar kale sanadkaan fooda isku dari doona abaal marinta qaaliga ah ee Balon d’Or.

Labadooda ayaana ku jira liiska 23ka ciyaaryahan eee u sharaxan Fifa Balon d’Or 2012 waxaana u codeyn doona gudi kubada cagta Fifa ah iyo saxaafada.

Laakiin marka uu yimaad xafiiltankoodu, xidiga Real Madrid Ronaldo ayaan wax badan sii xiiseyneyn in la isku daaliyo is barbar dhigooda.

“Xaqiiqda ayaa ah inaan aad ugu daalay,” ayuu yiri xidigii hore ee Manchester United

“Waa wax culus laakiin waan la qabsaday. Ma jecli anigu xittaa in qof kale la ila barbar dhigo.

“Messi iyo anigu waan kala duwanahay, taas waa hubaal. Isaga waan xushmeeyaa wax badan.

“Messi wuu ku guuleysan karaa Balon d’Or laakiin Xavi ama Iniesta xittaa, waana inaanan ilaawi Karin Didier Drogba ama Falcao. Iyagu xitta sidoo kale koobab ayey ku guuleysteen.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Patrick Kluivert: England waa goob cunsuriyadeed xittaa aniga waa la i jinsi faquuqay.

Patrick Kluivert ayaa daaha ka qaadayin taageerayaasha horyaalka England ay ku dhawaaqi jireen hadalo cunsuri ah oo ay isaga ula jeedaan intii uu u ciyaarayey Newcastle.

Weeraryahakii hore, oo hada caawiye xulka Holland uga ah tababare Louis van Gaal ayaa cadeeyey in lagu oran jiray erayga Daanyeer.

Kluivert ayaa 25 kulan oo horyaalka ah saftay intii u dhexeysay 2004-05, wuxuuna sheegay intii lagu jiray waqtigaas oo xirfadiisa qeyb ka ahaa, in loo adeegsaday hadalo midab faquuq ah.

“Haa waqtigii aan ciyaaryahan ahaa waa la I faquuqi jiray laakiin sida cad kama jawaab bixineyn mana siinin wax dareen ah malaha waxay noqon doontaa wax ficil ahaan u jira,” ayuu u sheegay Goal.com.

“Hadii aan u dhega jaleeciso waxay u maleynayaa inay yihiin kuwo muhim ah waxay adeegsan karaan erayo qalafsan.

“Markasta oo aan ciyaarayo waan maqli jitay, oo aan ciyaaryahan ahaa, sidaas uma weyneyn laakiin meel walba oo caalamka ka mid ah waxaa ku jira xoogaa dad ah kuwaas oo si fiican u falanqeeya cunsuriyada.

“Marka aad joogto  England oo kale, haa si fiican ayaan u hubaa.

“Hubaashii hadii aan helo kubada waxay sameynayeen codadka Daanyeerka ama waxyaabo la mid ah laakiin waxaan ahaa ciyaaryahan xaqiiqdii mana aysan I saameyneynin balse maba fiicna inaad maqasho cunsuriyad.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

DEG DEG: Obama oo dib loo doortay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa dib loogu doortay inuu afar sano oo kale uu hogaamiyo dalka Mareykanka, kadib doorashadii ugu qaalisneyd ee soo marta dalka Mareykanka.

Obama ayaa ka adkaaday musharaxii xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney oo la galay doorasho aadag, hase yeeshee ugu dambeyn uu ka guuleystay.

Obama ayaa ku guuleystay 290 ka mid ah 538-ka Electoral Vote-ka, markii aan warkan qorany waxaana ,laga doonayay kaliyay 270. Markii warkan soo qornay ayuu joogay 290, waxaana suurta gal ah inuu kasii badsado.

Waxa ay dhabar jab xoogan tan ku tahay siyaasad ahaan xisbiga Jamhuuriga, oo u muuqda mid looga adkaaday codadka dadka laga tirada badan yahay sida madowga iyo laatiinka.

Labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa waxaa doorashadan kaga baxday lix bilyan oo dollar.

Obama waa madaxweynaha xiga ee Mareykanka mar kale.

Natiijooyinkii Kulamada caawa ee Uefa Champions League.

Real Madrid ayaa barbaro 2-2 ah la dhaafi weysay Borussia Dortmund ciyaar ka dhacday Estadio Santiago Bernabéu, Real ayaana goolka looga naxsaday daqiiqadii 28aad iyadoo uu ka dhaliyey da’yarka dalka Germany Marco Reus, ka hor inta uusan lix daqiiqo ka dib u barbareyn Pepe oo madaxa ku dhaliyey karoos uu ka helay Di Maria. Qeybta hore ee ciyaarta oo sii idlaaneysa ayaana waxaa kooxda martida hugaanka ciyaarta u dhiibay Mario Götze kaasoo si fiican shabaqa ugu hubsaday kubad ay qalad ku lahaayeen daafacyada Madrid.

 

Markii la isku soo laabtay Real Madrid ayaa si daran u raadisay goolka barbaraha laakiin qaxaa qasab ku noqotay inay sugaan ilaa dhamaadka ciyaarta iyadoo ay ciyaartoyda Los Blancos qasaariyeen fursado goolal loo fishay, waxaase neefta mar qura kasoo fujiyey Mesut Özil oo daqiiqadii 89aad dhaliyey laad xor ah oo uusan goolhayuhu taaban.

Ciyaarta kale ee isla Group-kan waxay dhexmartay Manchester City iyo Ajax kuwaasoo sidoo kale ku kala baxay barbaro 2-2 ah, City ayaa ciyaarta ku wareertay iyadoo ay hugaanka ciyaarta ku weysay markii uu laba gool ka dhaliyey Kabtanka Ajax Siem de Jong, ka hor inta uusan gool usoo celin Yaya Touré  daqiiqadii 22aad . sidaas ayaana lagu kala shah doontay.

Markii la isku soo laabtay City waaba laga ciyaar fiicnaa laakiin waxa goolka barbaraha u dhaliyey weeraryahankooda Sergio Agüero  daqiiqadii 74aad ka dib markii uu ka faa’iideystay kubad uu ka helay Mario Balotelli, City ayaana leh keliya sedax dhibcood waxayba qarka u saaran tahay inay ka harto Group-ka maadaama ay u muuqdaan Real Madrid iyo Borussia Dortmund kuwo kaalmaha koowaad iyo labaad kusoo kala bixi doona.

Schalke 04  ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Arsenal oo marti ugu aheyd Veltins-Arena, inkastoo goolasha looga hormaray kooxda reer Jarmal markii ay Theo Walcott iyo Olivier Giroud daqiiqadihii ’18 iyo 26aad ka kala dhaliyeen, nasiib ayey u laheyd inay hesho gool ciyaarta oo aysan dhaman qeybta hore waxaana u dhaliyey Klaas-Jan Huntelaar.

Qeybtii labaad ayaa waxaa Arsenal u mooday inay wa xoogaa ka awood yaraatay sidii ay ciyaarta kusoo bilaabatay taasoo sabab u noqotay inuu Jefferson Agustin Farfán ka barbareeyo hugankooda waxaana ay ciyaartu kusoo dhamaatay sidaasi.

AC Milan  ayaa barbaro 1-1 ah Stadio Giuseppe Meazza kula dhaafi weysay Malaga waxayna taasi cadaadiska kusoo kordhisay tababare Massimiliano Allegri, xilli ay kooxda reer Spain qarka u saaran tahay inay tiigsato wareega 16ka.

Eliseu ayaa Malaga hugaanka u dhiibay dhamaadkii qeybtii hore, balse waxaa ka barbareeyey Alexandre Pato daqiiqadii 73aad.

Ciyaaraha kale Dynamo Kiev ayaa 0-0 la dhaafi weysay Porto, Paris Saint-Germain waxay 4-0 ku dubatay Dinamo Zagreb, Olympiakos waxay 3-1 isaga reebtay Montpellier Anderlecht-na waxay 1-0 ku garaacday kooxda Ruushka ee Zenit.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.