29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Daawo Muuqalkan: Waa Muqdisho, ma ka Taqaanaa Xaafadaada…….?

0

Aqristayaasheena Qiimaha Badan waxaan Maanta idiin soo gudbineynaa Muuqaal qurux badan oo laga soo duubay Dusha Sare ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaad arkeeysaa Muuqaalka inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ee maka taqaanaa Xaafadaada halkaan.

Muuqaalkaan marka aa daawato nala wadag Fikirkaada adoo adeegsanaaya Commentiga, Muuqaalkaan waxaan ka soo xiganeeynaa Shabakadeena Dhanka Muuqaalka ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Kooxda Qaranka Uganda oo ku guuleesatay koobka Cecafa

Kampala (Caasimada Online) Kooxda qaranka kubada cagta waddanka Uganda ayaa galabta ku guuleesatay koobka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa.

Kooxda ayaa cayaartii ugu dambeesay waxay la yeelatay kooxda qaranka Kenya ee Harambee Stars.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Namboole Stadium ee caasimada Kampala ayaa waxa ay ku bilaabatay dar-dar iyo jari deggannaan ah.

Ciyaarta oo socota 27-daqiiqo ayaa kooxda qaranka Uganda waxa ay heleen goolkii koobaad, laakin wuxuu ahaa gool uu iska dhaliyay ciyaaryahanka Kimani, laakin kooxda Kenya ayaa bar-bareesay daqiiqadii 87-aad, waxana u dhaliyay Lavatsa.

Ciyaarta oo ay weerrar iyo weerrar ku socota, dad badana ay aaminsanaayeen in ay ku dhammaan karto 1 iyo 1, ayaa daqiiqadii 90-aad waxa kooxda Uganda ay dhalisay goolkii guusha waxana dhaliyay  Kizito.

Taageerayaasha kooxda Uganda oo ku faraxsan koobka ay hanteen caawa
Taageerayaasha kooxda Uganda oo ku faraxsan koobka ay hanteen caawa

Kooxda Uganda waa koobkii 13-aad oo ay ku guuleesato tartanka bariga iyo bartamaha Africa, waana kooxda ugu badan ee koobkan hanatay.

Kooxda Uganda ayaa hannan doonta adduun lacageed oo gaaraya 30,000 oo dollar oo dhigan (ku dhawaad sh81 million) halka kooxda Harambee Stars ay iyana jeebka gashan doonto 20,000 oo dollar.

Kooxaha ka qaybgalay koobkan waxa ka mid ahayd Soomaaliya oo seddaxdii cayaar laga adkaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

 

Tirada dadkii ku dhintay Qarixii Islii oo Kordhay iyo xaalka Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) Waxa korartay tirada dadkii ku dhintay qarax xaley ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi wadanka Kenya.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ku waramay illaa hadda in shan qof ay mareyso tirada dadka ku dhintay qarixii xaley ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii.

Waxa kaloo jira dad uu dhaawacooda daran yahay oo si weyn wax ugu noqday qaraxaas oo saraakiisha bilayska ay lee yihiin wuxuu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro.

Guud ahaan tirada dadka ku dhaawacmay waxa lagu sheegay 37-qof oo uu ku jiro mudanaha laga soo doorto deeganka Kaama kunji Yuusuf Xasan Cabdi “Indhagamuun” kaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka Aga Khan.

Taliyaha bilayska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafadda u sheegay in Mr Xassan loo qaaday dhaawiciisa isbitaalka Aga Khan dhaawacna uu ka soo gaaray lugaha isla markaana ay gacan ka jabtay, xaalladiisa ay fiicanle.”

Wuxuu intaas ku daray qaraxa in uu ahaa wax la soo tuuray “Waxan ogaanay in qaraxa uu ahaa bam nooca gacanta laga soo tuuro ah, waxana socda siddii lagu soo qaban lahaa kooxihii falkaas geestay” ayuu yiri.

Wararka dheeraadka ah waxay sheegayaan

Howlgalo ayaa maanta waxay ka dhaceen xaafadda Islii oo ay Soomaali badan ku nooshay, dhowr qof ayaa la sheegay in bilayska soo xireen kuwaasoo lagu xiray xabsiyo ku yaalla magaalada.

Xaaladda Islii ayaa maanta daganeed, in kastoo dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga uu ahaa mid teel-teel ah sida ay in oo sheegeen ganacsata ku dhaqan xaafadda Islii.

Bilayska waxay lee yihiin qaraxa wuxu ahaa mid loola dan lahaa Xildhibaanka laga soo doorto deeganka Kaama-Kunji Yuusuf Xasan oo halkaasi dadka kula hadlaayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

KALA GEEYE-CUQDAD AABAHEED!! (Sheeko siyaasadeed taxane ah)

Qeybtii 1-aad 

Hordhac 

Haddaan nahay ummada Soomaaliyeed, maanta dalkeenii wuxuu ku suganyahay burbur, dadkeenana qaar madfac ayaa ku da,aaya, qaar gaajeey daadsanyihiin, in badan waa naafo, waxaan ku dhamaanaa mar walba badaha, wadamada qaar waa nalagu gowracaa, dhaliyaradeenii in badan ayaa madaxa laga badalay oo lagu shubtay mabda,a aan dhibka naga korinayn, in waa qaxooti waxeey daadsanyihiin aduunka dacaladiisa waxaa mar walba na qabta dal tabyo, ma awoodno in aan u gurya noqono dalkeena, sababtoo ah waxaa wali ka taagan dhibtaan uga soo cararnay, hadaan halkaan qarniyo  qurbaha sii joogno ma naqaan ubadka nagu abtirsan doona diinta ay qaadan doonaan iyo waxa ay u danbeeyn doonaan, aduunka meel waloo aan ka joognana ma mideeysnin, ma jirto tuulo boqol qof soomaali dagantahay oo jaaliyad mideeysan leh , waxaan leenahay dad aad u kala geeya ummada, arintaas ayaa igu kaliftay in aan hal abuuro sheekadaan.

Kala geeye- Cuqdad aabaheed! 

Waxaa sheekadaan hogaamin doona, oday aan ula baxay magacan kala geeye, waa qas wade cuqdadi ka buuxdo ma aha Indheer garad alle yaqaan ah, waase aftahan sheeydaanku ku shaqeeysto, qof walba oo isku hor gudba midnimada iyo wax wada qabsiga bulsho islaam ah, wuxuu qilaafsanyahay amarka eebe ee umadaha islaamka faray ee ah in ay midoobaan.

Sheekadaan waa toosin iyo tilmaamid waxa wanaagsan iyo kareebid xumaanta, waa mid u daneeynaysa dhamaan ummada soomaaliyeed, waxeey si gaar ah xumaan uga sheegaysaa inta xun, waxeey wacyi galinaysaa bulshada waxeeyna fareeysaa midnimo iyo in aan lakala maarmin. Qaybsanaan waxa ay nabaday qof waloo xalaal ah marqaati ayuu iiga yahay.

FG qof xun meel walba waa laga helaa, dad wada xuna ma jiraan waxaan aaminsanahay in soomaali idilkeed ay ehelkeeyga yihiin, mana laga yaabo in aan guruub si gaar ah ugu xad gudbo, dhanka wanaagsan ka eeg sheekada.

Muuqaalka koowaad 

Waa magaalo kamid ah magaalooyinka yurub, waxaa in mudo ah Safar ku maqnaa dhanka afrika ninka ay sheekada ku socoto, (kala geeye- cuqdad aabaheed) waxaa garoonka diyaaraduhu caga dhigtaan kusoo dhoweeynaaya wiil uu adeer u yahay oo la yiraah C/fataax iyo saaxiibkiis oo la yiraahdo (Igu aqri), oo ah nin aad uga danbeeya warkana ka qaata kala geeye- cuqdad aabaheed.

Waxaa soo caga dhigatay diyaaradii siday kala geeye, si fiicana ayaana la, isu marxabeeyay waxaanay usoo dhaqaaqeen dhanka gaariga, salaam iyo caafimaad is wareeysi kadib waxaa la soo fuulay babbuurkii.

Waxaa hadalka bilaabay (Igu aqri)

Igu aqri: kala geeyoow ilaah maku nabad keena?.

Kala geeye: Saaxiibkeeygii qaaliga ahaa (Igu aqri) alxamdu lilaah

Igu aqri: wadankii ka waran xaalladu sideey aheeyd?

Kala geeye: wax qayr ah oon kuu sheego ma haayo

Igu aqri:- Haddaadan kheyr ii heyn khasaaraha igu caawi.

Kala geeye:- qaran bey sheeg sheegayeene sow qabyaaladda kama wanaagsana?

Igu aqri:- ( qosol yar ka dib ) waa runtaa qabyaaladu qabiilkey quweysaa ee qaran muxuu tari.

Kala geeye:- sax waad fahamtay xaqiiqada ee mar walba iga sahay qaado.

Igu aqri:- waa hagaag sxb, waa inoo mar kale ee bal iska naso.

Maanta waa biloow lasoco maalin walba oo sabti ah (insha allaah)

Qore Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur [email protected]

DF Somalia oo ka soo horjeesatay Shir ay qaban qaabineyso QM

Muqdisho (Caasimada Online) War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la socon waxbana ka ogeyn abaabulka iyo Ajandaha Shirk ay qabanqaabineyso Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo kaashaneysa NGOs.

Warsaxaafadeedka  dowladda ay soo saartay ayaa u qornaa sidan:-

Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.

Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR),  iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.

Ma cadda waxa ay dowladda ku diiday shirkan looga hadli lahaa xuquuqda aadanaha, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada sida weyn loogu xad-gudbo xuquuqda aadanaha, taasoo dadka geesta aan wax laga qaban.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Guddiga doorashooyinka deeganka Somaliland oo go’aan soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa maanta oo Sabti ah magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland shir jaraa’id ku qabtay golaha doorashada deeganka Somaliland, kuwaasoo go’aano ka soo saaray doorashadii ka dhacday degmada Hargeysa.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay markii rabshado ay maalmahan ka dhaceen magaalada Hargeysa, waxay go’aan ku gaareen in dib loo eego natiijada doorashadii golaha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Marka horre waxan tacsi u direynaa ehalkii iyo qarabadii ay ka dhinteen labadii qof ee ku dhintay xaafadda Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa kuwii dhaawacmayna illaah ha caafiyo ayuunu lee nahay,intaas markaan ka tago waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin fara badan oo ku saabsan meelaha qaarkood, waxanu imminka guddiga doorashadu go’aan ku gaaray maadama degmada Hargeysa go’aankeeda ay ku dhawaaqday oo ay rabshadihu bilaabmeen, in aanu hakinay go’aankii degmada Hargeysa,hadaanu nahay Kumishanka doorashada qaranka Somaliland , dib u eegisna aan ku sameen doono degmada Hargeysa” ayuu yiri Ciisa Xamari.

Guddoomiya ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaas maanta u sheegeen ururada iyo xisbiyada ka qeyb galay doorashada marka laga reebo ururka Xaqsooor oo aan maanta meesha joogin kuwaasoo wali saluugsan natiijada doorashada magaalada Hargesa.

Si kastaba, labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Hargeysa waxa ka dhacay rabashado ay taageerayaasha ururka Xaqsoor  uga cabanayaan natiijada doorashadii magaalada Hargeysa ka dhacday.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhintay ku dhowaad 10 kalena way dhaawacmeen, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada Hargeysa.

Xaallada magaalada Hargeysa ayaa maanta deggan in kastoo wali laga hadal hayo rabshadii ka dhacay halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

M/Weynaha cambaareyay qarixi Islii

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xaley ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi xarunta waddanka Kenya.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlaayay garoonka diyaaradah Muqdisho, halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay ayaa sheegay in qaraxaas uu yahay mid Kenya looga soo horjeedo howlgalka nabad illaalinta ay ka wadaan Soomaaliya.

“Qaraxaas waa mid Kenya lagu leeyay maxaa ciidamo ugu dirteen Soomaaliya, laakin waxbo kama badali doona go’aankooda” ayuu yiri madaxweyne Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne ayaa tacsi u diray dowladda iyo dadka reer Kenya, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado uu yahay in la weerraro masaajid oo waliba dad cibaadeesanaya la qarxiyo.

Qarixii xaley ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii waxa ku dhintay shan qof oo labo ka mid ah ay maanta u dhinteen dhaawaca soo gaaray 13-kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalada ku yaalla magaalada Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Mareykanka oo ballan qaad culus u sameeyay ciidamada Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya haatan ay u talaabsatay dhanka horumarka islamarkaana ay u baahan tahay sidii loo gacan qaban lahaa.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Uganda oo gaaray dalka Uganda ayaa waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiinta dowlada Uganda iyo waliba safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda,waxa ayna kawada hadleen arimaha Soomaaliya iyo horumarka lagu talaabsaday.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa sheegay in Mareykanka haatan u bisil yahay sidii taageero dheeri u sii lahaa Soomaaliya oo u dhaqaaqday dhanka horumarka iyo sidii dalka loogu soo celin lahaa Soomaaliya haykalkii dowladnimo ee wadanka ka jirtay.

Waxa uuna Safiirka uu sheegay in Mareykanka uu balanqaadayo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada Pooliiska Soomaaliyeed si awood ugu yeeshaan adkenta ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Mareykanka uu horay u garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii balaarinayo taageerida Soomaaliya Mareykanka uu siinayo.

Kulanka labada safiir ee Soomaaliya iyo Mareykanka Dr Sayd Axmed Shiikh Daahir iyo Soctt.H Delisi ayaa waxaa uu imanayaa xili wadamada daneya arimaha Soomaaliya ay gacan weyn ka geysanayaan sidii dalka Soomaaliya uu ugu soo laaban lahaa dhabihii horumarka.

Ugu danbeynta Safiirka ayaa soo hadal qaaday howlgalka Midowga africa ay ka wadaan soomaaliya,waxa uuna carabaabay in guulo iyo hormar la taaban karo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeem AMISOM.

Madaxwaynaha oo dalka kusoo laabtay

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si wanaagsan waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Xildhibaano,Wasiiro iyo Madaxda kale.

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa halkaas waxaa uu salaanta kaga qaatay ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa kadib madaxwaynaha uu sheegay in guul uu ku soo dhamaaday Safarkii uu kutagay Turkiga ayna cadaysay dowlada dalkaas inay diyaar u tahay garab istaaga dowlada iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa carabka ku dhuftay In Dowlada Turkiga ay wacad ku martay inay la diyaar yihiin taageero dhinac kasta ah.

Dhinaca kale Madaxwayne xasan Sheekh ayaa Cambaareeyay Qaraxii habeenkii xalay ka dhacay Xaafada Islii ee Soomaalid ay dagto kaas oo uu ku dhaawacmay Xildhibaan ka tirsan DowladaKenya.

Dagaalo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa sheegaya in dagaalo shaley ka dhacay meel duleedka ka ah magaaladaas, ay ku dhinteen labo qof tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayso,markii ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay weerrar ku qaadeen goob ay joogeen kooxo hubeysan.

Taliyaha ciidanka booliska maamulka Galmudug Korneel Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay iyo ku dhaawacmay dagaalkii shaley ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee weerrarka lagu qaaday.

Wuxuu kaloo sheegay in la qabtay tira kooxdii burcadka ahayd, ma sheegin wax khasaaro ah oo ciidankooda ka soo gaaray dagaaalkii shaley ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Kooxda la weerraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyo hubeysan oo isbaarooyin dhibtay goobta dagaalka uu ka dhacay, halkaasoo ay lacago baad ah uga qaadi jireen gaadidka dad weynaha.

Xaalladda goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in ay deggan tahay, waxana ku sugan ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

ALLA RAJIIMYADU ISU RAAD EKAA!

Dadka qaar eraga RAJIIM maqalkiisa ma jecla, inay dhibsanayaan kuma ekaystaan, ee waxay la soo boodaan inay difaac aan loo joogin la soo shir tagaan, sax iyo qaladba, eraga RAJIIM qof gaar ah tilmaam uma ahan, haddii uusan u dhaqmin sida lagu yaqaan, marka waxaan dhihi lahaa CAADI iska dhiga, idinkoon ku xiiqin difaac aan la idiin ogayn, UJRO iyo AJAR midna aad ka helaysan aan la aqoon.

Faalladan oo aad u koobnaan doonta, waxaa igu diray qoraalkeeda, waa waxa ka dhacaya Masar, oo Soomaali badan iyo REER GALBEEDka qaarkooda oo dan  ka lahaa taageray KACDOONKA CARABTA! dab badan baa qoraal iyo qawl ku soo jeedshay xilligaa in sida Carabta oo kale la sameeyo KACDOON anigu waan dhaliilsanaa, wax kalana ma ahayn, dhacdadaa waxaa dabada ka waday oo taageero dhaqaale, dhan walba kala taagnaa, markii ay TAANGI tagtana ugu Tabarrucay.

Intaa kaliya ma ahayn, oo waxaa loo sahlay adeegsiga waxan loogu yeero Social Network, maxaa yeelay marka laga reebo HAYE RAACNIMADA iyo inta ISLAAN aan jirin ka urinaysay KCDOONKAA waxaa Siroodnka Maraykanku qorshyeynayey in ka badan laba sano, oo haddaa maxaa u fududeeyey? LUQMADDII CAYSHKA oo noqotay mid LUUQ gashay, ayna u sii dheer tahay markii hore oo aanba XORRIYAD jirin! Qofkii Carabiga wax ka fahmaya liilkan hoose ha ka sii dhigto

http://www.alawan.org/%D8%A7%D9%84%D8%B1%D8%A8%D9%8A%D8%B9-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%B1%D8%A8%D9%8A%2c10792.html

Intaa haddaan uga haro, maanta maxaa Masar ka socda? Haddii ISLAANKII guulaystay, waliba nin Xabsi ku jiray markii KACDOONKU dhacayey Madaxweyne loo doortay, maxaa xigay? Sidii caadada ahayd, ee laga filan karay WADAAD walba ayuu u dhaqmay, oo ah inuu AWOODDII dhan isagu isa siiyey, kaaga darane xitaa laalay MAXKAMADDA SARE, oo ah unugga kaliya ee duri karta WAREEGTA MADAXWEYNE ahna xarunta ugu dambaysa e lagu kala boxo!

Hadduu taa yeelay maxaa xigay? Adba TVyada daawo, bal sooyalka dib aan u eegno, Ina Cabdille Xasan oo dadka qaarkii yaqaan HALYEEY iyo HALGAMAA weyn ayaa ah RAJIIMKII ugu horreeyey ee Soomaali soo balleeya, una noqday HALDOOR ay ku daydaan, bal adba ma aragtay KALI TALIYE aan isagoo kale noqon ama aan aadeegsan HABDHAQANKIISII oo kale? Waa ninkii laga dhaxlay eraga ah: WAA XUJOWDAY! Bal hadday aragtidaadu XUJO iyo QAAN kugu noqoto, maxaa nolosha ka haray?

Sidoo dadka u dhibaayey, xoolahoona u dhacaayey, Geelooda u boobayey, caay iyo aflagaaddana ugu sayrinayey, ayuu markii dambe wuxuu ku dambeeyey GALBEED U CARAR! Maadaama uu ISLAAMkuu isku sheegayey inuu dadka Allahood u daayo u diid, illeen waa KALI ISLAAME!

Waxaa noo xigay AABBII GARASHADA, Maxamed Siyaasad Barre, isna sidii loogu heesayey ayuu u maleeyey inuuba yahay MAHDIGA aan dhicin iyo MAGANKA aan la moodi karin, hadduu garan waayey in xilku meerta yahay, markii horana marooqsi ku yimid, ayuu ku darsaday duqayn, dil, afduub iyo bara kicin, isna barqa cad ayuu isaga cararay, kuna geeriyooday dal shisheeye, malaha taa marna niyaddiisa kuma soo dhicin?.

Haddi ha illoobin inta QABQABLE afduubka nagu haysatay muddada dheer, iyagu RAJIIMNA ma gaarin RAQNA kama kacaan! Soomaalidu waxay isla dhex maraan in Qaddafi yiri: “In KACDOONKAYGU ma xalaalsanaa kii Siyaad Barre waxaa u daliila inuu ka cimra dheeraa!” kaba dhige, inta uu ka dambeeyey inuu ahaa Caws geeriyaade, isna xaggee ku dambeeyey? Isagoo GOD ku jira sidii KASHIITADII oo kale oo madax ku raamo leh laga soo qabtay, taa ma inuu kali ku yahay baad mooddaa? Bal xasuuso Saddam oo isna GOD laga soo qabtay inta timihii ku bexeen aad moodda Geed Hindi, kaba darane afka Toosh iyo Nolal looga hayo, sidii Tahriib shan maalin bad ku so jiray oo aan biyo iyo baad arag!

Haddii Bin Cali loo baxshay “ORDAAYE”, haddii Cali Cabadda Saalax xilka isaga tagay, haddii Bashaarka Suuriya uu Ciddi ku taagan yahay, oo waliba hadda Mucaaradkana lagu hubaynayo, ayuu Madaxweynaha Masar ee Mursi ku dhaqaaqay tallaabo aad u qallafsan, keentayna dhimashada toboneeyo qof, halka dhaawacu kor u sii dhaafayo 800 oo qof, bal adba maanka gali ISLAAMKII ahaa: “Qofka AFKIISA iyo ADDINKIISA in lana nabadgalo?” Marka ay rabaan ayey sidaa dhahaan? Marka ay dadka siyaasad, maamul iyo awood qaybin ku dilayaan ku silciyanayaan intaa iyo inta la midka ah ee diinta ku jira dhammaan ma shaqeeyaan, haddii aan si ku meel gaar ahba diinta looga tirin, maya loogaba saarin!

Haddaba, Masar haddii RAJIIM Mabarak laga ceyrshay, ee waliba sariir caafimaad korkeed lagu maxkamadeeyey, maanta inta dhimanaysa saw xil kama saarna madaxweyne Mursi, ee dalkii ka soo kabanayey RAJIIMKA iyo KALI TALINTA loogu badalay RAJIIM kaba sii daran? Hadduusan sidan wax ka badalin, kolleey isna ka dambayn maanyo Mubarak.

Kor kaliya ha eegin, ee bal eeg Xamar, Haddii kuwii isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaystay, lagu badalay kuwo kale ayaa waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, hadda maxay ka badaleen DHIIG MIIRAHSADA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa war sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo.

Waxaan uga jeedaa, RAJIIMNIDA ma ahan kaliya in qofku xil isku dhagiyo, ee waxay noqon karta inuu qofku u soo jeesto inuu masruufto maal qof kale leeyahay, maxaa yeelay waxa Muqisha ka socda waa taaye. Oo kaalay BEELAYSIGA XUBAHA DAWLADDA lagu qaybsaday, maxaa ka reebay in XOOLAHANA laguma qaybsado? Aqriste, warcelin ma u haysaa?.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected] 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

4 jir Bastoolad ku dilay 2 jir la dhashay

Wiil afar jir ah ayaa si lama filaan ah waxa uu toogasho ugu dilay walaalkii ka yaraa, galabnimada Arbacadii tagtay, xilli ay ku cayaarayeen qoriga aabahood, guri ku yaala magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Booliska ayaa sidaas sheegay.

Sida ay yiraahdeen Booliiska, dhibanah oo laba jir ahaa, oo qoyskiisa ay magaciisa ku sheegeen Neegnco Xiong, ayaa geeriyooday kadib markii walaalkiisa uu bastoolad kasoo qaaday qolka jiifka, kadibna uu leebka ku dhagay xilli ay cayaarayeen.

Kooxaha cafaimaadka ayaa isku dayay inay bad baadiyaan Neegco, hase yeeshee waxa uu ku dhex geeriyooday gawaarida gurmadka, sida uu yiri Sgt. William Palmer, oo ka tirsan booliiska Minneapolis.

Waalidiinta wiilka geeriyooday Kao Xiong iyo Ma Vang iyo wiil saddexaad oo ah hal sano jir, ayaa guriga ku sugnaa xilliga dhacdadan

Waalidiinta ayaa la geeyay sladhiga booliiska si su’aalo loo weydiiyo, waxaana socda baaritaan la xiriira dhacdadan, ayada oo ay suurta gal in dacwado lagu soo oogo.

Dalka Mareykanka qof kasta gurigiisa wuu dhigan karaa hub, isaga oo maraya hab sharci ah.

Xildhibaano tagay Beledweyne

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana la sheegay in Xildhibaanada ay ahaayeen  kuwa kasoo jeeda Gobolkaas.

Xildhibaanada ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Xildhibaanada  ay la socdeen diyaarad shacab ah oo markii ugu horeysay maanta ka dagatay Magaalada Beladweyne tan iyo sanado kadib.

Tirada Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa afar Xildhibaan kuwaasi oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan.

Amaanka Xildhibaanada ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Amisom ee joooga magaaladaas maadama laga baqayo in la beegsado..

Qarax ka dhacay Islii & Xildhibaan Caan ah oo ku dhaawacmay.

0

Sida Wararka ay nagu soo gaarayaan ayaa waxaa laga soo sheegayaa in haatan uu Qarax Nuuca Bambaanada ah uu ka dhacay Xaafada Soomaalida ee Islii Gaar ahaan Goob Baabuurta la dhigto oo ku taalo Afka hore ee Masjidka Alhidaaya ee Xaafada Soomaalida ee Islii.

Qaraxaan ayaa waxuu geestay Qasaaro Dhaawac xoogan oo ka soo gaaray 8 Ruux oo ka soo baxay Salaadii Cishaha ee Masjidka Alhidaaya taas oo ay ku soo guteeyn Salaada Cishaha oo markaasi ay soo dukadeeyn.

Dhanka kale Inta uusan Dhicin Qaraxaasi waxaa Salaadii Maqribka kadib Gudaha Masjidka Qudbo Dheer ka Jeediyay Xildhibaanka Soomaaliga ah Yuusuf Hassan  ee laga soo doortay Dagmada Kaamakuuji oo Soomaali badan ay dagan yihiin waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in Xildhibaanku  uu dhaawac ka soo gaaray.

Isku soo wada duub ilaa haatan waxaa la xaqiijiyay 8 ruux oo salaada Cishaha ka soo baxay ay ku dhaawacmeeyn Weerarkani Bambaanada ee qaraxa xoogan sameeyay ee bur bur xoogan dhanka wajiga hore ee Masjidka ee Alhidaaya waxaana haatan halkaasi howl galo ka sameeynaya Ciidamada Kenya oo baaraya Qaraxa.

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe…

War Tanoo Kale Yaa Arkay: “Daawo Muuqaalkaan Adaa Yaabi Doonee”

0

Aqristayaasheena Qiimaha Badan ee had iyo goor ku xiran Shabakada Caasimda.com waxaan idiin lee nahay Jimco Wanaagsan meel kasta aad dunida ka joogtaan.

Waxaan maanta idiin soo xulnay Muuqaal Video ah oo aad la yaabeeyso marka aad daawato Video kaas oo ah ragg soo shaqo doontay oo shaqo la yaab leh loo diray ayagoo aad ka naxeeysid marka aad aragto Muuqaalka Video-ga ee aan ka soo Xulana Shabakadeena Dhanka Muuqaalada ee www.daawo24.com

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA CAJIIBKA AH:

Uganda iyo Kenya oo berri cayaari doona finalka Cecafa Cup.

Kampala (Caasimada Online) Kooxaha qaranka Uganda iyo Kenya ayaa soo gaaray ciyaarta kama dambeesta ee koobka bariga iyo bartamaha Africa, oo hadda ka socda waddanka Uganda.

Labada xul ayaa maalinta berri isku arki doona markale ciyaarta Finalka koobka Cecafa Tusker, kaddib markii khamiirtii ay kala badiiyeen kooxaha Tanzania iyo Zanzibar.

Uganda waa kooxda ugu badan ee ku guuleestay koobkan, waxana ay hadda dooneysaa siddii ay  mar kale ugu guuleesan lahayd.

Taageerayaasha labada xul ayaa magaalada Kampala ee caasimada Uganda ka sameeyay olale ay ku doonayaan in mid kasta uu ku guuleesto koobka.

Koobkan kooxda ku guuleesata waxa la siin doonaa abaal marin lacageed oo gaareysa 3,000 oo dollar,halka kooxda kaalinta labaad la siin doono 2,000 oo dollar kooxda kaalinta seddaxaadna waxa la siin doonaa 1,000 dollar.

Kooxaha ka qeybgalay koobkan bariga iyo bartamaha Africa waxa ka mid ah kooxda Soomaalida, seddaxdii kulan waxa laga dhaliyay 13-gool halka hal gool uun ay keesadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Odayaasha soo xulay baarlamaanka oo cabsi ay la soo daristay.

Muqdisho (Caasimada Online)  Kaddib markii labo cisho ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho oday –dhaqameedkii labaad ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa odayaasha ku sugan magaalada waxay sheegeyn in ka walwalsan yihiin nafsadooda, iyagoona sheegaya in ay ka cabsi qabaan in la dilo.

Qaar ka mid ah odayaashaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqidsho ayaa dowladda ugu baaqay in la illaaliyo oo daryeel loo fidiyo.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ka mid ahaa odayaashii ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhammaan odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho loo dili doono siddii loo dilay Maxamed Maxamud oo kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Nasteexo ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in ay ka fikiraan nolasha iyo ammaanka odayaasha soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Waxay dhammaan sheegeyn in aysan mudneen in midba hal maalin loogu dilo magaalada maadama ay ay dalka ay ka bixyeen marxaladdii kumeel gaarka ahayd.

Ugaas Xaashi ayaa ugu dambeen dowladda ugu baaqay in ay xil iska saarto ammaanka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ka qayb galay ansixinta dastuurka dalka isla markaana soo xulay mudanayaasha baarlamaanka.

Dowladdii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay horrey u sheegtay si weyn ammaankooda loo adkeen doono odayaashii ka qaybgalay ansixinta dastuurka iyo soo xulida baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Maraykanka oo ammaanay howlgalka Amisom: “Akhri Sababta”

Wanshinton (Caasimada Online) Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweeysay howlgalka ciidamada midowga Africa ee AMISOM ka waddaan Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in wax wanaagsan ay sameeyeen ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu soo dhaweeyay guulaha ay gaareen AMISOM kuwaasoo dhul badan ka qabsaday ururka Al-Shabaan tan iyo sannadkan.

Warka qoraalka ee maanta ka soo baxay xukuumada Washington, ayaa daba socday shirkii sannad lahaa ee dhacay dhexmaray Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afric, kaasoo dhacay   28-kii illaa 29-kii bishii hore ee November.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ballaarin doonto teegeerada la siinaayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa kulankaas ka sheegay in ay sii wadi doonnaan taageeridda AMISOM iyo dowladda cusub ee Soomaaliya la siinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Rabshado Xaley Iyo Saaka Ka Dhacay magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa tan iyo xaley magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ka dhacay rabshado xooggan, oo daba socday markii xaley lagu dhawaaqay doorashadii golayaasha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay lix qof-kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadii xaley ka dhacay xaafadda Axmed Dhegax ee magaalada Hargeysa.

Wariye ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in xaallada magaalada ay deggan tahay, walow mar kasta la filan karo rabshado.

Xaley ayaa golaha doorashada golayaasha deeganka magaalada Hageysa ay ku dhaawaqeen sida ay ukala heleen natiijada doorashadii dhacday bishii hore labada xisbi iyo shanta urur siyaasi ee ka dhisan maamulka Somaliland.

Dad careesan ayaa xaley dhagxaan ku tuuray bilayska magaalada Hargeysa, waxana dadka mudaaharaadka dhigayay ay ka tirsan ururka Xaqsoor oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ka dhisan Somaliland.

Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Jimco ah, waxana meelaha muhiimka ah la dhigay ciidamo bilays ah oo aad u hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay ra’iisal wasaare Ordagaan

Ankara (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sugan magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaare Recep Dayib Erdogan.

Labada masuul ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xaallada ammaan ee dalka Soomaaliya iyo siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan.

Turkiga ayaa u ballan qaaday Soomaaliya inay gacan weyn ka siin doonnaan siddii ay dib uga soo kaban lahayd dhibkii la haray 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Turkiga wuxuu ballan qaaday in dib u dhis xooggan ku sameen doono xarumaha ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga ee Cabdalla Guul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara