Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa sawir gacmeed ka sameeyay magacaabista Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdulqadir Faarax Shirdoon “Saacid”.
Amin ayaa sawir gacmeedkiisa ku muujiyay in dadweyne badan oo Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan magacaabista Saacid, sida isaga fikirkiisa ah ee uu sawiray.
Waxa uu sidoo kale uu kusoo qaatay talo ay Shariif Xasan iyo Gaas siinayaan Madaxweynaha ee ah inaan laga murgoon rabitaanka shacabka.
Waxa uu sidoo kale muujiyay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahaba ay lasoo shaqeeyeen ururada aan dowliga ahayn “NOGs”, sidoo kalena la filayo dowlad NGO ah.
Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas ayaa u ballan qaaday inuu la shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid.
C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya ayaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale uu ka codsaday inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya si uu uguto waajibaadka shaqo ee horyaala.
Gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay 06-Septempar sanad kahor ay aheyd maalin taariiqi ah oo dalka Soomaaliya lagu saxiixay Road-mapka shalay oo maalintaasi oo kale ku beegan dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.
Waxuu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore inay hortaalo Shaqo adag oo loo baahanyahay inuu ka gudbo.
Waxaan isku dayeynaa inaan sharaxno dhowr qodob oo is biirsaday oo Farmaajo uu xilkaas ku seegay.
1 – Shacbiyaddiisa. Madaxweynuhu marnaba dhib kuma qabin inuu magacabao qof ka shacbiyad badan kana caansan, hase yeeshee dad isaga la taliyayaal u ah ayaa ku cabsi geliyay in awoodiisa iyo xilkiisa uu mugdi gali doono, haddii uu Farmaajo ka dhigo ra’iisul wasaare. Gaar ahaan waxaa arrintan aad ugu ololeeyay kooxda Damul Jadiid oo iminka saameyn weyn ku leh siyaasadda Somalia, oo ka cabsaday in Farmaajo uu wiiqi karo hamigooda siyaasadeed. Xusuuso kooxdan waxa ay kaalin xoog leh ku lahayd doorashadii Madaxweynaha, waxayna isku dayeysaa inay siyaasadda dalka saameyn weyn ku yeelato.
2 – Shariif Xasan Sheikh Adan. Qof walba waa uu ka dheregsan yahay heerka ay gaar siisan tahay cadaawadda ka dhaxeysa Farmaajo iyo Shariif Xasan Sheikh Adan. Shariif Xasan waa ninkii ka dambeeyay in Farmaajo xilka laga qaado, xilli uu si aad ah ugu mintiday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. Shariif Xasan waxaa weli uu hami uga jiraa wasiirka Maaliyadda, sidaa dateedna wuxuu aaminay in haddii Farmaajo meesha yimaado uusan xilkaas arki doonin. Weli ma cadda inuu xilkaas iminka heli doono, hase yeeshee waa hamigiisa.
Xusuuso Shariif Xasan waa ninkii madaxweynaha siiyay codadkii uu kaga soo gudbay wareega koowaad ee doorashada intooda badan. Si kastaba madaxweynaha Shariif Xasan wuu u diidi karaa wasiirka maaliyadda isaga oo iska ilaalinaya kacdoon shacbi, hase yeeshee hadduu uu yeelay taladiisa ahayd inuusan Farmaajo magacaabin cid la og ma lahan.
3 – Ethiopia iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Saacid, waxa uu muddo degenaa dalka Kenya. Waxaa uu sidoo kale xiriir dhow la lee yahay Dowladda Ethiopia, waxaana Caasimada Online ay xog ku heshay inay kaalin ku lahaayeen magacaabistiisa, ayna ka dhaadhciyeen madaxweynaha in Farmaajo uusan ku habooneyn siyaasadda iminka socota ee ah “Wejiyo Cusub”, sidaa darteedna loo baahan yahay weji cusub, islamarkaana Saacid uu yahay nin ku haboon arrintaas.
4 – Caasho Xaaji Cilmi iyo Tarsan – Xaaska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Caasho Xaaji Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Habar Gidir, Saleebaan, waxa ay loolan xoogan u gashay sidii ay u hor istaagi lahayd magacaabista Farmaajo, oo seygeeda oo ay aad beel ahaan isugu dhow yihiin Farmaajo loo magacaabi lahaa. Waxa ay madaxweynaha ka dhaadhicisay ayada oo kaashaneysa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan, in loo baahan yahay weji cusub. Waxa ay sidoo kale ayada iyo Tarsan ay madaxweynaha u sheegeen in haddii la magacaabo Saacid ay Caasho Xaaji Cilmi dowladda taageera buuxda uga gadi karto beesha ay kasoo jeedo ee Habar Gidir, oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.
5 – Damul Jadiid. Xog aan helnay goor dambe ayaa sheegeysa in Saacdi uu xubin ka yahay Damul Jadiid, balse aanu ahayn qof muuqda ama ku fir fircoon kooxda. Damul Jadiid waxa ay madaxweynaha ku lee yihiin saameyn xoogan. Inta badan xubnaha ku hareereysan iyo la taliyayaashiisa waa kooxdaas, waxaana ay dagaal xoogan u galeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen go’aan madaxweynaha ku magacaabi lahaa Farmaajo. Waxaa xitaa dhacday in maalin madaxweynu u yeeray suxufiyiinta si uu Farmaajo u magacaabo, hase yeeshee ay ugu dambeyn ayaga ka celiyeen, ayna ka dhaadhiciyeen Saacid oo ay u arkeen nin kooxda ka tirsan balse aan lagu ogeyn.
6 – Beesha Caalamka – Qodobkan, waa kan ugu weynaa ee madaxweynaha uu dhaafi waayay. Caasimada Online waxa ay xog ku heshay in madaxweynuhu diyaar u ahaa in dhammaan qodobada kale ee aan kor kusoo xusnay uu dhinac maro, balse uu meel uu dhaafo waayay beesha caalamka, gaar ahaan xafiiska QM ee Somalia ee uu hogaamiyo Mahiga. Ugu dambeyn markii madaxweynaha uu arkay dhammaan cadaadisyadii kale oo lagu diray diidmada beesha caalamka, ayuu ka weecday Farmaajo, welibana isaga oo jecel inuu magacaabo. Waxaa laga yaabaa in dad bada ay is yiraahdeen “Maxaa naga galay Beesha Caalamka?”, hase yeeshee siyaasaddu sidaas maaha. Mararka qaar waa inaad qaadataa go’aan aada og tahay inaadan ku faraxsaneyn.
Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo dowalddiisaba ee uu soo dhisi doono, waxaan u rajeyneynaa guul iyo inay noqdaan kuwa kasii fiican Farmaajo oo dadka iyo dalka wax u qabta.
FG: Ma nihin taageerayaal Farmaajo iyo mucaarad madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub midna, balse haddaanu nahay Caasimada Online kama leexano runta, haddii aan jecel nahay iyo haddii kaleba, iyo haddii nalagu jecel yahay iyo haddii kaleba, sidaa darteedna qoraal kasta oo aan qorno kuma farxad gelin karno qof kasta, oo waa qasab in dadka qaar ay dhibsadaan, balse fikirkaaga waad nagu biirin kartaa. Mahadsanid
W/Q: Axmed Cali Sheikh “Alaxmed” Tifaftiraha Caasimada Online
Madaxweynaha Somalia ayaa magacaabay wasiirka 1-aad ee dalka Somalia oo laga warsugayay muddo ku dhow bil cida uu u xulan doonno waxana ugu dambeyn nasiib u hellay Dr Saacid Faarax Shirdoon oo ah nin dhaqaal yahan ah isla markaasna mudo kasoo shaqeeyay meelo badan.
Wararka hoose ee laga helayo Xafiiska madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Somalia xasan Shekh Maxamud ayaa shegaya in wasiirada qaar ay muran ka taagan yihiin sida loo qeybinaayo xukuumadda Ra’iisul wasaare Dr Saacid uu soo dhisaayo.
Xogta hoose ee laga hellay xafiiska madaxweynaha waxay sheegaysa in ay jiraan shax wasiiro madaxweynaha horyaala kuwaas oo qaarkood aysan suura gal ahayn inuu magacaabo iyadoo ay jiran qaabka qeybsiga beelaha ee xilalka dowladda Somalia.
Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa ah wasiirka muranka ugu xoogan uu ka jiro waxa madaxweynaha uu doonayaa inuu u magacaabo wasaaraddaas Haween wuxuuna qorshaynayaa Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda uu ka dhigo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ah xildhibaanad ka tirsan dowladda cusub kana tirsanaan jirtay xukumadihii kmg ahaa.
Fowsiyo waxay soo noqotay mar wasiirka Haweenka iyadoo xilkaas mudo haysay waxaana ay kamid noqotay Xildhibaanada cusub ee dowladda Somalia waxana door Muhiim ah xilligaan ka qaadatay ololahii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana la sheegaa inay loolan culus u gashay sidii Madaxweyne Xasan sheikh ay ugu muujin lahayd daacadnimadayda iyo howlkarnimadeeda iyadoo xildhibaano badan oo u dhawaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Musharaxiin kale ay si fudud ugu soo leexisay dhanka Madaxweyne Xasan SHeekh oo ugu dambeyn loo doortay madaxweynaha Somalia.
Fowsiyo waa mid kamid ah Tiirarka Kursiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana Madaxweynaha kula balamay in laga dhigayo Gabadhii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka maaliyadda ka noqota dalka Somalia iyado madaxweyne Xasan Sheekh oo Fagaaraha ka sheegay tiro dhowr jeer ah in haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha uu Haween u magacaabi doonno wasaaradda Maaliyadda taas oo muuqanayso in Fowsiyo ay tahay Wasiirka maaliyadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somalia oo warqadayda ay taallo.
Beelaha digil iyo Mirifle ayaa si xoogan ugu soo horjeestay in Fowsiyo Maxamed Sheekh laga dhigo Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda waxayna sheegayaan inay tahay mid sharci darro ah oo lagu tumanayo Dastuurka iyo habka qeybsiga beelaha xilalka dowladda.
Fowsiyo Maxamed Sheekh Waxaa ay kasoo jeeda Beesha Eelay ee Raxanweyn waxana ay isku jufo yihiin guddoomiyaha Barlamanka Prof Maxamed Cisman jawaari oo isna ah Eelay ee Raxanweyn isla markasna aysan dhici Karin in labo qof oo Eelay ay qaataan xilalka ugu muhiimsan dowladda ee Digil iyo Mirifle kasoo gaaraya Saamiga dowladda.
Fowsiyo Ayaa ah qofka ugu dhow Madaxweynaha marka laga hadlo Shaqsiyaadka kasoo jeeda Digil iyo mirifle ee dowladda ku jira ama siyaasada ku lugta leh iyadoo Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Baydhabo ay si cad u sheegtay inay Xildhibanada Digil iyo Mirifle ay codka siiyeen Madaxweynaha isagana laga rabo inuusan ilaabin.
Fowsiyo Maxamed Sheekh Ayaa haatan kamid ah xildhibaanada cusub ee dowladda iyadoo horey ugu tirsanaan jirtay waxaana ay tahay qof siyaasadeeda ku xeran hadba qofkii Mas’uul sare iyadoo aan ka dheeraan mas’uulkas,waxaana ay ka shaqeyn jirtay goob harqaan ama dawaar ah oo ku taallo Magaalada Dupai halkas oo ay isku barten xaaska Madaxweynihi hore dalka Somalia C/laahi yuusuf waxaana ay kala hadashay seygeeda oo ay isbartay kadiban Fowsiyo ayaa wixi markas ka dambeeyay siyaasada ku dhexjirtay waxayna jeceshahay in loogu yeero Magaca DRs.
Beelaha Laysaan iyo Hadame ayaa ah labada beel ee isha ku haaya xilka xildhibaanad Fowsiyo ay ku haminayso ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda waxaana jira dagaal u muuqda laba dhinac laakin ah saddex dhinac oo kala ah Beelaha Eelaay,Laysaan iyo Hadame waxana marka hore ay Beelaha Laysan iyo Hadame ay doonayaan inay iska saaraan beesha Eelay iyo Damaca Fowsiyo Maxamed Sheekh kadibna loolan final ah uu dhexmaro Laysaan iyo Hadame.
Fowsiyo ayaa u muuqanayso inay ugu dambayn ay ku adkaan karto loolanka siyaasaded iyo ceyrsiga labadan xil Ra’iisul Wasare xigeen ahna wasirka Maliyadda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Beesha Habar gidir ayaa loolan adag ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka waxana soconaya kulamo ay qaar kamid ah raga raba kursigaas ay marti qaadyo ku sameeyan hoteelada Muqdisho, waxaana ay u badan tahay inay heli doonto.
Hase yeeshee Jufooyinka hoose ee beesha Habar gidir ayaa isku garbinaya xilka Wasiirka arrimaha gudaha Somalia waxana ragas ay kasoo kala jeedaan Jufooyinka kala ah Sacad,Ceyr iyo Saleeban.
Yuusuf Garad cumar madaxii hore BBC-da.waa nin u dhashay Jufada Ceyr.
Nin magaciisa lagu sheegay Kabreeto oo haatan ka mid ah maamulka Dekadda Muqdisho,waa nin u Dhashtay Jufada Sacad.
Iyadoo dalkeena Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye oo aad u fara badan, islamarkaasna ay yihiin kuwo dhanka ammaanka ka taageera Doowlada Soomaaliya, ayaa hadal kasoo yeeray madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud, waxa uu ku sheegay in ciidamo shisheeye oo dalka lakeenay aysan marnaba keeni doonin dowladnimo ka dhalata Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa dhalin kara in dowlad rasmi ah ay ka hana qaadao dalka Soomaaliya hadii ay gacmaha isqabsadaan, laakiin aysan shisheeye marnaba nabad kadhalin karin Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusii daray in lagama maarmaan ay tahay in ciidamada Soomaaliya latayeeyo islamarkaasna ay helaan mushaaraadkooda iyo caafimaad rasmi ah.
Waxa uu sheegay in aysan waxba tareen in laysku haleeyo marwalbo ciidamo shisheeye, laakin loo baahan yahay in latayeeyo kuwa Soomaalida.
Sidoo kale madaxweynaha Jamahuuriyada Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya haddii aysan helin mushaarad rasmi ah dhibaato ay kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeedna, waxa uu sheegay in lo baahan yahay in xuquuqdooda si saami ah ay uhelaan soo loga badbaado ineey waxyeeleeyaan shacabka.
“Askariga jidka taagan taleefanaduu dadka kaqaata, jeebabkuu farteeystaa, baabuurtuu jidka u taagan yahay si uu lacag uga qaato maxaa yeelay xaqii uu lahaa ninaa qaatay, kistii yareed ee soo gaari lahayd ayaan gaarsii la’nahay seen marka u rabnaa inaan ammaan ku seexano oo uu na’ilaaliyo, markaan ognahay in Calasoow iyo Jaamac Inay qaateen mushaarkii askarigaas lasiin lahaay ama garaamkiisa, seen u rabeeynaa marka aanan diyaar u ahayn koow inaan xaqiisa siino hadiiba dadkeena qaarkiis ay bixiyeen ama dad kale ay dibadda nooga keeneen aan jidka u taaganahay, waa foolxumo taas waa in askariga kow uu helaa xuquuqdiisa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu imaanayaa xili gudaha dalka Soomaaliya ay ku suga nyihiin ciidamo shisheeye oo aad ufarabadan islamarkaasna ka socda Midowga Afrika taageerana siiya Ciidamada doowlada.
Wakiilada QM iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, ayaa hambalyo ka diray magacaabistii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia.
Michele Cervone d’Urso iyo Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay in magaaabista Mr. Saacid ay caawimaad ka geysan doonto dib u dhiska iyo maamul wanaaga dalka ku yaalla Geeska Africa.
Waxa ay sheegeen in ay Saacid u rajeynayaan inuu ku guuleysto xilkiisa.
Michele oo ah wakiilka EU-da ee Somalia ayaa sheegtay in ururka ay matasho uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Mr. Saacid iyo dowladda cusub ee uu soo dhisi doono, oo ay sheegtay inay fileyso inay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.
Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in magacaabista Saacid ay iminka aadi doonto baarlamanka Somalia, si loo ansaxiyo.
Ergeyga QM ayaa sidoo kale ku amaanay madaxweyna Xasan Sheikh inuu wada tashi dheer oo uu dhinacyo badan la yeeshay ka sameeyay magacaabista Saacid, ka hor inta uusan ku dhowaaqin.
Waxa uu ballan qaaday in xafiiska QM ee Somalia uu si dhow ula shaqeyn doono Saacid iyo xukuumadda cusub si ay uga gudbaan caqabadaha hor yaalla.
Dibad bax lagu taageeraayo soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud.
Qaban qaabada Banaanbaxa ayaa waxaa la sheegay inay aheyd in la muujiyo sida shacabka reer Dhuusomareeb ay ugu faraxsan yihiin soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
Shacab aad ufara badan ayaa isugu soo baxay Dibadbaxa kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Goobta dibadbaxa uu ka dhacaaye ayaa waxaa ka hadlay xubno kamid ah Ururka Ahlusuna kuwaasi oo sheegeen inay soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Maamulka Dowladda ee Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud C/raxmaan Cali Maxamed oo sheegay inuu soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Shacabkii halkaasi isugu soo baxay ayaa dhamaantood u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ee shalay lasoo magacaabay.
Real Madrid iyo Barcelona ayaa El Clasico ku kulmaaya caawa, taasoo loom eel dhigay kulanka ugu weyn La Liga, waxaana wax walba u muuqdaan macquul ka dib bil iyo bar ka hor, iyadoo sided dhibcood ay u dhexeyso farqiga dhibcaha labada kooxood.
Hadii ay Barcelona aruursato sedaxda dhibcood ee caawa, Catalans ayaa 11 dhibcood ka sara mari doonta Madrid – taasoo go’aamin karta sida kooxda heysata horyaalka ay u difaacato, waxayna marka laba loo eybiyo oo bar lagu daro ay u muuqataa inay inta badan lumisay Horyaalka.
Jose Mourinho ayaa soo gabagabeeyey mashaqadiisa guul la’aaneed kulankii ay la ciyaareen Deportivo La Coruna isbuucii lasoo dhaafay, waxayna ka caawineysaa inay Madrid hesho guusheedii afaraad ee isku xigta tartamada oo dhan, si kastaba hadii laga badiyo waxay sugi doonaa horyaal taariikhda gala inay ku guuleysataan maadaama 11 dhibcood ay ugu samri doonaa kooxda ay xafiiltamaan.
Sababtoo ah kooxna kuma guuleysan weli La Liga iyadoo kooxda kale ka dambeyso sideed dhibcood, sideed dhibcood, waa wixii ugu weynaa ee kooxna aysan kasoo kabsan, Valencia ayaana sanadii 2003-04 ku guuleysatay Primera Division iyadoo laf ahaanteedu ka dambeysay Madrid, waxaana ay kooxdii Rafael Benitez kasoo kabsadeen dhimasho oo markaasoo loo bixiyey “Galactico” weli ma aysan dhcin koox sidaas sameysay.
Siduu xaalku noqon doonaa hadii ay caawa guuleysato Barcelona
Sanadii lasoo dhaafay iyadoo uu Barcelona hugaaminaayey Pep Guardiola 10 dhibcood ayey uga samreen horyaalka, iyadoo kooxda Jose Mourinho ay horyaalka ku hanatay Rikoor ah 100 dhibcood. Ayna mudadaas ku dhaliyeen 121 gool.
C/Qaadir Faarax Shirdoon, ayaa maanta loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kadib muddo madaxweynaha laga sugayay arrintaas.
Mr. Shirdoon oo lagu naaneeso Saacid, ayaa jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay kadib magacaabistiisa, waxaana idin soo gudbineynaa khudbaddaas ee nala dhageysta.
Waxa uu waxbarashadiisii Hoose dhexe ku qaatay isla Gobolka Galgaduud.
Ra’isal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya wuxuu ka qalin-jebiyay Jaamicadii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr bishii May 1983-kii oo uu helay shahaadada loo yaqaano’ Bachelor ee dhaqaalahaa,waxaana uu si weyn wax uga garanayaa Arimaha dhaqaalaha iyo Hormarintooda.
Saacid ayaa sanadihii 1983 ilaa iyo 1985 ka soo shaqeeyey Wasaaradihii Maaliyadda iyo Beeraha oo uu ka ahaa Dhaqaaleyahan. Halkaas oo uu 1985 u wareegey dhanka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo uu la soo shaqeeyey shirkaddii lagu magacaabi jirey Bretton Woods Institutions isla markaana uu ahaa Aasaasihii iyo Maamulihii shirkadda loo yaqaano Shirdon International Ltd ilaa iyo 1991.
Dagaaladii sokeeye ee 1991kii ayuu Saacid u soo guurey Nairobi oo uu noqday Aasaasihii iyo milkiilihii Shirkadda loo yaqaano Shitraco Ltd & Shaam.
Saacid waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa shaqsi u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya oo uu bishii March 2012 loo doortay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Golaha Rajo (Rajo Forum).
Saacid waxuu leeyahay 4 caruur ah iyo xaas oo ay xaaskiisu tahay Asha Haji Elmi oo ah Xildhibaanad si weyn looga yaqaano Soomaliya oo wax badan dhanka bulshada rayidka ah ka soo shaqeysey oo ay Soomaali fara badan wax ugu qabatay.
Ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Pele ayaa sheegay in weeraryahanka kooxda Santos Neymar uusan awood ahaan ku wanaagsaneyn inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.
20 jirkaan ayaa bilihii lasoo dhaafay looga gacan haatinaayey kooxaha Manchester United iyo Chelsea, laakiin halyeeyga ay isku wadanka yihiin uma arko inay taasi xidigaan u tahay dooq wanaagsan.
“Kuma waafaqsani Neymar inuu hada u baqoolo Yurub. Sanadii lasoo dhaafay wakiilka Neymar wuxuu la hadlay aabihi sababtoo ah wuxuu doonayey inuu aado kooxo ka dalabanaayey Engalnd,” ayuu Pele u sheegay Fox Sports.
Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa raali gelin ka bixiyey qaladkii uu ku galay aalada bulshada ee Twitter, kaasoo uu si qalad ah ugu cambaareeyey go’aanka FA-ga.
Shalato ayuu daafaca bidix ee xulka England ku qoray akoonkiisa Twitter, hadalo uu ku gocanaayey go’aanka xiriirka Kubada cagta Ingiriisku ay ku sharaxayeen sababaha loo cuskaday ganaaxii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay kabtanka Chelsea John Terry. Cole ayaana ku gocday hadalo aan wanaagsaneyn isagoo ku qoray akoonkiisa: “Hahahahaa, wax wanaagsan ayey sameeyeen #FA-gu miyaan been sheegay, “Bunchoft****” ka hor inta uusan ka tiring Twitter-ka.
Si kastaba, 31 jirkaan ayaa si lixaad leh uga cudur daartay. : “Aad ayaan uga murgoonayaa inaan wax aan gocanaayo waqtigaan ku qoro Twitter-ka. Raali gelin ayaan oraahdeydii qaldaneyd oo aan uga hadlay FA-ga.” Ayuu yiri Cole.
Macalinka kooxda Juventus Antonio Conte ayaa ganaxiisa laga dhimay lix bilood ka dib markii horay loo ganaanxay toban bilood. Wuxuuna xor u noqon doonaa inuu kooxdiisa leyliyo 9ka bisha December ee soo aadan.
Ninka reer Talyaani ayaa ka ganaaxnaa inuu qabto ciyaaraha kooxda Juventus, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu sameeyey qamaar sharci darro ah oo uusan ogeysiin booliska ama qolyaha Ispooriga, waana intii uu kooxda Siena macalin ugu ahaa Serie B.
Conte qareenadiisa ayaa racfaan ka qaatay ganaaxa, maxkamada ayeyna u gudbiyeen in gabi ahaan laga qaado ganaaxa saaran tababaraha balse looma ogolaan iyadoo mudada ciqaabta la yareeyey.
Antonio ayaa ganaaxiisu waqtigaan ku egyahay 8da bisha December, wuxuuna xor u yahay inuu kooxdiisa leyliyo kulanka ay 9ka Decemper la ciyaareyso kooxda Palermo.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filaayaa inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihiisa.
Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Somaaliya.
Xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa aad mashquul ah, waxaana halkaas isugu ururay suxufiyiin iyo diblomaasiyiin, xilli lagu wado in lagu dhowaaqo ra’iisul wasaraaha cusub ee Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saacadaha soo socda ku dhowaaqi doono ra’iisul wasaaraha, sidaa darteedna uu ugu yeeray suxifyiinta iyo diblomaasiyiinta.
Xogtii ugu dambeysay ee aan helnay waxa ay sheegeysay in la magacaabi doono Cabdulqadir Farax Shirdoon oo loo yaqaan Saacid, ahna odayga ay u dhaxday xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi.
Amamanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay islamarkaana ciidamo ayaa la tubay meel walba, si carqalado xagga amniga ah looga hor tago.
Dadka magaalada ayaa dhegta wada taagaya oo wada shitay idaacadaha, ayaga oo ka war dhowraya magacaabista, lamana garanayo sida ay uga fal celin doonaan magacaabista marka ay dhacdo kaidb.
Wixii soo kordha haka dheeraan caasimada.net. Mahadsanid
Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaas oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayso.
Qaraxa ayaa lagu qaaday Goob fariisin ah oo ku taala Maqaayada Baar Cismaaciil oo ah halka Magaalada laga galo ku taala.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxan ,Warar ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday Fariisinka dowlada halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta laga tuuro.
Waxaa Sido kale la sheegayaa in goobta uu yaalo Maydka qof aan ahayn Ciidamada Dowlada lakiin la sheegayo inuu ahaa Qofka Ismiidaamiyay.
Qasaaraha Macada ilaa iyo hada lakiin dad sheegay in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta lagu tuuro uu gaystay qasaaro labo dhimasho iyo Sadax dhaawac ah.
Howlgal ayaa goobta ka soconaya Iminka waxaana Magaalada Muqdisho loo qaaday Dhaawacyada ka dhashay qaraxa.
Ciidamada Itoobiya ayaa maanta Dagaal bareer ah waxaa ay kala horyimaadeen Ciidamada Dowlada ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lugeynaya ay mareen xaafad sida la sheegay ciidamada Ethopia ay bandoow kusoo rogeen islamarkaana ay ka mamnuuceen socodka dadka.
Ciidanka Dowlada ayaa la sheegay inay ka biyo diideen hadalka ciidamada Ethopia ee ku aadan inaysan mari karin xaafada bandowga la geliyay,halkaasina waxaa ay labada ciidan isku weeydaarsadeen rasaas khasaaro dhalisay.
Waxaa la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowladda.
majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Dowladda ee Gobalka Hiiraan oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay inuu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia.
Haddii aysan saacadaha soo socda wax is beddelin, Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u xushey in uu la shaqeeyo, oo uu raysal wasaarena u magacaabo Md. Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deganaa muddo dalka Kenya.
Saacid, ayaa la rajeynaaya in ugu dambeyn si toos ah loogu dhawaaaqo in uu yahay raysal wasaaraha Soomaaliya ee afarta sano soo socota 24 saac gudahood.
Dr. Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) waxa uu ka soo haray toban ruux, oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka soo xushey ku dhawaad 50 musharax, sii uu ugu kala saaro, cidda uu xilkan ku aaminaayo. Waxana maanta Saacid iyo musharax kale isku soo harey wareeggii ugu dambeeyay ay nasiibkiisa noqotey Saacid, in uu xilkan muteysto.
Warku waxa uu intaas ku daraya in arrinatn ay ka dambeysay ka dib wada tashiyo dhowr ah oo uu Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay qeybaha bulshada iyo musharixiintii u taagnaa xilka.
Maxamed C/laahi Farmaajo, oo xilkan si aad ah dadkii loogu badinaayay ka mid ahaa, ayaa sidoo kale mar haddii u cadaadis badan la kulmey, si kal iyo laab ah u tageeray Dr. Saacid in uu xilkan qabto.
Dr. Saacid, waxa uu ahaaa xisbiga Rajo, waxana sidoo kale la sheega in uu ka mid ahaa mar aas’aasayaashii xisbiga horrumarka iyo nabadda ee PDP ee uu Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dalka uu hoggaamiyo.
Farmaajo iyo Saacid, oo ah laba ruux oo hal jufo ka soo jeeda, ayay sidoo kale dad badan sheegayan in haddii uu Farmajo meesha waayay dadkii isaga taageerayay suura gal tahay inay ayidaan Saacid, si uu isna howshan ugu guuleysto.
Dr. Saacid, waxaa u dhaxda xildhibaanadda caanka ah ee Caasho Xaaji Cilmi, oo ka mid ah mudanayasha barlamaanka kuwooda ugu magac dheer dhinaca caalamka marka la eego.
Maalintii dagaalka Bader ee dhacay sanadkii 2d ee hijriga ayay Malaa’ktu wacdara ka dhigtay, oo ay gaaladii kufaarta Qureesheed si ba’an ula dirirtay iyadoo garab iyo hiil siineysa Muslimiinta. Qaar kamida saxaabadii Rasuulka (NNKH) ayaa arrintani indhahooda ku arkeen. Waxaa kamid ahaa aqwaashii ay qaar kamida saxaabadu dagaalkaasi ka yiraahdeen
”Waxaan arkeynay madax duulaya, oo cid jaraysa aanan loo jeedin”.
Waxaa kaloo kamid ahaa dagaalkaasi karaamooyinkii ka dhacay iyo wacdarihii Malaa’ikta ee maalintaas, in nin kamid ahaa saxaabada uu sooqabtay qafaal ahaan Nebiga (NNKH) adeerkiis Al Cabbaas bin Cabdilmudallib oo dhanka gaalada maalintaasi la safnaa. Saa wuxuu Cabbaas yiri markii Nebiga loo keenay ”Wallaahi buuna ninkaan isoo qabanin, waxaa isoo qabtay nin heybad ka muuqata oo dhar cad sita, haddana ugama dhex jeeda ragga”. Rasuulku (NNKH) wuxuu markaasi usheegey inay ahayd Malaa’ik uu Eebbe ugu gargaaray ciidamadiisa Muslimiinta.
Suuradaha Al Anfaal iyo Aali Cimraan oo labaduba si weyn uga hadlay dagaalkii Bader, ayaa qeexaya wacdarihii Malaa’ikta ee Maalintaas, iyadoo lagu sheegay sida ay aayaddu tilmaamaysa 5000 oo Malaa’ik ah inay maalintaasi soo degeen, si ay ugu gargaaraan Muslimiinta.
Sidoo kale dagaalkii Uxud ayay si cad uga qeyb qaadatay Malaa’ikta, heer ay saxaabadii arkeen. Malaa’iktu waxay ka qeyb qaadataa dagaallada, iyadoo la jirta ama ka garab dagaallanta Muslimiinta Mu’miniinta ah ee ku taagan dhabbaha saxda ah iyo xaqa Islaamka. Waxay kala qeyb qaadataa heer la arka ayadoo ka garba dagaallamaysa ciidamada Ilaahay ee Muslimiinta, iyadoo ay dhacda xataa inay arkaan cadawga Muslimiinta.
Calaamadaha saman aakhirka ee axaadiista Nebiga (NNKH) ay tilmaamayaan ayaa waxaa kamid ahayd dagaal Muslimiinta iyo gaalada dhex mari doono, kaasoo ka dhici doono dhulka Shaam. Nebiguna (NNKH) wuxuu sii sheegey in saban aakhirku ciidamada Muslimiintu ay noqon doonaan saddex goob, kuwaasoo uu ku kala sheegay Yeman, Ciraaq iyo Shaam. Markii la weydiiyeyna ”Kuwee baan Rasuul Alloow, kamid noqdaa”? Wuxuu ku jawaabay ”Calayka Bish- Shaam, saddex mar”, taasoo ka dhigan, ku dadaal inaad kamid noqoto kuwa Shaam.
Kacdoonna waaweyn ayaa ka billawday dhulalka Carbeed oo dhan sida aynu ognahay, dhammaantoodna Ruush iyo Shiina oo labo gaalo ah ma taageersanayd, wayna wada dhammaadeen kacdoonnadaasi, laakiin Shiinaha iyo Ruushka oo taageerayay mid kamid ah waddamadaasi Carbeed kacdoonkii ka billawday weli ma istaagin, marba marka ka daranna xaaladda waddankaasi (Suuriya/Shaam) waa sii qaraaraataa..
Ciidamada Suuriya ee Xurriyad doonka wacdaraha ay jiidaha dagaalka Suuriya ka dhigayaan waxaa kamid ah, wacdaradii cajiibka ahayd ee uu dhigay Saami Raxmuun oo ahaa qaa’idkii hoggaaminayay guutada loo yaqiinnay Al Calamayn. Gacanta bidixda ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac halis ah oo uu dhaqtar la galay ugu dambeynna uu ku waayay gacantiisii, saa asagoo dhaqtarka kujira wuxuu yiri ”Markay gacantan ii fayoobaato, waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka”. Durba wuxuu ku laabtay dagaalkii kadib markii laga jaray bidixdii, isagoo midigta ku dagaallamaya. Waxaa caan baxay hadal cajiiba oo Saami Raxmuun uu yiri markuu furinta ku laabanayay, kaasoo ahaa ”Haddii gacanta kale xattaa ay iga go’da marna joojin mahaya dagaalka, oo afka iyo qalbigaan uga qeyb qaadan”.
Xaaladdu way darraatay, Suuriyana way barooranaysaa, dhiiggii Muslimiinta dhulka ayuu baddalay, masaajiddii waala burburiyey, Calawiyiinta waxay billaabeen inay ku jees jeesaan salaadaha, markii ay galaan Masjidka waxay salaadda xiranayaan ayagoo sigaar cabbaya, markay ka baxaanna minaaradaha ayay xabbada ku furaan. Raafiddada Iraan ciidama Majuus ah ayay kusoo daabbuleysaa Suuriyadii dahirsanayd.
Reer Shaam adkeysigay wax dheeryahiin ummadaha Islaamka, mar bay dhawaaqtay oo ay tiri ”Yaa Carabeey!!”, laakiin Falastiin baa ku qososhay. Intaa kadib gows dambeedka ayay qaniineen halyeeyadii reer Shaam, sabar bayna dugsadeen, haba ugu darraadeen waxa la xasuuqaya carruur shan sano ka yar iyo hooyooyin maskiima ahe, haddana Rabbi inuu kala xukmin doono iyaga iyo Bashaarka Mujrimka ayay maanka gishteen.
Waxbadan kama soo wareegin markii karaamooyin iyo mucjisaad Rabbaani ay ka soo dhalaashay Suuriyada Barakaysan. Horraantii sanadkan ayaa mar Bashaar uu ka jaray biyaha iyo korantada shacabka reer Shaam (Suuriya) waxay sare u taageen gacmaha iyagoo oranaya ”Allahayoow!! biyahaagaan uga kaaftoonnaa biyaha Bashaar”, saa daqiiqado yar gudahood roob baa dhan waliba is xiray, oo waraabiyey wax ka yar shan daqiiqa gudahooda.
Waa tan junuuddii Ilaahay (Malaa’ik) ka qeyb qaadanaysa dagaallada Suuriya oo si waadix ah loogu arkay luuqyada iyo shaarica Suuriya. Goor uu shahiiday mid kamid ah shacabka ama aan dhahee ciidamada xorta ee Suuriya, oo dadku ay kari la’ yahiin inay xabbada dhexdeeda kasoo qaadaan ayaa waxaa meel derbi dhinac waxaa kasoo baxay nin dhalin yara ah, oo wada dhar cad sita. Durba wuxuu isku soo beegay halkii uu meydka yaalay, isagoo usocda sida nin xaalad amni ku jira, oo aanan haba yaraatee dareemeyn inuu dhex maraya meel xabada ka dhacayaan. Siduu usoo tallaabayay ayuu dadkii kale uga hor maray meydkii Shahiidka, oo inta labada gacan ku qabsaday misna udhiibay gacanta midigta, oo hal gacan ku qaaday isaga dhan.
Subxanallaah!! meyd shaqsi ayuu hal gacan ku qaaday isagoo aanay ka muuqan in wax culaab ah (culays) ay ku hayso qaadiddiisa. Si degen buu ula tallaab qaaday meydkii ilaa uu ku simay dadkii dhanka kale joogay, markuu udhiibay kadibna waala waayay sida ay sheegeen dadkaasi. Culimada Suuriya iyo waddamada Islaamka oo arrintaani ka hadleen waxay sheegeen inay tahay Malaa’ikta Raxmaanka oo usoo degtay si ay ugu bishaareysa kheyr iyo nasri uguna gargaarta shacabka dulman ee reer Shaam.