25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo muuqdo isagoo gacan shakaalan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya ayaa saxaafada ka soo muuqday isagoo gacanta bidix u shakaalan tahay, kadib markii uu ka soo baxay qaliin kooban oo garabka ah.

Dalalka Sacuudiga iyo Burundi ayuu ku tegay laba safar oo shaqo, iyada oo madaxweynaha gacanta u duuban tahay.

Dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay inay arkeen madaxweynahoodii oo gacan shakaalan, balse aanay taasi ka reebin inuu u adeego dalkiisa.

Marka aad madax u tahay dal sabool ah oo ay colaad sokeeye iyo argagixiso iskugu darsoontay ma leedahay waqti aad ku nasato oo aad ku raadiso caafimaadka ugu sarreeya, dabcan jawaabtu waa Maya.

Inkasta oo aanay muwaadiniinta u riyaaqeyn inay xanuun ku arkaan madaxweynaha, haddana dhinaca kale dadka waxay leeyihiin Xasan Sheekh wuxuu muujinaya naf hurnimo hoggaamineed.

Madax badan ayaa caalamka soo maray oo ay u diiwaan-gashan tahay inay dalalkooda u khidmeeyeen iyaga oo kuraas lagu riixayo, qaar ay kasoo baxeen qaliino wadnaha ah ama ay ku jireen xaaladdo adag oo caafimaad.

Ujeedku waa inuu qofka xaqiijiyo hadafka la doortay iyo inuu guto masuuliyadda loo igmaday muddadaasi cayiman. Dadweynaha taas ayaa muhiim u ah.

Madaxweynaha 68 jirka ah ee Soomaaliya ayaa muddo saddex billood ku dhow wuxuu u dhaxeeyay gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si uu u xaqiijiyo inuu ka adkaado argagixisada Soomaaliya gaarsiisay halkii ugu xumeyd abid.

Qofka madaxda u ah Soomaaliya oo laga wada dharagsan yahay, halka ay joogto maanta iyo sida dowladaha adduunka weli u diidan yihiin in wax badan oo wanaag ah ku biiriyaan, waa ku qasban yahay inuu xaalad walba dhexda xirto oo uu daruuf walba qaato si uu dalkiisa meel u gaarsiiyo, ayey leeyihiin dadka aaminsan inuu madaxweynaha u adeegayo dalka halkii ugu sarreeyay itaalkiisa.

Xasan Sheekh in uusan aqbalin inuu seexdo illaa uu kasoo kabto ayaa dad badan u arkaan inay tusineyso laxow-jeclo, masuuliyada iyo hoggaamiye aan rabin inuu dalkiisa ka dayaco wax fursad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu argagixisada ka adkaado, taasi oo u baahan dhaqaale iyo garab caalami ah. Waxaa sugeysa inuu deyn cafinta dhameystiro iyo inuu dalkiisa ku hoggaamiyo inuu isku filnaado.

Amuurahaas marka la isku geeyo, muwaadiniinta waxaa muhiim u ah in aan waqti laga lumin dalka iyo dadka oo loo shaqeeyo si adag oo joogta ah. Indheer-garadkuna muhiim uma arkaan inay ka hadlaan dheeha iyo dharka madaxweynaha.

Dooddu waa inay ahaata sida lagu xaqiijin karo hadafyada waaweyn ee horyaalla dowladda iyo halka ay gaari karto Soomaaliya sanadaha soo aadan.

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

Sawirro: Lafta-gareen iyo wasiir Jaamac oo gaaray DIINSOOR + Ujeedka

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Halka ay mareyso dacwadda saraakiisha dowladeed ee loo haysto musuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad u fariisatay dacwadda rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa dacwada la xiriirta musuq-maasuq iyo dambiyo kale, waxana horay xukunno kala duwan ugu ridday maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo markaas uu racfaan ka qaatay xafiiska xeer ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu soo bandhigo cadeymaha ka dhanka ah saraakiishan ku eedeysan musuq-maasuqa.

Xeer Ilaaliye Ku-xigeen Farxaan Xuseen ayaa maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir u gudbiyay cadeymo la xariira warqado lacag qabasho ah, oo ay tuhmayaan in ay been abuureen eedeysanayaasha.

Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan laga furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah.

“Xukunkii kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir waxa uu baalmarsan yahay Sharciga iyo Cadaaladda,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid xukunka Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba, arrimahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalamayso xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka.

Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023.

Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.

Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka.

Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo.

Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah.

ISHA: BBC

Wararkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Saciid Deni iyo mucaaradka.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan bartamaha magaalada, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Garoowe lagu dhex arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo wata illaa 20 gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Arrintaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka oo inta badan hakad ku jira.

Xubnaha mucaaridka ayaa xalay ka digay dhaq-dhaqaaq ay sheegeen in madaxweynuhu wado, iyaga oo ku eedeeyay in ciidamo badan uu kusoo daad-gureynayo caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Waxa ay arrintaan kusoo aadeysaa, xilli baarlamaanka uu todobaadkan u madlan yahay meel-marinta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay waddo xukuumadda Deni.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS ee deggan magaalada Buul-mareer], halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

Askarigii Guriceel ku dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo isna toogasho lagu fuliyay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay, Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdisalaan Cali ayaa lagu helay inuu magaalada Guriceel ku dilay allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo si weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa sidoo kale la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan  Cali Hudey, waxaana inta aan la dilin uu Marxuumka qayb ka ahaa ciidanka deegaanka ee dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga degmada Guriceel.

Ninka la toogtay ayaa isna aha askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda, isaga oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu baxsaday dilka uu gaystay kadib.

Fagaaraha lagu toogtay Cabdisalaan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, ehellada iyo dadweyne kale.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ninkan ayaa la dadajiyay, waxaana u dhexeeyay maalmo kooban markii lagu riday iyo saaka oo lagu fuliyay , taas oo ay soo dhaweeyeen ehellada.

Dilka Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan, maadaama dadka deegaanka iyo ehelladuba ay ka xumaadeen falkaasi.

Si kastaba, fulinta xukunka ayaa ugu dambeyn noqday xalka kaliya ee ay wada gaareen ehellada iyo mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Maxkamadda Ciidamada.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale askari kale oo isna dil ka gaystay magaalada Baydhabo ay si deg-deg ah u toogatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar.

Danjire Cumar Idiris ayaa waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii lasoo dhaafay madaxeynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Sidoo kale Cumar oo qoraal kooban soo dhigat bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Cumar Idiris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xoogeystay sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan intii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore ee dalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isbaheysi saddex geesood ah ay sameysyeen isaga, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Eritrea ayaa sidoo kale ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.

Golaha wasiirada Somalia oo go’aanno ku gaaray shir deg-deg ah oo ay yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan deg-deg ah oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku go’aamiyay inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

Sharcigan ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib ayaa waxaa shirka warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab  iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Shirka deg-degga ah ee golaha wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa go’aamiyay in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka, kuwaas oo wajahaya xaalad adag.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu horay u baaqday shirkii todobaadlaha ahaa oo ay Khamiis walba yeelan jireen golaha, kaas oo looga hadlo shaqooyinka xukuumadda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha ka jira gudaha dalka.

Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad culus oo Muqdisho ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa qabtay shir jaraa’id ayaa ka xaaladda fatahaadaha, gaar ahaan Muqdisho oo dadka ku nool ay aad uga cabanayaan Maamulka.

“Roobabka da’ay ee xoogga leh ee caasimadaha adduunka wada maasheeyey anaga illaa hadda cidna noogama dhiman, Guddigii gurmadka ee aan magacaabay ayaan u mahadcelinayaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maagaalada Muqdisho aysan ku dhiman hal qof, waxaana xusid mudan in Beledweyne iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gedo ay daadadku dad badan ku dileen.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu la imaa doono qorshe magaalada lagu dhaafi karo biyaha oo fariista guryaha, wadooyinka iyo meel kasta oo godan.

“Dadkeyga waxaan ku dhiirigelinayaa in qof kasta uu doorkiisa qaato, si dadkeena aan ugu adeegno, maamul degmo, shacab iyo qof kasta yaan loo kala harin samata bixinta iyo gurmadka dadkeena tabaaleysan,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale guddoomiye Madaale ayaa ka hadlay xaalada ay ku noolyihiin dadka deegaameystay daafaha Muqdisho oo ku jira guryo coosh ah oo roobka aan ka celi karin, wuxuuna codsaday in loo gurmado dadkaas.

Goobo jardiimo ah oo dadku ku nastaan ayuu sheegay Madaale inay dhisi doonaan, jidadkana dhisi doonaan “Waxaan rabnaa inaan sameyno jardiimooyinkii dalkeenu uu lahaa jiray kuwo ka casrisan.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Madaale wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku hanti beelay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee Xamarweyne, halkaas oo hanti badan ay ku gubatay.

Hoos ka daawo

Madaxweynaha Turkiga oo balanqaad culus u sameeyey dadka reer Qaza

0

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza, haddii xabad joojin laga gaaro halkaas,  madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa warbaahinta Turkiga maanta ka shaaciyey balan-qaadkaan.

“Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa’iil,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan jeediyey isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

“Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

Isku dayga in bukaanno badan laga raro isbitaalka al-Shifa waxay noqon doontaa “dhibaato aad u weyn” ayey tiri afhayeen u hadashay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa tiri.

Margaret Harris ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah bukaannada isbitaalka ku jira ay yihiin kuwa “aad u xanuunsan, dhaawacya daran qaba, ama dhallaanka yaryar ah, oo kaliya lau qaadi karo gaadiid dhab ah , oo aan lug lagu rari karin”.

Waxay sheegtay, dhakhaatiirta al-Shifa waxay ogaayeen raridda bukaannada inaysan suurtagal ahayn “haddii uusan qof bixineynin ambalaas daryeel degdeg ah.”

“Waxaan sidoo kale ku aragnaa Qaza in helitaanka sariiraha isbitaallada iyo adeegyadu ay sii yaraanayaan sida baahida ay kor ugu kacdo tirada aan suurtagal ahayn in wax laga qabto ee xaaladaha caadiga ah,” ayay tiri.

Horaantii maanta wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 120 bukaan ay weli ku jiraan Al-Shifa, oo ay la socdaan “tiro aan la cayimin” oo ah dhallaan dhicis ah.

Xildhibaanada BF ee ka soo jeeda Hiiraan oo war culus soo saaray – Maxay dalbadeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka reer Beledweyne oo ay daadadka ku dhufteen

Dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne ayaa gebi ahaanba isaga qaxay magaalada oo ay harqiyeen biyo ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Xildhibaanada oo mid mid ula hadlay warbaahinta ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka ka codsaday in dadkii ka qaxay Beledweyne loo gurmado, maadaama ay ku jiraan nolol adag oo hantidoodii iyo hooygoodii ay biyo dhaafiyeen.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ka mid ahaa xildhibaanada hadlay ayaa yiri, “Waxaan codsanayaa waxii loogu talagalay dadkaas fatahaadu saameysay in gacantooda mid aan ahayn aysan ku dhicin.”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa yiri, “Dhibaato culus ayaa ka jirta gobalka Hiiraan, waxaana ku baaqeynaa in caawinteeda aan laga daalin.”

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa yiri “Waa in si deg deg ah kaalmo loo gaarsiiyo dadka maatada ah ee ku dhiban magalada Beledweyne oo fatahaad culus ay ku dhufatay.”

Xildhibaan Caanoy oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ”Reer Beledweyne shantii sano ee lasoo dhaafay bax soo noqo ayey ku jireen ee waxaa markaan kadib la rabaa in xal deg deg ah loo helo.”

Shiine Culeey oo ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa joogay goobtii lagu qabtay shirkaan jaraa’id ee looga hadlay xaaladda Beledweyne isagoo yiri “Reer Hiiraan guulaha lagu naaloonayo iygaa ka dambeyay dhibaatada fatahada waa inaan ku garab istaagnaa.”

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka amniga qaranka oo looga hadlay afar qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkaas ayaa looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho oo si gaar ah loogu gorfeeyey shirkaan.

Sidoo kale madaxda amniga qaranka waxay shirkaan uga hadleen dib u dhiska ciidamada qaranka oo hadda meel fiican soo gaartay.

Arrimaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya.

Sidoo kale masuuliyiinta amniga qaranka Soomaaliya waxay shirkaan uga tashanayeen nooca warbixinta la hor geynayo shir ay dhawaan dowladda Soomaaliya la yeelan doonto Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shirkaas waxaa looga hadlayaa amniga Soomaaliya, gaar ahaan hanaanka ay dowladda Soomaaliya ula wareegeyso amniga qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay kumanaan qoysas ah oo ku go’doonsan Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii ay ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara magaaladaasi.

Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee Beledweyne, waxaana ay gaysatay khasaarooyin baaxad leh, iyada oo inta badan dadka deegaanka ay barakaceen.

Sidoo kale waxaa jira qoysas kumamaan ah oo weli ku go’doonsan magaalada oo si weyn looga dareemayo fatahaadda, ayadoo loo maleeyo bad marka la eego biyaha wada gaaray.

Qoysaska barakacay ayaa sidoo kale waxaa haatan soo wajahday xaalad adag, waxayna ku dhibaateysan duleedka Beledweyne, ayada oo ay soo wajahay hoy la’aan.

Tirada dadka ku dhintay fatahaadda ku dhufatay magaalada Baledweyne ayaa sidoo kale gaartay 13 qof, dadkaasi waxaa ku jirta gabar afar jir lagu qiyaasay oo meydkeeda laga helay xero barakacayaal ah.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdi-shimaale ayaa la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in bannaakaas ay ku sugan yihiin, ayna marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada.

Waxaa kale oo uu baaq u diray dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka, isaga oo ka dalbaday in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

”Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale.

Qaylo dhaanta kasoo yeeraysa reer Beledweyne ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dowladda dhexe ay haatan waddo gurmad loo fidnayo dadka ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaadda.

Guddiga PEC oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac.

Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December.

“Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xisbiyada maqan, isaga oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya.

“Waxaan kusoo qatamiyaa inaan halkan baaq uga diro xisbiyada siyaasadda ee weli aan halkan ka muuqan inay kusoo biiraan, waana rajaynayaa” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweyne Deni uu mucaaradka u diray farriin ku aadan doorashada, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu wahadal la galo.

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay 10 ruux oo tababar kusoo qaatay buuraha Galgala

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwad ka dhan 10 ruux oo loo hayto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna qaarkood tababar kusoo qaateen buuraha Galgala ee Puntland.

Raggan oo sidoo kale kasoo dagaalamay meelo kala duwan ayaa la qabtay, iyaga oo safar usii ah dhulka buuraha silsiladda ah ee Puntland, si ay halkaas uga soo dagaalamaan.

Waxaa sidoo kale qaar kamid ah eedeysanayaasha loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta amniga caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda sharraxaad siinayay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7 ka mid ah eedeysanayaasha ay u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee 2023.

Sidoo kale 7 ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha.

Intaas kadib ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga guud ee dalka.

Dhankiisa Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheegay in ay muwakaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda ayaa sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka tobankaan ruux.

Axmed Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xaalad kasoo korortay Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabaya xaaladaha adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban illaa 10 xubnood.

Guddigan oo loogu magac daray guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa loo xil-saaray inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulkaasi.

“Kadib fatahaadihii ka dhacay dhammaan deegaanada Jubbaland, taas oo galaafatay naf iyo maal, wuxuu madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam halkan ku magacaabayaa guddiga gurmadka fatahaadaha dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri wareegto ay goordhow shaacisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Guddiga ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, halka ku xigeen laga dhigay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Axmed Muxumed, waxaa sidoo kale guddiga hoghaye u noqon doono wasiirka warfaafinta Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

Xubnaha kale ee guddiga ayaa kala ah:-

1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maxamed Yuusuf Cumar

2-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Cadar Ismaaciil Cabdullaahi

3-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir

4-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ibraahim Xasan Cabdi

5-Guddoomiyaha gobollka Jubbada Hoose Xasan Cabdi Guure

6-Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac

7-Guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe Haajir Bile Sugaal.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado nololeed oo ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Horay dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa uga digay xaaladda Elnino, taas oo hadda si weyn looga dareemay gobolka Gedo iyo agagaarka magaallo xeebeedka Kismaayo.

Taliska Danab ee Puntland oo u jawaabay Saciid Deni “Isagaa dambiile ah”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa u jawaabay madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay shaaciyay inuu cafis guud u fidiyay dhammaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu seegay inuu diyaar u yahay in uu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Puntland ayaa loogu jawaabay madaxweyne Deni wuxuuna talisku sheegay in qofka dambi galay uu isagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab wuxuu bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed oo cadaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Siciid Cabdullaai Deni uu isagu dambi galay ciidanka kumaaandooska Danab oo uu fagaare ka sheegay in yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Danab.

Hoggaanka ciidanka Danab ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu cafis waydiisto ciidamada oo ay sheegeen inuu u gefay iyo shacabka Puntland.

“Sidoo kale waxa uu dambi ka galay shacabka Puntland, isagoo dagaalo dad badan ku dhinteen ka riday Garoowe iyo Boosaaso, ayna la gudboon tahay inuu cafis ka dalbado Ciidanka Kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn wuxuu taliska hoosta ka xariiqay in hadda kadib ay u hogaansami doonaan go’aankii ay gaareen isimada dhaqanka oo ahaa in doorashada lagu qabto xilligeeda, sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in aysan aqbali doonon muddo kororsi

“Taliska waxa uu hoggaaminsan yahay oo uu ku shaqaynayaa go’aankii isimada dhaqanka Puntland ee doorashada inay ku dhacdo waqtigeedii 08/01/2024, mana aqbali doono muddo kororsi” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay taliska ciidanka Danab.

Madax kala duwan oo isugu tegay degmada Cadale + Ujeedka

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii ugu badnaa ay maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo xal u raadinaya colaadda kusoo noqo noqotay halkaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa isugu jiro wasiiro ka tirsan HirShabelle, saraakiil ciidan, bahda garsoorka iyo maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, waxayna ka arrinsadeen xaaladda ammaan ee gobolka, gaar ahaan xal u helidda dagaal beeleedyada Sh/Dhexe.

Kulan ay yeesheen dhinacyadan ayaa waxaa si aad ah looga arrinsaday amniga guud ee deegaannada hoostaga Cdalale iyo Raage-Ceelle oo dhowr jeer ay dagaallo ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo amniga ka dhan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi.

Dhankoida maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in wax ka qaban doonaan xaaladaha ka jira halkaasi, iyaga oo kaashanayaa laamaha amniga iyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tan iyo markii ay dib u qarxeen dagaal beeleedyada gobolkan waxaa billowday dadaalllo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo HirShabelle, si xal loogu helo colaadaasi.

Waxaa siodoo kale ciidamo katirsan dowladda kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle la geeyay goobaha lagu dagaalamay, si ay gacanta ugu hayaan amniga gobolka.

Colaadaan soo noq nqotay waxa ay sababtay in la dilo dad badan oo shacab ah, kadib weeraro maleeshiyaad hubeysan ka gaystaan aagga magaalooyinka lagu dagaalamayo.