25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Taliska Danab ee Puntland oo u jawaabay Saciid Deni “Isagaa dambiile ah”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa u jawaabay madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay shaaciyay inuu cafis guud u fidiyay dhammaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu seegay inuu diyaar u yahay in uu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Puntland ayaa loogu jawaabay madaxweyne Deni wuxuuna talisku sheegay in qofka dambi galay uu isagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab wuxuu bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed oo cadaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Siciid Cabdullaai Deni uu isagu dambi galay ciidanka kumaaandooska Danab oo uu fagaare ka sheegay in yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Danab.

Hoggaanka ciidanka Danab ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu cafis waydiisto ciidamada oo ay sheegeen inuu u gefay iyo shacabka Puntland.

“Sidoo kale waxa uu dambi ka galay shacabka Puntland, isagoo dagaalo dad badan ku dhinteen ka riday Garoowe iyo Boosaaso, ayna la gudboon tahay inuu cafis ka dalbado Ciidanka Kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn wuxuu taliska hoosta ka xariiqay in hadda kadib ay u hogaansami doonaan go’aankii ay gaareen isimada dhaqanka oo ahaa in doorashada lagu qabto xilligeeda, sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in aysan aqbali doonon muddo kororsi

“Taliska waxa uu hoggaaminsan yahay oo uu ku shaqaynayaa go’aankii isimada dhaqanka Puntland ee doorashada inay ku dhacdo waqtigeedii 08/01/2024, mana aqbali doono muddo kororsi” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay taliska ciidanka Danab.

Madax kala duwan oo isugu tegay degmada Cadale + Ujeedka

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii ugu badnaa ay maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo xal u raadinaya colaadda kusoo noqo noqotay halkaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa isugu jiro wasiiro ka tirsan HirShabelle, saraakiil ciidan, bahda garsoorka iyo maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, waxayna ka arrinsadeen xaaladda ammaan ee gobolka, gaar ahaan xal u helidda dagaal beeleedyada Sh/Dhexe.

Kulan ay yeesheen dhinacyadan ayaa waxaa si aad ah looga arrinsaday amniga guud ee deegaannada hoostaga Cdalale iyo Raage-Ceelle oo dhowr jeer ay dagaallo ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo amniga ka dhan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi.

Dhankoida maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in wax ka qaban doonaan xaaladaha ka jira halkaasi, iyaga oo kaashanayaa laamaha amniga iyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tan iyo markii ay dib u qarxeen dagaal beeleedyada gobolkan waxaa billowday dadaalllo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo HirShabelle, si xal loogu helo colaadaasi.

Waxaa siodoo kale ciidamo katirsan dowladda kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle la geeyay goobaha lagu dagaalamay, si ay gacanta ugu hayaan amniga gobolka.

Colaadaan soo noq nqotay waxa ay sababtay in la dilo dad badan oo shacab ah, kadib weeraro maleeshiyaad hubeysan ka gaystaan aagga magaalooyinka lagu dagaalamayo.

Sawirro: Ciidamo loo diyaariyay soo afjarida Shabaab oo la soo bandhigay

0

Bacaadweyne (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo boqolaal gaaraya ayaa Jimcihii shalay lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyne oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolka Mudug oo laga fara maroojiyay dagaalyahanada kooxda Shabaab.

Ciidamadan oo la qalabeeyay ayaa waxaa loo diyaariyay inay soo afjaraan Al-Shabaabka ku sugan koonfurta gobolka Mudug, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.

Sidoo kale waxaa ciidamadan kormee ugu tegay saraakiil ka kala tirsan ciidamad Xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo ku dhiirageliyay xoreynta deegaankooda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay inay ciidamadan ka qayb qaadan doonaan howlgallola filayaa in todobaadyada soo socda ay ka billowday Mudug oo looga saarayo Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada ay iska horfadhiyaan labada dhinac.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxa, waxaana jiidda hore ku sugan ciidamo ka qayb qaadanaya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Galmudug.

Howlgalladan oo si guud uga socda dalka oo dhan ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul badan oo muddo dheer ay joogeen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya isbedallo waa weyn oo ay waddo dowladda Soomaaliya, si u hanato amnigeeda, ugala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.

Daawo: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dabkii ka kacay Xamarweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran.

Ganacsade Bukhaari oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inay ku jirtay qiyaasitee lacag dhan $40 kun.

“Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka  noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri ganacsade Bukhaari oo ah Carwa Xul Style.

Gurmad xoogan oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ayaa mar dambe lagu guulaysay in lagu damiyo dabkaasi.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta tegay ayaa qiray in khasaare xoogleh uu jiro, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay inta ka qayb qaadatay daminta.

“Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha dgemooyinka oo meel kasta isaga yimid oo usoo gurmaday halkan”.

Madaale oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka uu guddi gaar ah u xil saari doono baaxadda uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray ganacsatada Xamarweyne.

“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha gaaray dadka masaakiinta ah laakiin haddii uu ilaah yiraahdo guddi ayaan u bixin doonaa, waxaana arki doonaa wixii ay xaaladdu la’eg tahay” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Maxaa ku qornaa warqadda uu 20 sano kahor qoray Osama ee laga mamnuucay TikTok?

0

Los Angeles (Caasimada Online) – Shabakadda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ayaa ku dhawaaqday mamnuucida waxyaabaha xayaysiinaya warqad uu Osama bin Laden qoray sannadkii sanadkii 2002.

Warqaddaasi ayuu xilligaasi si faah-faahsan uga hadlay sababihii uu hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida u soo qaaday weerarrada ka dhanka ah dadka Maraykanka ah.

Dood ku saabsan farriinta Osama bin Laden ee lagu faafiyay TikTok toddobaadkan ayaa ku saabsan muranka ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyada oo qaar ka mid ah isticmaaleyaasha reer galbeedka ay ammaaneen waxa ku jira.

Warqadan oo la qoray kadib weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof, ayaa lagu dhaleeceeyay taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dadka Mareykanka ah inay maal-geliyaan “dulmiga” lagu hayo Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ahaa hadallo ka dhan ah Yuhuudda.

Bin Laden ayaa sanadkii 2011-kii lagu dilay Pakistan, waxaana dilay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

“Waxyaabaha xayaysiinaya warqadan waxay si cad u jebinayaan xeerarkeena ku aaddan taageeridda nooc kasta oo argagixisanimo,” ayay TikTok ku tiri hadal ay soo saartay.

Waxay intaas ku dartay in aan si joogto ah loogu faafin masraxeeda warqaddan.

Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa ku baaqay in la mamnuuco app-ka laga leeyahay Shiinaha, waxayna soo cusbooneysiiyeen dhaleeceyntooda kahor inta aan la shaacin mamnuucistan Khamiistii.

Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in aysan jirin sabab xilligaan loo faafiyo wax uu ku sheegay “beenta iyo naceybka Bin Laden.”

“Marna ma jirto sabab loo faafiyo beenta, xumaanta, iyo nacaybka uu hoggaamiyaha Al-Qaacida soo saaray wax yar uun kadib markii uu geystay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Mareykanka.”

Daawo: DENI oo cafiyay saraakiisha ciidanka mucaaradka, shaaciyay inuu diyaar u yahay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowladda haatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay in aan kala hadalno.”

Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta booqasho ku tegay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka, nabad-gelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay bulshada in shacabka oo madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan.

Si kastaba, hadalka Saciid Deni ayaa imanaya xilli mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho, oo ku dhisan hanaankii hore ee doorashooyinka maamulka, kaasi oo kasoo horjeeda midkii uu hore u soo saaray guddiga doorashooyinka, oo dhigaya in 25-ka bisha Febraayo ee 2024-ka ay qabsoomto doorasho qof iyo cod ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog ka cusub nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay Turkiga

0

Istanbul (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay hotel ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ninkan iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in markii hore dalxiis ahaan u yimaadeen dalka Turkiga, iyaga oo ka yimid magaalada London se dalka Ingiriiska.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayaan Maxamed Dhobo ayaa la xaqiijiyay in ay haysatay dhalashada dalka Ingiriiska.

Dilka ayaa waxa uu ninka u adeegsaday kashawiito, sida ay ku warrantay Warbaahinta Turkiga oo baahisay dhacdadaan lagu dilay Ayaan oo da’deeda lagu sheegay 26-sanno jir.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninkaan u qirtay dambiga uu galay, kaasi oo haatan ku jira gacanta ciidanka Booliska dalka Turkiga, oo kasoo qabtay hoteelka uu ka dhacay dilka.

Si rasmi ah weli looma oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkaan, hase yeeshe wararka qaar ayaa sheegay in ninka ay xaaskiisa siisay waxyaabo maan-dooriya, kadibna uu soo kala dhex-galay muran sababay in uu ugu dambeyn khaarajiyo.

Sidoo kale waxaa jira sawir ay baahisay warbaahinta Turkiga oo ay ku sheegeen inay tahay gabadha la dilay, balse markii dambe la ogaaday inay khalad tahay.

Si kastaba, Isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo kusoo badanayay muddooyinkii dambe Soomaalida ayaa loo aaneeya mararka qaar inay ka dambeeyan dhacdooyin naxdin badan, oo lamid ah middaan.

Sawirro: Xamza oo tegay xerada ciidanka xasillinta caasimada, kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.

Waxa uu xusay in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taasi oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intii uu ku sugnaa xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimada.

Dab xooggan oo caawa ka kacay suuqa Xamarweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa goordhoweyd ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka.

Waxaa hadda socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii loo damin lahaa, ayada oo halkaasi gaareen qolyaha gurmadka.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanayo dadka shacabka ah ayaa ku howlan daminta dabkaasi ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Weli si dhab looma oga waxa uu ka dhashay dabkaan xooggan, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan goobo lagu guulaystay in la damiyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

COSOBLE: Ficilka xun ee Soomaalida aysan weli ka tegin in ka badan 3000 sano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sheegay in Soomaalida in ka badan 3000 sano oo ay ku nooshahay Geeska Afrika aysan weli ka tegin ficilka foosha xun ee dilka.

“Muddo ka badan 3000 sano oo ay Soomaalida ku nooshahay geeska Afrika iyo marxalad kasta oo ay ku jiraanba waxaa jira hal ficil oo aysan weligood ka tagin. Ficilkaas waa dilka uunka Ilahey,” ayuu Cosoble ku yiri qormo dheer oo uga hadlayo arrintaan.

Soomaalida ayuu sheegay in ay weligoodba caan ku ahaayeen welina caan ku yihiin dilka noole kasta ee uu Ilahey ku abuuray dhulka ay ku nool yihiin, sida uu ku yiri qormadan.

Hoos ka aqriso qormada Cosoble oo dhameystiran;

Muddo ka badan 3000 sano oo ay Soomaalida ku nooshahay geeska Afrika iyo marxalad kasta oo ay ku jiraanba waxaa jira hal ficil oo aysan weligood ka tagin. Ficilkaas waa “dilka uunka Ilahey”.

Soomaalida wexey weligoodba caan ku ahaayeen welina caan ku yihiin dilka noole kasta ee uu Ilahey ku abuuray dhulka ay ku nool yihiin; sida dadka, ugaarta, shimbiraha, xamaaratada, berri-biyoodka, xasharaadka iyo dhirta.

Xataa markey yeesheen magaalooyin iyo maamullo kama aaney tegin ficilladii foosha xumaa ee ay lahaayeen Islaamka ka hor ee waxaa weliba ugu darsamay been sheegid, dad isku dir iyo boobka hantida ummadda.

Ma qiyaasi kartaa dadka lagu dilay geeska Afrika kontonkii sano ee u dambeeyay? Boqolkii sano ee la soo dhaafay imisa Soomaali ah ayey Soomaali iska dishay? Shantii boqol ee sano ee la soo dhaafay imisey kula tahay in la dilay? Diinta islaamka markey na soo gaartay ilaa maanta imisa Soomaali ah ayaan xaq darro isaga dilnay?

Aaway ugaartuu Ilahey ku abuuray dhulkaan? Aaway jeertii iyo yaxaaskii? Aaway dhirtii? Aaway shimbirihii? Miyi iyo magaalaba caruurta Soomaalida mexey ku sameeyaan shimbirkii dhulka u soo dega?

Ummaddii ka reebtoomi weyda wuxuu Ilahey ka reebay sow ma aha ummad ku caasiday Allahii dhulkan sameeyay ee faray ineysan dhiig si xaq darro ah ugu daadin?

Maxey diinteena nooga reebi weyday dilka uunka Ilahey? Ma kuu muuqataa in aanan aheyn dad diintooda ixtiraama?

Wadammada caalamka waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba inta muslimka ah. Waxaad maqleysaa waddan hebel boqolkiiba 30 ama 40 ama 80 ayaa muslim ah.

Soomaalida waxaa la yirahdaa waa dad boqolkiiba boqol Muslim ah, waa sax laakiin waxaa hadana la dhihi karaa waa dad 20% ilaa 30% ku dhaqma diinta Islaamka, sidaa darteed marka xiga ee aad tilmaameyso Soomaali runta ka sheeg oo waxaad dhahdaa Soomaali waa dad 25% ilaa 30% ku dhaqma diinta Islaamka.

Tiradaa yar ee sida saxa ah ugu dhaqanta diinta ayuu Ilaahey nagu badbaadinayaa ee mar horey nagu dhici karaayeen zilzaal, duufaan ama uu Ilaahey nagu soo fasixi lahaa badda nagu hareereysan.

Ilahow naga dhig dad 100% ku dhaqma diinta Islaamka. Aamiin

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘waa la jooga iyo waa la jira’ farqi ayaa u dhaxeeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo wariyay in xubnaha Golaha Wasiirrada uu Isniintii ku canaantay inay ka gaabiyeen iibinta siyaasadda xilli xukunkiisa iyo wax ku biirinta shaqooyinka waaweyn ee horyaalla.

Wuxuu ahaa kulan aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirrada yeesheen, oo uu shir-guddoomiyay madaxweynaha. Ma cusba in qofka dalka ugu sarreeya uu dhaliilo xubnaha xilalka ka haya dowladiisa, haddii ay ka jiiftaan shaqooyinka hortabinta u leh dalka ama muddo xileedkiisa.

Laakiin Xasan Sheekh yaa la jira yaase la jooga? Muxuuse madaxweynaha saluugsan yahay ayaa ah waydiimaha ku gadaaman farriintan.

Lixda arrimood ee ugu waaweyn howlaha madaxweyne Xasan Sheekh sida joogtada ah uga shaqeeyo xilligaan hal ama laba wasiir unba wax ku biirisa, xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada xaflado aan mira-dhal aheyn, safaro aan muhiim aheyn iyo danno shaqsi ah ayay waqtigii ku dhameeyeen ayay leeyihiin dadka dhaliisha madaxweynaha taageersan.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada, shaqada deyn cafinta, wax beddelka Dastuurka, shaqada cuna-qabateynta hubka, ku biirista bulshada Bariga Afrika iyo kobcinta dakhliga gudaha ayaa miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh.

Inuu is weydiiyo ayaa lixdan kala shaqeeya oo kooxdaada ah wax dambi ah ma ahan.

Inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada oo aheyd in qolo walba kaalin gaar ah ka qaadato lixdan shaqo uma muuqdan kuwo wax badan ka geysanaya dadaalka madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha wuxuu rabaa meel-marinta qaar kamid ah qoddobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, taasi oo u baahan wax ka bedel Dastuur.

Xukuumadda waa laba koox, qaar waa koox ka timid xisbiga madaxweynaha ee UDP, qolona waa kuwo si iskood ah ama dariiq saaxiibtinimo kusoo raacay tareenka madaxweynaha.

Xubnaha Golaha Wasiirrada qaar 100% ayay ku siyaasad yihiin madaxweynaha, qaarna way la shaqeystaan ee ku siyaasad ma ahan.

Hal sano iyo lix billood ayuu xilka hayaa madaxweyne Xasan Sheekh, waana marxalad uu ku kala baran karo yaa kula jooga, yaase kula jira?.

Waxaa laga yaaba in aad isweydiineyso maxaa farqi ah oo u dhaxeeya labada erey ee la jirid iyo la joogid.

Marka la adeegsanayo la joogid waa dad isku meel ku sugan balse kala xaalad, kala fikir iyo hadaf noqon kara.

Laakiin marka aad isticmaaleyso la jirid waa qof aad kula jira oo isku dhinac wax u wadaan, isku cadow tihiin, oo guusha iyo guul-darradaba aad shirko ku tihiin.

Waxaa la jooga xilligii Xasan Sheekh kala shaandheyn lahaa kooxda, oo uu u kala saari lahaa yaa kula jira iyo yaase kula jooga.

Sida uu madaxweynaha u arko guusha nidaamkiisa waa saxnaan karta, waana qaldanaan karta, laakiin qofka ay ku aday tahay inuu iibiyo sida uu madaxweynaha u arko guusha xukunkiisa iyo xaalka dalka, haddana xil ka haya nidaamkiisa, lagana yaabo inuu waayay meel hoose oo uu tallo ka dhiibto, waxaana u furan inuu banaanka tago oo uu xilka iska dhiibo, oo uusan iska dhaadhicin iska joog, xilka iska hayso oo xoolana aruurso.

Koox walba oo xukunka qabsata qaab ayay u aragtaa inuu dalka ku hagaagi karo, waxayna u baahan yihiin inay xilalka u dhiibtan dad ay fikirkaas wadaagaan, shaqadana yaqaana.

Xasan Sheekh hadda waa soo jeestay sida muuqata, ma qarsoona inay xukuumadda ku jiraan xubno diidan siyaasadiisa oo maqaayadaha iyo goobaha lagu kulmo ayay taas la fadhiyaan wasiirada qaar, umana badna in uusan Xasan xogtooda ogeyn.

Inta uusan isaga iska saarin inta iskala joogta, waxaa la gudboon xubnaha aan guusha uga muuqan jihada madaxweynaha dalka u wado inay xilalka iskaga tagaan oo aanay Xasan xilli xukunkiisa ku dhex jalaafin.

Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu hirgeliyo waxa uu aaminsan yahay waa inuu qaata aragtida yaa kula jira oo uu iska tuura aragtida yaa kula joogi kara, sababtoo ah fikir waxaa iibin kara qofkii aaminsan ee sax u arka.

CC Shakuur oo farriin culus u diray madaxda Soomaalida kadib arrin soo badatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin inta badan madaxda Soomaalida.

Waxa uu sheegay in madaxda ay jecel yihiin in la amaano, lagana indho saabo xaqiiqooyinka jira, islamarkaana ay marba marka ka dambeysa soo xirmeyso masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida.

“Nasiib darro waxaa marba marka ka danbaysa soo xirmaya masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida, waxaa dhismaya dhaqan siyaasadeed wasiir iyo waardiyuhu isku mid yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la dhibsanayaa dhaliisha, waxaa la iska indha tirayaa waaqaca, waxaa lala dhacsan yahay ammaanta, waxaa la raadinayaa maxaa la igu hadal haynayaa? Waa tan keentay in yuutuubar ka macno bato indheergaradkii iyo Ahlu Xali Wal Caqdigii.”

Wuxuu madaxda Soomaalida usoo jeediyay in laga rabo inay abuuraan jawi la-taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, si loo wajaho waaqica iyo xaqiiqada taagan markaas.

“Madaxda iyagaa laga rabaa in ay abuuraan jawi ay la taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, haddii aysan dhicina waa in ay iyagu kula dhirradaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii dareyna “Midna ogaada raga xukunka hayow, wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco ama dowlad iyo dal waxtaro.”

Sawirro: DF oo Baydhaba u dirtay markii saddexaad diyaarad sidda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii saddexaad waxay diyaarad wada shixnad mucaawino ah u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka ay sameeynta weyn ka gaysteen daadadka El-Niño, iyada oo halkaas ay ka gaysatay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Gargaarkaan oo ay maanta Muqdisho ka dirtay hay’adda SODMA ayaa waxa uu garayaa ilaa 10-tan oo ka kooban raashinka fudud.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha Wabbiyada.

SODMA ayaa sidoo kale waxay maalmo ka hor sidan oo kale diyaaraddo sida shixnad mucaawino ah uga dejisay magaalooyin ay kamid yihiin Doolow iyo Baardheere, oo ay saameyn adag kasoo gaartay fatahaada wabbiga Jubba, taasi oo keentay in ay go’do buundii Baardheere.

Waxay hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen biyaha.

Gargaarkaan ayaa waxaa loogu tala-galay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.

Faah-faahinta howlgal qorsheysan oo maanta lagu dilay xubno Shabaab ah

0

Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galka oo ay ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen tuullo lagu magacaabo Makiiney oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayaa waxaa lagu dilay saddex kamid ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howl-galkaan kooxda looga furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadkii la dilay, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii howl-galka hoggaamineysay.

Howl-galkaan ayaa qeyb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, kuwaasi oo khasaare kala duwan loogu gaystay kooxda.

Howl-galladaan ayaa waxay bilow u yihiin dadaallada lagu doonayo in dhammaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Saddex arrin weyn oo Xasan Sheekh uga xiran madaxda Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Bujumbura ee waddanka Burundi, halkaasi oo ay kusoo kulmeen dhiggiisa waddanka Burundi.

Madaxweynaha Burundi sidoo kale hadda waxa uu haysta madaxtinimada wareegtada ee dallada bulshada Bariga Afrika, taasi oo ay Soomaaliya sugeyso inay dhawaan xubin buuqda ka noqoto.

Burundi waa mid kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha, inkasta oo Villa Somalia baahisay qoraal dheer oo ku saabsana waxyaabihii laga wada-hadlay, kaasi oo u badnaa iskaashi iyo cilaaqaadka togan ee Soomaaliya iyo Burundi, haddana waxaa warbixintan kusoo koobeyna saddexda arrimood ee madaxweyne Xasan Sheekh uu inta badan kala hadli karo madaxda Afrika xilligaan, kuwaasi oo dhamaan dan u ah Soomaaliya.

1. Dib u dhigista bixitaanka ciidanka ATMIS

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dooneysa in dib loo dhigo waqtiga ay baxayaan ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ee hadda loo yaqaano ATMIS.

Burundi iyo Uganda waa labada waddan ee ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya. Madaxda Soomaaliya iyo Burundi qodobka ugu weyn ee wada-hadalkooda waa kaas.

Illaa inta laga xaqiijinayo natiijada dagaalka argagixisada, dowladda Soomaaliya waa u baahan tahay kabka ciidanka ka socda Midowga Afrika.

Dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayuu isla qodobka Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu kala hadlo.

2. Xaqiijinta ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya waxay sugaysa go’aanka ugu dambeeya ee ku biirista ururka bulshada Bariga Afrika, kaasi oo waqti fog raadineysay Soomaalida.

Madaxweynaha Burundi ayaa hadda ku fadhiya kursiga madaxtinimada wareega ee East Afrika Community. Kulanka labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Burundi ayaa la sheegay in lagu kor istaagay qodobkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh mar walba oo uu la kulmo madaxda Kenya, Tanzania, Dr Congo, South Sudan, Rwanda iyo Uganda kama tagi karo inuu ka hadlo qodobkan.

Soomaaliya ayaa heli doonta socdaal fudud, sare u kaca qiimaha Baasaboorka Soomaaliga ah, ganacsi furan iyo iskaashi amni oo xoog leh haddii ay ku biirto dallada bulshada Bariga Afrika.

3. Gacan ka siinta dagaalka argagixisada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli rejo badan ka qaba ka mira-dhalinta la-dagaalanka argagixisada, dagaalka ayuu soo gaarsiiyay meel aanan weligeed la gaarsiinin, laakiin sidaas oo ay tahay weli dowladda Soomaaliya waa u baahan tahay gacan caalami ah, si looga adkaado argagixisada oo halis ku ah adduunka oo dhan.

Waddamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa horey ugu ballan-qaaday Soomaaliya inay ka garab-siinayaan inay argagixisada ka adkaato, welina dowladda Soomaaliya waa sugeysaa ballan-qaadkaasi.

Saddexdan qoddob ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga dhex maqan dalalka qaarada Afrika, kuwaasi oo la fahamsan yahay inay mar walba bud-dhig u yihiin socdaaladiisa gudaha qaaran

Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin la xiriirta hilib cusub oo soo galay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Saraakiisha ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa ismaamulka Muranga ayaa shaaciyay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi.

Saraakiishan ayaa waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Arrintan ayaa imaneysa xilli laamaha ammaanka ismaamulka Muranga uu qabtay illaa saddex kun oo kiillo oo hilibka Dameerka ah.

“Waxaa gacanta ku soo dhignay illaa 3,000 oo killo oo hilibkaas ah (Dameerka) oo lagu soo qabtay beer ku taalla deegaanka Makuyu,” ayuu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in toban qof oo kale oo laga shakisan yahay ay baxsadeen.

Baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday in inka badan 70 dameer la qalay muddo 3 maalmood gudahood ah, sida uu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi.

Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah.

Kulankaan oo ay ka qeyb-galeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah, ayaa waxa uu ku saabsana xaaladda biyaha kusoo fatahay degmada Gaalkacyo iyo sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay guddigii Wasiirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlad-goboleedka Puntland.

Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay qoddob ay kamid yihiin;

1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Karaash ayaa ugu dambeyntiina muujiyey sida dhow ee dowladdu ula socoto xaaladda roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo.

Si kastaba, Maamulka ayaa horey guddi wasiiro ah u diray Gaalkacyo, haddana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta.

Walaaca iyo cabsida dadka ku go’doonsan gudaha Beledweyne oo sii kordhaya

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay kor u sii kacayay heerka biyaha Webiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kororka biyaha Webiga Shabeelle ayaa yimid kadib markii saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da’een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada, oo ay waadiyaasha kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobabka webiga.

Arrintan ayaa imaaneyda, iyada oo rejo badan laga qabay in biyaha Webiga nafis laga dareemo saacadaha soo aadan, hase ahaate waxaa arintaasi meesha ka saaraya roobabka xoogan ee weli ka da’aya gudaha dowlad-deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoosyimaada xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Roobabka weli da’aya ayaa sii kordhinaya walaaca iyo cabsida dadka ku dhex go’doonsan gudaha magaalada Baladweyne, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda.

Fatahaada Beledweyne ku dhufatay horraanta toddobaadkan ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ilaa Siddeed ruux.

Arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac.

Daadadka iyo fatahaadaha is wata ayaa saameeyay in ka badan hal milyan oo qof, halka ay ku barakaceen illa 600 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay xaqiijisay in haatan ay sii korortay dhimashada, ayna gaartay illaa 42 qof oo siyaabo kala duwan ugu kala geeriyooday Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Dowladda ayaa illaa hadda 28 doomood gaarsiisay degmooyinka ugu daran, si shacabka loogu badbaadiyo, maadaama ay ku go’doonsan yihiin meelaha ay ku dhufatatay fatahaadda.

Sidoo kale waxay diyaarado sida gurmad u dirtay deegaanada ay sida weyn u saameeysay arrintaan, kuwaasi oo laga soo warinayo xaaladdo daran.

Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA iyo Israel oo ogolaatay…

0

Gaza (Caasimada Online) – Shidaalkii ugu horreeyay ee Gaza ku socda tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa kasoo tallaabay xudduudda Masar.

Shidaalkan ayaa la sheegay inuu ku socday hay’adaha Qaramada Midoobay, laakiin wax badan oo culeys ah kama dulqaadi doono caqabadaha shidaal la’aanta ah ee heysta dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee Gaza.

Illo bini’aadantinimo ayaa sheegay in Israa’iil ay oggolaatay keenista shidaalkan, kadib markii ay oggolaatay 24,000 litir (6,340 gallon) oo shidaal ah oo loogu tala-galay baabuurta qaybinta gargaarka Qaramada Midoobay, iyada oo aan loo isticmaaleyn isbitaallada.

“Shidaalkan waa 9% oo kaliya shidaalka aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno hawlaha nafta lagu badbaadinayo,” ayuu yiri Tom White, oo ah agaasimaha Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku yiri bartiisa X.

Guddoomiyaha guud ee hay’da caawinta qaxootiga Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa yiri: “Hawl-galkeenna oo dhan hadda wuxuu qarka u saaran yahay inuu istaago.” “Waa wax laga naxo in shidaalka loo sii isticmaalo hub dagaal.”

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shidaal la’aanta matoorrada isbitaallada, bixinta biyaha, qeybinta gargaarka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qaybinta saadka gargaarka ay gacan ka geysatay xaaladaha sii xumaanaya ee 2.3 milyan ee deggan Gaza.

Gargaarka ayaa Masar uga soo gudbayay Gaza ilaa 21-kii Octobar, balse Israa’iil ayaa diiday in shidaal lasoo gudbiyo, iyada oo sheegtay in Xamaas ay u adeegsan karto in lagu huriyo dagaalka ka dhanka ah Israa’iil.

Erdogan oo weerar culus ku qaaday dowladda Israel, doonayana in madaxdooda…

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka.

Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha,” iyadoo aysan “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka.

Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa – iyo mawqifka Turkiga – in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.

Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin.

“Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil.

“Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah,” ayuu raaciyay Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray: “Marna ugama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.”

REUTERS, VOA