25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin la xiriirta hilib cusub oo soo galay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Saraakiisha ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa ismaamulka Muranga ayaa shaaciyay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi.

Saraakiishan ayaa waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Arrintan ayaa imaneysa xilli laamaha ammaanka ismaamulka Muranga uu qabtay illaa saddex kun oo kiillo oo hilibka Dameerka ah.

“Waxaa gacanta ku soo dhignay illaa 3,000 oo killo oo hilibkaas ah (Dameerka) oo lagu soo qabtay beer ku taalla deegaanka Makuyu,” ayuu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in toban qof oo kale oo laga shakisan yahay ay baxsadeen.

Baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday in inka badan 70 dameer la qalay muddo 3 maalmood gudahood ah, sida uu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi.

Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) โ€“ Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah.

Kulankaan oo ay ka qeyb-galeen hayโ€™adaha gargaarka ee caalamiga ah, ayaa waxa uu ku saabsana xaaladda biyaha kusoo fatahay degmada Gaalkacyo iyo sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay guddigii Wasiirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galeen hayโ€™adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlad-goboleedka Puntland.

Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay qoddob ay kamid yihiin;

1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Karaash ayaa ugu dambeyntiina muujiyey sida dhow ee dowladdu ula socoto xaaladda roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo.

Si kastaba, Maamulka ayaa horey guddi wasiiro ah u diray Gaalkacyo, haddana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta.

Walaaca iyo cabsida dadka ku go’doonsan gudaha Beledweyne oo sii kordhaya

0

Beledweyne (Caasimada Online) โ€“ Waxaa saacadihii lasoo dhaafay kor u sii kacayay heerka biyaha Webiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kororka biyaha Webiga Shabeelle ayaa yimid kadib markii saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da’een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada, oo ay waadiyaasha kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobabka webiga.

Arrintan ayaa imaaneyda, iyada oo rejo badan laga qabay in biyaha Webiga nafis laga dareemo saacadaha soo aadan, hase ahaate waxaa arintaasi meesha ka saaraya roobabka xoogan ee weli ka da’aya gudaha dowlad-deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoosyimaada xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Roobabka weli da’aya ayaa sii kordhinaya walaaca iyo cabsida dadka ku dhex go’doonsan gudaha magaalada Baladweyne, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda.

Fatahaada Beledweyne ku dhufatay horraanta toddobaadkan ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ilaa Siddeed ruux.

Arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac.

Daadadka iyo fatahaadaha is wata ayaa saameeyay in ka badan hal milyan oo qof, halka ay ku barakaceen illa 600 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay xaqiijisay in haatan ay sii korortay dhimashada, ayna gaartay illaa 42 qof oo siyaabo kala duwan ugu kala geeriyooday Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Dowladda ayaa illaa hadda 28 doomood gaarsiisay degmooyinka ugu daran, si shacabka loogu badbaadiyo, maadaama ay ku go’doonsan yihiin meelaha ay ku dhufatatay fatahaadda.

Sidoo kale waxay diyaarado sida gurmad u dirtay deegaanada ay sida weyn u saameeysay arrintaan, kuwaasi oo laga soo warinayo xaaladdo daran.

Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA iyo Israel oo ogolaatay…

0

Gaza (Caasimada Online) โ€“ Shidaalkii ugu horreeyay ee Gaza ku socda tan iyo markii uu billowday dagaalka Israaโ€™iil iyo Xamaas ayaa kasoo tallaabay xudduudda Masar.

Shidaalkan ayaa la sheegay inuu ku socday hay’adaha Qaramada Midoobay, laakiin wax badan oo culeys ah kama dulqaadi doono caqabadaha shidaal la’aanta ah ee heysta dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee Gaza.

Illo bini’aadantinimo ayaa sheegay in Israa’iil ay oggolaatay keenista shidaalkan, kadib markii ay oggolaatay 24,000 litir (6,340 gallon) oo shidaal ah oo loogu tala-galay baabuurta qaybinta gargaarka Qaramada Midoobay, iyada oo aan loo isticmaaleyn isbitaallada.

“Shidaalkan waa 9% oo kaliya shidaalka aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno hawlaha nafta lagu badbaadinayo,” ayuu yiri Tom White, oo ah agaasimaha Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku yiri bartiisa X.

Guddoomiyaha guud ee hay’da caawinta qaxootiga Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa yiri: “Hawl-galkeenna oo dhan hadda wuxuu qarka u saaran yahay inuu istaago.” “Waa wax laga naxo in shidaalka loo sii isticmaalo hub dagaal.”

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shidaal la’aanta matoorrada isbitaallada, bixinta biyaha, qeybinta gargaarka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qaybinta saadka gargaarka ay gacan ka geysatay xaaladaha sii xumaanaya ee 2.3 milyan ee deggan Gaza.

Gargaarka ayaa Masar uga soo gudbayay Gaza ilaa 21-kii Octobar, balse Israaโ€™iil ayaa diiday in shidaal lasoo gudbiyo, iyada oo sheegtay in Xamaas ay u adeegsan karto in lagu huriyo dagaalka ka dhanka ah Israaโ€™iil.

Erdogan oo weerar culus ku qaaday dowladda Israel, doonayana in madaxdooda…

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka.

Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha,” iyadoo aysan “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka.

Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israaโ€™iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa โ€“ iyo mawqifka Turkiga โ€“ in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.

Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin.

“Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil.

“Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah,” ayuu raaciyay Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray: “Marna ugama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.”

REUTERS, VOA

SUDAN oo soo saartay amar deg deg ah oo ka dhan ah QM

0

Khartuum (Caasimada Online) โ€“ Sudan ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay inay “si dhakhso ah u joojiso” howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee dalka ee (UNITAMS), sida ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Cali Sadeq uu u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Dowladda Suudaan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS,” ayuu Sadeq ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, taas oo loo qeybiyay Golaha Ammaanka ee QM.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan jeclaan lahayn in aan idiin xaqiijinno in dowladda Suudaan ay ka go’an tahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso golaha ammaanka iyo xoghaynta.”

Cali Sadeq ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in “ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan uu ahaa in la caawiyo dowladdii ku meel gaarka ah ee Suudaan kadib kacdoonkii Diseembar 2018.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in waxqabadka howlgalka ee fulinta yoolalkiisa uu ahaa mid niyad jab ah.

Mar afhayeenka Guterres Stephane Dujarric wax laga weydiiyay goโ€™aanka Sudan waxa uu sheegay in farriintaasi ay soo gaartay oo loo qeybiyay Golaha Amaanka.

Dagaal ayaa 15-kii bishii April dhex-maray ciidamada Suudaan iyo xoogagga taageerada degdega ah ee RSF, kadib toddobaadyo ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa labada dhinac oo salka ku haysa qorshe la doonayo in lagu mideeyo ciidamada, taasi oo qayb ka ah ka wareejinta xukunka milatariga loona guurayo dimoqraadiyad rayid ah.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Suudaan ayaa bishii Sebtembar ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo, in ka badan saddex bilood kadib markii Suudaan ay ku dhawaaqday in aan lasoo dhawayn kaddib markii ay is afgaran waayeen dhinacyada iska soo horjeeda ee uu dagaalku dhex-maray.

Xulka Soomaaliya oo laga badiyay, laakiin soo bandhigay ciyaar lama filaan ah

0

Algiers (Caasimada Online) โ€“ Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa xalay guuldarro kala kulmay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reerbka Koobka Adduunka ee sannadka 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii xulka Algeria uu 3-1 uga badiyay ciyaar ka dhacday garoonka Nelson Mandela.

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kubbad aysan dad badani ka fileyn, kadib markii ay ka hortagtay waddan ciyaartooydiisu ay ka ciyaaraan horyaallaada Ingiriiska, Talyaaniga, Spain, Faransiika, Sacuudiga iyo dalalka kale ee ku horumaray kubadda cagta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0, hase yeeshee markii ay billaabay qeybtii labaad daqiiqaddii 65-aad ayaa Issa Adim Abatari wuxuu Soomaaliya u dhaliyay gool u muuqday inuu ciyaarta inta ka dhimman dheelli-tiri karo.

Hase ahaatee Algeria ayaa daqiiqaddii 80-aad dhalisay gool u xaqiijiyay saddexda dhibcood.

Group-ka G oo ka kooban lix dal oo kala ah Soomaaliya, Algeria, Uganda, Botswana, Guinea iyo Mozambique ayaa waxaa hadda si wadajir ah u horkacaya Algeria iyo Mozambique oo 3-2 uga soo badisay Botswana.

Yaa qarxiya habeen kasta xarumaha shirkadda Hormuud ee Muqdisho iyo daafaheeda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro ku bilowday xarumaha shirkadda Hormuud ee ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Xiliyada habeenkii ah waxaa qaraxyo lagu weeraraa xarumaha shirkadda Hormuud, qaraxyadii ugu dambeeyey waxaa xalay lagu weeraray xarumihii shirkadda ee deegaanka Garasbaaley.

Ugu yaraan labo xarumood ayaa xalay Hormuud looga qarxiyey deegaanka Garasbaaley, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, balse waxaa ku burburtay hanti badan.

Habeenadii lasoo dhaafay waxaa la qarxiyey xarumo ay shirkaddu ku laheyd Deyniile, Ceelasha-biyaha iyo goobo kale.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xarumihii la qarxiyey aan dib loo furin, sidoo kale lama cadeyn cidda qarxineysa xarumaha shirkadda.

Inkastoo maamulka shirkadda Hormuud aysan ka hadlin weerarrada ku socda, balse xubno ka tirsan shirkadda ayaa noo sheegay in Shabaab ay geystaan qaraxyadaan oo habeen kasta lala eegto xarumaha shirkadda.

Dhankooda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin qaraxyada lagu weeraray dhowr xarumood oo shirkadda Hormuud ay laheyd, lamana yaqaan waxa uu salka ku hayo khilaafka sababay in la beegsado xarumaha Hormuud, xiliyada habeenkii ah.

Al-Shabaab waxaa la sheegay in qaraxyada lala beegsaday xarumaha shirkadda ay u adeegsadeen miinooyin la dhigay banaanka dhismayaasha Hormuud, waxayna beegsadaan xiliyada habeenkii ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray saraakiisha ciidamada iyo arrimaha laga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedaysoย  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xusay intii uu socday kulankaas in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Howlgalkaan waxaa lagu dul-istaagay wadatashiyo ku saabsan sidii deg deg kooxda Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.

Masuuliyiinta ayaa shirkaas ku kala qaatay waajibaad ku saabsan dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhiimadda koowaad ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay fatahaadaha oo sii kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordheysa xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac.

Hay’adda SoMDA oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladdii ugu dambeysay ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Mas’uul sare oo u hadlay SoDAMA ayaa sheegay in daadadka iyo fatahaadaha is wata ay saameeyeen in ka badan hal milyan oo qof, ayna ku barakaceen illa 600 oo kun oo qof.

“Roobabkan iyo fatahaadaha runtii waxa ay gaysteen saameyn aad u xoog badan in ka badan hal milyan oo qof ayuu sameeyay, waxaa ku barakacay illaa 600 oo kun oo qof” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in haatan ay sii korortay dhimashada, ayna gaartay illaa 42 qof oo siyaabo kala duwan ugu kala geeriyooday Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

“Xogta aan heleyno ee ugu dambeysay ee dhimashada waxa ay gaareysaa 42 qof oo u badan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay gurmadka ay waddo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in illaa 28 doomood ay gaarsiiyeen degmooyinka ugu daran, si shacabka loogu badbaadiyo, maadaama ay ku go’doonsan yihiin meelaha ay ku dhufatatay fatahaadda.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, ayada oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamiga ah iyo hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya, waxaanu gaynay illaa 28 doomood oo aanu gaynay 7 degmo oo ka tirsan Jubbaland, qaasatan gobolka Gedo iyo HirShabelle, gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne” ayuu mar kale yiri mas’uulkan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in magaalada Baydhabo iyo deegaano kale oo laga soo wariyay xaalado daran ay u direen diyaarado sida gurmad, si dadka loogu qaybiyo.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu guddoomiyay AADAN MADOOBE? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyeย  ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubnaha guddiga joogtada ah.

Ujeedka kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa ajandihiisa waxa uu ahaa ansixinta iyo mudeynta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka labadiisa aqal.

Ugu horreyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka jeediyay kulanka,ย  isaga oo mid mid u dul istaagay safaradii uu ku tegay dalalka Talyaaniga, Mareykanka iyo safaro gaagaaban oo uu ku bixiyay qeybo ka mid ah gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka la furo ugu dambeyn 25 bishaan Novermber ee 2023-ka, ayada oo uu daahfuri doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedin doono labada gole ee baarlamaanka dalka

“Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmo Sabti 25-November-2023-ka” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa muddooyinkii dambe fasax ku maqnaa, waxaana qaarkood ay aadeen jiidda hore ee dagaalka, si ay u dhiirageliyaan ciidamada, kuwa kalena waxa ay u safreen dalka dibaddiisa.

Si kastaba, kalfadhigan 4-aad ayaa waxaa labada gole u taalla shaqo adag oo ugu muhiisan tahay meel-9marinta shuruucda hortaallo iyo dhammeystirka dastuurka dalka.

Golaha Ammaanka QM oo goโ€™aan cusub kasoo saaray howlgalka ATMIS ee Somalia

0

New York (Caasimada Online) โ€“ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta soo saaray goโ€™aan cusub oo ku socda howlgalka ATMIS ee ka socda gudaha Soomaaliya, kadib shir ku yeesheen magaalada New York, kaas oo lagu ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2710, oo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, una fasaxaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ilaa 17,626 askari ay geeyaan ATMIS ilaa 31-ka December ee sanadkan 2023-ka, kuwaas oo ka qayb qaadan doono wajiga labadaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Golaha ayaa mudd kordhin lix bilood ah u sameeyay Ciidamada Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya, ayada oo la gaarsiiyay illaa 30-ka June ee sanadka soo socda2024.

Sidoo kale qaraarkan ayaa ka codsanayaa dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika in ay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31-ka March, 2024-ka, si loo qiimeeyo wejiga labaad ee dhimista iyo in la ogaado casharrada lagu ogeysiinayo qorsheynta dhimista ATMIS-ka.

Arrintan ayaa waxa aytimid, ayada oo Arbacadii lasoo djaafay ay Golaha ay si wadajir ah u ansixiyeen dhaqdhaqaaqa farsamo ee cunaqabateynta Soomaaliya ilaa kowda December, 2023, si waqti dheeri ah loogu ogolaado wada xaajoodka kordhinta joogtada ah ee tallaabooyinka xaddidan.

Go’aankan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayay in dhammaadka bisha September ee sanadkan ay dalka baxaan illaa 3,000 oo askari oo kamid ah ciidamada ATMIS.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaaย  dowladda federaalka ka codsaday inay bixiso warbixin dheeri ah oo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah.

ATMIS ayaa dhankeeda waxaa lagu booriyay doorkeeda ku aadan nabad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Golaha Ammaanka ee QM ayaa howlgalka Midowga Afrika oo la oran jiray AMISOM u beddashay ATMIS bishii April ee 2022-kii, si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Afrika, loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan wadamada ka baxsan Qaaradda.

Saddex kamid ah xaasaska Al-Shabaab iyo darawalkii waday oo maxkamad lasoo taagay

0

9Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday saddex kamid ah xaasaska Al-Shabaab iyo darawalkii gaariga ku waday, kuwaas oo horay loogu soo qabtay howlgal ay NISA ka fulisay degmada Warsheekh ee Shabeelaha Dhexe , iyaga oo ku sii jeeday dhanka Al-Shabaab.

Saddexda haween ee kasoo muuqday Maxkamadda ayaa kala ah Sucdi Cabdi Cilmi, Maryan Cali Isaaq iyo Saynab Axmed Cismaan, halka eedeysanaha afaraad isna lagu magacaabo Muxudiin Salaad Cabdulle.

Gabdhahaan saddexda ayaa kala yimid gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay kusii jeedeen dhanka deegaanka Jowle oo hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay joogaan Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inay isugu yimaadeenm Tabeelaha Sheekh Ibraahim kadibna halkaasi gaari looga qaaday, balse ay ogaatay NISA oo gacanta kusoo dhigtay.

Saddexda gabdhood marka laga soo tago inay yihiin xaasaska Al-Shabaab, waxaa ay xeer ilaalintu ku eedeysay inay la shaqeynayeen kooxda, ayna siin jireen macluumaadka.

Mid kamid gabdhahan oo ka hor hadleysay Maxkamadda ayaa ku doodday “Ninkeyga ayaa Shabaab ah aniga Shabaab ma ihi”.

Sidoo kale eedeysane Muxudiin Salaad Cabdulle ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda u ahaa safriye, uuna gabadhaha mid kasta ka qaatay lacag 60 dollar ah oo ay usoo direen Shabaab, waxaa sidoo kale loo haystaa inuu hoy iyo gabaad uu siin jiray xubnaha kooxda.

“Mid kasta oo kamid saddexda dumarka ah wuxuu ka qaatay lacag dhan 60 dollar, waxaana usoo diray mid kamid ah gabdhaha saddexda ah ragga qaba oo dhagar qabayaasha kamid ah oo jabhad ah oo duurkana ku jira” ayuu yiri baaraha kiiskan oo Maxkamadda ka hadlay.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdibaasid Maxamed Yuusuf (Madaale) oo goobta ka hadlay ayaa maxkamadda ka codsaday in afarta eedeysane ay ku xukunto qodobada ay kusoo eedeeyeen ayada oo loo fiirinayo daruufaha dambiga cusleeya.

“Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in eedeysanayaasha maxkamadda hortooda jooga in ay ku xukunto qodobada uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud soo saaray, sidoo kalena loo fiiriyo daruufaha dambiga cusleeya” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyada guud ee ciidamada.

Dhankiisa mid kamid ah qareenada eedeysanayaasha oo goobta ka hadlay ayaa dafiray eedaha loo soo jeediyay, wuxuuna ka codsaday Maxkamadda inay sii deyso gabdhaha.

“Lama hayo wax tusinayo in dadkaan ay Shabaab yihiin, maadaama qiraal uusan jirin waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in gabdhahaas ay xornimadooda siiso” ayuu yiri qareenka u doodaya xaasaska Shabaab ee la horgeeyay Maxkamadda Ciidanka.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo shaaciyay in Maxkamaddu ay dib ka shaacin doonto go’aanka ku aadan xukunka.

Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay Shabeelaha Hoose + khasaaraha

0

Afooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay ka dhacdaY Tuulada Haawaay oo ka tirsan gobolkaasi.

Duqeyntan oo ahayd bartilmaameed ayaa waxaa lagu bartilmaameesaday saraakiil ka tirsan kooxda oo xilligaas ku sugnaa deegaanka la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha la duqeeyay ay u badnaayeen kuwa jabhadaha u qaabilsan Al-Shabaab, waxaana kamid ah sarkaal magaciisa lagu soo koobay Mucaad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in duqeyntaas uu khasaare kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda iyo dowladda federaalka oo ku aadan weerarka cirka ah ee ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Tuulada Haawaay oo ay fariisimo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed iyo howlgallo ay fuliyaan ciidamada Xoogga dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaama laga saaray dhul aad u ballaaran

Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amnigaย  iyo howlgallada socda.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana soo qaban qaabiyay taliska ciidmada Asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan goobjoog ahaaย taliyaha ciidamada Xoogga, Ibraahim Sheekh Muxyidiin , taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin iyo taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha ciidanka Asluubta oo kulankan isagu qabtay ayaa sharraxay ujeedka ay isugu yimaadeen, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa wadatashi iyo is xog wareysi guud.

“Xafladdaan waxa ay ku saabsaneyd inay madaxdu is aragto, ciidamada hadba heerka ay marayaan si ay ula socdaan oo la’isku ogaado,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kulankan uga mahadceliyay taliyaha Asluubta, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la badiyo kulamada noocaan oo kale ah.

“Waxaan leenahay taliyaha ciidanka Asluubta aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa, waxaan leenahay habeen walba hanoo sameeyo waan imaaneynaa” ayuu yiri taliyuhu.

Dhankiisa taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ciidanka Asluubta ugu amaanay shaqada ay hayaan, maadaama xabsiyada ku hayaan Shabaab badan.

“Ciidanka Asluubta waa ciidan dul-qaad badan oo nimanka aad ogtihiin waxaan isku hayno oo isku ceersanayno waddooyinka iyo duurka ayaa iyaga oo nool nool aad meeshaan ku hayaan oo ay subax walbo arkayaan” ayuu yiri Taliye Sulub Axmed Firin.

Waxaa kale oo sii raaciyay “Waxaan rajeynayaa in ciidankan uu noqdo ciidan hela xuquuqda uu ku leeyahay qaranka iyo ixtiraam gooni ah”.

Maxkamadeynta Koofi, Cabdul, Saabey iyo mas’uuliyiin kale oo ka bilaabatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Novermber guda gashay kiiska dacwad musuq ah oo loo haysto 14 mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo badankood ah maqanayaal.

13 kamid ah mas’uuliyiintan ayaa ‘u baxsaday’ dalka dibaddiisa, halka eedeysanaha 14-aad oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cali uu goobjoog yahay dhageysiga dacwaddan.

Mas’uuliyiintan ayaa kala ah:- 1-Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, 2-Cabdulqaadir Cali Cilmi (Cabdul) oo labaduba ahaa agaasimeyaashii hore ee hay’adda socdaalka Jinsiyadda, 3-Cismaan Xasan Cosoble oo isna ahaa ku xigeenkii hore ee agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka, 4-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda, 5-Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ahaa agaasimihii hore ee maamulka iyo maaliyadda hay’adda socdaalkaย 6-Cabdiraxmaan Macxaed Cali (Caadle) agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta hay’adda socdaalkaย 7-Abuukar Xasan Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska qaadasha Visada iyo hubinta Visaha ee waaxda ajaaniibta ee hayโ€™adda socdaalka 8-Maxamed Xuseen Nageeye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa qaybta qaadashada Viso kordhinta ee hayโ€™adda socdaalka 9– Abshir Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska diiwaangelinta iyo hubinta lacagta ee hayโ€™adda socdaalka, 10-Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa agaasimhii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, 11-Maxamed Idiris Axmed oo ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyadda, 12-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo ahaa qasniga qaybta dakhliga ajaaniibta laanta bangiga dhexe ee garoonka Aadan Cadde,ย  13-Maxamed Ibraahim Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda ajaaniibta ee hayโ€™adda socdaalka iyo 14– Cabdalle Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Dhammaan mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa xatooyo xoolo dadweyne, gaar ahaan lunsashada malaayiin dollar oo ay kusoo eedeysan xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Dabbaan oo furay Maxkamadeyntaan ayaa sharraxay qaabka loo wajahayo Maxkamadeynta, maadaama raggan ay yihiin maqanayaal

“Si waafaqsan heerka wax ka bedalka ciqaabta Soomaaliyeed maxkamaddu marka ay eedda u akhriso eedeysanayaasha maqanaha ah u diiwaan-gelin doontaa inay ku jawaabeen saddexda jawaabood mid kamid ah oo ah inayna gelin, iyada oo maxkamaddu wakiil ka tahay dadkaasi maqanayaasha ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka.

Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u xukuntay saraakiil dowladeed oo iyana loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo qaarkood lagu riday xabsiyo sanado ah, halka kuwa kalena ay sii deysay, balse waxaa rafcaan ka qaadatay xeer ilaalinta, iyada oo mar kale mas’uuliyiinta lasii daayay ay hadda kiiskooda la wareegtay Maxkamadda Racfaanka.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay masโ€™uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku dagaalamay duleedka Gaarisa + Khasaaaraha

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga, kaas oo ku billowday qarax, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubnaha kooxda Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaanada Dhadhaab iyo Xagardheer, waxaana xigay dagaal dhex-maray labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ahaa mid kooban, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Kenya.

Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa iyadu sheegtay inay dagaalkaasi ku gubtay gaari ay leeyihiin ciidamada Kenya, balse ma shaacin khasaare kale.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.

Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

DF oo saartay digniin ku aadan todobada cisho ee soo socota – Maxaa dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin ka bixisay roobab la filayo in todobada cisho ee soo socota ay ka da’aan gudaha Soomaaliya.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in roobabka la saadaalinayo ay ka di’i doonaan dhammaan gobollada dalka, isla-markaana ay ku kala duwanaan doonaan xaddiga roobka.

Meelaha ugu badan ee lasoo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka gobollada Gedo iyo Awdal oo la filayo inayย  ka da’aan roobab xaddigeedu aad u sarreeyo.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dadka shacabka ah inay muujiyaan feejigaan, isla markaana ay qaataan digniinaha loo dirayo, si looga fogaado waxyeelo ka dhalataa daadadkaasi.

Halkan hoose ka akhriso: Warsaxaafadeedka:-

โžค Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuuca Sedexaad ee bisha November 2023ka waxay saadaashuย  roobka xiliga Deryta muujinaysaa in roobab fiican ay ka diโ€™i doonaan Dhamaan gobollada dalka waxayna ku kala duwanaan-doonaan xadiga roobabka ay helayaan sida saadaashu sheegayso roobabkaas cabirkoodu waxuu u dhaxeeyo ๐Ÿฏ๐Ÿฌ ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฌ (๐—บ๐—บ).

โžค Degmooyinka gobolada Gedo iyo Awdal waa meelaha ugu badan oo la filayo in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya ๐Ÿญ๐Ÿฑ๐Ÿฌ-๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฌ ๐—บ๐—บ, Sidookale degmooyin ka mid ah Gobalada ๐—•๐—ฎ๐˜†, ๐—•๐—ฎ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—น, ๐—›๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป, ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—น, ๐—ก๐˜‚๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น, ๐—ช๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ, ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด,ย  ๐—š๐—ฎ๐—น๐—ด๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ, ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜…๐—ฒ, ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ, ๐—๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ, ๐—๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐——๐—ต๐—ฎ๐˜…๐—ฒ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ka daโ€™aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo

๐Ÿฏ๐Ÿฌ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐Ÿด๐Ÿฌ ๐—บ๐—บ

โžค Degmooyin ka mid ah gobalada aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Gobalka ๐—š๐—ฒ๐—ฑ๐—ผ, ๐—”๐˜„๐—ฑ๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐˜† waxay saadaashu sheegaysaa in roobabkaas ay sababi karaan ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ iyo ๐—ณ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ

(๐—™๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ฑ & ๐—™๐—น๐—ฎ๐˜€๐—ต ๐—ณ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐˜€).

โžค Waxaa sare u sii kacaya heerka biyaha wabiyada Juba iyo shabeele taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka daโ€™aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia taasoo macnaheedu tahay ๐—ถ๐—ป ๐—ณ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ถ๐—ถ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ผ๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ผ.

๐—™๐—š: Hadii roobabka la filyo todobaadkaan ay u daโ€™aan sida saadaashu sheegeeyso, waxay geeysan karaan khasaare iskugu jira naf iyo maalba.

๐—›๐—ฎโ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” oo Horay u soo saartay ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€-๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ Saadaasha Roobab ma hiigaan ah oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaado, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay Digniino si loogu feejignaado saameynta roobku ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Forcasting Tempalate Week 1aad June 20 – 27 2023

Xasan Sheekh oo heshiis 16 qodob ah lasoo galay Burundi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalkaas.

Hoos ka akhriso heshiiska Soomaaliya iyo Burundi.

1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddaย  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.

ย  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo masโ€™uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.

4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxaynaย  adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faaโ€™iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.

11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga goโ€™an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)

12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka.

13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan.ย  Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.

Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.

14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.

15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.

16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.

Abiy Axmed oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ku dooneyso dhul badeed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed, kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay, loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan.

Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan.

“Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay.

“Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada.

“Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabad-galyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, ha inoo sheegaan waan qaadanaynaa waana iska deynaynaa arrintaa badda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray, “Annagu waxaanu leenahay aynu wada-hadalno, wada-hadal ayaanu wax ku rabnaa. 2030-ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa illaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaasi oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan.”

Inkasta oo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, haddana Abiy Axmed ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda, ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan.

Si kastaba, Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.