26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dacwadii loo haystay mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda socdaalka oo laga laabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqday in gebi ahaanba laga laabtay dacwadii loo haystay Cabdixakiin Cabdullaahi Cabdi (Jiille) oo ahaa La-taliyaha agaasimihii guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Qaraarka ay soo saartay maxkamadda ee ay ku joojisay eeddii loo heystay La-taliye Jiille ayaa loo cuskaday warqad uu soo saaray xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taasi oo u jeedadeedu aheyd eed kala noqosho.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir markuu arkay qoddobka 112 XHCS oo u ogolaanaaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud in uu eeda ka laaban karo Maxkamadda ay ku waafaqday,” ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu iyada oo cuskanaysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku-meel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod: 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedkii loo haystay eedaysanaha sare ku xusan.”

Go’aankan ayaa waxa uu si rasmi ah dhaqan-gal u noqday maalintii shalay oo taariikhduna aheyd 19-kii November 2023.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa horay saraakiil dowladeed ugu soo eedeeyay musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood ay maxkamadda gobolka sii daysay kadib muddo ay socotay maxkamadeyntooda, halka kuwa kale dhageysiga kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan maalmo ka hor ka furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah.

Maxkamadeynta saraakiisha loo haysto musuqa ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda ay wado qorshaha la-dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka.

Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News.

Hoggaamiye sanadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abi wuxuu gurtay miraha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal.

Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay shatiga shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah.

Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xiri doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xiray oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo.

Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama soo bixin arrintan.

Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sanad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda.

Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo un.

Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaaray wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa.

Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sano ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo.

Xog: Maxaa kasoo kordhay xaalada magaalada Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Garoowe oo ay weli ku wadan sugan yihiin ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa innoo sheegay in maanta ay dareemayaa jawi deganaashaha marka loo eego shalay oo ay ciidamo badan soo galeen caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan billowday dadaallo dhex-dhexeedin ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka.

Wararla ayaa intaasi kusii daraya in maanta la filayo in magaalada Garoowe ay gaaraan odayaal dhaqameed iyana ka socda gobolka Sool iyo deegaanno kale.

Xiisada Garoowe ayaa sii shalay sii laba qarxday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, taas oo ay digniin ka bxiyeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhanka kale waxaa saaka dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe.

Kulanka baarlamaanka oo uu qorshuhu ahaa  in looga doodo xeer doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomnka golaha oo farriin wargelin ah u diray xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Farmaajo oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimo bani’aadanimada ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isagoo sheegay in culays uu ka jiro gobollada.

“Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay is abaabulaan, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, isaga oo tacsi u diray dadka shacabka ah ee lasoo wariyay inay ku geeriyoodeen daadadka ku dhuftay dalka.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay hoggaansamaan talooyinka kasoo baxay hay’adaha dowladda ee ku aadan roobabka iyo fatahaadaha ka jira gudaha waddanka.

“Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah” ayuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynihii hore.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo saameyn ku yeelatay kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sawirro: Xamza oo gaaray Doolow iyo ‘wuxuu kusoo arkay’

0

Doolow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa u daarna kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka, oo ay iyana ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u daran.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada oo lasoo taagay nin qarax ku dilay hooyo iyo caruurteeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimada, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle oo maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ninka  halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

“Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay kooxda, taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha taas oo la sheegay ina la shaqayneysay eedeysanaha.

Xeer ilaalinta ayaa  Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.

Xuutiyiinta oo afduubtay markab laga leeyahay Israel

Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Axaddii sheegay inay Badda Cas ku qabsadeen Markab laga leeyahay Israel, sheegashadaas oo ay durba beenisay Israel.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree ayaa bayaan lasoo dhigay barta X ku sheegay in fallaagada “ay qasbadeen Markab laga leeyahay Israel, una kaxaysteen xeebta Yemen.”

Militariga Xuutiyiinta “waxay sii wadi doonaan inay fuliyaan howlgallo militari oo ka dhan ah cadowga Israel, illaa inta ay ka joogsanayaan gardarrooyinka ka dhanka ah Gaza iyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” ayuu yiri Saree.

Militariga Israel ayaa beeniyey inay markabka la afduubtay, oo lagu magacaabo Galaxy Leader laga leeyahay Israel.

Bayaan ay ciidamada Israel soo dhigeen barta X ayaa lagu yiri “Afduubka ay Xuutiyiinta ugu gaysteen Markab xamuul meel u dhow Badda Cas ee Yemen waa dhacdo weyn oo leh cawaaqib caalami ah.”

“Markabku waxa uu ka ambabaxay dalka Turkey, isagoo ku sii jeeday India, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo jinsiyado kala duwan kasoo jeeda, balse kuma jiraan Israa’iiliyiin.”

“Ma ahan Markab Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale beeniyey in markabka laga leeyahay Israel, laakiin wuxuu cambaareeyay, “Weerarka Iran ee ka dhanka ah markab caalami ah.”

“Markabka oo ay leedahay shirkad Ingiriis ah, ayna maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan, ayaa waxa afduubtay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay hagayso Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Markabka waxaa saaran 25 shaqaale oo u kala dhashay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Ukraine, Bulgaria, Philippine iyo Mexico.”

Si kastaba, faahfaahinta xogta lahaanshaha maraakiibta ayaa milkiyadda markabka la xiriirineysa shirkadda Ray Car Carriers, oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israel.

Ungar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu ka war hayo dhacdadan balse uusan bixin karin wax faallo ah, isaga oo sugaya faah-faahin.

Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan. Warbaahinta Israel ayaa ku eedaysay Iran xilligaas.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka dagay London + Ujeedka

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirweynahaas uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka jira.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdikadir Cali Dige oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay in shirka kadib uu madaxda Ingiriiska kala hadli doono arrimo ay ka mid ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa ee Ingiriiska, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha ayaa waxa uu kala hadli doonaa waxyaabaha muhiimka u ah DFS, oo ay ugu horreeyaan dagaalka Soomaaliya looga ciribtirayo Khawaarijta iyo Argagixisada gobolka” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu UK ka dalban doono in ay Soomaaliya ka taageerto qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kulamadaas kadib uu madaxweynaha la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Lodon, isaga oo warbixin kasiin doono xaaladda dalka.

Xog: Kulankii baarlamanka Puntland ee oo la baajiyey xilli xiisad dagaal ay kacsan tahay

Garoowe (Caasimada Online) – Fadhiggii Baarlamanka Puntland ee maanta Isniin ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay fadhigga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in xaalado amni dartood fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista toddobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka arrimaha doorashooyinka 2024.

Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xaaladda magaalada Garoowe ayaa aad u kacsan kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo, islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha waxbarashada ay weli xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

Sawirro: Maamulka deegaan ka tirsan Jubaland oo go’aan culus ka gaaray shabaqa…

0

Joore (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland Maxamed Fanax ayaa mamnuucay shabaq ay isticmaali jireen kalluumaysatada deegaankaas.

Shabaqaan oo ah mid ka sameysan caag ama fiilo Ceengari ah (Nylon Silk Nets), ayaa laga isticmaalaa guud ahaan xeebaha Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in shabaqaan uu dhibaato xooggan ku reebay kulluumeysiga xeebaha dalka.

Shabaqaan ayaa inta badan ku dhex iga’ badda, markii uu ku soo dhaco kalluunkii lagu dabaayey.

Taasi waxay kaliftaa in kulluun badan uu ku baqtiyo gudaha badda, maadaama uu u go’ayo shabaqaan ka sameysan cinjirka.

Markii laga soo tago kalluunka la dabanayo waxaa la sheegay in shabaqaan uu aad u dhibaateeyo noolayaasha kale ee badda.

Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii  badda, kadib markii uu batay isticmaalka shabaqaan oo sanadihii u danbeeyay aad ugu batay badda Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la aaminsan yahay inay horseed u noqon doonto in wax soo saarka badda ee deegaanadaas ay wax badan iska beddeli doonaan.

Maamulka deegaankaas ayaa baahiyey sawirrada shabaqyadii laga aruuriyay kalluumeysatada xeebaha Joore, kuwaas oo hal meel la isugu geeyey.

Dad badan oo lagu dilay gobol ay isku hayaan Sudan iyo K/Sudan

0

Abyei (Caasimada Online) – Weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee ay kala sheeganayaan Suudaan iyo Koonfur Suudaan ayaa waxaa ku dhintay 32 qof.

Dadka ku dhintay weeraradan ayaa waxaa ku jira askari nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Wakiilka dowladda ee gobolka Abyei, oo ah dhul qani ku ah saliidda oo lagu muransan yahay kuna yaalla soohdinta labada dal, ayaa cambaareeyay weerarradii aroornimadii Axadda ka dhacay laba gobol oo ay geysteen maleeshiyaad hubaysan iyo askar xirnaa darayska ciidanka qaranka Koonfur Suudaan.

Bulis Koch Aguar Ajith, oo ah wasiirka warfaafinta ee Abyei, ahna afhayeenka Koonfurta Sudan ee gobolka, ayaa bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Axadii ku sheegay in weerraradani ay ku dhinteen 32 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 qof.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay askari ka tirsan ciidamada UNISFA ee howlgalka nabad ilaalinta QM halkaasi u jooga, uuna askari kale ku dhaawacmay laakin waxa uusan bixin faahfaahin intaasi ka badan.

Koonfurta Suudaan ayaa ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo weerarradaasi.

Abyei oo ku taalla aag u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfur Suudaan, ayaa ahayd meel ay labada dal isku hayaan tan iyo markii ay Koonfurta Suudaan xornimada qaadatay 2011-kii.

Xog: R/W Xamza oo ku wajahan GEDO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland  oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku horumari doono degmada Doolow oo kamid ah meelaha ugu daran ee ku dhufteen fatahaadaha ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, halkaas oo ay booqan doonaan madaxda dowladdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Maxaa ka jira in Lii Caato Muqdisho lagu afduubtay? Booliska oo war culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Liibaan Aadan Cali (Lii Caato) oo galabta la sheegay in laga afduubtay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in afduubka la sheegay in loo geystay Lii Caato aysan waxaba ka jirin, isla markaana uu dhacay is fahmi waa yar.

Wuxuu sheegay in booliska iyo guud ahaan hey’adaha amniga ee gobolka Banaadir ay soo qabtay gaari Cabdibile ah iyo gaari Baraado ah oo loo maleeyey inay Liibaan afduubteen.

Afhayeenka booliska ayaa xaqiijiyey in kiiskaas uusan aheyn afduub, balse uu dhacay is fahmi waa sababay inay qalqal dareemaan xubno ka mid ah qoyska uu ka dhashay Lii Caato.

Sidoo kale Lii Caato oo garab taagnaa afhayeenka booliska ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna ka sheekeeyey sidii ay wax u dhaceen.

Lii ayaa sheegay in taleefankiisa oo ka densan uu galabta magaalada ka dhex raacay Mooto, isagoo aaday xaafadiisa, halkaas oo saaxiibadiis uu kula balansanaa.

Wuxuu sheegay in walaashiis uu ka wacday taleefankii darawalka watay Bajaaj-ta, balse ay u sheegtay in aysan joogin guriga, intaas kadib wuxuu sheegay in darawalka uu u qoray lambarkiisa densan, si markii uu taleefanka daarto uu ugu soo diro lacagta Mootada.

Intaas kadib wuxuu sheegay inay imaadeen labadii gaari ee uu sugayey, isla markaana uu raacay, balse darawalkii keenay ee Mootada uu mooday in la afduubtay – wiilkaan ayaa ah YouTuber caan ah.

Darawalkii Mootada ayaa mar kale wacay gabadhii uu Lii Caato ka wacday taleefankiisa, wuxuuna ku wargeliyey in la afduubtay, intaas kadibna waxaa la waayey taleefanka Lii, maadaama uu ka densanaa.

Ehelka Lii Caato ayaa deg deg u wacay Booliska, waxaana la fuliyey howlgallo lagu soo qabtay Lii Caato iyo raggii watay gaadiidkii uu raacay ee loo maleeyey inay afduubteen.

Dad badan ayaa weli u heysta in kiiskaan uu yahay Prank fashilmay, waxaana aad uga carooday laamaha amniga, maadaama uu faafay war sheegaya in la afduubtay Lii Caato, balse ay beenowday.

 

Naadiya, gabadhii lagu doortay Mareykanka ee qabiilkeeda muranka la geliyey oo hal arrin xaqiijisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu qabtay xaflad weyn oo lagu taageeray doorashada Naadiya Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha magaalo ka tirsan dalka Mareykanka.

Xafladda waxaa isugu yimid xildhibaano u badan beelaha Habargidir oo Naadiya ay ka dhalatay, waxaana xafladda lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in qabiilka Naadiya uu muran ka taagan yahay.

Xildhibaanadii ka hadlay xafladda, sida Cabdiraxmaan Odawaa iyo Qaali Shire ayaa sheegay in Naadiya ay tahay gabar ka dhalatay beesha Saleebaan ee Habargidir, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomalaiyeed ayaa soo camiray xafladaan loogu hambalyeeyey Naadiya.

Sidoo kale Naadiya ayaa si online ah uga soo qeyb gashay xafladda caawa lagu qabtay Muqdisho, waxayna aad uga mahadcelisay sida loogu farxay, loona soo dhaweeyey doorashadeedii.

Naadiya ayaa sheegtay in gabar hadii wax la baro ay noqoneyso sideeda oo kale mid guuleysata, iyadoo soo qaadatay maah-maah Soomaaliyeed oo tiraa “Gabar wax baratay waa qoys wax bartay.”

Naadiya ayaa soo hadal qaaday wararka la xiriira is qabqabsida qabiilkeeda oo sida ay sheegtay ay kala socotay barta Tiktok-ga iyo Websiteka BBC.

“Dadka ku wareersan qabiilka aan ahay waxaan rabaa inaan caawa u jawaabo, walaalayaal waxaan ahay waxa idinku aad tihiin oo ah muwaadin Soomaaliyeed, halkaas uga hara warka,” ayey tiri Naadiya.

Gabadhaan ayaa u mahadcelisay dadka u qabtay xafladaan taageerada ah, waxay sheegtay inay jeclaan laheyd inay ka soo qeyb gasho xafladda, balse aysan u suurtagelin oo ay ka cudur daaraneyso.

Ugu dambeyntii Naadiya waxay dardaaran u soo dirtay dadka Soomaaliyeed, waxay ka codsatay in dalkooda ay dhistaan oo nabadda ka shaqeeyaan, iyadoo sheegtay inay jeceshahay in mar un ay ku soo laabato dalkeeda hooyo.

Hoos ka daawo

Dab mar kale ka kacay suuqa Xamarweyne iyo sababta dhalisay oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab kale oo la demi waayey ayaa maanta gelinkii dambe ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, kaas oo dadka ku howlan demintiisa ay ilaa hadda ku sugan yihiin gudaha suuqa.

Dabkaan ayaa la ogaaday inuu ka dhashay haraadiga dabkii habeen hore burburiyey suuqaas, kaas oo hanti tiray dad badan oo ganacsi kumanaan dollar ku fadhiya ku lahaa suuqa Xamarweyne.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo maqribkii warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa ayaa sheegay inay ku howlan yihiin deminta dabka oo mar kale qabsaday dhismayaasha suuqa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in dabkaasi uu dhashay dabkii hore oo labo maalmood iyo habeen lagu howlanaa demintiisa, isla markaana burburiyey carwooyinkii iyo guud ahaan goobihii ganacsi ee ku yaallay suuqaas.

Sarkaal ka tirsan booliska oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa gubanaya ee Xamarweyne ayaa sheegay inay toos u shaqeynayeen labo maalmood iyo labo habeyn, isla markaana aan weli lagu guuleysan in dabka la baqtiiyo.

Dad badan ayaa ku hanti beelay suuqa gubtay ee Xamarweyne, kuwaas oo carwooyin iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa suuqa.

Ilaa hadda lama ogaan wixii dhaliyey dabkaas, sidoo kale ilaa hadda toos looguma guuleysan in la demiyo dabkaas.

Habeenkii Jimcaha ee Sabtigu soo gelaayey ayuu suuqa ka kacay dabkaasi, wuxuuna soo gaaray caawa oo Isniin ay soo geleyso, taas oo ka dhigan in labo maalmood iyo labo habeen uu suuqu gubanayo.

Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkadaha dalka, sida Hormuud ayaa awoodooda isugu geeyey sidii dabkaas loo demin lahaa, balse weli toos looguma guuleysan in dabka la baqtiijiyo.

Sidoo kale weli lama tiro koobin hantida ku gubatay suuqa, balse dadka ku hanti beelay oo qaarkood ay warbaahinta la hadleen ayaa sheegay inay ku ceyrtoobeen dabkaas, iyadoo qaarkood ay cadeeyeen inuu dabku dhaafiyey kumanaan doollar.

Sawirro: Muxuu Wasiir Beenabeene kala hadlay Agaasimaha USAID?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-beene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones.

Kulankaan ayaa waxaa saldhig u ahaa xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara.

Sidoo kale waxay isla qaateen in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xilliga dayn cafinta iyo in hay’adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda.

Wasiir Beene-Beene ayaa uga dambeyntiina uga mahad-celiyay hay’adda USAID taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay USAID ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada deg-degga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka kooxda Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada.

CC Shakuur oo si weyn u duray arrin uu madaxweyne Xasan ku dhagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa duray arrin uu muddooyinkii dambe si weyn ugu dhaganaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, oo uu meel-marintiisa ku howlan yahay madaxweyne Xasan Sheekh hore loo soo tijaabiyay, looguna fashilmay.

Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada wuxuu ugu adkeystay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga hadlay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo nidaamkoodii, waxaana muuqata in arrintaan ay si weyn ugu aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ergeygiisu.

“Hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo duraya aragtida uu weli ku dhagan yahay madaxweynaha ee ah nidaamka Madaxweyne iyo Ku-xigeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray.

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta.

2- Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey.

3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay.

Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay.

Soomaali waxay ku maahmaadaa

“Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon”

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo muuqdo isagoo gacan shakaalan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya ayaa saxaafada ka soo muuqday isagoo gacanta bidix u shakaalan tahay, kadib markii uu ka soo baxay qaliin kooban oo garabka ah.

Dalalka Sacuudiga iyo Burundi ayuu ku tegay laba safar oo shaqo, iyada oo madaxweynaha gacanta u duuban tahay.

Dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay inay arkeen madaxweynahoodii oo gacan shakaalan, balse aanay taasi ka reebin inuu u adeego dalkiisa.

Marka aad madax u tahay dal sabool ah oo ay colaad sokeeye iyo argagixiso iskugu darsoontay ma leedahay waqti aad ku nasato oo aad ku raadiso caafimaadka ugu sarreeya, dabcan jawaabtu waa Maya.

Inkasta oo aanay muwaadiniinta u riyaaqeyn inay xanuun ku arkaan madaxweynaha, haddana dhinaca kale dadka waxay leeyihiin Xasan Sheekh wuxuu muujinaya naf hurnimo hoggaamineed.

Madax badan ayaa caalamka soo maray oo ay u diiwaan-gashan tahay inay dalalkooda u khidmeeyeen iyaga oo kuraas lagu riixayo, qaar ay kasoo baxeen qaliino wadnaha ah ama ay ku jireen xaaladdo adag oo caafimaad.

Ujeedku waa inuu qofka xaqiijiyo hadafka la doortay iyo inuu guto masuuliyadda loo igmaday muddadaasi cayiman. Dadweynaha taas ayaa muhiim u ah.

Madaxweynaha 68 jirka ah ee Soomaaliya ayaa muddo saddex billood ku dhow wuxuu u dhaxeeyay gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si uu u xaqiijiyo inuu ka adkaado argagixisada Soomaaliya gaarsiisay halkii ugu xumeyd abid.

Qofka madaxda u ah Soomaaliya oo laga wada dharagsan yahay, halka ay joogto maanta iyo sida dowladaha adduunka weli u diidan yihiin in wax badan oo wanaag ah ku biiriyaan, waa ku qasban yahay inuu xaalad walba dhexda xirto oo uu daruuf walba qaato si uu dalkiisa meel u gaarsiiyo, ayey leeyihiin dadka aaminsan inuu madaxweynaha u adeegayo dalka halkii ugu sarreeyay itaalkiisa.

Xasan Sheekh in uusan aqbalin inuu seexdo illaa uu kasoo kabto ayaa dad badan u arkaan inay tusineyso laxow-jeclo, masuuliyada iyo hoggaamiye aan rabin inuu dalkiisa ka dayaco wax fursad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu argagixisada ka adkaado, taasi oo u baahan dhaqaale iyo garab caalami ah. Waxaa sugeysa inuu deyn cafinta dhameystiro iyo inuu dalkiisa ku hoggaamiyo inuu isku filnaado.

Amuurahaas marka la isku geeyo, muwaadiniinta waxaa muhiim u ah in aan waqti laga lumin dalka iyo dadka oo loo shaqeeyo si adag oo joogta ah. Indheer-garadkuna muhiim uma arkaan inay ka hadlaan dheeha iyo dharka madaxweynaha.

Dooddu waa inay ahaata sida lagu xaqiijin karo hadafyada waaweyn ee horyaalla dowladda iyo halka ay gaari karto Soomaaliya sanadaha soo aadan.

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

Sawirro: Lafta-gareen iyo wasiir Jaamac oo gaaray DIINSOOR + Ujeedka

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.