27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xogta howl-gallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay xalay ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howl-gala (Polizia militare) ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howl-galladan ayaa waxay ciidamada xasillinita si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka caasimada, wuxuuna ujeedkiisu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa intii socday howl-galkaan waxay baaritaano guri gur ah ka sameeyeen xaafadaha deegaanka Ceelasha biyaha, si looga hortago khatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-Shabaab, oo dowlada dagaal adag kula jirto.

Sidoo kale, ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyay gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Howl-galladan ayaa daba socda kuwa maalmihii dambe ay ciidamada xasillinta caasimadda ay ka sameynayeen qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, si looga hortagto khatar amni oo ka timaada kooxaha argagixisada.

Si kastaba, howl-galladan ayaa imanaya maalmo kadib markii ra’iisul wasaaraha uu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xerada ciidamada xasillinta caasimadda ee ku taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimadda.

Maxay Qaramada Midoobay ka tiri sheegashada DF ee ah in Shabaab laga dilay 3,000?

0

New York (Caasimada Online) – Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen markii ugu horreysay uga hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta tirada Al-Shabaab laga dilay tan iyo markii la billaabay duulaanka ka dhanka ah bartamihii sanadkii tegay. 

Guddiga ayaa sheegay inaan la xaqiijin karin sheegashada dowladda ee ah in khasaaraha Shabaabka gaaray uu dhan yahay 6,000 oo maleeshiyo. 

“Iyadoo kooxda ay la kulantay cadaadis cusub oo kaga imanaya duulaanka ay hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, guddiga waa awoodi waayeen inay xaqiijiyaan sheegashada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sameysay 25-kii March 2023, ee ahaa in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen in ka badan 6,000 oo khasaare ah, oo ay ku jiraan dhimashada 3,000 oo dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warbixin guddiga u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM. 

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu dhow ee ku wajahan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. 

“Intii lagu guda jiray muddada warbixinta, ma jirin hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda kooxdu u leedahay in ay weeraro joogto ah fuliso Soomaaliya,” ayey tiri warbixinta guddiga. 

Guddiga ayaa intaas ku daray in inkasta oo Al-Shabaab lagu qaaday weeraro culus, haddana kooxda ay awood u yeelatay inay ka faa’iidaysato nidaam xumida ciidamada dowladda, ku dhex milantay shacabka ayaga oo sameynaya dib ugurasho xeeladeysan, kadibna fuliyeen weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan.

“Arrimahan ayaa soo jeedinaya in Al-Shabaab ay weli tahay mid adkeysi leh, la qabsan karta xaaladaha oo dhimasho badan gaysaneysa,” ayaa lagu yiri warbixinta. 

Inkasta oo laga soo riixay meelo badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, kooxda ayaa ku guuleysatay inay kordhiso xawliga howl-galladeeda, oo ay ku jiraan weeraro culus sida weerarkii cuslaa ee bishii May 2023 lagu qaaday saldhigga ATMIS ee deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga. 

Xasan Sheekh ma ku deg-degay tallaabada cusub ee uu u qaaday dhanka Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay cilaaqaadka kala dhaxeeya waddanka Eritrea. Muqdisho ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka heshay Asmara, si gaar ah tababar siinta ciidamada, wallow ay dalal kale bixinayeen kharashaadka tababarada.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa billowday cilaaqaadkan, iyada oo la xasuusto dalalka Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea ay gaareen heshiis saddex geesood ah oo ay ku dhisanayeen awood mideysan dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida adag u naqdisa cilaaqaadka Eritrea, ayaa markii uu xafiiska yimid wuxuu isna muujiyay inay Eritrea muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya.

Wuxuu Xasan Sheekh magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay u dirto Eritrea. Dr. Cumar Idiris ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowday Eritrea, kaas oo uu dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki.

Cumar Idiris ayaa hore usoo noqday safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar. Qoraal uu Danjire Cumar Idiris faafiyay ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay safarkii ugu horreeyay ee ay abid Soomaaliya u magacowdo waddanka Eritrea.

Waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh qaaday tallaabo dheeraad ah oo uu ku xoojinayo cilaaqaadkii uu Farmaajo alifay ee Eritrea. Inta uu hadda jiray nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale Eritrea loo diray ciidamo cusub oo Soomaali ah oo tababar loo rabay.

Waxaana Eritrea noqotay mid kamid ah labada waddan ee ugu badan ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu u muuqday nin Eritrea ka leh wax ka ballaaran cilaaqaad caadi ah iyo tababar ciidan, oo taas bedelkeeda raadinaya ku tiirsanaan xooggan oo Asmara iyo Addis Ababa ah, balse weli ma cada gunta waxa uu Xasan Sheekh ka rabo Asmara.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ee qaada dhigaya cilaaqaadka deg-degta loo kobcinayo ee Eritrea, waxay leeyihiin waxa Afwerki laga barto waxaa ugu horreeyo xukun jaceyl, diidmo dastuur iyo in dimuqraadiyadda lagu beddelo awood sheegasho, waxaana dadka qaarkii ka digayaan inay madaxda Soomaalida badsadaan macaamilka hoggaamiyahan kali-taliska ah, si uusan ugu talaalin damac xukun isku dhajin ah.

Xubno kamid ahaa nidaamkii hore ee Farmaajo waxay sheegaan in madaxweynuhu inta uusan ku xiran Asmara inuu ahaa nin dimuqraadi ah oo aaminsan qori isku dhiibka xukunka iyo xasilloonida.

Marka laga tago tababarada ciidamada, majirto xadaarad kale, faham dowladeed iyo dimuqraadiyad laga filayo inay madaxda Soomaalida ka dhaxlaan cilaaqaadka joogtada ah ee hoggaamiyaha Eritrea, ayay leeyihiin dadka faalloonaya qoddobkaan.

FINLAND oo Ruushka ku eedeysay ‘dhibaato ay qeyb ka yihiin’ dad Soomaali ah

Helsinki (Caasimada Online) – Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xiriira inay ka careysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay.

Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan.

Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland. 

Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas.  

Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo.

Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiillo ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay.

Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xiriirka laba geesoodka ah.”

Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic.

Golaha Ammaanka QM oo cusboonaysiiyay xayiraadda hubka, xilli Soomaaliya ay…

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiytay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii loo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka.

Golaha Ammaanka ayaa cusbooneysiiyay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran illaa dhamaadka sanadkan, waxayna qaraarkan ku ansixiyeen kulankoodii 9477-aad.

“Xaaladda Soomaaliay weli waa mid khatar ku ah amniga caalamka,” ayaa lagu yiri go’aankan, oo loo cuskaday kordhinta cuna-qabateynta hubka, iyaga oo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay weli mid khatar ah.

Sidoo kale waxa uu Golaha Ammaanka cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la-socodka cuna-qabataynta Soomaaliya illaa 31-ka December 2023.

Go’aankan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran, islamarkaana Golaha Ammaanka ka codsatay in laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka la wadaagtay muhiimada qaadista cuna-qabateynta, gaar ahaan sida ay xilligaan ugu baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Al-Shabaab.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka, iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.

Xizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel

Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xizbullah ayaa sheegay in ciidamo ku sugan waqooyiga Israel ay ku beegsadeen diyaarado drone ah iyo gantaallo Isniintii, xilli kooxda ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Israel.

Xuduudda Israel iyo Lubnaan ayaa si maalinle ah gantaallo la isugu weydaarsanayey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamaas, 7-dii October.

Dagaalyahannada Xizbullah ayaa askar ku sugan galbeedka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel “la beegsaday seddex weerar oo ay fuliyeen diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto.

Xizbullah ayaa intaas ku dartay wax yar kadib weerarka diyaaradaha ay sidoo kale madaafiic la beegsatay ciidamo ku sugnaa aaggaas.

Xizbullah waxay sheegtay inay sidoo kale “gantaalada Burkan” ku dhufatay xero ay Israel leedahay, waxayna sidoo kale sheegatay tiro kale oo weerarro ah oo ay ku qaadday goobo ka tirsan Israel.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay “in 25 weerar looga soo qaaday Lubnaan, kuwaas oo lala beegsaday goobo kala duwan oo ku yaalla xuduudda,” waxayna intaas ku dareen in “qaar ka mid ah gantaallada dhexda laga qabtay.”

Ciidamada ayaa intaas ku daray inay weerar jawaab ah ku qaadeen Xizbullah.

“Taankiyo, diyaarad dagaal, iyo diyaarad helikobter ah ayaa weeraray kaabayaasha argagixisada Xizbullah ee Lubnaan,” iyaga oo ka jawaabaya “weeraro ku wajahan dhulka Israel”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel.

Madaxa Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa bishan sheegay in kooxdiisa oo ah xulafada Xamas ay hub cusub u adeegsanayso Israel oo ay ku jiraan gantaallada Burkan, isagoo intaas ku daray inay qaadi karaan “culeys dhan 300-500 kg.”

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsaneysay diyaarado drone ah markii ugu horreysay, kuwaas oo qaarkood gudaha u galay Israel, sida uu sheegay Nasrallah.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo London uga dhowaaqay xoreynta 70 magaalo oo…

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo ka hadlay arrimo kala duwan oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa madaxda caalamka sharaxaad dheer ka siiyey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya uga deggan maalgashiga wax soo saarka dalka.

Wuxuu sheegay in bishii Juun ee sanadkii 2022 ay ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanada kala duwan ee dalka ay bilaabeen howlgallo ay ku ciribtirayaan Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ciidamadeenu waxay ku guuleysteen inay Khawaarijta ka xoreeyaan 70 magaalo oo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, deegaanada la xoreeyey qaar waxay ku yaallaan dhulka ugu qanisan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanadii la xoreeyey ay dowladdu xasilisay, lana gaarsiiyey adeegyada aas-aasiga u ah bulshada ku nool oo aan adeeg dowladeed helin in ka badan 10 sano oo Shabaab ay xukumayeen.

“Sida lagu ogaaday daraasad uu dhawaan sameeyey Bangiga Hormarinta Afrika, waxay Soomaaliya heysataa fursad soo saar tan ugu sareysa qaaradda Afrika,” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dunida u amaanay cimilada ay heysato Soomaaliya, “Hadii aan helno maalgelin ku filan, waxaan maalgasha karnaa kaabayaal u adkeysa kara cimilada,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay qaar ka mid ah dhinacyada mudan in la maal-gashado, waxaana ka mid ah beeraha, keydinta biyaha, dhismaha wadooyinka iyo fursado kale.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo gaaro yoolka Soomaaliya ay dowladda soo deynsa doonto dhaqaale, hadba intii ay awoodo, “Dhaqaalaha aan soo deysano waxaan wax uga qaba doonaa wax soo saarka gudaha, sida beeraha,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo London uga qeyb-galay shir muhiim ah

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa guddoomiyay shirka maal-gashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ee maal-gashishada Ingiriiska.

Wasiirka Biixi Imaan Cige oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada iyo Maalgashigada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha iyo Kallluunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay horumarka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka.

Wasiir Biixi ayaa shirka ka sheegay sida ay muhiim iyo fursad ah qaali ugu tahay ganacsatada iyo maal-gashigada reer UK in ay Soomaaliya maal-gashadaan kaddib hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda gaba-gabo ku dhaw.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London, kaasi oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cuntada adduunka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulamo gaar la qaadan doona dhiggiisa dalka UK iyo hay’addaha kale ee maaliyadda dalkaasi inta uu shirka socdo.

Xamza oo ballan-qaad culus uga dhowaaqay Doolow

0

Doolow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa halkaasi uga dhowaaqay ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan ku dhiseyso buundooyin muhiim ah oo go’ay kadib markii deegaanada gobolka Gedo ay ka da’aan roobab mahiigaan ah iyo kuna soo rogamadeen daad xooggan.

“Waxaan safaro kale ku imaan doona magaalooyinka kale ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si lo soo celiyo amniga, nolosha iyo isu socodka bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in dowladda ay intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuu u kuur-galay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sidee UK ugu bixisay lacag ka badan $1 milyan tarxiilka wiil Soomaali ah?

0

London (Caasimada Online) – Yacquub Axmed, waa wiil Soomaali ah oo dowladda Ingiriiska ay tarxiilkiisa kaga baxday lacag ka badan hal milyan oo dollar.

Kiis dacwadeedkan oo muddo badan socday ayaa waxaa ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka socotay dalkaasi, taasi oo ugu dambeyntiina kusoo dhamaatay musaafurinta Yacquub.

Yacquub ayaa waxaa muddo dheer ku socotay dacwad la xiriirta kufsi, taasi oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale. Kiiskan ayaa ka dhacay dhisme ku yaal London, halkaasi oo kufsiga loogu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay, qiyaastii 15 sano kahor.

Marxaladaha uu soo maray kiiska iyo tarxiilka ka dhashay ee Yacquub, ayaa waxa uu caro xooggan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, ayada oo warbaahinta Ingiriiska ay si adag uga hadashay kiiskaan.

Yacquub ayaa ugu dambeyn laga tarxiilay Ingiriiska bishii hore, kadib sanado uu baaqday, iyada oo ay ku baxday dhaqaale badan oo caro dhaliyay, tan iyo intii uu socday kiiska.

Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga Ingiriiska, oo ah in ka badan hal milyan dollar ayaa ku baxday muddada ay socotay dhageysiga heerarka kala duwan ee dacwaddaan.

Lacagtaan ayaa iskugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Yacquub, mid lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay sida; hoyga iyo adeegyo kale afar iyo tobanka toddobaad ee ugu horeysa marka lagu soo cesho dalka.

Dadweynaha Ingiriiska oo arrintaan si weyn uga carooday ayaa sheegay in lacagtaan tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuurta laga qaado la siiyo dad dalkooda danbi ka galay.

Si kastaba, kiiska dacwada Yacquub ayaa banaanka keenaya hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee dalka Ingiriiska, taasi oo mararka qaar ay ku baxdo lacag aad u badan.

Daawo: Booliska oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yaraan 20 qof oo ku eedeysan dembiyo kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in xubnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka kuwo kalena ay weli baaritaano ku socdaan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaanada Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daacish.

Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu shaaciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inay u socdeen kooxda Daacish ee ku jirta buuraha Calmiskaad.

Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa saakay lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadiisa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhigay qaraxii ay Shabaab la damacsanaayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caafimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo boolis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashiliyeen.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa habeeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyooday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya.

Hoos ka daawo

UK oo ku dhowaaqday $100 milyan kadib kulankii Xasan iyo Rishi Sunak + Sawirro

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada London ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak, kaasi oo looga dhowaaqay 100 Milyan oo dollar.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka deg-degga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maal-gelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyay in boqol milyan oo dollar ay arrinkaasi u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaasi oo kooxda Al-Shabaab ay curyaamiyeen wax soo saarkooda, kaddib markii ay nolosha u diideen dadkii beeralayda ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa socdaalkiisa qeyb ka ah ololaha qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

COSOBLE oo si yaab leh u weeraray dadka ku nool Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobkii ka da’ay caasimada.

Cosoble ayaa sheegay in wasakhda iyo nadaafad xumada caasimada ee banaanka usoo baxday kadib roobabkii da’ay ay sababteeda leeyihiin dadka degan, taasi oo uu eeddeeda ka difaacay maamulka gobolka iyo kan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka,” ayuu yiri Cosoble oo si yaab leh uga hadlay xaaladda taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Haddaan Muqdisho ka soo qaado sida qof oo kale, waxaan dhihi lahaa waa qof aan kaadida iyo saxarada iska dhaqin oo wejiga, gacmaha iyo lugaga oo keliya iska dhaqa bulshadana dhex socda.

Muqdisho aad bey uga hooseysaa heer lagu tilmaami karo caasimad waddan ama xataa magaalo caadi ah. Wexey ku socotaa iney la mid noqoto aagga la yirahdo Kibera Slums ee ku yaalla Nairobi.

Waxaase is weydiin mudan yaa leh eeda foolxumada, uskaga, qarmuunka, bulaacadaha fatahaya iyo waddooyinka isu beddelay balliyada ee aad Muqdisho ku arkeyso?

Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka.

Xamarey qurun badaney xageen ku geeyaa, dadkaagii ayaa dayacee maxaan kuu sameeyaa, caasimad waad ka hoos martaye ma dadkaad rabtaa iney cudur u la’daan ee ma kukuuyo caasimad kaa soo saartaan kuu keenaa mase qudhaada inaad qaxootiyeyso ayaad rabtaa.

Waan ku arkaa oo waan la socdaa inaad is nacday ood xammili weyday urka kaa soo baxaya, dacda ku dul sabeyneysa iyo wasakhda sida bilaa naxariista iyo bilaa jaceylka ah ee lagugu daadinayo.

Waxaa kaloon la socdaa inaad waddankiina oo aad rabto inaad tahriibto er ma baddasd mari mase dowladaha deriskasd magan galyo siyasadeed weydiisan? Kolley wax uun waad sameyniye naga ilaali inuu magafe ku kaxeysto.

Caalamkow kaalaya ila daawada magaaladii quruxda iyo carafta badneyd ee Muqdisho sida loo galay.

Midda kalase yaa qaabilsan ilaalinta xuquuqda caasimadaha iyo magaalooyinka? Xamarey waxaan kugula talinayaa inaad qareen qabsato maxkamadda adduunkana ka dacwooto.

Maxaad ka taqaan xaafadda maal-qabeenada Muqdisho ee la la’yahay waddo laga galo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda loo yaqaano Jeyga ama Wadada Jeyga ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa loo yaqaan Xaafadda Maal-qabeennada ee magaalada Muqdisho.

Xaafaddan ayaa waxaa degan dad qofka ugu hooseeya lagu tilmaami karo Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Wasiirro, Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore iyo Madaxweynayaal maamul goboleed oo hadda tallada ku fadhiya, waana halka ay degan yihiin dadka ladan ee siyaasada ka macaasha ama ka taajiray.

Xaafaddaasi ayaa waxaa hadda la’ weysan yahay waddo loo maro. Markii hore waxaa laga geli jiray laba waddo, mid waxay aheyd wadada KM4 ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa jaray biyo muddo maalmo ah lama marin, mararka qaar inkasta oo la marayay oo booyado biyaha ka qaadayeen, haddana markasta oo roob da’o wey jaran tahay.

Tusaale ahaan maanta waxay kamid aheyd waddooyinka go’an oo la awoodi waayay in la maro.

Wadada kale ee keliya ee laga mari karo waana halka wadada jeyga la yiraahdo ee ka dhacda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wadadan biyaha ma jaraan mana xiranto, marka laga reebo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale marayaan loo xiro, laakiin dhibaatada haysata ayaa ah waa waddo burbur ah, raf ah, biyo mararka qaar ay fariistaan oo gaadiidka ay dhex-maraan.

Waxay maantana aheyd boosteejo laga raro shirkada Sahal ee dadka musaafarka ah geeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Haddii xaafaddii dadka ladan ay daganayeen ee ku taalla magaalada Muqdisho, haddii dhinaca kalena la yiraahdo madaxdii qaranka ay degan yihiin la’layahay waddo loo maro oo 1KM illaa 2KM ay dhisan la’yihiin baaba’ ama raf tahay.

Maxay tahay waxa kale ee laga filan karo magaalada Muqdisho, taasi waa su’aasha hortaalla dadka madaxda ah ee halkaasi degan.

Xog: Xasan iyo Xamza oo BF marinaya heshiis siyaasadeed uu muran ka taagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa habeen hore u yeeray dhamaan xubnaha Golihiisa Wasiirrada, wuxuu ahaa kulan deg deg ah, waa lix cisho kahor furitaanka Baarlamaanka.

Xukuumadda ayaa shirkaan iskugu timid asbuuc kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh si weyn ugu canaantay Golaha Wasiirrada inay iibin waayeen siyaasadiisa, gaar ahaan inay ka shaqeyn waayeen taageero u raadinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii bishii May ee sanadkaan.

Madaxweyne Xasan ayaa weli ka laaban aragtadiisa ah inuu dalka u guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale heshiiskaas ayaa muddo kordhin siinaya madaxda maamullada, sidoo kalena dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi siyaasadeed oo heer qaran ah.

Doonista madaxweynaha ayaa la kulantay diidmo badan, waxaase hadda muuqata in aanay dowladda weli ka laaban isku deygaan.

Kulankii habeen hore ee Golaha Wasiirrada, laba qodob ayaa ugu muhiimsana wixii laga hadlay. Mid wuxuu ahaa in loo diyaar-garoobo furitaanka Baarlamaanka iyo sidii loo marin lahaa heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran. Midda kalena waa in loo diyaar-garoobo ku biirista Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika oo dhawaan cod loo qaadi doono.

Isku-deyga ay rabto dowladda inay ku meel-mariso heshiiskan waxaa ku hor gudban dhowr caqabadood, waxayna caqabadahaas ka imanayaan dhowr dhinac.

Heshiiska oo isku duuban

Haddii dowladda rabto in la ansixiyo heshiiska oo aan waxba laga beddelin caqabadu waa adkaan doonta.

Tusaale; waxaa jira dad badan oo ogol hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen, balse aan ogoleyn in dalka uu yeesho laba xisbi oo kaliya.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaanno diidan muddo kororsiga maamul-goboleedyada loo sameynaayo, sidaas awgeed waxaa bilaaban doonta in heshiiska wax laga beddelo, haddii xukuumadda ay diidana waa arrin buuq badan dhalin doonta.

Wax ka beddelka Dastuurka

Qoddobada qaar sida in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, in doorashada noqoto mid dadweyne oo laga guuro nidaamkii baarlamaaniga ahaa iyo arrimo kale oo waxaa ku jira heshiiskan u baahan wax ka beddel dastuur.

In la beddelo qoddob dastuuri ah waxay u baahan tahay saddex meelood, laba meel codadka xildhibaannada baarlamaanka, aad uma sahlana haddii cod sharci ah la aado.

Caqabada kale waa Xildhibaannada sugaya isku shaandheynta xukuumadda.

Xukuumadda waxay keentay mowduucii ugu weyna, waxaa laga guurayaa hanaan soo jiray 63 sanno.

Wuxuu isbeddelkan imaanaya iyada uusan ra’iisul wasaare Xamza wax isbeddel ah ku sameyn Golihiisa Wasiirrada oo ay Xildhibaanno badan u careysan yihiin.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka waa caqabad kale oo haysata heshiiskan, maadaama ay si weyn u diidan yihiin qoddobada qaar.

Si walba, taliska madaxweyne Xasan Sheekh waxay wajahayaan tallaabadii ugu cusleyd tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen 15-kii May 2022. Mana cada sida ay Xildhibaannada u laqi doonaan mashruucan.

Dacwadii loo haystay mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda socdaalka oo laga laabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqday in gebi ahaanba laga laabtay dacwadii loo haystay Cabdixakiin Cabdullaahi Cabdi (Jiille) oo ahaa La-taliyaha agaasimihii guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Qaraarka ay soo saartay maxkamadda ee ay ku joojisay eeddii loo heystay La-taliye Jiille ayaa loo cuskaday warqad uu soo saaray xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taasi oo u jeedadeedu aheyd eed kala noqosho.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir markuu arkay qoddobka 112 XHCS oo u ogolaanaaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud in uu eeda ka laaban karo Maxkamadda ay ku waafaqday,” ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu iyada oo cuskanaysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku-meel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod: 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedkii loo haystay eedaysanaha sare ku xusan.”

Go’aankan ayaa waxa uu si rasmi ah dhaqan-gal u noqday maalintii shalay oo taariikhduna aheyd 19-kii November 2023.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa horay saraakiil dowladeed ugu soo eedeeyay musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood ay maxkamadda gobolka sii daysay kadib muddo ay socotay maxkamadeyntooda, halka kuwa kale dhageysiga kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan maalmo ka hor ka furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah.

Maxkamadeynta saraakiisha loo haysto musuqa ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda ay wado qorshaha la-dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka.

Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News.

Hoggaamiye sanadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abi wuxuu gurtay miraha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal.

Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay shatiga shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah.

Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xiri doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xiray oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo.

Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama soo bixin arrintan.

Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sanad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda.

Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo un.

Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaaray wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa.

Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sano ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo.

Xog: Maxaa kasoo kordhay xaalada magaalada Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Garoowe oo ay weli ku wadan sugan yihiin ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa innoo sheegay in maanta ay dareemayaa jawi deganaashaha marka loo eego shalay oo ay ciidamo badan soo galeen caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan billowday dadaallo dhex-dhexeedin ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka.

Wararla ayaa intaasi kusii daraya in maanta la filayo in magaalada Garoowe ay gaaraan odayaal dhaqameed iyana ka socda gobolka Sool iyo deegaanno kale.

Xiisada Garoowe ayaa sii shalay sii laba qarxday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, taas oo ay digniin ka bxiyeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhanka kale waxaa saaka dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe.

Kulanka baarlamaanka oo uu qorshuhu ahaa  in looga doodo xeer doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomnka golaha oo farriin wargelin ah u diray xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Farmaajo oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimo bani’aadanimada ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isagoo sheegay in culays uu ka jiro gobollada.

“Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay is abaabulaan, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, isaga oo tacsi u diray dadka shacabka ah ee lasoo wariyay inay ku geeriyoodeen daadadka ku dhuftay dalka.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay hoggaansamaan talooyinka kasoo baxay hay’adaha dowladda ee ku aadan roobabka iyo fatahaadaha ka jira gudaha waddanka.

“Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah” ayuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynihii hore.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo saameyn ku yeelatay kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sawirro: Xamza oo gaaray Doolow iyo ‘wuxuu kusoo arkay’

0

Doolow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa u daarna kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka, oo ay iyana ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u daran.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.