25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Mucaaradka Puntland oo u digay IMAARAADKA CARABTA kadib markii la ogaaday in…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, islamarkaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi.

Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”.

Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda iyo u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland.

War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland.

Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan.

Xasan Sheekh oo shaaciyey muddada u hartay inay Al-Shabaab uga adkaadaan

London (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. 

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London. 

Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” Al-Shabaab, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda Al-Shabaab ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda.

“Waxaan aaminsannahay inaan Al-Shabaab uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii.

“Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in Al-Shabaab ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.”

Xog: Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo qaadaya tallaabo ka dhan ah qorshaha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo ka dhan ah qorshaha uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax looga bedelayo dastuurka dalka.

Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku shiraan Muqdisho.

Shirkooda kadib, waxaa soo bixi doona masuuliyiintaan miisaanka leh mowqifkooda siyaasadeed oo jiho cusub u jeexi doona siyaasadda Soomaaliya.

Sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka dalka.

Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, kaas oo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee BFS, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Sida qorshuhu yahay 25 bishan November ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo kalfadhiga 4-aad baarlamaanka Soomaaliya.

Markii uu furmo kalfadhigaan waxaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u qorsheysan labada Aqal ee BFS la horgeeyo qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka, si loo ansixiyo.

Xog: A/Madoobe oo qayb ka noqonaya dhoolatuska siyaasadeed ee Laftagareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoolatus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhaba ka sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhaba ee u dhexeeyo xildhibaanada iyo madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Laftagareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay.

Baydhaba hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaas oo uu Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi, waxayna kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay K/Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddalka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Sawirro: Tirada dhimashada fatahaadaha ku dhuftay JUBBALAND oo korortay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya inay kasii dareyso xaaladda adag ee ka taagan deegaanada maamulkaasi oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Agaasimaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Aadan Faarax Gaarane oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi.

Gaarane ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatada ay gaysteen fatahaadaha, gaar ahaan dhimashada, wuxuuna sheegtay inay gaaray illaa 20 qof.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad ku dhow nus milyan qof ay ku barakaceen fatahaadaha xoogan ee sanadkan ku dhuftay deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in weli ay biyaha ku go’doonsan yihiin qoysas kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo u baahan gargaar samata bixin ah.

“Daadadka iyo fatahaada waxay geysteen khasaare nafeed, mid maaliyadeed iyo barakac xoogan, dhimashada waxay gaartay Jubbaland 20 ruux, waxaa xaalad go’doon ah ku jira in ka badan 100 kun oo qoys, waxaa sidoo kale go’an waddooyin muhiim u ahaa nolosha dadka iyadoo ay adag tahay in meelaha qaar la gaaro, si gargaar loogu geeyo dadka dhibaateysan” ayuu yiri Agaasimaha Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland.

Meelaha ugu daran ee dhibaatooyinka laga soo wariyay waxaa kamid ah gobolllada Jubbada Dhexe iyo Gedo, sida uu shaaciyay agaasimuhu.

Aadan Faarax Gaarane ayaa intaasi kusii daray in biyaha ay burburiyeen buundooyinkii ay isticmaalayeen shacabka Baardheere iyo Buurdhuubo oo muhiim u ahaa isku socodka.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna saacadihii ugu dambeeyay kormeer ku tagay qaar kamid ah deegaanada ay kusoo barakeceen dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka jira deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe waxaa kormeerkan ku wehlinayay qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo gargaar gaarsiiyay shacabka.

“Maanta Waxaan kormeer ugu tagnay dadka kasoo barakacay deegaanada ay sameeyeen fatahaadaha iyo daadka ka jira deegaanada Jubaland iyadoo ay dad ka badan 1 milyan oo qof ay saamaysay dhibaatada fatahaadaha guud ahaan Jubaland” ayuu yiri A/Madoobe.

Tallaabo ay qaaday dowladda Koonfur Afrika oo si xooggan uga careysiisay ISRAEL

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Israa’iil ayaa u yeertay safiirkii u joogay dalka Koonfur Afrika, go’aankaan ayaa daba socda “hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray dowladda Koonfur Afrika.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil Lior Haiat ayaa barta X ku shaaciyey in hadaladii ka soo yeeray K/Afrika dartood ay ugu yeerteen safiirkii ka joogay dalkaas.

Afhayeenku ma sheegin waxay yihiin hadalladaas ay ka carootay Israa’iil ee sababay inay u yeertaan Danjirahoodii Koonfur Afrika.

Hasayeeshee dowladda Koonfur Afrika  ayaa kol sii horeysay si weyn u dhaleeceysay howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan Qasa.

Khumbudzo Ntshavheni  oo ah wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa Isniintii waxay ku boorrisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu, bartamaha bisha soo socota ee December.

Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegtay in haddii taas la sameyn waayo ay muujinayso “guuldarrada guud” ee maamulka caalamiga ah.

In Israa’iil ay dib ugu yeerato Safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ayaa waxay ku soo beegmaysaa wax yar ka hor inta aan Koonfur Afrika lagu qabanin shir-madaxeedka kooxda Brics, oo ay qeyb ka yihiin waddamada Shiinaha iyo Ruushka, shirkaas ayaa ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Kulanka oo uu guddoomin doono madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro jawaab adag oo ku aaddan colaaddaas oo galaafatay kumanaan shacab Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israa’iil ay u xasuuqeen si ku talagal ah.

Israel yo Xamaas oo ku heshiiyay laba arrimood

Gaza (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza, taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.

VOA + Reuters.

Maamulka SSC-Khaatuma oo yeeshay taliye Boolis

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KGM ah ee SSC-Khaatuma ayaa yeeshay taliye Boolis oo cusub kaas oo ka shaqeyn doono ammaanka maamulkaasi.

Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC, kadib wareegto uu soo saaray hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye).

“Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud ayaa ah khabiir iyo xeel-dheere Boolis oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo dalka mid ah.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma ayaa sidoo kale faray hay’adaha maamulkaas inay la shaqeeyaan taliyaha cusub, si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla.

Sidoo kale wuxuu taliyaha cusub uu isna Eebbe uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

SSC ayaa haatan ku jirta dhismaha hay’adaheeda kala duwan, maadaama dhawaan uun la dhisay, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland.

Wixii markaas ka dambeeyay waxay sidoo kale heshay aqoonsi ay siisay dowladda federaalka oo ku casuuntay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, maamulkan ayaa weli wajahaya xaalado adag oo ay ugu horreyso xiisadda kala dhexeysa Somaliland, maadaama uu weli dagaalka ka taagan yahay gobolka Sool.

Ciidamada xoogga oo guluf dagaal ka bilaabay xuduuda Sh/Dhexe iyo Galgaduud

0

Daarunicma (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgalo culus ka sameeyeen deegaano dhaca bariga gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir isaga kaashaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Ilaalo Qaran iyo ciidamo ka tirsan dadka deegaanka oo isku fidiyay inta u dhexeysa deegaanada Daarunimca iyo Ceel Bacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ayaa cagta mariyey howdka deegaanka Daarunimca, iyagoo kaa saaray xubnaha kooxda Shabaab oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa markii hore kasoo baxay deegaanka Al-kowthar, waxaana ujeedka u yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga Shabeelaha Dhexe, waxayna tilmaameen inay isku furi doonaan xadka labada gobol.

Xaaladda aaggaas ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa qaybo kamid ah deegaanada HirShabelle oo ay ka socdaaan howlgallo culus.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana ay haatan meelo yar kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay hakad galeen howlgalladii ay hormuudka u ahayd dowladda Soomaaliya.

Sidee aya looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Laftagareen?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan, kaas oo kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Laftagareen ayaa inta badan xildhibaanada Koonfur Galbeed ku metaya dowladda dhexe, gaar ahaan labada Aqal isugu geeyay xarunta madaxtooyada maamulkaasi, si uu ugala hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, xaaladaha bani’aadanimada iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday Laftagareen?

Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay bandhigga uu sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhoolatuska uu sameeyay Laftagareen ay tahay farriin uu u diray xubnaha mucaaradka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Laftagareen maanta wuxuu diray farriin mug leh oo siyaasadeed, oo ay ku larrantahay baarqableeyn iyo tookh. Waa hal farriin oo ku wada socota mucaaradka Koonfur Galbeed. Madaxweynayaashii kuraasta xildhibaannada macaashka dhaqaale ka sameeyay ee aan maanta hal Xildhibaan oo dhageysta aan heeysan. Damuljadiid garabkii ka fekerayay ineey koonfur galbeed ku falaadaan. iyo siyaasi kasta oo ay maankiisa ku jirtay inuu siyaasadda duunyo ka tacbado ee aan dad tacban” ayaauu yiri siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu imtaasi kusii daray “Inaad dad abaalgashato waa hanti maguurto ah, in kuwii aad abaal gashatay ay abaalka celintiisa gartaan oo ay gobannimo muujiyaanna waa cajiib. Madaxweyne Laftagareen maanta ayay taladu la gudboon. waa inuu aad ugu fekero badbaadadda sameeynayo Damuljadiid”

Shuceyb Barre Cali oo kamid ah dadka isticaamala baraha bulshada ayaa yiri “Xildhibaanada Koonfur Galbeed waa in aysan ka qaybqaadan burburinta dastuurka, Somalia wadar ogol unbey ku heshiin kartaa kursiga raisulwasaaraha wuu jirayaa ila wadar lagu heshiiyo”.

Cadow Shariif ayaa isna yiri “Midnimadiina iyo wadajirkiina ayaa wax walbaba ka muhiimsan”.

Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay “Dhoolatus waayay Wallaahi, madaxweyne dowlad goboleed oo intaan oo xildhibaan heysta hala so raadiyo? guuleyso madaxweyne”.

Suldaanka Colow ayaa isaguna yiri “Madexweyne Laftagareen fariin adag uu dirayaa xasuusin weli derbiga wuu adag yahay”

Maxamed bin Salmaan oo soo saaray baaq culus oo ka dhan ah ISRAEL (Akhriso)

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman, oo Talaadadii ka hadlay shirka aan caadiga aheyd ee dalalka BRICS, ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka caalamka inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaan Israel. 

Shirka ururka BRICS oo qaab online ah uu u marti-gelinayo dalka Koonfur Afrika, kuna mideysan yihiin dalalka dhaqaalaha soo koraya ee Brazil, Russia, India, China iyo South Africa, ayaa ujeedkiisu yahay in jawaab midyesan laga bixiyo dagaalka Israel iyo Xamas.  

Sacuudi Carabiya waxay dalbaneysa billowga hannaan nabadeed oo dhab ah oo dhammaystiran oo lagu dhisayo dawlad Falastiin ah oo ku saleysan xudduudaha 1967, ayuu yiri dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

“Mawqifka Boqortooyada waa mid joogto ah oo adag; ma jirto waddo lagu gaari karo ammaan iyo xasillooni ka dhacda Falastiin marka laga reebo fulinta go’aannada caalamiga ah ee la xiriira xalka laba waddan,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan.

Riyadh ayaa horraantii sanadkan lagu casuumay inay ku biirto BRICS. 

Maxamed bin Salman ayaa ku celiyey diidmada boqortooyada ee howlgallada militari ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo.

Waxa uu sheegay in “dambiyada naxariista darran” ee Gaza ka socda ay dalbanayaan dadaal wadajir ah oo lagu soo afjarayo.

Maxamed bin Salmaan ayaa ku celiyey diidmada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan barakacinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqay dadaallo wadajir ah oo lagu joojinayo sii xumaanshaha xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira degaanka.

Sacuudi Carabiya ayaa sameysay dadaallo aan kala joogsi laheyn, tan iyo markii uu billowday dagaalka 7-dii October, kuwaasi oo lagu badbaadinayo shacabka, ayuu yiri.

Dagaalka ayaa ka qarxay Gaza kadib markii rag hubaysan oo Xamas ah ay dileen ku dhawaad 1,200 oo qof, oo u badnaa dad rayid ah, intii lagu guda jiray weerar ay 7-dii October ku qaadeen Israel – waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israel.

Israel oo aargoosi sameyneysa ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn iyo weerar dhulka ah ku qaaday Gaza oo ay Xamas maamusho.

Sida laga soo xigtay maamulka Gaza, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 13,300 oo qof, oo kumanaan ka mid ah ay yihiin carruur.

DF Soomaaliya oo adeegga khamaarka ah ee 1XBET ka gaartay go’aan 4 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa soo saaray go’aano ka kooban afar qodob oo ka dhan ah adeegga 1XBET.

Guddiga ayaa go’aanadaan ku gaaray shir ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dalka laga mamnuucay wax kasta oo Khamaar ah iyo adeegga khamaarka ah ee la dheelo ee 1XBET.

Qodobada laga soo saaray shirkii guddiga ayaa u dhignaa:

1- Waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kamamnuuc ah guud ahaan khamaarka oo ah adeeg ka soo hor jeeda diinta Islaamka iyo shuruucda dalka.

2- Guddigu wuxuu ka war helay jiritaanka adeegga khamaarka ah ee beryahaan dambe lagu dhaco hantida dadka Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo 1XBET.

Adeegga 1XBET wuxuu ka soo hor jeedaa diinteena iyo shuruucda dalkeena, wuxuuna saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka, sidaas darteed waa adeeg xaaraam ah oo aan sharciyad laheyn.

3- Dhammaan bangiyada, shirkadaha bixiya adeegga mobel money iyo cid kasta oo bixisa adeeg maaliyadeed ee ka howlgasha Soomaaliya, waxaa lagu war-gelinayaa in aysan la macaamilin wax adeeg maaliyadeed ahna aysan siin shakhsiyaad ama shirkado bixiya adeega 1XBET oo mamnuuc ka ah dalka.

4- Hadii ay jiraan shirkado ama bangiyo horay ula macaamilay adeegga 1XBET, waxaa la farayaa inay deg deg dhammaan adeegyada ay siiyeen, isla markaana ay xayiraan xisaabtooda, iyagoo deg deg warbixin ugu soo gudbinaya hey’adda warbixinta maaliyadda ee FRC.

Afartaas qodob ayuu guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada u cuskaday mamnuucidda adeegga khamaarka ah ee 1XBET.

Dhibaato weyn oo lasoo daristay shacabka xaafadaha MADIINO ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay roobab xoogan oo daadad wata, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka, gaar ahaan isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Xaaladdan ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay dadka nool degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo la’isku yiraahdo xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool halkan ayaa galay go’doon, tan iyo markii ay billowdeen roobabka ka da’aya gudaha dalka, kuwaas oo si guud u saameeyay dadka shacabka ah, gaar ahaan danyarta.

Madiino marka la maqlo waxa ay dadka xasuustaan dhibaatada ka taagan marka loo socdaalayo, waxaana xiran halka waddo ee loo maro, waana waddada Ceelqalow.

Waddadan ayaa waxaa fariistay biyo fara badan oo hakiyay dhammaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana taas ay saameysay qoysas badan, sidoo kale waxaa arrintan xal u waayay maamulka gobolka Banaadir oo sameeyey dhowr isku day, balse ma jiro wax kasoo naasa cadaaday, waxaana weli taagan dhibta haysata shacabka.

Sababta ugu weyn ee sii kordhisa dhibaatada ayaa ah inay xiran yihiin waddooyinka kale ee loo maro Madiino, sida waddada gasha garoonka Aadan Cadde iyo midda ka baxda isgoyska Banaadir ee ku dhacda isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, labaduba waxa ay muhiim u yihiin shacabka, haddana dhowr iyo toban sano lama marin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bishii October ee sanadkan horay uga hadlay arrintan, isaga oo qiray inay go’doon dadban ku jiraan shacabka ku dhaqan xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho.

“Madiino oo dhan waa iska go’doon, waddadooda waa tan Danwaagta, haddii uu Roob da’ana way go’daa, waddadii Ceela Boorkana way ka xiran tahay, tii Banaadir ka baxaysay ee Korontada ka leexaneysay waa xiran tahay, taas waxa ay keentay in marka dadkan ay si dadban go’doon u yihiin” ayuu horay u yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa xilligaas ballan qaaday inay dhisi doonaan waddada Madiina, ayna furi doonaan waddooyinka kale, balse ma jiro illaa iyo hadda wax tallaab ah oo loo qaaday.

“Waan dadaaleynaa dalka waa dhiseynaa hal dollar ayaan dalkeena ku dhisaneynaa” ayuu markale yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheysa dhibaato adag oo ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana durbo burburay inta badan laamiyadii dhowaan uun la dhisay.

Sawirro: Lafta-gareen oo maanta sameeyay dhoolatus siyaasadeed oo weyn

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta saameeyay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii uu xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaas uu ugu yeeray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Laftagareen ayaa hal mar xafiiskiisa ku qaabilay dhammaan xildhibaanada labada Gole ee  Koonfur Galbeed  ku metalaBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku casuumay Xarunta Madaxtooyada oo uu si qurux badan u dhisay.

Ujeedka ayaa ahaa inuu kala tashado xaaladda cakiran ee maamulkaas oo ay isugu darsoomeen xaalado siyaasadeed, kuwa bani’aadanimo iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo ay shaaciysay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Lafta Gareen uu xildhibaanada kala hadlay saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna u muuqdaa mid diray y farriin mug leh oo siyaasadeed oo ku socota xubnaha mucaaradka ah ee ku kacsan Laftagareen.

Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Safarka XASAN SHEEKH ee UK iyo saddex arrin oo weyn

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee waddanka Britain. Duulimaadkii koowaad ee toos ah oo Muqdisho illaa Londo ayuu raacay madaxweynuhu, inkasta oo uu ahaa duulimaad khaas ah oo aanay shacabka haysan fursad noocaas ah.

Wixii burburkii ka dambeeyay madaxda Soomaalida dalal kale ayay sii mari jireen markay u socdaan waddanka Ingiriiska, oo lagu sii hubin jiray duulimaadkooda.

Agaasimaha Villa Somalia wuxuu arrintaas ku tilmaamay tallaabo muujineysa isbeddelka cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo UK.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee UK waxa uu leeyahay saddex ujeedo. Midda koowaad waa ka qeyb-galka shirka madaxda caalamka ee looga hadlayo la-dagaalanka dhibaatada cunta yarida adduunka.

Hadal-jeedinta madaxweynaha Soomaaliya ee shirkaas ayaa la filayaa in diirada lagu saaro xaaladda cunta xumida ee Soomaaliya. Inta badan dalalka Afrika ayaa wajahaya cunta yari.

Dadka Soomaaliyeed waxay ka guureen isticmaalka wax soo saarkooda cuntada, waxayna ku xirmeen cuntada laga soo dhoofiyo dibedda, taasi oo weli dabooli la’a baahida loo qabo cunto dheeli-tiran, dhinaca kalena sababtay sicir barar maadaama ay qiimo sare kusoo gasho dalka.

Dowladihii iskaga dambeeyay xukunka Soomaaliya burburkii kadib midkoodna diirada ma saarin mowduucan weyn ee la xiriira cunta yarida.

Arrinta labaad ee la filayo inuu dul istaago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta uu joogo UK, waa cuna-qabateynta hubka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayaa qoddobada ugu muhiimsan ee laga wada-hadlay kamid ahaa arrinta cuna-qabateynta hubka.

Ingiriiska maadaama uu kamid yihiin waddamada ugu awoodda badan ee ku jira Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, oo iyagu ah cidda ugu dambeysa ee laga sugayo inay ku dhawaaqan inay qaadeen cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd 30-kii sano ee lasoo dhaafay, wax badan ayuu ka gooya mowduucan.

Xogta safarka madaxweynaha sidoo kale waxaa kamid ah in dowladda Ingiriiska kala hadli doono sida ay gacan uga siin laheyd Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

UK waxay ku jirtaa dalalka sida joogtada ah u caawiya Soomaaliya.

Amni-darrada iyo jiritaanka argagixisada waa qeyb kamid ah waxyaabaha sababay inay adkaato cunta helista umaddo badan oo ku nool dhulka ay argagixisada ka dagaalanto, waxaana keenaya dadkii oo ay ka hortaagan yihiin wax soo saarkii, iyo dhinaca kale hay’adihii gargaarka oo baddi tagi karin dalalka iyo deegaanada ay ka dagaalamaan kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay wararka qaar sheegayaan inuu la hadli doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Ingiriiska.

Saddexdaas qoddob ayaa ugu muhiimsan socdaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Britain

Beesha Caalamka oo WAR culus kasoo saartay xiisadda DAGAAL ee Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Garoowe.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda caasimada  Garoowe, waxayna sheegtaan in ciidamadaas ay cabsi gelinayaan shacabka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, ayada oo ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa la raaciyay.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda farriin ugu dirtay madaxweyne Deni iyo mucaaradka, si loo dajiyo xaaladda cakiran ee ka taagan Puntland, Soomaaliya.

Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri farriinta xubnaha Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Xogta howl-gallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay xalay ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howl-gala (Polizia militare) ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howl-galladan ayaa waxay ciidamada xasillinita si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka caasimada, wuxuuna ujeedkiisu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa intii socday howl-galkaan waxay baaritaano guri gur ah ka sameeyeen xaafadaha deegaanka Ceelasha biyaha, si looga hortago khatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-Shabaab, oo dowlada dagaal adag kula jirto.

Sidoo kale, ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyay gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Howl-galladan ayaa daba socda kuwa maalmihii dambe ay ciidamada xasillinta caasimadda ay ka sameynayeen qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, si looga hortagto khatar amni oo ka timaada kooxaha argagixisada.

Si kastaba, howl-galladan ayaa imanaya maalmo kadib markii ra’iisul wasaaraha uu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xerada ciidamada xasillinta caasimadda ee ku taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimadda.

Maxay Qaramada Midoobay ka tiri sheegashada DF ee ah in Shabaab laga dilay 3,000?

0

New York (Caasimada Online) – Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen markii ugu horreysay uga hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta tirada Al-Shabaab laga dilay tan iyo markii la billaabay duulaanka ka dhanka ah bartamihii sanadkii tegay. 

Guddiga ayaa sheegay inaan la xaqiijin karin sheegashada dowladda ee ah in khasaaraha Shabaabka gaaray uu dhan yahay 6,000 oo maleeshiyo. 

“Iyadoo kooxda ay la kulantay cadaadis cusub oo kaga imanaya duulaanka ay hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, guddiga waa awoodi waayeen inay xaqiijiyaan sheegashada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sameysay 25-kii March 2023, ee ahaa in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen in ka badan 6,000 oo khasaare ah, oo ay ku jiraan dhimashada 3,000 oo dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warbixin guddiga u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM. 

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu dhow ee ku wajahan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. 

“Intii lagu guda jiray muddada warbixinta, ma jirin hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda kooxdu u leedahay in ay weeraro joogto ah fuliso Soomaaliya,” ayey tiri warbixinta guddiga. 

Guddiga ayaa intaas ku daray in inkasta oo Al-Shabaab lagu qaaday weeraro culus, haddana kooxda ay awood u yeelatay inay ka faa’iidaysato nidaam xumida ciidamada dowladda, ku dhex milantay shacabka ayaga oo sameynaya dib ugurasho xeeladeysan, kadibna fuliyeen weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan.

“Arrimahan ayaa soo jeedinaya in Al-Shabaab ay weli tahay mid adkeysi leh, la qabsan karta xaaladaha oo dhimasho badan gaysaneysa,” ayaa lagu yiri warbixinta. 

Inkasta oo laga soo riixay meelo badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, kooxda ayaa ku guuleysatay inay kordhiso xawliga howl-galladeeda, oo ay ku jiraan weeraro culus sida weerarkii cuslaa ee bishii May 2023 lagu qaaday saldhigga ATMIS ee deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga. 

Xasan Sheekh ma ku deg-degay tallaabada cusub ee uu u qaaday dhanka Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay cilaaqaadka kala dhaxeeya waddanka Eritrea. Muqdisho ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka heshay Asmara, si gaar ah tababar siinta ciidamada, wallow ay dalal kale bixinayeen kharashaadka tababarada.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa billowday cilaaqaadkan, iyada oo la xasuusto dalalka Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea ay gaareen heshiis saddex geesood ah oo ay ku dhisanayeen awood mideysan dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida adag u naqdisa cilaaqaadka Eritrea, ayaa markii uu xafiiska yimid wuxuu isna muujiyay inay Eritrea muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya.

Wuxuu Xasan Sheekh magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay u dirto Eritrea. Dr. Cumar Idiris ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowday Eritrea, kaas oo uu dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki.

Cumar Idiris ayaa hore usoo noqday safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar. Qoraal uu Danjire Cumar Idiris faafiyay ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay safarkii ugu horreeyay ee ay abid Soomaaliya u magacowdo waddanka Eritrea.

Waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh qaaday tallaabo dheeraad ah oo uu ku xoojinayo cilaaqaadkii uu Farmaajo alifay ee Eritrea. Inta uu hadda jiray nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale Eritrea loo diray ciidamo cusub oo Soomaali ah oo tababar loo rabay.

Waxaana Eritrea noqotay mid kamid ah labada waddan ee ugu badan ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu u muuqday nin Eritrea ka leh wax ka ballaaran cilaaqaad caadi ah iyo tababar ciidan, oo taas bedelkeeda raadinaya ku tiirsanaan xooggan oo Asmara iyo Addis Ababa ah, balse weli ma cada gunta waxa uu Xasan Sheekh ka rabo Asmara.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ee qaada dhigaya cilaaqaadka deg-degta loo kobcinayo ee Eritrea, waxay leeyihiin waxa Afwerki laga barto waxaa ugu horreeyo xukun jaceyl, diidmo dastuur iyo in dimuqraadiyadda lagu beddelo awood sheegasho, waxaana dadka qaarkii ka digayaan inay madaxda Soomaalida badsadaan macaamilka hoggaamiyahan kali-taliska ah, si uusan ugu talaalin damac xukun isku dhajin ah.

Xubno kamid ahaa nidaamkii hore ee Farmaajo waxay sheegaan in madaxweynuhu inta uusan ku xiran Asmara inuu ahaa nin dimuqraadi ah oo aaminsan qori isku dhiibka xukunka iyo xasilloonida.

Marka laga tago tababarada ciidamada, majirto xadaarad kale, faham dowladeed iyo dimuqraadiyad laga filayo inay madaxda Soomaalida ka dhaxlaan cilaaqaadka joogtada ah ee hoggaamiyaha Eritrea, ayay leeyihiin dadka faalloonaya qoddobkaan.

FINLAND oo Ruushka ku eedeysay ‘dhibaato ay qeyb ka yihiin’ dad Soomaali ah

Helsinki (Caasimada Online) – Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xiriira inay ka careysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay.

Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan.

Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland. 

Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas.  

Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo.

Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiillo ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay.

Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xiriirka laba geesoodka ah.”

Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic.