25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Dadweyne careysan oo maanta ku dibad-baxay baarlamaanka PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Saciid Deni iyo mucaaradka.

Qaar kamid ah haweenka ku dhaqan Garoowe ayaa isugu soo baxay fagaaraha xarunta baarlamaanka Puntland, waxayna halkaas ka dhigeen dibad-bax cabasho ah.

Haweenkan oo careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi.

Mid kamid ah haweenka oo dibad-baxa ka hadashay ayaa sheegtay inay dareemayaan cabsi iyo walwal ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhacay magaalada Garoowe.

“Annaga waxaa nahay hooyooyin iyo lafta dhabarta Puntland ayaa nahay waxaan idinka codsaneynaa xildhibaano inaynan na qixin oo na dhibaateyn” ayay tiri hooyo kamid ah dadka ka qayb-galay dadka ku banaanbaxay xarunta hore ee baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale gabar kale oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay ku baaqaan nabad iyo in laga wada shaqeeyo horumarka maamul goboleedka Puntland.

“Ma hubeysanin, ciidan ma wadano, dagaal kuma jirno, dhex-dhexaad baanu nahay annaga nabadda Puntand ayaa na deeqda” ayay tiri gabar kale oo goobta ka hadashay.

Dhanka kale, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland, ayna ku dadaali doonaan, sidii looga gudbi lahaa muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

“Haddii aad nagu kalsoon tihiin guryihiina kala aada annaga waa ku filanay waxa halkaas idinka jira, ma dhaceyso wax dhagihiina u daran” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada.

Puntland ayaa haatan wajaheysa marxalad kala guur ah, ayadoo lagu heshiin la’ahay doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Deni.

Laba arrin ee kala daran oo isku biirsaday gobolka GEDO

0

Doolow (Caasimada Online) – Gobolka dhinaca xadka xigga ee Gedo la yiraahdo waxaa Isniintii booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Dalka roobab ayaa guud ahaantii ka da’ayay muddo bil ku dhow. Gobolka Gedo waa meesha ugu badan ee daadadka ay khasaare ka dhaliyeen.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland midna ma bixin dhibaatada reer Gedo. Gobolkaan oo siyaasad ahaan u go’doonsan sanado badan, ayaa dhinaca kale waayay garaam u qalma dhibaatada dhacday afartii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Gaabis, garasho la’aan, garbin iyo tabar darro dowladeed middii ay tahayba reer Gedo ma helin wixii ay kaga gudbi lahaayeen marxaladan adag ayay leeyihiin dadka isha ku haya dhibaatada Gedo taalla iyo heerka ay le’eg tahay jawaab celintu.

Booqashada ra’iisul wasaare Xamza inkasta oo ay soo jeedin karto indhaha beesha caalamka, haddana waxaa weli hooseeya heerka jawaabihii laga filayay dowladda dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland intaba.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo isagu wajahaayay diidmo siyaasadeed oo reer Gedo ah sanado badan ayaa maamulkiisa lagu dhalleeceeyay in uusan xataa bixin qeylo dhaan caalami ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa wuxuu Doolow ka sheegay in xooga gargaar ah ay geeyeen gobolka Gedo, waxyaabo kalena ay soo socdaan, laakiin taasi ay aanay waxba ka tari karin baaxadda dhibaatada.

“Haddii Ilaahay iraahdo wixii kaalmo ah waa lala tacaalaya oo waxaa rajeynaya in kaalmo nila soo gaaro, oo maantaba waxba la keenay. In degmadaan iyo kuwa kale ee dhibaatada badan ka dhaceen ee gobolkaan wax lala soo gaaro ayaa rajeynayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Gedo waxay u baahan tahay gurmad dhab ah oo ka yimaada dowladda dhexe, Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah deegaanada ka bad qaba dhibaatada daadadka.

Xaaladda ay maanta ku jirtaa Gedo waa in laga dhigaa mid heerkeedu intaan ka sarreeyo. Walaaca ugu badan waa inay jiraan digniino la xiriira roobab kuwii hore ka xoog badan oo la filanayo maalmaha soo aadan sida ay sheegtay hay’adda SODMA.

Iyadii oo aan xaaladdii hore laga bixin jawaab gargaar oo u qalanta, in roobab kale yimaadan ayaa xaaladda sii adkeyn karta.

Nuxurka waa in si intaan ka ballaaran oo siyaasad ka maran tahay in loogu gurmado reer Gedo.

Guddoonka labada gole ee BF oo guddiyo u magacaabay saddex dal + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiyada saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Guddiyadan ay magacaabeen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Imaaraadka.

Guddiyada Shiinaha iyo Ciraaq ayaa midkiiba waxa uu ka kooban yahay toddoba xubnood, halka Guddiga loo magacabaay Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu ka kooban yahay shan xubnood.

“Xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee BJFS waxaa la farayaa in ay magacaabidda Guddiga Saxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Dalalkaan ay u gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka Dalka Shiinayha, Ciraaq iyo Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yiri magacaabista wada-jirka ah ee guddoonka labada gole ee BF.

Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada iyo Senatarada guddiyada la magacaabay;

Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha

  1. Xil. Jama Mohamed Askar
  2. Xil. Sayid Ali Isack Mohamed
  3. Xil. Osman Ali Yusuf
  4. Xil. Mohamed Ibrahim Ali (Cajiib)
  5. Xil. Yusuf Hayle Jimalle
  6. Sen. Abdi Osman Hareed
  7. Sen. Ibrahim Cismaan Awgaab

Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Ciraaq

  1. Xil. Mohamed Abdirahman Nadiif
  2. Xil. Mohamaed Ahmed Mohamed (Baafo)
  3. Xil. Ismail Eid Mohamed
  4. Xil. Faa’izo Mohamed Jeyte
  5. Xil. Said Mohamed Mohamud Haid
  6. Sen. Abdiweli Mohamed Ibrahim
  7. Sen. Sareda Mohamed Hassan

Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Imaaraadka

  1. Xil. Mustafa Sheikh Ali Duhulow
  2. Xil. Mohamud Abdiahman Sheikh Farah
  3. Xil. Nura Ayni Khalif Sheikh
  4. Xil. Hassan Abdi Ismail
  5. Sen. Ahmed Mohamed Ali

Saciid Deni oo dhaafi doona Farmaajo iyo Muuse Biixi haddii hal arrin laga ogolaado

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xasaradaha la abuuro dhamaadka muddo xileedka waxay u muuqdaan xirfad adduunka duug ka ah, balse u cusub madaxda Soomaalida.

In aan muddo xileedka la ixtiraamin ayaa madaxda Soomaalida ku xooggan waqtigaan. Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa isku rida miir beel siyaasadeed marka la gaaro xilliga doorashada, waxay abuuraan hanaan doorasho oo loo jeedo inuu iyaga u xaglinayo.

Mararka qaar ma rabaan inay hanaankaas tartan ku galaan ee waxay noqon kartaa mid ay ku raadinayaan buuq iyo isqab-qabsi ay ku sii dheereysan karaan maalmaha xukunka.

Aan soo qaadano dhacdooyinkii u dambeeyay;

Farmaajo iyo shalay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeexday hab doorasho oo ay ugu baddin karto isaga iyo kooxdiisa, waxaase ka dhashay diidmo iyo buuq siyaasadeed.

Wuxuu ka macaashay hal sano iyo saddex billood oo muddo kororsi ah. Mucaaradkii kasoo horjeeday iyaguna waxay ka faa’iideen in hanaankii uu rabay la diido kadibna la galo doorasho loo siman yahay, taasi oo keentay inay xukunkii ka qaatan.

Muuse Biixi Cabdi – waa tusaale kale

Muuse Biixi ayaa markii la gaaray dhamaadka xukunkiisa wuxuu hindisay muran doorasho. Kooxdiisa waxaa la aaminsan yahay inay fahamsanaayeen in doorashada guud laga soo hormariyo midda ururada.

Buuqii ka dhashay ayaa Muuse siiyay muddo kororsi.

Bishan aan ku jirno ee November, waxaa Muuse u billowday sanadkii labaad oo muddo kororsi ah, laakiin dhinaca mucaaradkana waxay ku guuleysteen in doorashada Madaxtooyadda la soo hormariyo oo midda ururrada dib loo dhigo. Odayaal beeleed ayaa keenay xalkaan.

Muuse midna waa u martay, midna waa laga diiday.

Saciid Deni iyo hadda

Xaaladda hadda waxay agtaalla hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu illaa hadda ku dhagan yahay nuuc doorasho oo loo arko inuu 100% isagu ku baddin karo.

Wuxuu durba aqbalay in doorashada dib uga dhacdo 8-da Janaayo 2024 oo uu ku eeg yahay muddo xileedkiisu.

Mucaaradka Puntland waxay u dirirayaan inay laba arrimood hor istaagan. Mid waa muddo kororsiga, midna waa nuuca doorasho ee Saciid Deni usii xaqiijinaya guusha.

Inay labadaba ku wada guuleysan karaan inay baajiyaan uma badna. Marka xaaladahan oo kale la yimaado waxaa laga soo helaya diiwaanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya in midna uu qaato qofka xafiiska fadhiya midna mucaaradka.

Saciid Deni inuu labada kiis mid ku adkaado ayaa muhiim u ah sida ka muuqata isaga iyo xulafadiisa. Haddii uu ka mira-dhaliyo in doorashada lagu galo hanaanka uu isagu wato, wuxuu kaga duwanaan doona Farmaajo iyo Biixi meel marinta hanaankiisa doorashada, balse haddii uu taas waayo, haddana muddo kororsi waayo waxay ka dhigan tahay inuu dhibco ahaan iyo xaalad ahaanba ka hoos mari doono labadaasi hoggaamiye.

Waa adag tahay inay madaxda Soomaalida la yimaadan dhamaadka muddo xileedkooda dhaqan u dhigma midka ka muuqda maalinta ay xukun doonka yihiin.

Dadweynaha waxay hadda isha ku hayaan labada kiis ee muddo kororsiga iyo hanaanka doorashada, midda uu Saciid Deni ku adkaan doono 45 cisho ee soo aadan.

Saboolnimo Hoggaamineed – Waxaa qoray Fahad Yaasiin

Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda. Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan iney wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guurguuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dabeysa.

Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal iman doona saddex boqol oo sano keddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.

Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan.  Soomaalidu tan hore bey la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.

Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu le’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.

AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE

Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay masuul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay. Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii.

Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland.

Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka.

Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah. Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale.

Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey. Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray. Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku  khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’

PUNTLAND OO SIDA YAMAN LAGA DHIGI RABO

Isimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey.    

XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJO

Taariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta.

Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto. Haddii hal maalin  uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax!

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal. Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan? Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay. Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa.

Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’  Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?

CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTIN

Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso.  Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn.  Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo. Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay. Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa.

Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin.

ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA

Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah. Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).

Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.

BAARLAMAANKII UGU DANBEEYEY SOOMAALIYA

Labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, waxaa horyaalla soo jeedinta wax ka baddalka dastuurka. Hadduu sida uu yahay ku meel maro, waxaa tirtirmaya shaqadii labada aqal ay lahaayeen 80% (boqolkiiba sideetan). Nin baa laga sheegay ‘biyo kulul iyo aniga sokor baa isku kaaya keentay.’ Haddii Golaha Shacabka uu ansixiyo wax ka baddalka dastuurka, wuxuu lumin doonaa sababta jiritaankiisa oo idil.  Hadduusan xukuumad ansixineynin, hadduusan la xisaabtamaynin Raisal Wasaare iyo qorshe hawleedkiisa, awoodihii dalkana hal qof loo gacan galiyey saboolnimo sagxada ku dillaacday sow maahan?

MAXAA KU XIGA DASTUUR BADDALKA?

Qorsha dhigaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu yahay;

Koow: In la meel mariyo wax ka baddalka Dastuurka.

Labo:  Inuu isagu magacowdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa.  Qof kaga habboon Xamse yaa meel ku og?

Saddex: In muddo xilikeedka uu shan sano yahay, haddeerna dhaqan gal noqonayo.

Afar: In dalka xaalad deg deg ah la galiyo.

Shan: In la xiro Baarlamaanka gabi ahaantiisa.

Lix: In Xeer Madaxweyne lagu soo saaro dib u dhigista dooradashooyinka dalka oo idil, ilaa iyo inta laga adkaanayo Al-Shabaab.

Qorshayaashaas, sidaas bey ugu diyaarsanyihiin, sidaas bayna isugu xigaan.

NACAB BAAD U GACAN GASHAY

Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon durugsan baan u leeyahay. Wuu jeclaan lahaa, dalkoo dhisan oo horumarsan, oo uu isagu madax ka yahay. 

Fariin qoraalkayga wuxuu yahay Madaxweynoow, ma ogtahay muddo-xileedkaagii labaad ee xukunka: Inaad kaligaa tahay? Inaad kaligii duul tahay? Inaad kaligii tashade tahay?

Labo kamid ah saddexdaas sifo, go’aan iyo garasho bey kaa tahay. Xikmad baa tiraahdaa ‘ninku markuu kaligii yahay, waa tol laawe’, ama waa tu kaloo aan si kas ah isku ilaawsiinayo haddeer. Ninku hadduu kaligii duul noqdo waa tabar laawe, ama waa tala laawe. Ninku markuu kaligii tashade gaaro kaa maarmay, kuumana baahni baa la yiraahdaa. 

Saddexdaas waxaa ka dhalatay in Madaxweyne Xasan dunida hal dal saaxiib kala yahay. Dad iyo duunyana kala dhaqmo labadiisa moobil ee uu gacanta ku sito. 

Tan sow saboolnimo siyaasadeed oo taam ah maahan?

DALKAAN CARBEED MUXUU SOOMAALIYA KA RABAA?

Waxaa jira dal Carbeed oo dowladii Madaxweyne Farmaajo col iyo cadaawo la ahayd, oo harsad iyo hoyaad nooga dhaartay. Saboolnimadayda siyaasadeed baa igu dhalisay inaan u maleeyo in qoladaasi ay dalka dano ka leeyihiin, laakiin aysan dowladda Farmaajo ka heleynin oo ay ka quusteen. Haddeer qofkii sidaydoo kale saboolnimu ka haysato qoladaas, hal su’aal ha is weydiiyo. Laga soo bilaabo Muuse Biixi ilaa Axmed Madoobe iyagay la jaal yihiin, bal sidaanna ila arag; Muuse iyo Deni waa col, Deni iyo Madoobe waa col, Xasan iyo Deni waa col, Muuse iyo Xasanna waa kala dan. Intoodaasna hal meel bey u arooraan. Bal adigu ii macnee. Wali maanan arag, dowladdaas oo xitaa halmar isku dayday iney laba kamid ah heshiiyaan. Hal tafsiir bey ii yeelatay. Waa casharadii laga dhaxlay xukunkii Tigreega ee ahaa, Soomaalida wada hayso, haddana kala hayso, iyagana kala haay.

MAJIRO NIN KU TAGAY TALO ISAGA KA TIMID

Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh uu macaaradka afmaalka ahaa, waxaa laga hayaa inuu yiri: Jeclaan lahaayaa inaa iska joogo. Madaxweynoow, dal mideysan oo doorasho midaysan qabtay baad ku guuleysatay inaad xilka kusoo laabato marka kale. Adigoon laba sano dhammaysan baad rabtaa inaad dalka jihadiisa baddasho, iyadoo aadan wada haynin intii Madaxweyne Farmaajo kaaga tagay.

Dadka waxbaad dheertahay, dalkana geeddi caano leh baad u waddaa. Haddaad inta baddasho Dastuurka aad ka dhaxasho dal iyo dad wada jira, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan isku qiro damiinnimo siyaasadeed haddaan arko adigoo qibladii siyaasadda inta baddalay, Maandeeq lawada leeyahayna nabad lagu maalayo.

Jikaar kama wado, ee waxaan goobjoog u ahaa dhammaan shirarkii dowlad dhiska loo qabtay, marka laga reebo kii Carta. Sidoo kale, garaadkayga, baa wuxuu itusay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ayaa la dhaqaajin waayey, dastuur baan rabaa inaan baddalo anoo kaligay ah, weyna ii hirgalaysaa, taasi intaan naqaanay wey dhaaftay, waana sababta aan isku dhiibayo hadday kuu fusho sidaas. Waxaanse isku hallaynayaa sooyaalka taariikhda ku xardhan, inaanan wali la arag, nin kursi ku fadhiya oo talo tiisa ah xukunka uga dagay. Marka tu kale unbaa iman doontee oo taada joojin doontee, armay ku habboontahay inaad tagtadii wax ka barto?

SIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO

Dowladdii Madaaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre u gudbisay Golaha Shacabka sharcigii doorashada dalka. Jiitan dheer keddib, Guddoonkii Golaha Shacabka ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiyo sharcigaan. Jabuuti ayay u safreen, maalmo ayeyna u fadhiyeen.

Xildhibaan Nuux oo Habdhawraha Baarlamaanka ahaa baan wacay, oo aan ku iri xagay shaqadii idiin maraysaa? Wuxuu iigu jawaabay hadal aanan ilaawin, uuna diiday inuu ii fasiro, laakiin aan sifiican u fahmay. “Fahadoow, hal kalmad unbaan kuu sheegayaa. Sharcigaan siduu uga yimid Golaha Wasiirada in loo meel mariyo dalka oo dhan hal qof baa daacad ka ah oo raba, waana Madaxweyne Farmaajo.”

Haddeer, Madaxweyne Xasanoow wax ka baddalka Dastuurka kaligaa baa daacad ka ah oo daneynaya. Xildhibaan Nuux ha iga raali noqdo, haddaan xeerkii Saciid Deni kula dhaqmay.

ADIGOO WACAN IYO DALKOO WANAAGSAN

Mudane Madaxweyne, dardaarankaygu wuxuu yahay, geesinnimadaada iyo isku kalsoonidaada waxaad galisaa;

Kow: Sidaad dalka isugu hayn lahayd. Puntland iyo Somaliland oo maqan, Dastuur ah u dhawaan.

Labo: Dadka la tasho, oo ka bilow saaxiibadaadii kusoo dhistay ee dartaa dowladdii kaa horreysay eedo badan uga galay.

Sadex: Guushaada waa guul qaran oo waxaan diyaar u wada nahay inaan ku caawinno oo ku garab is taagno.

Afar: Waxaad ka heli lahayd Madaxweyne Ku Xigeen, haddaadba haysataa, oo waad ka nasiib badan tahay Madaxweynayaashii kaa horreeyey ee hor ilaahay u iimaanso Xamse oo Ra’iisul Wasaare kuu ah.    

NABAD IYO NOLOL

W/Q: FAHAD YASIN

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo London kusoo bandhigay laba qorshe oo weyn

0

London (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London kaga qeyb-galay kulan uu uga hadlay duullaanka dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faah-faahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho ah, oo kala ah;

  1. Dagaal Military
  2. Dagaal dhaqaale
  3. Iyo Dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howl-galada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in ka badan Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada AMTIS dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka 2024.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorkooda halganka dib u xoreynta, isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.

Aqriso: Magacyada shirkadaha ku guuleystay adeega Xajka 2024 oo lagu dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Tartansiinta Shirkadaha adeega xajka ayaa soo saarey liiska kama dambeyska ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystey fulinta adeegga xajka sanadka 1445/2024.

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1445/2024 ayaa shaaciyay in 72 shirkadood ay ku guuleysteen tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo kasoo dhex baxay shirkado badan oo u tartamay adeega Xajka.

Liiska kama dambeyska ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystey fulinta adeegga Xajka ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah; Abmoji Travel and Tourism Agency, Abuu Travel & Toursim Agency, African Express Airways Somalia LTD, Al Bakri Travel for Hajj and Umrah, Alfajri Travel & Services iyo Al-Madina Travel & Tourism.

Guddoomiyaha guddiga tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ahna agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ay garab taagan yihiin guddiga ayaa ku dhowaaqay liiska shirkadahaan.

Waxa uu sheegay in tartan uu u dhacay qaab furan oo cadaalad, “Waxaan u mahad-celineyna Madaxda Qaranka iyo sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta oo aan saacad naga maqneyn, naguna garab istaagay wax walba ka guddi ahaan.”

“Natiijadii kama dambeysta aheyd ayaa u taaganahay, Umadda Soomaaliyeed waxaa u sheegayna oo aan halkaan ka shaacineyn si rasmi in 72 shirkadood kusoo baxay tartanka oo shirkado Soomaaliyeed, waana shirkadihii kama dambeysta ugu guuleystay.”

Hoos ka aqriso magacyada shirkadaha kusoo baxay tartanka;

25 sano kadib musharax Mashruuc oo taabtay boogaha aan laga hadlin ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland waxaa ka socda ololaha madaxtinimada, kaas oo weli jidka loo qaadayo,nooca doorasho ee loo galayo iyo waqtiga aan la’isku raacsaneyn ay taagan tahay.

Madaxtooyada waxa ay dooneysaa in markii ugu horreysay Puntland ka dhacdo doorasho dadweyne oo daah-furan taas oo dadka Puntland rabitaankooda si xor ah oo xalaal ah ugu doortaan cidda mas’uuliyaddooda ay u dhiibanayaan.

Mucaaradka hubeysan dhankooda waxa ay rabaaan doorasho dadban oo oday dhaqameedka kaligiis uu go’aan ka gaaro, nooca doorashadana waa mid ay Puntland kusoo dhaqmeysay 25 kii sanno ee ina dhaafay, taas oo mucaarad iyo muxaafadba isku raacsan yihiin in aysan ahayn rugsan oo lagu sii nagaan karo, hayeeshee ay isku haystaan jidaha looga hayaamayo.

Dhinacyada doorashada isku hayo ee muxaafadka iyo mucaaradka aragti ahaan waxa ay iibinayaan tartan loo galo doorasho madaxtinimo waxa ay isku raacsan yihiin in xukunka la qabsado, balse ma jiro mucaarad isbeddal doon ah oo iibgeynaya dood taabaneysa jiritaanka Puntland, jihada ay aadeyso 25 sano kadib halka ay joogto inay u qalanto iyo su’aalaha waa weyn ee ka dhalanaya, llaa iyo hadda inta ay Puntland jirtay waxa taabagalka noqday.

Inta badan musharixiinta mucaaradka ah lama imaan wax ka beddalan ii dhehdii siyaasadeed ee dadka Puntland 25k-kii gu’ ee lasoo dhaafay ay dhageysanayeen marka laga reebo siyaasi Maxamuud Mashruuc oo olole ka miisaan sarreeya kuwa dhiggiisa mucaaradka ka daah-furay Boosaaso.

Mashruuc ololaha billowgiisa kuma mashquulin inuu dhaliilo madaxda xukunka joogta waxa uu barnaamijkiisa siyaasadeed ugu wan-qalay aragtiyo leh halbeegyo iyo tixraacyo la garan karo halka loo wajahan yahay ama uu ku socdo.

Mashruuc wuxuu toos ula hadlay dhagaha dadweynaha Puntland, waxa uuna ifiyay halka ay Puntland ka kici la’dahay inay tahay siyaasad fashilan oo aan lahayn aragti hoggaamineed la aqoon waxa uu ka shaqeynayo siyaasigu, Puntlandna ka dhigto hoy xaafadeed, taas oo ugu dambeyntii sababta in dadka Puntland ay dhibaatooyin waa weyn ay soo gaaraan.

Tusaalayaal dhowr ayuu Mashruuc afka ku dhuftay inta uu dooddiisa waday, waxa uu sheegay in Puntland aysan lahayn aragti amni. Ma jiro mashruuc siyaasadeed oo ilaalinaya badqabka iyo nolosha dadka deegaanka, cabsida ugu badan waa in dowladda ay iyada dhasho falalka amni darro, sidaas oo kale hoggaamiyeyaasha xukunka yimaada ay ka tagaan boqolaal Janaraal oo dhibaato ku ah amniga waddanka.

Hadalka Mashruuc iyo xaqaaiqa maanta ka taagan Puntland ayaa u muuqda kuwa isa Sawiraya, Mashruuc wuxuu hadalkan ka jeediyay madal siyaasadeed oo aqoonyahanka iyo waxgaradka Boosaaso ay su’aallo furan ku weydiiyeen.

Waa musharraxii koowaad oo si toos ah uga jawaabay su’aalaha waa weyn ee ku wajahan mustaqbalka Puntland, hadalka Mashruuc waxa uu kusoo aaday, ayada oo dadka Puntland ay is weydiinayaan 25 sanno kadib xagee loo socdaa? maxaa lasoo qabtay? maxaa uun doorasho loo aadaa haddii aanan isbeddal dhaceyn? iyo kun su’aalood oo mustaqbalka Puntland taabanaya cid uga jawaabtana aysan helin.

Jawaabaha su’aalahaas waxaa loo arkaa in uusan jirin siyaasi sida Mashruuc qorshe uga leeyahay usoo bandhigay dariiqa uu aaday ee ah taabashada boogaha Puntland iyo xalkoodaba, waxay tani ka dhigeysaa Maxamuud Mashruuc inuu ku jiro qaanad gooni ah oo ka duwan dhammaan musharrixiinta kale xilkan orodka ugu jira, ayada oo yoolkooda uu yahay waa xariggii iyo kalkii reerkeena ama tareysiga saddex xagalka xukunka.

Dadka siyaasadda Puntland aadka uga war haya marxaladda ay mareysana la socday 25-kii sanno ee lasoo dhaafay waxayn gelinayaan Mashruuc iyo barnaamijkiisa siyaasadeedba qaanadda isbeddal doonka tooska ah, laakiin sida uu isna u maareeyo, ugana dhigo mashruuc la wada leeyahay aragti ama siyaasad la wada xambaari karo dadka deegaanada oo dhana ay usoo wada joogsan karaan ayaa la eegayaa.

Waxaa dadka Puntland ay muddo is weydiinayeen Puntland la jiho iyo jid siyaasadeed in musharraxan uu si cad u taabanayo quluubta shacabka ayaa sharraxaad ka bixineysa in Puntland ay weli ku harsan yihiin siyaasiyiin halka ay maanta taallo Puntland, kana saari karo marxaladda isku midka ah ee soo taxnaa 25-tii sanno ee lasoo dhaafay, kaliyana magacyada xukunka la kala wareegay ay isbeddalayeen.

25 gu’ oo uu dhisan yahay maamulkan ma jiro ciidan dowladeed oo la’isku raacsan yahay marka laga reebo ciidanka beelaha ee hubkoodii haysta saacad kasta qayb ka noqda nabad-gelyo darro dhacda, taas waa arrin ay isla qirsan yihiin shacabka deegaanada Puntland, laakiin siyaasiyiinta ay marar badan ka maquurtaan in xaqiiqada la sheego.

Garoowe caasimada Puntland ayay ahayd 25-kii sano ee lasoo dhaafay, saacadihii lasoo dhaafay boqolaal qoys ayaa ka barakacay wax kale maaha waa ciidan iyo hub lagu dhisay lacagta iyo canshuurta ay bixiyeen oo mar kale iyaga ay is dilkooda ka barakaceen.

Meelaha uu sida gaarka ah uga duwan yahay Mashruuc siyaasiyiinta kale waa inuu la kulmayo qaybaha bulshada, cabsina ka qabin nooca doorashada ee ay Puntland aadeyso, muujiyayna inuu yahay shaqsiga xambaarsan rajada isbeddal mar uun ka dhaca, kuna mashquulsaneyn dagaal iyo xasilooni darro in lagu raadiyo.

Puntland waxaa hadda kusoo laabanaya su’aal ay adag tahay sida ay uga jawaabeyso oo ah inay Soomaaliya la dooneyso nidaamka federaalka oo dowladnimada daadajinaya xukunka in la qaybsada faraya, haddana dhinaca kale Puntland adeegga dowladnimada waxaa la rumeysan yahay inuu dhaafi la’yahay xeyndaabka Garoowe oo noqotay meel wax kasta dajisa aana u gudbin ugu yaraan tuulooyinka ku dhow dhow adeegyada aas aasiga ah.

Ugu dambeyn mowduuca uu u dhaqaaqay Maxamuud Mashruuc ayaa ah mid in badan dadka Puntland ka dhex guuxayay, balse la la’aa siyaasi xambaara oo leh aragti iibgaynta rajada shacabka Puntland ee ku daalay xukunka aan dhaafsiisaneyn deerka ku dhamaaday gudaha darbiga, taas oo illaa iyo hadda dadka Puntland ay u yihiin dhibanaha ugu badan ee ay mar kasta kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn oo xallintooda ay waqti badan qaadato.

10-kii sanno ee lasoo dhaafay Puntland gudaheeda waxaa ka dhacay dagaallo galaaftay boqolaal qof dhimashadood, kuwaas oo iilaa iyo hadda aan la’is weydiin, Puntlandna u diiwaangeliyay inay tahay meesha dhiigga uu yahay halka ugu hooseyso oo wax kasta inta la sameeyo laga gudbo, siyaasiga sameeyayna dib berri xukunka loogu boqro.

DALKII ugu horreeyay oo kasoo jawaabay baaqi DF, kuna deeqay lacag dhan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq lacageed oo qeyb ka ah gurmadka fataahadaha iyo saameyntii ka dhalatay roobabka ku wareejiya dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle lacag dhan 139,318.45 dollar.

Deeqdan lacageed ayaa billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

Safiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagan tahy shacabka Soomaaliyeed ee xaaladdaan adag ku jira, isaga oo sheegay in gargaar iyo taakulo kalana ay dhawaan bilaabi doonaan.

Sidoo kale waxa uu safiirka ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku bur-buray roobabka iyo dhismaha biyo xireenna, xilli dowladda federaalka ay qeylo dhaan caalami ah kasoo saartay xaaladda taagan.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan aheyn markii ugu horreysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah.

Si kastaba, Roobabka iyo fatahaadaha ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira burbur, dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, kaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay gobollada qaar ee dalka.

SSC-Khaatumo oo bayaan deg deg ah ka soo saartay dagaalkii maanta, shaacisay in…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa faafin deg deg ah kasoo saaray dagaalkii maanta dib uga qarxay gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Bayaanka SSC ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, iyaga oo weeraray odayaal dhaqan oo degmada Yeyle u tagtay wacyi-gelinnabadeed iyo sidii loo xakameyn lahaa colaadaha jira.

“Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa degmada Yeyle isaga daba tagay wafuud nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, cuqaal iyo waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyi-gelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.”

SSC-Khaatumo ayaa waxay shaacisay in ciidamada SSC ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis iyo gaadii dagaal, kuwaasi oo ay sheegtay in dhawaan loo soo bandhigi doono saxaafadda.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka, ayada oo maamulka uu sheegay in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda iyo u hogaansanaanta xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka QM.

Hoos ka aqriso qoraalka SSC oo dhameystiran;

FAAFIN DEGDEG AH

Laascaanood, 22 November 2023:- Saddexdii Maalmood ee ugu danbeeyay Waxaa Degmada Yeyle isaga daba tagay Wufuud Nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, Cuqaal iyo Waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyigelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira.

Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.

Ciiddammada xaq-u-dirirka ee difaaca SSC-Khaatumo ayaa si geesinnimo leh uga
Hortegay weerarkaas fulaynimada ah, islamarkaana ku guulaystay in ay dib ugu celiyaan goobihii ay ka soo duuleen.

Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Balse Maamulka Muuse Biixi ay ka go’antahay in ay dhacaan colaado iyo dagaallo daba-dheeraada.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD

Laftagareen oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka + Video

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa markii ugu horreysay si cad u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Laftagareen ayaa go’aankan uga dhawaaqay kulan uu isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metala Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in sababta ugu weyn ee kulankooda uu yahay wada-tashi ku saabsan nidaamka cusub ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo wax ka beddalka dasuurka ku meel gaarka ah.

“Qodobka saddexaad ee aan ka tashan doono waa arrimaha siyaasadda iyo sida ay hadda waxa u socdaan iyo nidaamkan cusub ee dowlad dhiska ah iyo isbeddalka wax ka beddalka dastuurka inaan iyadana wadatashi ka yeelano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay inay muhiim u tahay in la dhammeystiro dastuurka oo hadda qabyo ah, isaga oo xusay inay qaadan doonaan doorka kaga aadan.

“Waa wax sharci ah oo dastuuri ah oo waajibaad qaran ah in dastuurka Soomaaaliya uusan qaybo ahaanin oo la dhammeystiro waa wax waajib ah oo dadka Soomaaliyeed u yaallo, xildhibaanada federaalka u yaalla, siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliyeedna laga rabo in ayadana aan ka tashano” ayuu mar kale khudbaddiisa ka yiri madaxweynaha K/ Galbeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waxaan rajayneynaa isbeddal sharciyadeed inuu imaanaayo in aragtida annaga ay mideysan tahay oo aan qaadano go’aano muhiim ah oo dalka anfacaayo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baydhaba uu ka socdo shir xasaasi ah oo arrintaan iyo xaaladda Koonfur Galbeed looga hadlayo, kaas oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan dooneysa inay u guurto nidaam cusub, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, waxaana qorshuhu yahay in dowladda federaalka ay markii ugu horreysay yeelato madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo hormuud u ah ololahan oo xittaa lagu soo qaaday shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen xubnaha Golah Wadatashiga Qaranka Soomaaliya.

Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in odayaal dhaqameedyo la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab ay maanta isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Labada oday dhaqameen oo caan ka ah gobolka ayaa isku soo dhiibay dowladda, waxayna kala yihiin Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Cowswayne.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay odayaashan ay soo dhaweeyeen, ayna usii gudbin doonaan hay’adaha ee ku shaqada leh isa soo dhiibayaasha Al-Shabaab.

Axmed Cali Gadaf ayaa kooxda u qaabilsanaa  in uu u keeno xoolaha baadda ah oo ay ka doonayaan dadka ku nool deegaanka Cowswayne, wxuuna sidoo kale ka mid ahaa odayaal dhawaan kooxdu ay kusoo Bandhigay deegaankaas, intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga.

Sidoo kale Cali Maqane ayaa isna  ahaa Oday Dhaqameed xoolaha baada ah reerkiisa uga soo uruuriya Kooxda,isaga oo dhowr jeer oo hore ka badbaaday weerar ay ku qaadeen ciidamada dib u xoreeynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana sababta lagu sheegay dagaalka culus ee lagu qaaday kooxda.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab.

Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo ka qarxay Sool

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma oo haatan ka socda dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobola Sool.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Buqdharkayn oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac, waxaana dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayaa meelo fog fog.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland oo dhowr jiho kasoo weeraray ciidamada deegaanka SSC oo horay ugala wareegay deegaankaasi, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka haatan ka socda aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan uu sii xoogeysanayo dagaalka, waxaana gurmadyo dheeraad ah helay ciidamada labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Dhinaca kale SSC oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda.

“Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ku aadan dagaalkaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Laascaanood, inkastoo ay labada dhinac is uruursi ciidan ay ka wadeen Sool.

DF Soomaaliya oo xaaladda dalka ka soo saartay war-saxaafadeed 32 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ku saabsan xaaladda dalka, taas oo ka kooban 32 qodob, bayaankaan ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qodobada ku jira bayaanka DF:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada London kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ee ka hortagga cunto yarida.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran oo looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

5- Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu deeqeysa lacag dhan boqol milyan oo dollar oo wax looga qabanayo maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya.

6- Soomaaliya iyo Burundi oo soo saarey War-Murtiyeed wadajir kadib socdaal uu Bujumbura ku tagey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo khasaaraha ay geysteen fatahaadaha dalka ka jira ku tegay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhisi doonto buundooyinka ku burburay fatahaadaha dalka ka jira.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

10- Maalinta Macallinka ee 21-ka November oo dalka laga xusay.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen  fatahaadaha.

12- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa guddoomiyay shirka maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo maalgashadeyaasha Britain, gaar ahaan dhanka horumarinta beeraha iyo kaluumeysiga.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen guddiga qaranka ee u xil saaran ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta koocaha argagixisada.

14- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay bandhiga Warbixinta Dalxiiska iyo Marti-soorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada Gobolka Banaadir iyo dowladda goboleedyada dalka.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Maxamed El-Amine Souef.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo ka furmay magaalada Dubai.

19- Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wadda dhageysiga 2aad ee dacwad musuq-maasuq ah oo loo heysto saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga dacwad loo haysto saraakiil dowladdeed oo ku eedaysan musuqmaasuq.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo hore u dilay Cabdullaahi Cali Huday.

22- Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada Dowlad Goboleedka Puntland ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

23- Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka degmada Xarardheere ku dilay  horjooge iyo maleeyshiyaad la socday.

24- Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Makiineye ee Gobolka Bakool  ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta.

25- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen  ayaa kulan deg-deg la qaatay ururrada isbitaallada iyo bahda caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada wax ka qabashada fatahaadaha.

26- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku eedeysan argagixisanimo

27- Fatahaada Webiga Shabeelle oo khasaare gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

28- Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya kadib fatahaad halkaa ka dhacdey.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa magalooyinka Baydhabo iyo Baardheere u dirtay diyaaraddo wada shixnado mucaawino ah oo loogu talagaley dhibaneyaasha ay daadadku saameeyeen.

30- Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay laba eedeysane oo watay gaari lagu soo qariyay xashiish gaaraya 142-kiillo.

31- Boqolaal geesiyaasha deegaanka ah oo ka qayb qaadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qayb qaataan soo afjarista Khawaarijta .

32- Soomaaliya oo la filayo inay dhammaadka toddobaadkan si rasmi ah xubin uga noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

==========DHAMMAAD===========

Xog: DENI oo qorshe yaab leh soo jeediyey xilli ay kasii dareyso xiisadda Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Saciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25-ka Febraayo 2024, tan baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas.

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen walaac uga muujiyey xiisadda ka dhalatay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal.”

Saaxiibada ayaa ugu baaqayn dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.

“Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah,” ayey yiraahdeen saaxiibada.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Sawirro: Aadan Madoobe oo gaaray Baydhaba iyo qorshe xasaasi ah oo socda

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu socdaalkiisa magaalada Baydhabo ku qotomo daah-furka Shirka Alif Maayga.

Hase yeeshe, socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoola-tus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhabo ka sameeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhabo ee u dhaxeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Lafta-gareen, kuwaasi oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Lafta-gareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaasi oo uu Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi.

Waxay kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddelka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka Puntland oo u digay IMAARAADKA CARABTA kadib markii la ogaaday in…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, islamarkaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi.

Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”.

Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda iyo u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland.

War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland.

Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan.

Xasan Sheekh oo shaaciyey muddada u hartay inay Al-Shabaab uga adkaadaan

London (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. 

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London. 

Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” Al-Shabaab, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda Al-Shabaab ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda.

“Waxaan aaminsannahay inaan Al-Shabaab uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii.

“Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in Al-Shabaab ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.”

Xog: Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo qaadaya tallaabo ka dhan ah qorshaha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo ka dhan ah qorshaha uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax looga bedelayo dastuurka dalka.

Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku shiraan Muqdisho.

Shirkooda kadib, waxaa soo bixi doona masuuliyiintaan miisaanka leh mowqifkooda siyaasadeed oo jiho cusub u jeexi doona siyaasadda Soomaaliya.

Sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka dalka.

Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, kaas oo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee BFS, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Sida qorshuhu yahay 25 bishan November ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo kalfadhiga 4-aad baarlamaanka Soomaaliya.

Markii uu furmo kalfadhigaan waxaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u qorsheysan labada Aqal ee BFS la horgeeyo qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka, si loo ansixiyo.

Xog: A/Madoobe oo qayb ka noqonaya dhoolatuska siyaasadeed ee Laftagareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoolatus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhaba ka sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhaba ee u dhexeeyo xildhibaanada iyo madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Laftagareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay.

Baydhaba hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaas oo uu Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi, waxayna kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay K/Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddalka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.