25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Mareykanka oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho. 

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda. 

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed. 

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

“Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.” 

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn. 

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas. 

Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran. 

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.

Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkaasi oo Turkigu dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.

Wasiirka Arrimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.

Xog: Maxaa ka jira in DF ay hakisay duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhaba?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn la iskula dhex marayay warar sheegayay in la hakiyay duulimaadyadii magaalada Baydhabo, sababo la xiriira khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online oo la hadashay xubno ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in wararka sheegay in la hakiyay duulimaadyadii Baydhabo ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaa idin caddeynayaa in aan la hakin duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhabo, wararka la wareejinayo waa kuwa aan sal iyo raad toona laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha garoonka ee la hadlay Caasimada Online..

Duulimaadyada ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya, ayada oo labo diyaaradood oo kala ah Royal Air iyo National ay saaka duulimaadkooda yahay Baydhabo, kuwaasi oo xilligan ku howlan diyaar-garowga duulimaadkooda ay ku tagayaan Baydhabo.

Inkasta oo ay jiro xiisada siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, haddana waxa maalmihii dambe soo baxayay warar u badnaa been abuur oo hurinaya xiisadda labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

Cagjar oo si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida ku nool dowlad deegaanka

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida deegaanka iyo jahwareer uu sheegay in looga dan leeyahay suura-xumeynta xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ganafka ku dhuftay doodda sheegaysa in Soomaalida dowlad deegaanka aysan aheyn Itoobiya, “shacabka deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali, waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan,” ayuu Mustafe Cagjar ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ee yiraahda Itoobiya kama tirsanina uu jahwareersan yahay, maadaama shacabka deegaanka iyagoo Soomaali ah ay haddana kamid yihiin dalka Itoobiya, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka

Inkasta oo sawaxan iyo jaahwareerin badan oo looga goleeyahay suuraxumeeynta Xukuumadda Isbadalka ee DDS iyo u xilqarinta nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee ay badashay uu si joogta ah isaga socdo, hadana waxaan muran ku jirin in maanta Deegaanka Soomaalida uuna jirin qof lagu qasbo inuu ku hadlo wax uuna raali ka ahayn.

Waxaa hubaal ah in afkaaro kala duwan oo qaarkood lid isku yihiin lagaga dhawaaqo magaaladda Jigjiga dhexdeeda, oo Xorriyadda hadalku ay taaba-gashay.

Mar hadii la yidhaa aan doodno oo si xor ah u hadalno, iyana waxaa meesha taal in dood toosan iyo tu deel-qaaf ku jiro labaduba imanayaan. Waxaa haboon in tii sax loo arkana la taageero, tii qalad loo arkana la naqdiyo. Hadal kasta oo la yidhaana lagala xisaabtamo cidii ku hadashay ee aan wadar dhan lagu weerarin hadal qof ka qaloocday.

Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan. Ciidii tidhaa Soomaali manihina way qaldan tahay; cidii tidhaa Itoobiya kama tirsannina way jaahwareersan tahay.

Shacabka DDS, Shacabka Soomaaliyeed ee kale meel kasta oo uu ku nool yahay waxay u hayaan wanaag iyo abaal.

Si guud, Odayaasha Deegaanku waxay ka hadleen waa xaqiiqdaas jirta. Waxaa kale oo ay ka hadleen in nabad iyo nolol ay rabaan oo ayna diyaar u ahayn cid kasta oo carqaladeeynaysa amniga Deegankooda.

Nuxurka hadalkoodu wuxuu ahaa in cid kale ayna wakiil ka noqon karin masiirka iyo danaha shacabkooda.

Xog: DF oo ka hortagtay qorshe halis ah oo ay wateen Laftagareen iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hor istaagtay qorshe halis ah oo Itoobiya iyo Maamulka Laftagareen ay iska kaashanayaan, qorshahas ayaa ciidamo badan lagu geynayaa magaalooyinka Baraawe, Marka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Itoobiya iyo Laftagareen ayaa qorsheeyey inay ciidamo badan diyaarado uga soo qaadaan Baydhaba, isla markaana ka dejiyaan Baraawe, balse dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay, kana hortagtay qorshahaas.

Shalay iyo maanta waxaa la hakiyey labo diyaaradood oo doonayey inay ciidankaas kasoo daabulaan magaalada Baydhaba, kana soo dejiyaan, lamana oga tallaabada xigta ee Laftagareen iyo Itoobiya ay qaadi doonaan.

Caasimada Online waxay ogaatay sababta ka dambeysa in K/Galbeed ciidamo geyso Baraawe, halka dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay qorshahaas, maadaama ay wadato qorshe ka duwan.

Laftagareen ayaa qorsheynaya inuu qabto doorasho u dhaceysa sida uu rabo, halka dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in hadii Laftagareen uu qaba waayo doorasho rasmi ah ay doorasho kale ku qabato Baraawe.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya oo Laftagareen kala shaqeyneysa qorshihiisa ayaa Baraawe u arka muhiim, balse dowladda ayaa ku fahantay, kana hortimid qorshahaas.

Caawa waxaa Muqdisho ku shiray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka, iyagoo ka wadahadlay sida laga yeelayo Laftagareen, hadii uu diido doorashada.

Soomaaliya oo si rasmi ugu biirtay hay’adda Nukliyeerka…

0

Viena (Caasimada Online) – Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi.

Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal.

Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, oo ka mid ahaa waftiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay horrey ugu gudbisay hay’adda doonisteeda xubinimada haya’addaas.

Hay’addan IAEA, ayaa u xilsaaran ururka Qaramada Midoobay ilaalinta Nukliyeerka iyo la socodka xaaladdaha Atoomikada adduunka.

Maxay Soomaaliya ugu dhigan tahay?

Xoghaye Xaadow, wuxuu sheegay in ku biirtistooda hay’addan ay muhiimad gaara u leedahay dalka Soomaaliya

“Waxay uga dhigan tahay horumar weyn, asaaskeena dowladdnima adkayn doontaa sababtoo ah adduunka tamar nabdoon in la isticmaalo waa muhim, dhibka Nukliyeerkana in laga hortago waa muhim, marka muhiimad gaara ayey noo leedahay waxayna ku soo aaday waqti xasaasi ah” ayuu yiri Xaadow.

Wuxuu sheegay inay taariikh u tahay Soomaaliya in macdanta dalku leeyahay la hormariyo taas oo u sheegay inay qayb muhiima ka qaadan doonto in si sharci ah oo waafaqsan nidaamka calaamiga ay kula soo baxaan.

“Macdanka Yuraaniyamta kaliya maha, waa macdan kasta. Shidaalka ayaa qayb ka ah wasakhda sida qashinka lagu soo daadiyo dalka. Waxkasta oo haraa wasakha ah ayaa ka mid ah,” ayuu yiri Xoghaye Xaadow.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya ay u baahan tahay koronto nabad qab leh isagoo tilmaamay in adduunku maanta u guuray koronto ama tamarta Nukliyeer ah.

Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta ku biirista hay’addan

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka wali korontadoodu ku tiirsan tahay kuwa laga dhaliyo matoorada, wuxuu xoghaye Xaadow sheegay inay doonayaan inay doonayaan in ay ka gudbaan mustaqbalka iyagoo kaashanaya hay’addan ay ku biireen ee caalamiga ah.

“Haya’adu waxay ka gaysanaynaa gacan tusaale ahaan inaan galangal u yeelanaynaa deeq bixiyaasha ku bixiya tamarta la cusboonaysiiyo, waxaan fursad u helaynaa khuburada, waxaan fursad u helaynaa Tiknoolajiyada hay’addan ay horumarisay. Waa baahi waqtigeedi taagan” ayuu yiri Xamse.

Dhanka kale waxa uu sheegay xoghayuhu in daraasado ay muujinayaan in Soomaaliya lagu soo daadiyo wasakh badan oo qaarkeed ah mid ka soo hartay wax soo saarka Nugleyrka ku biirista ya hay’adaana ay xal u noqon karto ka hor tagista arrinkaas.

“Waxay naga taraysaa marka kowaad inaan ogaano yaa wax daadiya, oo an xogta helno oo hay’addu xog bay aruurisaa oo xogtaa aan helno, ka dibna cida dhulkeena wasakhda ku shubi karta an ogaano ka dibna hay’addu naga caawiso sidii loga hortagi lahaa” ayuu yiri Xaadow.

Maxay tahay Hay’adda IAEA?

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) waa urur ay ku midaysan yihiin dawlado badan oo doonaya in ay horumariyaan isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyo in la joojiyo isticmaalkeeda ku aadan dhinaca milatariga.

Waxaa la aasaasay 1957-kii, waana sida urur madax-bannaan oo ku dhex jira nidaamka Qaramada Midoobay.

Hay’addan ayaa u warbixino siisa Golaha guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo si furan ula socota xaaladaha dunida ee khataraha Nukliyeerka.

Xarunta hay’adda Tamarta Nukliyeerk ee calamiga ayaa ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.

IAEA waxaa loo abuuray iyadoo laga jawaabayo welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku wajahan hubka nukliyeerka, gaar ahaan iyada oo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya quwadaha aadka ugu horreeya nukliyeerka, sida Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower, ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu ku dalbaday in la abuuro hay’ad u xilsaadaran ka hortaga fidista Nukliyeerka.

Ka dib ansixintii heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka ee 1968 dii, IAEA waxaa la siiyay awoodda kormeeridda barnaamijyada nukliyeerka iyo xarumaha lagu hayo intaba.

Soomaaliya haatan mala ah xarun iyo tamar nukleyr inta la ogyahay, balse sida ay sheegtay dawladdu, waxay ugu gol leeyihiin ku biirista ururkaan sidii mustaqbalka ay ugu fududaan lahayd shuruucda ku aadan tamarta laga dhaliyo nukleyrka.

Isha: BBC

Maxaa kasoo kordhay kiiska isku-dayga dil ee Donald Trump?

0

Washington (Caasimada Online) – Ninka looga shakisan yahay in uu isku dayay khaarijinta madaxwynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, xilli uu ku sugnaa beertiisa lagu ciyaaro golf-ka ee gobolka Florida ayaa shalay lagu soo oogay laba danbi.

Ryan Routh, oo ah 58 jir, ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada West Palm Beach, halkaas oo ay dacwad-oogayaashu ku soo oogen danbiyo kala ah in uu qori heystay isaga oo danbiile ah iyo in uu tirtiray nambarka aqoonsiga hubka.

Rowe ayaa la xiray 40 daqiiqo kaddib marki uu isku dayay in uu dilo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo hadda u ordaya xilka madaxtinimada isaga oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Waxay aheyd markii labaad oo uu Donald Trump ka badbaadayo isku day dil muddo laba bil gudahood.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa haatan wada baaritaanka isku-dayga lagu khaariji rabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Daawo: Sheekh Bashiir oo si yaab leh u weeraray Wasiir Saalax iyo khilaaf diini ah oo qarxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag ugu jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS Saalax Shariif oo hadal ku weeraray culimada Hawaabiyada.

Sheekh Bashiir oo kamid ah culimada Hawaabiyada ayaa hadana ka tirsan wasaaradda Diinta, wuxuuna si afag ugu jawaabay wasiir ku xigeenkiisa diinta.

Sheekh Bashiir ayaa Wasiir Saalax ku eedeeyey in uu la kala saftay culimo isku heysa mas’alo diini ah, taasna aan looga baahneyn qof siyaasi ah.

Wasiir Saalax Shariif ayaa shalay xafladii Mowliidka ee Culimada Ahlusunna ka sheegay in culimadii Wahaabiyada ay u soo kala dhuunteen dowladda, isla markaana ay ka waantoobeen ololahoodii, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in culimada Wahaabiyada ee diidan xuska dhalashada Nabiga NNKH ee Mowliidka ay sii yaraanayaan, isagoo ku hanjabay in Masaajida ay gacanta ku hayaan la garanayo oo dowladda ay u tira-kooban yihiin.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay siyaasiyiinta ay shacabka kala qeyb geli karaan munaasabadaha, balse wuxuu Wasiirka ku eedeeyey inuu ka hadlay mas’alo diini ah oo hadana uusan aqoon u laheyn.

Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa ku dooday in weli ay qabaa in munaasabada mowliidka ay Bidci yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala doodaan mas’aladahaas.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan tacsi ah, lana kulmay Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa saxiixay Buugga tacsida Ugaaska.

Madaxwaynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyska, iyo ehelada Marxuumka waxa uuna Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul firdowsa.

Hoyga uu ka furan yahay buuga tacsida wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo Ugaaska qaraabadiisa ah.

Arrinta cajiibka ah waa in kolanyada Madaxweynaha aan jidka loo xirin, waana tallaabo dhif iyo naadir ah.

Gaadiidka Madaxweynaha iyo kan shacabka ayaa is dhex qaaday galabta, isgoysyada oo gaadiid badan ay buuxaan ayuu gaadiidka Madaxweynaha si tartiib ah u dhex maray.

Xasan Sheekh iyo wafdiga IGAD oo kulan xasaasi ku yeeshay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Kulankan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD, xasilloonida gobolka iyo isbedalka cimillada, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga.

Sidoo kale waxa uu adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol, xilli ay aloosan tahay xiisadda xooggan oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.

Wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.

Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay xad-gudubka Itoobiya oo ayadu heshiis sharci darro ah la saxiixay Somaliland, kaas oo qeybo kamid biyaha Soomaaliya loogu gacan galinayo Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo wajahay laba culeys oo kala daran – Maxaa soo kordhay?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay culeyska xooggan ee Gudaha iyo Dibadda uga imaanaya Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii uu fashil ku yimid wajiga saddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa maalmihii u dambeeyay Xukuumaddiisa waxa ay sameyneysay xadgudub xooggan oo ka dhan ah Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida hadallo adag oo xiisadda sii hurinayaiyo tallaabooyin kale oo ay qaadday.

Itoobiya ayaa u muuqata in ay ku adkeysaneyso heshiiskii gurracnaa ee Abiy Axmed la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee sida cad uga hor imaanayay Dastuurka iyo jiritaan ummadda Soomaaliyeed.

Turkiga oo cilaaqaad kala dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya isla markaana dhexdhexaadiye ka ah xal u helista daminta xiisaddaan ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay in wadjiga saddexaad uu miiska wadahadalka isugu geeyo ergada kala matalaysa labada dhinac.

Warbaahinta Turkiga ayaa intooda badan waxa ay aad u hadal heysaa in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Itoobiya aanay isu dhaweyn mar haddii dhinac weliba uu doonayo inuu tanaasul sameeyo dhanka kale.

Tusaalaha ugu dhow ee lasoo qaadanayo waa in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu si cad u sheegay in aanay Dalkiisu ahaan Karin bilaa deked, sida ugu fudud oo ay ku heli karaan ayuu tilmaamay inay xoogga u saarayaan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu mowqifkeedu yahay in Xukuumadda Abiy ay si cad u sheegto in ay burburisay heshiiskii gurracnaa ee kala dhantaalayay midnimada iyo wadajirka isla markaana meel fog ka istaagto ku xadgudubka Soomaaliya.

Culeyska gudaha ka heysto xukuumadda Abiy

Jabhadaha hubeysan ee ku kacsan Xukuumadda Abiy ayaa xoogga saaray in ay ku dhawaadaan Magaalada Addis Ababa oo ah goobta keliya ay si awood ah ugu faani karto in ay maamusho Dowladda 100%

Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa diiwaanka geliyay kiisas badan oo la xiriira Xasuuq, Kursi, Boob iyo awood sheegasho oo Ciidanka Federaalka ku dhaqaaqay laga soo billaabo sanadkii 2020kii oo dhiig badan ku daadiso gobollo kala duwan.

Culeyska dibadda

Dalal badan oo caalamka ah ayaa Xukuumadda Itoobiya ku cambaareeyay tallaabooyinka kala duwan ay qaadeyso iyada oo dooneysa in Geeska Afrika marqura dhimbishu dhinac weliba iska qabsato maadaama ay ku dhaqaaqayso go’aamo culus oo salkoodu noqon kara dagaallo.

Itoobiya ayaa kol hore diiday wadahadalkii uu Maraykanka garwadeynka ka ahaa ee lagu doonayay in hoos loogu dhigo xiisaddii ka dhalatay biyo xireenka ay ku sameysay Webiga Biyaha Nile oo tallaabadaas si cad uga hor yimaadeen Dalalka Suudaan iyo Masar.

Isha: MM

Daawo: FIQI oo shaaciyay arrin ay kala hadleen wafdiga IGAD oo la xiriirta Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in wafdiga IGAD ee uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu ay kala hadleen xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiir Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wafdiga ka socda urur-goboleedka IGAD ay Muqdisho ku yimaadeen casuumad ay fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay wada-hadallo gaar ah ula yeesheen madaxda sare ee dalka.

“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad-gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wafdiga uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh ay ka hadleen arrimaha ay salka ku hayso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ah is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland la galay Abiy.

“Shacabka Itoobiya dhibaato nagama dhaxeyso, laakiin nidaamka dalkaas ka jira ayaan wax isku diidnay, waxa aan rajeyneynaa waxa gobolka yaallo iska xalismo oo caqliga soo laabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirka in wafdiga ay isla garteen in Soomaaliya laga sameeyo xarunta dhaqaalaha baluugga ah (Blue Economy center) ee hoos tagta IGAD, maadaama uu dalkeenna kamid yahay waddamada Afrika ugu xeebta dheer, islamarkaana looga faa’iideeyo dhammaan waddamada gobolka.

Si kastaba, Wafdiga sare ee IGAD ka socda ee maanta imaaday Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu sarreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxaa ka run ah lacagta malaayiinta ee lagu sheegtay safaaradda Somalia ee Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa akoonada lacagta ugu jiray laga xayiray kadib markii maxkamadda sare ee Kenya ay arrintaas xukuntay.

Maxkamadda ayaa akoonadda safaaradda Nairobi u xayirtay sababo la xiriira dayn dhan 25.6 milyan oo shillin oo ay ku sheegatay shirkad qandaraasle Kenyaan ah, taas oo hoggaankii hore ee safaaradda uu dafiray sax ahaanshaha lacagtaan.

Shirkadda qandaraaslaha ah ayaa dacwadda ku soo oogtay dowladda Soomaaliya sannadkii 2019, iyadoo ku eedeysay inay jebisay qandaraaskii dayactirka safaaradda ay ku leedahay Nairobi, ayada oo kadib ay dowladda ka qaatay racfaan, kadib markii ay ku dooday in go’aankaasi sharci darro yahay, maadaama dowladdu leedahay xasaanad diblomaasiyeed.

Hase ahaate, Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Mabeya ayaa diiday codsiga Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan adeegsan karin xasaanadda dublamaasi si ay uga fogaato mas’uuliyadda sharciga ah ee ka dhalatay hawlaheeda ganacsi.

“Xaaladdan oo kale, maxkamaddu waxay caddeyneysaa in mabda’a xasaanadda qaran uusan quseynin hawlaha ganacsi. Mabda’ ahaan, marka dowlad ama hay’adaheeda ay ku lug yeeshaan heshiisyo ganacsi, waxay lumiyaan xasaanadda caadiga ah ee loo sameeyo ficillada qaran,” ayuu yiri garsooraha.

Maxkamadda ayaa sidoo kale caddeysay in bangigu xaqiijiyay inuu hayo lacag ku filan si loo bixiyo deynta oo ku jirta koontada safaaradda. Halka uu Jabriil Cabdulle oo ah safiirka Soomaaliya ee Nairobi uu sheegay in akoonnada la xayiray ay ku jiraan lacagaha codsiyada iyo khidmadaha la xiriira dalbashada baasaboorrada iyo fiisooyinka ee safaaradda.

Dhinaca kale, Safiirkii hore ee Soomaaliya Amb. Tarsan ayaa gebi ahaanba diiday jiritaanka wax heshiis ah oo lala galay shirkadda Kingsley, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day lagu dhacayay lacagta jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku taburucday qeyb kamid ah lacagta lagu dhisay safaaradda.

Tarsan ayaa isku-deyga lunsasho u saariyay Amb. Fatxudiin Cali oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Turkiga, halka uu safiirka uu iska difaacay eedeyntaasi, isaggoo sheegay in dadaalka jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dayactirayay safaaradda uu soo billawday 2015-kii balse Tarsan uu diiday inuu sii wado howshii socotay, uuna dafiray shaqada shirkadii qabatay dayactirka safaaradda.

Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay heshiiska Itoobiya, kuna dhowaaqday…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa loogu gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaasi uu marayo meel wanaagsan, isaggoo tilmaamay in dhaqan-galka heshiiskan ay kasoo horjeedan labada dal oo keliya oo ah Soomaaliya iyo Jabuuti, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in urur-goboleedka IGAD uusan kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, xilli ay ururada gobolka iyo caalamkaba si adag uga horyimaadeen heshiiskaasi, una caddeeyeen madax-banaanida iyo qarranimada Soomaaliya.

“Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, sidoo waxaa kasoo horjeeda madaxweynaha Jabuuti (dalka Jabuuti). Dal kale oo kasoo horjeeda maleh, toddoba dowladood ayaa IGAD laysku yiraahda, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in Abiy uu shirkii Shiinaha iyo Afrika uu ka sheegay in heshiiskan uu soconayo, wallow uu Shiinaha oo saaxiib la’ah Soomaaliya uusan ku faraxsaneyn is-afgaradka, waxa uuna sheegay in aanay ka hadal.

Somaliland oo weli ku dhagan heshiiskii horraantii sanadkan ay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayeysa inay iib-geyso in uusan caalamka kasoo horjeedin heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd uu sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, lana dhaqan-geli lahaa, isaggoo diblumaasiyiinta caalamka ee ku sugan Hargeysa ku wargeliyay middaasi.

Heshiiskan ayaa xiisad xooggan ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay tiraba fashilmeen laba wada-hadal oo Ankara ku dhex-maray labada dal, sidoo kalena uu dib u dhac ku yimid wejiga saddexaad ee wada-hadallada oo loo ballansanaa bishan dhexdeeda, maadaam uusan illaa hadda jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Sawirro: Wafdi sare oo ka socda ururka IGAD oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda urur-goboleedka IGAD.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyeh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Wafdiga ayaa waxaa intaas kadib loo galbiyay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, halkaasi oo ay hadda kulamo uga socdaan wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnaha uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD.

Sidoo kale waxay ay wafdiga Workneh Gebeyeh kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalka, si ay uga wada-hadalaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta urur-goboleedka IGAD.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankooda looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa is-afgaradkii sharci darrada ah ee xukuumadda Abiy ay la gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa diidmada heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadeeda gaarsiiyay saaxiibadda iyo caalamka, iyada oo si weyn uga hortimid in Itoobiya loo gacan geliyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya oo xubin ka ah ururkaan ayaa xaq ku leh inay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama inay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.


Xog: Lafta-gareen oo lagu cadaadinayo inuu yimaado Xamar iyo qorshaha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Jimcihii ku laabtay magaalada Muqdisho kadib labo cisho oo uu joogay magaalada Baydhabo.

Safarkii doonista Lafta-gareen guul weyn kama keenin ra’iisul wasaaruhu. Madaxweyne Xasan Sheekh oo malaha aan ku qancin farriintii Xamza kala soo noqday Lafta-gareen ayaa markale howl-galiyey Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xooga saaray inuu Lafta-gareen ku qanciyo inuu deg deg u yimaado magaalada Muqdisho.

Laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad Lafta-gareen la jooga wuxuu Aadan Madoobe iskaga fuliyay inuu Xamar imaan doono marka Aadan Madoobe kasoo noqdo safarkiisa South Afrika.

Aadan Madoobe waa ku qancay inuu Lafta-gareen yimaado Xamar markii uu isaga safarka kasoo laabto, laakiin sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh taas kuma qancin.

Illo wareedyo gaar ah waxay noo xaqiijiyeen inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday Sheekh Aadan Madoobe inuu safarka dibadda ah ka baaqdo oo uu taas beddelkeeda ka shaqeeyo inuu Lafta-gareen Xamar keeno.

Waxaa lasoo wariyay inuu Aadan Madoobe ogolaaday inuu safarka dibadda ah ka baaqdo. Dhinaca Lafta-gareen waxaa laga soo wariyay inuu aad uga cago-jiidayo inuu Xamar tago.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayuu kasoo diiday, haddana wuxuu isku dayaya inuu Sheekh Aadan Madoobe ku qanciyo inuu cadaadiska ka dhaafo. Lafta-gareen ma rabo inuu Aadan Madoobe lumiyo, Xasan Sheekhna taas ayuu fahamsan yahay, sababta oo ah Aadan Madoobe isagaa hadda ugu miisaan culus reer Koonfur Galbeed, wuxuu kale oo uu leeyahay saameyn togan oo deegaanka.

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kooxdiisa ayaa weli ku jahwareersan sababta uu Xasan Sheekh Maxamuud waqti badan ugu bixinayo inuu Lafta-gareen deg deg u yimaado Xamar, iyada oo xitaa uusan jirin shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay horey gacanteeda siyaasadeed uga maqnaayeen Somaliland iyo Puntland ayaa haddana waxay warbaahinta caalamka tabisay inay 80% lumisay cilaaqaadkii Koonfur Galbeed, taas oo daciifineysa nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Mid kamid ah sababaha Lafta-gareen loogu cadaadinayo imaatinkan waxaa loo arkaa in madaxweynaha ugu jawaabayo ra’yi caamka iyo mida kale oo ah inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

PUNTLAND oo war kasoo saartay xiisadda Boosaaso xilli uu halis wajahayo garoonka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo isku dayay inuu hoos u dhigo xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee salka ku haysa garoonka magaaladaasi, oo ay isku hayaan maamulka Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.

Garoonka Boosaaso ayey shaqadiisu hoos ugu dhacday, maalmana u xirmay digniin ay soo saareen ciidanka PSF oo iyagu sheegay in loo diiday adeegsiga garoonkaasi, halka uu maamulka Deni sheegay taas bedelkeed.

Wasaaradda duulista hawada ee Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo sheegtay inay kasoo dagayaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa imanaya dhowr maalmood kadib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF, waxayna wasaaradda ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha in garoonku uu si buuxda u shaqeynayo, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo soo food saartay.

Diyaaradihii gudaha ee tegi jiray garoonkaasi ayaa uga baaqday sababo la xiriira digniinaha kasoo baxaya ciidanka PSF iyo xiisadda taagan, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda u sheegeen Caasimada Online.

Hase yeeshe maamulka Deni oo isku dayaya in uu hoos u dhigo xiisadda haatan kala dhaxeysa PSF ayaa wada isku-dayo uu shirkadaha diyaaradaha ugu qancinayo in sidoodi caadiga ahaa u wataan shaqada, ayna kasoo degi karaan garoonka, maadaama ay qabaan walaac dhanka ammaanka ah.

“Waxaan xaqiijinaynaa in amniga garoonka Boosaaso uu yahay mid sugan, diyaaraduhuna khadkoodi (route) iyo hawlahoodii shaqo ay si caadi ah u wataan, islamarkaana wararka laga baahiyay garoonka ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda duulista iyo hawada iyo garoomada ee maamulka Puntland.

Si kastaba, Ciidamada PSF oo haatan ay xiisad xooggan kala dhaxeysa maamulka Deni, digniin adagna kasoo saaray shaqada garoonka Boosaaso ayaa iyagu saldhig ciidan ku leh meel aan ka fogayn garoonka, taasi oo sare u qaadeysa waalaca amni ee qabaan shirkadaha duulimaadyadda.

Donald TRUMP oo mar kale ka badbaaday isku-day dil – Sidee ayey wax u dhaceen?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa gelinki danbe ee Axaddii shalay ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.

Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kadibna ay rasaas ku fureen, ka hor inta uusan cararin.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ninka falkan looga shakisanyahay uu goobta uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale, ka hor inta uusan ku cararin baabuur uu watay. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in Trump uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Waa isku-daygi labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.

Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota ayaa isna qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay in uu badqabo oo uu wanaagsan yahay.

Warbaahinta Mareykanka gaar ahaan The Associated Press, The New York Times iyo Fox News ayaa ku warrantay, in saraakiil ka tirsan kuwa amniga Mareykanka ay ka soo xigteen magaca ninka looga shakisan yahay isku-dayga dil, kaas oo lagu sheegay Ryan Wesley Routh oo ah 58 jir ah kasoo jeeda gobolka Hawaii.

Booliska ayaa sheegay in ninka tuhunsanaha ah laga soo qabtay jidka I-95 meel qiyaasti 65km u jirto beerta golf-ka Donald Trump. Ciidanka degmada Martin County ee gobolka Florida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib marki wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan ku aadan isku-dayga labaad ee lagu khaariji rabay Donald Trump.

Sawirro: Xamza iyo Madaale oo booqday qoyskii ugaaska Murusade ee geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa isna tacsi ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade) oo ahaa Ugaaska Murusade.

Duqa Muqdisho ayaa ku tilmaamay Marxuumka in uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo door ku lahaa dhaqanka Soomaaliya, isla markaana kasoo qeyb qaatay nabadeynta, isku xirka bulshada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa Jimcihii ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ahaa Ugaaska Beesha Murusade ayaa door weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska, iyada oo si mug leh loo xusay doorkii Ugaaska uu ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Ugaaska oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn, ayaa lagu xasuusta sidii uu mudada dheer kaalin wax ku ool ah uga soo qaatay nabadda, midnimada iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.



YEMEN oo gantaallo ku garaacday Israa’iil iyo xiisadda gobolka oo ka sii dareysa

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ciidamada Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo riday dalka Yemen uu ku dhacay Bartamaha Israa’iil, gaar ahaan dhul furan, waana halis kale oo ka soo cusboonaatay gobolka.

War qoraal ah oo Taliska ciidanka Israa’iil uu ka soo saaray arrintaan ayaa lagu sheegay in gantaal nooca dhul ka dhul ka gudba uu ku dhacay dhul furan oo ku yaala Bartamaha Israa’iil.

Israa’iil warkeeda kuma sheegin wax khasaare nafeed uu uu geystay gantaalka ay sheegeen in laga soo riday dalka Yemen.

Sidoo kale hoggaanka gudaha Israa’iil ayaa sheegay inay jirto digniin la xiriirta in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay soo galeen hawada Israa’iil, kuwaas oo laga soo kiciyay kurayaatka Shamuunah iyo magaalooyin kale oo ku dhaw xuduudda Lubnaan.

Wargeyska Times of Israel ayaa isna sheegay in digniino badan ay ka jiraan deegaannada Bariga Jaliil oo ay ku jiraan degmooyinka Madillah, Tel-Xawa, iyo Manaarah.

Warbaahinta maanta werisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga soo kiciyay Lubnaan ay ku qaraxday tuulada Madillah ee xuduudda woqooyi ee dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay u kuur galayaan wararka la xiriira diyaaradaas, in kastoo ay sheegeen in cid wax ku noqotay aanay jirin, marka laga reebo burbur ay geysatay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa qaraxday kahor inta aan laga dhawaajin codadka digniinaha bixiya.

Xaaladda gobolka ayaa cirka isku sii shareereysa, Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Iran oo Israa’iil uu dagaal kala dhexeeyo ayaa loo arkaa kuwo daandaansanaya Israa’iil, horayna waxay u geysanayeen weerarro dhanka bada ah oo dunida saameeyey.

Dad badan oo ku dhintay dalal Yurub ah kadib markii…

0

Bucharest (Caasimada Online) – Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay daadad xoog oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub, kadib roobab mahiigan ahaa oo maalmihi lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Meelaha ay daadadka xoogga leh saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Austria, Czech Republic, Poland iyo Romania.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in waddamada Slovakia iyo Hungary ay daadadku gaari doonaan.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay in daadadku ay ugu dhinteen dalka Romania halka min hal qof ay ku dhinteen dalalka Austria iyo Poland.

Booliska Jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay daadku qaadeen.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in rubuc malyuun qof laga daad-gureeyay Jamhuuriyadda Czech. Guryo badan ayaa dumay halka kuwo kale oo bandanna ay korontada ka tagtay.

Fatahaadahan ayaa lagu sheegay kuwi ugu xumaa ee soo mara mandiqadda Bariga Yurub muddo 30 sano ah.