25.6 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

War cusub oo ka soo kordhay xildhibaan lagu la’yahay magaalada Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ku dhowaad muddo toddobaad ah waxaa la la’yahay xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela oo ka hoos yimaada deegaanka Ceel-Dhaas ee Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi -Kenya.

Xubno ka tirsan golaha deegaanka Wajeer ayaa u tagay hay’adaha amniga si ay u ogaadaan waxaa ku dhacay Yuusuf Xuseen Cabdi oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha.

Sida la sheegay xildhibaanka ayaa la afduubtay 13-kii bishan isagoo saaran gaari Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee Nairobi.

“Waxaan aad uga xunnahay dhacadii afduubka ee koox aan la aqoon u geysatay xildhibaan Yuusuf Xuseen,” ayuu yiri Mr Cabdille Yuusuf oo ah afhayeenka golaha deegaanka Wajeer.

Wararka waxay sheegayaan in sagaalkii fiidnimo la afduubtay xildhibaanka. Kooxda afduubka geysatay ayaa la shegay inaywateen labo gaari oo ah nooca loo yaqaan Land Cruiser Prado.

Ehelka xildhibaanka maqan ayaa sheegay in Jimchii laga qabtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyayna aaney war ka helin geeri iyo nool halka uu jiro.

Xaliimo Xuseen Axmed oo ah Yuusuf walaashiis ayaa noo sheegtay wixii dhacay markii ugu dambeysay ee la waayay walaalkeed.

“Jimcihii inta u dhexeysay siddeedda ilaa iyo sagaalka fiidnimo isagoo u socoda gurigiisa South C kana soo baxay Islii ayuu raacay gaari Uber ah, darawalkii Uber ayaa booliska u sheegay in ninkaas uu la socday, labo gaari midna la hor dhigay midna gadaal laga joojiyay” ayey tiri Xaliimo Xuseen.

Sababta loo afduubay xildhibaanka ayaan la ogeyn. Booliisku waxay sheegeen in darawalka gaariga uu la socday uu u sheegay in labo gaari ay hore iyo gadaal ka istaageen isagoo markaas soo dhaqaaqay.

Warar waxay sheegayaan in gawaarida lagu afduubtay xildhibaanka aysan laheyn wax numbar ah oo lagu aqoonsado.

Qoyska waxay sheegeen in darawalka uu ahaa qofka keenay warka halka uu ku dambeeyay xildhibaanka hadii uusan sidaa yeelin aysan waxba ogaan laheyn.

“Haduusan ninkaas axsaan noo sameyn xitaa warkiisa lama heli laheyn” ayey tiri walaashiisa Xaliimo oo sidoo kale noo sheegtay in aabaha dhalay xildhibaanka uu yaha qof aragga la’ oo muddo 20 sano ah uusan waxba arag.

Qoyska ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan raadintiisa wax badan ka qaban.

“Dowladda way ka gaabisay raadintiisa, Nairobi meel kasta CCTV ayaa ku xiran, way ka gaabiyeen boqolkiiba boqol raadiska Yuusuf Xuseen”

“Tallaabo la qaaday ma jirto, anaga waa ciilannahay, hadii aan nahay dadka ka soo jeeda Ceel-Dhaas, way ka gaabiyeen madaxda kale ee laga soo doorto Wajeer”

Qoyska ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayaa in isagoo dhaawac ah uu yaal Isbitaal. “Waa been lagu soo qoray bog oo ilaa hadda ay wadaan, waa warar khalad ah, nolol iyo geeri lama haayo Yuusuf Xuseen Axmed”

Afduubka iyo dadka sida qasabka ah lagu kaxeysanayo ayaa ilaa hadda socda, inkastoo madaxweyne William Ruto uu ballanqaaday in uusan maamulkiisa u dulqaadan doonin dambiyada noocan oo kale ah in ay dhacaan.

Tobaneeyo qof oo Kenya u dhashay ayaa weli la la’yahay markii sida la sheegay ay booliisku afduubteen kaddib dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee dhacay bishii July.

Hay’adda la socota booliska IPOA ayaa xaqiijisay in bartamihii bishii July in ay soo gaareen ilaa iyo 10 cabasho oo la xiriirta afduub. Hay’ada waxay sheegtay in ay ka xaun tahay in ay awodi waayeen in ay la xiriiraan inta badan cabashooyinkaas.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee afduubka waxaa ka mid ah labo walaalo ah iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ilaa muddo bil ku dhow la la’ayahay markii la afduubtay.

Isha: BBC

Dowladda oo shaacisay xogta horjooge SHABAAB oo usoo gacan galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cali Geelle ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal qorsheysan oo ciidamada iskaashanaya ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Horjoogahan gacanta lagu dhigay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda hantida shacabka iyo askareynta carruurta, sida ay shaacisay dowladda.

Sidoo kale inta uu howl-galka socday sidoo kale ciidanka gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Suzuki, qori AK-47 iyo caag rasaas ah oo halka uu horjoogahan ku dhuumaaleysanayay laga helay.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa haatan deegaanada dhaca gobolka Galgaduud ka wada howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdoa wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dadaal xooggan gelinaysa howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana isla maanta kooxda laga dilay 12 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed, kadib weerar ka dhacay gobolka Baay.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka oo heer geba-gebo ah maraya ayaa tan iyo markii uu bilowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah, kuwaasi oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.

IRAN oo yeelatay barasaabkii ugu horeeyey oo Sunni ah 45 sano kadib

0

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Arbacadii u magacaabay xubin ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Sunniga ah, inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Kurdistan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda.

Arash Zerehtan ayaa loo magacaabay barasaabka gobolka galbeedka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani.

Waa Sunnigii ugu horeeyay ee laga dhigo barasaabka gobol ka tirsan dalka ay Shiicadu u badan tahay tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

Zerehtan, oo 48 jir ah, waxa uu soo noqday xildhibaan laga soo doorto magaalada Paveh intii u dhaxaysay 2020 ilaa sanadkan.

Sunniyiinta ayaa ah boqolkiiba 10 dadka reer Iran, halkaas oo ay u badan yihiin Shiicada, Islamarkaana diinta Shiicada ay tahay diinta rasmiga ah ee dawladda.

Waxay ahaayeen kuwo aad naadir ugu ah inay qabtaan jagooyinka muhiimka ah ee awoodda tan iyo billowga kacaanka.

Pezeshkian oo 69 jir ah ayaa xafiiska la wareegay bishii Luulyo kadib doorasho lasoo hormariyey oo dhacday ka dib geeridii madaxweynihii aadka muxaafidka u ahaa Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed helikobtar ah.

Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Pezeshkian waxa uu dhaleeceeyay matalaad la’aanta qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Kurdiyiinta Sunniga ah, oo xilal muhiim ah aan hayn.

Bishii Agoosto, wuxuu xubin kale oo ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee Sunniga, Abdolkarim Hosseinzadeh ka dhigay mid ka mid ah madaxweyne ku-xigeenadiisa.

Ciidamada ITOOBIYA oo qarax culus lagula eegtay GEDO + Khasaaraha

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qarax culus ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen gudaha degmadaasi, waxaana soo gaaray khaasaro.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta qaraxa, kadibna ay xigtay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Itoobiya ee miinada lala beegsaday.

Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa goota ku dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in khasaare xoogleh ay gaasiisay ciidanka Itoobiya, balse ma sheegin wax tiro ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana lasoo wariyay in kolonyada ciidamada Itoobiya ay horay usii wateen socdaalkooda, kadib howlgalo kooban oo ay ka sameeyeen goobta.

Inta badan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, qaybtana ka ah ATMIS.

VILLA SOMALIA oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diray ergay cusub si uu ugu kala dab qaado isaga iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wakiil ka ah madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna u tegay arrimo la xiriira sidii loo qaboojin lahaa xiisadda.

Shub oo ah sodoga madaxweyne Laftagareen ayaa inta uusan bixin kahor kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha oo ay ka wada-hadleen sidii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo keeni lahaa magaalada Muqdisho, kadibna loo dhammeyn lahaa xiisadda haatan taagan.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo aqbalay dalabka madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tegay Baydhaba, wuxuuna haatan wada-hadallo la leeyahy Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugu qanciyo inuu yimaado Muqdisho, ulana kulmo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonto safarka taliye Shub ee Baydhaba, waxaana ka horreeyay ra’iisul wasaaraha oo waji gabax kala soo kulmay maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Villa Soomaaliya ayaa ah inay la qaboojiyo xiisadda, kadibna la qabto shirka golaha wadatashiga qaranka oo ay muhiim tahay inay kasoo qaybgasho Koonfur Galbeed, maadaama shirkaas iyo dhammaan kulamada kale ay isaga baxday Puntland.

Si kastaba, xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba ayaa sii laba kacleysay kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hortimid qorshaha dowladda ee ku aadan arrimaha Itoobiya oo ay si weyn Soomaaliya isugu hayaan xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi.

 

 

Awoowaha carruurta LUUL oo war yaab leh kasoo saaray go’aanka maxkamadda sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Warsame oo ah Awoowaha carruurta ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta la hadlay warbaahinta, kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare oo dil ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Awoowaha ayaa si adag uga horyimid go’aanka maxkamadda, wuxuuna sheegay in xaqa carruurta uu awoowaha u yahay la dood-siiyay, sida uu ku dooday.

Maxamed Cabdullahi ayaa sheegay inuu rabay in kiiska lagu dhameeyay waxa ay ka qabto shareecada islaamka, isla markaana la tixigeliyo go’aanka carruurta yar yar oo ugu yaraan lala sugu inta ay ka qaan-gaarayaan waa sida uu ku dooday Sodogii hore ee Luul C/casiis.

“Maxkamadda Sare ee dalka dukumintiga way iga qaban weysay xukunkii xaqa Ilaahey waa diiday waxaan u sheegeynaa wax alaale wixii arrimahaas ku shuqo leh iyo caalamka inaan ku dul-manahay haddii aan ahay aabaha dhalay caruurta aabahood” ayuu yiri Awoowaha.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay yeelanayaan in laga qayb-geliyo go’aanka haddii la gaarsiinayo marka ay qaan-gaar noqdaan iyo haddii uu xukunka dhacayo, arrintaasi ma dhicin”.

Dhinaca kale ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa soo saaray war ka duwan midkan, waxayna soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka.

“Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan.Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay” ” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Si kastaba, Tallaabad ay qaaday Maxkamadda Sare ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali Macalin, maadaama aanu haysan fursad kale oo uu uga qaadan racfaan karo xukunka dilka ah ee maanta mar kale lagu xukumay.

Turkiga oo maraakiib dagaal usoo diraya Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan qaadeysa tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dhaqan-gelinta heshiiska ay la gashay dowladda federaalka, waxaana xukuumadda Ankara ay soo direysaa maraakiibta dagaal oo la filayo inay dhowaan soo gaaraan xeebaha dalka.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkga ayaa ku warramay in xukuumadda Ankara ay qorsheyneysa in ay xeebaha Soomaaliya ay u dirto markiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda, kawaas oo maalmaha soo socda soo gaari doono Soomaaliya.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markab ka socda dalkooda oo ka shaqeynaa howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta oo lagu wado in bisha soo socota uu soo gaaro biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa dhankiisa todobaadkii hore sheegay in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada badda Turkiga ay si taxadar leh u ilaalin doonaan markabka ka shaqeynaya cilmi baarista , maadaama uu ka howlgeli doono badweynta furan.

“Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu horay u yiri wasiir Alparslan Bayrakta

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda ah iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya, waxayna arrintan kusoo aadeysa, xilli ay halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee iyana ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy iyo Muuse Biixi.

6 wadaad oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Wardheer

0

Wardheer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka Soomaaliya, kadib markii halkaas lagu laayay culumo aan waxba galabsan.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen masjid ku yaalla gudaha magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Doolo, waxayna ku dhex-dileen 6 wadaad oo ka tirsan culimada Ahlu Sunna Waljamaaca, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in culimada la laayay ay 5 kamid ah isku hayb ahaayeen , waxaana mar qura rasaas ku furay dabley aan weli la aqoosan haybtooda, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Dadka deegaanka ayaa rumeysay in culimadan loo dilay aano Qabiil darteed, maadaama colaad beeleedyo ay ka jiraan deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kale waxaa haatan falka ku baxay ciidamada ammaanka oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha oo baxsad ah.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ismaamulka deegaanka oo la xiriira dadkaasi lagu laayay magaalada Wardheer, kuwaas oo ahaa dad culimo ah oo ku sugnaa gudaha masjidka lagu weeraray.

Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay dadka deegaanka, waxaana soo wajahday cabsi, maadaama masaajidkii dhexdiisa lagu beegsaday dhalinyaro culimo ah.

Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay kiiska Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa ka gaartay go’aan rasmi ah, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhigii maanta oo uu soo xiray guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa goobta ka sheegay in Sayid-Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maxkamaddu diiday rafcaanka ay kasoo qaateen qareenadda eedeysanaha xukunkii dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali, mana jiri doono racfaan kale oo uu ka qaadan doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyay go’aankan ehellada marxuumadda oo uu ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis oo muddo dheer sugayay cadaalad ay hesho gabadhiisa.

“Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay.

Mas’uul Turkish ah oo lagu maxkamadeynayo Muqdisho iyo dambiga loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori oo u dhashay dalka Turkiga.

Ninkaas ayaa ku eedeysan inuu ku xad-gudbay xeerka shaqada, dhaqanka suuban iyo ku takrifal awoodeed oo muwaadiniin Soomaaliyeed uu kula kacay.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu soo xiray, Makamadda gobolka Banaadir-na horgeeyey eedaysane Mr. ERTUGRUL KARAFIYELI oo ah Madaxa Shaqada yo Shaqaalaha Shirkadda Favori, ahna muwaadin u dhashay dalka Turkiga,” ayaa lagu qoraal uu soo saaray xafiiska xeer ilaalinta oo sii faahfaahiyey arrintaan.

Eedaysanaha ayaa loo haystaa faldambiyeedyo kala ah anshax xumo,

handadaad, xadgudub iyo takrifal awoodeed oo uu ku sameeyay muwaadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay Shirkadda Favori oo uu si ka baxsan Xeerka Shaqada iyo Dhaqanka suuban kula kacay.

“Maxkamadda ayaa markii ay ku qanacday cadaymaha hordhaca ah ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Cuud ee Qaranka u gudbisay eedaysanaha Xabsi ku hayn ku meel gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bilaabi doonaa dhamaystirka Maxkamadaynta eedaysanaha, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Soomaaliya waa dhif in la maxkamadeeyo ajaanibta ku xad-gudbeysa muwaadiniinta, sababtuna jileeca dowladnimada iyo aqoon darro ama tabar darro ka jirta meelaha qaar.

Sharkadda uu ka tirsan yahay ninkaan ayaa gacanta ku heysa maamulka dekedda Muqdisho, hadda ka hor waxaa mar lasoo xiray nin Turki ah oo ka tirsanaa shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo laga jaaseeyey dembiyadii loo heystay.

Xubno badan oo Shabaab ah oo lagu laayay gobolka BAAY

0

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah.

Qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishta ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Shabaab, ayna hayeen xogtiisa.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday inay dishay 12 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib kamid ah Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Qansaxdheere.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xustay inay la wareegtay hub ay ka carareen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo noocyo kale duwan leh, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Daraawiishta Degmada Qansax-Dheere oo hayey xogta weerarkan ayaa Khawaarijta gaarsiiyey jab xoogan waxaana laga furtay hubka dagaalka oo kala duwan, waxaana lagu raadjoogaa haraadiga kuwii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri qoraaka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo culus ka wada ahalkaasi.

Inta badan waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka dhaca weeraro culus oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla labadaas gobol

Ku dhawaad 3,000 oo ka tirsan Xizbullah oo la dhaawacay kadib markii…

0

Beyruut (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen in ka badan 2,800 oo kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay hal mar wada qarxeen aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, farriimahana is isugu gudbiyo.

Qalabkan ku qarxay xubnaha ka tirsan ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa lagu soo sameeyay Jasiiradda Taiwan. Gugi dhawaa kooxdu ka dalbatay shirkadda soo sameysay ilaa 5,000 oo xabbo ka hor inta aysan qarxin Talaadadi shalay. Saraakiisha Xisbullah ayaa ku eedeeyay sirdoonka Isra’il ee Mossad.

Isra’il wali kama aysan hadlin weerarkaan. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Matthew Miller ayaa sheegay, in Dowladda Mareykanka aysan horay u sii ogeyn weerarkasi. Wuxuu intaasi raaciyay in ay hadda billaabeen ururinta xogta.

Ilo-wareedyada dhanka amniga ayaanan wali caddeynin nooca iyo awoodda qaraxyada lagu weeraray Lubnaan, balse mid ka mid ah khubarrada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, qaraxyada lasoo geliyay aaladda Pager-ka ee dhanka isgaarsiinta uu ahaa wax yar oo la eg saddex garaam.

Pager-ka ayaa ah qalab elektaroonic ah oo dhumucdiisu ay gaareyso kalkuleetarka, waxaa lagu xiran karaa suunka ama la gashankaa jeebabka. Farriim qoraaleedyada iyo codadka ayaa la isugu diri karaa.

Xisballah waxay wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Isra’il, oo ay ku eedeysay weerarkaasi.

Dowladda oo u gurmatay Aabe dhibane u ah Al-Shabaab oo 3 wiil ay ka beegsadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo galabta kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa deeq lacageed oo gaareysa 20,000 oo dollar ku wareejiyey Maxamuud Cali Daboole oo qoyskiisa ay dhibaato badan kasoo gaartay qaraxii ay Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido.

Saddex Wiil oo uu dhalay Maxamuud Cali ayey waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay weerarkii Xeebta Liido  bishii hore.

Dhallinyarada oo ahaa aqoonyahanno uu waalidkood ku dadaalay, ayuu mid ku geeriyooday weerarkaas, halka Cabdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aadda 20 iyo ilaa 18 sano ay dhaawacyo daran soo gaareen.

Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran ayaa horay u ballan qaaday adeeg caadimaad oo dibadda ah in wiilashaas ay ka heli doonaan dowladda.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo haweenka Qaranka.

Xubnaha guddiga oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag, isla markaana halgoob ay Shabaab ku beegsadeen.

Kooxda AL-Shabaab ayaa caan ku ah beegsiga dadka rayidka ah iyo xanuunada noocaan ah ee dareen taabadka leh, waana xaalad laga murugoodo in hal goob lagu beegsado dhalinyaro isla dhalatay oo waalidkood ku soo koriyey xaalad adag.

Daawo: Maamulka Baraawe oo war culus ka soo saaray xiisadda DF iyo Laftagareen

0

Baraawe (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe oo ka hadlay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay degmadaas ayaa been abuur ku tilmaamay arrintaas.

Wuxuu sheegay in Baraawe ay xukunto Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo dowladda federaalka ay heysay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Baraawe aan laga hari karin K/Galbeed, isla markaana aysan yeeli doonin taas.

“Maamulka iyo ciidamada amniga ee magaaladaan waa kuwii shalay joogay, ma jiraan wax soo kordhay, hadalada soo yeeraya waa been abuur, dadka beentaas baahinaya waxaan leeyahay dalkiina u tura,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baraawe.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Dowlada Soomaaliya waa federaal, Baraawe waxay hoos tagtaa Koonfur Galbeed, wax dhibaato ah kama geysan dowladda dhexe, halkaan kama taagna wax buuq ah.”

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Baraawe ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dowladda federaalka iyo K/Galbeed ay ku hardamayaan magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay hor istaagtay qorshe halis ah oo Itoobiya iyo Maamulka Laftagareen ay iska kaashanayaan, qorshahas ayaa ciidamo badan lagu geynayaa magaalooyinka Baraawe, Marka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Itoobiya iyo Laftagareen ayaa qorsheeyey inay ciidamo badan diyaarado uga soo qaadaan Baydhaba, isla markaana ka dejiyaan Baraawe, balse dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay, kana hortagtay qorshahaas.

Laftagareen ayaa qorsheynaya inuu qabto doorasho u dhaceysa sida uu rabo, halka dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in hadii Laftagareen uu qaba waayo doorasho rasmi ah ay doorasho kale ku qabato Baraawe.

Hoos ka daawo

Taabit Cabdi oo war culus kaso saaray xiisadda taagan, runta u sheegay XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo war kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan arrimaha duulimaadka oo ay ka timid caqabad xoogggan.

Taabid oo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “Wuxuu diidanaa shalay ninka doonayow joog, dantaguud ha dhaawiciin”.

Sidoo kale wuxuu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud, isaga oo xasuusiyay in shalay uu ka dhiidhinayay in la siyaasadeedyo arrinta duulimaadka.

Taabid ayaa soo jeediyay in cid kasta oo ku xad-gudubta sharciga duulista hawada lala tiigsado maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Madaxweyne shalay adigaa xigan jiray in la illaaliyo sharciga shaqaalaha rayidka oo ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka inay siyaasadda ku milmaan, maanta adigoo ah Madaxweynaha JFS in aflagaado isir-caayid ah uu ku kaco qof ka mid ah shaqaalaha rayidka waa wax aanan la aqbali karin, haddii sharciga lala tiigsanna waxay noqon doontaa gardarro garab og iyo dulmi raali laga yahay” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka lasoo wariyay in saacado kooban la xayiray duulimaadyo diyaadeed oo ku socday Baydhaba, sababo la xiriira xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed, laakiin arrintaan waxaa beenisay hay’adda duulista.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba aysan waxaba iska bedelin oo sidoodii ay ugu safraan magaaladaasi.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Arrimahan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

 

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii uu shalay booqasho ku tegay hoyga ay taallo gogosha tacsida Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha oo kasoo baxay xarunta madaxtooyada ayaanan loo xirin hal waddo, waxaana kolonyo galbineysay ay si caadi ah usoo dhex-mareen shacabka.

Sidoo kale muuqaal ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa la arkayay kolonyada madaxweynaha oo istaagtay, si ay waddada uga gudbaan gabdho iyo arday taagnaa waddada dhinacdeeda, taas oo si weyn loogu boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin aan caadi ahayn, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo madaxweynaha ku ammaanay tallaabada uu qaaday.

Cabdiweli Wabi “Waan ku amaanayaa madaxweynaha in wadooyinka aan loo xirin allaha u naxariista marxuumka”.

Nuur Aduunyo “Jaamka iyo cariirigi jidadka ka jira in madaxweynaha la tuso waa qeyb kamid ah dowladnimada dhibka shacabkiisa heestane uu wax ka ogaado si uu xal ugu helo”.

Cabdifitaax Maxamed Axmed ayuu isna yiri “Xoreyso kadibna ku dalxiis guuleeyso dal xoreeye”

Cabdikariin Yuusuf Waranjini “Xamar waa nabad oo far waawen eh waaye ninki wax fahmaayow Welcome New Xamar”

Mustaf Nuur Qayloy ” Waa wax lagu farxo ah maanta in Xasan iyo shacabkii is dhex socdaan, waana wax rabi looga mahadeliyo”.

Maxamed Aadan “Dowladnimo Alle ha u naxriisto Ugaaska madaxweynaha waan kaga mahadcelinayaa nidamkan waddo marista ah”

Cabdiraxmaan Axmed Case” Madaxweynihii iyo shacabkii oo is dhex maraya waa wax lagu farxo”.

Saadaam Xuseen “Madaxweynihii iyo shacabkii oo is dhex maraya waa wax lagu farxo, intaas iyo in ka badan ayaan rajeynena”.

Maxamed Cali Xerow “Maasha allah farxad ayay ii tahay inaan arko waddanka oo amni ah, madaxwaynuhuna uu dhex socdo ilaahay ñabada ha inoo siyaadiyo”.

Aqalka Sare iyo QM oo qaaday tallaabo la xiriirta khilaafka DF iyo maamullada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay  ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira khilaafka u dhexeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Cabdi Xaashi iyo Raisedon Zenega ayaa si gaar ah waxay uga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka, siiba howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka oo ay ugu horreyso dib ueegista Dastuurka KMG ah, shuruucda doorashada dalka iyo kaalinta QM ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla baarlamaanka JSoomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in golaha uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo  inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday khilaafaadka soo noq noqday ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo haatan soo xoogeystay

Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay inay ka gole ahaan u taagan yahiin xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexeiyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana uu taagan yahay khilaafka xoogleh u dhexeeyo Villa Somalia iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Khilaafka oo haatan sii laba qarxay ayaa wuxuu si gaar ah ugu dhexeeyaa dowladda federaalka iyo maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo ay isku qabtay arrimo xasaasi ah oo la xiriira siyaasadda gudaha iyo sidoo kale xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya.

DF Somalia oo soo saartay jawaab culus oo la xiriirta xaaladda Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa ka hadashay wararka saaka la baahiyay ee la xiriiray in dowladda dhexe ay joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba aysan waxaba iska bedelin oo sidoodii ay ugu safraan magaaladaasi.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Dhinaca kale, Caasimada Online oo la hadashay xubno ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in wararka sheegay in la hakiyay duulimaadyadii Baydhabo ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaa idin caddeynayaa in aan la hakin duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhabo, wararka la wareejinayo waa kuwa aan sal iyo raad toona laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha garoonka ee la hadlay Caasimada Online..

Inkasta oo ay jiro xiisada siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, haddana waxa maalmihii dambe soo baxayay warar u badnaa been abuur oo hurinaya xiisadda labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

Howlgal culus oo la isugu furayo laba magaalo muhiim ah oo ka billaaban doona…

0

Balcad (Caasimada Online) – Waxaa socota u diyaar-garowga u dambeeyay ee howlgal culus oo la isugu furayo magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee maamulka HirShabelle.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha lugta Dayax Cabdi Cabduulle ayaa shiray howl-galkan Al-Shabaab looga sifeynayo magaalooyinkan, si la isugu furo.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha barlamaanka HirShabelle iyo saraakiil kale, ayaa waxaa iskula qaatay in la bilaabo howlgal Al-Shabaab looga sifeynayo wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidaa la isugu furi magaalooyinkan, loogana sifeyn lahaa gebi ahaanba kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan dadaal mid ah ugu jirnaa sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Khawaarijta gaar ahaana deegaanada dowlad-goboleedka HirShabelle ” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Howl-galkan oo wax weyn ka tiri doona isku xiranka degmooyinka maamulka, gaar ahaan Balcad iyo Jowhar, maadaama wadadaasi marar badan kooxda Al-Shabaab ka geysteen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah, oo khasaarw kala dhasheen.

Si kastaba, Howl-galka ayaa imanaya xilli la dardar-gelinayo dagaalka Al-Shabaab, kaas oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid, iyada oo xusid mudan tahay in maamulka HirShabelle kamid yahay maamullada jabka culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Mareykanka oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho. 

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda. 

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed. 

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

“Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.” 

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn. 

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas. 

Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran. 

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.

Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkaasi oo Turkigu dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.

Wasiirka Arrimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.