25.6 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sawirro: Fariisimo muhiim uh Al-Shabab oo la bur-buriyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii labaad waxay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan deegaano dhaca gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan oo lagu bur-buriyay fariisimo ay laheyd kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay aagga tuulada Caanoole oo dhanka Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxar-diid oo la hadlay warbaanhinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay bur-buriyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulada Caanoole.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu nadiifiyay deegaano ay kooxda ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah oo dhaca gobolka Jubbada Hoose.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka socday howl-galo deegaano badan looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sanadihii dambe ay ka talinayeen.

Howl-galkan ayaa sidoo kale imanaya xilli gobollada dhexe uu haatan ka socda howl-gallo culus oo ka dhan ah Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo xooggana la isugu geynayo maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo weli kooxda ku xoogan tahay.

War cusub oo kasoo kordhay dagaalka ka socda SUDAN

0

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa ku dhowaaqay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah.

Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan.

Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka.

Sidoo kal waxaa isna shalay Khamiisti bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo.

Hase yeeshee, labadan nin ayaa midba midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maalmo ka hor ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wada-hadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah.

Xog: Turkiga iyo dhinacyo saameyn leh oo kusoo baxay xiisadda DF iyo K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho iyo Baydhaba waxa ka socda kulamo la doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo garabka ugu muhiimsan uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Turkiga ay soo faro-gelisay khilaafka DF iyo K/Galbeed, waxaana shalay iyo maanta socday wadahadallo aan weli natiijadooda la shaacin, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda hormar laga gaaro wadahadalka, maadaama dhinacyadu aysan isku heyn qadiyado waaweyn.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa shalay tegay magaalada Baydhaba, si dowladda dhexe iyo maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu u dhexdhexaadiyo, waana sarkaal idman oo saaxiib la ah Xasan Sheekh iyo Laftagareen labadaba.

Sidoo kale Jeneraal Mahad wuxuu dhalay xaaska Madaxweyne Laftagareen, waana qofka ugu horeeya ee Laftagareen uu talada ka qaato, hadda wuxuu u kala dabqaadayaa dowladda dhexe oo xil sare uu ka hayo iyo wiilkiisa Cabdicasiis Lagtagareen.

Xubno xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay suurtagal tahay in lasoo saaro isfaham dhigaya in madaxda dowladda federaalka iyo Cabdicasiis Laftagareen ay si fool ka fool ah u kulmaan, waxaana suurtagal ah in Koonfur Galbeed ay shuruud ka dhigto in kulankaas uu ka dhaco meel ka baxsan Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in la isla aado Ankara oo madaxda dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay u kala gar-qaado dowladda Turkiga oo soo farogelisay xiisadaan.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa doorashada daahday ee madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo damaca Itoobiya oo ka soo dhex hadashay dad reer K/Galbeed ah oo Laftagareen uu ugu horeeyo, taasi oo dhabar jab ku ah qaranimada Soomaaliya, kana caroodeen dowladda dhexe iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka iyo Laftagareen ayaa isku haya doorashada iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xiisadaan dabka ku sii shideysa Itoobiya oo noqotay wadan cadow ku ah Soomaaliya, waxayna la safteen hoggaamiyaha K/Galbeed si siyaasadda dalka ay u qasaan, saameyna ugu yeeshaan.

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay hubkii ugu badnaa iyo ragii watay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu dhaqan gelinayo barnaamijka xasilinta caasimadda iyo loogana hor tegay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.

Taliye Macalin Mahdi ayaa sheegay in howlgallo muddo socday lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsa jiray, isagoo soo bandhigay tirada qoryo lagu soo qabtay howlgalkaan.

“Howlgalkaan 72 saac ayuu socday ayaa lagu soo qabtay 36 qori oo afar ay tahay BKM, kuwaas oo si sharci darro ah looga ganacsanayey, sidoo kale waxaan soo qabanay rasaas aad u badan,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in hubkaan uu khatar ku ahaa amniga caasimadda, isla markaana laga iibi jiray dadka ka shaqeeya amni darada iyo kooxaha argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Halka aan ka imaanay iyo halkaan u socono waxaa dhow halkaan u socono gadaal uma noqon doono, qofkii hadda kadib ku howlan arrintaan waxaan u cadeynayaa in gacanta ciidamada amaanka uusan ka badbaadi doonin,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad ugu goodiyey in hadda kadib ay aad u beegsa doonaan hubka sharci darada ah, dadka ka ganacsada, kuwa dalka soo geliya iyo guryaha lagu hayo, intaba.

”Hub sharci darro ah laguma arki karo guri masuul leeyahay. Hub sharci darro ah ayaa la soo qabtay, ogaada Qof kasta ee ka ganacsada hub wuxuu lamid yahay Al-Shabaab” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Hoos ka daawo

Cabdi Xaashi iyo Aadan Madoobe oo kulmay xilli uu socdo qorshe xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho xilli uu socdo qorshe baarlamaanka lagu marsiinayo rabitaanka Villa Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna ka wada-hadleen shaqada baarlamaanka 11-aad, sida uu shaaciyay xafiiska guddoonka.

Labada guddoomiye ayaa isla soo hadal qaaday xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta baarlamaanka labadiisa aqal iyo ka wada-shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Kulanka labada masuul ayaa imanaya saacado un kadib markii guddiga joogtada ee Golaha Shacabka uu ansixiyay ajendayaasha horu-tebinta u leh kulamada guud ee todobaadka soo socda, kadib kulan ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu imaanaya kulankaan xilli ay Villa Somalia dooneyso in baarlamaanka marsato sharciyada qabyada u ah hanaanka doorasho ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhagan yahay ee qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka ayaa la rabaa in saddexdaas arrimood diirada lagu saaro, inkasta oo hadda jihadii baarlamaanka ay kala qeybsantay.

Lama oga sida ay Villa Somalia ku marsan doonto rabitaankeeda baarlamaanka, iyada oo dhinaca kalena ay ku furan tahay xiisadda Koonfur Galbeed, oo markii hore ay xildhibaannadeeda ay jireen dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse ay hadda ku kala furteen khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Lafta-gareen.

Mareykanka iyo Masar oo mowqif culus ka qaatay xiisadda Somalia iyo Ethiopia

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa markale taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya.

Mareykanka iyo Masar ayaa xaqiijiyay taageerada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka horyimid damaca guracan ee xukuumadda Addis Ababa ay dooneyso inay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xad-gudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah shir jaraa’id oo si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Dowladsa Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, iyadoo ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho.

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda.

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed.

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.

Si rasmi ah loma ogga sababta shirkaasi oo Turkiga dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallan-qeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Sidoo kale Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in xiisadda kasii darto.

Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada kacsan ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata in haatan ay yeelatay weji cusub, waxaana soo baxay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada maamulkaas ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa maanta bannaanka usoo baxay kadib markii Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba lagu celiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayay si weyn ugu kala qayb-sameen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay kasoo horjeesteen in la hor istaago Xildhibaan Sareedo, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in laga celiyo magaalada Baydhaba oo ay saaka kusii jeedday.

Sareedo oo qudheeda la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lagu xagdubay, isla markaana saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen, kana reebeen dyaaradda.

“Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri  Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay is hortaagga lagu sameeyay xildhibaannada, isaga oo toos ugu eedeeyay inay ka dambeyso Villa Soomaaliya.

“Xildhibaannadu ma’ah shaqaale Xasan Sheekh, waa xadgudub sharci iyo gef wayn in saaka xildhibaan qaran kahor istaago inuu u safro Baydhaba oo ah deegaan doorashadiisa” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi.

Dhankiisa Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay war ka duwan midkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horay isaga iyo xildhibaanno kale uu maamulka Laftagareen u diiday Baydhaba, haddana aysan macquul ahayn in xildhibaan aan fasax haysan loo ogolaado Baydhaba oo uu tilmaamay inuu ka socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan sirdoonno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka Laftagareen wuxuu horey Xildhibaano reer Koonfur Galbeed ugu diidey in ay degaankooda tagaan. Maanta ma jirto sabab Xildhibaan aan fasax haysan uu Baydhabo u tago la kulanka sirdoon shisheeye” ayuu isna ku jawaabay Xildhibaan Mukhtaar Guuleed.

Wasiirkii hore ee haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Hanifa Ibraahim Habsade ayaa iyaduna ku jawaabtay “Xildhibaankii isaga oo Mayd wado diyaarada laga soo dejinaayey shalay ma ahayno! Guddoomiye Jawaari Allah u naxariistee isaga oo Baydhabo loo diiday ayuu Xamar ku dhintay, xitaa Maydkiisa loo qaadin. Dadkii dad celin jiray oo diyaaradaha lahadli jiray lee Eedadayna (Xildhibaan Sareedo) maanta celiyey.”

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu Laftagareen ka horyimid gebi ahaan qorshaha Villa Somalia.

Hakan Fidan oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah.

Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada.

Turkey ayaa illaa hadda marti-gelisay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda.

Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyey in uu Ankara ka dhaco Talaadadii ayaa la baajiyey.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso.

Muqdisho ayaa heshiiska ku tilmaamtay sharci-darro, waxayna uga aargudatay inay cayrisay safiirkii Itoobiya kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab.

Kadib labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay ayada oo ay hawada isu mariyeen hadallo kulkul.

REUTERS + VOA

Askari sabab yaab leh dil uga geystay Xarardheere oo maanta la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiis dil oo loo haystay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ).

Maxamuud AJ oo ka tirsanaa guutada 7-aad ee XDS ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo), markii taariikhdu aheyd 19/2/2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in eedeysanaha uu rasaas ku furo marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib baxsaday ayaa gacanta hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay 20-kii bisha 4 ee sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 3-dii bishaan September 2024.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo).

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.

Xogta aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xizbullah + Khasaaraha

0

Beirut (Caasimada Online) – Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen ayaa shalay ku qarxay meelo badan oo kamid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Tani ayaa imaneysa maalin kadib markii ay ku dhawaad 3,000 oo kamid ah dagaal-yahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaarsiineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale.

Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac.

Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah.

Israa’iil si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Israa’iil Arbacadii sheegay in Israa’iil ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal.

Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.”

Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Israa’iil ’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto.

Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u direy Joe Biden ee la gaarsiiyay?

0

Washington (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalkaasi Daahir Xasan Carab oo horay u ahaa guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Simad.

Danjire Daahir Carab oo si toos u guda galay shaqadiisa diblumaasiyadeed ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Joe Biden, kadib markii uu ka qabtay warqadaha aqoonsiga.

“Madaxweynaha Mareykanka maanta waa la kulanay waxaana u gudbinay warqadaha aqoonsiga oo si rasmi ah nooga qabtay” ayuu yiri danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Washinton.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fariin uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ummadda Soomaaliyeed uu gaarsiiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Binde. “Waxaan gaarsiiyay salaan aan ka waday Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri mar kale yiri danjiruhu.

Dhinaca kale Daahir Carab oo wareysi siiyay  VOA ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, isla markaana uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

“Waxaan is weydaarsanay muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa” ayuu sii raaciyay

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Wuxuu madaxweynahu ballan qaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay dib ugu soo kaban lahayd arrimaha nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo tacliinta”.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir qoto dheer iyo iskaashi buuxa, waxayna Washinton qayb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka qarxay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi, waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digayaa, maadaama ay saameyn karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo horay looga gaaray guulo waa wayn.

Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in tallaabo laga qaado mas’uul u gefay reer K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo soo saaray qoraal xasaasi ah ayaa ka falceliyay hadalkii carada dhaliyay ee kasoo yeeray agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo dhawaan ku dhawaaqay hadal ay ka caroodeen reer Koonfur Galbeed.

Yuusuf Garaad Maay iyo Maxaa tiri kusoo jawaabay ayaa sheegay in gef wayn ay tahay in ilmo Itoobiyaan lagu tilmaamo dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in arrinaas ay dhaawaceyso midnimada dalka.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in tallaabo adag laga qaado mas’uulka yiri hadalkaas ee u gefay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Doogey Naaduwaa.

Maay (kor) iyo Maxaa tiri (hoos) ku hoo jawaabteyda:

Bini’aadamké way eya noolegé sheleedis Ilaahey owood ing siyi ini ku dowahé sah iyoonay qaléd shal sheegowsho. Qalédné qaléd mal ké sahaw.

Doogé ané dhugunsidey dad Soomaaliyeed ké tilmaamayi ini eying owlaad Itoobiyaan dhaley Soomaali isku dhikaayang, gef wiino liinku shib erré korné wu.

Gef shal gooyaw Soomaalidé, dhaawa’é koré ini dalké lé wadé difaa’idé, amingki liing baahédéwu.

Way waajib ehé ini tillaabé léku qaadé qofki doogas erré, hoobbé usé hangku hoohine raalligiling maangal eh ingku biiné.

…..

Aadanuhu waa nafleyda keliya ee Rabbi awood u siiyay in ay hadasho, si ay sax iyo qalad u kala sheegto. Qalad laguma saxo qalad.

Hadalka aan dhegeystay ee dad Soomaaliyeed ku tilmaamaaya in ay yihiin carruur Ethiopian dhalay, oo Soomaali iska dhigaya, waa gef ay tahay in aan laga aammusin.

Waa gef kala geynaya Soomaalida, dhaawicina kara in dalka la wada daafaco marka loo baahdo.

Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, ayada oo tallaabo horleh ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Sareeda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in saaka loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gebi ahaanba laga reebay diyaaraddii ay raaci lahayd oo kusii jeeday deegaan doorashadeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in arrintan ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada Digil iyo Mirifle, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri  Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Horay waxaa u jirtay in garoonka sidoo kale lagu xayiray taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Baay iyo Bakool, walow markii dambe la fasaxay.

Dhammaan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii hurinayo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si aad ah la’isugu qabtay arrinta Itoobiya, kadib markii ay koonfur Galbeed ka hortimid qorshaha Villa Somalia.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase soconayo dadaallo ay waddo dowladda oo lagu qaoobjinayo xiisadda, ayada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhaba si uu usoo qanciyo C/casiis Laftagareen.

Safiirada Carabta ee jooga Somalia oo ku dhawaaqay gole cusub + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Carbeed ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin, waxaana Muqdisho ay ku qabsadeen munaasanad ballaaran oo ay ku shaacinayeen dhismaha golahaasi cusub.

Munaasanadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayada oo sidoo kale joobjoog ahaayeen  dhammaan safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya gudaha Soomaaliya.

Ujeedka golahan loo dhisay ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka waddamada Carbeed iyo Soomaaliya, si sare loogu sii qaado iskaashiga dalalka iyo Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda furitaankan golahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya  safaaradaha Carabta ee dalkeena.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xadgudbka ay kula kacday Itoobiya.

Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer laleh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey safiirro cusub, kana hadlay arrimo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dalbatay in magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka.

Labada Danjire ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) –  Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

“Siyaasadda cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara,”  ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta,  iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

Turkey to send frigates for oil exploration in Somali waters

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In a move to secure its energy interests in the Horn of Africa, Turkey is set to deploy naval frigates to protect a Turkish energy exploration vessel in Somali waters.

According to two sources familiar with the situation, the frigates will accompany the vessel, Oruc Reis, tasked with conducting seismic studies in the Somali exclusive economic zone (EEZ).

This development comes after a strategic agreement was signed earlier this year between Turkey and Somalia.

The agreement allows Ankara to explore and drill for energy resources within Somalia’s EEZ while also providing protection against external threats. The move highlights Turkey’s expanding influence in the region and its growing energy ambitions.

Turkey’s seismic survey in Somalia

The Turkish energy exploration mission, led by the vessel Oruc Reis, is a significant step for Turkey’s growing energy sector.

Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar announced that Turkish Petroleum has obtained licenses to explore three large fields spanning 5,000 square kilometers in Somali waters.

The Oruc Reis will conduct a 3D seismic survey in these areas, marking the first time such advanced technology has been used in Somali seas.

“This is the first time a Turkish research vessel will operate in the open ocean,” noted Tunc Demirtas, an analyst specializing in African affairs at Seta, a Turkish think tank.

The open waters of the Indian Ocean pose unique challenges, including potential threats from pirates and other hostile actors, which has led Turkey to take extra precautions to safeguard the mission.

The strategic importance of Somalia 

Turkey’s interest in Somalia goes beyond energy. The deployment of frigates to protect Oruc Reis is part of a broader Turkish strategy in the region.

In recent years, Turkey has become more assertive in the Eastern Mediterranean, facing stiff resistance from Greece over territorial disputes and energy exploration rights.

Now, Ankara is shifting its focus to the Gulf of Aden and the waters off Somalia, regions that pose new challenges and opportunities.

The waters surrounding Somalia are believed to be rich in untapped oil reserves, making them a prime location for energy exploration.

Minister Bayraktar expressed optimism about the potential findings, stating that initial data indicates promising oil reserves.

Should these expectations come to fruition, the exploration could significantly boost Turkey’s energy independence, allowing it to commercialize the oil quickly and incorporate it into its economy.

Oil discovery: A boon for Somalia’s economy?

Turkey’s agreement with Somalia includes a “production-sharing agreement,” ensuring that the Somali government will benefit from oil discoveries made within its waters.

“After giving the Somali state its rightful share, the remaining oil can be sold on the global market or brought to Turkey’s refineries,” Bayraktar explained.

This arrangement could be a game-changer for Somalia’s fragile economy, which has long struggled with poverty, instability, and underdevelopment.

For Somalia, the deal presents a double-edged sword. While the potential for oil revenue could bring much-needed economic relief, concerns have been raised about how the Somali government will manage these newfound resources.

Transparency, effective governance, and addressing local concerns will be crucial to ensuring the oil wealth benefits the Somali people rather than exacerbating existing challenges.

Security challenges in Somali waters

The waters off Somalia are notorious for piracy, and the region has seen significant maritime instability for years. The deployment of Turkish frigates is seen as a necessary measure to protect the Oruc Reis from pirate attacks and other security risks.

“Turkey is taking utmost caution because of the risks posed by both pirates and possible land-based threats,” Demirtas emphasized.

The presence of naval forces is intended to deter piracy and secure Turkey’s operations against any geopolitical challenges that could arise.

The Gulf of Aden is a vital maritime route, and any disruptions to Turkey’s exploration mission could have broader implications for global energy markets.

Turkey’s increasing involvement in Somalia’s energy and defense sectors can also be viewed through the lens of regional geopolitics.

Earlier this year, Somalia signed an agreement with Turkey to bolster its maritime defense capabilities, coinciding with Ethiopia’s military partnership with the breakaway state of Somaliland.

Under that agreement, Ethiopia gained the right to build a military port in Somaliland, prompting Somalia to strengthen ties with Turkey as a counterbalance.

Two rounds of talks mediated by Turkey between Somalia and Ethiopia failed to resolve tensions, and the situation remains delicate.

Turkey’s expanding military and economic presence in Somalia is considered part of a broader effort to project influence in the Horn of Africa, a region of increasing strategic importance due to its proximity to critical maritime trade routes.

The deal between Turkey and Somalia is one of several agreements that signify deepening ties between the two nations. In February, the two countries signed a defense and economic cooperation agreement to strengthen Somalia’s naval capabilities.

The oil and gas exploration agreement signed in March further cemented Turkey’s role in Somalia’s future energy development.

As Turkey continues to expand its energy ambitions, its presence in Somalia could become a cornerstone of its broader regional strategy.

Deploying frigates is just one aspect of this multi-faceted relationship, which combines defense cooperation with economic partnerships.

Wareysi: Taliyaha Marines-ka Mareykanka ee Afrika oo si cajiib ah uga warbixiyey Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Marines-ka Mareykanka ee ka howlgala Afrika ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA, wuxuu kaga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada al-Shabaab.

Wareysigan oo muuqaal ahaa ayaa taliyaha looga qaaday Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyey kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay hadaf dheer ka leeyihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana laga gaaray natiojo weyn.

“Shaqada waxaan la wareegay 2022 ciidamada xoogga Soomaaliya waxay dagaalka ka gaareen natiijo aad u weyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ila wadaagay in ciidamada Soomaaliya ay curdun yihiin oo dhismihii uu weli ku socdo, balse waxay dagaalka ka gaareen natiijo rasmi ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada badda ee howlgalka Mareykanka ee AFRICOM.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca Militeriga, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab, saldhig weyn oo lagu tababaro ciidamada qaranka ayuu ku leeyahay Balidoogle.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa ciidamada Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab, iyagoo gobollada ka fuliya duqeymo ay kooxdaas ku bartilmaameedsadaan.

Taliyaha oo ka hadlay wadashaqeynta dhanka militeriga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa yiri, “Soomaaliya waxaan nahay bah-wadaag, waxaan ku wada duulnay Al-Shabaab, waxaana ka qeyb qaadanaa dhismaha ciidamada qaranka.”

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku filan yihiin inay la wareegaan amniga qaranka, markii ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS, gabagabada sanadkaan 2024-ka.

Hoos ka dhageyso wareysiga:

 

Xog: Xasan oo Baydhaba tegaya xilli Itoobiya ay Lafta-gareen ku riixayso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tego magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa raba inuu natiijo wax ku ool ah ka gaaro xal u helista xiisadda ka dhex aloosan dowladdiisa iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen.

Socdaalka madaxweynaha ee Baydhabo ayaa imanaya xilli ay guul-dareysteen dadaalladdii u dambeeyay ee la sameeyay, si magaalada Muqdisho loo keeno hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban, oo la fahamsan yahay inuu ka shaqeynayo Cabdicasiis Lafta-gareen kadib khilaafka dowladda dhexe ee salka ku haya Itoobiyaanka, madaxweynaha ayaa doonaya in uu qanciyo Lafta-gareen.

Lama oga in Xasan Sheekh uu Lafta-gareen ku qancin karo labada arrin ee isa-saaran, waa bixitaanka ciidanka Itoobiyaanka iyo in uusan qabsan doorasho gaar ah, oo uu ka cabsi qabo in albaabada u furto maamullada kale iyo tiisaba.

Xiisadda labada dhinac oo soo shaac baxday kadib markii dowladda dhexe ay shaacisay go’aanka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee jooga xooggooda deegaanno katirsan dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay muddo soo huursaneyd oo aysan ka madhneyn damaca soo laabasho ee Lafta-gareen.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa haddii uu ku guuleysto qancinta Cabdicasiis Lafta-gareen waxay dharbaaxo kale ku noqon doonta xukuumadda Abiy, oo ayadu fursad weyn u aragta kala taga labada dhinac, maadaama ay dowladda dhexe meel adag iska taagtay qorshaha Itoobiya ku qaadaneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

War cusub oo ka soo kordhay xildhibaan lagu la’yahay magaalada Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ku dhowaad muddo toddobaad ah waxaa la la’yahay xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela oo ka hoos yimaada deegaanka Ceel-Dhaas ee Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi -Kenya.

Xubno ka tirsan golaha deegaanka Wajeer ayaa u tagay hay’adaha amniga si ay u ogaadaan waxaa ku dhacay Yuusuf Xuseen Cabdi oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha.

Sida la sheegay xildhibaanka ayaa la afduubtay 13-kii bishan isagoo saaran gaari Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee Nairobi.

“Waxaan aad uga xunnahay dhacadii afduubka ee koox aan la aqoon u geysatay xildhibaan Yuusuf Xuseen,” ayuu yiri Mr Cabdille Yuusuf oo ah afhayeenka golaha deegaanka Wajeer.

Wararka waxay sheegayaan in sagaalkii fiidnimo la afduubtay xildhibaanka. Kooxda afduubka geysatay ayaa la shegay inaywateen labo gaari oo ah nooca loo yaqaan Land Cruiser Prado.

Ehelka xildhibaanka maqan ayaa sheegay in Jimchii laga qabtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyayna aaney war ka helin geeri iyo nool halka uu jiro.

Xaliimo Xuseen Axmed oo ah Yuusuf walaashiis ayaa noo sheegtay wixii dhacay markii ugu dambeysay ee la waayay walaalkeed.

“Jimcihii inta u dhexeysay siddeedda ilaa iyo sagaalka fiidnimo isagoo u socoda gurigiisa South C kana soo baxay Islii ayuu raacay gaari Uber ah, darawalkii Uber ayaa booliska u sheegay in ninkaas uu la socday, labo gaari midna la hor dhigay midna gadaal laga joojiyay” ayey tiri Xaliimo Xuseen.

Sababta loo afduubay xildhibaanka ayaan la ogeyn. Booliisku waxay sheegeen in darawalka gaariga uu la socday uu u sheegay in labo gaari ay hore iyo gadaal ka istaageen isagoo markaas soo dhaqaaqay.

Warar waxay sheegayaan in gawaarida lagu afduubtay xildhibaanka aysan laheyn wax numbar ah oo lagu aqoonsado.

Qoyska waxay sheegeen in darawalka uu ahaa qofka keenay warka halka uu ku dambeeyay xildhibaanka hadii uusan sidaa yeelin aysan waxba ogaan laheyn.

“Haduusan ninkaas axsaan noo sameyn xitaa warkiisa lama heli laheyn” ayey tiri walaashiisa Xaliimo oo sidoo kale noo sheegtay in aabaha dhalay xildhibaanka uu yaha qof aragga la’ oo muddo 20 sano ah uusan waxba arag.

Qoyska ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan raadintiisa wax badan ka qaban.

“Dowladda way ka gaabisay raadintiisa, Nairobi meel kasta CCTV ayaa ku xiran, way ka gaabiyeen boqolkiiba boqol raadiska Yuusuf Xuseen”

“Tallaabo la qaaday ma jirto, anaga waa ciilannahay, hadii aan nahay dadka ka soo jeeda Ceel-Dhaas, way ka gaabiyeen madaxda kale ee laga soo doorto Wajeer”

Qoyska ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayaa in isagoo dhaawac ah uu yaal Isbitaal. “Waa been lagu soo qoray bog oo ilaa hadda ay wadaan, waa warar khalad ah, nolol iyo geeri lama haayo Yuusuf Xuseen Axmed”

Afduubka iyo dadka sida qasabka ah lagu kaxeysanayo ayaa ilaa hadda socda, inkastoo madaxweyne William Ruto uu ballanqaaday in uusan maamulkiisa u dulqaadan doonin dambiyada noocan oo kale ah in ay dhacaan.

Tobaneeyo qof oo Kenya u dhashay ayaa weli la la’yahay markii sida la sheegay ay booliisku afduubteen kaddib dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee dhacay bishii July.

Hay’adda la socota booliska IPOA ayaa xaqiijisay in bartamihii bishii July in ay soo gaareen ilaa iyo 10 cabasho oo la xiriirta afduub. Hay’ada waxay sheegtay in ay ka xaun tahay in ay awodi waayeen in ay la xiriiraan inta badan cabashooyinkaas.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee afduubka waxaa ka mid ah labo walaalo ah iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ilaa muddo bil ku dhow la la’ayahay markii la afduubtay.

Isha: BBC