26.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xaalad halis ah oo ka soo cusboonaatay KAARAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale xaalad halis ah ay kasoo cusboonaatay degmada Kaaraan oo mar kamid ahayd degmooyinka ugu amniga xun ee gobolka Banaadir.

Ciyaal weero cusub ayaa dib uga soo baxay degmadan oo horay looga tirtiray kooxaha ciyaal weerada iyo sidoo kale burcadda hubeysan, kadib qorshe ay la timid dowladda.

Dadka deegaanka ayaa haatan ka cabanaya xaalad cusub oo kusoo korortay,, gaar ahaan soo noqoshada ciyaal weeraro oo halis ku aha shacabka ku dhaqan halkaasi.

Xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan degmada Kaaraan ayaa lagu arkay kooxdan oo raxan raxan usocota, isla markaana dhagxeynaya guryaha, sidoo kalena dhibaateyda dadka shacabka ee lugeynaya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray maamuka degmada iyo saraakiisha amniga, waxayna ugu baaqeen inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda soo korortay.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka kooxda ciyaal weerada oo dhibaato ka gaysaneydo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ma’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka degmada Kaaraan.

Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka nasatay kooxaha ciyal weerada, waxaana hadda laga digayaa in mar kale ay noqoto halis kusoo laabata dadka ku dhaqan caasimada.

Taabit oo u jawaabay Xasan: In saq-dhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka falceliyay khudbaddii uu Jimcihii shalay jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso arrinta midnimada, isaga oo sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wanaagga iyo wadajirka dalka iyo dalka..

Taabit aya sheegay in marka hore madaxweynaha loog baahan yahay inuu qaado tallaabo la xiriirta kuwa aflagaadada gaystay eek a tirsan dowladdiisa, si loola xisaabtamo, maadaama uu gef ka dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne haddii ficilkaagu khayr iyo wanaag yeesho dadkuna intaa iyo in la eg ka fillo, balse marka hore kuwa aflagaadada gaystay ee dowladdaada ka tirsan tallaabo ka qaad, markaas bay rummoobeysaa wanaagga isku kaashada, xumahana iska reeba” ayuu qoraalkiisa ku yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrinta xakameynta hubka, isaga oo ka horyimid go’aanka Xasan Sheekh ee ah in saq-dhexe la weeraryo cid kasta oo haysata hub sharci darro ah, wuxuuna taasi beddelkeeda ku taliyay in la raaco habraaca iyo nidaamka loo dajiyay xakameynta hubka.

“Mida kale xakamaynta hubka habraac iyo nidaam dowladdeed soo ma lahan mise sagaal saac habeennimo in la is weerraro ayuu ka bilowdaa. In saqdhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa, dowladna laguma hagi karo” ayuu mar kale yiri Taabit.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, wuxuun cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo.

“Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda.

“Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Kaamirooyinka qarsoon ee lagu xiray Muqdisho ma yareeyeen dhaca mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hor soo rogtay amar ah, in goobaha ganacsiga ee ku yaala waddooyinka iyo suuqyada lagu xiro Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV si la mid ah Guryaha ay dagan yihiin dadka shacabka ayaa la faray in lagu xiro Kaamirooyinka.

Amarkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku micneysay in lagu sugayo amniga caasimadda, kaalin uu ka qaadanaya badqabka Ganacsiga iyo Muwaadinka, kuwaas oo la kulma dhac, dil iyo dhaawac oo ay geysanayeen dad aan la aqoon heybtooda.

Inta aysan soo rogin amarkaan dowladda Soomaaliya ayaa Hay’adda NISA waxa ay Kaamirooyin ku xirtay dhammaan Isgoysyada magaalada Muqdisho, taas oo sahashay in la raadraaco falal amniga liddi ku ah kuwaas oo ka dhacay Caasimadda.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidadama qalabka sida, ka gadaal markii ay geysteen falal liddi ku ah amniga caasimadda, Xeer ilaalinta ayaa dacwadda Askartaan waxa ay marag ugu dhigtay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, si la mid ah waxaa maxkamadda ka soo muuqday rag lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo Caasimadda ka fuliyey dilal qorsheysan iyo Qaraxyo.

Mid ka mid ah Aqoonyahaannada ku nool magaalada Muqdisho ayaa aragtidiisa sidaan ku cabiray, “Dowladda Soomaaliya waan ku bogaadinayaa tallaabada ay qaadeen ee ah in magaalada Muqdisho lagu xiro Kaamirooyinka, waad aragtaan maxkamadda waxaa ka soo muuqday rag dhac u geysanayey dhallinyarada magaalada oo ah ubixii dalka, hadda waxaa aan maqlay in xaafadihii lagu xiray, waan tallaabo wanaagsan.”

Sidoo kale Shacabka Muqdisho oo aan wax ka waydiinaya aragtidooda ku aadan Kaamirooyinka, mid ka mid ah ayaa sidaan u aragti dhiibtay, “Moobilkaan aad u jeedid Kaamirad ayaa lagu soo badbaadiyey, Xaafaddeyda afarta gees Kaamiro ayaa ku xiran.”

Bilowga Xiritaanka Kaamirooyinkaan Ganacsatada Muqdisho ayaa caqabad kala kulmay, qaar ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ayaa la qarxiyey, iyada oo halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, taas oo markii dambe sababtay in ganacsatada suuqa ay xiraan goobaha ganacsiga.

Isha: Mustaqbal

Wararkii ugu dambeeyay guulaha laga gaaray howl-gallada ka socda Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Ismaaciil Saxardiid Kaydsane ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Buulo-Xaaji iyo halka loo yaqaano Lagta Caanoole oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu sii eryanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla maraakana ay ka daba tegayaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan” ayuu yiri Janeraal lagta Caanoole ee gobolka Jubada hoose.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa la gaaray xilligii Shabaab gabalkooda uu dhacay meel walbo oo ay ciidankeenna isaga hor imaadaan waa looga gacan sarreeyaa”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uu sii socon doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ujeedkana uu yahay in laga ciribtiro guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Howlgalka wuuu soconayaa illaa aan ka ciribtirno kooxda Al-Shabaab, ama usoo hoyanayaan magaalo kamid ah Jubbaland”. ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, kadib dagaallo ka dhacay halkaasi.

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay howlgal ka dhacay BAKOOL + Sawirro

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo ay qaadeen ciidamada dowladda oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Qeydar-Cadde oo hoos yimaada magaalada Xudur, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo howlgalkan qaaday ayaa shaaca ka qaaday inay beegsatay xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd halkaasi, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen, gaar ahaan khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma faah-faahin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in la wareegeen saldhig iyo xero tababar oo ay Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Qeydar-Cadde oo hoostaga gobolka Bakool.

Waxaa kale oo ay saraakiishu intaasi kusii dareen inay howlgalkan ku furteen agabkii yiilay xerada, kaas oo ahaa saannad ciidan oo kala duwan.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ka dhacay aagga degmada Xudur ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga.

Xaalad kacsanaan ah ayaa la warinayaa in weli ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay oo qiyaastii  30km dhanka waqooyi galbeed ka xigay  Xudur.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaco howlgallo ay si wadajir ah u sameeyaan Koonfur Galbeed iyo dowladda.

Israel oo abaanduule sare ka dishay kooxda Xizbullah

0

Beyruut (Caasimada Online) –  Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay Jimcihi shalay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu khaarijiyay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan.

Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda, sida uu yiri.

Goor danbe oo xalay ah, ayay Xisbullah xaqiijisay dilka Caqiil. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa.

Akil ayaa kasoo mid noqday golaha ugu milatariga Xisbullah ee loo yaqaanno Golaha Jihaadka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii sannadki 1983-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka iyo saldhigi ciidanka badda Mareykanka ee Beyruut, halkaas oo lagu dilay in ka badan 300 oo qof.

Duqeynta lagu dilay Ibrahim Caqiil ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisad cusub oo u dhaxeysa Isra’il iyo Xisbullah, taasoo keentay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu ka qarxo Bariga Dhexe.

Isha: VOA

Somalia condemns Ethiopia over illegal arms shipments

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The government of Somalia has strongly condemned the unauthorized shipment of arms and ammunition from Ethiopia into the northern region of Puntland.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation termed this act a “serious violation” of the sovereignty of Somalia and warned of implications for national and regional security.

In a strongly worded statement, the government of Somalia revealed that two lorries carrying weapons crossed into Puntland from Ethiopia without prior diplomatic clearance. “This act constitutes a clear violation of the territorial sovereignty of Somalia,” the ministry said on Friday.

The incident has set off alarm bells in Mogadishu, which views this as part of a bigger pattern of illegal movement of arms across the border.

Recurring violations from Ethiopia

On its part, the government of Somalia was angry over the most blatant violation of international law when Ethiopia itself violated it.

It mentioned that there were other reports of weapons shipments to other regions in Somalia, particularly in Galmudug, and another cache flown into Baidoa.

“This latest incident mirrors previous unauthorized arms shipments from Ethiopia,” the government said. Such repeated activities show utter disregard for the sovereignty of Somalia.

These repeated violations have come to shake any element of stability in this already fragile region that bears the presence of a number of armed factions and militant groups.

Ethiopia’s actions have raised questions over its commitment to regional stability; such arms smuggling could further inflame tensions in Somalia, a country still recovering from decades of civil war and battling insurgencies such as the Al-Shabaab terrorist group.

Appeal for restraint and international intervention

In the wake of these violations, Somalia once more calls upon an immediate cessation of unauthorized arms shipments from Ethiopia.

The government of Somalia calls upon regional and international partners to join in condemnation; both countries should collaborate with the international community to ensure that peace and stability are maintained in the Horn of Africa.

To this end, Somalia has reiterated its commitment to the peaceful resolution of disputes through diplomatic dialogue and cooperation structures. The Federal Republic of Somalia reaffirms its commitment to the resolution of problems through diplomatic dialogue,” it said in a statement from the ministry.

It underlined that dialogue and cooperation remained the key tenets of Somalia’s foreign policy, notwithstanding the provocation.

Ethiopia-Somalia tensions increased

These unauthorized shipments of arms follow heightened tensions between Somalia and Ethiopia, which have made their relations even more difficult.

The tensions between the two Horn of Africa states have been critical since January this year when Ethiopia signed a controversial deal over maritime matters with Somaliland, a breakaway region of Somalia not acknowledged by the international community.

The MoU signed in March this year will see Ethiopia, a landlocked country, obtain access to the sea after it takes up 20 kilometers of Somaliland coastline for 50 years.

This access is designed to be used both for military and commercial purposes, meaning a naval base and a commercial port that is to be built by Ethiopia.

To the contrary, Somalia labeled the deal as an attack on its sovereignty. Mogadishu has long argued that Somaliland, declared independent in 1991, has no authority to negotiate such agreements, especially those involving national borders and access to Somali waters.

The deal was seen as a violation of Somalia’s territorial integrity and increased the distrust between the two nations.

Turkey’s role in mediating in the Horn of Africa

As tensions between Somalia and Ethiopia increase, Turkey has stepped in as a mediator, hosting various rounds of discussions in order to ease tensions.

Ankara, which has close relations with both Somalia and Ethiopia, launched shuttle diplomacy between the two governments to iron out their differences.

Turkey so far has hosted two rounds of talks—one in July and one in August. A third round that was due in September was postponed.

Turkish Foreign Minister Hakan Fidan said the decision to postpone them was taken as a lesson from the previous discussions. Instead, Turkey held separate meetings with Somali and Ethiopian officials to bring their positions closer.

Fidan sounded optimistic over the chances of resolution of the issue by saying, “I believe we brought the parties closer to a certain degree. Hopefully, we will continue this. I am hopeful.” The Turkish foreign minister is expected to continue trying to mediate between the two nations in finding a diplomatic solution to the growing dispute.

The Somaliland-Ethiopia deal and its implications

Under the January agreement, Ethiopia stands to gain a strategic foothold on the coast, giving access to international trade routes, something essential for one of the world’s largest landlocked countries.

Addis Ababa was attracted to securing access to ports because of the constraints it has acted under since its loss of access to Eritrean ports after the two went to war between 1998 and 2000. Currently, Ethiopia relies on Djibouti for its sea trade.

The deal with Ethiopia gives Somaliland its chance to reinforce its bid for reception by the international community.

Somaliland’s bid to allow Ethiopia to lease its coastline is a calculated strategy of buying Ethiopian support, as it pursues formal recognition as an independent state. The latter does not, though, overtly declare that it intends to grant any such official recognition, and the situation is delicately poised.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka digay shaqada ay qabtaan kooxaha CBB-da ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa maanta cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo.

“Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda.

“Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Khudbadda Madaxweynaha waa dheereed, wuxuuna kaga hadlay arrimo badan, balse qeybtaan wuxuu diiradda ku saaray arrin dadka maankiisa ka guuxeysay muddo dheer, dowladii tiisa ka horeysana ay ku soo caana-maashay, waa ‘aflagaadeynta dadka ka soo hor jeeda siyaasadda xukuumadda.’

Kooxaha qabta shaqada uu Madaxweynuhu ka digay waxay xooganaayeen xiligii uu Farmaajo joogay xukunka, waxaana horay loogu bixiyey magaca CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) waxayna si abaabulan u aflagaadeeyaan siyaasiyiinta muujisa in aysan la dhacsaneyn siyaasadda xukuumadda markaas jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed alle uga baryey inuu is jecleysiiyo oo xumaanta ka fogeeyo “dadka Soomaaliyeed isma necba, inta yar ee ku dhex jirtana beerkooda burcad allaha isku mariyo,” ayuu yiri, Xasan Sheekh loogama baran inuu maal-geliyo kooxaha CBB-da loo bixiyey.

Hoos ka daawo

Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga hadlay amniga Muqdisho, fariina u diray shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu dhiiragalinayay ciidamada ammaanka oo lagu qabtay degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.

Masuuliyiintaan oo ciidamada ammaanka ku maray qaar ka mid ah baraha ay ku hubiyaan dadka iyo daadiidka ayaa aad ugu boggaadiyay shaqada culus ee ciidamada qaranka ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta maanta isugu tagtay Kaxda oo Rooble iyo wasiirka Gaashaandhigga ay ugu horeeyaan ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ay har iyo habeenba u taagan sugida amniga Caasimadda, isla markaana ay ku guuleysteen inay amni ku soo dabaalaan Muqdisho.

“Socdaalkeena degmada Kaxda waxa uu cadeyn u yahay in Muqdisho amni tahay, qof walbana meesha uu rabo uu tagi karo, ku dalxiisa dalkiina oo taga daafaha magaalada, soo dega degmooyinka quruxda badan, kuna dhiirigeliya ciidamada qaranka shaqadaan quruxda badan ee naftooda ay u hureen,” ayuu yiri R/wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale masuuliyiintaan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqo culus ka heyso sugidda amniga qaranka, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray qorshihii lagu nabadeyn lahaa guud ahaan dalka.

“Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waa nabad, dhawaana dalka oo dhan ayaa la isku furayaa, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in qof kasta oo muwaadina, meel kasta oo uu joogo uu helo amni uu ku noolaado, waana gaari doonaa,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay amnigaan ku heshay qorshaha dowladda iyo dadaalka ciidamada qaranka oo fogeeyey, siina eryanaya duurka fog kooxihii Khawaarijta ahaa ee dadka dhibaatey jiray.

“In dalkaan aan amni ku soo dabaalno waxaan ku gaari doonaa inaan dhiig badan u shubno, shacabka Soomaaliyeed-na ay nagu garab istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay ciqaabta uu mudanayo qofkii lagu qabto hub sharci darro ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha, isagoo ka hadlay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed hadii ay midoobaan aysan jirin cid soo farogeli karta arrimaheeda gudaha, soona damaaci karta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah, kaasi oo la mamcuunay in laga ganacsado, laguna heysto gudaha caasimadda Muqdisho.

“Hub in laga ganacsado waa sharci darro cid laga yeelayo ma jirto, waxaad rabto ahaaw, yaan lagu keydin gurigaaga, dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay waaran u soo jara doonaan gurigii ay ogaadaan in hub lagu keydiyo, kadibna ay saq dhexe u daada doonaan, “sharaf malihid hadii gurigaaga hub sharci darro ah lagu keydiyo, waana iska kaa qabaneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada hubka, “dad badan ayaa xiran qaarna waa lagu daba joogaa, waxaan u digeynaa dadka hubka isugu dhiiba beelaha, xumaanta aan joojino oo nabadda kaalmeyno walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin wadan barwaaqo ah, “walaalayaal caqligu hadiin soo noqdo, u noolaada sida looga noolyahay aduunyada, dalkaan deganaasho ayuu u baahan yahay, dunida ayaa naga yaaban,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay hub Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay hub si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland.

Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u aragto mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

“Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo horay looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

“Shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa jira,” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka Soomaaliya.

Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku tiri, “Waxaan ugu baaqeynaa saaxiibbada Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay cambaareeyaan xadgudubkan, islamarkaana ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.”

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli sii adkeysaneyso go’aankeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan iskaashiga nabadda, oo ku dhisan ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka oo dhan.

 

Xog: Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafka DF iyo maamulka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya kulamo albaabada u xiran yihiin oo labadii cisho ee u dambeeyay magaalada Baydhabo uga socday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan (Shub).

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, kulamadan ayaa heshiis hordhac ah looga gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareeray.

Taliya Shub iyo Lafta-gareen oo laba maalmood oo xiriirka ah wada-hadallo kulahaa Baydhabo ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyada nala hadlay waxaa lagu heshiiyay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qeyb-galo shirka madasha ee la filayo inuu caasimada ka dhaco daba-yaaqada bishaan.

Sidoo kale waxaa kulamadii u dambeeyay ee xal u helista khilaafka lagu gaaray in xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, islamarkaana wixii dhiman Muqdisho lagu dhameeyo, oo ay halkaas isku hor fariistaan madaxweyne Xasan iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiskan hordhaca ah sida ay xogta sheegayso in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn.

Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta-gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wada-hadal kula soo yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh oo asagu u diray Baydhabo.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Lafta-gareen u imaan lahaa Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kata inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah.

Xog: Muxuu yahay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka shaqeynayaan?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan qorsheynaya inay qalinka ku duugaan heshiis cusub oo muhiim ah.

Heshiiskan oo ah dhanka Kalluumeysiga ayaa xilligaan waxa uu maraya heer geba-gebo ah, iyada oo dhawaana ay qalinka ku duugi doonaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safiirka ayaa sheegay mar uu la kulmay wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo macdanta ee Kenya in haddii labada dal ay mideeyan awoodooda ay abuuri karto fursado badan oo bulshada labada dal faa’iido weyn u leh.

Wasiirka Kenya ayaa dhankiisa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la is-weydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee gobolka, si looga faa’iideysto awoodda dowladaha deriska.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa qorsheynaya inay horumariyaan xiriirkooda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta

Labada dal oo haatan xubin ka ah urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa raba inay xiriirkooda derisnimo uga faa’iideystaan sare u qaadista iskashiga dhanka dhaqaalaha oo dan u ah bulshada labada dal iyo kan gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiim ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya saxiix ay qeyb ka aheyd Soomaaliya iyo dalalka kale.

Saxiixan oo ahaa midka qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034 ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiiradda dalxiiska ee urur-gboleedka IGAD, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Waxaa xusid mudan in wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu ka baaqday shirkan, taas bedelkeedana uu saxiixan u wakiishay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa.

Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Soomaaliya u saxiixay qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirada dalxiiska ee dalalka ku bahoobay IGAD.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dartay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, iyadoo caddeysay halka ay ka taagan tahay difaaca dhulkeeda, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo is-afgaradkan sharci darrada ah.

Waxaa sidoo kale fashilmay wada-hadallo uu laba jeer Turkiga u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, halka uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka dhex-dhexaadinta labada dal, kaasi oo la filayay in uu ka furmo magaalada Ankara.

Si kastaba, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa maalmihii dambe hawada isku marinayay hadallo xanaf leh, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in haatan ay xiisadda kasii darto.





Turkiga oo bilaabaya qorshe cusub kadib fashilka wada-hadalka Somalia iyo Ethiopia

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhex aloosan labada dal tan iyo horraantii sanadkaan.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale markaas muujiyay rejo wanaag in dhinacyada ay xal gaaran, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, taasna ay dhabaha u xaari doonto xal u helista xiisadda taagan.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah, kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen, waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Wasiir Fidan.

Turkiga ayaa illaa hadda marti-geliyay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso.

Hub ka soo gudbay xadka Itoobiya oo ku sigtay in la bililiqeysto + Cidda iibsatay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya hub fara badan oo kasoo gudbay xadka Itoobiya, kaasi oo xalay ay isku dayeen dad shacab ah inay boobaan sidii kal horey uga dhacday dalka.

Hubkan oo qeyb ka tahay saanad ciidan ayaa la sheegay inuu maamulka Puntland kasoo iibsaday Itoobiya, ayaa waxaa saaka si nabad ah kusoo gudbiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka.

Ciidamada Puntland dheeriga ayaa gurmaday kadib markii maleeshiyaad hubaysan ay xalay isku dayeen in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo, balse ay ka difaaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland.

Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka DDS, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.

Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya gudaha Soomaaliya, xilli ay labada dal ka dhaxeyso xiisad xooggan oo salka ku haysa is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi.

Horay waxaa loo ogaa in deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug ay hub sidan oo uga soo gudbay xadka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaas oo halis hor leh abuuray.

Si kastaba, weli majirto war kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu masuul ka ah dalka iyo dowlad-goboleedka Puntland oo la sheegay in hubkaan uu kasoo iibsaday dowladda Itoobiya.

Dowladda Somalia oo arrimo muhiim ah ka dhaxashay booqashadii Norway ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Booqashadan oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa xafiiska hanti-dhowrka huud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa muujineysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Hanti-dhowraha guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa hindisaha horumarinta hay’adaha hanti-dhowrista guud ee caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “mashruuca taageerada saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo ururka hay’adaha hanti-dhowrada guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E).

Heshiiskan ayaa waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda wasaaradda arimaha dibadda Norway (MFA) iyo wakaaladda horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD).

Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka.

Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in hanti-dhowraha guud uu tagay xarunta barlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen xubnaha guddiga joogtada ah ee baarista iyo arrimaha dastuurka.

Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu hanti-dhowraha guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in hanti-dhowraha guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan.

La-macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

GOLE ka dhisan dunida oo si rasmi ah looga daah-furay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin Safiirada waddamada Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Daah-furka golahan oo ay goobjoog ka ahaayen mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, safiirada Carabta ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda golahan.

Golahan ayaa ah mid inta badan ka dhisan waddamada dunida, waxaana loogu tala-galay inuu xoojiyo isku xirnaanta howlaha waddamada Carabta iyo wada-shaqaynta wakiiladooda.

Furitaanka golahan ayaa lagu sheegay “mid kamid ah qorshaha xafiiska Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu ku doonayo in kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Carabta iyo Soomaaliya.”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneyso xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha laga daah-furay magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya.

“Waxaa dhaweynaynaa tallaabadan muhiimka ah ee muujineysa xiisaha ku aadan dhanka howl-galka Jaamacadda Carabta ee ku wajahan arrimaha Carabta. Waxaa naga go’an inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay walaalaheen Carbeed si loo gaaro mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xad-gudbka ay kula kacday Itoobiya.

“Soomaaliya mar walba waxay awood ku leedahay walaalaheeda Jaamacadda Carabta, go’aamadii ugu dambeeyay ee ay Jaamacadda Carabta kasoo saartay xad-gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliyeed waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay Jaamacadda inay Soomaaliya ka taageerto qalalaasaha gudaha iyo dibadda ah.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer la’leh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale ururka iskaashiga Islaamka ee OIC.

Xogta diyaarad DAGAAL oo kusoo dhacday duleedka Muqdisho iyo xubno la socday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in fiidkii xalay ay dhacday, isla markaana burburtay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee ciidamadu adeegsadaan.

Shilkaasi wuxuu ka dhacay aagga deegaanka Carbiska oo hoos taga degmada Afgooye, waxaana ka badbaaday saddex qof oo la socday oo u dhashay dalka Uganda.

Shilkaan ayaa dhacay markii laga baxay salaada Makhrib, deegaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday waxaa xukuma ciidamada dowladda.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka duushay magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedday saldhiga Ballidoogle, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyagoo soo badbaadiyay dadkii saarnaa diyaaradda oo caafimaad qaba.

Si rasmi ah looma shaacin sababta kaliftay in diyaaradaasi ay dhacdo wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana socda baaritaano ku saabsan shilkaas, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay.

Diyaaradda dhacday waxay siday sahay ay lahaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, waxayna u socotay saldhigga Balidoogle ee gobolka Sh/Hoose oo ay degan yihiin ciidamada Danab ee xoogga dalka, kuwa Mareykanka iyo qeyb ka mid ah ciidamada ATMIS.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay waxa ma gaarin 3-dii qof ee Uganda u dhalatay ee diyaaradda la socotay, maadaama markii xaalku ku xumaaday ay u soo dhowaatay dhulka, isla markaana ay dhacday iyadoo ku socota joog hoose.

Xizbullah oo gantaallo culus maanta ku garaacay ISRAEL

0

Beirut (Caasimada Online) – Milatariga Israel ayaa sheegay in tobaneeyo gantaallo ah maanta Israel looga soo weeraray dhinaca Lubnaan, iyadoo ururka Xizbullah uu sheegay in uu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada Israel.

“Qiyaastii 140 gantaal ayaa laga soo tuuray Lubnaan saacad gudaheed, laga soo billaabo 1:02 duhurnimo,” ayay afhayeen u hadashay milatariga Israel u sheegtay AFP.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii milatariga Israel ay sheegeen in ay xalay daraasiin gantaalo ah ku garaaceen goob laga soo rido gantaallada oo ay sheegeen in loo diyaariyey in laga soo weeraro Israel.

Ururka Xixbullah ayaa sheegay in ay gantaallo badan ku garaaceen saldhigyada ciidamada Israel, iyaga oo uga aargudanaya duqaymaha koonfurta Lubnaan, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay qaraxyo ka dhashay aalado isgaarsiin oo lala beegsaday Xizbullah.

Kooxda ayaa sheegtay in ay “gantaallada Katyusha” ku garaacday ugu yaraan lix “xarumaha ciidamada” Israel iyo saldhigyo ah, oo uu ku jiro “saldhiga difaaca cirka ee ugu weyn”.

Israel weli kama aysan ka hadal qaraxyada ruxay Lubnaan toddobaadkan.

Muddo ku dhow sanad, ciidamada Israel waxay dagaal xooggan kula jireen kooxda Xamas ee Falastiiniyiinta, balse waxay si ku dhow maalinle ay gantaallo xuduudda isugu waydaarsanayeen Xizbullah.

Weerarada xuduudda ayaa waxay boqolaal qof ku dileen gudaha Lubnaan, kuwaas oo badankood ah dagaal-yahano, halka sidoo kale daraasiin ay ku jiraan askar ay ku dhinteen Israel.

Sidoo kale, tobanan kun oo shacab labada dhinac ah ayaa waxaa qasab ku noqday inay ka qaxaan guryahooda xuduudda.