26.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sawirro: Madaxda amniga Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka yeelatay arrin khatar ku ah dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha sare ee hay’adaha ammaanka, isagoo kala hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray sida loo fulin karo qaraarkii golaha wasiirada Soomaaliya ay horey uga soo saareen mamnuucidda ka ganacsiga hubka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa loo sheegay sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabbooyin degdeg ah oo looga hortagayo kooxaha ka ganacsada hubka.

Dawladda ayaa ka baqdin qabta in hubka sharci darrada ah ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu kaalin weyn ku leeyahay colaadda qabaa’ilka, iyo suurtagalnimada in uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag ayaa ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan soo celinta hubka gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka ku jira, si nabad waarta loo gaaro.

Maalmo ka hor deegaanada Puntland waxaa lasoo geliyey hubkii ugu badnaa oo sharci darro ah, kaasi oo ka yimid gudaha Itoobiya, shirkaan waxaa looga hadlay sida ay dowladda federaalku uga falceli karto arrintaas xasaasiga ah ee soo noqnoqotay.

Dawladda federaalka waxay horay u sheegtay in markii labaad muddo kooban gudoohood hub sharci darro ah uu dalka ka soo gudbay xuduudda xigta Itoobiya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas ku macneysay xadgudub kale oo madax-banaanida dalkeeda ay kula kacday Itoobiya iyo khatar soo wajahday gobolka Geeska Afrika.

Horay hubka la geeyey Puntland waxay Itoobiya u soo gelisay Galmudug, waxaana hubkii soo galay Galmudug lagu boobay magaalada Caabudwaaq, wuxuuna sidaas ku galay gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka abaabulan ee qabaa’ilka.

Soomaaliya ma waxaa loo laaban doona Carta iyo Mbagathi mise waa la miirsan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh diiday ku dhaqanka dastuurkii lagu doortay, dhinaca kalena uu wiiqay awooddii kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu ka dhigay mid uu isagu eryi karo, dhanka kalena uu hor istaagay inay maamullada doorasho qabsadaan, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay kusii kala fogaan karaan dhabaha uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh.

Ku dhowaad 10 gobol oo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka aloosan dagaallo qabiil, la-dagaalankii argagixisada waa joogsaday, xukunkiina waxa uu gacanta u galay dad xoolo doon ah, midnimadiina waxaa laga doortay qabyaalad iyo inay dowladnimaddii dad gaar ah ay sheegtaan, waxaana abuurmay rejo beel dowladeed oo xoog leh.

Waxaa intaas dheer in aanay dadka Soomaaliyeed weligood dhab uga heshiinin colaadihii soo dhex-maray, balse taas bedelkeeda waxaa la isla qaatay markii Carta la isugu tegay sanadkii 2000, si dowladnimo loo gaaro in tabashooyinka kale aan lasoo faagin.

Buuggii yaraa ee ay Soomaalida ku wada joogtay waxaa haatan ku dhaqankiisa diidan madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan arrimahan oo lagu kabay musuqa ku baahay gudaha dowladda, xilalka lagu tixay dadka aan u qalmin iyo madaxweynihii oo dhinac iskaga riixay inuu dooddo ka galo caqabadahan muuqda, albaabadana kasoo xirtay saamileydii kale ee siyaasadda.

Waxay ku siinayaan arrimahan in loo baahan karo inay Soomaalida dib ugu laabato shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Reer Puntland si weyn oo aan horey u dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay haatan uga miirmeen dowladda federaalka ah.

Sidoo kale reer Koonfur Galbeed ayaa muujiyay masuug xoog leh oo ay ka qabaan dowladda federaalka. Dadka Gedo kasoo jeedana waxay tirsanayaan in dowladnimadii Soomaaliya lagu qadiyay. Somaliland waa kasii fogaatay halkii ay markii hore joogtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan nin hadda ku mashquulsan wax ka qabashada caqabadahaas waaweyn, waxaana madaxweynaha ka badin la’yahay qancinta dhowrka qof ee ku hareeraysan.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay madasha PDRS waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay wax ka beddelaan sida ay howsha ku wadaan oo aanay dalka iyo dadka markale ku qasbin in loo baahdo shirar dib u heshiisiin ah oo dalka dibaddiisa, sida magaalooyinka Carta iyo Mbagathi oo horey u marti-geliyay shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

Deni waxa uu intaas ku daray in haddii hab dhaqanka xukunka wax lag beddelo oo ay madaxda si miir leh u shaqeeyaan in laga baaqsan karo in loo baahdo shirar kale oo dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa.

Hadalka Saciid Deni ayaa ah fikrad ay dooddeedu maalmahan dhex taallay dadka Soomaaliyeed, waxaana u sabab ah rejo beelka laga qaaday xukunka madaxweyne Xasan Sheekh.

MASAR oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah Somaliland – Muxuu yahay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa.

Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira.

“Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tiri safaaradda Masar ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay safaaradda ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go’aamiyaan hay’adaha awoodda u leh ee dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxiixeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya ogolaansho u siinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysa todobaad un kadib markii Somaliland ay albaabada isugu laabtay Maktabadda dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howl-galayey u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya.

Sababta ay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiska Itoobiya xilli si adag looga horyimid

0

Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli si weyn ugu dhagan heshiiska Itoobiya ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay qalinka ku duugeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Heshiiskan oo Itoobiya looha kireynayo dhul badeed dhan 20 km, ayey Somaliland uga beddelaneysa aqoonsi, xilli ay in ka badan 30 sano ku doodayso inay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, ayaa qaaday olole ay caalamka ku tuseyso gafka ay Itoobiya ku kacday, taas oo keentay in Itoobiya ay ku dhiiran weydo dhaqan-galinta heshiiskan.

Haddaba, Maxay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiskan ay ka horyimaadeen dowladda dhexe iyo caalamka?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Al-Carabiya ayaa sheegay in Somailand ay heshiiskan u daneynayso ama ay u dooneyso uu yahay inay hesho aqoonsi, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano.

Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.

“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay ku kala aragti duwan yihiin heshiiskan, xilli ay gudaha Somaliland ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo tallaabadan maalmo un kadib saxiixa is-afgaradkan.

“Bal eeg muwaadiniinta Somaliland, aqlabiyadda ugu badan waxay u hanqal taagayaan madax-banaanideenna. Ma jiraa xisbi weyn iyo siyaasi caan ah oo ka horyimid heshiiska is-afgaradka? Waxaan dhammaanteen isku raacsannahay in heshiiska is-afgaradku uu yahay mid dani ugu jirto dalkeenna.”

Gaariga agaasimaha ciidanka PSF oo la rasaaseeyay iyo cidda saarneyd (Warbixin)

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha.

General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada.

Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah.

Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, wixii kasoo kordha dhacdadana waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhawaan ayey aheyd markii ay xiisadda PSF iyo maamulka ay horseeday inuu maalmo xirmo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay PSF u digtay diyaaradaha adeegsada garoonka.

Inkasta oo shaqadii garoonka ay sidii caadiga aheyd kusoo laabatay, haddana waxaa magaalada Boosaaso ka taagan xiisadda u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda Saciid Deni, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

Yaa faa’iido ku qabo kala taga Fahad iyo Farmaajo? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo aad ugu dhow kooxda Nabad iyo Nolol ayaa bixiyay xog xasaasi ah oo ku aadan kala tega siyaasadeed ee  madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in kala tegga Farmaajo iyo Fahad uusan ku ekeen labadooda oo kaliya, isla markaana ay jiraan saaxibo aad ugu dhowaan Fahad oo la go’ay, kuwaas oo ka baxay xisbiga Nabad iyo Nolol.

“Farmaajo iyo Fahad waxay ahaayeen laba nin oo odayaal ah oo soo wada shaqeeyay dhib ha’isku qabeenee ama dheef hadda waa kala tageen, labadooda oo kaliya xittaa ma kala go’in oo Fahad waxaa la go’ay kooxdiisii isaga saaxibada la’ahaa” ayuu yiri Cali Xaashi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nabad iyo nolol weli waa taagan tahay waxaa kaliya oo ka baxay Fahad Yaasiin, waana sii shaqeyneysaa”.

Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo sii hadlayay ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta ay ku kala tegeen labada nin, wuxuuna ku macneeyay rabitaan fara badan oo ka yimid dhinacaFahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadibna uu ku qanci waayay Farmaajo.

“Waxa lagu kala tegay waa rabitaanka saa’idka ah ee Fahad waxaa loo baahday in Refresh-ment fiican in lagu sameeyo xisbiya, si loo helo inay mar labaad tartamaan, taasina waxaa ka hortimid rabitaan oo uu leeyahay Fahad” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay cidda faa’iido ku qabta kala taggooda Farmaajo iyo Fahad, wuxuuna sheegay in ninka faa’iidayo uu yahay madaxweynihii hore ee dalka.

“Aniga waxaan aaminsanahay inuu faa’iido qabo Farmaajo, sababtoo ah waa madaxweyne Soomaaliyeed oo akhyaar ah, kuna fiican dowladnimada, waxaana faa’iido ugu jirtaa inuu ka haro Fahad” ayuu mar kale wareysiga yiri Cali Xaashi taliyihii hre ee gobolka Gedo.

DF oo fulisay heshiiskii laga gaaray xiisadda K/Galbeed – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay horay ugu soo rogtay xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay qaarkood loogu celiyay garoonka Muqdisho.

Xayiraadda la qaaday kadib ayaa waxaa suuragashay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Baydhaba, ayada oo arrintan ay qayb ka tahay fulinta heshiiska ay gaareen maamulka Laftagareen iyo iyo Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada tegay Baydhaba waxaa kamid ah Sareedo Maxamed Cabdulle oo maalin kahor lagu celiyay Muqdisho, ayada oo laga reebay diyaarad ku socotay Baydhaba.

Sareedo iyo wafdi uu hoggaamineyso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada oo ay kula kulmi doonto madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Cabdicasiis Laftagareen.

Arrintan waxay kusoo aadeysa, ayada oo haatan ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, kadib dadaallo dheeraad iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo Laftagareen iyo Villa Soomaaliya oo kala fogaaday.

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen, waxaana dadalaadaas hormuud u noqday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Waxaa sidoo kale heshiiskaas qayb ka ahaa in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn, taas oo maanta dhaqan-gashay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Cabdicasiis Lafta-gareen u imaan lahaa magaalada Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kara inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah.

Xasan oo qaaday waddadii Farmaajo – Muxuu sameeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu qaaday waddadii uu horay maray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo ah la weeraro siyaasiyiinta iyo in laga hor istaago madaxdii, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada safarada gudaha ee ay galayaan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay hayso raadka dowladda hore, wuxuuna sheegay in uu dhammaaday waqtigii la’isku dulmin jiray magaca dowladda.

“Haddii dowladdii hore wax xun sameysay hadda la hayaa raadkeeda in wixii xumaa ee la koobiyeeeyo” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dowladda dhexe ay xoogga saarto sidii ay dadka isugu soo dhaweyn laheydm iyada oo la sameynayo dib u heshiisiin laga soo bilaabayo gobollada.

“Waxaan soo jeedinaa in wax laga barto wixii xumaa ee ahaa in madaxda lagu duullo, guribaa u dhacayaa qofbaan dilayaa qoray ayaa xoog ku qaadayaa maanta waqtigeeda maaha, waa inaan ka hadalnaa sidee ku heshiinaa? ayuu mar  kale yiri xildhibaanku.

Khaliif Cabdi Cumar ayaa intaasi ku daray in xaaladda dalka kaliya looga gudbi karo in laga shaqeeyo danta guud ee qaranka, si la’isaga kaashado horumarka dalka.

“Horta wax walba waxay noqonayaan qabiil, haddii la rabo in dowladnimo la’isku adeegsado, sidaas darteed cid cid ku duuli karto ma jirto, marka laga reebo danta guud ee dalka aan ka wada shaqeyno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalmihii lasoo dhaafay dowladda dhexe ay xayiraad saartay xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sababo la xiriira khilaafka u dhexe Villa Soomaaliia iyo Lafgareen.

 

 

Daawo: Waare oo si yaab leh uga hadlay imaatinka MASAR

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isla markaana khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar ee ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy Axmed uu la galay Muuse Bixi.

Waare ayaa si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii heshiis iskaashi difaac uu dhex-maray Muqdisho iyo Qaahira, kaas oo ay ka xumaatay Addis Ababa.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya.

“Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?”.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Itoobiya iyo Masar oo xuduud ahaan aad noogu now aanay garab qaban Soomaaliya, taas beddalkeedna ay jiraan waddamo kale oo ka dhow, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Turkiga iyo Yemen.

“Taariikhdeenna markii ay Soomaalidu kala adkaan waysay Yemen iyo Turki ayay hub u kala doonan jireen hadda miyaan kala dooraneynaa kuwa Itoobiya la jira iyo kuwa Masar la jira? ” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu Waare shaaca ka qaaday in arrintu haddii ay sidaan kusii socoto la waayi doono magaca Soomaali, isaga oo ka digay halis uu sheegay in dalka uu kusii socod.

“Sida aan hadda ku socono haddaan kusii socono 20 KM oo bad ah ayaan hadda la yaabanahay dad Soomaali la yiraahdo ayaa halkan daganaan jiray ayaa la dhihi doonaa” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

DF iyo Mareykanka oo go’aan culus ku gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aan culus ka gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, waxayna go’aamiyeen in lasii wado howlgallada xoreynta ah.

Arrintan ayaa lagu go’aamiyay kulan gaar ah oo ay Muqdisho ku yeesheen taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin Cadow iyo taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell oo soo gaaray caasimada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay ciribtirka kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalka lagula jiro kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay ciribtirka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal iyo sidii loo xureyn lahaa goobaha wili cadawgu kaga suganyahay Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagana saaro goobaha ay wili shacabka ku gumaadaan”.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxidiin oo sidoo kale madasha ka hadlay ayaa Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxda.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo hawada ku tageero ciidanka dowladda, sidoo kalena tababaro siiyo Kumaandooska Danab.

La-taliyaha Abiy oo kashifay qorshe halis ah oo Itoobiya ka damacsan tahay Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shifay khatar badan oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo hiigsiga Itoobiyaanku ay ka leeyihiin kala qeybinta Soomaalida.

Ninkaan ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heleyso qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qarka u saaran inay ku biiraan dalka Itoobiya oo xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay cod ka heystaan, kaas oo u saamaxaya in maalmaha soo socda ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wareysiga laga qaaday masuulkaan ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay halis ku jirto oo ay ku dhacayso dabinada loo dhigay, hadii dadka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan baraarugin.

La-taliyaha Abiy Axmed ayaa ku faanay inay Itoobiya taageereen shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hiiraan State, sida uu ku sheegay wareysigaan dadka gobolladaas wuxuu sheegay inay la dhacdan yihiin qorshaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo mar hore ay ku kala tageen siyaasadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hadda ka fekerayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Itoobiya.

“Xasan Sheekh wuxuu cadaadis kala kulmayaa maamul goboleedyadiisa, wax kasta waa uu ku fashilmay, dhowaana waxaad arki doontaan isagoo tabar dhigay,” ayuu yiri Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshe culus oo looga soo horjeedo imaashaha Gobolka ee Ciidamada Masar, kaasi oo suurtagal ka dhigaya in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, hadii uu ku sii madax-adeygo qorshaha uu ku soo dhaweysanayo Masaarida.

Ninkaan oo si yaab leh u hadlay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaarisay qorshe uu sheegay inay ugu biirayaan maamul goboleedyada qaar, halka tobanaan sano kadibna la arki doono Galmudug iyo HirShabeelle oo ku soo biiraya Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sawirro: R/W Xamza oo u baxay safar dibadda ah iyo arrin uu sameeyay ka hor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay uga qayb-galaya kalfadhigga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa isugu tega madax kala duwan oo ka socoto caalamka, kuwaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka jeediyo khudbado kala duwan.

Soomaaliya ayaa horay shirkan uga qayb-gashay, waxaana fagaaraha QM tegay ra’iisul wasaareyaal hore iyo madaxweynayaal uu ku jiro midka hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha ayaa maanta kahor inta uusan dhoofin ka qeyb-galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maydkiisa la keenay Muqdisho.

Mudane Xamza ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xisbullah oo gantaallo ku duqeysay gudaha ISRAEL

0

Beyruut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shalay ku weerartay saldhig millatari oo ku yaalla gunta Isra’il, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xisbullah.

Ma cadda in gantaallada Xisbullah ay ku weerartay Isra’il ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Isra’il ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray.

Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa.

Xisbullah waxay sheegtay in ay Isra’il ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan.

Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Isra’il ee Ramat David eek u yaalla koofur bari ee magaalada Xeyfa.

Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xisbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux.

Ra’isulwasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mukhtaar Roobow oo qaaday tallaabo muran dhalisay oo uu walaalkiisa uga dhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa soo saartay liiska guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ee sanadka soo socda 2025-ka.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Wasiirka Diinta Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa loo magacaabay xoghayaha guddigaan ka shaqey doona adeega Xajka.

Waa sanadkii labaad oo Mukhtaar Roobow uu walaalkiis u magacaabay xilkaan, waxaana sanadkii hore qeylo dhaan ka soo saaray dad badan oo diidanaa qaabka loo qeybsaday xubnaha guddiga.

Inta badan xubnaha guddigaan la soo magacaabay waa kuwii shaqeeyey sanadkii hore, waxaana ka mid ah culimo waaweyn, magacaabista guddigaan ayaa ku dhaqan geleysa sida uu u soo saaray Wasiir Mukhtaar Roobow oo awood buuxda u leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay sanadka soo socda yarey doonto qiimaha qofka Soomaaliga ah uu ku soo xajiyo, maadaama uu yahay qiime aad u sareeya.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga

R/Wasaare Xamza oo kusii jeeda Mareykanka + Ujeedka

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-geli shirweyne caalami ah.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu ra’iisul wasaaraha ka qayb-geli doonaa kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.

“Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sanadkan halku dhigga shirka ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

khudbadda Xamza Cabdi Barre ka jeedin doono madasha ayaa la filayaa inuu diiradda ku saaro doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa isugu tega madax kala duwan oo ka socoto caalamka, kuwaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka jeediyo khudbado kala duwan.

Soomaaliya ayaa horay shirkan uga qayb-gashay, waxaana fagaaraha QM tegay ra’iisul wasaareyaal hore iyo madaxweynayaal uu ku jiro midka hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Koox halis ah oo maanta lagu qabtay waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar + Video

0

Jowhar (Caasimada Online)  – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Booliska HirShabelle ka sameeyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo isbaaro soo dhigtay halkaasi, waxaana la geeyay saldhigga degmada Jowhar.

Taliyaha saldhigga Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan oo lagu soo qabtay 4 nin oo burcad ah, wuxuuna sheegay inay saaka ka war heleen, kadib ay ciidamo u direen, sidaasna lagu soo qabtay.

“Waxaa saaka nasoo gaartay in niman burcad ah ay waddada ku jiraan dadka ay dhibaateynooyaan kadib ciidamada amniga ayaan u dirnay, waxaana lasoo qabtay iyaga oo qoryahoodii haysto iyo waxa ay dhaceen” ayuu tiri taliyaha saldhigga magaalada Jowhar.

Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo isbaaro dhigato ay ka hortegi doonaan, ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

“Dadka dhaca gaystay ee waddada u gala shacabka nooc kasto oo ay yihiin tallaabo ayaa laga qaadayaa sharcigana waan la tiigsaneynaa” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka isbaarada dhiganaayo dagaal ayaa naga dhexeeyo awooddooda haku tashadaano saacad kastana inaan umadda wixii dhibaayo ka qabanayo annaga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadnay”.

Ammaanka waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaa, waxaana sidoo kale weeraro ka gaysta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta soo saaray qodobo xasaasi ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Somaliland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kasoo saaray qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa marka hore warbixinno kala duwan looga dhageystay wasiirada arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale shirka golaha ayaa waxaa looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka guud ee dhacaya 13-ka bisha November, ayada oo shacabka loogu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinkaas iyo difaaca qaranka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

WAR-SAXAAFADEED:-21-09-2024

Nuxurka qodobbo laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee Maanta

Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka.

Ugu horrayn,  waxa shirka warbixin la xidhiidha  xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda  dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaaniyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa wasiirka warfaafinta, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka  iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda.

Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qoto dheer ua dooday diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

DENI oo Xasan iyo madaxda Soomaalida uga digay arrin aan laga soo kabsan karin

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan dowlad dhiska, maadaama ay taagan tahay xiisad maamulkiisa kala dhexeyso dowladda dexe iyo mid kale oo Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Saciid Deni ayaa guud ahaaneed uga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna jeediyay farriin culus isaga oo ka digay in dib Soomaaliya loogu celiyo xaaladdii laga soo gudbay ee Carte.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la saxo qaladaadka jira, isla markaana la xoojiyo meelaha ay ka dabacsan tahay dowladnimada Soomaaliya

“Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haboon maanta meesha aan joogno inaanu dib uga noqonin Carte iyo shirarkii lamidka ahaa, laakiin meelaha ay ka liiceyso inaan ka toosino aan ku darsano xisaabta”.

Dhinaca kale wuxuu toos ula hadlay madaxda dowladda dhexe, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaaiyeyaasha maamul goboleedka oo uu ugu baaqday inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda kale ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiska ku wada yihiin.

“Waxaa sidoo kale fursaddan uga faa’ideysanayaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadka heshiisku ku yahay” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay farogelinta shesheeyaha uu ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Dagaalka Soomaaliya, Soomaali keliya hadii ay tahay waa hore ayey heshiin laheyd laakiin farogelinta deriska iyo Caalamka ayaa nagu jirta”.

Hadalkan dabacsan kasoo baxay hoggaamiyaha Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad meel xun gaartay oo maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka, taas oo illaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.

Maxaa ka jira in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen garoomada gobolka GEDO?

0

Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo, arrinta ciidamada Itoobiya eek u sugan gobolkaasi..

Cali Xaashi oo wax laga waydiiyay wararka la xiriira in garoomada Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay horay u joogeen gobolka, hadana ay ku sugan yihiin, balse aanu jirin garoon ay si buuxda ula qabsadeen.

Sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga muujiyay ciidamo badan oo Itoobiya ay soo gelisay gobolka, si ay dhaq-dhaqaaq uga sameeyaan halkaasi.

“Ma fahmin in la leeyahay gobolka Gedo, Itoobiyaankii ayaa la wareegay ciidamada Itoobiya awalbaka gobolka waa joogee ee ma ciidamo cusub baa yimid miyaa laga wadaa ma kuwii joogay ayaa meelo horleh la wareegay miyaa laga wadaa ma fahmi karayo” ayuu yiri Cali Xaashi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Jubbaland oo lagu xaqiijiyay in Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.

“DFS qoraal rasmi ah oo kasoo baxay oo ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa la wareegtay ma jiro, inta aan xogta hayo sidoo kale ma jirto Gedo waxay ka tirsan tahay Jubbaland qoraal cad oo ay dowladda Jubbaland soo saartay oo leedahay waxaa la wareegay Itoobiyaan baa la wareegay ma jiro” ayuu sii raaciyay.

Taliyihii hore ee amniga Gedo wuxuu qiray in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin inta badan degmooyinka gobolka, balse aanu awood u laheyn in garoon ay qabsadaan ama ay dad u diidaan.

“Ciidamada Itoobiyaanka waa joogaan gobolka, horayna waa u joogeen  oo waxay ka howlgalaan inta badan degmooyinka oo dhan, marka hadda sax ma’aha warka la baahiyay” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan wuxuu ksuoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay dhaq-dhaqaaq ay Itoobiya ka bilowday gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda dhexe.

Xaalad halis ah oo ka soo cusboonaatay KAARAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale xaalad halis ah ay kasoo cusboonaatay degmada Kaaraan oo mar kamid ahayd degmooyinka ugu amniga xun ee gobolka Banaadir.

Ciyaal weero cusub ayaa dib uga soo baxay degmadan oo horay looga tirtiray kooxaha ciyaal weerada iyo sidoo kale burcadda hubeysan, kadib qorshe ay la timid dowladda.

Dadka deegaanka ayaa haatan ka cabanaya xaalad cusub oo kusoo korortay,, gaar ahaan soo noqoshada ciyaal weeraro oo halis ku aha shacabka ku dhaqan halkaasi.

Xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan degmada Kaaraan ayaa lagu arkay kooxdan oo raxan raxan usocota, isla markaana dhagxeynaya guryaha, sidoo kalena dhibaateyda dadka shacabka ee lugeynaya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray maamuka degmada iyo saraakiisha amniga, waxayna ugu baaqeen inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda soo korortay.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka kooxda ciyaal weerada oo dhibaato ka gaysaneydo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ma’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka degmada Kaaraan.

Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka nasatay kooxaha ciyal weerada, waxaana hadda laga digayaa in mar kale ay noqoto halis kusoo laabata dadka ku dhaqan caasimada.