27 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Egypt delivers arms to Somalia, escalating regional tensions

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Egypt has sent a large shipment of military aid to Somalia, likely to raise tensions across the Horn of Africa.

According to officials, this is the second major arms delivery from Cairo to Mogadishu within a few months, accompanied by advanced weaponry, including anti-aircraft guns and artillery.

Military cooperation is increasingly growing between Egypt and Somalia, as both nations share a concern over Ethiopia’s influence in the region, especially over Addis Ababa’s controversial construction of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Nile River.

The most recent consignment was announced in a statement by the Egyptian Foreign Ministry on Monday. The ministry added that the delivery was part of Egypt’s engagements to strengthen the SNA, hence enhancing the country’s ability to ensure security and stability.

“This shipment is a reconfirmation from Egypt to its continuous central role in supporting the efforts of Somalia regarding developing the national capabilities necessary for enabling the Somali people to achieve their aspirations for security, stability, and development,” it said.

This is the second batch of military aid from Egypt to Somalia after a similar delivery in August this year, believed to be the first in over four decades.

If anything, the support has been a critical component in the long-term fight that Somalia has engaged in against extremist groups such as Al-Shabaab, which continues to destabilize the region.

Not without controversy, the aid raises concerns over the shifting alliances and the broader geopolitical tensions in the region.

Cairo-Mogadishu axis: A strategic alliance

This growing military cooperation between Egypt and Somalia came when both countries found a common cause: distrust of Ethiopia.

In August, Egypt and Somalia signed a joint security pact, concretely expressing their mutual unease at Ethiopia’s regional behavior.

The deal is said to have resulted in many planeloads of Egyptian arms being shipped to Somalia to beef up the country’s security forces.

The latest shipment was made by an Egyptian warship, which started unloading weapons on Sunday. Local reports, including the Reuters news agency, said security forces cordoned off the quayside and the roads nearby as the arms were transferred to military bases in Mogadishu.

Nasra Bashir Ali, an official in the Office of the Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre, published photos on social media showing Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur overseeing the unloading process.

Ethiopian tensions: The Somaliland deal

This might not be surprising, especially considering that the military alliance between Egypt and Somalia is not taking place in isolation. Ethiopia’s relations with both countries have increasingly grown strained.

Earlier in the year, Addis Ababa fell out with Somalia after signing a provisional agreement with the self-declared Republic of Somaliland.

The proposed deal is to see Ethiopia lease land for a new port in Somaliland in exchange for a possible recognition of the breakaway region from Somalia.

For Somalia, the agreement has been seen as a direct attack on its sovereignty because it still views Somaliland as its territory. Mogadishu has refused to recognize its self-declared independence.

Mogadishu has called for Ethiopia to withdraw its estimated 3,000 troops serving in Somalia under the ATMIS mission before the year-end unless Addis Ababa revokes the Somaliland agreement.

Ethiopia’s presence in Somalia

But Ethiopia’s engagement with Somalia is more profound than the recent deal with Somaliland:

The country has also kept a sizeable military deployment in Somalia-the longest-serving foreign mission anywhere-as part of ATMIS, the African Union-led peacekeeping force mandated to suppress the ongoing insurgency conducted by the militant group Al-Shabaab.

Excluding the peacekeepers, about 5,000 to 7,000 Ethiopian troops are in other parts of Somalia under another bilateral agreement between the two countries.

Certainly, Ethiopia’s involvement has been important in supporting Somalia’s fight against Al-Shabaab; the recent Somaliland deal further complicated relations.

The government of Somalia considers the agreement repressive, and the leadership has already made it known that a withdrawal of Ethiopian forces should take place unless such a deal is abandoned.

Egypt in the Horn of Africa

Meanwhile, Egypt has continued to increase its involvement in the Horn of Africa following a decades-long dispute with Ethiopia over the GERD project.

Cairo perceives the Ethiopian gigantic dam on the Blue Nile as an existential threat to its water security, given that Egypt depends on the Nile for most of its fresh water.

Over the years, Egypt and Ethiopia have disagreed on the dam’s operation, with Cairo warning that it may reduce water flow downstream.

In this vein of far-reaching regional power dynamics, one can situate Egypt’s latest arms shipment to Somalia and growing alliance with Mogadishu.

In return, by militarily supporting Somalia, Cairo bolsters an ally and increases its influence in a region where Ethiopian actions increasingly appear to be destabilizing.

Besides offering military aid, Egypt has also shown readiness to provide troops to the new peacekeeping force in Somalia.

According to the African Union of last July, an offer from Cairo, although the Egyptian capital has not spoken publicly about this.

Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi has stressed that his country stands with and by Somalia.

In January, he reminded his Somali counterpart, Hassan Sheikh Mohamud, during a press conference in Cairo, saying, “Egypt will not allow anyone to threaten Somalia or affect its security.”

While events in the Horn of Africa are taking their course, the Egyptian-Somali alliance will likely continue to play a decisive role in regional security dynamics.

As long as there is a military presence of Ethiopia in Somalia, and the disputes concerning the Somaliland deal and the right direction of the project of the GERD are not resolved, tensions cannot be relaxed anytime soon.”

Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka shiray qorshahooda xiisada kala dhaxeysa Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Dalalkaan 3-da ah ayaa cadowgooda koowaad ee dunida u arka Itoobiya, waxayna sameysteen xulufo aan weli xoogeysan, balse waxaa jira dano badan oo ay iska dhex arkayaan.

Masar iyo Eritrea waxay go’aansadeen inay cudud military ku garab istaagaan dowladda Soomaaliya oo daandaansi culus kala kulmeysa Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa fursad weyn u aragta garabistaagga labadaan dal, waxaana u qorsheysan inay dagaal toos ah la gasho hadii laga fursan waayo, garabka ay ku tashaneyso waa 3 wadan oo kala ah Turkiga, Masar iyo Eritrea.

Shalay Muqdisho waxaa ku soo xirtay markab sida hub iyo agab military oo aad u badan, kaasi oo ka yimid dalka Masar, qorshaha socda ayaa muujinaya inuu jiro diyaar garow dagaal oo xoog leh.

Dowladaha Masar iyo Eritrea ayaa horay ula dagaashanaa Itoobiya, waxaana hadda xiisadda ku soo biirtay Soomaaliya, taasi waxay biday 3-da inay xulufo noqdaan, waxaana afar ku ah Turkiga oo soo garab istaagay Soomaaliya, diyaarna u ah inuu kaalin ka geyso difaaca dalkaan.

Al-Shabaab oo qorsheeyey inay si yaab leh u dilaan guddoomiyaha deegaanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qorsheysay inay sariirtiisa ku disho guddoomiyaha deegaanka Lambar-konton ee gobolka Shabeellada Hoose, balse waa fashilmay qorshahaas oo ahaa mid halis ah.

Ciidamada amiga iyo maamulka ayaa iska kaashaday fashilinta dhagartaan, waxayna Al-Shabaab doonayeen inay sariirtiisa ku dilaan guddoomiyaha, maanta ayaa miinooyinkii lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla Lambar-konton.

Taliyaha Nabad Sugidda deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow ayaa sheegay in markii 15-aad ay fashiliyeen qorshe ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan guddoomiyaha deegaankaas.

“Khawaarijta waxaan leeyahay, miinadii aad ku dili rabteen guddoomiyaha waatan, Waa markii 15-aad oo aan fashilinay, intaas waxaa dabajoogteen guddoomiyaha,” ayuu yiri Taliyaha NISA ee deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in miinadaas uu soo dhiibay nin u dhashay beesha Biyomaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis.

Guddoomiyaha deegaanka Lambar-konton waa wiil yar oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud, kaas oo galabta shacabka deegaankaas kula hadlay goob fagaare ah, una sheegay in qofkii lagu helo xiriirka Al-Shabaab ay bartiisa ku tooga doonaan.

“Waxa loo socdo masuuliyiinta kaliya maaha, mustaqbalkiina ayaa khatar ku jira oo weerar lagu yahay, idinkaan idiin shaqeynaa, sidaas ayaa naloo beegsanaa, waligeen waa is beegsa doonaa Al-Shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlayey shacabka deegaanka Lambar-konton.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka ay ku amreen in barta uu joogo lagu dilo, “Wlh inaan Maxkamad loo raadi doonin ciidamadu amar buuxa ayey u qabaan inay bartiisa ku toogtaan,” ayuu yiri.

Somaliland oo caalamka u dirtay dalab deg-deg ah kadib hubkii ay Masar keentay Xamar

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay hubka Masar ay maanta soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay ku tilmaamtay mid curyaaminaya xasiloonida gobolka ee markii horeba ay dhibaatada ka taagnayd.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa caalamka loogu baaqday qaadista tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo halista ka dhalan karta hubkii ay Masar soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

“Ficillo deg-deg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qul-qulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ay si adag uga digtay hubka culus iyo saanada millateri ee Masar ay soo gaarsiisay Muqdisho oo ay sheegtay “inuu tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay xilli ay xaaladda uga sii dari karto hubka culus ee Muqdisho la siiyay.”

Sidoo kale waxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ay sheegtay in kooxaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxadooda, iyadoo muujisay walaaceeda in hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay kamid tahay Al-Shabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasi oo sii murgin karta rabshadaha iyo xasilooni darrada gobolka.

“Waxaa beesha caalamka ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo sidoo kale lagu xusay in tallaabooyinka ka hortaga ah ay muhiim u yihiin si looga baaqsado inay xarkaha goosato colaaddu, ayna u wanaagsan tahay ilaalinta iyo xoojinta xasilooda mandaqada.

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta nabada, iyaddoo ku boorisay dhinacyada ay khusayso oo dhan inay masuuliyadooda ka gutaan inta aanay xaaladdu gaarin heer aan waxba laga qaban karin.

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta qaabilay safiirada lix waddan, kana guddoomay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay safiirrada lix dal.

Safiiraddan uu maanta qaabilay madaxweynaha ayaa waxaa Soomaaliya u soo magacaabay dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Danjireyaasha cusub ee madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea
2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland
3. Julia Pataki, Safiirka Romania
4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain
5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland
6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia

Madaxweynaha ayaa safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan.

Sidoo kale wuxuu u sheegay danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahad-celiyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan.








Muuse Biixi oo jawaab ka duwan kuwii hore ka bixiyay dhaqan-galka heshiiska Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay sheegay in uusan ogayn xilliga is-afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

Biixi ayaa hadalkaan sheegay xilli telefishanka Al-Carabiya uu weydiiyay goorta is-afgaradka loo beddelayo heshiis rasmi ah, xilli uu wasiirkiisa arrimaha dibadda uu sheegay in dhawaan labada dhinac ay heshiiskaasi u beddeli doonaan heshiis dhameystiran.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in labada dhinac ee horey u gaaray is-afgaradkan ay wada saxiixi doonaan heshiiska rasmiga ah, isaggo oo sheegay in uusan ogeyn xilliga ay taasi dhici doonto.

“Ma aqaano waqtiga dhabta ah ee heshiis rasmi ah loo beddelayo, laakiin labada dal waxay diyaar u yihiin inay qalinka ku duugaan heshiiska,” ayuu madaxweyne Biixi ku sheegay wareysiga uu siiyay telefishanka Al-Carabiya.

Biixi ayaa isdul taagay muhiimada uu is-afgaradkan u leeyahay labada dhinac, isaggoo sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.

“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.”

Somaliland iyo Itoobiya oo qalinka ku duugay is-afgaradka muranka dhaliyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan, ayaa illaa hadda wajahaya diidmo adag oo ka imaaneysa dhanka dowladda dhexe, oo ayadu caalamka ku dacweysay Itoobiya, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Yuusuf Garaad oo u caqli celiyay Maxamed Cabdi Waare kadib hadalkii kasoo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee HirShabelle, haatana ah xoghaye ku-xigeenka IGAD Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu ahaa mid uu ku deg-degay.

Yuusuf Garaad oo soo saaray qoraal u muuqday mid uu ugu caqli celinayo Waare, ayaa waxa uu kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD.

“Waarow ka gaabso. Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.”

Waare ayaa dhawaan si yaab leh uga hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo xulafeysiga Masar iyo Soomaaliya, isaggoo sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u lahayn Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay bur-burka la daala dhaceysay Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Waarow ka gaabso.

Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon.

Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah.

Midda labaad oo u furan waa in uu uga hadlo si aan baalmarsaneyn, ka cusleyn kana khafiifsaneyn ee si buuxda u waafaqsan mowqifka IGAD oo keliya ay gooyaan Golaha Wasiirrada IGAD ka dibna ay Madaweynayaashu ansixiyaan.

Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo.

Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.

Puntland oo war yaab leh ka soo saartay hubkii ay kasoo iibsatay Itoobiya, una digtay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu hub iyo saanad ciidan kasoo iibsaday dowladda Itoobiya, xilli uu dhawaan hubkaasi gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas.

Hubkan oo sida aan horey u tabinay ku rarnaa gawaarida nooca xamuulka ayaa waxay maanta Puntland sii deysay war meesha looga saarayo arrintaasi, iyadoo sheegtay in baabuurtaas ay wadeen khudaar laga soo iibsaday Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid oo maanta wareysi bixiyay ayaa sidoo kale waxa uu ka digay hubka ay dowladda Masar keentay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Puntland hub ma keensan ee waxa aragteen waxay ahaayeen baabuur sida Baradho iyo Yaanyo. Waxaad aragteen un gawaaridii khudaarta keeni jiray oo shiraac saaran yahay oo baabuur waardiyeynayso,” ayuu yiri wasiirka warfaafintaPuntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digeynaa hubka dowladda Soomaaliya la timid in si khaldan loo adeegsado, waan ka digeynaa wixii xasillooni darro horseedaya gobolka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan ka maamul ahaan ku baaqeyn hadda dagaal ka dhan ah Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Soomaaliya, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo midnimadeeda.

“Dowladda federaalka hoggaamin sax ah ayaa laga rabaa, anagu dagaal cidna ku qaadi mayno, kuna talin mayno in hadda dagaal la galo oo dagaal gobolka Geeska Afrika waa kasoo daalay, cid walba nabadda ayey dan ugu jirtaa.”

Hadalka Wasiirka ayaa durba loo fasirtay mid lagu qarinayo hub xogtiisa ay banaanka taallay maalmo, iyadoo wax lala yaabo ay tahay sababta kusoo aadisay in dowladda sii deyso warkaan maanta oo Muqdisho ay yimaadeen maraakiib sida hub iyo saanad ciidan, kuwaas oo qeyb ka ah heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar.

Soomaaliya: Halista hubka sharci darrada iyo jihooyinka uu ka soo galo dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, hubka sharci darrada ayaa Soomaaliya ka soo gala dhowr jiho oo ay ka mid tahay gacanka cadmeed.

Marka loo eego natiijooyinka sanadkii 2023-kii Global Organised Crime Index, Soomaaliya waxay martigelisaa mid ka mid ah suuqyada ugu baahsan ee ka ganacsiga hubka ee Afrika.

Tirada hubka sharci darrada ah ee dalka ku dhex wareegaysa oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa khafiifka ah ayaa ah mid aad u badan oo ay ku lug leeyihiin kooxaha dambiilayaasha ah ee kala duwan.

Marka laga soo tago maleeshiyo beeleedyada deegaanka iyo shabakadaha dambiilayaasha caalamiga ah, kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh al-Shabaab ama kooxda dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu lug leh suuqa, iyaga oo adeegsanaya hubka si ay u fuliyaan weeraradooda rabshadaha wata iyo ka ganacsiga noocyada kale ee ganacsiga. Sida ay sheegayso warbixinta Global Organised Crime Index.

Sida uu BBC-da u sheegay sarkaalka sirdoon oo hore – kana soo shqeeyay Puntland, hubka Soomaaliya ayaa dalka ku yimaado saddex qaab oo kala duwan kuwaas oo kala ah, sida uu sheegay mid dalalka dunidu ugu deeqaan dowladda Soomaaliya oo ku qalabaysan ciidamadeed, kan labad oo ah mid ka soo dagga xeebaha Soomaaliya iyo kan seddexaad oo ka yimaada dalalka soohdimaha dhulka la wadaaga Soomaaliya.

Wuxuu BBC-da u sheegay in hubka kaliya ee sifada sharciga ku yimaada dalka uu yahay midka dowladda dhexe la soo degto ama ay ka hesho saaxiibadeeda caalamigaa.

Hubka ka soo degga xeebaha ayuu BBC-da u sheegay sarkaalkan hore ee sirdoon inuu yahay midka ugu weyn ee hub sharci darro ah ee soo gala Soomaaliya kaas oo uu sheegay inuu ku yimaado qaab ka ganacsi ah.

“Waa kan ugu halista badan hubka kan tahriibinta kaga soo gala xeebaha, oo xoogiisu ka yimaado Yemen iyo wadamo kale” ayuu yiri sarkaalkan.

Axmed Cabdi Kooshin, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale agaasime guud ka soo noqday wasaaraddaha amniga iyo gaashaandhiga ee Soomaaliya, wuxuu BBC-da u sheegay in boqolkiiba sideetan wax ku dhow uu hubka sharci darradaa uu ka soo galo dhanka Yemen.

Xildhibaan Kooshin ayaa sarkaalkan ku raacsan in hubka ugu badan ee Soomaaliya ka soo gala dalka ugu badan uu yahay Yemen.

Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida ay kula dagaalamayaan dowladda Soomaaliya.

Hay’adda Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud.

Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Isha: BBC

Somaliland oo ka walaacsan xiriir cusub oo kooxda Al-Shabaab ay la yeelatay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xiriirka cusub ee kooxda Al-Shabaab ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay telefishanka Al-Carabiya ayaa shaaciyay walaacooda ku aadan iskaashiga cusub ee labada kooxood, kaas oo ku qotoma qalqal-galinta ammaanka gobolka.

“Waxa jira xirriir adag oo ka dhaxeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu wasiirka ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xakameyso iskaashiga kooxahan, oo iyagu halis weyn ku ah amniga iyo degenaanshaha gobolka, sida uu sheegay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay qaado tillaabadii ay wax uga qaban lahayd wadashaqaynta iyo heshiiska u dhaxeeya labada dhinac,” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Wasiir Kaahin ayaa tilmaamay in Somaliland kaligeed mas’uuliyadi ka saarnayn ilaalinta nabad-gelyada marinnada badda cas, wuxuuna geesta kale caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka qaatan xakamaynta dhaq-dhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka.

Xiriirka iskaashi ee kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen oo jiritaankiisa uu horey u xaqiijiyey Mareykanka, ayaa waxaa haatan isa-soo taraya walaaca laga qabo, iyada oo laga cabsi qabo in Xuutiyiinta ay Shabaab u daabulaan hub xooggan, xilli ay wajaheyso guluf culus oo iska kaashanayaan ciidanka Soomaaliya iyo shacabka hubeysan ee deegaanka.

Shacabka oo ka walaacsan tallaabada dowladda qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo sii hurineyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya, ayada oo xalay dekedda wayn ee Muqdisho kula wareegtay hub uu siday markab ay soo dirtay dowladda Masar.

Hubka ayaa dekedda looga soo daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, waxaana la geeyay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan in hubkan ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, halka warar kalena ay ku warramayaa in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

Hadda sidee looga falceliyay?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si siyaabo kala duwan uga falceliyay hubkan soo galay gudaha dalka, kadib markii muuqaalo la helay lagu baahiyay baraha bulshada.

Inta badan shacabka ayaa walaac iyo walwal xoogleh ka muujiyay in dagaal uu ka qarxo Soomaaliya, isla markaana ay isku fara saaraan Itoobiya iyo Masar oo si weyn isku haya.

Maxamuud Darwiish “Weli lama arag lamana maqalin madaxweyne ogolaanaya in shacabkiisa lagu dhex dagaalamo dalka Soomaaliya wuxu geli doonna dagaal aan loo fiirsanin”.

Ibraahim Abuukar “Masar dadkeeda Soomaaliya way kala baxeysa, waxeyna diyaar u tahay inay la dagaalanto Itoobiya waxa meesha ku dhimanaayo waa Soomaali kaliya”.

Maxamed Cabdikariin “Ethopia hub faqiireed ayey soo galineysa Somalia, halka masar ay hub culus soo galineyso”.

Galad Cabdalle Cali “Saanad ciidan oo so dageyso wa qalad in ay shacabka arkaaan”.

Daahir Daacad “Cadowga ayaa kula dagaalameynaa hubkaas ee dowladda halagu garab istaago”.

Maxamed Cadde “Khatarta laga qabo in wadankaan dagaal ka qarxo waa sii kordheysaa maalinba maalinta ka dambeyso ee allow xasilooni noogu soo dabaal wadankeyna”.

DF Somalia oo war culus ka soo saartay imaatinka Masar kadib hubkii ay lasoo degtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay imaatinka Masar oo si toos ah usoo caga dhigtay gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka & Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, isla markaana cid kale aysan u daba fariisan doonin arrimaheeda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka ay doonto ay la macaaleyso, ayna kasoo gudubtay marxaladdii wax loo meerin jiray sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay iyadu leedahay go’aanka xulashada dalka ay la macaalimeyso, Masarna ay iyadu dooratay, sidaaasna ay ku timid Soomaaliya.

“Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda.

Tallaabooyinkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyada oo haatan laga digayo in Soomaaliya ay ku dagaalamayaan dowladaha Itoobiya iyo Masar.

SHUUTE oo ficil u beddalay go’aankii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Mudane Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay kulan xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ficil u beddalay go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex haysto gudaha caasimada.

Shuute oo digniinta madaxweynaha sideeda u qaatay ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi doonno cid weliba oo faraha kula jirto hub sharci darro ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada ammaanka oo marka lala wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu hayo.

Guddoomiyaa maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale uga digay saraakiisha dowladda inay arrintan qayb ka noqdaan, isla markaana iyaga oo laga faa’iideysanayo darajaooda aan loo dhiiban karin hub, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan sarkaalkaasi.

“Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin digniin ah u diray cid kasta oo hub ku dhex haysata gudaha caasimada oo ay ku jiraan xubnaha mucaaradka, isaga oo sheegay in saq-dhexe la weerari doono guri kasta oo ay laamaha ammaanku ogaadaan inuu yaallo hub sharci darro ah.

WAR cusub oo kasoo kordhay xaaladda Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay xaalad kacsanaan ah laga dareemay magaaladaasi oo ay indhowanahayaan isku hayaan ciidamada PSF iy sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada, kuwaas oo la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo dadka deegaanka ku beeray cabsi dagaal.

Taliska qaynta booliska gobolka Bari oo war soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ay ku jiraan kaliya howlahooda shaqo, isla markaana aysan jirin wax dhibaato.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ay xaaladda nabad-gelyada tahay mid deggan.

“Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii  caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa kale oo warkan lagu xaqiijiyay in aysan jirin ciidamo hubeysan oo isku horfadhiyo bartamaha magaalada Boosaaso, ayna been abuur yihiin wararka la faafiyay.

“Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa  inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan darrida ah.

“Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka.

Xaaladda kasoo cusboonaatay Boosaaso ayaa ka dhalatay kadib digniin culus oo ay soo saareen ciidanka PSF-ta oo sheegay in loo diiday isticmaalka garoonka Boosaaso.

Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho iyo DF oo dagaal isku diyaarineysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xalay Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay Markab sida Hub aad u badan oo nooc walba isugu jira.

Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay.

Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo daad gureeyey hubkaan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho.

Wadada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caawa la xiray, waxaana marayey kaliya gaadiidkii hubka siday.

Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay, balse waxaa jirta saansaan dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka jawaabto daandaansiga Itoobiya, hadii uu isku bedelo gacan ka hadal, waxaana jira dowladda cadeeyey in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin hiilo militery.

Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha Khawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka, kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay.

Xog: Murusade iyo Waceysle oo bilaabay arrin halis ah oo fursad siineysa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afduub iyo inay is ugaarsadaan ayaa ka dhex bilaabatay beelaha Murusade iyo Waceysle ee dega deegaanada bari ee gobolka Galgaduud, maalmihii lasoo dhaafay.

Labada dhinac ayaa iska afduubtay ugu yaraan 5 qof oo wax dembi ah aan gelin, balse loo dakaneeyey nin lagu magacaabo Cali Geele oo toddobaadkii hore ay baadiyaha fog ee Galhareeri kasoo qabteen ciidamada Macawiisleyda ah ee beesha Waceysle.

Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade ayaa lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana la wareegay ciidamada dowladda federaalka markii la geeyey Ceeldheer, kadibna waxaa loo soo qaaday Muqdisho, si loo baaro inuu Shabaab yahay.

Soo qabashada ninkaas waxaa ka carootay beesha Murusade oo afduubatay ugu yaraan labo qof oo kasoo jeeda beesha Waceysle, kuwaas oo ahaa wiilal xoolo dhaqato ah oo cidna aan dhibaateyn, balse loo dakaneeyey qabiilkooda.

Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle, waxayna soo afduubteen ugu yaraan saddex qof oo Murusade ah, kuwaas oo hadda lagu hayo aagga degmada Ceeldheer.

Maleeshiyaad kasoo jeeda Waceysle ayaa howdka degmada Ceeldheer ku heysta 3-daas qof oo beesha Murusade u dhalatay, halka labo Waceysle ah ayagana Afduub loogu heysto aagga degmada Galhareeri.

Waxaa joogsaday gaadiidkii u safri jiray deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ee bulshada Murusade iyo Waceysle ay adeegsa jireen, maadaama ay bilaabatay in dadka safarka ah lagala degayo gaadiidka, taas oo khatar ku ah bulashada labada beelood.

Arrintaan ayaa sidoo kale khatar ku ah dagaalka Al-Shabaab oo qarka u saaran uu joogsado, maadaama ay beelihii ku mashquuleen inay ayaga is ugaarsadaan, waxaana xusid mudan in Shabaab-ku ay isku diraan beelaha oo fursado badan ay ka dhex raadiyaan colaada qabaa’ilka.

  

Ciidanka amniga oo qabtay nin qarax aasayay kadib howl…

0

Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada NISA, qaybta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo ka dhacay halkaas ayaa lagu soo qabtay ninkan oo ku howlanaa diyaarinta weerar qarax ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ninka lasoo qabtay uu qarax miino ku aasayay gudaha magaalada, balse ay kortageen, kadibna ay gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkiisa uu ahaa in qaraxaas uu ku dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in weli baaris ay ku hayaan eedeysanaha, isla markaana ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxaa kale oo ay ciidamadu ku guuleysteen inay qarxiyaan miinada, iyada oo aan gaysan wax khasaare ah, sida laga arki karo muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ka dhacay Baraawe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Yaa kusoo baxay maanta doorashadii dalka Sri Lanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada.

Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa.

Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada.

Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran.

Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka.

Sawirro: Madaxda amniga Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka yeelatay arrin khatar ku ah dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha sare ee hay’adaha ammaanka, isagoo kala hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray sida loo fulin karo qaraarkii golaha wasiirada Soomaaliya ay horey uga soo saareen mamnuucidda ka ganacsiga hubka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa loo sheegay sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabbooyin degdeg ah oo looga hortagayo kooxaha ka ganacsada hubka.

Dawladda ayaa ka baqdin qabta in hubka sharci darrada ah ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu kaalin weyn ku leeyahay colaadda qabaa’ilka, iyo suurtagalnimada in uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag ayaa ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan soo celinta hubka gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka ku jira, si nabad waarta loo gaaro.

Maalmo ka hor deegaanada Puntland waxaa lasoo geliyey hubkii ugu badnaa oo sharci darro ah, kaasi oo ka yimid gudaha Itoobiya, shirkaan waxaa looga hadlay sida ay dowladda federaalku uga falceli karto arrintaas xasaasiga ah ee soo noqnoqotay.

Dawladda federaalka waxay horay u sheegtay in markii labaad muddo kooban gudoohood hub sharci darro ah uu dalka ka soo gudbay xuduudda xigta Itoobiya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas ku macneysay xadgudub kale oo madax-banaanida dalkeeda ay kula kacday Itoobiya iyo khatar soo wajahday gobolka Geeska Afrika.

Horay hubka la geeyey Puntland waxay Itoobiya u soo gelisay Galmudug, waxaana hubkii soo galay Galmudug lagu boobay magaalada Caabudwaaq, wuxuuna sidaas ku galay gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka abaabulan ee qabaa’ilka.

Soomaaliya ma waxaa loo laaban doona Carta iyo Mbagathi mise waa la miirsan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh diiday ku dhaqanka dastuurkii lagu doortay, dhinaca kalena uu wiiqay awooddii kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu ka dhigay mid uu isagu eryi karo, dhanka kalena uu hor istaagay inay maamullada doorasho qabsadaan, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay kusii kala fogaan karaan dhabaha uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh.

Ku dhowaad 10 gobol oo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka aloosan dagaallo qabiil, la-dagaalankii argagixisada waa joogsaday, xukunkiina waxa uu gacanta u galay dad xoolo doon ah, midnimadiina waxaa laga doortay qabyaalad iyo inay dowladnimaddii dad gaar ah ay sheegtaan, waxaana abuurmay rejo beel dowladeed oo xoog leh.

Waxaa intaas dheer in aanay dadka Soomaaliyeed weligood dhab uga heshiinin colaadihii soo dhex-maray, balse taas bedelkeeda waxaa la isla qaatay markii Carta la isugu tegay sanadkii 2000, si dowladnimo loo gaaro in tabashooyinka kale aan lasoo faagin.

Buuggii yaraa ee ay Soomaalida ku wada joogtay waxaa haatan ku dhaqankiisa diidan madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan arrimahan oo lagu kabay musuqa ku baahay gudaha dowladda, xilalka lagu tixay dadka aan u qalmin iyo madaxweynihii oo dhinac iskaga riixay inuu dooddo ka galo caqabadahan muuqda, albaabadana kasoo xirtay saamileydii kale ee siyaasadda.

Waxay ku siinayaan arrimahan in loo baahan karo inay Soomaalida dib ugu laabato shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Reer Puntland si weyn oo aan horey u dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay haatan uga miirmeen dowladda federaalka ah.

Sidoo kale reer Koonfur Galbeed ayaa muujiyay masuug xoog leh oo ay ka qabaan dowladda federaalka. Dadka Gedo kasoo jeedana waxay tirsanayaan in dowladnimadii Soomaaliya lagu qadiyay. Somaliland waa kasii fogaatay halkii ay markii hore joogtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan nin hadda ku mashquulsan wax ka qabashada caqabadahaas waaweyn, waxaana madaxweynaha ka badin la’yahay qancinta dhowrka qof ee ku hareeraysan.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay madasha PDRS waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay wax ka beddelaan sida ay howsha ku wadaan oo aanay dalka iyo dadka markale ku qasbin in loo baahdo shirar dib u heshiisiin ah oo dalka dibaddiisa, sida magaalooyinka Carta iyo Mbagathi oo horey u marti-geliyay shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

Deni waxa uu intaas ku daray in haddii hab dhaqanka xukunka wax lag beddelo oo ay madaxda si miir leh u shaqeeyaan in laga baaqsan karo in loo baahdo shirar kale oo dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa.

Hadalka Saciid Deni ayaa ah fikrad ay dooddeedu maalmahan dhex taallay dadka Soomaaliyeed, waxaana u sabab ah rejo beelka laga qaaday xukunka madaxweyne Xasan Sheekh.