27 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Kadib hadalkii Saciid Deni, Puntland oo shaacisay nooca wada-hadal oo ay dooneyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa mar kale ku celiyey in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal ay la galaan dowladda federalka ka dib wada shaqaynta labada dhinac oo gaartay heer xun. 

Wadahalka ayuu Madaxweyne Deni sheegay inuu noqonayo mid ah madal furan oo lagu garnaqsado ayna doonayaan inay cid walba ka qayb galaan. 

Hadalkaas ayuu ka sheegay xilli uu kulan casho la yeeshay ergooyin kala duwan oo maalmahan Garoowe kaga qeyb galayey shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato xarunta cilmi-baarista ee PDRC. 

Maamulka Puntland ayaa horraan u sheegay inay gooyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen dowladda federalka markii barlamaanka Soomaaliya isbeddello ku sameeyey qaar ka mida qodobbada dastuurka.

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan oo isbaddel ka muuqdo Madaxweyne Deni. 

“Waxaad mooddaa in wax badan oo is biirsaday ay arrintan keentay marka ugu horreysa waxa weeye dhammaan reer Puntland ha ahaato ama Soomaali fara badan ha ahaato ama beesha caalamka ha noqoto, waa qasab baad mooddaa aragtida dhisantay shirar badanuu Deni galay tallooyinku ma yara waxay maraysaa ummadda Soomaaliyeed maanta mowqif loo baahan yahay in wax badan la xeeriyo Soomaaliya marxaladda ay ku jirto inay qayb ka tahay arrintan in maanta Deni yiraahdo in meel fagaare kula hadlo madaxda heshiisna uu ku baaqo,” ayuu yiri Gurey.  

Muxuu wadahadalkani kaga duwan kuwii hore?

Sida uu sheegay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur, wadahadalka ayaa ah mid ay Puntland doonayso in gole furan ay ku garnaqsadaan balse ay horreyba u sheeegeen inay wada hadal diyaar u yihiin. 

“Dadka Puntland iyo mamaulkooda oo madaxwyenuhu ugu horreeyo waxay marwalba diyaar u ahaayeen taarikhiyan isku soo dhawaansha, danta dadka Soomaaliyeed oo meel looga soo wada jeensado gaar ahaan xilliyada ad-adag. Ayay haddana diyaar u tahay inay gogoshaas fidiso oo aayaha dalka la wada tashado,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax.

Mar la waydiisay cida ka qayb galaysa wadahadalan ay ku baaqeen Puntland iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwii la midka ahaa ee horrey madaxdoodu u sheegay inay wadahalo diyaar u yihiin.

“Waxa cusub waa in ummadda Soomaaliyeed uu u soo bandhigay oo yiri dadka Soomaaliyeed qayb ha ka qaateen aqoonyahanka, siyaasiyiinta, u dhaqdhaqayaasha, culimada, ganacstada Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu hadda u soo bandhigay inay gacanta la galaan,” ayuu intaa ku daray Cabdifitaax.

Balse Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo horreyna murashax madaxweyne Puntland soo noqday ayaa qaba in culaysyada waxgaradka gudaha ee Puntland iyo beesha caalamka ay halkan soo gaarsiiyeen wax badan.

Mar la weydiiyey wasiiru dowlaha golaha ay doonayaan in lagu wada hadlo cida ka garnaqaysa kuwa ay yihiin Soomaali iyo shisheeya ayuu yiri, “waa arrin farsamo marka wada xaajood la samaynayo laakiin hadda ka hor dhacayo waxa waa iska farsamo. Laakiin mabda’u waa wadahadalkii diyaar loo yahay.” 

Puntland ayaan ka qayb galin dhowrkii shir ee ay yeesheen madaxda wadatashiga Qaran oo ka dhacay Muqdisho, sababta madashaas ay ugu garnaqsan waayeen la weydiiyey wasiiru dowlada Madaxtoyada Puntland Cabdifitaax wuxuu sheegay “inaysan jirin wax la taaban karo oo ka soo baxay.” 

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Garoowe gaaryey wufuud ka kala socota beesha caalamka oo kulamo la qaadanayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. 

Sida uu qabo Dr. Gurey, waxaa suura gal ah in kulamadaasi ay wax ku biiriyeen in Puntland ka soo dhawaato sidii hore. 

Puntland iyo dowladda federalka ayaa xiriirkoodu xumaaday bilo uun ka dib mudda-xileedkeeda. 

Qaraxyo lagu diyaariyay duleedka Kismaayo oo laga hortegay, kadib markii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen aagga tuulada Laagta Caanoole oo ay moonooyin ku aaseen xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay oo ka baxay Buulo-Xaaji ayaa sheegay inay ka war heleen qaraxyadaasi kadibna ay ku guuleysteen inay ka saaraan waddada, ayna qarxiyaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa qaraxyadaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka iyo ciidamada isticmaala halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay lagu jabiyay maleeshiyaadka, kadib dagaallo ay la galeen ciidanka Jubbaland.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Sawirro: FIQI iyo xoghayaha INTERPOL oo kulan xasaasi ah ku yeeshay New York

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalim Fiqi oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa kulan xasaasi ah la qaatay xoghayaha Guud ee INTERPOL Jürgen Stock.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga hadleen xoojinta doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiir Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola shaqeeyo INTERPOL si loo xoojiyo awoodda booliska Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, dembiyada internetka iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maaraynta hubka, taasoo sababtay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee mudada dheer jirtay, taas oo guul weyn u ah sugidda amniga adduunka oo idil.

Xoghayaha guud ee INTERPOL Jürgen Stock ayaa bogaadiyay horumarka ay Booliska Soomaaliyeed ka gaareen la dagaallanka dambiyada abaabulan.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta laamaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, si kor loogu qaado awooddooda dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah.

Wasiir Fiqi waxa kale oo uu soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee sanadaha soo socda, isagoo diiradda saaray iskaashiga dhinaca amniga.

Joe Biden oo khudbaddiisi u danbeysay u jeediyay QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbaddiisii ugu danbeeyay Talaadadi shalay ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo hogaamiyayaasha caalamka u sheegay, in in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu fashilmay, isla markaana ay weli suurtogal tahay in xal diblamaasiyadeed laga gaaro colaadda Israel iyo Xisbullah ee Lubnaan.

Biden oo ay wax ka yar afar bil uga hartay muddo xileedkiisa xafiiska Aqalka Cad, ayaa kasoo hor muuqday masraxa Golaha Guud, iyada oo ay dagaallo ka socdaan Ukraine, Marinka Gaza, Sudan iyo xadka Lubnan iyo Isra’il.

Wuxuu sheegay in dagaal buuxa oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah aysan cidna dani ugu jirin, xitta haddii ay xaaladdu sii xumaado ayuu yiri. isaga oo intaasi raaciyay in wali uu xal diblamaasiyeed suuragal yahay.

Madaxweyne Biden ayaa 193-ka xubnood ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay hortooda ka diray baaq ku aadan soo afjaridda dagaalka Gaza iyo sii deynta la heystayaasha reer Isra’il.

Mar uu ka hadlay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayuu Biden sheegay, in dagaalka uu madaxweyne Putin soo abaabulay ee uu ku qaaday Ukraine uu fashilmay. Isaga oo yiri, “ Wuxuu u soo kacay in uu burburriyo Ukraine, laakin Ukraine wali waa xor.”

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka Sudan, isaga oo erayo adag kula hadlay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo uu ku yiri “Joojiya dagaalkan hadda.”

Madaxweyne Biden ayaa bishi July ee sannadkaan ku dhawaaqay in uusan mar kale isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Mareykanka, taas oo ka dhigtay madaxweyne hal xilli u shaqeeyay shacabka Mareykanka.

Xog: Mucaaradka oo Muqdisho ka bilaabay diyaar-garow ka dhashay hanjabaadii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi weyn ayaa soo wajahday mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Madaxweynuhu uu Jimcihii ku hanjabay in gurigiisa saqda dhexe loogu geli doono qofkii la ogaado inuu heysto hub sharci darro ah oo kan dowladda ama u diiwaan gashan aan aheyn.

Mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa, maadaama ay hubeysan yihiin, isla markaana guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho ay ku heystaan hub ka madax-banaan kan dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxay bilaabeen in gaadiidka dagaalka ay banaanka uga soo saaraan guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana difaac adag sameystaan, maadaama ay suurtagal tahay inay dowladdu weerarto, si hubka dhigis loogu sameeyo.

Mucaaradka ayaa u arka qorshaha Xasan Sheekh inuu yahay mid ayaga hubka looga dhigayo, waxayna isku diyaariyeen inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxaa la sheegay inay dalbadeen hub ka badan kii ay horay u heysteen, si ay isku difaacaan oo Xasan Sheekh uusan ugu dhiiran in guryahooda uu ku weeraro, si hub ka dhigis loogu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in qofkii heysta hub sharci darro ah uusan sharaf laheyn, dowladuna ay ka qaadi doonto talaabo adag, iyadoo weliba gurigiisa loogu dhacayo saqda dhexe ee habeenkii.

Arrinta cabsida ku abuurtay mucaaradka waa in Xasan Sheekh oo xusay magacooda, isagoo yiri “Siyaasi, sarkaal ama ganacsade ahaaw qofkii heysta hub ma ixtiraami doono, waxaana loogu dhacayaa gurigiisa, weliba xili saq dhexe ah.”

Arrintaan ayaa shaki badan ku abuurtay mucaaradka, waxayna hadalkaas u arkeen in ayaga ku socda oo dowladu ay rabto inay la wareegto hubkooda, taasi oo khatar ku ah amnigooda, maadaama ay dayacmayaan xili kasta ay suurtagal noqon karto in la weeraro ama la dhibaateeyo.

Xildhibaan Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah Mucaaradka Xasan Sheekh ayaa TV-ga Shabeelle u sheegay in mucaaradku ay is qalabeynayaan oo hub ay isku difaacaan ay soo iibsanayaan, si ay isaga difaacaan hadii Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa.

Madaxweyne ERDOGAN oo Mareykanka u direy baaq culus oo ku saabsan…

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”.

Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaari karaan bartilmaameedyadooda ganacsi.

Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza.

Waxay sidoo kale ku kala tageen soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, taasi oo dhalisay in Maraykanka uu cunaqabatayn saaro Turkey 2019-kii, lagana saaro Barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Hase yeeshee kadib Ankara waxay xaqiijisay inay Washington ka soo iibsato 40 diyaaradaha F-16 ah iyo 79 qalab kale oo casri ah. Heshiiska ayaa la ansixiyay ka dib markii Turkiga uu ogolaaday dalabka ay Sweden ee ku biiritaanka NATO, taasi oo hoggaamisay in xiriirka uu soo hagaago.

Ankara iyo Washington waxay leeyihiin yool fog oo ah $100 bilyan oo ganacsi laba geesood ah, taasi oo aad uga badan ganacsigii 2023 oo ahaa $30 bilyan.

Intii lagu guda jiray booqashadii New York ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu u sheegay ganacsatada Turkiga iyo Mareykanka, inkasta oo uu rumeysan yahay in hadafkaas uu suurtagal yahay in la gaaro, haddana iskaashiga dhinaca difaaca ” uu hoos u dhacay” sababo la xiriira xayiraadaha.

“Tallaabooyinka halka dhinac ah, sida canshuuraha dheeraadka ah ee qaybaha birta iyo aluminium-ka, baaritaannada iyo cunaqabateynta CAATSA waxay u baahan yihiin in la baabi’iyo,” ayuu yiri Isniintii, isaga oo tixraacaya CAATSA oo laga soo gaabiyo Ka-hortagga Cadawga Mareykanka ayada oo la adeegsanayo Xeerar Cunaqabatayn.

“Waxaan rajeynayaa inaan bog cusub furnay kadib mashruucii casriyeynta ee F-16, waxaana rajeyneynaa in xayiraadaha dhoofinta ee dhinacan si joogto ah loo qaado,” ayuu Erdogan ku daray.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu uu faa’iido u leeyahay socodka sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga xagga wax soo saarka iyo soo iibinta rasaasta 155mm – oo muhiim u ah dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay dhowr qof oo Turkish ah iyo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu eedeeyay inay jebinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.

Turkiga ayaa taageera Ukraine, balse wuxuu ka soo horjeedaa cunaqabateynta Ruushka, inkasta oo uu sheegay inaan lagu jebin doonin dhulka Turkiga.

Ka sokow diyaaradaha F-16, Turkigu waxa uu sidoo kale danaynayaa dayuuradaha Eurofighter Typhoon ee Jarmalka, Britain iyo Spain, balse waxa uu ka cawday horusocod la’aan ka dhalatay diidmada Berlin.

Isniintii Erdogan wuxuu New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray inuu u gudbiyay in Ankara ay diyaar u tahay inay horumariso iskaashiga dhinac walba iyo ka faa’iidaysiga fursadaha wadajirka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac.

Voa

Wasiir FIQI oo shaaciyay arrin weyn oo Itoobiya ku qarineyso warkii kasoo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Itoobiya oo maanta ka hadashay hubka Masar ay keentay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyay xiisadda ka taagan gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay inay ka imaan karto halis kale oo wayn.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiir Axmed Macallin oo sheegay in warkan Itoobiya ay ku qarineyso hubka sharci darrada ah ee kasoo geliso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkaas uu u gacan galayo shacabka iyo kooxaha argagixisada ah ee halis ku haya amniga Soomaaliya iyo guud ahaan ee gobolka.

Hadalka Fiqi waxaa kasii horreeyay mid kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay 20-kii bishan soo saartay, kaas oo ay si kulul ugu cambaareysay shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Puntland.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika.

Xasan oo fursad wayn helay kadib tallaabadii Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay fursad wayn oo uu isaga yareyn karo culeyska siyaasadeed ee haatan haysta, kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe.

“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Saciid Deni ay tahay fursad gaar ah oo ay haboon tahay inay ka fa’iideystaan madaxda dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac oo wadahadal galo ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha Puntland ee ah inuu diyaar u yahay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo war yaab leh kasoo saartay hubka Masar ay keentay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubka ay Masar keentay magaalada Muqdisho, kaas oo habeen hore si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, kadib markii marka lagu keenay dekedda Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie oo war kooban soo saaray ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka imaan karto halis kale oo wayn.

Taye Astke Selassie ayaa sidoo kale xusay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka,

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Itoobiya ay sidoo kale ka walaacsan tahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan ee Soomaaliya.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay soo saartay dowladda Masar oo faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hubka ay keentay magaalada Muqdisho, waxayna xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

“Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika.

SSC-Khaatumo iyo Puntland oo ay ka dhex tafatay iyo SSC oo soo saartay digniin culus

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si adag uga horyimid tallaabo uu qaaday maamulka Puntland, taas oo ka careysiisay SSC.

Xiisadda ka dhex qaraxday labada dhinac ayaa salka ku haysa deegaano ay isku haystaan labada dhinac, kaas oo SSC-Khaatumo ay sheegtay inay ka taliso, oo ay kusoo gardarootay Puntland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku kacay tallaabo uu ku tilmaamay xad-gudub iyo meel ka dhac, taas oo ay ku sheegatay qeybo kamid ah maamulkooda, sida uu sheegay.

”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah waa xad-gudub iyo meel ka dhac, waana uga digeynaa maamulka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu digay wasiirka hay’ado uu sheegay inay qeyb ka yihiin arrintaan, oo keeni karta khatar amni oo ka dhalan karta muran dhuleed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo.

“SSC-Khaatumo diyaar ayey u tahay inay difaacayo dhulkeeda iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri Wasiir Najiib, oo si adag ugu digay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku kacday xad-gudub ka dhan ah maamulkooda.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu maamulka Puntland wado qorshe uu qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn kaga hirgelineyso mashaariic ay fulinteeda leedahay hay’adda UNICEIF ee Soomaaliya, taas oo si weyn uga careysiisay SSC-Khaatumo, oo iyadu u aragta tallaabadan mid ay Puntland ugu soo xad-gudubtay deegaanadeeda.

Masar oo war rasmi ah kasoo saartay hubka ay geysay Muqdisho iyo qorshaha

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa war rasmi ah kasoo saartay hub iyo saanad ciidan oo shalay ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Masar ayaa xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

“Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Sidoo kale waxaa qoraalka Masar lagu sheegay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah.

Bayaanka Masar ayaa imanaya saacado un kadib markii uu dekedda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo Masar ugu tala-gashay ciidamada xoogga dalka.

Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid Masar ayaa noqonayaa kii labaad, iyadoo kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka kooban yahay oo ay ku jireen kuwo waaweyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ma isagaa dacwo iska ah mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor ku baaqay inay dadka Soomaaliyeed ka fogaadaan hadallada qabyaaladda ku dheehan tahay, kuwaas oo sii kala fogeynaya shacabka, faa’iidoona siinaya cadowga.

Hadalka madaxweynaha ayaa daba socda kadib markii dad isaga ku xisaab ah ay qabiileeyeen difaaci dalka, kadibna ay ku hanjabeen inay xildhibaanno deegaan gaar ah metala guryahooda ugu dhici doonaan.

Jawaab celintii ay dhinaca kale ka bixiyeen arrintaan ayaa buuq qabiil abuurtay. Fariinta madaxweynaha waxay aheyd baaq waxayna aheyd mid loo baahna, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa kalmada madaxweynaha mid kale oo dhab agdhigtay.

Qofka madaxda ah ee qabyaalad diidka ah waxaa laga rabaa inay taasi ka muuqato xukunkiisa iyo dhaqankiisa. Laba qabyaalad ayaa taalla Soomaaliya, mid waa midda afka ee ka socoto baraha bulshada, midna waa tan xukunka madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha khudbadiisa Jimcihii kuma soo hadal qaadin hab xukunkiisa qabyaaladeysan, waana iska indho tiray, wuxuuna taas bedelkeed aad uga hadlay qabyaaladda ka socoto baraha bulshada.

Haddaba, Yaa daran qabyaaladda afka iyo midda qalinka?

Dabcan ma jiraan wax ka daran in nidaamka dowliga ah lagu dhex faafiyo qabyaalad iyo eex, taas oo umadda Soomaaliyeed usii kala fogeynaysa si weyn. Qabiil iyo qabyaalad farqi ayaa u dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo xileedkii hore lagu haystay, haddana lagu haystaa in aanay umadda Soomaaliyeed u sineyn oo reerkiisa hoose ku naas-nuujiyo xukunkii iyo dowladnimadii ka dhaxeysay umadda Soomaaliyeed.

Qandaraasyada ay dowladdiisa bixisay illaa iyo hadda wuxuu madaxweynaha ku taxay reerkiisa hoose. Shaqaalihii ugu badnaa ee la qoray tan iyo markii uu xukunka kusoo laabtay wuxuu 80% siiyay reerkiisa hoose.

Sidoo kale la-taliyeyaashi ugu badnaa ee madaxweynaha magacaabay waa isku dhari, ciidankii ugu badnaa ee waayahan uu qoreyna waxa uu ka qoray beeshiisa hoose, haddana isla madaxweynahaas ayaa dadka uga digaya qabyaalad.

Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu iswaafajiyo ficilkiisa hoggaamineed iyo farriimihiisa. Dadka Soomaalidu hadda waxay soo gaareen marxalad aanay wax walba oo hadal ah sidiisa u qaadaneyn oo ay eegayaan waxa ka dhab ah ama hab-dhaqanka qofka hadlaya.

Si ay dadka Soomaaliyeed dhab ugu qaatan hadalka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu marka hore hakiyaa madaxweynaha hakiyaa qabyaalada iyo eexda ka dhex jirta dowladdiisa ayey leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee liqi waayey farriintii Jimcihii ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo dhinaca kale xogagaal u ah waxa ka dhex socda dowladdiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasta oo wax badan ka haleeyay dowladnimada Soomaaliya, haddana weligiis laguma eedeyn inuu yahay siyaasi reerkiisa u boobay dowladnimaddii umadda ka dhaxeysay.

Soomaaliya waxay u baahan tahay inay shacabka qabyaaladda afka ah dhaafan, madaxduna qabyaaladda qalinka dhaafto.

DENI oo dowladda Xasan ku eedeeyay inay raali ka tahay dhaqan aad u foolxun

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu u gefo dad Soomaaliyeed, uuna Soomalinimada ka saaro.

Saciid Deni ayaa arrintan ku macneeyay khatar kale oo kusoo korortay Soomaaliya, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku dhaliilay sida aysan illaa hadda tallaabo uga qaadin mas’uulka ka tirsan dowladdiisa ee u gefay beel Soomaaliyeed.

“Waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay in aan tallaabo laga qaadin,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa arrin ugub ah oo tallo u baahan, una baahan in kor loo sheego. Waxaan ku waafaqsanahay walwalka ay dad badan ka qabaan jihada Soomaaliya u socoto iyo Geeska Afrika. ”

Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay hab hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay Soomaaliya u socoto, oo uu sheegay inay tahay jiho khatar ah oo keeni karta meel aan laga soo kaban karin.

“Waa jiho abuuri karta kala qeybsanaan bulsho uu Ilaahay siiyay waxkasta oo bini’aadam ku midoobo, hadey tahay luuqad, diin, isir iyo wax walba oo bini’aadam ku midoobi lahaayeen, haddana waxaa muuqaneysa in 30 sano bulshadaas isku keeni la’nahay oo ay kala fog tahay.”

Dhawaan ayey aheyd markii agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali uu warbaahinta ka sheegay hadal ay si weyn uga caroodeen reer Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa markaas ilmo Itoobiyaan ah ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed, taas oo si weyn looga qeyliyay, maadaama ay tahay mid dhaawaceyso midnimada dalka.

Deni oo ku dhowaaqay wada-hadal iyo shuruud culus oo uu hordhigay DF (Daawo)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay shir sanadeedka nabadda ee PDRC ayaa waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe.

Deni ayaa waxa oo uu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay in ay maal-geliso wada-hadallada uu ku dhowaaqay, kuwaas oo uu sharuud uga dhigay inay ka dhacaan fagaare ay marqaati ka tahay Soomaalida.

“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu ka digay madaxweynaha Puntland in haddii xaaladda taagan wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, iyada oo ay meesha ka baxday wada-shaqeyntii dowliga aheyd ee labada heer, islamarkaana ay Puntland sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxaan ka ognahay hubka ay MASAR gaysay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore waddooyinka magaalada Muqdisho lagu arkay gaadiid ciidan oo sida hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay muujinayaan muuqaalada ay duubeen dadkii ku sugnaa hareeraha laamiga oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Masawirada iyo muuqaalada qaar ayaa laga arkayay qaar kamid ah hubkii sida wararku ay sheegeen ay dawladda Soomaaliya ka heshay dalka Masar oo uu ka mid yahay madfac uu jiidayo gaari.

Kornayl Cabdullahi Cali Macow oo ka faallooda arimaha ammaanka iyo ciidamada ayaa sheegay “in qoriga la jiidayay uu yahay nuuc ka mid ah waxa loo yaqaano madaafiicda goobta ama Howitzer waxaana adeegsada ciidamada difaaca”.

Korneylku waxa uu sheegay in dowladdii dhexe ay lahaan jireen hubkaan iyo kuwo ka waaweyn balse haatan ay u muuqato in Soomaaliya ay dib usoo celineyso awoodeedii dhanka ciidamada iyo hubka.

Dakadda magaalada Muqdisho ayaa illaa shalay xirneyd iyada oo aysan dowladdu sheegin sababaha ay u xirneyd, balse waxaa jiray warar sheegaya in shalay dekedda uu ku soo xirtay markab siday hubkii la mariyay waddooyinka Muqdisho.

Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda ayaa aad u hadal hayay hubka la soo galiyay gudaha Soomaaliya, ee sida la sheegay laga soo dajiyay dekedda Muqdisho.

Warbaahinta qaar ayaa baahisay in hubkaan laga soo dajiyay markab laga leeyahay dalka Masar.

Muddooyinkaan danbe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, dhawaan ayayna ahayd markii diyaarad ka timid Qaahira taas oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana heshiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan.

Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid dalka masar ayaa noqonayaa kii labaad iyadoona kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka koobnaa oo ay ku jireen kuwo waaweyn.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar si faahfaasan ugama aysan hadlin hubkaan iyo kuwii ka horeeyay ee Muqdisho soo gaarayay.

Waxaa jira walaac ay muujineyso Itoobiya kaas oo ku aadan hubka kala duwan ee ka soo dagay dakadda Muqdisho, waxa ay sidoo kale dhowr jeer oo hore eedeyn iyo dhaliil u jeediyeen dalka Masar.

Itoobiya iyo Masar ayaa sanado badan isku qilaafsan biyo xireenka wabiga Niil.

Somaliland oo ka duuleysa heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar iyo xiisadda taagan haatan ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka saareyso muwaadiniinta dalka Masar, waxaana u badan macalimiin wax ka dhiga iskuulada Soomaaliland.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walaac santahay hubka soo gaaray Muqdisho, waxa ayna ku tilmaamtay “in hubkaas uu gacanta u galikaro kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida oo ay kamid yihiin kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland”.

Warbaahinta dalka Masar ayaa baahiyay in safaaradda Masar ee Muqdisho ay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, sababo la xidhiidha xaaladda ammaan ee gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa soo kala dhex galay khilaaf weyn kadib markii Addis Abab ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed madax banaani ugu dhawaaqday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in hub laga soo dejiyay dekeda Muqdisho kaas oo ka yimid dalka Masar, sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee Reuters.

Waa markii labaad oo hub si rasmi ah loo soo geliyo dalka, tan iyo markii sanadkii hore laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd muddo dheer.

Ku lug lahaanshaha Masar ee khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiisad ka abuuray gobolka, waxaana Somaliland oo heshiis is afgarad ah la gashay Itoobiya ay xirtay xaruntii dhaqanka iyo maktabadda Masar ee dhulkeeda.

Soomaaliya ayaa bilo ka hor eriday safiirkii Itoobiya, waxayna Itoobiya ka codsatay in ay diido heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo ay ku sheegtay in uu ka hor imanayo madax-banaanideeda.

Isha: BBC

Xogta kulan dhex-maray Qoor-Qoor iyo Swan + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaaladaasi, waxayna yeesheen wada-hadallo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa diiradda lagu saaray halka ay mareyso xaaladda guud ee dalka iyo mashariicyada kala duwan ee horumarineed ee ay QM ka fuliso deegaanada Galmudug.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug.

“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka halka ay mareyso, amniga iyo la dagaalanka cadawga argagaxisada, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka , mashaariicda hormurinta iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoor Qoor ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo safiirada caalamka ee jooga gudaha Soomaaliya, wuxuuna shalay qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah.

Kulamadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Galmudug ay ku jirto marxalad kala guur ah, maadaama ay ku wajahan tahay doorasho xasaasi ah oo la filayo in loo galo loolan adag.

Xogta kulamo xasaasi ah oo R/Wasaare Xamza uu ka wado New York + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan.

Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweynaha golaha hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

Kulan doceedka ayey ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uga wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen.

Kukanka ayaa intii socday waxay labada masuul diirada ku saareen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurta-gelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Helle ee hoostaga degmada Galcad, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo lagu gubay gaari ay wateen.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka oo helay xogta xubnahan ay weerar dhabagal ah ku qaadeen, kadibna ay dileen laba xubnood.

“Ciidanka ayaa khaarijiyay Laba dhagar qabe oo ka tirsan khawaarijta, waxaan lagubay gaari Cabdi bila ah oo ay booyadi ku rarneed” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka ay soo furtay qoray AK47 ah oo ay wateen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah.

“Waxaa la furtay Qori AK- 47 ah oo uu ku hubeysnaa mid kamida khawaarijtii gaariga la socotay, waxa ayna ciidanku dhaamaan dab qabadsiiyeen Gaarigii ay wateen maleeshiyadu” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli aagga degmada Galcad howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka oo kaashanayaa kuwa dadka deegaanka.

Israel oo 492 qof ku dishay Lubnaan

0

Beirut (Caasimada Online) – Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil Isniinti shalay ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan ay ku dishay 492 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 dumar iyo carruur ah.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalki Israa’iil iyo Xisbullah ee sannadki 2006-di.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku dhaawacmay duqeynti Isniinti ay gaareen ilaa 1,645. Dhimashada ayay ku sheegtay ku dhawaad 500 oo ruux, oo ay ku jiraan 35 carruur ah iyo 58 dumar ah.

Millatariga Israa’iil ayaa digniin ku siiyay dadka rayidka ah ee daggan koofurta iyo bariga Lubnaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo sheegay in ay ballaarin doonaan duqeynmaha ay ka billaabeen Lubnaan.

Tobnaan kun ayaa markiiba ka qaxay aaggaasi una jiheystay dhanka caasimadda Beyruut.

Weerarka cirka ah ee ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan Isniinti ayaa imayana, maalmo yar kaddib marki ay kumannaan qof ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday qalab is-gaarsiineed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayay Xisbullah ku eedeeysay Israa’iil.

Shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya New York

0

New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmaya kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee QM oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida.

Shirka oo socon doona 24-ka ilaa 30-ka bishaan, waxaa furaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Cameroon Philemon Yong.

Shirkan ayaa waxaa sanadkan khudbad ka jeedin doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku-xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku-xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku-xigeen iyo lix kale oo ergo ah.

Halku dhegga sanadkan ee kalfadhiga golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa ku saabsan in aan “cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta.

Soomaaliya-na waxaa ku metelaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo isagu ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aas-aas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Shirkan oo sanadle ah ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha ay yeeshaan wada-tashiyo ku saabsan arrimo kala duwan iyo kulamo gaar-gaar ah oo quseeya danaha dalalkooda.