26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

MADAALE oo wada isla xisaabtanka dakhliga Xamar – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dowladda hoose ee Xamar ka qabsoomay kulan isla xisaabtan ah, xilli uu guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir uu wado isla xisaabta maaliyadeed ee dakhliga kasoo xarooda caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulankan la qaatay agaasimeyaasha iyo howlwadeenada waaxyaha Dakhliyadda kala duwan ee dowladda hoose ee Xamar, ayaa sidoo kale waxa qeyb ka aheyd wacyigelin, si loo adkeeyo hufnaanta shaqo ee umadda u hayaan.

Agaasimaha diinta iyo awqaafta maamulka gobolka Banaadir Sheekh Cabdullaahi Garuun iyo Sheekh Cali-nuur Xoogsade oo kulanka ka hadlay ayaa diirada saaray qiimaha diinteena islaamka ay siisay maalka, dhowrista hantida, amaanada iyo xaaraantimeynta rashwada.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la-dagaalanka musuqa iyo dokumentiyada been abuurka uu sababay in kor loo qaado miisaaniyadda dowladda hoose, isla markaana lagu guuleystay in la dhowro xuquuqda shaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha si gaar ahh ugu mahad-celiyay howl-wadeenada waaxyaha dhakhliyada sida ay ugu qeyb qaateen kobaca dhaqaalada dowladda hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dardaarmay howl-wadeenada waaxyaha dakhliyadda kala duwan in ay ku dadaalaan Amaanada iyo ilaalinta hantida ummadda, asigoona ka digay in lagu xadgudubo dhakhaalaha laga soo qaado shacabka.

Qorshahan isla-xisaabtanka ee uu wado duqa Muqdisho ayaa durba horseeday kororka miisaaniyadda dowladda hoose, ayada oo ay meesha ka baxeen lacago la leexsan jiray, taas oo maamulka joogo uu ku tilmaamay mid bilow fiican u ah qorshahaan.

Sawirro: Xamza oo 3 qodob kala hadlay Mareykanka

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu uga qayb-galayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada  magaaladaasi.

Xamza ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah.

Sidoo kale waxa labada mas’uul ka wada-hadleen arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub.

Ra’iisul wasaaraha sidoo kale wuxuu horay New York ugula kulmay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxda kale ee uu la shiray waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin  xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sulub oo xilka laga qaaday, loona magacaabay xil kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidamada booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa xilka laga qaaday goor dhow, ayada oo loo magacaabay xil wasiir ku-xigeen. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.” 

Xil ka qaadista Sulub ayaa timid saacado un kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u dallacsiiyey darajada Sarreeye Gaas. 

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu xilka taliyaha booliska u magacaabo Jeneral Asad Diyaano oo reer Puntland ah.

Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Saciid Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda.

Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, islamarkaana Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay xilal la-taliye u magacaabay siyaasiin kale oo reer Puntland ah.

Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. 

Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay  deegaanka Jowhar-Awdheegle, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda ay weerareen, kadibna ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugna halkaasi.

“Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray ayaa goobta uu howlgalka ka dhacay ku lahaa shir, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda, waxaana xog ka helay ciidamada uu sidaas duulaanka ugu qaaday.

Sidoo kale waxaa la fishiliyay dhagar ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu beegsaday aagga degmada Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM ujira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay Khawaarijta ka wadeen is Aruursi iyo Shirar ay ku Abaabulayeen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.” Ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaa qorshahoodii fashiliyay Geesiyaasha Qarankeenna oo u daatay, khasaarre kala duwanna gaarsiiyay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ee Argagixisada ah.”

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

PUTIN oo uga digay reer galbeedka adeegsiga hub niyukleer ah kadib markii…

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday.

Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn.

Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus.

Xasan Sheekh oo caawa magacaabay mas’uuliyiin reer Puntland ah oo Deni ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaaleynta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

“Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ee Madaxweyne Saciid Deni ay siyaasadda isku hayaan ayaa intooda badan isku soo dhiibtay dowladda federaalka, si ay xilal uga helaan, waxaana oa mid ah xubnahaan caawa la magacaabay.

Sidoo kale waxaa jira xog sheegeysa in Asad Diyaano oo Saciid Deni kula tartamay madaxtinimada Puntland hadda loo magacaabi rabo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Xasan Sheekh ayaa maanta muujiyey saan-saan xil ka qaadis, kadib markii uu Taliska ugu tegay, hal darajana dalacsiiyey Taliyaha hadda jooga Sulub Axmed Firin.

Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda.

Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, kuwaas oo Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Daawo: Xasan Sheekh oo dalacsiiyey Taliye Sulub – Maxaa ka jira xil ka qaadistiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin.

Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey ciidanka booliska ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Taliye Sulub ku amaanay sida uu ciidanka ugu soo biiriyey oo fursad u siiyey dhalinyarada firfircoon ee u caaboon inay u shaqeeyaan dalkooda.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay nidaamka dalacsiinta saraakiisha ciidamada, isagoo sheegay in dalacsiintu ay ku xiran tahay shaqo, balse aysan ku xireyn waqti iyo in laga baryo madaxda.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh

Sababta Itoobiya ugu dhiiran karin aqoonsiga Somaliland iyo arrintii uu sheegay Meles

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa horraantii sanadkaan gaaray is-afgarad xiisad xooggan ka abuuray gobolka, kaasi oo Somaliland ay sheegtay in Itoobiya ay dhul badeed uga beddelaneyso aqoonsi, maadaama ay Itoobiya si weyn u daneynayso inay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Inkasta oo heshiiskan uu la kulmay diidmo adag oo dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhalleeceyn caalami ah, haddana weli labadii dhinac ee qalinka ku duugay midkoodna kama laaban heshiiskan oo lagu tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

Waxa aynu warbixinteena isku dul taagi doona qodobka aqoonsiga, inaga oo dib u milicsan doona wareysi uu sanado kahor bixiyay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Wareysigaas oo uu Meles ka qaaday Yuusuf Garaad ayaa waxa uu markaas si cad u sheegay in Itoobiya aysan ku dhiiran karin aqoonsiga Somaliland, haddii aysan taas uga hormarin Soomaaliya, oo macnaheedu yahay “in aysan awood u laheyn aqoonsiga dhul waddan kale”.

Wareysiga ayaa u dhacaya sida tan;

Yuusuf Garaad: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?.

Meles: Waa su’aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen.

Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan].

Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin.

Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno.

Su’aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland?

Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale.

Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.

Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Somaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan.

CC Shakuur oo si adag uga horyimid tallaabo ay maanta qaaday DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixiyay tallaabo ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii la hor istaagan safar uu Baydhaba ku tegi lahaa Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xayiraadda la saaray xildhibaanka, wuxuuna sheegay inay tahay arin halisteeda leh oo ku tumasho ah.

Sidoo kale wuxuu ka digay hanjabaadyo uu sheegay inay ka imaanayaan dhanka madaxweynaha, isaga oo ku macneeyay ku takrifal awoodeed iyo kalitalisnimo.

“Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda” ayuu yiri warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan canbaaraynayaa safarka ay maanta hay’adda amniga kaga xanibtay xildhibaan Maxamad Sheikh C/llaahi (Ciro) oo u safrayey magaalada Baydhabo. Waa xildhibaankii labaad oo safar loo diido.

Xorriyadda safarka waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka, kumana sii jiro xildhibaan xasaanad leh.

Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka xuquuqda muwaadinka, kana fogaadaan ficilka gurracan ee bulshada kala fogaynaya.

Xogta heshiis xasaasi ah oo maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

0

Ankara (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo xarunta warbixinadda maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Ankara ku kala saxiixday heshiis is-faham oo muhiim ah.

Heshiiskan ayaa ku qotoma wada-shaqeyn dhex-mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal, kaas oo looga gol leeyahay adkeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada-shaqeynta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ay maanta saxiixdeen labada dhinac ayaa sidoo kale mid la iskaga kaashanayo ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).

Unugyada sirdoonka maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falan-qeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal.

Sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta warbixinadda maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Fadxudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.




Talyaaniga oo hakiyay fiisihii laga qaadan jiray safaarada uu ku leeyahay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa joojisay fiisaha Schengen ee laga bixin jiray safaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Go’aanka hakinta fiisaha oo ah mid si deg-deg ah u dhaqan-galaya ayaa wuxuu si weyn u saameynaya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo markii hore ku tiirsanaa safaaradda Muqdisho, si ay u helaan dal-ku-galka Schengen ee ay ku tegi karaan Talyaaniga iyo dalalka kale.

Safaaradda ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X, ee horey loo yaqaanno Twitter in la hakiyay dhammaan codsiyadii ay soo gudbisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

“Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyada ay qabato safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh safaaradda Talyaaniga ee Nairobi,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaraddu ma shaacin sababaha loo hakiyay bixinta fiisahan, iyadoo aan la ogeyn goorta iyo haddii ay dib u bilaaban doonaan adeegyadii fiisaha ee safaaradda Muqdisho.

Talyaaniga ayaa ahaa dalka kaliya ee Yurub ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ogolaaday inay si toos ah Muqdisho uga dalbadaan fiisaha Schengen.

Hakintan ayaa noqon doonta caqabad weyn oo soo food saartay ardayda, ganacsatada iyo qoysaska booqanaya Yurub, maadaama dal ku-galka Schengen uu fududeeyo isu-socodka 27 waddan oo Yurub ah, wuxuuna doorka Talyaanigu ku leeyahay bixinta adeeggan u ahaa Soomaalida mid aad muhiim u ah.

Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageero u muujiyay Waare kadib markii…

0

Garoowe (Caasimada Online)  – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan si weyn loogu dhaleeceeyay khudbad uu ka jeediyay magaalada Garoowe, taas oo uu uga hadlay xiisadda u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar.

Madaxweyne Saciid Deni oo hadal ka jeediyay Garoowe ayaa taageeray Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna sheegay inuu ku raacsan yahay hadalka uu yiri ee ka dhanka ah imaatinka Masar.

“Inkastoo dhaliilo badan uu la kulmay Waare warkiisii, laakiin aniga waan ku waafaqsanahay waa xaqiiqo jirto in meeshaas ay wax ku socdaan” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Hadalka marka uu qofka adeegsanaayo ma’aha maanta, beri iyo saa dambe ayay dhaceysaa laakiin saa-saanka ay hadda wax ku socdaan haddii lagu sii eegto oo ayaamo sii socdaan 10  sano ee soo socdo xaalka sidaan waa ka duwanaanaa”.

Waare oo ka qayb-galayay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa dhowaan si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya.

“Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?. Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?” ayuu horay u yiri Maxamed Waare.

Dhankiisa waxaa isna soo hadlay wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo u caqli celiyay Waare, wuxuuna kula taliyay kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD.

“Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon. Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah” ayuu isaguna yiri wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar.

Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Asad Diyaano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.

Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa

Sidoo kale Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa.

Si kastaba, haddii lagu dhawaaqo magacaabista Asad Diyaano ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo hadda ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu wadahadal ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne DENI oo isku diyaariyay dagaal cusub iyo halka uu ku wajahan yahay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo Talaadadii booqday xarunta taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa sheegay in Puntland ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada.

Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan kuwa Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan guluf ka dhan ah Al-Shabaabka iyo Daacishta ku sugan dhulka buuraha ee gobollada Sanaag iyo Bari ee maamulkaasi, si halkaasi looga saaro.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray ciidamada uu la kulmay inay isku diyaariyaan howlgallada cusub ee ka bilaabanayaan gobolladaasi oo ay ka qayb-geli doonaan.

Saciid Deni ayaa wacad ku maray in halka ay ku dhuumaleysanayaan kooxaha argagixisada ay uga daba tegi doonaan, isla markaana ay ka saari doonaan buuraha hoostooda.

“Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaya buuraha ciidamada Puntland” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Puntland ayaa marar badan dhulka buuraleyda ah ee maamulkaasi kula dagaalantay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo weli ay ku sugan yihiin halkaasi.

Dagaalka tooska ah marka laga tego waxaa barbar socda howlgallo gaar ah oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyaan magaalooyinka waa wayn, kuwaas oo lagu soo qabtay shabakado isku xiran oo ugu dambeyn lagu xukumay dil, kadibna la toogtay.

Xildhibaan maanta loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa saaka lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo doonayay inuu gaaro Baydhaba.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ayaa lasoo warriyay inay is-hortaag ku sameeyeen safarka xildhibaanka, waxaana laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa.

Xildhibaanka ay arrintan saameysay oo ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in laga baajiyay safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay oo ah deegaan doorashadiisa.

Ciirow ayaa si weyn u eedeeyay hoggaanka NISA ee jooga garoonka, isagoo uu tilmaamay inay ka dambeeyeen in laga hor istaago inuu raaco diyaaraddii ku socotay Baydhaba.

Horay sidaan oo kale waxaa iyadana loogu diiday inay Baydhaba aado Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle, inkastoo maalmo kadib loo ogolaaday inay tegto Koonfur Galbeed oo si weyn loo soo dhaweeyay markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud.

Arrimahan ayaa la xiriirinayaa xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya, walow uu jiro heshiis hordhac ah oo ay labada dhinac ka gaareen khilaafka dhexdooda ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan safarka xildhibaannada lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xiisadda ka dhex aloolsan labada dhinac waxa ay timid markii uu maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan arrinta Itoobiya oo dowladdu rabto inay gebi ahaan ka baxdo dalka, laguna beddalo ciidan kumaan kun ah oo ka imaanaya Masar.

Xamza oo Midowga Yurub kala hadlay xiisadda Geeska Afrika

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

Xamza iyo Annette Weber ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin  xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xiisadda ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan caqabadaha haatan soo wajahay oo ay ugu horreyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qayb ka ah shirar xasaasi ah oo uu haatan ra’iisul wasaare Xamza ka wado xarunta QM ee New York oo uu kaga qayb-galayo shirka Golaha loo dhan yahay.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Afrika oo dalab xasaasi ah geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey

0

New York (Caasimada Online) – Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Baaqyadaas ayaa lagu dalbanayaa in isbedel deg deg ah lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana talada wax laga siiyo madaxda dalalka Afrika.

Afrika ayaa muddo dheer ku baaqeysay in matalaad joogto ah ay ka hesho golaha ammaanka ee ugu sarreeya adduunka.

Wasiirka gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa sheegay in dib u habeyntu ay kor u qaadi doonto ka qayb galka iyo qotodheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Horay madax badan oo Afrikaan ayaa sidaan oo kale dalabkaan culus ugu soo bandhigtay shirarka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, balse dheg jalaq looma siin.

Shirka lagu soo bandhigay dalabkaan hadal-heynta abuuray waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jeediyey khudbad dheer, inkastoo uusan ka hadlin arrintaan ay Afrika dalbaneyso.

Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa Soomaaliya ka socda ayaa weli ku sugan New York, halkaas oo kulamo doceedyo uu la qaadanayo madaxda caalamka uu ka wado, taasi oo fursad weyn u ah Soomaaliya oo dunida ka gadeysa qorshaheeda diblomaasiyadeed ee damaca Itoobiya.

Itoobiya oo Mareykanka u gudbisay dalab ka dhan ah go’aanka DF Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa qaaday tallaabo horleh oo ku aadan damaceeda ku aadan in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee hoostaga Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassi oo la kulmay Catherine Molly Phee, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado bixista ATMIS oo ay qayb ka yihiin ciidamadooda oo haatan ka howlgala gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Taye Atske-Selassi ayaa soo jeediyay in laga fiirsado ka hor inta aan la go’aamin bixista ciidamada ATMIS oo ka socda dhowr dal Afrikaan ah, kuwaas 15 sano ka badan jooga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la tixgelinayo dadaallada joogtada ah ee ciidamada Itoobiya ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, isaga oo xusay in door muuqdo ka qaateen howlgallada ka socda gudaha Soomaaliya.

Wasiirka oo ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xusay inay isla garteen in lasii wado dadaallada socda ee ku aadan soo afjaridda kooxaha argagixisada ah oo loo arko inay halis ku yihiin amniga gobolka.

“Labadeenaba waxaan xaqiijinay muhiimada ay leedahay sii wadida dadaalkayaga ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dhismaha nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo la filayo in dhammaadka sanadkan ciidamada ATMIS ay isaga baxaan guud ahaan dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay qorsheysay howlgal kale oo beddalaya, kaas oo ay kamid noqonayaan ciidamo ka socda Masar, taas oo ay diidan tahay dowladda Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Kadib hadalkii Saciid Deni, Puntland oo shaacisay nooca wada-hadal oo ay dooneyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa mar kale ku celiyey in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal ay la galaan dowladda federalka ka dib wada shaqaynta labada dhinac oo gaartay heer xun. 

Wadahalka ayuu Madaxweyne Deni sheegay inuu noqonayo mid ah madal furan oo lagu garnaqsado ayna doonayaan inay cid walba ka qayb galaan. 

Hadalkaas ayuu ka sheegay xilli uu kulan casho la yeeshay ergooyin kala duwan oo maalmahan Garoowe kaga qeyb galayey shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato xarunta cilmi-baarista ee PDRC. 

Maamulka Puntland ayaa horraan u sheegay inay gooyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen dowladda federalka markii barlamaanka Soomaaliya isbeddello ku sameeyey qaar ka mida qodobbada dastuurka.

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan oo isbaddel ka muuqdo Madaxweyne Deni. 

“Waxaad mooddaa in wax badan oo is biirsaday ay arrintan keentay marka ugu horreysa waxa weeye dhammaan reer Puntland ha ahaato ama Soomaali fara badan ha ahaato ama beesha caalamka ha noqoto, waa qasab baad mooddaa aragtida dhisantay shirar badanuu Deni galay tallooyinku ma yara waxay maraysaa ummadda Soomaaliyeed maanta mowqif loo baahan yahay in wax badan la xeeriyo Soomaaliya marxaladda ay ku jirto inay qayb ka tahay arrintan in maanta Deni yiraahdo in meel fagaare kula hadlo madaxda heshiisna uu ku baaqo,” ayuu yiri Gurey.  

Muxuu wadahadalkani kaga duwan kuwii hore?

Sida uu sheegay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur, wadahadalka ayaa ah mid ay Puntland doonayso in gole furan ay ku garnaqsadaan balse ay horreyba u sheeegeen inay wada hadal diyaar u yihiin. 

“Dadka Puntland iyo mamaulkooda oo madaxwyenuhu ugu horreeyo waxay marwalba diyaar u ahaayeen taarikhiyan isku soo dhawaansha, danta dadka Soomaaliyeed oo meel looga soo wada jeensado gaar ahaan xilliyada ad-adag. Ayay haddana diyaar u tahay inay gogoshaas fidiso oo aayaha dalka la wada tashado,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax.

Mar la waydiisay cida ka qayb galaysa wadahadalan ay ku baaqeen Puntland iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwii la midka ahaa ee horrey madaxdoodu u sheegay inay wadahalo diyaar u yihiin.

“Waxa cusub waa in ummadda Soomaaliyeed uu u soo bandhigay oo yiri dadka Soomaaliyeed qayb ha ka qaateen aqoonyahanka, siyaasiyiinta, u dhaqdhaqayaasha, culimada, ganacstada Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu hadda u soo bandhigay inay gacanta la galaan,” ayuu intaa ku daray Cabdifitaax.

Balse Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo horreyna murashax madaxweyne Puntland soo noqday ayaa qaba in culaysyada waxgaradka gudaha ee Puntland iyo beesha caalamka ay halkan soo gaarsiiyeen wax badan.

Mar la weydiiyey wasiiru dowlaha golaha ay doonayaan in lagu wada hadlo cida ka garnaqaysa kuwa ay yihiin Soomaali iyo shisheeya ayuu yiri, “waa arrin farsamo marka wada xaajood la samaynayo laakiin hadda ka hor dhacayo waxa waa iska farsamo. Laakiin mabda’u waa wadahadalkii diyaar loo yahay.” 

Puntland ayaan ka qayb galin dhowrkii shir ee ay yeesheen madaxda wadatashiga Qaran oo ka dhacay Muqdisho, sababta madashaas ay ugu garnaqsan waayeen la weydiiyey wasiiru dowlada Madaxtoyada Puntland Cabdifitaax wuxuu sheegay “inaysan jirin wax la taaban karo oo ka soo baxay.” 

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Garoowe gaaryey wufuud ka kala socota beesha caalamka oo kulamo la qaadanayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. 

Sida uu qabo Dr. Gurey, waxaa suura gal ah in kulamadaasi ay wax ku biiriyeen in Puntland ka soo dhawaato sidii hore. 

Puntland iyo dowladda federalka ayaa xiriirkoodu xumaaday bilo uun ka dib mudda-xileedkeeda. 

Qaraxyo lagu diyaariyay duleedka Kismaayo oo laga hortegay, kadib markii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen aagga tuulada Laagta Caanoole oo ay moonooyin ku aaseen xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay oo ka baxay Buulo-Xaaji ayaa sheegay inay ka war heleen qaraxyadaasi kadibna ay ku guuleysteen inay ka saaraan waddada, ayna qarxiyaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa qaraxyadaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka iyo ciidamada isticmaala halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay lagu jabiyay maleeshiyaadka, kadib dagaallo ay la galeen ciidanka Jubbaland.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.