26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Rejada wada-hadallo toos ah oo dhex-mara Somalia iyo Ethiopia oo god kusii dhaceysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinayay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha labada dal ayaa u muuqda mid ku guul-darraystay in wada-hadal toos ah isugu keeno madaxda labada dhinac, oo iyagu marba marka ka dambeysa xoog usii kala fogaanaya.

R/W Xamza iyo Joe Biden oo kulmay iyo arrimo xasaasi ah oo looga hadlay

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden.

Kulanka labada masuul oo dhacay intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo doceedyo muhiim ah oo ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee QM uu ka wado halkaasi, kuwaas oo uu la yeelanayay saacadihii u dambeeyay madaxda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay madax uu kamid yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan iyo madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman, oo iyaguna qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa golaha guud ee QM.

Si kastaba, kulamadan ayaa xooga saareeyay sare u qaadida xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalkaasi iyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada oo ay haatan dadaal badan gelinayso dowladda.

Al-Siisi oo ku dhowaaqay arrin culus oo ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya, isaggoo ku dhowaaqay inay la dagaal galayaan haddii loo baahdo, xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Al-Siisi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta, sidaas darteedna aysan aqbaleyn in loo hanjabo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay “difaac wadareed” sida ku cad axdiga Jaamacadda Carabta.

 “Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doono inuu qofna u hanjabo Soomaaliya. Masar waxay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi, oo xaqiijiyay in diyaar u yihiin haddii Soomaaliya ka codsato taageerada difaaca qaranimadeeda.

Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo saameyn xooggann ku yeelatay gobolka kadib markii Masar ay Xamar kasoo dejisay hub iyo qalab milateri oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya oo horey walaac uga muujisay imaatinka Masar ee Muqdisho ayaa ku andacootay in hubka ay Qaahir soo daabuleyso uu halis gelin karo ammaanka gobolka.

Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hubka iyo saanada ciidan ee lasoo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya ayey Masar ku sheegtay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, kadib markii labada dhinac ay gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

Mid kamid ah raggii 5 milyan ka qaatay markabkii MV Abdullah oo la qabtay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mid kamid ah burcad badeeddii kal horey qabsatay markabkii MV Abdullah ayaa la qabtay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Puntland.

Markabkan oo lagu sii daayey madax furasho gaareysa illaa 5 milyan oo dollar, ayey muddooyinkii dambe laamaha amniga ku daba jireen xubnihii burcad badeedka ahaa ee markabkaasi qabsaday.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in howl-gal ay aroornimadii hore ee saaka si wadajir ah u fuliyeen ciidanka booliska iyo kuwa PMPF oo ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagu soo qabtay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

“Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay deebaha dhaca degmada Eyl iyo deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo badwabka deegaankaba.”

Markabka MV Abdullah oo la afduubay bartamihii bisha March ee sanadkaan ayaa madax furasho lagu sii dayay 13-kii April kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 milyan oo dollar.

Burcad baddeeda markabka gacanta ku hayey ayaa horey laamaha amniga ugu sheegeen ilaa afar nin, kuwaas oo markabka ka soo qafaashay biyaha caalamiga.

Burcad baddeeda Soomaalida ayaa dib u soo celiyey weeraroodii dhammaadka sanadkii 2023-kii, markaas oo ay afduuben doon laga leeyahay dalka Iiran oo markii danbe ay soo furteen ciidamada badda ee Hindiya.

Si kastaba, xooggaysiga weerarada burcad baddeeda ayaa bilowday markii ay korortay xiisadda ka taagan badda cas oo ay kooxaha Xuutiyiinta Yemen weerar ku qadeen maraakiib ganacsi oo gooshaysay marin biyoodkaas muhiimka ah.

SOOMAALIYA oo gaartay guul kale oo weyn

0

Istanbul (Caasimada Online) — Waxaa si guul ah ku soo gaba-gaboobay dib-u-eegistii 2-aad ee barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF ee dib-u-habaynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa intii uu socday kulankan dib-u-eegista ah diiradda lagu saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee maaliyadda iyo dhaqaalaha xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Sadaxda sano ee soo socota halka la filayo in uu ahaado tiigsiga Dowladda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo xiritaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka rowladdu ay la lee dahay Hey’adda IMF.

Yoolasha la gaaray ayaa waxaa kamid ah sida uu tilmaamay wasiirku, dakhliga dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaamkaanka uruurinta, maareynta maamulka kharashaadka dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda maaliyadda.

Sidoo kale Bangiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay siyaasadaha iyo shuruucda bangiga.

Waxaa kale ee uu xusay wasiirka maaliyadda in dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha isbedelka qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay xukumaddu in ay soo dhameystirto.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda XFS ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorshaynta, wasaaradda batroolka, wasaaradda cadaaladda, bangiga dhexe ee Soomaaliya, xafiiska xisaabiyaha guud, xarunta warbixinada maaliyadda, lataliye-yaasha dhaqaalaha ee xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sababta ay ITOOBIYA dhiillo ugu aragto isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah.

Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar, taasoo muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono.

Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka”.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah.

Maxay Itoobiya iyo Soomaaliya isku khilaafsan yihiin

Dhammaan xiisadahan waxa ay ku soo aadayaan ka dib hamiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo doonaya in dalkiisa oo aan bad laheyn uu yeesho deked. Itoobiya waxay lumisay marinkii badda markii ay Eritrea ka go’day horraantii sagaashamaadkii.

Maalintii sannadka cusub ugu horraysay, Abiy Axmed waxa uu jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland la saxiixday heshiis ay Itoobiya ku helayso 20-km (12-mile) oo xeebteeda ka mid ah muddo 50 sano ah si ay saldhig ciidan uga samaysato.

Waxa kale oo meesha ku jira in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland oo ay Somaliland lafteedu dabada ka riixayso.

Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, laakin xukuumadda Muqdisho waxa ay leedahay weli waa dhulkeeda, waxayna heshiiskaas ku tilmaantay fal gardarro ah.

Isku daygii ilaa hadda la isku dayey in xiisadda lagu qaboojiyo oo uu Turkigu waday waa lagu guul-darraystay.

Maxay Itoobiya uga xun tahay fal-celinta Soomaaliya

Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota.

Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo ka dib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya”.

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo.

Si kastaba, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa markii horeba la tacaalayeen colaadaha gudaha dalalkooda ka jira, Itoobiya oo dagaallo jabhadeed ka jiraan gobollada qaar iyo Soomaaliya, oo ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo socday 30 sano, haddana waxaa weli socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khubarada ayaa sheegaya in midkoodna uusan awood u yeelan karin dagaal kale iyo qalalaase.

Isha: BBC

Xasan ma wuxuu xiray albaabkii wada-hadalka Puntland kadib tallaabada uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada-hadal, ayaa Villa Somalia oo aan wax jawaab ah ka bixin waxay qaaday tallaabooyin is xig-xiga.

Villa Somalia ayaa tan iyo markaas magacowday xubno ka tirsan mucaaradka Saciid Deni, kuwaasi oo si weyn isku hayeen muddooyinkii dambe, taas oo ay ugu dambeysay magacaabista Jeneraal Asad Diyaano.

Saciid Deni ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo dowladda federaalka Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe uu kala dhaxeeyay khilaaf xooggan.

Dadka qaar ayaa ku fasiray tallaabooyinkan in .adaxweyne Xasan Sheekh uu xiray irdaha wada xaajoodka, halka dhinacyo kale ay ku macneeyeen inuu Xasan Sheekh meeleeyo mucaaradka Deni ka hor inta aan wada-adalka bilaabmin.

Dhinaca kale, safarka dorraad loo diiday Xildhibaan Cirro oo kamid ah xildhibaanada ku dhow Madaxweyne Lafta-gareen ayaa muujinaysa in waanwaantii laga dhex waday labada dhinac aysan miradhal ahayn.

Waxaa muuqata in siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan maamul goboleedyada aysan col iyo nabad toona ahayn, wuxuuse madaxweynaha saamaynta siyaasad sumad la’aanta ah guran doonaa markasta oo maalmaha muddo xileedkiisu is guraan.

Si kastaba, tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Xasan kadib dhawaaqii kasoo yeeray Saciid Deni ayaa u muuqda kuwo markale sii fogeyn kara in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Putin oo digniin kama dambeys ah siiyay Mareykanka iyo xulafadiisa – Maxa soo kordhay?

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagan tahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday.

Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn.

Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus.

Maxaa kasoo baxay kulamada uu ra’iisul wasaare Xamza ka wado New York? + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi ka wada kulamo doceedyo uu la yeelanayo madaxda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiiru-dowlaha ayaa ka wada-hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulan doceed kale oo isla maanta la yeeshay madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman, oo qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa golaha guud ee QM.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Labada masuul ayaa kulankooda si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaare Xamza oo hadda intii ku sugnaa New York kulamo doceedyo kala duwan la qaatay madax dhowr ah ayaa xooga saareeyay sare u qaadida xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalkaasi iyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada.

DF oo ku dhowaaqday inay joojisay tartankii shirkadaha adeegga Xajka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ayaa soo saaray go’aan ku aadan in sanadkan aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha bixiya adeegga xajka oo kuwa diyaaradaha qaada xujeyda ay ugu horeeyaan.

Guddoga ayaa sababa ku sheegay in isbedel uu ku yimid jadwalka Xajka oo ay soo saartay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyagoo sheegay in adeegga xajka ay qaba doonaan shirkadihii shaqeeyay sanadkaan 2024, iyadoo aan lala tartamin.

Hoos ka akhriso qodobada go’aanka:

Guddiga adeegga xajka sanadka 1446/2025 oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, isla markaana tixgelinaya koobnaanta waqtiga yo isbeddalka ku yimid Jadwalka xajka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo gudbisay, wuxuu la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed ee xajka daneyneysa qodobadaan:

1. In sanadkan 1446/2025 aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha adeegga xajka.

2. Waxaa sanadkan adeegga xajka fulin doona shirkadihii kusoo baxay tartankii la qabtay sanadkii 1445/2024, marka laga reebo shirkadaha ku guul darraystay u adeegidda xaajiga Soomaaliyeed iyo fulinta heshiiskii shaqo ee ay la galeen Wasaaradda Awgaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya.

3. Guddigu wuxuu farayaa shirkadihii fuliyay adeegga xajka sanadkii 1445/2024, in ay faylashooda u gudbiyaan, waada Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, laga billabo Sabti 28. 9. 2024 ilaa 29. 9. 2024.

4. Ugu dambayn guddigu wuxuu go’aamiyay in tartanka furan ee shirkadaha adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sanadka  1447/2026, la gaban doono Maarso 2025.

Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan balaaran isugu yeeray dhalinyarada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo warbixin ka siiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa dhalinyarada uu qaabilay la wadaagay xaaladda guud ee dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu  ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada ka dhageystay aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay dhalinyarada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.

Dhalinyarada ayaa madaxweynaha u gudbisay talooyin badan, iyagoo uga warbixiyey duruufaha ka qarsoon madaxda ee dalka ka jira iyo sida ay ku haboontahay in loo xaliyo, sidoo kale waxay madaxweynaha ku dhiirigeliyeen guulaha ay xaqiijisay dowladooda.

Daawo: Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ee dariiqooyinka Suufiyada iyo Waabiyada ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay inay midoobeen.

Culumada labada dhinac ayaa warbaahinta la hadashay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana arrintaan garwadeen ka ah wasaaradda diinta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Ibraahim Nadaara oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, jecelna diinta Islaamka, culimadooda oo midoowda waxay ka dhigan tahay shacabka oo midooba.”

Culimadii kulanka ka hadashay waxaa kamid ahaa Sheekh Aadan Sugoow oo ka tirsan culimada dariiqada ee Suufiyada wuxuuna yiri “Waxaa farxad noo ah in culumadu ay dhaqangeliyaan midnimadooda Sheekh Aadan Sugoow, arrintaan waa guul dalkeenna u soo hoyatay oo dowladda aan ku garab istaagi karno.”

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa kamid ah culimada galabta ka hadashay kulanka ay ku midoobeen culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha ay ka doodeen iyo waxa ay isku raaceen.

“Waxaan ku heshiinay in mar dambe aan la is gaaleysiin oo aan la isku xadgudbin, dadka aan ceebahooda la raadraadin, qolo kastana fikirkeeda lagu ixtiraamo, culimadu markii ay midowdo, in dowladda ay garab istaagi karaan ayaan xaqiiqsanay,” ayuu yiri  Cali Wajiis.

Sheekh Cali oo sii hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in la midoobo oo la sameysto gole guud oo loo dhanyahay, waxaa naga go’an in dowladda aan ku garab istaagno difaaca qaranka.”

Hoos ka daawo

Soomaaliya oo dalab deg deg ah u dirtay caalamka – Muxuu yahay?

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday in si deg deg ah looga taageero wax ka qabashada xaalado adag oo wajahayaan ku dhowaad 4 milyan oo qof oo Soomaali ah.

Soomaaliya ayaa baaqan caalamka ugu dirtay shir heerkiisu sareeyo oo ka dhacay magaalada New York, kaasi oo looga hadlayay qaxootiga u barakacay isbedelka cimilada, iyadoo ay ka soo qayb-galeen madax iyo wakiilo caalami ah.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkan, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada.

Wasiirka ayaa tilmaantay in 4 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku barakaceen, iyagoo wajahaya xaalado adag oo ay keeneen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii aan si degdeg ah loo wajihin, tirada dadka barakacaya ay kor u dhaafi doonaan 7 milyan oo qof sanadka 2050.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan mashaariicda gacan weyn ka geysanaya la tacaalidda caqabadaha isbedelka cimilada.

Waxaa la wada dareensan yahay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto iskaashiga caalamiga ah, si loo xoojiyo ka jawaabidda dhibaatooyinka cimilada, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameysay cimiladu.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku adkaysatay in la sii wado wada shaqeynta caalamiga ah si loogu diyaar garoobo natiijooyinka laga filayo shirarka waaweyn ee soo socda ee COP29.

SOOL xaggeed geysay? – Saameynta heesaha iyo guuxa doorashada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa 48 saac ee u dambeeyay sare u kacay xamaasada ololaha doorashooyinka Somaliland, ayada oo ay iska soo daba dhacayeen heeso lagu dhaliilayo maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Heesahan oo badankood ay qaadeen fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska, oo ay si weyn isku seegeen maamulka Biixi, ayaa waxay si qayaxan ula hadlaysaa madaxweynaha markale u tartamaya in la doorto.

Heestan oo ay qaadeen hobollo kamid ah koox-faneedka ugu caansan deegaanada Soomaalida ee Xiddigaha Geeska ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaysa inuu dagaalkii Sool ku fashilmay, midnimadii Somaliland uu dhantaalay.

Bal aynu isdul taano waxaa ereyado kamid ah luuqda heestan oo odhaneysa “Doorkii horaan siganay, oo sahan la’aan guurnay, maantana ku socon meyno, Soomaaliland baa leh. Sowtaan kuu dhiibnay, qaran saanad iyo xoog leh oo suga xuduuddisa, Somaliland oo dhan, dadku samo ku naalloodo, nabad iyo midnimo suuban.”

Sidoo kale waxay odhanayaan miraha heesta ugu kulul ee xaraarada u yeeshay ololaha doorashada Somaliland, “Seeskii cigaal taagay, Daahir iyo Siilaanyo sare beey u qaadeene, adigana sided yeeshay?. Sool bari xaggeed geysay. Saxanow difaac qaran waa sidee? Ma sideetan iyo boqol mayl, xadkii dib u soo baxbaa? Maya waa si kale! Ma saraakiishii iyo ciidankii oo jeel ku jira ii sacab tumaa?.”

Ereyadaas waa qayb kamid ah heesta saacadihii ugu dambeysay hareysay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo murtiyeeysan.

Eedaha ay heestan sida weyn u baahday ay u saarineyso Biixi ayaa loo arkaa kuwa saameyn ku yeelan kara doorashada soo socota ee uu markale u tartamayo Muuse Biixi, maadaama ay yihiin eedo siyaasadeed oo culeyskooda leh.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla muddadaas 48-ka saac ah ay soo baxeen illaa saddex hees oo kale oo si cad u dhaliilaya maamulka Muuse Biixi, kuwaas oo shacabka ugu yeeraya inay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u codeeyaan.

Heesahaan ayaa badankooda waxay ka siman inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi.

Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan.

Waa kuma Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Saciid Deni ee la magacaabay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Shrika wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF.

Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada.

Jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ayaa ku biiray Golaha Wasiirada isagoo loo magacaabay wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Jeneral Asad Diyaano, ayaa laba jeer oo kala ahaa sanadihii 2019 iyo 2024 u tartamay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, labadaas jeerba wuxuu la tartamayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano?

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya siddeetanmeeyadii, xilligaas uu dhalanayey Asad, aabbihii Jeneraal Cismaan Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii SSDF ee fadhigeedu ahaa dalka Itoobiya.

Waxbarashadiisa hoose wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho halka waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhammaystay magaalada Boosaaaso ee Puntland.

Waxbarashadiisa heerka jaamacadeed waxa uu ku soo qaatay Jaamacadda Osmania ee dalka Hindiya.

Maaddaama aabbihiis uu ka mid ahaa ciidamada uuna madax ka ahaa Hay’adda PSF, Jeneraal Asad wuxuu ka mid noqday ciidamadaas. Agaasimaha guud ee Ciidamada PSF, ayaa loo magacaabay intii Puntland xukumayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo xilkaas hayey ilaa sanadkii 2018-kii basle ilaa 2007-dii ayuu ka mid ahaa ciidamada PSF.

Waayo-aragnimadiisa ayaa u badan dhanka ammaanka isagoo muddo 14 sano ka shaqaynayey arrimaha ciidamada.

Waxaa kale oo uu soo noqday la taliye sare oo dhanka ammaanka ah ee Puntland.

Asad, wuxuu hoggaaminayey ciidamad PSF, xilli Puntland ay dagaallo ba’an kula jirtay ururka al-Shabaab oo xoog ku lahaa buuraha Calmadow ee teedsan gobollada Bari iyo Sanaag.

Ciidamada PSF, ayaa sidoo kale xilligii uu hoggaaminayey waxay dagaallo la gashay dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab oo ciidamada Puntland ay kula dagaallameen xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Ninkan horrey looma aqaan wajigiisa intii uu hoggaaminayey ha’ayadda PSF oo uu taageero Maraykanku balse wuxuu ka soo muuqday warbaahinta sanadkii 2018-kii markaas oo ku dhawaaqay inuu u taagay yahay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday sanadkii 2019-kii.

Asad, wuxuu doorashadaas lahaa saamayn weyn ka dib markii laba cod uu kaga adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni.

Muddo xileedkii Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa mucaaradkii xukuuumada markii danbe oo Puntland laga hirgaliyey nidaamka doorasho qof iyo cod ah, Jeneral Asad Diyaano wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo asaasayashii Xisbiga Mideeye oo ka mida kuwa ugu tunka weyn ee galay doorashadaas.

Sanadkii 2024-tii wuxuu sidoo kale mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, isagoo markaasna uu ka adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni balse doorashadan wax sidaasi u weyn kuma lahayn.

Dadka yaqaanna waxay tilmaamaan inuu yahay nin ad adag oo aamus badan.

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa muddo kooban ku sameeyey saamayn siyaasadded oo ballaaran waxaana lagu tilmaamaa inuu ku helay sidii mutuxnayd ee u mucaaraday xukuumada uu hoggaamiyo Siciid Cabdillaahi Deni ee Puntland oo kalkiisii labaad xukunka haya.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in magacabistiisu timid xilli xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federalka uu gaaray halkii ugu xumayd.

Isha: BBC

Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo Itoobiya ku eedeyay arrin halis ah oo ku saabsan inay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, sidoo kale ah la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha diinta ayaa si kulul uga hadlay xiisadda sii laba kacleyneysa ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cali Wajiis oo toos ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in hadalkiisa uu muujinayo inay wada-shaqeeyaan iyaga iyo kooxda Al-Shabaab.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu dhowaan yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Sheekha oo jawaab adag ka bixiyay hadalkan ayaa sheegay in Itoobiya iyo argagixisada ay iska war qabaan, ujeedkana uu yahay in la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

“Shalay waa dhageysaneyseen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya hubka dowladda Soomaaliya soo gadatay wuxuu yiri hubkaasi argagixisada ayuu aadayaa, halkaas waxaad ka gartaa in Itoobiya iyo argagixsada ay iska warqabaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay rabto in fasiraad qaldan ay ka bixiso hubka ay heshay dowladda dhexe, maadaama laga qaaday cunqabateyntii hubka.

“Wuxuu rabaa in dowladda Soomaaliya meesha ka baxdo, argagaxisadana uu cayiliyo, kadibna dacaayad u sameeyo, si uu u maqashiiyo caalamka, taas micnaheedu waxaa weeye waa wada shaqeeyaan”. ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in difaaca dalka ay ku garab siiyaan dowladda federaalka, si loo soo xiro xuduudaha dalka.

“In dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha lagu garab istaago dhammaan xuduudaha Soomaaliya lasoo xiro, qodobkaas waa qodob lagama maarmaan ah” ayuu raaciyay.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay dalacsiinta iyo magacaabista Jeneral Sulub

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay kadib markii  xil cusub iyo dalacsiin darajo uu isku helay taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Sulub Axmed Firin oo haatan lagu beddalay Asad Cusman Diyaano oo ay maanta magacaabiistiisa meel-mariyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Kahor inta aan xilka laga qaadin Sulub wuxuu madaxweynaha Soomaaliya u dallacsiiyay darajada Sarreeya Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa ninkan saacado uun kadib u magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si uu uga mid noqdo golihiisa wasiirada.

Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo hadda ra’iisul wasaaraha uu hiilo wayn siiyay taliyihii hore ee ciidamada Booliska.

Haddaba sidee looga falceliyay dallacsiinta iyo magacaabista Sulub?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna dadka hadlay ay ka bixiyeen fasiraado kala duwan.

Ayaanle Cabdullahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Soomaaliya ayaa laga helaa qof saacado kahor taliye ahaa saacado kadibna wasiir Ah”.

Cabdimahad Guure Barre ayaa yiri “Dalacsii oo xilka ka qaad, wasiir ku xigeenna ku abaal mari ayaa la yiraahdaa alaabtaan”.

Cabdicasiis Nuur “Xamza xariif waaye ina adeerkiisa wax la’aan ma dhigin saasaa laga rabaa nin waliba ninkiisa ha noleysto”.

Mustaf Aadan ayaa isna su’aal ka keenay “Saacad ka hor ciidan ayuu ahaa hadana wasiir maa ka dhigteen?”

Maxamed Cusmaan “Maanta generaal baa darajo garbaha loogu xirayay caawana wasiir gaadaid, markaan dowladnimadu wax miisaan iyo macno toona kuu lahayn”.

Cali Xasan Waare ayaa isaguna ku jawaabay “Dowlad nimada Soomaaliya waxay noqotay bariiskeyga meel ku sheeg”.

Soomaaliya oo su’aal gelisay in Abiy uu ka garaabi doono arrintii uu ku dhaqaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa eedeymo culus oo u jeediyay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay kala dhexeyso xiisad xoogan.

Fiqi ayaa marka hore ku eedeeyay Abiy inuu laayey dadkiisa, isla markanaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu laayay illaa hal milyan qof, sidoo kalena uu barakacayay 7 milyan oo kale.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hadda doonayo inuu dhibaatada usoo xawilo Soomaaliya, balse wuxuu kula taliyay inuu xisaabtamo.

“Dalkiisii isaga ayaa burburinaya dadkiisa malyan kamid ah ayuu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay 6 illaa 7 milyan dadkiisa ayuu qixinayaa dadkiisa ayuu maalin kasta diyaarado ku garaacayaa oo laynayaa  ninkaas sida qarda jeexa ah iyo xaaladdaas ku sugan in uu dhibaatadii dalkiisa uu ku abuuray uu raadsado xal kale oo uu Soomaaliya lasoo aado runtii isaga ayay tahay inuu kun jeer xisaabtamo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka oo soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa su’aal geliyay in ra’iisul wasaaraha Itoobya in uu ka garaabi doono qaladka uu galay iyo xadgudubka uu gaystay isaga oo lasoo xiriirayo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Aniga ma ii muuqato isagoo sidaas sameeyay una bareeray waxaas in uu inta qarda jeexaas kasoo jiireyso uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro iima muuqato dariiqaas” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxay ahayd inuu ka fakiro laba in aysan is qaban Karin dal aan nabadgelyadiisa ciidamada  ilaalinayo kamid ahay, isla markaana aan ku xad-gudbayaa madaxa bananaadiiisa”.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Anakara, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay adduunka tusisay inay xal diyaar u tahay, laakiin weli caqabadda ay ka jirto dhinaca waddanka Itoobiya.

“Shirarkaas isku day uunbey ahaayeen oo aan adduunka ugu muujineynay in aan diyaar u nahay iyada oo shaatigeenna nagula haysto in aan haddana diyaar u nahay dal walaalaheenna ah oo haddana Tukri ah ay iyagu aadeen Itoobiyaanka oo ay yiraahdeen na dhex-dhexaadiya” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacabista taliyaha cusub ee booliska Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib oo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha.

Taliyaha cusub ayaa sida aan horay idin-kula wadaagnay, kadib xog ay baahisay Caasimada Online waxaa loo magacaabay Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, kaas oo ay magacaabistiisa maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ansixinta kadib warbixinnno kala duwan laga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga.

Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalaya taliyihii hore ee ciidanka Booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya.

Sulub kahor inta aan xilka laga qaadin waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu usii dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu horay usii wado howsha Booliska oo ay ugu horreyso sugidda amniga caasimada Muqdisho.

Si kastaba, waxaa magacaabista Asad Diyaano kasii horreeyay tallaabo kale oo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu la-taliyeyaashiisa arrimaha dimuquraadiyadda iyo federaalka u kala magacaabay Axmed Jaamac Maxamed (Cillal) iyo Cabdisamad Maxamed Gallan oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland, kana mid ah mucaaradka madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

MADAALE oo wada isla xisaabtanka dakhliga Xamar – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dowladda hoose ee Xamar ka qabsoomay kulan isla xisaabtan ah, xilli uu guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir uu wado isla xisaabta maaliyadeed ee dakhliga kasoo xarooda caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulankan la qaatay agaasimeyaasha iyo howlwadeenada waaxyaha Dakhliyadda kala duwan ee dowladda hoose ee Xamar, ayaa sidoo kale waxa qeyb ka aheyd wacyigelin, si loo adkeeyo hufnaanta shaqo ee umadda u hayaan.

Agaasimaha diinta iyo awqaafta maamulka gobolka Banaadir Sheekh Cabdullaahi Garuun iyo Sheekh Cali-nuur Xoogsade oo kulanka ka hadlay ayaa diirada saaray qiimaha diinteena islaamka ay siisay maalka, dhowrista hantida, amaanada iyo xaaraantimeynta rashwada.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la-dagaalanka musuqa iyo dokumentiyada been abuurka uu sababay in kor loo qaado miisaaniyadda dowladda hoose, isla markaana lagu guuleystay in la dhowro xuquuqda shaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha si gaar ahh ugu mahad-celiyay howl-wadeenada waaxyaha dhakhliyada sida ay ugu qeyb qaateen kobaca dhaqaalada dowladda hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dardaarmay howl-wadeenada waaxyaha dakhliyadda kala duwan in ay ku dadaalaan Amaanada iyo ilaalinta hantida ummadda, asigoona ka digay in lagu xadgudubo dhakhaalaha laga soo qaado shacabka.

Qorshahan isla-xisaabtanka ee uu wado duqa Muqdisho ayaa durba horseeday kororka miisaaniyadda dowladda hoose, ayada oo ay meesha ka baxeen lacago la leexsan jiray, taas oo maamulka joogo uu ku tilmaamay mid bilow fiican u ah qorshahaan.