25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo dalka ku soo laabtay iyo qorshihiisa shirka Muqdisho

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhowr jeer dib u dhacay labadii billood ee la soo dhaafay ayaa la fillayaa in horaanta bisha October uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib howlo u gaar ah oo dalka dibaddiisa uga maqnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo maanta ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kala duwan.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo.

Madaxda dowladda federaalka ayaa juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa kamid ah madaxda diidan inay Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Ajendaha ugu weyn ee shirka lagu wado in madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay Muqdisho ku yeeshaan ayaa ah doorashooyinka iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xusid mudan in dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada uu muddo xileedkii ka dhamaaday.

 

Miski iyo Foos, gabdhihii safarka ahaa ee Muqdisho lagu dilay – Dhacdo xanuun badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Miski Xasan Dhicisow oo aheyd gabadha Taliyaha qeybta guud ee Booliska HirShabeelle iyo saaxiibteed Foos ayaa maanta kamid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii ay Shabaab ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Miski iyo Foos waxaa halkaas ku celisay qadarta Alle, waxaana sidii ay u geeriyoodeen ka warbixiyey wiilal ay qaraabo ahaayeen oo la socday gabdhahaas.

Waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo wadatay hal gaari, waxay istaageen banaanka maqaayadda Geeldoox oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga weyn ee Hooyooyinka, waxaana gaariga ka degay wiilashii oo maqaayadda qado u doontay.

Wiilashii oo hadda nool, kana badbaaday qaraxaas ayaa ka sheekeeyey qisadaan xanuunka badan, waxayna sheegeen in labada gabdhood ay diideen inay maqaayadda u raacaan oo lasoo qadeeyaan, waxayna ku hareen gaariga oo taagnaa banaanka maqaayadda, wadada dhinaceeda.

Mid kamid ah wiilasha ayaa u soo laabtay gabdhaha, isagoo u keenay cabitaan, balse waa ka diideen oo ma cabin, wiilkii ayaa ku laabtay maqaayadda si uu u soo qadeeyo, intaas kadib waxaa dhacay qaraxa oo ahaa mid gaari lagu soo raray.

Inkastoo nooca gaariga qarxay, in dhagarqabihii keenay uu saarnaa iyo inuu ka degay inta meesha dhigay aan weli si rasmi loo xaqiijin, hadana waxaa hubaal ah in qaraxa lagu soo raray gaari soo istaagay goobta, kaasi oo galaaftay noloshii Miski Dhicisow iyo saaxiibteed Foos, dhalinyaro ay ku jiraan.

Gabdhahaan ayaa gaariga laga soo dhex bixiyey iyagoo gubanaya, waxayna ku geeriyooday isla goobta, galabta ayaa meydkooda lagu soo aasay qabuuraha Muqdisho.

Miski Xasan Dhicisow, gabadha Taliyaha Booliska Soomaaliya ee deegaanada HirShabeelle waxaa naloo xaqiijiyey in berri ay u socotay dalka Turkiga, halkaas oo Jaamacad ay ka dhiganeysay.

Markii ay geeriyoodeen Miski iyo saaxiibteed, inta aysan musiibadu ku dhicin waxay soo salaameen Ayeeyadeed, Hooyada dhashay Taliye Xasan Dhicisow, waana soo macasalaameysay, maadaama berri ay Turkiga u socotay, balse waa Shahiiday waxaana dishay gacan ka xaq daran.

Dhacdooyinka noocaan ah iyo kuwo kasii xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo hadda la xakameeyey inta badan weerarradii Al-Shabaab, hadana khatar badan ayaa ka jirta caasimadda.

Daawo: Sufyaan Taakeeye oo ilmeeyay kadib xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isaga oo usoo gacan galay hay’adda NISA.

Ninkan oo muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maxkamadeyntiisu waxa ay soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday maxkamadda sare ee ciidamada oo iyada leh go’aanka u dambeeyay.

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda usoo bandhigtay eedaha loo haysto ninkan, waxaana kamid ah inuu si toos ah u taageeray kooxda Al-Shabaab, kadib wareysiyo iyo muuqaallo kala duwan oo uu ku baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay kiis kale oo ah inuu ku xadgudbay calanka, astaanta qaranka, iyo inuu gaallo ku tilmaamay dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa isaga oo ilmeynayo hadalka qaatay Sufyaan Taakeeye oo ku dooday in aanu weligiisa taageerin Al-Shabaab, sidoo kale aanu ahayn nin dadka gaaleysiiya.

“Aniga Sufyaan Sheekh haddii aan ahay Shabaab ma taageersani, waligeyna xiriir lama yeelan, sidoo kale ma ihi nin takfiiri ah, mana ahi nin raba inuu waddankiisa burburiyo” ayuu yiri Sufyaan Taakeeye.

Ugu dambeyn maxkamadda sare ee ciidamada ayaa ku dhowaaqday in Sufyaan Taakeeye lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay guddoomiye Liibaan Cali Yarow.

Xildhibaanno ka horyimid mooshinka ka dhanka ah Fiqi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinka maanta laga gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Illaa 90 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo loo gudbiyay guddoonka sare, waxaana ujeedkiisa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax oo isna qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Xildhibaannada mooshinka keenay inay xeeriyaan waayaha iyo duruufaha diblomaasiyadda ee dalka, lana tixgeliyo dagaalka diblomaasiyadda ee uu hormuudka u yahay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Aragtiday ku aadan motion ka Wasiirka Arimaha Debedda Mudane Ahmed Moalim Fiqi

Waxaan aaminsanahay in ay shaqo weyn inoo hayaan saraakiisha addeega dibedda uu hormuud u yahay Wasiirka Arimaha Dibedda.

Waxaan qabaa iyada oo la xeerinaayo waayaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna, lana tix galinaayo dadaalka diplomacy ee dalka lagu difaacayo oo maanta maraya isgoys adag, in ay culays weyn nagu tahay, in khakhal la galiyo hogaanka diplomacy yadda dalka, iyada oo aan ogsoonahay sida qalloocan oo cadawgu u adeegsan karo, iyo dacaayadaha qaawan ee hadeerba ay wadaan.

Waxaan aaminsanahay in gacmo geel-jire, hoos loo dhaqi karo, lagana maarmo motion aan xeerineyn duruufaha iyo waayaha uu dalku ku jiro.

Waxaan qabaa in Wasiiro badan oo ay tahay in xilka laga xayuubiyaa ay jiraan. Wasiiro galay heshiisyo aan la garanayn waxa ku qoran, diidanna in baarlamaanka ay keenaan. Waxaa jiro heshiisyo dheef wadaag oo IMF iyo cid walba shardi ka dhigtay in la baahiyo oo la aaminsanyahay dalka in aan wax dan ah ugu jirin wasiiro galay oo u baahan isla xisaabtan.

Waxaa jira wasiiro dibindaabyeeya mashaariicda loogu dhiibay shacabkooda, qaybo ka mid ahna cunna qabateeya. Intaas iyo ka badan oo jira oo mudnaan isla xisaabtan leh, waxaan qabaa, in arimaha Wasiirka Arimaha dibedda in heer Guddiga Arimaha Dibedda iyo Guddiga joogtada lagu xallin karo, wixii xal iyo wadahadal u baahan talo ka sokeysa motion lagu dhammayn karo.

Waxaan aaminsanahay in Wasiir Axmed Fiqi uu yahay nin boos adag kaga jira dadaalada ilaalinta midnimada dalka iyo difaaca gobonimadeena cadawgu weerarka ku tahay.

وبالله التوفيق

Kadib saldhigyadii Shabaab ay ka sameysteen banaanka Muqdisho, maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna beegsadeen xarumo cusub oo ay kooxda ka sameysatay deegaano u dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ciidamadan oo ka koobnaa Haramcad, Boolis Milataaro iyo ciidanka NISA ayaa waxa ay gaareen Beerta Cali Mahdi, Sabyo iyo deegaanno kale oo isku xira gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan waxaa horkacayay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Ibraahim Shaaweey iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Cumar Maxamuud Mahad Alle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalka, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen xarumo maxkamadeed iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

“Halkan waxaan ku joognaa ciidamada qaybihiisa kala duwan oo muddo 24 saac ka badan howlgal ka waday halkan, meesha aan hadda joogno waa maxkamad beenaadkii ee nimanka sharwadayaasha ah dadka ku dhibi jireen” ayuu yiri Cumar Mahad Alle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaabkii dhuumaaleysiga ku joogay halkaasi lasoo afjaray, isla markaana hadda kadib aan la ogolaan doonin inay shacabka u cadaalad doontaan halkaasi.

Howlgalkan wuxuu yimid kadib markii ay dowladdu ka war heshay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo usoo aag bedashay deegaanada ay maanta gaareen ciidanka ammaanka.

Al-Shabaab waxay sidoo kale Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano.

Si kastaba, dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye.

Kooxda Xizbullah oo xaqiijisay geerida Hassan Nasrallah

Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa goor-dhow xaqiijisay in la dilay hogaamiyahoodii Sayid Hassan Nasrallah, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay “ku khaarijisay” weerar ay maalin ka hor ka fulisay koonfurta Beirut. 

“Sayid Xasan Nasrallah, Xoghayaha Guud ee Xizbullah, waxa uu ku biiray saaxiibadiisa waa weynaa ee shahiiday, ee uu hoggaaminayay muddo ku dhow 30 sano,” ayay Xizbullah ku tiri bayaan ay soo saartay. 

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in isaga iyo xubno kale lala dilay “kadib weerarkii khiyaanada ahaa ee Sahyuuniyadda ee duleedka koonfureed” ee Beirut.

Rasaas ayaa kadib xaqiijinta geerida laga maqlayay Beirut, taasi oo ah tilmaan loogu baroor diiqayo hogaamiyaha dhintay, oo ahaa shaqsi diineed ay aad ugu daydaan taageerayaashiisa.

Goor sii horreysay oo maanta ah, Ciidamada Difaaca ee Israel ayaa sheegay in Nasrallah ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

Nasrallah ayaa ilaa hadda ah bartilmaameedka ugu weyn ee ay Israel disho kadib toddobaadyo ay dagaal culus kula jirtay Xizbullah. 

Milatariga Israel waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqayn beegsi huban ah Jimcihii, xilli ay hoggaanka Xizbullah ku kulmeen xaruntooda Daahiye ee koonfurta Beirut. 

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhinteen, 91 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii Jimcaha, kuwaas oo dhulka la simay lix guri oo dabaq ah. 

Ali Karki, Taliyaha Jabhadda Koonfureed ee Xizbullah, iyo taliyayaal dheeraad ah oo Xizbullah ah, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida uu sheegay militariga Israel. 

Nasrallah ayaan inta badan lagu arki jirin fagaarayaasha wixii ka dambeeyey 2006.

Waxaa xogyahaha guud ee Xizbullah loo doortay 1992-kii, isagoo 32 jir ah, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay Israel leedahay ay dishay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Cabaas Al-Musawi.

Daawo: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda lagu magacaabo Geel-doox oo ku taalla dhabar dambe ee guriga hooyooyinka.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurka qarxay la dhigay maqaayadda, kadibna looga tegay.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa maqaayadda ku sugnaa dad badan oo shacab ah, maadaama la joogay waqtigii qadada, sida ay innoo sheegeen dadka aan la hadalnay.

In ka badan 5 qof ayaa ku dhintay qaraxay, halka ay u dhaawacmeen tiro ntaasi ka badan, sida aanu kasoo xiganay dad goobjoogayaal

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa sidoo kale ka dhex muuqday mootooyinka nooca loo yaqaan Bajaajta oo gubtay iyo burbur kale oo gaaray goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka goobtaas qaraxa uu ka dhacay.

Wasiir Fiqi oo mooshin laga gudbiyay maanta iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay u jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan shaqad wasaaradda.

Illaa 90 oo saxiixay mooshinkan ayaa toos ugu gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka waxayna soo bandhigeen eedeymo dhowr ah.

Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu.

Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan.

Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay.

Ugu dmabeyn xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa guddoonka ka dalbaday in si deg deg ah dib loogu eego shaqada wasiirka, si loogula xisaabtamo shaqadiisa.

Xogta dagaal culus oo xalay Al-Shabaab iyo ciidamada DF ku dhex-maray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday.

Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka.

Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.

Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso Al-Shabaab.

Xog: Shabaab oo saldhigyo cusub ka sameystay degaano aad ugu dhow Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka aag bedelatay saldhigyadii ay ku lahaayeen daafaha magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada suga amniga caasimada ay dhankooda u ruuqaansadeen.

Al-Shabaab ayaa dareemay culeys uga yimid ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, waxayna sameysteen saldhigyo cusub oo Muqdisho aan ka fogeyn.

Kooxdii laga saaray daafaha ayaa saldhigyo ka sameysatay deegaano dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo lagu magacaabo Beerta Cali Mahdi, Ceelshaanle, Dareerta, Faadadiir iyo deegaano kale.

Al-Shabaab waxay Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa noo sheegay inay arkeen dagaalamayaal badal oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanadaas soo dhoobtay oo dadka weydiinaya halka ay u socdaan iyo cida damiinka ka ah, sidoo kale waxay gaadiidka u baaraan si adag.

Kooxahaan ayaa sameystay aag aysan u ogoleyn shacabka, ganacsatada Muqdisho iyo dadka u dacwooda ayey ku balamiyaan aagga beerta Cali Mahdi iyo dhul beeraley ah oo u dhow degmada Afgooye.

Kooxdaan ayaa halis weyn ku ah amniga caasimadda, inkastoo ciidamada ammaanka ay baxeen oo deegaansadeen daafaha Muqdisho, hadana Al-Shabaab ayaa ka aag bedeshay fariisimahoodii hore.

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye.

Soomaaliya oo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya geysay QM

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itooboya.

Xamza ayaa shirka ka dhex sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu soo xad-gdubtay madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay qatar ka abuurtay gobolka.

“Soomaaliya ayaa hadda wajaheyso qatar xoogan oo kagag imaaneyso falalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, kuwaas oo si bareer ah ugu xadgudbaya sharafta dhulkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay inay sameysay isku day aan laga fiirsan oo ay ku dooneyso in qayb kamid ah Soomaaliya ay ku darsato dhuleeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Isku deyga Itoobiya ku dooneyso inay ku darsato qayb kamid ah Soomaaliya iyada oo loogu gambanayo sugidda helitaan ee marin biyood waa arrin sharci darro ah oo aan loo baahneyn” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiska uu Abiy Axmed la galay Somaliland uu halis ku yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya, taasina ay diiday dowladda federaalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in markii hore dekedaha Soomaaliya ay u furnaayeen Itoobiya, ayada oo loo marayo iskaashiga dhanka ganacsiga, balse hadda arrintaas ay meesha ka baxday Itoobiyana ay ku kacday xadgudub wayn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya Itoobiya, waxaana fashul kusoo dhammaaday wadahadallo ay horay ugu yeesheen magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Wararkii ugu dambeeyay qarax maanta ka dhacay Jowhar + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Jowhar ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay suuqa lagu iibiyo xoolaha ee magaaladaasi, wuxuuna ahaa miino lagu sii diyaariyay suuqa.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, isla markaana goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Xilliga uu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid mashquul ah oo ganacsato iyo shacab badan ay ku sugnaayeen, maadaama ay Sabti tahay, suuqana la’isugu yimaado.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana mar qura lagu kala cararay suuqa, kadib markii uu dhacay qaraxa.

Sidoo kale waxaa haatan baaritaano dheeraad ah wada saraakiisha laamaha amniga HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, si gacanta lagu soo dhigo kooxdii ka dambeysay .

Caasimada HirShabelle ee Jowhar ayaa waxaa mararka qaar weeraro noocaan oo kale ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka fuliyo magaaladaasi.

Ciidanka DF iyo kuwa ATMIS oo jawaab ka bixiyay weerarkii Shabaab ee Buulo-mareer

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tallaabo deg-deg ah ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Buulo-mareer, kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaaladaasi.

Weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa gelinkii dambe ee shalay ku eekeeyeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, ayada oo dib loo celiyay raggii weerarka qaaday.

Intaas kadib ciidamada huwanta ayaa howlgallo ka bilaabay Buulo-mareer, si gacanta loogu soo dhigo xubnihii Al-Shabaab ee soo maleegay weerarka ka dhacay halkaasi.

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, loogana shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay sameeyeen iska caabin, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aagga Buulo-mareer, si looga hortego weeraradooda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi u socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Marar badan ayay kooxda soo weerartay magaaladaan, waxaana horay khasaare culus ay ugu gaarsiisay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo askar badan looga dilay halkaasi.

Dowladda Mareykanka oo soo afjaraysa howlgalkii Ciraaq

0

Bagdad (Caasimada Online) – Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi shalay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah.

Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga.

ISRAEL oo sheegtay inay dishay Xasan Nasrullah

0

Beyruut (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa’iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

Waxa kale oo ay warka ay soo saareen ay ku dareen ciidamadu in la dilay xubno sare oo iyana ka tirsan ururka soda taliyihii aagga koonfureed ee Xisbullah.

IDF ayaa waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay “bartilmaameedsadeen” xarumaha ururka Xisbullah, oo ay sheegeen in ay ku yaaleen “meel dhulka hoostiisa o laga hoos dhisay dhismo deegaan ah oo ku yaalla aagga Dahieh ee magaalada Beirut.

waxay sheegeen in xilliga weerarku dhacayay “ay xubnaha sare ururku” hawlgalayeen.

Ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan helin XIsbullah.

Kahor weerarka Ciidamada Israel ayaa amray in dadka ku nool saddex aag oo gaar ah ay guryahooda ka baxaan, kadibna waxay fuliyeen in ka badan labaatan weerar oo kale muddo shan saacadood ah.

Kumannaan qof ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo gabbaad ka raadinaya barxadaha, fagaareyaasha iyo laamiyada Beyruut.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah.

Fiqi iyo Hakan Fidan oo labo arrin uga hadlay kulan ay ku yeesheen New York

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay dhigiisa Wadanka Turkiga Hakan Fidan.

Labada masuul oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay ka miradhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo gogoshu ay taallo Ankara.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo aad saaxiib u ah.

Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hadda la qorsheynayaa in la isku arko wareeg 3-aad.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

R/W Xamsa oo Xoghaye Guterres kala hadlay 3 qodob oo xasaasi ah

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Kulankaan waxaa ka horeeyey kulan kale oo weyn oo Ra’iisul Wsaare Ra’iisul Wasaare Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh yaa ka duminaya xasiloonida siyaasadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daba-yaaqaddii asbuucii hore ku guuleystay inuu hoos u dhigo xiisaddii isaga iyo reer Koonfur Galbeed, laakiin markale waxaa la qaaday tallaabo muujineysa in uusan heshiiska daacad ka aheyn dhanka dowladda federaalka.

Maalin kahor waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xildhibaan Ciirow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa kusii jeeday magaalada Baydhabo. Wuxuu weriyaasha u sheegay in taliska nabad-sugidda ka hor istaagay inuu u safro Baydhabo xilli uu u socdo tacsida geerida wiilkiisa.

Xildhibaan Ciirow ayaa toos u eedeeyay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo uu sheegay inuu isagu ka dambeeyay caburinta iyo is-hortaagga lagu sameeyay.

Wuxuu yiri Xildhibaanka, “horey ayuu xarig xildhibaan kursigiisa ugu waayay, haddana wuxuu markale bilaabay caburinta iyo beegsiga xildhibaannada.”

Xildhibaan Ciirow wuxuu durba tegay fadhiga Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay, halkaas oo buux xooggan uu ka bilowday kadib markii uu xildhibaanka dalbaday inuu ka hadlo dhibka loo geystay.

Arrintan ayaa dib usoo faagtay xiisaddii Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah, waxay kale oo muujisay in dowladda dhexe aysan ka laaban go’aankii lagu xayiray liis kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku aragtida ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxay kale oo dhacdadan fursad cusub siinaysa maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna dib usoo celin doona dhaqankii ay Baydhabo ugu diidi jireen dadka ka aragtida duwan, mar haddii ay dowladdii dhexe dariiqaas qaldan aaday.

Illo wareed aan rabin in magaciisa la isticmaalo ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Xasan Sheekh kaalin ku laheyn tallaabada lagu joojiyay xildhibaankan.

Laakiin haddii ay taasi dhab tahay waa inuu madaxweynaha fahma inay jiraan dad wax uga ciyaaraya oo duminaya xasiloonida siyaasadda.

In Xasan Sheekh oo aan hadda haysan Puntland iyo Somaliland uu haddana lumiyo Koonfur Galbeed, macnaheedu waa inuu ku fashilmay isku hayntii iyo midnimaddii dalka.

Si uu taas uga hortago Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu dhulka isku dhigo reer Koonfur Galbeed. Laakiin hadda wixii uu 10 cisho ka shaqeynayay in sidaan fudud loo dhaawaco oo xiisaddii meesheeda lagu celiyo sax ma ahan.

NISA oo loo haysto is-hortaaga xildhibaannada Koonfur Galbeed kama jawaabin eedaha loo soo jeediyay. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u baahan yahay inuu mideeyo aragtidiisa iyo ficilada dowladdiisa.

Dadka reer Koonfur Galbeed ee ka hadlay ficilka lagu hor istaagay xildhibaanka tacsida u socday ee Ciirow waxay leeyihiin majirto si la isku waafajin karo in Xasan Sheekh uu nabad rabo oo uu ergo soo dirsanayo iyo inuu xildhibaannada Koonfur Galbeed u diidan yahay xoriyaddii socdaalka oo uu ku celinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Illo dowladda ka tirsan waxa ay leeyihiin awoodaha sar-sare ee dowladda ayaa isku aragti ka aheyn arrinta Koonfur Galbeed, waana midda keenaysa in tallaabooyin is-khilaafsan la qaado, laakiin madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu iska qabto dadka wiiqaya dadaalkiisa inta aanay xaaladda gaarin meel uuna waxba ka qaban karin.

SACUUDIGA oo dhisay isbaheysi ballaaran oo la xiriira dagaalka GAZA

0

New York (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa dhistay isbaheysi caalami ah ka shaqeeya helidda xal laba dowladood ah oo laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin, waxaa sidaas Khamiistii sheegay wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka dhinaca hadlay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ay ka dhici doonaan Riyadh iyo Brussels.

Kadib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israel, sida ay sheegeen laba il-wareed oo xog ogaal ah, horraantii sanadkan.

“Hirgelinta xalka laba dowladood waa xalka ugu wanaagsan ee lagu jabin karo colaadda iyo dhibaatada soo noqnoqotay, laguna dhaqan gelin karo xaqiiqo cusub oo gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Israel, ay ku naaloonayaan amni iyo wada noolaansho” ayuu yiri Amiir Faisal Bin Farhan.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay todobaadkii hore in boqortooyada aysan aqoonsan doonin Israel ayada oo aan la helin dowlad Falastiin, wuxuuna si kulul u cambaareeyay “dambiyada duullaanka Israel” ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Israel iyo Xamaas ayaa dagaal uu ka dhaxeeyey tan iyo markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Falastiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza ay weerar ku qaadeen koonfurta Israel, 7-dii Octobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, ayna ku qabsadeen ilaa 250 la haystayaal ah.

Israel ayaa ku jawaabtay weerar militari oo ay ku qaaday Gaza kaas oo lagu dilay in ka badan 41,500 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza.

Israel ayaa dhinaca kale sheegtay inay sii wadi doonto ololaheeda xooggan ee ka dhanka ah kooxda Xizbullah ee Lubnaan, ka dib ku dhawaad sanad ay labada dhinac ay gantaallo isku weydaarsanayeen xuduudda.

Sidaas oo ay jirto, haddana Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu maanta sheegay in Israel ay sii wadi doonto inay ka xajaooto hindisayaasha ku aadan xabad-joojin lala galo Xizbullah.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Washington ay ka digtay in dagaalka uu ka sii dara uu sii adkeyn doono in shacabka labada dhinac ay guryahooda ku soo noqdaan.

Rejada wada-hadallo toos ah oo dhex-mara Somalia iyo Ethiopia oo god kusii dhaceysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinayay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha labada dal ayaa u muuqda mid ku guul-darraystay in wada-hadal toos ah isugu keeno madaxda labada dhinac, oo iyagu marba marka ka dambeysa xoog usii kala fogaanaya.