25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Wasiir MAAREEYE oo waji gabax kala kulmay BF kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta waji gabax kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta hortegay.

Kulanka oo la filayay in wasiirka uu ka hadlo, isla markaana uu xildhibaannada kula wadaago shuruuc muhiim ah iyo howlaha wasaaradda ayaa lasoo xiray natiijo la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Maareeye iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda ay shaqo usoo diyaar garoobeen, balse kulankii uu kooram la’aan u baaqday, taasina ay niyad jab ku tahay.

“Xubnaha wasaaradda beeraha waa joogaan niyad jab ayay ku noqotay wasiir Maareeye ayaa ugu horreeyo, maxaa yeelay shaqo ayaa u taallay” ayuu yiri Cabdullaahi Abshirow.

Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray xildhibaannada maqan, isaga oo sheegay in hadda kadib la’isla aadi doono ku dhaqanka xeer hoosaadka,i sla markaana xildhibaankii ka maqnaado kulamada baarlamaanka laga goyn doono lacago ganaax ah.

“Wixii hadda ka dambeeyo jeebkiina ayaa loo dhaadhacaa, xildhibaannada way wada ogol yihiin xeer hoosaadka ayay ku qoran tahay lacagta jareynaa” ayuu mar kale yiri Abshirow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xldhibaannada maqan inay kulanka soo socda ee Arbacda soo xaadiraan, si uu baarlamaanka usii wato howlaha shaqo ee horyaallo.

“Xildhibaannada maanta maqan waxaan ka codsaneynaa inay Arbcada soo buuxiyaan golaha, shirkeenna maantana waa noo xiran yahah” ayuu sii raaciyay.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo guuxa mooshin culus oo qaar kamid ah xildhibaannada ay ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay ku eedeeyee inuu cuuryaamiyay howlahi shaqo ee wasaaradda.

SOOMAALIYA oo heshay kab miisaaniyadeed cusub iyo cidda ku deeqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshay lacag kab miisaaniyadeed ah, taasi oo uu bixinayo Midowga Yurub, oo si dhow u taageera Soomaaliya.

Lacagtan oo dhan 9 milyan oo Yuuro ayey ku dhowaaqday Ms. Karin Johansson, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kadib kulan ay maanta la qaadatay wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay warbixinta wasiirka maaliyadda ee horumarka dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Biixi ayaa dhankiisa mahad-celin kadib, isagoo sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.

Xogta madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle – Maxaa ka jira in uu xanuunsan yahay?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Geelle xanuunsaday oo isbitaal loola cararay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa Twitter-ka (X) kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha, isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal.”

Wasiir Dawaare ayaa qoraalkiisa ku yiri “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, weliba aad ayuu u fiican yahay runtii, qof waa ka heli wayn karaa hoggaamiye, laakiin qof ma necbaa kartid heer aad gaarto inaad ku habaarto dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah.”

Wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaan faahfaahin ka sii bixin safarka madaxweynaha iyo waxa ka jira wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dibadda safar dibada ah u aaday daweyn, basle ma jirto xaqiijin madax-banaan oo warbaahintu heshay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muddo dheer xukunka joogay, wuxuuna yeeshay mucaarad badan, ilaa heer uu gaaray in maanta laga sameeyey been abuur sheegaya “inuu dhintay” balse Caasimada Online waxay xaqiijisay inuu noolyahay oo weliba socon karo.

Waxaa xalay la arkay Madaxwayne Ismaaciil oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, waxaana muuqata in halis caafimaad uusan ku jirin.

Sacuudiga oo qaadayo tallaabo ka dhan ah Israel

0

Riyadh (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saartay dowladda Sacuudiga, ayaa waxay ku sheegtay in Sacuudiga uu taageerayo Lubnaan, iyadoo dhanka kalana ku baaqday in la ilaaliyo “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Lubnaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay, inay isha ku hayeen dhacdooyinka muddooyinii u dambeeyay ka dhacayay dalka Lubnaan, ayna ka ‘walwalsanaayen’ in kastoo Sacuudiga uusan ka hadlin dilki hogaamiyaha Xisbullah, Xassan Nasrallah.

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga gobolka, ayna ka hor tagaan falalka hor seedi karaa xaalado bini’aadanimo.

Dhinaca kale, duqeymaha Israa’iil ee sii socda ayaa laga yaabaa inay ilaa hal milyan oo qof ku qasbaan inay ka barakacaan guryahooda guud ahaan dalka Lubnaan, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati.

“Waa barakaca ugu weyn ee abid laga cabsi qabo inuu dhaco,” ayuu yiri Mikati.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in in ka badan 50 qof ay ku dhinteen duqeymihi Axaddii, laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay Beirut ku dishay, hogaamiyihii kooxda Xisbullah, Xassan Nasrallah, Ha yeeshe Xisbullah ayaa gantaallo dheeri ah ku tuurtay waqooyiga Israel.

Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay inay fulisay “duqeymo ballaaran” oo lagu beegsanayo, bartilmaameedyada milatari ee xuutiyiinta dalka Yemen oo Iran ay taageerto.

Koonfur Galbeed oo dad usoo xirtay qarixii lagu dilay taliyihii BARDAALE

0

Bardaale (Caasimada Online) – Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay qaaday tallaabo la xiriirta dilka taliyihii  ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale, kaas oo shalay lagu dilay qarax miino.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Macallin iyo qaar kamid ah askartiisa ayaa ku dhintay miinada, kadib markii ay la kacday gaariga ay saarnaayeen.

Ciidamada ammaanka oo kadib howlgallo sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay illaa 5 eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen dilka taliyaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shanta qof loo soo qaaday Baydhaba, si loogu sameeyo baariraano dheeraad ah oo ku aadan ku lug lahaanshaha qaraxaasi.

Allaha u naxariistee taliyaha la dilay ee ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday aagga degmadaasi oo uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo kooxda Al-Shabaab looga saarayo halkaasi.

Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta taliyaha iyo askartiisa ee lagu dilay qaraxa miino ee ay u dhigeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Horay sidaan oo kale ayaa waxaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada Baay iyo Bakool ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Darawiishta Koonfur Galbeed.

Israel oo duqeysay dekadda Xudeyda ee Yemen

0

Sanca (Caasimada Online) – Isra’il ayaa sheegtay in Axaddi shalay ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil.

Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah.

Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale.

Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.

Xisbullah iyo Isra’il ayaa duqeymo is weydaaranayay tan iyo 7-badi October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Weeraradi ugu danbeyay ee ay Isra’il ka fulisay

Isra’il waxay Sabtidi sheegtay, in ay dishay ugu yaraan 20 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Xisbulllah oo ay ku jiro Xasan Nasrallah.

Xog: Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo maanta dil ka badbaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa galabta ka badbaaday isku day dil, kadib markii loo dhigay Qarax Miino, balse fashilmay oo aan qarxin.

Sheekh Soomow ayaa u socday guriga Hooyadiis oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana jidka loo dhigay Miino nooca soo boodada ah, balse Allaah ayaa fashiliyey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa faniinay taleefan yar oo miinada laga qarxiyo, sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii.

Ilo wareedyo ka ag dhow Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu Shiiqu watay uu ahaa gaari nooca aysan xabaddu karin oo Buruuf ah.

Sheekh Soomow iyo ilaaladiisa oo bad-qaba ayaa ka gudbay goobtii uu qaraxu yaallay, waxaana halkaas ku baxay ciidamada ammaanka ee degmada Yaaqshiid.

Shaki badan ayaa jira, waxaana kala shakigaan uu saameeyey wasaaradda diinta oo Sheekh Soomow uu ka tirsan yahay.

Kiis kale ayaa xalay dhacay kadib markii gaari lagu hor jaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, waxaana loo diiday in uu kasoo galo isgoysyada Siinaay, Darjiinka iyo Sanca, kadibna gaarigiisa ayaa lagu hor jaray gaari kale.

Culumadaan ayaa ka tirsan dariiqada Suufiyada ee Ahlusunna, waxaana jirta tabasho ay ka qabaan wasaaradda diinta oo ay maamulaan Wasiir iyo Agaasime lagu xagliyo inay lasoo shaqeeyeen Al-Shabaab.

Waa kuma Haashim Safi Al-Diin – Ninka beddeli kara Nasrallah?

0

Beirut (Caasimada Online) – Haashim Safi Al-Diin, oo ah ninka beddeli kara Hassan Nasrallah, hoggaamiyihii ay ilmo habreedka ahaayeen ee Xizbullah, waa mid ka mid ah xubnaha ugu caansan Xizbullah, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay dalka taageera kooxda ee Iran.

Haashim Safi Al-Diin waxa uu muuqaal ahaan aad u shabahaa Nasarallah, hase yeeshee dhowr sano ayuu ka yahay. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 50 dhammaad ama 60 horraad.

Ilo-wareedyo ku dhow Xizbullah, oo codsaday inaan la magacaabin maadaama aan loo ogoleyn in ay la hadlaan warbaahinta, ayaa sheegay in Haashim uu yahay “musharaxa ay u badan tahay inuu qabto xilka sare ee kooxda.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa Haashim, oo xubin ka ah Golaha Shuurada ee gaara go’aanada Xizbullah, ku daray liiskooda “argagixisada” 2017.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku qeexda “hoggaamiye sare” oo ka tirsan Xizbullah iyo “xubin muhiim ah” oo ka mid ah fulinteeda.

Inkasta oo hoggaamiye ku-xigeenka Xizbullah Naim Qassem uu islamarkiiba la wareegayo hoggaanka kadib geerida Nasrallah, haddana Golaha Shuurada ayey qasab tahay in ay kulmaan oo ay doortaan xoghaye guud oo cusub.

Haashim wuxuu xiriir xooggan la leeyahay Iran kadib markii uu waxbarasho diineed ku soo qaatay magaalada barakeysan ee Qom.

Wiilkiisa waxa uu qabaa gabadha Jeneral Qassem Soleimani, taliyihii howlgallada dibdda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo 2020 lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey Ciraaq.

Haashim Safi Al-Diin waxa uu wataa darajada Sayyed iyo qamiiska madow, si la mid ah Nasrallah, taasi oo lagu muujiyo inuu faraciisa galo qoyska Nebi Muxamed Calayhi Salaam, sida Shiicadu qabto.

Si ka duwan Nasrallah, oo muddo sanado ah ku noolaa dhuumaaleysi, Haashim ayaa si furan uga soo muuqanayey dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa diineed.

– Musharaxa ugu xooggan –

Isaga oo caadiyan ah ah nin aad u degan, haddana wuxuu hadal aad u kulul ka jeediyey tacsiyadii dagaal-yahanno ka tirsan Xizbullah oo ku geeriyooday dagaalka sanadka ku dhow ka socda xuduudda ee ay kula jiraan Israel.

Amal Saad, oo ah cilmi-baare ku takhasustay Xizbullah oo ka tirsan Jaamacadda Cardif, ayaa sheegtay in muddo sanado ah, ay dadka sheegayeen in Haashim Safi Al-Diin uu yahay “midka ay ugu badan tahay inuu beddelo” Nasrallah.

“Hogaamiyaha xiga waa inuu ka tirsan yahay Golaha Shuurada, oo ka kooban xubno aad u yar, waana inuu noqdaa qof diinta yaqaan,” ayay tiri.

Haashim “waxa uu leeyahay awood badan…waa musharaxa ugu xooggan,” ayay raacisay.

Xizbullah waxaa lagu aas-aasay hindisaha Ilaalada Kacaanka Iran, waxayna magaceeda “Muqaawamada” ku heshay in ay la dagaalameysa ciidamada Israel ee hyastay Koonfurta Lubnaan illaa 2000.

Dhaq-dhaqaaqa ayaa la aas-aasay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Lubnaan kadib markii Israel ay go’doomisay caasimadda Beirut 1982-kii.

Bishii Luulyo, khudbad uu ka jeediyay xaafadaha duleedka koonfureed ee Beirut, Haashim wuxuu qeexay sida ay Xizbullah u aragto beddelka hoggaankeeda.

“Iska caabinteena… markii hoggaamiye kasta uu shahiido, mid kale ayaa calanka qaata oo sii wada, isaga oo leh go’aan cusub, hubaal ah, oo adag,” ayuu yiri.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho, digniina u diray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaraya maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah.

“Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa uga digay ganacsatada inay isku-dayaan ka dhuumashada canshuurta ay dowladda soo rogtay, “haddii laga dhuunto waa tuuganimo iyo danbi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka Merchant-ga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu dul istaagay caqabadihii kala duwana ee laga soo maray, si loo soo gaaro marxaladdan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya.

Tan ayuu madaxweynaha sheegay inay sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurta-galisay qabsoomidda shirkan sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

“Kalsoonidii caalamka ee ku aaddanayd nidaamkeenna dowladeed waa wanaagsan yahay. Bangiyada waxaa looga baahan yahay in iyaguna kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay xoojiyaan Sharciyada iyo nidaamyada hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaan ku wadnaa dib u habayn.”

Maamulka gobolka Banaadir oo amar cusub kusoo rogay dadka ku nool Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo qoysaska iyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho lagu furayo inay isdiiwaan-geliyaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan diiwaan-galintan ku cusub caasimadda.

“Maamulka gobolka Banaadir markii ay arkeen tiro koob la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan caasimadda si loo helo xog sugan oo la xiriira waxaa la billaabaya diiwaan-galinta,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu intaas kusii daray “Qoys kasta waxaa laga rabaa in ay soo gudbiyaan tirada carruurta, oo ay kamid yihiin magacyadooda, kuwa labada waalid, meelaha ay ku dhasheen iyo xogta cid kasta oo la nool qoyska iyo guud ahaan dhacdooyinka kusoo kordha sida; dhalasho cusub, dhimasho iyo ka guurid goobta ay degan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in amarkaan uu dhaqan-gali doono 1-da bisha soo socota ee October.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in diiwaan-gelinta qoyska uu ka caawin doono qoysaska degan caasimadda inay helaan adeegyo dowladood oo ay kamid yihiin helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha oo ay kamid tahay daryeelka caafimaadka.

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay wax badan ka tari doonto sugnaanta xogta iyo inay adkaato in qofka ka been sheego diiwaankiisa, waana mid aad loogu baahna haddii uusan noqon mashruuc cusub oo shacabka lacag looga aruursanayo.

Khilaafka RUTO iyo ku-xigeenkiisa oo meel xun gaaray – Maxay isku hayaan?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa gaaray meeshii u xumeyd, kadib markii Rigathi Gachagua oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya uu shaaciyay in Ruto uu wado qorshe xilka looga xayuubinayo.

Mr. Rigathi Gachagua ayaa ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu gadaal ka riixayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado, isagoo sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo soo badhigay midkiiba 5 milyan oo shilin, si ay u taageeraan xil ka qaadista isaga ka dhanka ah.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya qaarkood ayaa iska diiday inay qaataan lacagtaasi si ay u meel-mariyaan rabitaanka Ruto, sida uu warbaahinta maxalliga u sheegay Rigathi Gachagua.

“Isku-deygaas marnaba hakad gelin maayo dadaalkeyga ku aaadan in aan u ololeeyo danaha shacabkeygii i doortay,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo si weyn u weeraray William Ruto.

Hadalka Gachagua ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka la horgeyn doono baarlamaanka 1-da bisha 10-aad oo ku aadan maalinta Talaadada ee toddobaadkan, iyadoo saxiixyo kor u dhaafaya 300 la aruuriyay.

Gachagua ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay siyaasad ku salleysan kala qaybin, wiiqidda shaqada madaxweynaha iyo inuu qayb ku lahaa kacdoonadii looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta ee dalkas ka dhacay bilihii lasoo dhaafay.

Si xilka looga qaado madaxweyne ku-xigeenka waa in la helo ugu yaraan saddex-meelood laba meel xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo “Haa” ugu codeeya mooshinka xil ka qaadistiisa.

1989-kii ayey aheyd markii ugu dambeysay ee madaxweyne ku-xigeen Kenya ah xilka looga xayuubiyay eedeymo lamid ah kuwa Gachagua uu wajahayo, waxaana si dhow isha loogu hayaa go’aanka uu baarlamaanka ka gaari doono mooshinkan.

Halka ay iska qaadan karaan tallaabooyinki u dambeeyay ee Xasan Sheekh iyo baaqii DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fasaxay magacaabista saddex siyaasi oo reer Puntland ah 72 saac ee lasoo dhaafay.

Waxaa ku jira taliyihii hore ee ciidanka PSF Asad Cusmaan Diyaano iyo wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Magacaabistan waxay 72 saac ka dambeysay baaq nabadeed oo Saciid uu kasii diray magaalada Garoowe, isagoo dalbanaya in dowladda federaalka ah fagaare ku wada hadlaan.

Xasan Sheekh oo aan ka jawaabin baaqii Deni ayaa bixiyay kuraas uu billooyin kahor siiyay xubno reer Puntland ah. Waxaa durba lala aaday in uusan Xasan diyaar u aheyn inuu Deni la heshiiyo, maadaama uu xilal siiyay mucaaradka Saciid Deni, laakiin xaajadu halkaa ma jirto.

Dhowr arrimood in la fahmo waa muhiim.

1. Dalabka wada-hadalka

Farriinta wada-hadalka ee ka timid Deni iyo aqbalaada Xasan Sheekh midna khiyaarkooda ma ahan ee waa cadaadis ka yimid beesha caalamka. Inay diidaan ama kulmaan waxaa laga eegaya dhinaca Xalane.

2. Xilal bixinta Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay majiro hoggaamiye gobolleed laga talo-geliyay xilalka la siinayo dadka kasoo jeeda maamulkiisa.

Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle midna lagalama tashado wixii federaalka laga siinayo dadka kasoo jeeda deegaanadooda. Deni waa lamid, sidaas awgeed iskuma xirnaan karo magacaabisyadan qorsheysnaa iyo wada-hadalka Deni iyo Xasan Sheekh.

Haddii la yiraahdo waa xubno mucaarad ku ah Saciid Deni, sidoo kale xubnaha federaalka xilalka ka haya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo Galmudug waa kuwo mucaarid ku ah Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, sidaas awgeed isma quseeyaan

3. Bixin qorsheyneyd iyo wada-hadalka

Saciid Deni waa ogaa in Xasan Sheekh xilal u ballan-qaaday Asad Diyaano, Gallan iyo xubno kale oo reer Puntland ah.

Waxaa kasii horeeyay Cali Xoosh oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah, kaas oo isna kamid ah mucaaradka Saciid Deni.

Ballan qorsheysneyd dalabka Deni kahor in loo bur-buriyo baaqaas dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan midna sax ma ahan.

4. Wada-hadal cusub iyo shuruudo cusub

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh colaadooda waxay la xiriirtay kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin hadda waxaa lasoo gaaray waqtigii laga hadli lahaa doorashada dalka.

Deni wuxuu rabaa in arrinta doorashada iyo dastuurka laga heshiiyo. Shuruudihiisa hadda kuma dhiso karo xilal xubno reer Puntland ah laga siiyay dowladda federaalka ah.

Haddii uu Saciid Deni weli leeyahay damac madaxweyne Soomaaliyeed ah waa inuu dooddiisa sal uga dhigaa arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

5. Dabacsanaan guud

Soomaaliya waxay taagan tahay isgoys halis ah, waa xilligii loogu baahida badnaa midnimo iyo wada-jir. Labada nin ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni waa inay dabacsanaan u muujiyaan danta dalka iyo midnimada umadda, oo meesha laga saara qodobadda yaryar ee la xiriira danaha shaqsiga ah.

War cusub oo kasoo kordhay xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa Xisbiga Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada, wuxuuna ku booqday halka uu ku xiran yahay.

Cabdiraxmaan Cirro oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay xaaladda xildhibaanka, wuxuua sheegay inuu ugu tegay xabsiga wayn ee Mandheera.

“Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera  oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib” ayuu yiri musharraxa Wadani.

Cirro ayaa u ballan qaaday Maxamed Abiib inuu garab istaagi doono ka xisbi ahaan iyo musharrax ahaanba, si uu u hello cadaalad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la sameeyay dastuur jabin, isla markaana xarigga xildhibaanka ay ka xumaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland.

“Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu markale yiri musharraxa Cirro.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka arrintan ka dameysa ay tahay in afka la qabto xildhibaan Maxamed Abiib oo uu u amaanay inuu yahay xildhibaan codkar ah, dulmidiid ah.

“Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Abiib oo muddo xiran ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay.

Xildhibaan ayaa waxa ay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi , waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland ay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxweyne XASAN oo shaaciyay in Itoobiya ay qabsatay garoomada GEDO iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefeshinka Al-jazeera ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay qabsatay qayb kamid ah Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa si toos ah u carab baabay ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo, wuxuuna sheegay inay qabsadeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka ku eedeeyay inay hub soo geliyeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaad qabaa’il oo gudaha ku sugan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay bannaanka keeneen farogelin uu tilmaamay in weligeed ay Itoobiya ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya.

Inta uu ku guda jiray wareysiga waxaa kale oo uu madaxweynhu meel adag ka istaagay heshiiska badda ee dhaliyay xiisadda haatan u dhexeyo labada dowladood.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada o muddooyinkii u dambeeyay Itoobiya ay dhaq-dhaqaaq ka waday gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, halkaas oo ay soo gelisay ciidamo dheeraad ah, kadib markii ay sii laba qarxay xiisadda labada waddan.

Madax goboleedyada oo kusoo jeeda Muqdisho iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb-galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in horaanta bisha October uu ka dhaco Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono madaxda sare ee dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka la reebo Puntand.

Villa Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe culus oo ku aadan sidii uu qabsoomi lahaa shirka, waxaana ajendaha ugu wayn uu yahay doorashada oo ay dhinacyadu ku kala aragti duwan yihiin.

Shirka ayaa in muddo ah wajahayay caqabad xoogan oo ka imaaneysay maamullada qaar kamid ah, sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna dib u dhacay dhowr jeer labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxda dowladda federaalka ayaa sidoo kale juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo, isaga oo shalay uun kasoo laabtay safar dalka dibaddiisa ah, kadibna dib ugu laabtay fadhigiisa magaalo xeebeedka Kismaayo.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa isna kamid ah madaxda diidan inay magaalada Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee waddanka.

Shirka ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo gudaha iyo dibadda ah, taas oo maareynteeda looga baahan yahay madaxda shireysa.

Itoobiya oo qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dab kusii shiday xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeyso Soomaaliya.

Taye Atske-Selassie ayaa ka dhawaajiyay hadallo kul-kulul oo ka dhan ah Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhammaan sheegashada Soomaaliya iyo eedeymaha ay u jeedineyso xukuumadda Addis Ababa ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay iska ilowdo heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo Somaliland, taas beddalkeedna ay xoogga saarto arrimaheeda gudaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa heshiiska badda ku macneeyay inuu ku saleysan yahay hannaan looga gol leeyahay in lagu hormariyo kobaca gobolka, sida uu ku dooday.

“Sidaas darteed, waxaan diiday eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee dalkayga loo jeediyay. Magaca Itoobiya marna lama xiriirin karo eedeymahan midkood.” ayuu yiri Taye.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay isku dayayso in ay daboosho xiisadaha ka jira gudaheeda iyada oo hurineysa colaad, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ahaa mid ay Itoobiya uga jawaabeysay khudbad uu ra’iisul wasaare Xamza isna ka jeediyay shirka QM, taas oo uu ku dhaleeciyay maamulka Abiy Axmed.

Si kastaba, xiisadda labada dowladood ayaa u muuqato mid kasii dareysa, maadaama ay weli Itoobiya ku adkeneyso heshiiska badda ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda dhexe oo go’aan adag ka qaadatay heshiiskaasi.

Dad SHACAB ah oo lagu afduubtay gobolka BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dad shacab ah lagu afduubtay deegaan dhaca xadka ay wadagaan gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay weerar ka gaysteen maleeshiyaad hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka ay yimaadeen deegaan u dhow degmada Rabdhuure, isla markaana ay halkaasi ka kaxeysteen illaa 8 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan dhalinyaro, carrruur iyo dad waa waynba.

Maleeshiyaadka afduubka gaystay ayaa lasoo wariyay inay isku soo ekeysiiyeen ciidanka Liyu Boolis ee dowlad deegaanka, kadibna ay xoog ku wateen dadkaasi rayidka ah.

Lama oga halka ay la aadeen, waxaana arrintan ay cabsi xoogleh ku abuurtay dadka shacabka ee ku dhaqan gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan afduubka ah ay salka ku heyso xiisad la xiriirta aano qabiil oo ka taagan halkaasi, taas oo muddooyinkii u dambeeyay kasii dareysay, waxaana jiray dad kala duwan oo horay loogu afduubtay halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Bakool iyo sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad deegaanka oo ku aadan shacabka lagu afduubtay halkaasi.

Xaalad kacsanaan ahaa weli laga dareemayaa aagga degmada Rabdhuure oo ah halka laga kaxeystay shacabka, waxaana soconayo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaadka ku sugan halkaasi.

Xogta shir xasaasi ah oo xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay ku yeesheen guriga SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh, kaas oo looga hadlay xaaladda dalk.a

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galay ku dhawaad 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ay kamid ahaayiin guddoomiyeyaal hore ee gobolka Benaadir, iyo wasiiro hore.

Dhinacyadan oo u wehlinayay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha shiray ay sidoo kale falanqeeyeen go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa hub ka dhigista laga sameynayo Muqdisho, waxayna is tuseen in aanay hadda suuragal ahayn, maadaama ay iyagu mas’uul ka yihiin amnigooda, welina dalka ay ka jiraan daruufo adag oo dhanka amniga ah.

Sidoo kale waxaa xildhibaannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee shiray ay soo hadal qaadeen arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxayna tilmaameen in xilligan aanay dalka ka qabsoomi karin doorashadaas, sababo la xiriira waqtiga oo aad ugu yaray dowladda.

Waxaa kale oo lagu ballamay inay shirarku sii socdaan, isla markaana ay isku laabtaan xubnahan, si ay usii wadaan doodooa ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Maalmihii u dambeeyay xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Soomaaliya ka waday gudaha caasimada, waxaana guuxan uu sii xoogeystay markii uu madaxweynuhu shaaciyay in la sameynayo hub ka dhigis.

4 arrin oo Axmed Fiqi uu ka sameeyey wasaaradda A/Dibedda oo lagu haysto

0

Mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi waxyaabaha sida dhabta ah ka dambeeya tallaabadan waxaa kamid ah inuu adkeeyay;

1- Habraaca lagu qaato Baasboorka Diblomaasiga ah iyo kan Shaqaalaha. Waa tallaabo bogaadin mudan oo uu kaga saxsan yahay Xildhibaannada.

2- Habraaca lagu dalbo Dal-ku-galka Yurub iyo Ameerika oo ay Xildhibaannada qaar ku dhoofiyeen tahriibayaal ay ku jiraan eheladooda. Tallaabadan waxaa sidoo kale qeyb ka ah qaar kamid ah Guddoonka Barlamaanka oo caddeymo buuxdo laga hayo dadkii ay dhoofiyeen.

3- Hannaanka lagu qoro shaqaalaha cusub ee Wasaaradda oo ay qaar kamid ah ergadii soo dooratay ku doonayaan in loogu meeleeyo safaarado dibadda ah.

4- Kala wareejinta diblomaasiyiinta oo ay qaarkood hal shaqo hayeen 10 sano ka badan hal dal taasoo culeys ku abuurtay diblomaasiyiin deegaan rasmi ah ka dhigtay dalalkii loo diray, qaarkoodna ku milmeen dalalkii la geeyay.

Dhammaan tallaabooyinkaas waa in Wasiir Fiqi lagu bogaadiyaa, laguna garabsiiyaa si Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u gudato waajibaadka ka saaran horumarinta iyo kobcinta diblomaasiyadda dalka ee fagaarayaasha caalamka.

W/Q: Abdinur Mohamed Ahmed
Agaasimihii hore ee warfaafinta Villa Somalia

Sidee looga falceliyay dilka Xasan Nasrallah

0

Beyruut (Caasimada Online)  – Kaddib marki ay Xisbullah Sabtidi shalay xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii Hassan Nasrahallah, ayay xalay rag hubeysani rasaas kor u ridayeen gudaha caasimadda, halka goor hore la xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyada oo ay taageerayaasha Xisbullah sheegeen in ay galeen xaalad naxdin ah.

Bayaan ay soo saartay shalay ayay Xisbullah ku xaqiijisay dilka Nasrallah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay habeenki Jimcihi Isra’il ku bartilmaameedsatay xarunta dhexe ee Xisbullah ee koofurta magaalada Beyrut.

Dhanka kale hoggaamiyaha gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa ka falceliyay dilka hoggaamiyaha Xisbullah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in jidka Nasrallah “uu sii socon doona, hadafkiisana lagu xaqiijin doonaa xoreynta Qudus”.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtidii ku tilmaamay weerarka Israel ay ku dishay Hezbollah Hassan Nasrallah “cabbir cadaaladeed” kaddib afartan sano oo uu malgeeyayay buu yiri falal argagixiso. Wuxuu kaloo sheegay in muddadi uu hoggaaminayay Xisbullah, ay kooxdu mas’uul ka aheyd dilka kumannaan Mareykan ah.

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan ayaa isna qoraal uu soo dhigay barta X kaga hadlay xaaladda gobolka. Isaga oo aanan xusin magaca Nasrallah, ayuu Erdogan sheegay in uu cambaareynayo weeraradi ugu danbeeyay ee Lubnan, kuwaas oo uu ku sheegay in ay qeyb ka yihiin siyaasadda Isra’il ee xasuuqa, qabsashada iyo duullaanka.

Dunida Muslimka ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan mowqif ka badan go’aan qaadasho

Xasan Nasrallah waxaa xogyahaha guud ee Xizbullah loo doortay 1992-kii, isagoo 32 jir ah, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay Israel leedahay ay dishay hoggaamiyihii ka horreeyay ee Cabaas Al-Musawi.